-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Argentina ayaa koobka adduunka ka reebtay xulka Croatia iyadoo 3 – 0 kaga badisay. Argentina ayaa iska xaadirisay Finalka koobka adduunka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab. “Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda. Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu beegsaday maleeshiyaadka Alshabaab oo xilligaasi doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwadeegaanka ay ku dagaalameen Bariga Degaanka Obaale. Duqeynta ayey inta badan fuliyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, waxaana tirada qasaaraha ay ku kala duwan yihiin Taliska AFRICOM ee Mareykanka iyo Dowladda Federaalka. Waxaa sidoo kale jiray warar ay dowladda ku sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Turkey ay mararka qaar fuliyaan duqeymo, balse dowladda Turkey weli ma xaqiijin arrintan. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka ay si dardar leh uga socdaan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay hujuumayaan deegaanada ay kooxahaasi ka maamulaan gobolkaasi. Ciidamada ayaa isku fidinaya deegaanada dhaca duleedka Degmada Mahadaay ee ku teedsan Webiga Shabelle, gaar ahaan aagga Cali Fooldheere. Hawlgal kale oo midkani barbar socdo ayay ciidamada ka wadaan deegaano kale oo dhaca duleedka Degmada Aadan Yabaal. The post 30 xubnood oo Al-Shabaab ah oo isku goob lagu dilay xilli dagaalka uu xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
-
Maayir ku-xigeenka Burco oo ka soo baxay,kana tirsanaa Xisbiga Ucid ayaa shaaciyey inuu dhisayo Muuse Biixi & xisbiga kulmiye,ka dib markii uu madaxtooyada kula kulmay madaxwayne Biixi. Maayar-xigeenka ayaa Boggiisa Face-book-ga soo dhigay Qoraalkan:- 178178 68 comments 5 shares Like Comment Share Qaran News
-
Xulka kubbadda cagta dalka Argentina ayaa u soo baxay kama dambeysta (final) koobka adduunka 2022 ee ka socda dalka Qatar, kaddib markii ay 3-0 ugu awood sheegteen xulka Croatia. Hal gool oo Lionel Messi dhaliyay iyo labo uu dhaliyay Julian Alvarez ayay Argentina ku garaacday Croatia oo soo bandhigtay cayaar ka hoosaysa midii laga filayay. Hoggaamiyaha xulka Argentina Lionel Messi oo 35 sano jir ah ayaa doonaya in uu markii ugu horreysay ku guuleysto koobka adduunka, ka hor inta uusan ka fariisan xulkiisa. Argentina waxay koobka adduunka horay ugu guulaysatay labo jeer oo kala ah 1978 iyo 1986. Argentina ayaa 28 bishan kulanka kama dambeysta (final) koobka adduunka la cayaari doona midkood xulalka France iyo Morocco oo habeen dambe wada cayaaraha kulanka afar dhamaadka. PUNTLAND POST The post Argentina oo u soo baxday kama dambeysta koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Qeexidda cusub ee ereyga ‘dumar’ kuma salaysna saynis. Siyaasad ayay ku salaysan tahay. London (Wararka PP) — Wargeyska maalinlaha The Times ayaa qoray in qaamuuska Cambridge Online Dictionary lagu dhaliilay beddelista qeexidda ereyga ‘dumar’. “Qaamuuska Cambridge oo Internetka laga akhrisan karo ayaa sameeyay qeexid dheeri ah ee ereyga [dumar]…” ayuu wargeysku wariyay. Qeexidda Qaamuuska Cambridge ka bixiyay ereyga dumar marka la tarjumo waa sidan: “dumar: qof qaangaar ah oo u nool isuna taqaan dumar ahaan inkastoo laga yaabo inay lab ahayd markii la dhalay”. Tafaftirayaasha Qaamuuska Cambridge ayaa bishii Oktoobar beddelay qeexiddii hore ee ereyga kaddib “markay eegeen sida bulshadu u isticmaasho ereyga”. Sida Cambridge Dictionary u qeexay oo weedho u geliyay ereyga ‘woman’. Qaamuuska Cambridge wuxuu sidoo kale wax ka beddelay qeexidda ereyga ‘nin’: “Qof qaangaar ah oo u nool isuna yaqaan nin ahaan inkastoo laga yaabo inuu dheddig ahaa markii la dhalay”. Dadka dhaliilay qeexidda cusub ayaa sheegay in ololeyn muddo socotay ay sababtay wax ka beddelista qeexidda labada erey. © Puntland Post, 2022 The post Qaamuuska Cambridge oo beddelay qeexidda ereyga ‘dumar’ appeared first on Puntland Post.
