Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marka aad jawaab u waydo kii wax dilay marar badan hadana waxan dilayaa kii lahaa yaana dilay Dawladaay? maaha wax la aqbali karo Laascaanod waxa ka socda maaha wax sax ah baadhis gundheer ayay u baahan tahay meeshan dilka ka socdaa qalbiga ayuu gubayaa waayo Acyaantii iyo Haldoorkii uunbaaba habeenba mid la soo sheegaya gawriciisa Qoladii badnayd ee xukuumada ka tirsanayd ee lahayd dilka digilkaa ka masuula hadana maxay inoola hadli waayeen iyagoo badan oo u sheegi waayeen cidan ka masuulka ah dilkan socda uun. ilayn waatii Midhif iyo Digilba la mastaafuriyee.” Qorre:- Xildhibaan Maxamed Abiib Qaran News
  2. Laascaanood waxaa ka dhacay ayaandarro weyn, waxaanay ka turjumaysaa siyaasad-xumada xukuumadda, taas oo keentay in shacabkii iyo ciidamadii qaranka la iska hor keeno. Xisbiga Waddani wuxuu ka soo horjeedaa in shacabka xabbad nool loo adeegsado. Dilkii Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) iyada oo aan cid loo qaban, in lagu sii daro geeri iyo dhaawac kale waa guuldarro Somaliland u soo hoyatay. Waannu cambaaraynaynnaa dhacdadaa foosha xun. Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatay, inta dhaawaca ahna Alle ha u sahlo, waxaanan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada dadkaa dhibaatadu soo gaadhay “. W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta imaanaya Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online, sidoo kale wafuud ka kala imaaneysa dalal kale ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho. Madaxweyne Ismaaciil ayaa markii uu Muqdisho yimaado waxay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA. Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku heleyno. Si rasmi ah looma oga waxa uu safarka wafuudaan salka ku hayo iyo arrimaha ay kala hadli doonaan madaxda Soomaaliya, markii laga reebo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xaruntaas xarigga ka jaraya. Dhinaca kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu maanta xiran yahay oo laga joojiyey duulimaadyada, sabab la xariirta wafuudaan imaaneysa dalka. Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada berri ayaa saameyn doono boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha dalka u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama caasimadda uga iman lahaa. Sidoo kale waxaa saakay lagu waabareystay iyadoo ay xiran yihiin inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta ay sii xiraadaan saacado badan, inta ay ka laabaneyso wafuuda imaaneysa. The post Madaxweynaha Jabuuti iyo wafuud kale oo Muqdisho imaneysa maanta + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  4. Abdirashid Abdi endured a terrifying 4WD chase by a stranger but says he found no peace in her incarceration Source: Hiiraan Online
  5. U.S. Congresswoman Ilhan Omar hailed recent victories scored by the Somali government and local community forces against al-Shabab militants in central Somali regions. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in berri la hakiyey shaqada garoonka diyaarada ee Aadan Cadde, gaar ahaan duulimaadyada caadiga ah. Duulimaadyada dibadda iyo gudaha dalka ayaa la hakiyey, muddo 12 saacadood ah, sida lagu shaaciyey war-gelintaan, inkastoo aan qoraalka hey’adda lagu shaacin sababta loo kahinayo duulimaadyada. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah 28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo (6am illaa 6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta dib u dayactir,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda. Qoraalka hey’adda duulista rayidka ayaa intaas ku sii daray, “Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah.” Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri oo Arbaco ah ay dalka imaanayaan wafuud ka kala socota dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale xirmi doona wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Wufuudda ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Dowladda federaalka ayaa inta badan duulimaadyada Aadan Cadde u joojin madaxda imaneysa Muqdisho marka laga reebo xaalado naadir ah. Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada berri ayaa saameyn doono boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha dalka u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama caasimadda uga iman lahaa. The post Duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo la joojiyey berri + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - British broadcaster and television journalist Piers Morgan's Twitter was the victim of a cyber attack on Monday after his Twitter account was hacked. Source: Hiiraan Online
