Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baarlamanka Puntland ayaa maanta go’aamiyay in loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka si loola xisaabtamo. Dhammaan wasaaradaha xukuumadda Puntland ayaa ka hoos maray heerkii shaqo ee laga filayay sida lagu ogaaday qiimayn uu sameeyay Baarlamanka. Baarlamanka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan lacago sharci-darro ah oo dowladdu qaaddo oo u baahan in lagula xisaabtamo. Go’aanka Baarlamanka ayaa ku soo beegmay iyadoo lagu wado in Madaxweyne Deni uu berri u safro dalka Itoobiya. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo go’aamiyay in loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka appeared first on Puntland Post.
  2. Ururrada Siyaasadda ee Somaliland ayaa aqoonsi ka raadinaya Komishanka doorashooyinka Somaliland Ururrada Siyaasadda ee Somaliland ayaa markii labaad warqad u diray Guddida doorashooyinka Somaliland, oo wakhtigan ku mashquulsan diyaarinta hawlaha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka iyo wacyi gelinta diiwaan gelintaasi. Ururrada Siyaasadda ee dhawaan loo gudbiyey Komishanka doorashooyinka, ayaa u muuqata kuwo ka raadinaya Guddida doorashooyinka in ay u aqoonsadaan in ay yihiin daneeyayaal ka mid ah kuwa doorashooyinka, madaama oo ay hore u jireen daneeyayaal saddexda Xisbi ah. Komishanka doorashooyinka ayaa weli u jawaabin Ururrada siyaasadda ee danaynayaa in ay qayb ka noqdaan hawlaha ay wadaan Komishanku. Komishanka ayaa la weriyey in ay ka cago jiidayaan la kulanka Ururrada Siyaasadda, iyaga oo iska fogaynaya in ay qayb ka noqdaan murannada dhinaca siyaasadda ee dalka ka taagan in ay qayb ka noqdaan, maadaama oo aanay jirin illaa imika doorashooyin daneyayaashu isku raacsan yihiin in la qabto, balse dhinacyadu mid walba doonayo mid uu doonayo in la soo horeysiiyo. Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaan ilaa imika ka hadal doorashada Ururrada Siyaasadda, maadaama oo loo gudbiyey Liiska Ururradii soo gudbay ee doorasho sugayaasha ah. Dhinaca kale, Komishanka doorashooyinka ayaa hore u sheegay in ay muddo sagaal bilood ah ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada, iyada oo sagaalkii bilood laba ka mid ah tageen, tii saddexaadna lagu jiro. Qaran News
  3. Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Ergo ka socota Dalka Norway oo kala ah, Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu. Ugu horrayn, Ergada iyo Madaxda Mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, waxaanay Madaxda mucaaradku ay Ergada u sheegeen in aanay immika haboonayn in dib loo bilaabo, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan Doorashooyinka, isla markaana ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyadu. Madaxda Mucaaradka ayaa sidoo kale Ergadan siiyay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo mawqifkooda ku aaddan khilaafka cakiran ee ka jira Doorashooyinka. Waxaanay intaasi ku dareen in Xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aanay ixtiraamayn sharciga oo ay samaysay sharci-jabin badan oo ay kamid tahay muddo kordhin aan sharci ahayn oo ay kororsatay. Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa sidani sheegay Qaran News
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ttoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay markale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan. Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada. Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA. Dadka ku dhintay deegaanka Kiramu ayaa waxaa ka mid ah garsoore deegaanka ka howl gala iyo ciidamo ka tirsan booliska gobolka. “Waxaa jirtay horumar tan iyo markii ciidamada federaalku ay galeen magaalada Anger Gute,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dadka deegaanka Maamulka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah maadaama jidgooyooyin halis ah oo ay dhigteen kooxaha hubeysan ay caqabad ku noqdeen isu socodka gobolka. Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeysa, maalmo uun kadib markii ay heshiis nabadeed gaareen dowladda federaalka iyo Jabhadda TPLF oo ku dagaalamay waqooyiga dalkaas. The post Xiisad horleh oo Itoobiya kasoo cusboonaatay kadib heshiiskii TPLF appeared first on Caasimada Online.
