Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan ee dhawaan heshiiska lasoo galay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad ay kasoo qaaday magaalada Dhuusamareeb. Odayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirna Dhuusamareeb, kadib markii ay ciidamada ammaanka Galmudug kasoo qabteen magaalada Cadaado. Odayaasha oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Axadii toddobaadkan kasoo muuqday warbaahinta, ayaga oo qirtay inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab, wallow qeybo kamid ah heshiiskaasi iska fogeeyeen. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Odayaashan ayaa Muqdisho loo keenay si loogu maxkamadeeyo, kadib markii hay’adaha amniga maamulka Galmudug ay kusoo wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya. Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ka hor inta la xirin ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in Shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan. Xariga odayaashan ayaa markii hore waxa qeyb ka aheyd eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda. Marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab. Hoggaanka Kooxda ayaa arrintaan shalay beeniyay kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Cali Dheere. “Nimankaan odayaasha ah ee reer Xaaji Saleebaan ma aheyn saraakiil Shabaab ah ama odayaal Shabaab ee waxay ku magacaaban yihiin Nabadoon waxay soo dooneen nabad ay tolkood u raadiyeen, haddii ay fuliyeen mansabkii ay ku magacownaayeen in lagu dhibaateeyo waa uga tacsiyadeynayna.” Al-Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa. The post Odayaasha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Shabaab oo la keenay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo qeyb ka ah madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, ayaa shuruud adag ku xiray ka tanaasulka muddo kororsiga halka sano ee uu sameystay. Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo shirkoodii cadaadis ku saaray Lafta-gareen xiisada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu u sheegay in doorasho uu qabanayo haddii maamullada kale ay lamid noqonayaan, sid ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Xogta aan helayno ayaa intaas kusii dareysa in shuruuda Lafta-gareen uu ku xiray culeyska uu ka wajahay madaxda shirka ay keentay inaysan ku qasbin qabashada doorasho, balse ay ku cadaadiyeen oo kaliya in uu xal aan dagaal aheyn u keeno xiisada taagan. “Haddii aan la i dhaafeyn ha la ii sheego oo aan doorasho qabsado koley kaligey ima saameynayso oo raga kale oo dhan doorasho ayaa laga rabi doona ama culeyska gaarka ah ha la iga dhaafo,” ayuu yiri Lafta-gareen sida aan kasoo xiganayno ilo wareedyo muhiim ah. Lafta-gareen ayaa haddii lagu qasbi lahaa qabashada doorashada maamulka, waxa sidoo kale waxba kama jiraan noqon laheyd muddo kororsiga halka sano ay hore u sameysteen madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle. Madaxda dowladda federaalka ee qeybta ka ahaa shirkaan ayaa ka gaabsatay arrintaan, waxaana laga fahmi karaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan xiligaan rabin in uu galo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada. Lafta-gareen ayey u badan tahay in uu sanadkiisa qaadan doono, maadama aysan dowladda dhexe heegan u aheyn in maamulada u dirto doorasho waafaqsan muddo xileedkii ay xilalka kula wareegeen. The post Xog: Lafta-gareen oo shuruud ka yaabisay Golaha Wadatashiga ku xiray qabashada doorasho appeared first on Caasimada Online.
