-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Ilhan Cumar oo maalmahan booqasho ku joogtay Puntland ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho. Marwo Ilhan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa Khamiistii lagu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe. Ilhan ayaa sidoo kale booqatay degmooyin ka baxsan caasimadda oo ay ku jiraan Qardho iyo Bander-beyla halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay. Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowladda sidoo kale ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho kula kulanto. PUNTLAND POST The post Marwo Ilhan Cumar oo ku wajahan magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Odayaashii Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ee dhowaan Al-Shabaab ugu tegay degmada Xarardheer ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaga oo faahfaahin dheeraad ka bixiyay ujeedka ay ugu tageen kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale heshiiska ay la soo galeen. Odayaashan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa marka hore beeniyay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah. “Oday dhaqan waxaa xalkiisu yahay meeshii dadka shacabka ah wax ka galaan inuu galo, sidaas ayaan annaga ku galnay. Shabaab ma nihin, siyaasiyiina ma nihin,” ayuu yiri Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle oo kamida odayaasha heshiiska lasoo galay Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamnay in heshiiskooda ay ku soo daayeen illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan. “Annagu 67 qofood ayaan keenay, gaadiidkii Saleebaan oo afar bilood xayirnaa saakadaan-bey dareerayeen kulligood,” ayuu sii raaciyay Nabadoon Cali yare Axmed Xayle. Dhankiisa Nabadoon Sugaal Warsame Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusay in wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah aysan la laheyn Al-Shabaab, balse wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa inay soo dayaan dadkaasi shacabka ah ee lagu heystay Xarardheere. “Al-Shabaab lama shaqeyno wax xiriir ah nagama dhexeeyo ujeedkeena waa in aan dadka naga xiran ka soo deyno,” ayuu isna yiri Nabadoon Sugaal Warsame Cali. Si kastaba, tallaabada ay qaadeen odayaashaan iyo heshiiska ay lasoo galeen kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si weyn iga hortimid Beesha Saleebaan, kadib kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaga oo wax ba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug. The post Odayaashii Beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Al-Shabaab oo xog bixiyay + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Xaalad aan caga badan ku taagneyd oo deganaasho ah ayaa ka jirto magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaalka ah maamulka Koonfur-galbeed. Xiisadda oo ka dhalatay xasilooni dhanka siyaasadda ah iyo kororsiga waqtiga xafiiska uu joogo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa isku rogtay gacan ka hadal. Jimcihii 23- december ciidamo ka amar qaata maamulka madaxweyne Lafta-gareen ayaa weerar ku qaaday hooy ay ku sugnaayeen ciidamo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan mudda sii dheereysiga xafiiska ee madaxweyne Lafta-gareen. Muranka ayaa intaas ka dsiidaray, xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo eedda dhacdada u dusha u saaray madaxweynaha maamulkaas. Guddoomiyihii hore golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa eedda weerarka guriga Siyaasi Farkeeti dusha u saaray madaxweynaa dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed. “Waxaa nasiib darro ah in magaalada Baydhaba ay saaka kusoo waabariisato dagaal, halkaasi oo madaxweyne Laftagreen oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday uu amar ku bixiyay in la weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Farkeeti. Waan cambaareyneynaa, xalna kuma jiro xoog, laakiin xalka waxa uu ku jiraa doorasho,” ayuu yiri Maxamed Mursal. Midkamid ah wasiiradii ugu saameyntabadnaa maamulka Koonfur-galbeed oo ah wasiirka warfaafinta maamulkaas Ilyaas Cali Nuur ayaa iska casilay xilkiisa. Wasiirka ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayay dhibka lagu haayo dadkiisa oo uu sheegay in uusan raali ka ahay, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay. “Waxa aan iska casiley xilkii Wasiirka Warfaafinta KGS, kaddib markii ay ii cuntami weysey waxa lagu sameeyey dadkeyga, oo aan xitaa nalaga talo gelinin weerarkii lagu qaadey oo anaga ka warheyn,” auu yiri wasiir Ilyas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka Baydhabo ayaa sheegay in loo baahan yahay labada dhinac in ay la yimaadaan ixtiraam. “dhexdeena aan dagaallami lahayn” balse la joogo xiligii “aan cadowga iska xoreyn lahayn” isagoo yiri “Siyaasadda halaga wada-hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo.” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Faderaalka ah ay diiradda saareyso sidii loo xalin lahaa ayna arintaas ku mashquulsan yihiin. “Saakay ilaa xalay waxaan mashquul ku aheyn sidii looga baaqsan lahaa gacan ka hadal, dowladda federaalka waxay xoogga isugu geyn doontaa in dadka deegaankaas ay is xaliyaan oo khilaafkooda uu si nabad ah ku soo dhamaado,” ayuu yiri madaxweynuhu. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shaqsiga ugu darajada sareeyo Faderaalka ee ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ayaa uga digay ciidamada kamid noqoshada qalalaasaha ka jira dhulka. “Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xiligan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in wax waliba oo khilaaf ee ka jira deegannada maamulka lagu xalinayo miiska wadahadalka marka la isugu yimaado 5-ta bisha soo socota ee sanadka cusub. “Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke, ayaa dhankooda ku baaqay in miiska wadahadalka lagu soo noqdo. Siyaasiyiintaan ayaa dalbaday in la hirgeliyo doorasho wadar ogol ah, si loogu turo shacabka iyo deegaannada maamulka Koonfur-galbeed. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxdan. Mas’uuliyiintaan xilalka kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladd Faderaalka in ay qaadato kaalinteeda odaytinimo. “Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo ka socda waanwaan ay garwadeen ka yihiin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka maamulka, kuwaas oo la doonayo in lagu xaliyo xiisadda ka taagan maamulka Koonfur galbeed. Sikastaba waanwaanta iyo baaqyada caalamiga ah ee soo gaaraya labada dhinac ayaa isasoo taraya, waxaana la ogeyn halka xaal uu ku dambeyn doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wasiirka difaaca dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale. Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, waxaana magaalada Kismaayo uu kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland. Kulanka ayaa labada dhinac ay kaga wadahadleen dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab iyo sidii ay si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen. Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in uu balan qaadayo in ay ka qayb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa saaka la wareegay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Maleeshiyaadka ayaa gebi ahaanba albaabada isu dhuftay xarunta wasaaradda islamarkaana weli gacanta ku haya sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Lama oga sababta ka danbaysa in maleeshiyaadkan hubaysan qabsadaan xarunta wasaaradda. Waxaase muddooyinkii danbe isa soo tarayay cabashooyinka ka imaanayay bulshada iyo eedeymo musuq maasuq ee loo jeedinayo xubnaha ugu sareeya Wasaaradda ee Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Maleeshiyaad qabsaday xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Ujeedka socdaalka Wasiir Ducaale ayaa la xiriira kormeer uu ugu yimid Ciidamada Kenya ee ka midka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeyb-qaadanaya howlagallo la filayo in dhowaan laga bilaabo deegaanada Junbaland. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay diyaar garowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo gobollada Jubbooyinka iyo tageerada Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaasi. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Aadan Barre Ducaale ayaa isla soo hadal qaaday sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha muddada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro culus ka geysata guda dalkaasi. Kenya ayaa xiriir dhow laleh Jubbaland oo ah maamul xuduud la leh dalkaasi, waxayna ciidamadooda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya Si kastaba, dowladda Kenya ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay Wasiirka Difaaca Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macallin Maxamuud oo haatan la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaa ee hadda ka socdo inta badan gobollada dalka isaga oo xaqiijiyey in Turkiga uu kamid yahay saaxibada ka qayb-qaadanayo dagaalka. La-taliyaha amniga qaranka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in guullo waa weyn laga gaaray howlgallada socdo, isla-markaana Al-Shabaab laga saaray dhul ballaaran. Xuseen Macallin ayaa meesha ka saaray hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga oo isagu horey u qariyay in diyaaradaha Turkiga ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV, laakin la-taliyaha ayaa caddeeyay in Turkiga uu door weyn ku leeyahay dagaalka socdo, uuna u mahadcelinayo. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Turkiga uusan kaliya cirka ka taageereyn ciidamada Soomaaliya, balse uu xittaa siiyo qalab iyo tababar dheeraad ah. “Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka cirka naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo u warramay Warbaahinta dowladda. Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna taageero ka heleysa dowladaha ay ka socdaan ciidamada ATMIS, Mareykanka, Turkiga iyo dalal kale. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa soo socday in ka badan 15 sanno, waxayna weli gacanta ku hayaan degmooyin iyo deegaano ka tirsan dalka. The post Xuseen Macallin oo shaaca ka qaaday arrin uu qariyay Wasiirka Gaashaandhigga appeared first on Caasimada Online.
