-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay madaxweynaha Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan ciidan dowaladda, kuwa deegaanka iyo bulshada ku nool degmada. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay meel fagaare ah oo ku taal degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah 1) in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo 2) in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed. Xamse waxaa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab inta a laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf sida uu hadalka u dhigay, Degmada Aadan Yabaal oo dhowaan laga xorreeyay toddobaad ka hor, ayuu ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed. Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ay gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Aadan Yabaal oo toddobaadkii hore laga xorreeyay kooxaha Khawaariijta, ayaa waxa ku dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
When soccer powerhouse France—the defending World Cup champions—face off against the scrappy underdog Morocco on Wednesday night in Qatar, a lot more will be at stake than simply clinching a slot in Sunday’s final against Argentina. For the millions of North Africans in France, and Paris in particular, the contest between the two countries is deeply personal—and even political. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, waxaa kulanka looga hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo amniga degmooyinka iyo gobollada. Madaxweyne Deni ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada Puntland, in ay si dhameystiran uga qaybqaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka, oo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay bilaaban doonto 5-ta January 2023. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland, taliyeyaasha ciidamada, la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo saraakiil madaxtooyo. PUNTLND POST The post Muxuu Madaxweyne Deni kala hadlay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa goor sii horeysay oo maant ah garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa kasoo duulay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu maalmahan u joogay ka waday kulamo wada-tashi ah. Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaasi oo ay uga hadlayaan u diyaar garowga shirka dib u heshisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi. Shirkaasi oo hore ugu baaqay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa taageertay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana lagu wadaa in shirkaasi isfaham looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi ayaa waxaa hore loogu diiday inay tagaan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka oo mad-madow badan kala dhexeeyo maamulka Lafta-gareen. Lafta-gareen ayaa u muuqda mid kasoo damcay mowqifkiisi hore, kadib cadaadis uga imaanaya beesha caalamka oo ayadu rabta in sida ugu dhaqsaha badan xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee aloosan maamulka Koonfur Galbeed. The post Cabdicasiis Lafta-gareen oo beddelay mowqifkiisa iyo tallaabo uu qaaday maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo weli ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen shacabka Degmada Xudur ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada xoreynta iyo taageerada xukuumadda. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in la hirgelin doono adeegyada muhiimka ah sida; waxbarashada, korontada, xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah. Masuuliyiin kala duwanaa oo ka hadlay xafladda ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay ballan-qaadka ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golah Shacabka. Waxa kale oo ay codsadeen in deegaanada gobolka si deg-deg ah looga dulqaado kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo xusay inay ku biirayaan dadaalada howl-galada dagaal ee ka socda dalka ee looga xoreynaayo cadowga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kuwaasi oo warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay. Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay u baahan yihiin in dowladda ay gacan ka siiso la-dagaalanka argagixisada. The post Muxuu A/Madoobe maanta kaga dhowaaqay XUDUR? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in tago degmooyinka gobolka Gardafuu. Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxaa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed gobolka ka soo jeeda oo diidan safarkiisa, wuxuuna dib uga soo laabtay gobolkaas, kaddib safar 5 maalmood qaatay oo ku dhaafiwaayay tuulada Hoodaa oo hoostada degmada Murcanyo. Wasiirka ayaa doonayay in uu degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyigelinta diiwaagelinta dadweynaha oo la qorshaynayo in ay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka 2023. Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiir loo diiday gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Madaxwaynaha South Sudan Salva Kiir ayaa isku kaajay isagoo aan ogayn xilli uu ka qaybgelaayey furitaanka, jid uu Shiinuha ka dhisay caasimada dalkaasi ee Jubba. Dhacdadaan ayaa si toos ah looga sii daayay TV-ga Salva Kiir hadda waa 71 sano jir , asaga oo la ildaran caabuqa kaadi mareenka kaas oo ku badan ragga da’da ah. Qaran News
