Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomalaiya ayaa faahfaahin ka bixiyey laba kiis oo loo soo qabtay rag eedeysaneyaal ah, labada kiis ayaa kala ah kufsi iyo dil, ka kala dhacay Muqdisho iyo Baardheere. Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtaya ayaa ugu horeyn sheegay inay Muqdisho ku qabteen eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cali oo loo heysto kufsi ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Kufsigaan oo maalmihii lasoo dhaafay ku baahay baraha bulshada waxaa ka soo muuqday seddax wiil oo gabar xoogeysa, waxaana hadda Muqdisho lagu qabtay hal eedeysane oo la sheegay inuu baxsad ahaa. “Eedeysanahaan wuxuu ka mid ahaa seddax nin oo gabar aad u yar tacadi u geystay, kadibna baraha bulshada lagu faafiyey, xogihii ay is dhaafsadeen booliska Baardheere iyo kan Muqdisho ayaa suurta geliyey in ninkaan Muqdisho lagu qabto,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Ehelka gabadha dhibanaha ah ee kusfiga loo geystay ayaa warbaahinta kula hadlay goobtaan, “Waxaan rabnaa in ninkaan naloo geeyo Baardheere, halkii uu dembiga ku geystay waa in cadaaladda lagu mariyo ninkaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada gabadha. Dhinaca kale afhayeenka booliska ayaa sheegay la soo qabtay askari shalay Kaaraan ku dilay wade mooto Bajaaj, kaas oo cadaaladda la marsii doono, sida uu sheegay Sadiiq Doodishe. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag loo haysto laba kiis oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Boosaaso (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa been-abuur ku tilmaantay war la faafiyey oo ahaa in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waraysiga gaarka ah ee ay siisay BBC-da ku sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso. “Warkaas waxbo kama jiro, waan xiisaynayay in aan Boosaaso tago se wakhtigaa aad iigu yaraaday, waanan rajeynayaa in marka danbe ee aan soo laabto aan Boosaaso gaadho,” ayay tiri Ilhaan oo ku sii jeeday Muqdisho. Ilhaan ayaa intii ay Puntland joogtay, waxay la kulantay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Deni, odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay kala hadashay arrimo kala duwan. “Waxaan u imid in Puntland soo booqdo wakhti badan baa iigu danbaysay, in qoyskaygii aan soo booqdo, meelaha xaal u marayana aan waraysto,” ayay tiri Ilhaan. Ilhaan ayaa intii ay ku gudo jirtey safarkeeda waxa ay la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirrada, xildhibaannada iyo odoyaasha dhaqankaba qaar ka mid ah. Ilhaan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016 markii u horraysya, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka. Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab. Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra’iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay “inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay “. Ilhaan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya. Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay “argagixiso”. Isha: BBC The post Maxaa ka jira in Ilhaan Cumar loo diiday inay tagto Boosaaso? appeared first on Caasimada Online.
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qoraal dheer kasoo saaray xiisada siyasadeed ee ka taagan maamulkaasi, kaasi oo ay ku dalbadeen in siyaasiyiinta loo furo garoonka diyaaradaha Baydhabo. War-saxaafadeedka kasoo baxay Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka ayaa waxa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay muddo xileedka sharciga ah ee Lafta-gareen arrimaha maamulka lagala xaajoonayo guddoonka golaha wakiilada. “Xildhibaanada waxay ku baaqayaan in colaada ka taagan magaalada Baydhabo la joojiyo oo aan la abuurin dhiilo colaadeed lagana shaqeeyo nabada iyo xasiloonida deegaanka. In 19-ka December wixii ka dambeeyey arrimaha deegaanada Koonfur lagula xaajoodo guddoonka Golaha Wakiilada, waa hay’adda kaliya ee sharciyad dhameystiran heysato wax kastana looga dambeeyo,” ayaa lagu yiri. “Xildhibaanada waxay aad uga xun yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS in uu dib u dhigo shirkii dib u heshiisiinta ee lagu balansanaa ee looga hadlayey arrimaha siyaasada gaar ahaan doorashooyinka KGS, waxaan ka codsaneynaa Madaxda Qaranka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u furaan shirkaas.” Waxay ka dalbadeen dowladda federaalka inay ku taageerto Baarlamaanka KGS dhameystirka howlaha badbaadinta dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii dhamaan ciidamada kala duwan ee amniga uga amar qaadan lahaayeen ku-simaha guddoomiyaha. “Sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorashada Guddoomiyaha oo ah howsha ugu horeyso ee Golaha u taalo si loo dhameystiro Guddoonka Golaha sida ku cad qoddobka 10-aad, faqradiisa 4-aad ee Xeer Hoosaadka.” Sidoo kale waxay madaxweyne Xasan Sheekh ka codsadeen in dib loo dhigo shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee loo balansan yahay in uu dhaco maalmaha soo socda, maadama ay Koonfur Galbeed metalaad