Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sii waddo dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, ka dib weerarkii 27-kii bishii November ay dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Wasaaradda ayaa toddobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, marka ay taggayaan Xaruntooda Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia. Wasaaradda ayaa sidoo kale kordhisay tirada dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaafadaha 17-ka degmo ee magaalada, tani oo qayb ka ah tallaabada ay Dowladda Federaalka u qaadday sugidda amniga magaalada, ka gadaal weerarkiii Villa Rays oo dad badani la anfariireen, bacdamaa uu hotelkaasi ku yaalo xeendaabka aqalka dalka looga arrimiyo, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la hawlgelinayo. Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan caasimadda Muqdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka baxsan. Ciidamada dharcadka ayay shaqadoodu tahay inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan cid kasta oo falal amni-darro ay la xiriiriyaan iyo dadka aan la garanayn ee xaafadaha magaalada ku soo kordha, waana dharcadka ay tahay iyadoo aan guryaha la baarin inay soo ogaadaan wixii ku nool, waana xoogaga dahsoon ee aan ku ekaan doonin xaafadaha, balse sidoo kale ka hawlgeli doono goobaha ay bulshada isugu timaado iyo weliba suuqyada magaalada. Hay’adda NISA ayaa waxaa la leeyahay waxay qorsheynaysaa inay dharcadka la wadaagto sawirrada xubno Shabaab ah oo hay’addu ay baadigoobeyso, si ay Hay’adda Sirdoonka ula soo socodsiiyaan, haddiiba goob ka mida magaalada ay ku arkaan. Khubarada amniga ayaa sheegaya in Shabaabku ay isku dayi doonaan fal kasta oo aargudasho ah, haddii ay ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka, gaar ahaan kuwa bartamaha, oo xaaladi ay ka qabsatay. Mar sii horreysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka digay xubnaha Shabaabka ee ku soo firxanaya caasimadda. Weerarkii Villa Rays Hotel ayaa ugu dambeeyay saddex weerar oo Al-Shabaab ka gaysatay magaalada, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana weerarka ay Madaxda Qaranku ku baraarugeen halista dhabta ah ee kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama. The post Xog: Dowladda oo kordhisay xoogaga qarsoon ee ka hawl-gala magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Click here to read more about this article Qaran News
  3. Wararka naga soo gaarayo magaalada Dublin ee Caasimada dalka Ireland ayaa sheegaya in lagau dilay wiil kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaas. Wiilka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 22 sano jir ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalada Dublin, mana cadda cidda dilkiisa ka dambeysay. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Mahamud Ilyas, waxaana laammaha ammaanka dalkaas ay baadigoobayaan dil cidda ka dambeysay dilka wiilkaan. Booliiska magaalada Dublin ee Caasimada dalka Ireland ayaa ka codsaday dadka magaalada in ay soo sheegaan haddii ay jirto cid xog ka haysa dilka wiilkan Soomaaliga ah sida uu u dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Galbeedka Magaalada Dublin ee Caasimada dalka Ireland waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabo Maxamed Ilyaas. Marxuumka oo da’diisu lagu sheegay inay tahay 22 sanno, ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaali. Maydka Maxamed Ilyaas ayaa laga dhex helay Roog dhexdiisa lamana oga cidda dilkiisa geysatay. Booliska magaalada ayaa ka codsaday qof kasta oo haya xog ku saabsan dilka Marxuumka inay la soo xidhiidhaan. Source
  5. Garbahaarey (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay koox hubeysan ka geysatay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaas, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo caan ka ahaa Garbahaarey lagu dilay gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Xaashiweer, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dhacdada kadib ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyaha. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo raggaasi oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgallada xigay ee la sameeyay. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya gobolka Gedo waxaana u dambeeyay weerarkii qaraxa ee lagu dilay taliyihii NISA ee gobolkaasi,Bakaal Kooke. The post Koox hubeysan oo dishay gudoomiye waaxeed caan ah appeared first on Caasimada Online.