-
Puntland ayaa fasaxday labo diyaaradood oo maalmihii la soo dhaafay fadhiyay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir. Sida ay ogaatay Puntland Post, labada diyaaradood iyo shaqaalihii la socday waxay galabta ka duuleen Garoowe, kaddib markii baaritaan ay Puntland ku sameysay lagu xaqiijiyay in aysan wax kiis ah la hayn. Diyaaradaha oo la sheegay in ay u socdeen dalka Pakistaan ayaa Madaxweynaha Puntland ka shakiyay xilli uu garoonka ku sagootinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan dhab ah ku sameeya labada diyaaradood. PUNTLAND POST The post Puntland oo fasaxday diyaarado ku xanibnaa Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Madaxtooyadii Al-Shabaab ee Villa Aadan-yabaal wuxuu galabta kula hadlay boqolaal shacabka degmada ah. Taliyaha ayaa shacabka ku nool degmada Aadan-yabaal wuxuu ka dalbaday inay ciidanka gandho u dhisaan, maadaama aysan halkaan ka laabaneyn oo ammaanka Aadan-yabaal ay sugi doonaan, ilaa kooxda laga guuleysto. Sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa shacabka degmadaas fagaarahaan uga balan qaaday in hal askari oo ka mid ah ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal uusan dib uga laaba doonin, isagoo ka dalbaday shacabka inay cabsida iska dhaafaan. Dadka reer Aadan-yabaal ayaa fagaarahaan ka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen kooxda Al-shabaab, sida in aad loo caburi jiray, raxmadda Allena aysan heli jirin, “Seddax sano Roob nooma di’in, laakiin markii aad ragaas naga xoreyseen, raxmadii Alle ayaa noo hoortay oo maanta Aaran ayaan joognaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool Aadan-yabaal. Sidoo kale oday kale ayaa sheegay in waayihii ay Al-Shabaab xukumayeen Aadan-yabaal ay la kulmeen eex badan, “Galabtii maqaayadaha dhan waa la xiri jiray, hal maqaayad oo Bay iyo Bakool la yiraa oo ayagu ay la haayeen ayaa la isugu tegi jiray, eexda ay nagu sameeyeen mid loo dul qaada karo ma aheyn,” ayuu yiri oday kale. Jeneraal Biixi ayaa dadkaan ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya sidii degmadaan looga difaaci lahaa Al-Shabaab, isla markaana loogu weerari lahaa deegaanada hoos taga Aadan-yabaal oo ay Al-Shabaab joogaan. Ugu dambeyntii Taliye Biixi wuxuu u soo jeediyey shacabka degmadaan in maadaama ay kala yaqaanaan dadka deegaanka ay ciidanka ammaanka ku soo wargeliyaan hadii ay xaafadaha degmada ku arkaan qof Shabaab ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Gen. Biixi oo reer Aadan-yabaal ka codsaday inay ciidanka DF gabdhahooda u guuriyaan hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online.
