-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dhacdo la yaab iyo argagax leh ka gaystay deegaanka Ceel Xeero oo 20km dhanka bari ka xiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa halkaas ku xasquuqday illaa 300 oo neef oo Ari ah, kuwaas oo ay lahaayeen dad reer guuraa ah oo ku sugan halkaasi. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay sheegeen in dadka iska leh xoolahaasi ay ‘Ridoobeen’ sidaasina ay ku laayeen xooladhooda. Sidoo kale dadka deegaanka ee lahaa xoolahaasi la laayey ayaa sheegay inay ka bad-baadeen weerarka Al-Shabaab, balse aysan u harin wax xoolo ah oo ay dhaqdaan. “Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin” ayuu yiri. mid kamid ah xoolaha dhaqatada ee dhibaatada weyn kasoo gaartay dhadcadaasi. Arrintaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay kooxda u sameysay, kadib markii laga war helay weerar ay la damacsanaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waa sida ay shaaca ka qaadeen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda deegaanka ay dhacdadan ka dhacday ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana cabsi xoogan ay soo wajahday dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. Al-Shabaab ayaa horey u burburisay ceelasha biyaha deegaano badan oo ku yaalla maamullada Galmudug iyo HirShabelle, kadib markii laga saaraan deegaano horleh. Si kastaba, koxoda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa dagaalkii ugu xooganaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay ku biireen dadka deegaanka oo qayb ka ah kacdoonka ka curtay dalka, kaas oo loo sababeynayo dhacdooyinka yaabka leh ee ay geysaneyso kooxdu. The post Al-Shabaab oo dhacdo yaab iyo argagax leh ka gaysatay gobolka Hiiraan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Caafimadka dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay gabi ahaanba mamnuucday isticmaalka iyo iibinta laba sharoobo oo loo isticmaalo xanuunada ku dhaca Neefmareenka. War ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in sharoobinkaan lagu kala magacaabo AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo lagu soo sameeyo dalka India ay leeyihiin qataro caafimaad. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan xaqiijin karin in ay dalka yaallaan sharoobooyinkaan, balse ay uga digayaan in bukaanada loo qoro. Warka wasaaradda ayaa lagu faray dhaatiirta, shacabka iyo ganacsatada qodobadaan; 1. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda. 2. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India. 3. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda. Wasaaradda ayaa dhinaca kale sheegtay in daawadaan ay leedahay xaddi badan oo sun ah, taas oo waxyeello u gaysaneyso caafimaadka qofka. “Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka,” ayay tiri wasaaradda Caafimaadka. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto, Muumin Cabdi Shire ayaa taliyaal saldhig u magacaabay saddex degmo, oo ka tirsan Nugaal iyo Karkaar. Wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliska Puntland ayaa taliyaal cusub loogu magacaabay saddexda degmo ee Buurtinle, Banderbeyla iyo Dangoroyo. Taliyaha cusub ee saldhiga degmada Buurtinle ayaa loo magacaabay G/le, Cabdulqaadir Axmed Cumar. Taliyaha saldhiga degmada Dangoroyo ayaa sidoo kale loo magacaabay X/LE, Axmed Siciid Cabdi. Dhinaca kale, taliyaha saldhiga degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar ayaa isna loo magacaabay dhamme Jaamac Maxamed Warsame. PUNTLAND POST The post Taliyaha ciidanka Booliska Puntland oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan qaybteeda maareynta daawada ayaa digniin culus kasoo saartay waxyeelada laba daawo oo Sharoobo oo kala ah MBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup , kuwwaas oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay India. Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay heshay digniino caalamo ah oo ku aadan Sharoobooyinkaasi oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka, waxayna mamnuucaday in dalka lasoo geliyo, sidoo kalena dhaqaatiirta Sooomaaliyeed ay u qoraan bukaanada. Sidoo kale Wasaaradda ayaa amartay ganacsatada Soomaaliyeedn inay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka ee haatan isticmaalkooda laga digay. “Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka. Halkaan hoose ka daawo: DIGNIIN! Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada JFS Qeybteeda Maareynta Daawada ayaa waxay heshay Digniino Caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka. Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India. Wasaaradda Caafimaadka ma xaqiijin karto in Dawooyinkaas Dalka Yaalaan, laakiin ayadoo laga duulayo masuuliyada Wasaaradda kasaarab ilaalinta badqabka Caafimaad ee Muwaadiniinta Dadkeena waxay ogeysiinaysaa qodobada hoose. