-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha sare ee milatariga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay furinta hore ee dagaalka ayaa shaaciyay howl-gal culus oo ku wajahan degmada Xarardheere. Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in u diyaarsan yahay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya qorshaha qabashada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. “Dagaalkan waa dagaalkii madaxweynaha iclaamiyey iyo ra’iisul wasaaraha in lala dagaalamo Khawaarijta. Dagaalka waxa laga gaaray guulo waaweyn, waajibaadkii iyo amaradii ay bixiyeen madaxda Qaranka waxaa laga gaaray guulo.” Sidoo kale waxa uu digniin u diray dad uu sheegay inay yihiin “Af ku Shabaab” dano kale ka dhex raadinaya dagaalka socda, ayna ka waantoobaan dhabarjabinta howl-galada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. “Af ku Shabaable iyo qofkaan raba in dadka curyaamiyaan waxaa leenahay naga dhex bax oo dadka Soomaaliyeed waa baraaruugeen, ma aqaan wax kaga dhex jiree ka dhex bax.” Jeneraal Tareedisho ayaa waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay isa-soo dhiibeen Shabaab aad u badan, kuwasi oo iska soo kala dhiibay Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo deegaan kale oo ka tirsan labada maamul goboleed. “Dadkan waa ku daaleen ka been sheegista Diinteena Islaamka oo ay ka been sheegaan nimankan Khawaarijta ah. Shaqsi walba oo kadiyeen waxa uu hadda ogaaday in wuxuu ku dhex jiro yahay qalad iyo dambi weyn kasoo dhex baxeen alxamdulilah Ilaahay ayaa soo hanuuniyey. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Shabaabka isa-soo dhiibay iyo kuwa kale ee raba inay kooxdaas kasoo baxaan ay soo dhaweynayaan, una sameynayaan dhaqan-gelin iyo barashada xirfad ay kaga dhex shaqeystaan bulshadooda. Hoos ka daawo muuqaalka The post DAAWO: Jeneraal Tareedisho oo shaaciyey qorshaha lagu qabanayo Xarardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland oo hadda ay ula macaamileyso sida dal madax-banaan oo kale. Amara madaxweyne oo kasoo baxay madaxweynaha dalkaas William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso Somaliland, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu ballaarinayo howlgallada diblomaasiyadeed ee Kenya ee dalalka kale ee caalamka. Amarkan, oo tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa safaarado ama qunsuliyado looga furi doonaa magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo 7-dii September 2021 ay Kenya Somaliland u magacoway madaxa xafiis siyaasadeed, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay dadaal u galay inuu hagaajiyo xiriirka labada dal, isaga oo Kenya tegay laba mar, oo mar uu la kulmay Uhuru Kenyatta inta aanu xafiiska ka tegin, marna William Ruto markii la doortay. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xayiraadda ka qaaday qaadka Kenya, oo ay xanibtay dolwaddii Farmaajo, ayada oo taa beddelkeeda ay Kenya ballan-qaaday inay fududeyso dal-ku-galka iyo socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse aysan ka dhabeyn. Kaaga sii daran, waxay hadda Xasan Sheekh ugu abaal-guday inay safaarad ka fureyso Hargeysa, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiin karta xiriirka labada dal. Heshiiskii uu Xasan Sheekh la galay Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa waxaa hadda muuqaneysa inuu ahaa mid dhinac u raran oo u faa’iideeyey kaliya Kenya, islamarkaana Soomaaliya ay ka dheeftay kaliya sawirro la qaaday. Ma cadda waxa uu hadda Xasan Sheekh uga jawaabi doona tallaabada Kenya, iyo haddii uu leeyahay karti uu ku qaadi karo tallaabo uu ku ciqaabayo Nairobi. The post Dowladda Kenya oo qaaday tallaabo u muuqata in ay aqoonsatay SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) troops were on the receiving end of praise for a job well done, particularly in and around Kismayo, from the AU chair’s special representative. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Xasan Sheekh ayaa kamid ah madaxda ka qayb gali doonta furitaanka shirka wadatashiga Koonfur galbeed oo la filayo in magaalada lagu qabto. Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, xilli sidoo kale ay socoto qaban qaabadi u dambeeysay ee shirka. Shirka Wadatashiga Koonfur Galbeed ayaa horay loo qorsheyay in uu furmo 5 bishaan January, balse dib uga dhacay xilligii furitaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka keediyay shirka arrimaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dhowan kasoo baxay Puntland ee ay ku shaacisay inay u dhaqmeyso, sida dowlad ka madax bannaan oo kale. Xasan Sheekh Maxamuud oo si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa shaaciyay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo shaaciyay in aan la kala qaybin karin dalka. “Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. “Dalka in la federaaleeyo micnaheeda ma aha in dalka uu kala tego oo qofba meesha ay rabto ay iska aadi karto ma aha. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Xasan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe maamul goboleedyadana ay mas’uul ka yihiin arrimaha gudaha ee maamulladooda. “Waxa kasta oo muwaadinka Soomaaliyeed ee Raas Gaambooni jooga iyokan Raas Caseer jooga iyo kan lowyacadde jooga wada taabanayo dowladda dhexe ayaa mas’uul ka ah, dowlad goboleed mas’uul kama aha,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dood adag ay ka dhalatay go’aankii kasoo baxay Puntland, kaas oo uga sii daray xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka, waxaana sidoo kale arrintaan ka dhashay walaac xoogan oo ku aadan tallaabada uu qaaday Deni. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay tallaabadii Puntland – “Soomaaliya waa hal” appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo laba sanno ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa salaasadii billaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidammada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika. Burburinta ciidammada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba, dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka bixitaanka ciidammada Eritrea, kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada Ethiopia, balse aan qayb ka ahayn xabbad joojinta. Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya. Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD. Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda. Askarta Eritrea ayaa dabayaaqadii bishii hore isaga baxay dhowr magaalo oo waaweyn oo Tigray ah, balse kama aysan bixin dhulka Tigrayga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Eritrea ayaa diidday inay ka hadasho in ciidamadeeda ay baxayaan iyo in kale. Source
-
Cairo (Caasimada Online) – Egypt’s Foreign Affairs Minister, Sameh Shokry, met with his Somali counterpart, Absher Omar Huruse, on Tuesday in Cairo to discuss ways to strengthen bilateral relations and cooperation on matters of mutual interest. The meeting took place as part of an official delegation headed by Somali Prime Minister Hamza Abdi Bari, who is currently visiting Egypt. Both ministers highlighted the positive momentum in the relationship between Egypt and Somalia. They expressed a desire to continue building on this progress. Shokry emphasized Egypt’s full solidarity with Somalia in the face of terrorism and its readiness to support Somali forces in that realm. He also noted that Egypt is committed to providing medical aid and food to help the country deal with the challenges of drought. Furthermore, the Egyptian Minister underlined the importance of security and stability in Somalia, a country that locate given its strategic location on the Red Sea and Gulf of Aden. The two ministers also discussed several Memorandums of Understanding (MoUs) that the prime ministers of both countries will sign during the visit. These MoUs will further strengthen the cooperation between the two countries in several key areas, including trade, investment, and security. Additionally, they discussed the security situation in Somalia and the Horn of Africa region and ways to support the peacekeeping efforts of the African Union (AU) in Somalia. On his part, Huruse praised the existing cooperation between Egypt and Somalia in healthcare and education, among others. He also thanked Egypt for delivering training courses to Somali professionals and granting scholarships to Somali students. Huruse noted that the