-
Saddax Wasiir oo R/W Xamze la wadaagtay xog cusub + Sawirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo bilaabay inuu wasiiradiisa kula xisaabtamo qorshe howleedkooda ayaa caawa seddax wasiir waxay la wadaagtay waxa u qorsheysan inay qabtaan sanadka soo socda. “Iyadoo ay dardar ku socdaan dejinta qorshe hawleedka kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda DarQaran, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre waxaa uu galabta ka guddoomay Qorshe Howleedkooda sanadka 2023, kala wareegay wasaaradood,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Wasiirrada Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Jaamac Xasan Khaliif ayaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warbixintaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay saddexda Wasiir inay xoogga saaraan sidii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyin wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka xukuumadiisa. Soo gudbinta qorshooyinka Wasaaradaha waxay aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda, si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay. Sidoo kale qorshahaan wuxuu Xukuumadda ka saacidayaa in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan oo ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda. The post Saddax Wasiir oo R/W Xamze la wadaagtay xog cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Waxa caawa ka bilaabmatay Hotel Maamuus ee magaalada Hargeisa xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigay dhisida xarun cusub oo casri ah oo ay yeelan doonto degmada Axmed Macalin Haaruun ee bariga Hargeysa. Waxa xafladani ka soo qayb galay Maayarka caasimada Hargeisa iyo sidoo kale hal doorka degan bariga Hargeysa kuwàasi oo ka.kooban ganacsato, culimo, aqoonyanka siyaasiyiin kuwaasi oo ka kooban dhamaan qaybaha kala duwan ee dewgaanka iyo sidoo kale qàar ka mid ah haweenka Nashqadani waa dhismaha cusub ee dhawaan la hir galin doono ee ay dawlada hoose soo bandhigtay dhismahani oo ay iska kaashan doonaan dawlada hoose iyo dadka degmada dagani Qaran News
-
10 Ballan qaad oo beenoobay ! 1: Ballanqaadkii ahaa in xorriyadda muwaadiniinta la dhawraa ma hirgelin, qofka loo baahdo ee ay dhibsato xukuumaddu isaga oo aan loo marin waddo sharciya ayaa la qafaashaa oo la xidhaa, hadhawna lagu soo daayaa bilaa sabab sida neefka xoolaha ah. Xisaabi inta muwaadin ee la xidhay saddexdaa sano? Markasta qofbaa xadhig macno darro ah ku waaya xorriyadiisa oo aan la xaq dhawrin dastuurka. 2: 5 sano qof musuq loo maxakamadeeyay ma jiro, musuquna waa halkiisi waxaaba hadda la tolay kiish weyn. Bishii tobnaad waxa la loo xidhay musuq laba shaqaalaha Dawalada Hoose Gabiley, markii musuqu galay Maayarka waxa la joojiyay dacwaddi labadii inanna waa la soo daayay. Boorama waxa lasii daayay eedaysanayaa kale oo ku eedaysan nusmalyan dollar markii musuqu galay Maayarka waa la joojiyay. Hanti dhawrku dhawr baadhis uu sameeyay natiijo kama dhaln. 3: Cadawga u weyn ee Somaliland waa caddaaladaro, sinnaan la’aan iyo in aan la ixtiraamin shuruucda, cadawga Somaliland waa kala faquuq, furfurnaan iyo in aan la midayn ummadda ee loo kala abtiray taasina waa shaqada u weyn ee xukuumaddu qabatay saddex sano. Waxa lagaga dhawaaqay dalka gudihiisa Laba jabhadood, sababteeduna ahayd caddaalad darro. 5: Shaqo abuur iyo mashaariic dhallinyarada loogu abuuro rejo lama hirgelin, sannad kasta waxa Jaamacadaha ka qalin jabiya kumannaan dhallinyara oo aan loo samayn mustaqbal iyo jihayn dawladnimo. Waxa la sheegi karo waxa hirgalay mashruuca shaqo qaran oo aan dabooli karin baahida shaqo la’aan. Waxa shaqo la’ dhallinayaro badan, waxa weli taagan aafadi tahriibta oo aan xal loo helin waxaana hor taal xukuumadda in ay shaqo abuur samayso oo ay jihayso dhallinta. 4: Diinteenna Iskaamku waa mid illaashan oo ummaddu ay dhawrto qiyamkeeda, waxaana boogaadin mudan culimada is xilqaantay ee wacdiga iyo waanada innola joogta, golihii culimada in la sameeyo waa lagu guul daraystay illaa hadana lama samayn. 6: Ictiraaf raadkii iyo xidhiidhkii caalmaku waxa innoogu danbaysay hadal hayntiisa muddo hore. Madaxweynuhu saddexdaa sano afar dal ayuu booqday Jabuuti, Itoobiya imaaradka iyo Gini. Xidhiidho midho dhal leh may soo kordhin waxaan ka ahayn xaqul qalin iyo dillaalin dano gaara lagula shuraakoobay. 