  6. Garbahaarey (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay koox hubeysan ka geysatay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaas, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo caan ka ahaa Garbahaarey lagu dilay gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Xaashiweer, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dhacdada kadib ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyaha. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo raggaasi oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgallada xigay ee la sameeyay. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya gobolka Gedo waxaana u dambeeyay weerarkii qaraxa ee lagu dilay taliyihii NISA ee gobolkaasi,Bakaal Kooke. The post Koox hubeysan oo dishay gudoomiye waaxeed caan ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku cadaadinaya inuu si dhab ah u taageero baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee ah inay gogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan siyaasiyiinta deegaanka. Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan. Inkastoo Madaxweynuhu uu daba-yaaqadii bishii November uu taageeray baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, haddana waxa uu xilligan ka caga-jiidaya in gogosha wada hadalada lagu qabto Magaalada Baydhabo, waana xilli Gudoomiye Aadan Madoobe uu Magaalada Xudur u jooggo dadaalo uu ku xoojinayo baaqiisii dib-u-heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa Talaadadii waxa uu Madaxtooyada Baydhaba ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay u sheegtay in Doorashada Madaxtooyada ay tahay in xilligeeda ku qabsoomto. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Laftagareen loo sheegay in taageerada Dowladda Federaalka iyo midda caalamkaba ay ku sii jiri karto, iyadoo aanu maamulkiisu wax colaad ahi ka dhex abuurin dadka deegaanka, xilli dalku uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay Madaxweyne Laftagareen ku wargelisay in maamulku uu joojiyo tallaabada uu siyaasiyiinta deegaanka uga hortaagan yahay inay u safraan Baydhabo. Siyaasiyiin badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ku xaniban Caasimadda Muqdisho, ka dib markii Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay inaanay siyaasiyiintaasi keeni karin Baydhabo. Tani ayaa lagu macneeyay mid uu maamulku kaga falcelinayo diidmada ay siyaasiyiintaasi ka muujiyeen muddo kordhinta Xafiiska Madaxweyne Laftagareen, isla-markaana uu maamulku garowsan yahay inay xaaladi ka abuuri karaan magaalada, haddiiba ay dhacdo in la meelmariyo qorshaha muddo kororsiga. Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujinaya waxa xiggi doona, haddii uu dhammaado waqtiga Madaxweynaha, wax doorashado ahna aan la qaban. The post Lafta-gareen oo cadaadis xooggan wajahaya kadib hanjabaada beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
  8. Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku cadaadinaya inuu si dhab ah u taageero baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee ah inay gogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan siyaasiyiinta deegaanka. Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan. Inkastoo Madaxweynuhu uu daba-yaaqadii bishii November uu taageeray baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, haddana waxa uu xilligan ka caga-jiidaya in gogosha wada hadalada lagu qabto Magaalada Baydhabo, waana xilli Gudoomiye Aadan Madoobe uu Magaalada Xudur u jooggo dadaalo uu ku xoojinayo baaqiisii dib-u-heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa Talaadadii waxa uu Madaxtooyada Baydhaba ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay u sheegtay in Doorashada Madaxtooyada ay tahay in xilligeeda ku qabsoomto. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Laftagareen loo sheegay in taageerada Dowladda Federaalka iyo midda caalamkaba ay ku sii jiri karto, iyadoo aanu maamulkiisu wax colaad ahi ka dhex abuurin dadka deegaanka, xilli dalku uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay Madaxweyne Laftagareen ku wargelisay in maamulku uu joojiyo tallaabada uu siyaasiyiinta deegaanka uga hortaagan yahay inay u safraan Baydhabo. Siyaasiyiin badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ku xaniban Caasimadda Muqdisho, ka dib markii Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay inaanay siyaasiyiintaasi keeni karin Baydhabo. Tani ayaa lagu macneeyay mid uu maamulku kaga falcelinayo diidmada ay siyaasiyiintaasi ka muujiyeen muddo kordhinta Xafiiska Madaxweyne Laftagareen, isla-markaana uu maamulku garowsan yahay inay xaaladi ka abuuri karaan magaalada, haddiiba ay dhacdo in la meelmariyo qorshaha muddo kororsiga. Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujinaya waxa xiggi doona, haddii uu dhammaado waqtiga Madaxweynaha, wax doorashado ahna aan la qaban. The post Lafta-gareen oo cadaadis xooggan wajahaya kadib hanjabaada beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
  9. Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv. Ukraine ayaa sheegtay in ay soo rideen ilaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda Kyiv. Maayarka Kyiv oo lagu magacaabo Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay bartamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey dalka Ukraine. PUNTLAND POST The post Ukraine oo fashilisay weeraro uu ku qaaday Ruushka appeared first on Puntland Post.