Somali people have confidence in Egypt and appreciate its support. He also emphasized that these efforts have positively impacted the development of the Somali economy and the well-being of its people. In recent months, Egypt has stepped up diplomatic efforts to have more influence in Somalia. This is in part because of the election of President Hassan Sheikh Mohamud in June 2020. Mohamud’s reelection presented an opportunity for Egypt to bypass the block between the two countries that was allegedly imposed by former President Mohamed Abdullah ‘Farmaajo’, who was a close ally of Turkey and Qatar and had also built more robust relations with Ethiopia and Eritrea during his time in power. The lack of Egypt’s presence in Somalia in the last 20 years has given rise to Turkey and Iran, filling this void in the Horn of Africa. Turkey has a sizeable military presence in Mogadishu, and many Somalian soldiers receive training in Turkey. In fact, In August 2020, Turkey’s Ambassador to Mogadishu, Mehmet Yilmaz, told Anadolu Agency that his country is on track to train one-third of Somali military forces, totaling around 15,000-16,000 personnel, most of them at the Counter-Terrorism Training and Exercise Center in the southwestern province of Isparta. As such, Egypt is looking to play a more active role in the region and is keen on re-establishing itself as a major player in the Horn of Africa. In this vein, during a visit to Cairo in July 2020, President Mohamud met with President Abdel Fattah al-Sisi and discussed advancing economic and strategic relations, counterterrorism, and supporting the spread of moderate Islam in line with Al-Azhar’s interpretation. The post Egypt and Somalia strengthen ties in trade, investment and security appeared first on Caasimada Online.
-
Faezeh Hashemi, oo 60 jir ah u dooda xuquuqda Dumarka horena u aheyd xildhibaan ayaa la xidhay bishii September ee sannadkii hore ka dib markii ay dhiirigalisay in Iraaniyiinta ay ka qeybqaataan bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda . Waxaa lagu eedeeyey in ay kicin wadday. Qareenkeeda Neda Shams ayaa sheegtay in la xukumay mar ay qoraal gaaban soo dhigtay barteeda twitter-ka mase aanay bixin faahfaahin dheeraad ah. “ma aha wax sax ah in aan ka hadlo waayo waxaan ka fiirsanayaa in xukunkan aanu aheyn kii ugu dambeeyey. Macmiilkeyga weli xabsiga ayey ku jirtaa waxaana jira kiisas kale oo iyada ka horjeeda” ayey tidhi. Gabadhan oo uu dhalay nadaxweyne hore oo Iran ah, Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa aad u dhaliisha kooxaha ciidamada ah ee Ilaalada kacaanka ee dalka Iran., marar badan ayeyna ka hadashay. .Hore waxay u soo dhammeysatay lix bilood oo xarig ah sanadkii 2012 iyadoo lagu helay waxa lagu tilmaamay dacaayad ay ka faafisay maamulkaiyadoo lala xidhiidhiyeyin ay taageeraty bannaanbaxyo kuwaas oo ka dhashay murankii doorashooyinkii madaxtinimada saddex sano ka hore. Lix bilood oo kale ayaa la xiray 2017 kii oo loo haysatay in ay dacaayad fidisay oo ay caysay hannaanka caddaaladda Gabadhan aabaheed waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Waxaana uu madaxweyne dalkaa ka ahaa 1989 iyo 1997 dii waxaana uu ahaa shaqsi awood badan ilaa iyo xilligii uu dhintay 2017kii . Source
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa salaasadii u ololeeyay xidhiidh iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isaga oo ka digay xiisadaha labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada inay Pakistan ku noqon karaan “dagaal musiibo ah oo daba dheeraada.” Khan ayaa ka hadlay dood-cilmiyeed ka dhacday caasimadda Islamabad, iyadoo mowjado cusub oo argagixisannimo ay kusoo wajahan yihiin Pakistan, gaar ahaan degmooyinka waqooyi-galbeed ee ku dhow xudduudka Afghanistan, halkaas oo ay ku dileen boqollaal ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah. Inta badan rabshadaha waxaa lagu eedeeyaa ama sheegta xagjiriinta xiriir la leh kooxda falaagada ah ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Talibanka Pakistan. Maleeshiyadan oo ay ku jiraan hoggaanka TTP ayaa gabbaad ka dhigtey dalka Afghanistan kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Pakistan, waxaana ay halkaasi ka