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda. Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka. Fadlan Fariintaa la wadaag oo gaarsii bulshada inteeda kale si’aan u hubino badqabka Dadkeena. FG: Fadlan halka hoose ka akhriso Faahfaahinta Macluumadka aan helnay. The post DF oo DIGNIIN kasoo saartay laba sharoobo oo halis ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Somali authorities are holding a major rally at a Mogadishu stadium on Wednesday where President Hassan Sheikh Mohamud will officially announce the launch of “The Mogadishu People’s Uprising” against the al-Shabab militant group. The rally is the first major protest against al-Shabab, which has been oppressing civilians and security forces for over 15 years. Thousands of progressive forces are expected to participate in the rally, where they will declare war against the militants. The government of Somalia is taking a multi-faceted approach in its efforts to combat extremist groups that threaten the stability of the UN-backed federal government. One key aspect of this strategy is the direct involvement of civilians in the fight against these groups. The president has emphasized that military action alone will not be enough to defeat these extremists and that addressing their ideologies and finding ways to counter their recruitment efforts is also crucial. In central and southern Somalia, residents have mobilized against al-Shabab, with the famous Macawisley militia leading the charge. The militia has been engaged in battle alongside the Somali National Army (SNA), the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and US AFRICOM. President Mohamud announced that over 500 militants had been eliminated through combined efforts, and several important towns in Somalia had been taken under control by the military. The successful operation is due to the strong partnership between the local population and security forces, which led to many militants, mainly young people, surrendering to the government. Prime Minister Hamza reported that approximately 2,000 Al-Shabab fighters had been killed in military operations carried out by the Somali army, with the support of other international partners, since the conflict began four months ago. Despite rumors to the contrary, the government has stated that it has no plans to negotiate with these militants. Instead, officials are focused on sustained crackdowns on the group and targeting their sources of revenue to weaken them further. Intelligence reports indicate that foreign fighters are leaving the group and seeking to avoid arrest or death. The United States has also increased rewards for individuals who provide information about the group’s revenue collection centers. The post Somali president to launch “Mogadishu People’s Uprising” against al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Four employees of Kenya’s National Highway Authority were killed on Wednesday in an attack by suspected Islamist militants near the country’s eastern border with Somalia. According to police reports, the workers were leading a convoy from Garissa to Bura when their vehicles hit an explosive device believed to have been planted by members of the Somali extremist group al-Shabaab. Al-Shabaab, linked to Al-Qaeda, has been responsible for several high-profile attacks in Kenya in recent years. In 2015, the group killed 166 people at Garissa University; in 2013, they killed 67 people at a mall in Nairobi. However, the frequency and severity of the group’s attacks in Kenya have decreased in recent years. The al-Shabab’s cross-border raids are part of its campaign to pressure Kenya into withdrawing its troops from the African-Union-mandated peacekeeping force in Somalia. In response, Kenya has increased security along its border with Somalia in anticipation of the arrival of fleeing al-Shabaab members. This follows an ongoing crackdown against terrorists in parts of Somalia. Officials have said that more terrorists are on the run, and more personnel are deployed to stop “bad elements” from entering Kenya. Security officials have stated that there are tens of other terrorists, primarily foreigners, who are on the run to escape the latest operation. Kenya has also been playing a role in the fight against these extremist groups by sending troops to Somalia since 2011 as part of Operation Linda Nchi and Operation Sledge Hammer. The troops were initially deployed in response to the kidnappings of two Spanish women working for MSF at the Dadaab refugee camp and have since been successful in taking control of critical areas like the port of Kismayo. The post Al-Shabab kills four in Kenya road attack appeared first on Caasimada Online.