7: Nidaam dhaqaale oo furfuran lama hirgelin saddexdaa sano, wax soo saarka dalka lama maal gelin mana jiraan beeralay la taageero, maalinta jidkaa Itoobiyo xidhmo waxa laga dareemaa sariibadaha qaaliga khudaarta. Ayaxii iyo siidh aan tayo lahayn ayaa Beeraha baabiiyay oo aan illaa hadda wax jawaaba laga bixin. Baahi weynbaa loo qabaa dhiirigelinta iyo dhinac istaagga beeralayda. 8: Adeegyada bulshadu weli waa qaar liita, Hargaysii sidii ayay u haraadantahay, caafimaadkii sidii ayuu u liitaa waxba lagama qaban guud ahaan dalka, waddooyin cusub oo soo kordhay ma jiraan waxaan ka ahayn Jidkii Ceerigaabo oo weli qabyo ah. Dhammaan adeegyada bulshadu waa lacag, naafada wax taageero ah lama siin, saboolnimada xukuumaddu lamay dagaalamin muddada ay joogtayna dhaqaalo xumidu waxay barakicisay dad badan waxaana xidhmay boqollaa ganacsi. 9: Xukuumadda Biixi may abuurin nidaam iyo sanduuq lagaga hor tago masiibooyinka dabiiciga ah, waxa u danbeeyay qaadhaankii COVID-19 ee ganacsatadu u kacaday. Somaliland hal-mashuur oo guulaystay saddexdaa sano kama hirgelin, waxaan ka ahayn shaqo qaran oo weli socda. Xukuumaddu ma sheegi karto hal mashruuc. 10: Sarraynta sharciga may suuragelin xilna xukuumaddu iskamay saariin, caddalaad darradu waa halkeedii dulmiguna waa mid maalin kasta ka dhaca dalkeenna. Laamaha garsoorku weli may helin madaxbannaani, waxaan dhaca xukunno dhan ka raran oo aan farxad gelin bulshada si dhabana daaha uga fayda nidaamkeenna garsoor. Xog- Maxamed Faarax. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku faahfaahinayaan qiimeynta khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Soobe 2 iyo qoysaskii ay saameysay. Hey’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay macluumaad muujinaya in wax un caawin ah ay dowladdu u sameysay qoysaska dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyadaas, kadib markii la furay sanduuqyo gurmad. Ugu horeyn waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in 28 qof oo qabay dhaawacyo culus oo isbitaallada loogu tegay la gudoonsiiyey min 500 oo dollar, halka 11 kalena caafimaad dalka dibadiisa ah loo fidiyey, iyadoo 9 ka mid ah la siiyey min 2,000 oo dollar. 119 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, halka 334 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ku burbrutay 116 xarumood oo goobo ganacsi ahaa. Sida ay sheegeyso warbixintaan, Hanti gaareysa 3,466,859,02 oo milyan ayaa ku burburtay qaraxyadii Soobe 2, iyadoo xarumo ay ku jiraan wasaaradda waxbarashada iyo Salaam Bank aan lagu darin qiimeyntaan. “Warbixinteenu waxay cadeyneysaa in markii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliyeed caawisay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada dalka ka dhacaya, weliba si public ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan hey’adda Maareynta Masiibooyinka. Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu soo bandhigay shaqooyinkii ay hayeen dadka geeriyooday iyo hanti la gaarsiiyey ehellada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday halkaas. Hoos ka daawo shaxda lagu soo bandhigay warbixintaan. The post Daawo: Qiimeyn cusub oo laga soo saaray waxa ay qabatay DF kadib qaraxyadii Soobe 2 appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada hoose oo tahli kari weyday Mid ka mida Ballanqaadyadii Muhiimka ee ay ka sanqadhisay Dawladda Hoose ee Hargeysa may fulin ballan-qaadkii ahaa in ay Xoolaha ka saarayso magalaada. Dad badan oo dhir ku beertay Guryahooda iyo meheradahooda ayaa uga taagla Geel iyo Adhi daaqaya. Arrintani waxa kale oo ay caqabad ku tahay ballan-qaadkii maayir Mooge, ee ahaa in uu samaynayo magaalo cagaaran. Sawirkani waa maanta iyo Hargeysa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo ku saabsan sugida amniga magaalada Muqdisho iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qayb-qaadashada ciribtirka Khawaariijta ayaa maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Xamza Cabdi Barre. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiiru-dowlaha amniga gudaha, wasiir ku-xigeenka warfaafinta. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay xiligaan leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, islamarkaana sare loo qaado dadaalada lagu horumarinayo amniga. Khatarta u weyn ee dowladda ka hortageyso ayaa ah in xubnaha Shabaabka ah ee lagu soo jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka ay kusoo dhuuntaan magaalooyinka oo caasimaddu ugu horreyso. Xamza ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada. The post DF oo ka hortageysa ‘khatar ka dhalan karta’ dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xidhiidha fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xidhiidho Qatar. Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxa ay ka mid tahay lix qof oo ay xidheen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baadhitaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey. Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay in ayna wax dambi ah gelin. Fadeexaddan ayaa la xidhiidha in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay. Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka. Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay. “Sumacadda baalamanka Midowga Yurub ayaa mar walba muhiim ah,” ayey twitter kusoo qortay madaxweynaha baarlamanka, Roberta Metsola. Michalis Dimitrakopoulos, oo ah qareenka Kali ee Greece, ayaa tidhi “mowqifkeeda waa in ayna waxba galabsan, taas ayaan kuu sheegi karaa.” Kaili ayaa u dhalatay dalka Greece. “Wax shaqo ah kuma lahan maal-gelinta Qatar, waxba, si cad oo aan leexleexad lahayn,” Dimitrakopoulos ayaa sidaas u sheegay Open TV. Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto. Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa. “Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook. Booliska Belgium ayaa Jimcihii ilaa Isniintii waxay baadhayeen 19 guri iyo xafiisyo uu leeyahay baarlamaanka, waxa ayna soo qabteen kombiyuutaro, taleefon gacmeedyo iyo lacag kaash ah oo qaarkeed laga helay shandad tiilay hotel ah. Afarta qof ee lagu soo oogay dacwadda midkoodna si rasmi ah looma aqoonsanin, balse magaca Kaili ayaa si degdeg ah loogu dusiyey saxaafadda. Reuters Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim oo ku saabsan sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale). Kulanka oo ay sidoo kale ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada ciribtirka Khawaariijta. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga caasimadda dalka , maadaama kooxda Al-shabaab lagu soo jebiyay gobollada dalka ayna suuragal tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso sida uu hadalka u dhigay Ra’iisulwasaare Xamse Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista iyo amni darrida ka imaan karta kooxda, oo horay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka uu sheegay in ay soo galayaan caasimadda. Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo dhowaan ay ka dhaceen qaraxyo iyo sidoo kale halista laga muujinaayo Ciyaalweerada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Statement of International Criminal Court (ICC) President, Judge Piotr Hofmański, for Human Rights Day The unprecedented focus on victims provided for in the ICC’s founding treaty, the Rome Statute creates an important platform for advancing human rights through the ICC Access Multimedia Content THE HAGUE, Netherlands, December 10, 2022/ — Today, the International Criminal Court (“ICC” or “the Court”) (http://www.ICC-cpi.int) joins the rest of the world in marking Human Rights Day and commemorating the adoption of the Universal Declaration of Human Rights on this day in 1948. International criminal justice is inseparably connected to the global movement to promote respect for universally recognised human rights, starting with the most fundamental rights such as the right to life and freedom from torture. The mandate of the ICC, standing at the centre of the international criminal justice system, is to hold perpetrators of the most serious international crimes accountable when national courts are unable or unwilling to do so, as well as provide redress to victims and help prevent future atrocities though deterrence. The unprecedented focus on victims provided for in the ICC’s founding treaty, the Rome Statute creates an important platform for advancing human rights through the ICC. The Court’s legal framework allows victims to participate in the proceedings with the help of legal representatives, as well as receive reparations when perpetrators are convicted by the ICC. These reparations, typically comprising psychological and physical rehabilitation as well income generating activities, are aimed at repairing the harm suffered by the victims as a result of the crimes committed against them. The Trust Fund for Victims at the ICC plays a key role in making these reparations possible, and it can also assist victims regardless of any court