-
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa farriin hambalyo ah u diray xulka kubbadda cagta ee qaranka Morocco ka dib markii ay gaareen nus dhammaadka tartanka Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar. Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa telefoon u diray boqorka Morocco isagoo ku bogaadiyay guushii ay kooxda dalkiisa kasoo hoyisay ciyaartii rubac dhammaadka. Caawa ayey Morocco ciyaarta nus dhammaadka la yeelan doonaan xulka qaranka Faransiiska, iyagoo isku arki doona garoonka Al-Bait Stadium. Morocco ayaa Sabtidii si lama filaan ah Koobka Adduunka uga reebtay xulka Boortaqiiska oo uu u ciyaaro Cristiano Ronaldo. Waxa ay sidaas ku dhigeen taariikh cusub, waxa ayna noqdeen kooxdii ugu horreysay ee Afrika ka socota ee u gudubta nus dhammaadka Koobka Adduunka. Qaran News
-
Brussels (Caasimada Online) – Xildhibaanadda reer Greece ee baarlamanka Midowga Yurub, Eva Kaili, ee ay kusoo baxday fadeexadda la xiriirta Qatar, “kama war hayn jiritaanka” lacagta kaashka ah ee laga helay gurigeeda, waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkeeda. Qareenka Kaili ayaa sheegay “inaysan wax galabsan” wuxuuna beeniyey “wararka beenta ah ee la isla dhex-marayo” ee ku saabsan inay laaluush ka qaadatay Qatar. Xildhibaanka, oo shalay laga qaaday xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub “wax xiriir ah lama lahan lacagta gurigeeda laga helay,” ayuu yiri qareenkeeda Michalis Dimitrakopoulos kadib markii ay xireen booliska kadib baaritaan ka dhacay magaalada Brussels. Wuxuu sheegay in Francesco Giorgi oo ah lamaanaheeda “uu ka jawaabi karo jiritaanka lacagta kaashka ah.” Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid ah lix qof oo la xiray kadib howlgalka booliska, hase yeeshee waa xildhibaanka kaliya ee illaa hadda dacwadda lagu soo oogay. Ilo-wareedyo ka tirsan garsoorka Belgium ayaa sheegay in qiyaastii 150,000 euro oo kaash ah laga helay apartment ay ka degan tahay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub. Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Talaadadii codeyn ah 625-1 ku meel-mariyey in Kaili laga qaado xilka madaxweyne ku-xigeenka. Garsoore Belgium ah ayaa maanta go’aan ka gaari doonaa haddii Kaili iyo saddexda qof ee lala eedeeyey ay xabsi kusii jiri doonaan illaa maxkamad laga soo taagayo. Laba ka mid ahaa lixda eedeysane ayaa lasii daayey. Dowladda Qatar, oo lagu eedeeyey inay xildhibaanada u siisay lacagta si ay saameyn ugu yeelato go’aanada Midowga Yurub, ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay kiiskan ama ay khalad sameysay. AFP, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
UNFPA partners with Rebel Girls to launch Arabic edition of the ‘I Am A Rebel Girl’ Journal The journal aims to empower girls in the Arab world to challenge harmful social norms, celebrate creative expression, and envision a future that incorporates their realities. Cairo, 14 December 2022 — The United Nations Population Fund Arab states regional office has partnered with Rebel Girls, a leading global girl empowerment brand, to launch the Arabic edition of I Am A Rebel Girl journal — the first adaptation of the journal in the Arab region. Developed after extensive consultations with adolescent girls in humanitarian settings throughout the region, I Am A Rebel Girl builds on the established and highly successful approach taken by Rebel Girls while also incorporating the aspirations, struggles, and insights of adolescent girls throughout the Arab Region, particularly those impacted by humanitarian crises. A key component of the journal is its design and messaging, which not only communicates empowering concepts, but also brings new art that is inspired by and created exclusively for girls in the region. “For UNFPA, fostering confidence and encouraging creative self-expression among girls is a key priority and a critical stepping stone to realising gender equality and social progress, ” explains Ms. Laila Baker, UNFPA Regional Director in the Arab States. “UNFPA and Rebel Girls have a shared vision of empowering girls worldwide to stand up for their rights, express their thoughts freely, and find the support and inspiration they need to reach their full potential.” Baker noted that, through its various programmes, UNFPA endeavours to provide girls with opportunities to lead on the initiatives that target them, often by leveraging the transformative power of creativity as a medium. This, she added, has been a core component of the strategy implemented by UNFPA in the Arab region and beyond. “With a shared vision of building a more equal world, we have been delighted to work with UNFPA on this edition of I Am A Rebel Girl,” said Michon Vanderpoel, Rebel Girls Head of Sales and Licensing]. “As a brand dedicated