  5. 25 qof ayaa lagu xiray howlgalo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda. Jarmalku waxa uu sheegay in kooxdan xagjirka ah ee midigta-fog iyo kuwo hore uga tirsanaan jiray milatariga ay qorsheeyeen in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka ee Reichstag oo ay awoodda la wareegaan. Aristocrat yar oo lagu tilmaamay Prince Heinrich XIII, 71, ayaa lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa qorshahooda. Sida laga soo xigtay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah, waa mid ka mid ah laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay hormuud ka ahaayeen kuwa lagu xiray 11 gobol oo Jarmal ah. Xubanaha afgambiga ayaa la sheegay in ay ku jiraan xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee Reichsbürger [Muwaadiniinta Reich], kuwaas oo in muddo ah booliiska Jarmalka uu ku daba jiray. Qiyaastii 50 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen kooxda afgambiga, waxaana la sheegay inay maleegayeen inay afgembiyaan jamhuuriyadda oo ay ku beddelaan dawlad cusub oo loo qaabeeyey Jarmalka sannadkii 1871-kii oo ahaa boqortooyo la odhan jiray Reich labaad. Saddex kun oo sarkaal ayaa ka qeyb qaatay 130 weerar oo ka dhacay dalka intiisa badan, iyadoo labo qof lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga. Dadka la xiray ayaa lagu waday in su’aalo la weydiiyo gelinka dambe ee maanta. Wasiirka cadaalada Marco Buschmann ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in hawlgal wayn oo ka dhan ah argagixisadu uu socdo, lagana shakisan yahay “weerar hubaysan oo lagu qaado Jarmalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland. Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka. Madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu horeyntii bogaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada. Waxa uu ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, isaga oo la wadaagay bulshada in shirarkan iyo kuwa lamidka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada dalka oo laga qeyb-geliyo bulshada kala duwan. “Waa sababta loo rabo in dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.” Culimaa’udiinka kala duwan ee ka hadlay munaasibadaasi ayaa dhankooda tilmaamay in kulankaan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun. Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha Puntland uga mahad-celiyeen wada-shaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada. The post Muxuu yahay shirweynaha DENI uu ka furay Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
  7. Maamulka Gobolka Nugaal oo ay weheliyaan maamulka degmada Garoowe iyo saraakiisha Laamaha Amniga ayaa maanta go’aanno ka soo saaray Amniga Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Xasan Tooxyare oo shirkaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in gebi ahaanba magaalada Garoowe laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Laamaha Amniga ee hawlgallada ku jira oo keliya loo ogol yahay Hubka isagoo ku hanjabay in tallaaba adag laga qaadi doono ciddii jebisa amarkaas. Cawil Tooxyare ayaa sidoo kale digniin u jeediyay kooxaha ka ganacsida maandooriyaha oo sida uu sheegay tallaaba sharciga waafaqsan laga qaadi doobo ciddii lagu helo falalkaas. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Caasimadda Garoowe oo gebi ahaanba laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo dhinaca kale shuruud adag ku xiray wadahadal uu la galo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ay qaadan doontaa maalmo kooban, sida ay shaacisay xarunta madaxtooyada. Sidoo kale waxaa madaxweyne Muuse Biixi safarkan ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Jabuuti oo uu ugu horreeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Socdaalkan wuxuu kusoo aadaya, xilli haatan Jabuuti uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin kahor soo bandhigay qorshihiisa ku aadan wadahadalka Somaliland. Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland oo kahor inta uusan u bixin Jabuuti la kulmay wakiilada Turkiga iyo Norway u qaabilsan wadahadallada labada dhinac ayaa miiska soo saaray shuruudo uu ku xiray wadahadallada la qorsheynayo in markale dib loo bilaabo. Halkan hoose ka aqriso:- 1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen. 2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida. 3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka. 4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan. 5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono. 6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka. 7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan. The post BIIXI oo shuruud ku xiray wadahadal uu la galo Xasan Sheekh, kadibna u baxay Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  9. Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay wax ka-beddelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. 35 mudane ayaa u codeeyay meel-marinta wax ka-beddelka xeerkan, oo aysan jirin cid diidday, waxaase ka aamusay hal xildhibaan oo keliya, sida lagu sheegay war ka koo baxay Baarlamanka. Xeerkan oo ka kooban 56 qodob ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland. Xeerka ayaa sidoo kale qeexaya ilaalinta u sinnaanta fursadaha shaqo ee dowladda, ilaalinta iyo maareynta Xogta Shaqaalaha. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo meel-mariyay wax ka-beddelka xeerka Shaqaalaha rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  10. FARIBAULT, Minn. (AP) — A southern Minnesota school district voted Monday to accept a $1.1 million state grant meant to help curb drug use among students of color, after a pair of board members had delayed accepting the money last month by arguing it could discriminate against white students. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuti ee caasimadda dalka Jabuti. Muuse Biixi ayaa kulama kula qaadan doonna inta uu ku sugan yahay dalka Jabuti madaxda dowladdaas. Warar kale oo ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu kulan la yeelanayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan dalka Jabuti. Kulanka ayaa looga hadli doonna sidii dib loogu sii wadi lahaa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kawada hadli doona sidii looga gungaari laha wadahadalada labada dhinac. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu uga mira dhalin lahaa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud uu soo bandhigay qorshihiisa ku aadan in la amba qaado dooda labada dhinac. Ugu horreyn Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid in xilligan la furo wadahadal u dhexeeyo xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan wax shaqo ku laheyn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu ku dooday. “Wadahadal lala furo Somaliland waxay u tixgalin doontaa mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa’ilku ka taliyo ee Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID. Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo tilmaamay inuu uusan metalin shacabka Somaliland. Siyaasigan oo aan hadalka la gamban ayaa shaaca ka qaaday in shardiyaddii ay ka dhammaatay Biixi, islamarkaana kaliya uu metalo xisbiga Kulmiye. “Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye,” ayuu markale yiri Injineer Faysal Cali Waraabe. Si kastaba, wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyey hakad galay, balse dowladda federaalka ayaa haatan shaaca ka qaaday inay dib u bilaabeyso dadaalkeeda, kadib kulan uu madaxweynuhu la yeeshay Danjiraha Turkiga Mehmet Yılmaz, iyo Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee arrimaha Somalia Haakon Svane. The post Faysal Cali Waraabe oo ka horyimid wadahadallada Somalia iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  13. A teen killed in a violent attack at a popular Melbourne beach on the weekend was critically injured in a fatal car crash last year, which reportedly impeded his ability to run away. Source: Hiiraan Online
  14. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi aanu haysan sharciyad uu ku matalo shacabka Somaliland oo uu kula hadlo Soomaaliya. Guddoomiyaha oo guud ahaanba kasoo horjeeda, wada-hadalo lala galo Soomaaliya, ayaa sheegay in anay jirin Somaliland wax ka galay 5 gobol oo qabiilo ka taliyaan, isaga oo u jeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya. “Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye, wada-hadal lala furo isaga, Somaliland waxay u tixgalin doontaa mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa’ilku ka taliyo ee Soomaaliya” ayuu yidhi Waraabe. Guddoomiye Waraabe oo hore qayb uga ahaa wada-hadaladii xukuumadii Siilaanyo la gashay xukuumadihii hore ee Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbeeyay kasoo horjeestay wada-hadalada, isaga oo sheegay in wada-hadalku aanu Somaliland faa’iido u lahayn. Hadaba, ergo ka socota waddamada Norwey iyo Turkiga, oo Somaliland safar ku jooga ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu dib wada-hadal ula furo xukuumada Soomaaliya, codsigaasi oo uu madaxweynuhu ku xidhay shuruudo dhowra oo ay kamid yihiin in la fuliyo heshiisyadii hore labada dhinac u galeen. Dhimaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna la kulmay ergada ka socota Norwey iyo Turkiga, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay soocelinta wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  15. Xulka Morocco ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhammaadka koobka adduunka kaddib markii ay rikoodhayaal 3-0 ku garaaceen dhigooda Spain, ciyaar leysku daalay ay ku wada ciyaareen garoonka Education City Stadium. Magaalada Rabat ee Caasimadda Morocco waxaa xalay qabsaday dabbaaldegyo waaweyn oo ay dhigeen taageerayaasha Xulkaas iyaga oo horay usoo qaatay sawirro muujinaya sida uu dalkaan ugu heelan yahay hanashada koobka Adduunka 2022. Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Rabat waxaa lagu arkayay Gawaadhi lagu xardhay calanka Morocco, Dad lugeynaya oo qaarkood watay Koobka Adduunka & Goobaha Dadweynaha isugu tagaan oo shaashadaha lagala socday ciyaarta. Morocco waa xulka keliya ee Afrika ah ee ku hadhsan Koobka Adduunka 2022 ee sanadkaan lagu qabtay Waddanka Carbeed ee Qatar kaddib markii tartanka laga reebay Xulalka Senegal, Cameroon, Tunisia & Ghana. Sidoo kale, Morocco waxa uu kamid yahay dalalka Carabta ee Islaamka waxa uuna dalkaas ku beegmay Portugal oo labadooda xulkii badiya usii gudbaya 4 dhammaadka. Source
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in beri oo Khamiis ah uu safar ugu boxo magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in safarkan uu qaadan doono dhowr cisho islamarkaana ay madaxweynaha ku wehlin doono xubno ka tirsan madaxtooyada oo aad ugu dhow. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Garoowe ayaa innoo xaqiijiyay in Saciid Deni uu haatan isku diyaarinayo safarka uu ugu ambabaxayo magaalada Addis Ababa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Puntland uu dib dhigay kormeer uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuuna ka horreysay safarkiisa Itoobiya. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi. Itoobiya ayaa xiriir dhow la leh qaar kamid ah maamuleeyada dalka oo ay ugu horreyso Puntland, ayada oo Saciid Deni uu marar kala duwan booqasho ku tegay dalkaasi. Safarak cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo uu maalin kahor booqasho ku yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna ku laabtay Garoowe. The post XOG: Madaxweyne Saciid Deni oo kusii jeeda dalka ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.