  3. Kumuu ahaa Cabdinaasir Macallin Caydiid? Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa xalay ku geeriyooday fannaankii caanka ahaa ee la oran jiray Cabdinaasir Macallin Caydiid oo in muddo ah xanuunsanayay. Maamulka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay geerida fannaanka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fannaanka geeriyooday ku tilmaamay “Tiir adag oo ka baxay bahda fanka sidoo kalena uu ahaa mullaxamiiste, hoobal iyo kabanayste isla markaana si weyn looga yaqaanay geyiga, door muhiim ahna ka soo qaatay halgankii dibu xoraynta dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland”, sida lagu shaaciyay bogga Facebook-ga ee telefishinka Qaranka Somaliland. Kumuu ahaa Cabdinaasir? Waxa uu ahaa muusigyahan qalabyo kala duwan tuma, laxansameeye iyo heesaa. Wuxuu ku dhashay Cadan, 1959. Tacliinta kaddib, Yemen wuxuu uga shaqeeyay xirfaddiisa makaanignimada; geerash buu Cadan ku lahaa. Fanka, siiba muusigga, wuu jeclaa ilaa yaraantiisii, hase ahaatee aabbihii baa ka hor taagnaa, oo hadba giitaar ka kala jebin jiray. Sanadkii 1979 ayay reer Macallin Caydiid ka guureen Cadan oo Hargeysa degeen. Dhowr sano kaddib, Cabdinaasir dalka Qatar buu u dhoofay, 1983. Markaa uu Qatar tegay buu fursad u helay barashada muusigga. Kaman buu gacanta ku dhigay, macallin buu se waayay. Hadba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaaye, buug buu iibsaday, dabadeed ka akhristay casharrada asaasiga ah ee muusigga. Buuggaas baa fure u noqday, wuxuuna la yimid dedaal iyo ka go’naan xooggan. Saddex sano gudahoodba qalinjebis buu ahaa. Intii uu Qatar ku sugnaana wuxuu la shaqeeyay fannaaniin reer Suudaan ah, waayo heesaha Carabiga ah buu ku tababartay kolkii hore. Tumidda heesaha Soomaaliga ah wuxuu ku billaabay Qaraamiga, sida uu ku warramay. Heesihii ugu horreeyay ee tumiddooda uu isku dayayna waxaynu ka carrabbaabi karnaa codka Laac. Sidaas oo kale, Soomaalida, hoobal Maxamed Saleebaan Tubeec baa ah fannaankii koowaad ee Cabdinaasir uu kaman u tumo. Barnaamij uu Tubeec Qatar ku qabtay 1985 ayuu Cabdinaasir ka tumay. Mar kale ayuu Hargeysa yimid 1986. Isla sanadkaas buu ku biiray kooxdii fanka ee Danan, wuxuuna safka hore ka raacay muusigyahannadii kooxdaas, oo aynu ka magacdhebi karno Nagiib Xaashi, Maxamed-Alto iyo Cabdi-Yare. Kooxdaas buu ka mid ahaa ilaa 1988. Wax-soo-saarkii kooxdaas ee Cabdinaasir kaalinta ku lahaana waxaynu ka xusi karnaa bandhig-faneedkii Axmed Mooge Liibaan ee Muqdisho, 1987. Cabdinaasir wuxuu tumi jiray dhowr qalab, sida giitaar, dhexyar, oorgan iyo kaman. Masraxyaddii kooxda Danan, tusaale ahaan, Cabdinaasir waxa lagu xusuustaa giitaarka. Dhanka kale, isla xilliyadaas waxaa hirgalay kamankiisa oo lagu maqlay heesaha qaaciga ah. Labadaa kaddib waxaa fagaaraha yimid, shaashaddana laga arkay, Cabdinaasir oo dhexyar iyo oorgan tumaya. Hase ahaatee waxa si gaar ah loogu bartay kamanka. Cuudka waxaa macallin dadban ugu ahaa, sida uu Cabdinaasir marar kala duwan saxaafadda ka sheegay, Jiim Sheekh Muumin. Gacanta Jiim buu jeclaa, dhegeysan jiray, oo uu hiigsan jiray. Si goonni ahna wuxuu ugu dayan jiray heesaha qaaciga ah ee Jiim uu u garaacay Kinsi Xaaji Aadan. Taasina waxay sababtay in uu ku taamo “tolow mar uun Kinsi maad hor fadhiisan oo maad wax u tumi!” Hammigiisaasi ma beenoobin. Wuxuu is arkay isaga oo Kinsi hor fadhiya, kamankana u tumaya, oo ay ku luuqaynayso, “anna laanta ubaxaa, adaan kuu lululayaa.” Laga billaabo 1986 ilaa 1988 waxa soo baxay albannada qaaciga ah ee uu Cabdinaasir magaca ku kasbaday. Waa heesaha uu u tumay Axmed Gacayte, Aamina Cabdillaahi, Kinsi Xaaji Aadan, Axmed Mooge iyo kuwo kale. Sanadkii 1988 wuxuu galay marxalad kale. Waa Cabdinaasir oo duurka ku jira, kamanka iyo qorigana midba gacan ku sita, tabtii Maxamed