to empowering girls around the world through stories of real-life extraordinary women, it was inspiring and rewarding to be guided by the ideas and feedback of girls throughout the Arab region to bring this project to life. With I Am A Rebel Girl, we are proud to offer girls a personal platform to express their thoughts freely, dream big and envision a brighter future.” Over the coming years, I Am A Rebel Girl in Arabic will continue to play a central role in UNFPA’s adolescent girl programming in the Arab region, particularly its humanitarian programming. The journal also joins a growing line-up of products geared toward encouraging girls and young women to be the change they wish to see in the world, particularly when it comes to challenging gender inequality and harmful norms. ### Qaran News
-
Baarlamanka Koonfur Afrika ayaa diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas. Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay in ay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo horudhac ah oo muujinaya in Ramaphosa uu ku kacay anshax-xumo la xiriirta lacag lagu qariyay beertiisa. Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoo sheegay in aanu wax qalad ah samayn. Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu iscasilo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo ka badbaaday in Codka Kalsoonida loo qaado appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo 36 sano jir ah ayaa ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna ka soo mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, illaa dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isaga oo darajada ciidanka ka gaaray Laba Xidigle. Maxkamadda ayaa sheegtay in sarkaalkan uu 2018 kii waayey xubinimadiisii ciidanka, kadib markii uu ku haray dib u habeynta Electronic-ga ahayd ee dowladdii Farmaajo. Kadib wixii ka dambeeyay markaas ayey maxkamaddu sheegtay inuu xoojiyay la shaqeynta Al-Shabaab, isla-markaana uu u qaabilsanaa gudbinta gawaarida qaraxyada ah xilliyada ay weerarada ka geysanayaan goobaha bartilmaameedka u ah ee ku yaallo Muqdisho. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamed Cabdulle Nuur Abkow uu 23 kii March ee sanadkan ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay Aadan Cadde, kaas oo uu ku naf waayay Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka mid ahaa askartii soo afjartay weerarka, waxaana sidoo kale uu khasaare soo gaaray dad kale oo joogay goobta marka ay isku fara saareen ragga weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Haramcad ee Booliska. Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa waxaa la tusay muuqaalka Camerooyinka amniga Ee CCTV, isaga oo gudbinayay xubnihii Al-Shabaab ee weeraray garoonka. Sidoo kale September 19 keedii 2019-kii ayaa lagu helay in uu qarax dhex geeyay Ururka 38-ad ee degan xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir. Maxkamadeynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) ayaa la soo gabagabeeyay sideedii bishan, ayada oo ugu dambeyn maantana maxamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. The post Sarkaalkii u fududeeyay Shabaab weerarkii garoonka Muqdisho oo la xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arimaha debeda & Gaashaandhiga Maraykanka oo Kulan-doceed kula yeeshay Washington Madaxweynayasha Somalia & Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ismaacil Cumar geelle oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xidhka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka. Qaran News
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta booqday furimaha hore ee dagaalka, isaga oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xamza iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin mas’uuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga, taliska ciidanka Xoogga dalka iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxaa Aadan Yabaal ku soo dhaweeyey Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka Reer Aadan Yabaal. Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeri doono degmadan oo ay in ka badan 15 sano heysteen xooagag Al-Shabaab, balse maalmo kahor laga saaray, isaga oo qiimeyn doono xaaladaha nololeed iyo howlgallada ay ciidamada huwanta ay ka wadaan duleedka degmadaasi. Sidoo kale waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda sare ee maamulka HirShabelle, saraakiisha ciidanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi. Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu dhiiragelin u sameyn doonaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan, kuwaas oo deegaano badan ka qabsaday Shabaab. Si kastaba waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka socdo dowladda federaalka Soomaaliya oo booqdo Aadan Yabaal, balse maalmo kahor ayed aheyd markii uu isna madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay Masaajid Cali & Nuur Dugle oo kamid ah meelaha laga xoreeyay Shabaab. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray degmada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.