  10. Jowhar (HOL) - At least 28 al-Shabab militants were killed and several others wounded in a fresh operation in Somalia's Middle Shabelle region on Wednesday, authorities said. Source: Hiiraan Online
  11. Top U.S. officials, including Secretary of State Antony Blinken and defense chief Lloyd Austin, joined several key leaders from Africa to discuss peace, security and governance issues at the U.S.-Africa Leaders Summit Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. The days leading up to introducing Somali food at the Minnesota State Fair in 2010 were hectic for chef Jamal Hashi: his restaurant flooded, he broke a rib, and he fainted from exhaustion. Source: Hiiraan Online
  13. Somali President Hassan Sheikh Mohamud will give a speech at the Minneapolis Convention Center on Thursday evening, returning to the city for the first time since 2014. Source: Hiiraan Online
  14. BURCO, SOMALILAND — The record-breaking drought in the Horn of Africa has affected half the population of Somalia, including in the breakaway region of Somaliland. The United Nations says if more aid does not arrive soon, Somalia will suffer its worst famine in half a century. Source: Hiiraan Online
  15. New York, NY, December 14, 2022 — Today the International Rescue Committee (IRC) released its annual Emergency Watchlist, highlighting the 20 countries most at risk of deteriorating humanitarian crises in 2023. Source: Hiiraan Online
  16. CAPE TOWN, (Reuters) - South Africa's parliament on Tuesday voted against starting an impeachment process against President Cyril Ramaphosa, the speaker of parliament said. Source: Hiiraan Online
  17. France set up a World Cup final showdown against Argentina as Randal Kolo Muani's goal 44 seconds after coming off the bench helped secure a 2-0 victory over Morocco in the last four. Source: Hiiraan Online
  18. Xulka Qaran ee Faransiiska ayaa u gudbay Final-ka Kubbada Cagta Koobka Adduunka waxaanu kaga badiyay Xulka Morroco Ciyaartii caawa 2 Gool iyo Eber. Qaran News
  19. Hargeysa:Waraabe Inan Yar qaatey oo dirqi laga riday iyadoo dhaawacyo qabta Waraabe ayaa caawa inan/ gabadh yar ku dhaawacay degmada Axmed Macallin Haaruun ee Hargeysa. Waraabaha ayaa qaatay inanta yar oo lagu qiyaasay da’deeda 5 jir, waxana uu la galay meel dhir dhexdeed ah isagoo gaadhsiiyay dhaawacyo madaxa u badan. Ilmahan yar ayaa hadda lagu daawaynayaa Cisbitaal ku yaalla Hargeysa. Dadkii goob jooga ahaa ee ka riday Inanta yar Waraabaha ayaa sheegay in ay daba carareen Waraabaha oo sita Ilmaha yar kadibna ay dirqi kaga rideen isagoo dhaawacyo culus u gaysta Qaran News
  20. Click here to read more about this article Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal maanta ka dhacay degaanka lagu magacaabo Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa baahisay in howlgalkaas lagu dilay 28 Shabaab ah. “Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay warbaahinta dowladda. Ciidamada ayaa sameeyay howlgalkaan kadib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku abaabulayaan tuulada uu ka dhacay howlgalkaan. “Waxaana halkaas ku gaaray jab xooggan, iyadoo wali ciidanku sii baacsanayo firxadkooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay tebisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Jeneraal Biixi. Ugu dambeyntii warkaan waxaa lagu yiri, “Khawaarijta ayaa aad ugu jabay howlgallada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanku ka wadaan dhul ballaaran oo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana ay ku waayeen maleyshiyaad fara badan iyo horjoogeyaal muhiim u ahaa.” Inta badan deegaanada hoos taga ayaa laga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanadaas ee sida dhow ula socda howlagallada dib u xoreynta ah ee dhulka HirShabeelle ka socda. The post Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo maanta lagu dilay duleedka Aadan-yabaal appeared first on Caasimada Online.