sharciyeysan ku laheyn. “Xildhibaanada waxay ugu baaqayaan ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad inuu u hogaansamo baaqa xildhibaanada uuna dardar-geliyo howsha Golaha ee hortaala.” Ugu dambeyntiina waxay ku baaqeen in laga wada-shaqeeyo sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda magaalada Baydhabo, taasi oo xal u ah isqab-qabsiga hada ka taagan Koonfur Galbeed. Qoraalkan ayaa imanaya xili ay kasii dareyso xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Xildhibaanada maamulkaasi ay u kala jabeen laba garab, kadib khilaafka ka dhashay muddo kororsiga uu golahaas kal hore u sameeyay Lafta-gareen. The post Xildhibaanada K/Galbeed oo dalab lama filaan ah ka gudbiyay xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
  4. Afar iyo toban kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, oo qaarkood la qabtay muddo siddeed sanno ah kahor ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay wakaaladda wararka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah. Sida ay ku qortay wakaaladda wararka ee AFP , kalluumeysatada ayaa laga soo afduubtay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, waxaana la sii daayay kadib “wadaxaajood dheer oo ay la yeesheen madaxda dowladda, isimada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ISNA. Waxaa lagu soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Tehran ee Imam Khumeyni habeenimadii Sabtida kahor inta aan loo dhoofin magaalada koonfurta ee ay ku nool yihiin ee Chabahar. Siideyntooda ayaa timid ku dhawaad hal bil kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen in ay ka heleen meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan 20 ajaaniib ah oo kala ah 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah. Ma cadda sida ay ku timid in la sii daayo, iyadoo booliiskuna ma bixin faahfaahin dheeraad ah, iyagoo soo xiganaya baadhitaan socda. Source
  5. Taliban ayaa soo saartay amar haweenka Afgaanistaan lagaga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn. Hoggaamiyaasha Islaamiga ah ayaa sheegay in haweenka u shaqeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xidhan. Wareegtadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii haweenka ardayda ah laga mamnuucay Jaamacadaha. Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay tallaabadaasi iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ah. Source
  6. Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka. laba qeyb ayaa loo kala saaray. 1. Hoggaamiyaasha iyo Siyaasiyiinta 2.Aqoonyahannada iyo culimada Dadkan ayaa saameyn ku leh arrimaha bulshada, warbaahinta, sayniska, farshaxanka, dhaqanka iyo ciyaaraha. Liiska ayaa waxaa qaybta kowaad kaga jira Boqoka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa qaybta labada ku jira halka Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu yahay qofka saddexaad. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna ah qofka afaraad, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa ku jira lambarka sideedaad ee liiskaan. Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa nambarka tobnaad ah, Joko Widodo, madaxweynaha Indonesia, oo ah dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ayaa ah qofka 15-naad ee dadka ugu saameynta badan caalamka. Liiska ayaa lagu sheegay sidoo klae dad kale oo ay ku jirto haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Tanzaaniya Samiya Suluhu Xassan oo ah lambarka 38. Source
  7. Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa maanta ku dhawaaqday in la xiri doono nabadoonkii iyo qofkii kale ee beel ahaan uga daba taga qofka loo soo xiro Shabaabnimo, xilli uu maamulkaasi ka socdo dagaal xoogan oo ka dhan ah kooxda. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan oo arrintaasi shaaciyay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab uu kala dhaxeeyo dagaal, islamarkaana aysan aqbali doonin in wada-hadal laga galo qofkii loo soo xiro kiis la xiriira. “Ninkii qof lasoo qabtay (Al-Shabaab) ah dhaha waa reer hebel, isagana halagu daro, isagaa ka daran oo ka xun, Shabaab iyo Innaga waxaa naga dhaxeeya qorigaas, waala waayay wax kale oo lagu kala qanco oo aan qoriga ahayn,” ayuu yiri. “Dheeraad ayay nolosheena iyo Soomaaliya ku yihiin (Al-Shabaab) marka waa in aan ka saarnaa waxaana uga saari karnaa in aan wadajir dagaal ula galno.” Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Muddo 4 ah joogto ayey u socdaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana lagu qabtay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedka HirShabelle.” Waxa uu sheegay in dib loo soo celinayo adeegyada bulshada oo muddo 15 sano aanay u helin sida ay ugu baahan yihiin dadka ku nool deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha. “Howl-galada waa ay kasii soconayaan gobolka illaa inta gacanta maamulka dib loogu soo celinayo deegaanada iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.” The post HirShabelle oo ku dhawaaqday go’aan culus oo la xiriira dadka loo qabto Shabaabnimo appeared first on Caasimada Online.