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolkaas, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Shabaab. Howlgalkan ayaa waxaa lagu burburiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay qaraxyo, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada milatariga ee howlgalka sameeyay. Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay inay Al-Shabaab uga daba tegeen deegaanada miyiga aj, isla-markaana ay fashiliyeen weerarada qaraxyada oo lagu diyaarinayey halkaasi, kuwaas oo ay sheegeen inay la damacsanaayeen inay ka fuliyaan Sh/ Dhexe. Gawaarida qaraxyada lagu soo raray ayey saraakiishu sheegeen in laga dhacay shacabka, isla-markaana ay kooxda dooneysay inay ku weeraraan isla dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka uu ahaa in weeraradan qaraxyada ah ay la beegsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, balse ay ka hortageen ciidanka Xoogga. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana agagaarka degmada Balcad laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisa gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay midkii maalmo kahor ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab oo lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. Si kastaba, Al-Shabaab lagu jebiyay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo koobantay inay weeraro gaadmo ku qaado saldhigyada ciidamada iyo weeraro qaraxyo ah. The post Ciidanka dowladda oo howlgal ku burburiyay baabuur laga soo buuxiyay QARAXYO appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 oo deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, kadib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Masar. Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxeexday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo isugu jira cilmi iyo xirfado kala duwan oo heer jaamacadeed ah, oo gaadhaya 450 arday. Bayaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Faarax uu dowladda Masar uga mahad celiyay deeqahaan waxbarasho iyo garab istaagga weyn oo ay u fidiso ardayda Soomaalida. “Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar,” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku imaan doonto tartan iyo imtixaan. Source
-
Waxaa saaka oo Khamiis ah inta badan xiran waddooyinka Caasimadda, iyadoo lagu wado in isku soo bax wayn uu ka dhaco Muqdisho. Xirnaasha waddooyinka ayaa lagu sheegay in ammaanka guud ee caasimadda aad loo sugo, waxaana magaalada ka dhici doona maanta Isku soo bax ay hor kacayso dowladda kaas oo uu u jeedkiisu yahay sidii shacabka Muqdisho ay u cadeyn lahaayeen mowqifkooda dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab Isku soo baxa ayaa ka dhici doona garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow ex- Koonid, waxaana ka soo qayb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Madaxda ugu sareyso dalka ayaa sidoo kale la filaya in ay ka soo qaybgasho banaanbaxa looga soo horjeedo dhibaatooyinka ay shacabka u gaystaan ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (HOL) - Somalia's security forces, backed by local clan militia forces, intercepted two vehicles loaded with explosives after an anti-al Shabab operation in the Bal'ad district of the Middle Shabelle region on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Hobyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Puntland ay ka jawaabtay dalabkii kasoo baxay Galmudug ee ku aadanaa inay ka qayb-qaadato dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo koonfur gobolkaasi. Galmudug ayaa dalabkan hordhigtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, kaas oo isaguna gaarsiiyay madaxda kale oo si deg-deg ah uga soo jawaabay. Puntland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku fulineyso dalabkaas, waxayna ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PSF-ta geysay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa ka qayb-qaadan doono howlgallada ay Galmudug ku dooneyso inay Al-Shabaab uga saarto degmooyinka ay ka heystaan gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee tegay degmada Hobyo ayaa sheegay in kaalintooda ay qaadan doonaan, si meesha looga saaro xoogag Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan gobolka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashaan doonaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland. Labadaan maamul ayaa horay ugu heshiiyay inay iska kaashadaan amniga, maadaana ay ka kala taliyaan koonfurta iyo waqooyiga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon culus oo uu haatan xoogiisu ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya, kaas oo deegaano iyo degmooyin horleh looga qabsaday. Dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa horkaceysa dagaalkan, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in 2023-ka uu noqon doono sanadka xoreynta dalka. The post Puntland oo ka jawaabtay dalabkii GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda koonfurta Gobolka Mudug. Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa xalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolkaas. PSF ayaa xoojinaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab. Ciidamadan wadajirka ah ayaa ku jihaysan degaannada koonfurta Gobolka Mudug ee ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab si halkaas looga saaro. PUNTLAND POST The post PSF oo ku biiray gulufka dagaal ee Al-shabaab looga saarayo Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
The High Court in Malawi has released the stepson of former President Peter Mutharika on bail two months after he was arrested and charged with aggravated human trafficking and murder. Source: Hiiraan Online
-
Kenya's East Africa Community, Arid and Semi-Arid Lands (ASAL) Cabinet secretary on Wednesday warned that the drought is intensifying and over 4 million people need food aid. Source: Hiiraan Online
-
Kenya reopened two refugee camps in Garissa county following pressure from various parties. Source: Hiiraan Online
-
Tigray rebels handed over their heavy weapons to Ethiopia’s national army in the presence of a monitoring team comprising members of the two sides and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), a regional body. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa todobaadkaan ku dhowaaqay in maamulku uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan, inta laga dhamaystirayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo hannaanka dhamamsytirka dastuurkana ay qayb ka tahay Puntland. Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo kan Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoo doonto heshiisyada dawlad dhiska. Si gaar ah, waxaa bayaanka Puntland lagu cadeeyey inay daneynayaan ka qeyb qaadashada dhammaystirka dastuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah, sida awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah. Dr. Afyare Cilmi oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Heritage oo la hadlay VOA ayaa sheegay in go’aanka Puntland uu ka dhashay in markii horaba ay Soomaalida go’aan u gaarayeen ‘koox yar oo qol hoos ka soo xirata.’ Wuxuu sheegay in markii lasoo tago go’aanka Puntland, aysan gabi ahaanba sax aheyn in golaha watashiga qaran ay qodob qodob go’aan uga gaaraan masiirka dalka, iyagoo seddaxdii biloodba mar hal qodob ka fariista. “Aniga waxaa ila quman in sida adduunku wax u maamulo ay Soomaalidu isku maamusho oo wax u dhisato, waa in la sameeyo guddi, dejiya qorshe qaran oo Soomaalidu ay isku maamuli karto 100 sano ee soo socota,” ayuu yiri Dr. Afyare Cilmi. Afyare ayaa soo jeediyey in go’aan ka gaaridda masiirka umadda Soomaaliyeed aysan isku koobin madaxda maamullada iyo dowladda dhexe oo quburo aqoon u leh loo xil-saaro dejinta shuruucda lagu maamulayo dalka. “Waxa la isku hayo waa nooca ay noqoneyso dowladda Soomaaliya ee federaalka ah, marka nuxurka warkaan ka yimid Puntland halkaas ayuu ku biya shubanayaa.” Maqaamka Caasimadda Muqdisho, arrinta Somaliland iyo qeybsiga Kheyraadka doorka ay ku yeelanayaan maamullada qeybta ka ah dowladda federaalka oo aan kala cadeyn ayuu shegay Afyare inay keentay jaha wareerkaan cusub. “Arrintu waxay ka cakiran tahay Soomaaliyada cusub ee la dhisayo ma isku xuquuq ayaa la noqonayaa, mise gobollo gaar ah ayaa wax loo badi doonaa, markaan eegno Puntland iyo Somaliland, arrimahaas ayaa aad looga doodaa, marka waxaaba qaldan in dhowr qof ay qol soo xirtaan oo go’aankii ay doonaan gaaraan, taas oo keentay in la ogaa waayo waxa ay isku khilaafeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Afyare Cilmi. The post Qodobada ay isku hayaan DF Soomaaliya iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Liiska Baasaboorrada ugu awoodda badan Caalamka 2023 Saddex ka mid ah baasaboorada dalalka Eeshiya ayaa dadka sita fursad u siinaya in ay