Mooge. Markanna cuudkiisa waxa lagu xusuusan karaa heesihii guubaabada dagaalka u badnaa ee uu u tumayay fannaaniintii SNM iyo Raadiyow Halgan, sida Rashiid Bullo iyo Sahra-Halgan. Waqtigaa halganka, fanka guubaabada ah ka sokow, Cabdinaasir wuxuu lahaa kaalin kale. Waxaa lagu tilmaami karaa in uu ahaa dugsi muusig oo duurka ka furan. Mustafe Macallin Caydiid oo maanta ah muusigyahan dhowr qalab tuma, metalan, waa ardaydii uu Cabdinaasir xeryihii qaxootiga iyo furumihii dagaalka wax ku baray. Kolkii uu halgankaa ka faraxashay, Cabdinaasir wuxuu u jeestay halgan kale. Xilligii dagaalka waxaa dumay fankii iyo dhammiba kaabeyaashiisii, tabtii ay daaraha Hargeysaba u dumeen xilligaas. Dagaalku tiyaatar iyo qalabba wuu sahayday. Sidaas oo kale, fannaaniintiina wax dhintay iyo wax debedaha u firxaday bay noqdeen, badiba. Marxaladdanna Cabdinaasir wuxuu ahaa hormuudkii u guntaday bakhti’afuufka fanka, siiba fanka nool ee Hargeysaawiga ah. Metalan, wuxuu albanno qaaci iyo qaraamiba leh u garaacay fannaaniin aynu ka xusi karno Maxamed Axmed Kuluc, Seynab Cige Maxamed, Sahra Cali Xasan, Xuseen Cali Kaahin, Maxamed Nuur Giriig, Sahra Axmed Jaamac, Axmed Maxamed Good “Shinbir” iyo qaar kale. Geeddigaasina waa silsilad xidhiidhsan ilaa barnaamijyadiisii u dambeeyay ee Hiddadhawr iyo telefishinka Astaan. Gebagebo Labo halgan baa u baadisooc ahaa fanka Cabdinaasir Macallin Caydiid. Halganka hore waa kii hubaysnaa ee 1988 ilaa 1991 iyo kamankiisii uu duurka la galay. Halganka labaadna waa soo noolaynta fanka. Labada marxaladoodba, fanka Cabdinaasir wuxuu wajahay caqabado waaweyn, laakiin wuu is dhiibi waayay. Qaran News
  4. Baydhaba (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Muqdisho iyo Baydaba, ayaga oo ka soo horjeedo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen). Xildhibaan hore Xasan Black oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, isla-markaana hadda ah garabka mucaaradka ee maamulkaas ayaa u warramay Radio Risaala, isaga oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, wuxuuna ka hadlay xaaladda guud. Xasan Black ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba ay mas’uuliyaddooda qaadi doonaan madaxda Koonfur Galbeed, gaar ahaan Lafta-Gareen. “Masaakiinta dhamaatay ee dhaawacantay ee guryahoodii burbureen Cabdicasiis iyo wixii la hal maala ayaa mas’uuliyadda iska leh, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Black. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka mucaarad ahaa uu go’aankooda yahay in la qabto doorashada, isla-markaana meesha laga saaro qorshaha muddo kororsiga. Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in muddadii xil heynta ee sharciga ay ka dhamaatay madaxweynaha, loona baahan yahay inuu isku diyaarado doorashada & ka qayb-galkeeda. “Go’aanka aan rabno waa cad yahay Koonfur Galbeed waxay kamid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira afar sano kasta waa inay doorasho dhacdaa, sida Dastuurka ay ku qoran tahay. Afartii sano waa dhamaatay Cabdicasiis waa madaxweynihii hore, wuxuu la mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Arrintan kasoo baxday mucaaradka ayaa uga sii dareysa xiisadda ka jirta Koonfur Galbeed, maadaama isaguna Lafta-Gareen uu ku adkeysanayo inuu ka dhabeeyo muddo kororsiga. Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalada cakiran iskuna bedashay gacan ka hadal, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi. The post Mucaaradka K/Galbeed oo ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
  5. Shacab gadoodsan ayaa isugu soo baxay Laascaanood kuwaas oo ka cadhaysan dilkii loo gaystay marxuum Hadraawi Sangub. Laascaanood ayaa waxa ku soo noqnoqday dilalka loo gaysto dadka haldoorka ah ee gobolka iyadoo inta badan aan lagu guullaysan soo qabashada kuwa dilka gaystay. Dadweynaha mudaharaadayay ayaa xidhay waddooyin muhiim ah inkasta oo markii dambe Ciidamadu ku guullaysteen in ay dadka kala ka xeeyaan. Qaran News