proceedings or their outcome in the countries where the Court is active. I witnessed the transformative effect of these measures myself just a few weeks ago, when I visited Bangui in the Central African Republic, where I met with victim-beneficiaries and local partners of the Trust Fund. I call upon all States and other entities to support the work of the Trust Fund for Victims, which depends on voluntary contributions to be able to carry out its highly important mandate. I also reiterate my call to all States to join the Rome Statute, if they have not done so, and I encourage all States to support the ICC in its daily work as well as strengthen the capacity of their national jurisdictions to address the crime of genocide, crimes against humanity, war crimes and the crime of aggression. We must work together toward shared goals in order to make real progress in eradicating impunity for the gravest crimes under international law. This is crucial for advancing the global enjoyment of universal human rights, which belong to all people without distinction. SOURCE International Criminal Court (ICC) Qaran News
-
Strasbourg (Caasimada Online) – Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar. Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxa ay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey. Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay inaysan wax dambi ah gelin. Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay. Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka. Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay. “Sumacadda baalamanka Midowga Yurub ayaa mar walba muhiim ah,” ayey twitter kusoo qortay madaxweynaha baarlamanka, Roberta Metsola. Michalis Dimitrakopoulos, oo ah qareenka Kali ee Greece, ayaa tiri “mowqifkeeda waa inaysan waxba galabsan, taas ayaan kuu sheegi karaa.” Kaili ayaa u dhalatay dalka Greece. “Wax shaqo ah kuma lahan maal-gelinta Qatar, waxba, si cad oo aan leexleexad lahayn,” Dimitrakopoulos ayaa sidaas u sheegay Open TV. Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto. Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa. “Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook. Booliska Belgium ayaa Jimcihii ilaa Isniintii waxay baarayeen 19 guri iyo xafiisyo uu leeyahay baarlamaanka, waxa ayna soo qabteen kombiyuutaro, taleefon gacmeedyo iyo lacag kaash ah oo qaarkeed laga helay shandad tiilay hotel ah. Afarta qof ee lagu soo oogay dacwadda midkoodna si rasmi ah looma aqoonsanin, balse magaca Kaili ayaa si degdeg ah loogu dusiyey saxaafadda. REUTERS, VOA The post Fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar oo meel sare gaartay maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili kadib markii lagu helay fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar. Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey in ay xilkeeda lumiso Kaili. Waxay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey. Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka Midowga Yurub, eedeymahaas oo ay beenisay. Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka. PUNTLAND POST The post Eva Kaili oo xilka looga qaaday fadeexad musuq maasuq oo la xiriirta Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Bakool ayaa guddoomiye Aadan Madoobe warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay. Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo dowladda federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la-dagaalanka argagaxisada. Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa odayaasha dhaqanka gobolka Bakool ku amaanay dadaalada ay ku doonayaan inay kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, islamarkaana ay gacan ka siineyso xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool. Aadan Madoobe ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaasi oo u tegay arrimo la xiriira howl-galka ka dhanka Al-Shabaab, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi iyo dardar-gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay. The post Sawirro: Ku-simaha madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay odayaasha dhaqanka G/Bakool appeared first on Caasimada Online.
-
Geneva (AFP) – Humanitarian aid and support from local communities have helped avert a dreaded famine declaration in Somalia this year, but the situation remains "catastrophic," the UN said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