  8. Wararja naga so gaarayo waaxda Janaraal Daa’uud ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in khasaaro dhimasho ah uu ka dhashay dhisma biyamareen dhulka hoostiisa ah oo laga dhisayay wadada. Wararka ayaa sheegayo in ay soo duntay Warta Ceel Qalow Tubo La galinaayay Dhulka hoostiisa ilaa Bada Waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah, iyada oo ay ku naf waayeen afar kamid ah shaqaalihii ka shaqayn jiray. Marxuumiinta dhimatay ayaa kala ah: 1.C/naasir Axmed Maxamud Ina Shariifo Axmed Xuseen 16 Jir Ahaa Ku Dhashay Sh/Dhexe Daganaa Yaqshiid. 2.Cumar Muxudiin Xasan Ina Suldaano Xasan Gaabow 20 Jir Ahaa Ku Dhashay Sh/Dhexe Daganaa Yaaqshiid. 3.C/raxmaan Salaad Cabdulle Ina Aamino Maxamud Dhuxul 20 Jir Ah Ku Dhashay Sh/Dhexe Daganaa Yaaqshiid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Addis Abeba – Ethiopian Red Cross Tigray branch office has said it is unable to deliver its services to drought and conflict-stricken people in the Tigray due to scarcity of medicine and challenges related to logistics. The Ethiopian Red Cross on its part, told Addis Standard that it has lost communications with its Tigray branch offices. Source: Hiiraan Online
  10. The initiative "Qatar FIFA 2022 for All: Celebrating Football with Refugees and Displaced People" has been praised by many government and local officials in the countries where it was held. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay rag kalluumeysato ah oo u dashay dalkeeda, kuwaasi oo hore maxbuus ahaan loogu haystay gudaha Soomaaliya. Iran ayaa sheegtay in raggaan dalkeeda dib loogu soo celinayo kadib wada xaajood iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran. Siddeed sano ka hor ayay raggaan ka qabatay kooxda Al-Shabaab biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, ayada oo warar kale ay sheegayaan in kooxda ay kala wareegtay Burcad Badeed Soomaali ah. “Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku guulaysatey soo deynta la haystayaashii ay afduubka u haysteen kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. Kalluumeysatadaan oo dhammaantood kasoo jeeda magaalada dekedda ah ee Chabahar ee koonfurta dalkaas ayaa ka degaya magaalada Tehran kadib markii ay qaadday diyaarad ka soo duushay magaalada Muqdisho Sabtidii xalay. Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay baaritaan ku sameynayso kalluumaysato ajnebi ah oo Shabaab gacanta ku hayeen sanado badan, kuwaasi oo lagu qabtay aagga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. The post Maxay ahaayeen ragga ay DF maanta ku wareejisay Iran? appeared first on Caasimada Online.