  6. Ugu yaraan lix ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Somaliland ku fureen shacab muddaharaad ka samaynayay Laascaanood. Dadweyne ka caraysan dilalka qorshaysan ee ka socda Laascaanood ayay ciidamada Somaliland ku fureen rasaas si ay u kala cayriyaan. Waxaase falkaas ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee muddaharaadka samaynayay. Dhaawacyada shacabka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka magaalada Laascaanood si xaaladooda loola tacaalo. Dhinaca kale ciidamada Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ayaa loo daabulay dhinaca Laascaanood si loo xakameeyo muddaharaadka ka socda magaalada. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo dad rayid ah ku dhaawacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  7. The World Bank country representative for Somalia Kristina Svensson spoke to James Anyanzwa about the Bank’s commitment to supporting Somalia’s social-economic and political reform programmes. Source: Hiiraan Online
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Marxuum Cabdinaasir Macallin Caydiin oo kamid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay isbitaalka u jiifay xaalad caafimaad daro oo la soo daristay, waxaana loo qaaday dalka Ethiopia oo uu haaatan ku geeriyooday. Qaar kamid ah Fanaaniinta caanka ah ayaa ka hadlay geerida Cabdinaaasir Macallin Caydiid, waxayna Eebbe uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Firdsowso. “Ilaahay Ha u Naxariisto Ustaad Cabdinasir Macalin Caydiid qabriga Alle ha u nuuriyo dhamaan ehelka qaraabada iyo Soomaali oo dhana samir iyo iimaan Ilaahay ha’inaga wada siiyo,” yiri Fanaan Dalmar Yare oo ka hadlay geerida Marxuumka. “Hadhacii Fardowsaad Halhaleel ku gal AUN Aabe Cabdinaasir Macalin Caydiid wuxuu ahaa macalinkayga,” ayuu isna yiri Fanaan Qamar Suugaani. Haddaba kumuu ahaa Cabdinaasir Macallin Caydiid? Allaha u naxariistee wuxuu Cabdinaasir Macallin Caydiid ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1959-kii. Waxaana uu wax ku bartay dalkaasi isaga oo soo noqday farsamo-yaqaan gaadiidka ah ama makaanik. Sidoo kale wuxuu fanka ku biiray horraantii sanadihii 1980-yadii, isaga oo bartay tumista Kabanka ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac , Axmed Mooge Liibaan, Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aada, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan. Wuxuu sida oo kale ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble (Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka aheyd. AUN marxuumka ayaa sanadihii dambe ku noolaa Somaliland, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa isagoo kamid ahaa tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed. The post Fanaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  9. Badweynta Hindiya ayaa fatahaad ku samaysay qayba kamid ah degaanka Garacad ee Gobolka Mudug sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaankaas. Biyaha badda ayaa marba marka ka danbaysa u sii fidaya dhinaca magaalada waxaana meesha ka baxay camuudii u dhexaysa badda iyo berriga. Mas’uuliyiinta degaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay fatahaaddan oo laga cabsi qabo in ay sii fiddo haddaan wax laga qaban. Fatahaaddan ayaa la rumaysan yahay in ay sababtay isbeddelka cimilada adduunka (The Climate change) ee sii kululaanaysa. Garacad ayaa kamid ahayd degaanno xeebeedyo ka tirsan Soonaaliya oo ay ku fatahday bad weynta Hindiya sannadkii 2004 kadib Tsunami ka dhacay dalka. PUNTLAND POST The post Badweynta Hindiya oo fatahaad ku samaysay degaanka Garacad appeared first on Puntland Post.