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Waraka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in miino ay dhigeen dagaalyahanada Al-Shabaab ay maanta la kacday mooto Bajaaj ay la socdeen shacab, xilli ay mareysay inta u dhaxeysa deegaanka Buurane iyo Mahadaay. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu aasay waddada aada deegaanka Buur-fuule oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha. Saddex qof oo saarnayaa mootada ayaa ku geeriyooday qaraxan, waxayna kala ahaan qof dumar ah, darawalkii mooto Bajaajta waday iyo nin kale beeraley ahaa. Sidoo kale waxaa gebi ahaan burburtay mootada uu qaraxu haleelay, waxaana goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo dhacdadaan ku eedeeyay Shabaab. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa ATMIS ee ku sugan halkaasi Maalin kahor ayey aheyd markii waddadan qarax kan mid ah lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday sarkaal lagu magacaabi jiray AUN Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo laba xidigle ahaa, kaas oo goobta ku dhintay, isaga afar askari oo kale oo ilaalo u ahaa. Kooxda Al-Shabaab oo haatan laga saaray Shabeelaha Dhexe ayaa inta badan weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobolkaasi, waxaana mararka qaar miinooyinka soo boodada ah ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka rayidka ah. The post Shabaab oo qarxisay mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa ka laabtay magacaabis uu sameeyay Todobaadkii hore kadib markii muran xooggan ka dhashay. Wasiirka ayaa maalmo ka hor ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta u magacaabay Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar waxaase tallaabadaas ka dhashay muran la xiriira dhinaca sharciyadda. Intaas kadib wasiirka ayaa ka noqday go’aankii hore waxaana uu ku simaha Agaasimaha guud ee Qorshaynta u magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed oo ahayd Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaarada. Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali ayuu dhawaan shaqada ka joojiyay wasiir Maxamed Siciid islamarkaana amray in baaritaan lagu sameeyo. PUNTLAND POST The post Wasiirka Qorshaynta Puntland oo ka noqday magacaabis uu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii Warfaafinta dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed Ilyaas Cali Nuur, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay maamulkaas. Wasiir ilyaas oo ku magac dheer Walaal Mayoow ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayay dulmiga lagu hayo dadkiisii, kadib shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Baydhabo 23-kii bishaan. “Waxa aan iska casiley xilkii Wasiirka Warfaafinta KGS, kaddib markii ay ii cuntami weysey waxa lagu sameeyey dadkeyga, oo aan xitaa nalaga talo gelinin weerarkii lagu qaadey oo anaga ka warheyn,” auu yiri wasiir Ilyas. Iscasilaadda wasiirka ayaa imaanaysa xilli deegaannada maamulka Koonfur-galbeed ay ka taagan tahay xiisad kacsan oo dhanka siyaasadda ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre has told the Director-Generals (DG) of the federal ministries to ensure their staff are fulfilling their obligations by adhering to the government's working hours. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koobfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo isbeddal ah oo ku wajahan maamulkaasi oo haatan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, wuxuuna sameeyay xilka qaadis iyo sidoo kale magacaabis. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa soo buuxiyay kursigii uu baneeyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta K/Galbeed Ilyaas Cali Nuur, isagop xilkaas uu magacaabay Cabdifitaax Cali Yuusuf. Ilyaas oo kamid ahaa saaxibada ugu dhow Madaxweynaha ayaa xalay ka tegay shaqada, isaga oo is casilaaddiisa u sababeeyay dagaalkii maalin kahor ka dhacay Baydhaba. Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa xilalkii ka qaaday Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray. “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhud tahay 25 December 2022 waxa uu madaxweynaha magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada magacyadooda hoose: 1-Cabdifitaax Cali Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee DKGS. 2-Cabdullaahi Maxamed Aadan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u Heshiisiinta ee DKGS. 3-Cumar Cabdiraxmaan Maxamed Wasiir ku xugeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha ee DKGS,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha. Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana ka dhashay muran xoogan oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu isku beddashay gacan ka hadal, kadib markii la’isku qabtay muddo kororsiga halka sano ah ee dhowaan loo sii sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) The post Daawo: Laftagareen oo taallaabo culus qaaday kadibna sameeyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Muqdisho sida ay wararku xaqiijinayaan. Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu kaga qayb-galo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo gelinka danbe ee maanta ka furmaya Muqdisho. Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo uu weheliyo Gobolka Banaadir ayaa Shirkan kaga arrinsanaya Xaaladda Siyaasadeed tan Dhaqaale iyo midda Amni ee dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku sii jeeda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - At least 14 Iranian fishermen held in Al Shabaab captivity for eight years have been released, according to Iranian state media. Source: Hiiraan Online
-
Chief of Defence Forces Gen Robert Kibochi concluded a three-day visit to troops at Mariakani Garrison in Kilifi county, Manda, Sarira and Baure in Lamu County, and, Wajir, Konton and Burahache in Wajir County as part of his end of year official visit to Services, Formations, Bases and Forward Operating Bases. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s ongoing victories against Al-Shabaab militants could be hurt by overzealous officials wary of critical media, press freedom lobbyists warned on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Yuusuf Kabokutukade oo ah hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kooxda siiyey wareysi uu uga warbixinayo dagaallada ka socda gobolkaas ee ciidanka dowladda iyo shacabka kacdoonka sameeyey ay kula jiraan. Ugu horeyn Kabokutukade wuxuu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay lix askari iyo sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdirashiid oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ay ku dileen qarax ay kula beegsadeen duleedka degmada Mahadaay. Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku andacooday in wax weyn aysan ka dhigneyn in laga qabsado dhamaan degmooyinkii gobolkaas, sida Aadan-yabaal iyo Ruun-nirgood oo u dambeysay. “Sh/Dhexe wax dheexaa ugama hir gelin kuwii nasoo weeraray, shacabku waa ogyihiin in aan deegaanada ku soo laaba doono, hadii meelaha qaar la shirbay, waxaan idiin sheegayaa Shirib Shabaab ma celiyo,” ayuu yiri Yuusuf Kabokutukade. Sidoo kale ninkaan ayaa dowladda ku dhaliilay in qabaa’ilka ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda uu ka tirsan yahay ee Al-Shabaab, “Shacabkaan wax aan diinta islaamka aheyn kama gadi karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Kabokutukade. Wuxuu sheegay in ka Shabaab ahaan ay dadka u sameeyaan maamul “Wanaagsan oo diinta Alle ku dhaqma” isagoo ku andacooday in dadka aysan been u sheegin oo balan qaad aan la fuli doonin aysan u sameyn, sida uu hadalkiisa u dhigay. Yuusuf Kabokutukade oo Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda ee la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleystaan deegaanada HirShabeelle oo intooda badan kooxda laga xoreeyey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, saldhigga ugu weyn ee Yuusuf Kabokutukade wuxuu ahaa deegaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, halkaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay laga xoreeyey kooxda, wuxuuna ka mid yahay Shabaab-ka firxadkooda lagu maacsanayo gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle. The post Shabaab oo si yaab leh uga hadashay guuldarradii Aadan Yabaal iyo Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.