  12. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka golaha wadatashiga qaran, kaas oo la filayo in waqtiyada soo socdo uu ka furmo caasimadda. Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaa caasimadda qaarkood hadda ay soo gaareen halka kuwa kalena ay ku soo wajahan yihiin. Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho, waaxana sidoo kale la filaya in ay soo gaaraan madaxweynayaasha Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Puntland. Kulankaan ayaa la filaya in looga hadlo dardar gelinta hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda qaar kamid ah gobalada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Moqokori ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay deegaanka Xaawada Gadiid oo 30KM u jirta magaaladaasi ee gobolka Hiiraan dhinaca degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Shabaab ay weerar soo rogaal celin ah ku qaadeen fariisinka ciidanka ee degaanka Xaawa Gadiid. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa dhankooda sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dagaal-yahaanada Al-Shabaab, islamarkaana dagaalkii dhacay ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda. Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanka Cali Axmed oo ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay halkaasi ka wadaan howl-galo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn. Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaa lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen. The post Al-Shabaab oo rogaal celin ka sameeyay Hiiraan iyo dagaal xooggan oo dhacay appeared first on Caasimada Online.
  14. Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa saaka la wareegay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Maleeshiyaadka ayaa gebi ahaanba albaabada isu dhuftay xarunta wasaaradda islamarkaana weli gacanta ku haya sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Lama oga sababta ka danbaysa in maleeshiyaadkan hubaysan ay qabsadaan xarunta wasaaradda. Waxaase muddooyinkii danbe isa soo tarayay cabashooyinka ka imaanayay bulshada iyo eedeymo musuq maasuq ee loo jeedinayo xubnaha ugu sareeya Wasaaradda ee Gobolka Mudug. Qaran News
  15. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraylanka ayaa been-abuur ku tilmaantay in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso. Marwo Ilhaan Cumar oo wareysi gaar ah siisay BBC-da ayaa sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso. ” Waxba kama jiraan warka ah in Boosaaso la iga hor istaagay arrintaas waa been abuur” ayay BBC-da u sheegtay Ilhan oo ku sii jeeday Muqdisho. Sidoo kale waxay sheegtay in ay horumar fiican ku soo aragtay degmooyin ka tirsan Puntland oo ay booqasho ku tagtay. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo beenisay in loo diiday Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka Difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo kormeer ugu yimid ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen diyaargarowga la dagaalanka howlgalka kooxda Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada ciidamada dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS. “Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya” ayaa lagu yiri qoraalka. “Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan” ayaa lagu daray. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Maxay ka wada hadleen Aadan Barre Ducaale iyo Axmed Madoobe? appeared first on Puntland Post.
  17. Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa goordhow xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo saaka saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo kasoo laabtay deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab. Odayaashan ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab, laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska. Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Odayaasha waa la xiray, waxaana loo gudbiyay magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Al-Shabaab ay la tacaamusho” Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, oo sidoo kale goobta ka hadlay ayaa yiri” Odayaasha maanta hadlay waa dambiilayaal, tallaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii wareystay cadaaladda ayaa la hor keenayaa.” Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lalal soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa. Shirkii jaraa’id ee ay saaka qabteen ayey odayaasha Slaeebaan ku beeniyeen inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, balse waxay qirteen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah. “Oday dhaqan waxaa xalkiisu yahay meeshii dadka shacabka ah wax ka galaan inuu galo, sidaas ayaan annaga ku galnay. Shabaab ma nihin, siyaasiyiina ma nihin,” ayuu yiri Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle oo kamida odayaasha heshiiska lasoo galay Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamnay in heshiiska ay la galeen Al-Shabaab kusoo daayeen illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan. “Annagu 67 qofood ayaan keenay, gaadiidkii Saleebaan oo afar bilood xayirnaa saakadaan-bey dareerayeen kulligood,” ayuu sii raaciyay Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle. The post Sawirro: Odayaasha beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyey Al-Shabaab oo la xiray appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada ee Soomaaliya waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Qaban -qaabadii ugu dambeysay ee shirkan ayaa hadda ka socota xarunta Villa Soomaaliya, halkaas oo ay isugu tegayaan madaxda Soomaaliyeed. Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan caasimada, sida madaxweynaha HirShabelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Galmudug oo goordhow lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda la sugayaa hoggaamiyeyaasha maamullada kale ee Puntland iyo Jubbaland oo kasoo kala kicitimaya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka. Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi. Soomaaliya ayaa haatan ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka. The post Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.