fuliyeen weerarro argagixiso. Khan ayaa ku eedeeyay xukuumadda isaga bedeshay ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, inay soo saartay “hadal khatar ah oo mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan” taasoo keentay culeys xagga xidhiidhka laba geesoodka ah, halkii ay ka raadin lahaayeen iskaashi si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee TTP. “Haddii dowladda Afghanistan ay joojiso wadashaqeynta ay nala leedahay ama aad kharribto xidhiidhka kaala dhexeeya, markaas dagaalkan lagula jiro argagixisada ee Pakistan wuxuu noqonayaa mid aan dhammaad lahayn oo wuxuu noo noqonayaa masiibo weyn,” ayuu yidhi ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan. Source
-
Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sheegay in weli dalka ay ka jiraan caqabado fara badan, isla-markaana ay soo laa laabtaan is qab-qabsiyada siyaasadeed iyo midka maamul ee dalka. “Marka kasta oo aad dhaqaaqdo Soomaaliya, wax ku jiida oo lugta kugu dhega oo marba maro kaa jeexa oo meel ka qayliya lama waynaayo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa DanQaran ay sanadkan 2023-ka qaadi doonto saddex tallaabo waa weyn, sida dagaalka Al-Shabaab, dhammeystirka barnaamijka Deyn Cafinta & Dastuurka oo hadba meel lasoo gaarsiinayey sanadihii dambe. 1-SHABAAB Ra’iisul wasaaraha Xamza ayaa sheegay in qorshaha koowaad ee dowladda federaalka uu yahay xoreynta dalka, wuxuuna wacad ku maray in Shabaab sanadkan lasoo afjari doono. “Waxaan sameyneynaa dib u xoreynta sanadkan waxaa la rabaa in Shabaab laga waayo Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. 2-DEYN Isaga oo ka hadlayey arrimaha deyn cafinta ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sanado badan lasoo rafaneysay deymo lagu leeyahay, balse waxa uu tilmaamay in bisha 9-aad ee Septembar ee sanadkan cusub ee 2023-ka, la soo gabagebeynta deyn cafinta. “Bisha Septembar ee sanadkan waxaan rajeyneynaa in ay naga roganto oo nalaga cafiyo deynta, haddii uu Ilaah yiraado” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu. 3-DASTUURKA Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey magaalada Qaahira ayaa ugu dambeyn soo hadal qaaday arrimaha Dastuurka, wuxuuna sheegay dalka uu ka jiro jah-wareer xoogan oo ku aadan xagga maamulka, maadaama marar badan la’is qabtay. Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ku dadaali doonto in laga shaqeeyo sanadkan sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka dalka, si meesha looga saaro khilaafaadka marar badan soo laa laa laabtay ee u dhexeeya madaxda Soomaaliyeed. “Waa inaan Dastuurka dhameystirnaa. Dalkan haddii aanan Dastuurkiisa la dhammeystirin dowladda Soomaaliya say ku shaqeyo way adag tahay.” ayuu ku soo gabagabeeyay. The post R/W Xamza oo shaaca ka qaaday inuu saddex arrin sameynayo sanadkan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan gaar ah oo xalay xarunta madaxtooyada ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha laga soo doorto Jubbaland kana soo jeedo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrinta gobolka Gedo oo uu haatan si toos ah u faro-geliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kulanka ay khadka taleefanka uga qayb-galeen guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkan diiradda lagu saaray xaaladda gobolka Gedo iyo sidii gobolkaas loo hoos geyn lahaa Jubbaland. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal loo helo arrinta Gedo oo muddo aad u dheer soo socotay, si loo helo Jubbaland oo mid ah. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu sheegay in maamulka iyo shacabka Gedo looga baahan yahay fur-furnaan iyo inay la shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe ee haatan fadhigiisu yahay magaallo xeebeedka Kismaayo, si meesha looga saaro khilaafka muddada soo jiray. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in dib loo soo celinayo mashaariicdii laga fulin jiray gobolkaasi si loo horumariyo, ayna iska kaashan doonaan dowladda dhexe iyo Jubbaland. Dhankooda Senatar Fartaag iyo guddoomiyaha gobolka Gedo oo kulanka ka hadlay ayaa si wadajir ah u dalbaday in marka hore la xalliyo tabashada reer Gedo, isla-markaana ay ka mas’uuliyiin ahaan diyaar u yihiin ka qyab-qaadasha arrimaha dib u heshiisiinta gobolkaasi. Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana maalmihii u dambeeyay ay soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo markale dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed ka bilaabay halkaasi. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhamaatay ee 2022. The post Xasan Sheekh oo faro-geliyay arrinta Gedo, kadib kulan uu la yeeshay Fartaag appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa markii u horraysay shaaciyay in sannadkan la dhammaystirayo dastuurka KMG ah ee dalka. Ra’iisul wasaare Xamse, oo xalay khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Masar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sannadkan ka go’an tahay dhammaystirka dastuurka. “Ama lug ha la isku dhego, ama qadaad ha la isku dhego sannadkan waa in uu dhammaystirmaa dastuurka. Dalkan haddii aan dastuurkiisa la dhammaystirin, dowladda Soomaaliyeed si ay ku shaqaysaa waa adag tahay” ayuu yiri Xamse. Hadalkan Xamse ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii ay Puntland ku eedaysay dowladda Federaalka in ay hagar-daamo ku waddo dhammaystirka dastuurka dalka. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in sannadkan la dhamaystirayo dastuurka dalka appeared first on Puntland Post.
-
An appeals court in Greece has overturned the life sentence of Somali migrant Mohamed Hanad Abdi, who was found guilty of people smuggling, and ordered his release on Monday. In 2021, Abdi was found guilty of his involvement in a dangerous boat trip from Turkey to the Greek island of Lesvos, which resulted in the deaths of two individuals and the rescue of 33 others. At Monday’s appeal, Abdi’s sentence was shortened to 8 years, and he was released, taking into account time served and good behavior during his detention. The appeals hearing was attended by members of the European Parliament who had argued that Abdi’s conviction was unjust. This case has brought international attention to Greece’s strict border protection laws, introduced in recent years as part of efforts to combat illegal migration within the European Union. Sentencing guidelines for illegal migration have been criticized for being too harsh and treating ordinary migrants like criminals. Stelios Kouloglou, an EU lawmaker, who led the campaign for Abdi’s release and attended the trial, said that “many ordinary migrants are being treated like criminals” and believes that many more migrants currently in Greek prisons have been wrongfully convicted. Abdi’s case also highlights the issue of asylum-seekers receiving lengthy prison terms for trafficking or facilitating illegal entry, despite claiming they were acting in self-preservation. Human rights groups have identified several similar cases in recent months where this has occurred. Last month, t two Afghan men, Akif Razouli and Amir Zahiri, who were serving 50-year prison sentences, were granted release on appeal. Razouli was cleared, while Zahiri’s sentence was reduced to eight years. The campaign to support jailed migrants has received support from human rights groups, leading Greek performing artists, and 15 European Parliament members who have written letters of complaint to Greek authorities. The Greek government has defended its migration policy as “strict but fair,” arguing that harsh sentencing for smugglers is a vital part of the country’s border defense policy. However, legal experts and rights groups argue that the heavy sentences being given to migrants are meant to deter others from attempting to enter the country rather than as a form of justice. Greece has recently been at the forefront of Europe’s migration crisis. With the country’s location on the Eastern border of the EU and being in the proximity of major migratory routes, it has been a gateway for migrants and refugees seeking to enter the EU. This has put pressure on Greece’s government to toughen its border policies to stem the flow of illegal migration. The approach has led to increased numbers of people being imprisoned for smuggling, which has been decried by human rights groups. In light of Abdi’s release and the recent releases of Razouli