  22. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta si dhab ah baahidooda ugu soo bandhigtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmadaas. Odayaasha ayaa si dhab ah u sheegay in dhibaato badan ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in magaalada intii awooday ay isaga carartay, inta ku hartana ay gumeysi adag ku heyn jireen Al-Shabaab. “Aadan-yabaal waa meel Shabaab-ku ku dhalay, sidii Ayaxii ayuu ugu dhalay halkaan, nolol kasta oo aan heysanay ama heli laheyn waa naga burburiyeen, dhaqankeenii waa dooriyeen, maanta dowladaan nolol ka codsaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Aadan-yabaal. Sidoo kale odagaas wuxuu dowladda ka codsaday inay caafimaadka iyo waxbarashada deg deg wax uga qabato, “Caafimaadkaa noogu daran, isbitaalkii aan agaasimaha ka ahaa jiray ee degmadaan waa burburiyeen, saldhig iyo boolis ma lihin, waxbarasho haba yaraatee halkaan kama jirto, maamul degmo iyo garsoorna warkiisaba daa,” ayuu yiri. Odagaan ayaa balan qaaday inuu mar kale si buuxda uga sheekey doono dhibaatadii ay Al-Shabaab ku heyn jireen dadkii ku noolaa Aadan-yabaal iyo taariikhdii degamadaan qadiimiga ah. “Wixii ka dambeeyey dowladii dhexe nolol ma aanaa helin, halkaan guri ee Villa Aadan-yabaal ayuu Kabokutukade lacagteena ku dhisay, dadkii waa ka carareen degmadaan, wixii hadda ka dambeeya dowladdu waxay ka dhigto ayaa ka war sugeynaa, gabadhii umuli weysa shan boqol oo dollar ayaan isbitaal ku gaarsiinaa, garoon, isbitaal, waxbarasho, biyo, wado, wax aan maanta heysano ma jirto” ayuu yiri oday kale. Hoos ka daawo The post Daawo: Odayaasha degmada Aadan-Yabaal oo si cajiib ah uga hadlay arrin… appeared first on Caasimada Online.
  23. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal ka soo saaray muhiimadda safarkii uu maanta ku tegay degmada Aadan-yabaal oo dhawaan lagfa xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Xamza Barre ayaa sheegay in muhiimadda safarkiisu ay ahayd dhiirigalinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga dhisayo degmada Aadan-yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas. “Waxaan maanta safar shaqo ku tagay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay dhawaan ciidammada Qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen Khawaarijta. Muhiimadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigalinta mujaahidiinta dhiigooda, Naftooda iyo maalkoodaba u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda qowlaysataha ah ee Alshabaab,” ayuu yiri R/W Xamza. Qoraalka Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas, “Waxaan soo dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha ee degmada Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo horumarineed si dadka deegaanku u helaan dhammaan adeegyadii ay uga baahnaayeen Dowladda.” Ugu dambeyntii Xamza Barre ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Si aan u hubinno in dadkeennu helaan adeegga dowladnimada, Waxaan halganka ku garab wadnaa hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed.” Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka reer Aadan-yabaal u balan qaaday in deg deg loo dhisi doono isbitaalkii degmada, saldhigii, isagoo sheegay in safarka ay ku wehliyeen dhamaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda degmadaas ee uu u arkay inay wax ka qaban karaan baahida reer Aadan-yabaal. Hoos ka daawo The post Daawo: R/W Xamza oo shaaciyey sababta uu maanta ugu safray Aadan-Yabaal appeared first on Caasimada Online.
  24. Baidoa (HOL) - Somalia's Lower House Parliamentary Speaker, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, declared a new offensive against Al Shabaab in the South West State while on a visit to Hudur, the capital of the Bakool region. Source: Hiiraan Online
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gardafuu ee maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed kasoo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa. Wasiirka ayaa maanta dib uga soo laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostagta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland. Wararka ayaa intaas kusii daraya in wasiirka uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka cusub ee 2023. Qaar kamid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland. Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaano lagu muransan yahay. The post Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland appeared first on Caasimada Online.