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ka geysteen deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska Kenya oo ka hadlay weerarka oo dhacay habeenkii Kirismaska. Sidoo kale xubnaha weerarka fuliyay ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaalla halkaas, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana gubtay dhowr guri. Booliska ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka fulisay oo baxsatay, kadib dhacdadaasi. Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Xeebta John Ellungata oo ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in weerarka kadib uu dagaal dhex-maray ragga hubeysan iyo ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay iska caabin sameeyeen inta uu socotay is rasaaseynta. John Ellungata ayaa farriin culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Booliska dowladda Kenya. “Xaaladdu waa degan tahay, waxaan joognaa goobta askar roondo ah, waxaana ka codsanaynaa xubnaha bulshada inay noo sheegaan waxay og yihiin inay naga caawiyaan baaritaanada inta aan wadno howlgallada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Xeebta. Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha Kenya, waxaana todobaadkii hore ay qarax la beegsatay ciidamo ka tirsan kuwa dalkaasi. The post Al-Shabaab oo toogasho ka geysatay dalka KENYA kadibna gubtay guryo appeared first on Caasimada Online.
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen dadka Shacabka ah. Dibad-baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada arrintaan. Dadka dhigayay dibad-baxaan ayaa dhagxaan waaweyn ku jaray waddooyinka, iyaga oo dalbanayay in laga hortago dadka dilalka loo geysanayo Haldoorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga Somaliland ee ku shaqada lahaa amniga magaalada. Dibad-baxaan ayaa imanaya kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada ku dileen Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sool, xili uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Booliska ay rasaas ku kala eryeen dadkii dibad-baxaan dhigayay, taasi oo ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah shacabka, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dibad-baxaan oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Laascaanood aya intii uu socday waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo goobaha Ganacsiga, inkasta oo markii dambe ay dib u furmeen. The post Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacay Laascaanood iyo khasaare ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  12. Muddaharaad looga horjeedo dilalka qorshaysan ee lagu hayo dadka Gobolka Sool ayaa maanta ka socda magaalada Laascaanood. Dadweynaha muddaharaadka samaynaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah maamulka Sonaliland ee haysta Gobolka Sool. Dadweynaha qaarkood ayaa Somaliland ku eedaynaya dilalka madax-jebiska ah ee lagu hayo labeenta bulshada u dhashay Gobolkaas. Amniga Laascaanood ayaa sii xumaanaya waxaana xalay oo u danbaysay lagu dilay mid kamid ah Haldoorka bulshada. Dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo haldoorka oo aan cidna loo qaban ayaa Laascaanood ka socday mudadii ay gacanta ku haysay Somaliland. PUNTLAND POST The post Muddaharaad ka socda magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Allaah u naxariistee waxaa magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Fanaan Cabdinasir Macalin Caydiid oo kamid ahaa hobaladii Fanka Soomaalida. Cabdinasir Macalin Caydiid ayaa dhawrkii sano ee la soo dhaafay ku xanuun sanaa magaalada Hargeysa, waxaana xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya oo uu ku geeriyooday. Cabdinasir Macalin Caydiid waxa uu ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yamen, sanadkii markii uu ahaa 1959-kii 13-kii bishii November. Waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd waxa uu ku qaatay magaalada Cadan, halkaas oo uu sidoo kale ka soo bilaabay waayihiisii kaban iyo fanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland Xasan Jidka ayaa sheegay in ay musuq maasuq badan sameeyaan hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala Gobolka Mudug. Duqa Gaalkacyo ayaa sheegay in Rag u dhashay Gobolka oo ka hawlgala hay’adaha Caalamiga ah ay musuq maasuq ku sameeyaan kaararka loo qaybiyo dadka masaakiinta ah. Xasan Jidka ayaa sidoo kale tilmaamay in musuq maasuq hareeyay dhammaan mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay ka fuliyaan Gobolka Mudug. Hay’adaha kala duwan ayuu sidoo kale ku eedeeyay in aysan u hoggaansamin nidaamka dowliga ah islamarkaana ay fulinayaan mashaariic aysan dowladdu wax ka ogayn si aan loola xisaabtamin. Mas’uuliyiinta hay’adaha ka hawlgala Gobolka Mudug weli kama jawaabin eedaynta uu u jeediyay duqa degmada Gaalkacyo oo aysan Puntland Post si madax-bannaan u xaqiijin. The post Duqa Gaalkacyo oo musuq maasuq ku eedeeyay hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda Isgaadhsiinta ee Hormuud Telecom. Ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas. Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha Isgaadhsiinta ayaan ka hadlin arrintan. Af-hayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan VOA u sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan Isgaadhsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas. Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna u sheegay idaacadda VOA in Al-Shabaab ay diidayaan in Isgaadhsiintu ay gaadho degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa xalay xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada, waxaana munaasabaddaas soo qaban qaabiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ilhaan oo ka hadlashay munaasabadda ayaa u mahadcelisay madaxda dowladda federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa ka sheekeysay safarka ay haatan kusoo gaartay gudaha Soomaaliya iyo sida ay ku qorsheysay, waxayna shaaca ka qaaday in kahor inta aysan kasoo socdaalin Washington looga digay in xilligan ay soo booqato gudaha Soomaaliya. Waxa ay tilmaamtay in loo sheegay in waqtigaan Soomaaliya ay ka jirto amni xumo, isla-markaana ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dhibaatooyin kale. “Hadda marka aan soo socday waxaa la yiri waa waqtigii ugu xumeyd oo la tegaayi waddankii qarxis badanaa ka dhacoobo dhibaataa ka jirto waxbaa halleysan. Ilhaan waqtiga Soomaaliya la tegaayo waqtigaan aad usocotid ma’ahan ayaa laygu yiri” ayey tiri. Sidoo kale waxay intaas raacisay “Alxamdulilaahi waxaa ii suuragashay Garoowe illaa Bandar Beella inaan gaari ku tego, waxaa ii suurta gashay inaan Muqdisho idin la joogo”. Dhanka kale Senator Ilhaan Cumar ayaa dowladda federaalka ku boggaadisay go’aanka ay ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray. “Isma dhaheynin waqti aad u yar in guul weyn uu ku gaaraayo ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya, waana u hambalyeynayaa shaqada badan ee ay qabteen,” ayey tiri. Hdalkan kasoo baxay Ilhaan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo adag iyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn. The post Sawirro: Ilhaan Cumar oo shaacisay arrin ku dhacday kahor safarkeeda Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Alle ha u naxariisto Cabdinaasir Macallin Caydiid oo xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Cabdinaasir Macalin Caydiid waxa ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen 1959 , waxaana uu wax ku bartay dalkaasi., waxaana uu noqday farsamo-yaqaan gaadiidka ah ama Makaanik Waxa fanka ku biiray horaantii sanadihii 1980-yadii , isaga oo bartay tumista Kabanka ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac, Axmed Mooge Liibaan , Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aadan, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan. Waxa uu ahaa sida oo kale laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen Nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble ( Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka ahayd. Alle ha u naxariisto waxa uu ahaa xubintii ugu dambaysay ee ka dhimata bahda Cuudka Soomaaliyeed Source
  18. Xukuumadda Puntland ayaa Garsoor rasmi ah u aqoonsan Garsoor dhaqameedka sida ay shaacisay Wasaaradda Caddaaladda Puntland. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in xafiisyada Garsoor dhaqameedka Puntland ay yihiin hanti dowladeed oo kamid ah xarumaha adeeg bixinta dowladda. Dhammaan Isu-duwayaasha Wasaaradda ee Gobollada ayaa lagu amray in ay ku shaqeeyaan xarumaha Garsoor dhaqameedka ee Wasaaraddu ku leedahay Gobollada Puntland. Mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee ku sugan Gobollada gaar ahaanna kuwa Garsoorka ayaa sidoo kale lagu amray in ay si dhow ula shaqeeyaan Isu-duwayaasha Wasaaradda ee heer Gobol. PUNTLAND POST The post Puntland: Garsoor dhaqameedka waxan u aqoonsanahay Garsoor rasmi ah appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) - Somalia President Hassan Sheikh Mohamud chaired the 4th meeting of the National Consultative Council of the Federal Government and its member states which enters its second day on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  20. Baidoa (HOL) - A group of Southwest regional state lawmakers blamed the federal government for clashes in Baidoa late last week between state security forces and militia loyal to opposition candidates. Source: Hiiraan Online