and Zahiri, Kouloglou stated, “our next step for us is to campaign for the law to change.” Abdi’s case serves as a reminder of the human cost of stricter migration policies and the need for a fair and humane approach to handling migration. There is a growing recognition that the EU needs to find a comprehensive and sustainable solution for migration that addresses security concerns and respects the rights and dignity of migrants. The post Greek court overturns life sentence for Somali migrant for people smuggling appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Somaliland, Mudane Cabdirxamaan Cirro ayaa markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan. Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay mas’uuliyad ka saaran tahay Laascaanood, si lamid ah magaalooyinka kale. “Ammaanka shacbiga Sool iyo magaalada Laascaanood wuxuu saaran yahay xukuumadda Somaliland, sida uu u saaran yahay ammaanka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Berbera iyo Boorame,” ayuu yiri musharraxa madaxweyne ee garabka Xisbiga Mucaaradka ee Wadani. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa hurinta xiisadda ka jirta magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in ay ku dhex jiraan gacmo shisheeye. “Gacmaha shisheeye waxaan uga digeynaa inay kala baxana faraha arrinta Laascaanood. Shacbiga Sool waxay kamid yihiin shacbiga Somaliland,” ayuu markale yiri Ciroo. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Laascaanood ay ka mid ah tahay dhulka Somaliland, isla-markaana xaalkeeda laga rabo xukuumadda Hargeysa. “Laascaanood waa Somaliland dhibka ka dhacay wuxuu u yaalla Somaliland dadka aan waxba ku kordhineynin xallintaba dhibaatadaas waxaanu leenahay faraha ka qaada,”. Laascaanood ayaa weli ku jirto xaalad adag, waxaana isku hor fadhiya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee la wareegay gacan ku heynta magaaladaasi. Rabshadahaan oo galay todobaadkii saddexaad ayaa ka dhashay dil Isniintii magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani. The post Cirro oo shaaciyay cidda ka dambeysa xiisadda ka taagan Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iclaamisay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo haatan ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, si looga hortago kooxdaan, loona taageero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Maamulka gobolka Banaadir oo qorshahan horkacaya ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono dibad-bax ballaaran oo la’isugu keenayo reer Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan kacdoonka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh ee hadda socdo gobollada dalka. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay abaabulka socdo ee dibad-baxa ayaa sheegay inay ka qayb qaadaan dhammaan qaybaha bulshada iyo sidoo kale hay’adaha dowladda federaalka. “Shirweyne intaan ka ballaaran oo aan isugu keeneyno gobolka oo dhan dadka ku dhaqan qaybihiisa kala duwan Culuma-Udiinkii, Odayaashii, Haweenkii dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka kooban tahay ayaan qaban doonaa maalmaha soo socda, hadduu Ilaah yiraahdo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys xoogan kala kulamaya howlgallada gobollada. Yabooh ayaa carabka ku goday inay dhaqan-gelin doonaan go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa in la dardargeliyo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Waxaa lagu iclmaamin doonaa oo looga hortegayaa kacdoonkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku dhawaaqay oo ahaa Khawaarijta meel kasta oo ay joogaan in lagula dagaalo, sidii looga hortagi lahaa, kacdoona loogu sameyn lahaa,” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa isna ka hadlay dibad-baxaan la abaabulayo, wuxuuna sheegay in la qabanyo maalinta beri ah, isla-markaana uu Muqdisho ka bilaabayo kacdoonka ka dhan ah Shabaab. “DAAHFURKA KACDOONKA MUQDISHO & KHAMIISTA. Muqdisho waa kacdoontey!” ayuu isna yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guullo kasoo hoyeen dagaallada ka socdo inta badan gobollada dalka. The post KACDOON shacab oo ka bilaabanayo MUQDISHO iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