  17. IMAA interpreter saw need and professional opportunity when he arrived in the United States and continues to help people communicate in Rochester. Source: Hiiraan Online
  18. Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay degaanka Farjanno oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Laba gaari oo maarked iyo Candha-meydle ah ayaa isku dhacay waxaana ku dhintay Laba ruux halka saddex kalena ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay Booliiska Puntland. Booliiska ayaa sheegay in shilkan markiiba ay ka hawlgaleen Ciidamada Ilaalinta Nabad-gelyada Waddooyinka islamarkaana dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay geeyeen isbitaalka weyn ee degmada Buurtinle. Qoraal ka soo baxay Booliiska Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan lagu hayo sida shilkaas u dhacay. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  19. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage oo lagu soo gabagabeeyay dalkaasi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore boggaadiyay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo inta badan gobollada dalka. Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay toostay, islamarkaana ay u midowday sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab. “Haddii maalin la toosi lahaa maanta waa la toosay dadkii dhan wuu wada jeedaa cid loo daneynayaa ma jirto, waa in la’iska dhiciyo,” ayuu yiri madaxweyne Geelle. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Soomaaliyey howshaas waa loo dhan yahay Xasan Sheekh uun maaha, waa in loo dhammaado, xaqana lagu dagaalamo,”. Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan ay qayb ka yihiin ka dowlad ahaan, isla-markaana ay sii wadi doonaan garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed. “Dagaalka aan ku wadajirno meel uu na dhigaba waan sii wadeynaa, hadda inyar uunbaa hartay,” ayuu markale yiri madaxweynaha dalka Jabuuti. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ay kordhisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaas oo deegaanno iyo degmooyin cusub looga qabsaday kooxda Al-Shabaab. The post Muxuu madaxweyne Geelle ka yiri kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ka kooban dhowr wasiir ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya. Wafdigan oo ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaan garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee dalkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalka Itoobiya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Sonna. “Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay taageero weydiisan doonto Itoobiya, kaas oo ku aadan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee socdo. Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogan gudaha Soomaaliya, sidoo kale dhawaan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha galeen dalkaasi, kadibna ay weerareen dowlad deegaanka.\ Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan u jiheysay dagaal dalka looga xoreynayo Al-Shababa, waxaana ka qayb qaadana shacabka, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda. The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Khamiista u safro dalka Itoobiya. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in Madaxweyne Deni uu Khamiista ku wajahan yahay magaalada Addis Ababa. Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Itoobiya. Safarkan ayaa soo aaday xilli la filayay in Madaxweyne Deni u safro magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  22. Hargeisa (HOL) - Somaliland President Muse Bihi Abdi met with delegations from Norway and Turkey in Hargeisa on Tuesday to discuss the resumption of talks between Somalia's federal government and the breakaway region of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  23. The Somali Bantu community in Pittsburgh is small but organized. Refugees began arriving in the city from camps along the Somali border in the early 2000s. Members of the community started the Mwanakuche Farm. A site in Mercer County raises chickens and goats for the Somali Bantu and people from other African countries in the region. And there’s also a volunteer-run community garden in Pittsburgh. Source: Hiiraan Online
  24. JAKARTA — Indonesia’s parliament on Tuesday banned sex outside marriage with a punishment of up to one year in jail, despite worries the laws may scare away tourists from its shores and harm investment. Source: Hiiraan Online