u safraan dalal badan oo caalamka ku yaalla. Sida lagu sheegay warbixin saddexdii biloodba mar ay soo saarto hay’adda la-talinta dhalashada iyo deggenaanshaha ee Henley & Partners ee fadhigeedu yahay London. Muwaaddiniinta Japan ayaa waxay fursad u haystaan in fiiso la’aan ay ku galaan 193 dal oo ku kala yaalla qaaradaha kala duwan, waxaana wax yar ka horreeya dalalka Singapore iyo Kuuriyada Koonfureed oo muwaaddiniintoodu si xor ah u booqan karaan 192. Waxaa sanadkan sare u kacday dadka u kala safraya dalalka kala duwan ee caalamka taasi oo gaaratay ilaa 75%, taasi oo ka dhigan in imika laga soo kabsanayo feyriska karoona oo xayiraado badan saaray isu socodka caalamka. Marka laga reebo saddexda waddan ee ugu sarreeya Aasiya, waddamada Yurub ayaa wali ah kuwa ugu sarreeya marka la eego awoodda baasaborradooda. Jarmalka iyo Spain ayaa hal kaalin iskula jira oo ah in baasaboorkooda loogu safri karo 190 goobood, waxaana ku xiga Finland, Taliyaaniga iyo Luxembourg oo ay muwaaddiniintooda visa la’aan ugu safri karaan 189 waddan. Sidoo kale waxaa kaalinta shanaad ku jira Austria, Denmark, Netherlands iyo Sweden, halka France, Ireland, Portugal iyo UK ay ku jiraan kaalinta lixaad. New Zealand iyo Maraykanku waxay ka soo muuqdeen kaalinta toddobo, waxaana kaalintaasi kula jira Belgium, Norway, Switzerland iyo Jamhuuriyadda Czech . Dadka u dhashay dalka Afgaanistaan ayaa mar kale kaalinta ugu dambeysa soo galay waxa ayna u safri karaan 27 waddan oo kaliya iyaga oo aan u qaadan wax fiiso ah Qiimeyntan ayaa machadka citizenship and residency consultancy Henley & Partners waxa ay ka sameeyeen 199 baasaboor iyadoo loo eegayo tirada meelaha ay dadka haystaa ku geli karaan fiisaha la’aan. Waddamada uu baasaboorkoodu ugu awoodda badan yahay iyo tirada dalalka ay muwaaddiniintooda visa la’aan ku gali karaan. 1. Japan (193 dal) 2. Singapore, Kuuriyada Koonfureed (192 dal) 3. Germany, Spain (190 meel) 4. Finland, Italy, Luxembourg (189 meel) 5. Austria, Denmark, Netherlands, Sweden (188 dal) 6. France, Ireland, Portugal, United Kingdom (187 dal) 7. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, USA, Czech Republic (186 dal) 8. Australia, Canada, Greece, Malta (185 dal) 9. Hungary, Poland (184 dal) 10. Lithuania, Slovakia (183 dal) Dalalka uu baasaboorkooda ugu liito iyo inta dal oo ay visa la’aan ku gali karaan sida warbixinta machadka citizenship and residency consultancy Henley & Partners: 102. Kuuriyada Waqooyi (40 dal) 103. Nepal, Falastiin (38 dal) 104. Soomaaliya (35 dal) 105. Yemen (34 dal) 106. Pakistan (32 dal) 107. Syria (30 Dal) 108. Iraq (29 Dal) 109. Afghanistan (27 Dal) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Manashiibiyada ayaa gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ku dilay Abuukar Sheekh Maxamed Mooraani. Dilka marxuumankan ayaa waxaa la sheegaya in uu yimid kadib markii isaga iyo askariga uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ kadib markii ay ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo shan kun Shillin Soomaali aheyd. Dadaal ay sameeyeen saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ee degmada Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta loogu soo dhigay askarigii geystay dilkaas. Walaalkii marxuumka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa masuuliyiinta dowladda federaalka ka dalbaday in cadaalad uu helo walaalkiisa loo dilay shan kun Shillin Soomaali ah. “Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu yiri. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.” Dhinaca kale, Taliyaha Saldhiga Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay cadaalada horgeyn doonaan askariga dilka geystay iyo hubkiisa. “Waa isfahmi waayeen sidaas ayuu dilka ku yimid. Dilka markii uu geystay waa ku baxnay gacanta ayaa kusoo dhignay anaga iyo taliyihiisa. Gacanta ayaa ku hayna gacan ku dhiiglihii marka shacabka ha isdajiyaan.” Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay daba socon doonaan kiiskaan illaa inta uu marxuumka ka helayo cadaalad. “Gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayaa oo Saldhiga Xamarweyne ayuu ku xiran yahay, anagana waxaa marsiineyna cadaalada illaa maxkamada laga geynayo waa daba-jogeyna. Muwaadinkiisa iyo dadkiisa waxaa leenahay Allaha unaxariisto.” The post Shan kun oo Shillin Somali ah ayaa dhiigiisa loo daadiyay – Muqdisho iyo murugo kale appeared first on Caasimada Online.