  8. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa berri oo arbaco ah hakisay duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Hakinta duulimaadyada Muqdisho ayaa la xiriirta imaanshaha wafuud uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo maalinta berri ku soo wajahan magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu ka qeybgalayo munaasabad xariga looga jarayo dhismaha xarunta ee cusub Akademiyada afka Soomaaliga oo hirgeliyey magaalada Muqdisho. Sidoo kale Madaxweynaha Jabbuuti ayaa kulan la qaadan doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Duulimaadyada Muqdisho oo berri la hakiyay appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeisa (HOL) - Renowned musician and oud player Abdinasir Moalim Aideed passed away in Ethiopia after a bout with cancer Source: Hiiraan Online
  10. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray oo uu bartiisa Twitter-ka dhigay waxa uu rabshadii maanta ka dhacday ku eedeeyay xukuumadda Muuse Biixi waxana uu nasiib daro ku tilmaamay wixii dhacay, qoraalkiisa oo koobnaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Laascaanood waxaa ka dhacay ayaandarro weyn oo ka turjumaysaa siyaasad-xumada xukuumadda. Xisbiga WADDANI wuu ka soo horjeedaa in shacabka xabbad nool loo adeegsado. Dilkii Cabdi-Hadraawi iyada oo aan cid loo qaban, in lagu sii daro geeri iyo dhaawac kale waa guuldarro weyn Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere, oo sida uu sheegay calaacal soo diray. Wasiir Fiqi ayaa sheegay inuu arkay calaacal uu soo diray Cali Dheere oo dalbanaya in la dhowro xuquuqda aadanaha, isla markaana baryootamaya, sida uu qoraalkiisa u dhigay “Khawaarij Cali Dheere oo waxaa la hayaa xuquuqda aadanaha hala dhowro dhahaya oo intaas ku daray calaacal iyo catow, baryo iyo is-miskiinin,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi. Fiqi ayaa intaas ku sii daray in aan la isgaarin oo dagaal hadda kow yahay, “Weli la isma gaarin Cali ee guntiga dhuuqso, qabaa’ilka Soomaaliyeed waa idin fahmeen, waana kuwa aad waxgaradkoodiina leyseen, hantidoodii aad boobteen, Karaamadoodiina aad ku xadgudubteen,” ayuu yiri Fiqi. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Cali Dheere u sheegay inay u furan tahay kaliya inuu isisoo dhiibo, oo ka garaabo gaboodfaladii uu u geystay dadkiisa. “Waxaa la joogaa waqtigii aad bixin lahaydeen qiimaha gaboodfalladii aad geysateen, waxaa kuu eg in Aad isa soo dhiibto oo kaliya!” Ayuu yiri Fiqi. Kooxda Al-shabaab ayaa hadda jawaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna laga saaro deegaano iyo gedmooyin badan oo sanado ay maamulayeen. The post Wasiir Fiqi oo shaaciyey in Sheekh CALI DHEERE soo calaacalay fariinna u diray appeared first on Caasimada Online.
  12. Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa amar culus dul dhigay ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka. Taliyaha ayaa ciidankaan ku amray in meeshii lagu arko lagu toogto ninkii isbaaro dhigta, isagoo aad ula dardaarmay ciidankaan oo u diyaar garoobaya duulaan lagu qaadayo Galgaduud. “Qofkii isbaaro u taallo meeshii lagu arko ayaa lagu dilayaa, xitaa maxkamad lala sugi maayo, isbaareyste lama sii fiirsa karo, ma dhici karto in isbaaro aan raali ka noqono, quluubta dadkeena in aan ilaalino waa waajib,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa. Sidoo kale Taliyaha ayaa aad uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ciidankaan kula hadlay xuduuda kala qeybisa gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe. Taliyaha ayaa aad u amaanay taliyaha ciidanka dhulka oo afar bilood furimaha dagaalka ku sugan, isagoo xusay in saaxiib qaali ah dagaalka lagu wey doono maalmaha soo socda. “Hadii maanta ay faraxsan yihiin dadka aad ka xoreyseen Al-Shabaab, waxaa weli madaxa hoos u raaricinaya oo ilmeynaya hooyo Soomaaliyeed oo weli ay dhibaato ku hayaan, waa in aan deg deg uga xoreyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Odawaa. Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan seddax kun oo Shabaab ah ay xaaladda dagaalka ka baxeen bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo isugu jira kuwo la dilay, kuwo baxsaday iyo kuwo duurka ku jira oo dagaal aan diyaar u aheyn. Hoos ka daawo The post Daawo: Jeneraal Odowaa oo amar culus kusoo rogay ciidanka dagaalka ku jira appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan ka bilaaban doona howl-galo culus oo ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howl-galada ka bilaabanaya labada dowlad-goboleed si loogu xiro kuwa ka socda HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xusay in dagaalka uu yahay mid saf ballaaran oo isku tallaabaya. “Dagaalkii ka bilowday Basra, Xawaadley Balcad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruun-nirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay Khawaariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Jubbaland iyo Koofur Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga bilaabanaya howl-galada xoreynta, wixii hadda ka dambeeya dalka usoo socosho mooyee ma jiro kasii socosho ilaahey idinkiis.” Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay masuuliyadda ka saaran sugida Amniga, isaga oo tilmaamay in abaabulkii u dambeeyay soo idlaanayo si howl-galada uga billowdaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay haweenka inay xoojiyaan garab-istaagga ay u muujinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka sida taariikhda ku sugan illaa halgankii Xaawa Taako, sida uu hadalka u dhigay wasiirka koowaad ee XFS. The post Laba dowlad-goboleed oo ka bilaabanayaan howlgallo culus oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  14. Wararka naga soo gaarayo degmada Hawlwadaag ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay degmada uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Shilka ayaa ka dhacay isgoyska mareexaan ee degmada Hawlwadaag, waxaana ka dhashay dhimashada hal gabar oo la sheegay in ahayd arday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay shilka in kabadan 8 ruux. Shilka ayaa dhashay kadib markii ay isku dhaceen gawaari nuuca xamuulka, sidoo kalena halkaas uu khasaaro ka soo gaaray gawaari nooca raaxada ah. Gabadha ku dhimatay shilka ayaa la socotay mooto Bajaaj, markaasna ay ka soo baxday jaamac ay dhiganeysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa markii u horeysay shaaciyay in uusan jirin sharci lagula dagaalamo argagixisada oo ku dhaqanto NISA. Waxa uu sheegay in masuuliyiinta iyo howl-wadeenada NISA ay ku shaqeeyaan wax ugu yeeray “is-xilqaan” oo kula tacaalan argagixisada, taasi oo mararka qaarna keenta in lagu xad-gudbo muwaadinka Soomaaliyeed. “Sharci argagixiso oo dalkaan yaalla ma jirto, argagixisada meesha ay kula gasho waa iska daba meereysaneysaan oo xeer ka yaalla oo la ilaaliyo ama iyagu ka baqaan haba yaraate majiro,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxa kalifaya in dadka dhibaato gaarto waxa waaye argagixsadii oo lala tacaalayo iyo sharci loo maro oo la waafajiyo uusan jirin. Marka shaqada la hayo waa shaqo la yiraahdo is-xilqaan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin sharci ama xeer kala saaraya qofka caadiga ah ee muwaadinka ah iyo hogaamiyayaasha sare ee Shabaab, taasi oo ah halis hor leh oo aan marnaba lagu ciribtiri karin argagixisada. “Ninka ugu sareeya kooxaha Khawaarijta iyo qofka caadiga ah wax ay ku kala duwan yihiin majirto. Baarlamaanka ayaa laga raba sharci cadeynaya qofka argagixiso ah wadiiqooyinka uu marayo.” “Shareecada Islaamka ayaa kala saareysa qofka Khawaarijta ah ee lidi ku ah nolosha iyo qofkaan waa qof muwaadin ah, laakiinse dalkeena ayaa laheyn sharci sidaas u kala saaraya oo la dabaqo.” Hadalka Yaasiin Fareey ayaa imanaya ayada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waana wax lala yaabo in dal dagaal kula jira argagixisada uusan laheyn sharci lagu dabaqo, si gundhig ugu noqoto howlaha ka dhan ah ee wadaan hay’addaha amniga. The post Yaasiin Fareey oo shaaciyay arrin wiiqeysa dagaalka Al-Shabaab oo ka jirta NISA appeared first on Caasimada Online.
  16. Xukuumadda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa sheegay in degaanka Karin-dhiig ee Gobolka Nugaal jid-gooyo loo dhigtay doorashadii qof iyo cod. Wasiirka ayaa jid-gooyadaas ku eedeeyay wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal. Juxaa ayaa sheegay in maleeshiyaad hubaysan oo uu hoggaaminayo Xasan Abgaal ay jid-gooyo dhigteen Karin-dhiig. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli maanta la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee aqabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca Gobolka Bari. Xogo madaxa-bannaan ayaa sheegay in saaka dabley hubaysan lagu arkay nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig taas oo baajisay gaadiidkii diiwaan-gelinta ee ka bixi lahaa Garoowe. Wararkii u danbeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in aysan jirin wax jid-gooyo ah oo hadda taalla laamiga Karin-dhiig. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo sheegtay in jid-gooyo loo dhigtay doorashadii qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  17. Dubai-based DP World is expanding its operations in Somaliland as part of a plan to turn the breakaway region into a major trade hub. Though Somaliland has relinquished commercial power, it may gain political weight. Source: Hiiraan Online