Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa. Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa ee lagu saxiixay heshiiskaas. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaan-qaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada. “Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maaddama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo,” ayey tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa. Waxay hadalkeeda sii raacisay “Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.” Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaateen sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood. The post Sawirro: Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
  2. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan. Isaga oo ka hadlayay magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, ayuu wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xadidaadda xajka. Xaji sannadki 2019 ayaa waxaa Xarameynka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannadki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sannadkaas ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga. Sannadki 2021, boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudiga, halka sannadki hore ay xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof. Source
  3. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Isniintii shalay aheyd shaacisay, in wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Shiinaha Qin Gang uu muddo xileedkiisa cusub ku bilaabi doono, booqasho dheer oo uu ku tagi doono ilaa shan waddan oo Africa ku yaalla. Qin, oo hore u ahaa safiirka Shiinaha ee Mareykanka ayaa booqan doona Ethiopia, Gabon, Angola, Benin iyo Masar inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 16-ka January Sidaasi waxaa warfaafinta u sheegay, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin. Dalka Masar wuxuu Qin Gang kula kulmi doonaaa xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo iyo madaxda xukuumadda Qahira. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa raacay dariiqii ay mareen madaxdii isaga ka horreysay oo 30-ki sanno ee lasoo dhaafay uu mid walba muudo xileedkiisa cusub ku billaabay booqasho uu ku tago Africa. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang ayaa sheegay in dhaqankaasi siyaasadeed uu muujinayo sida uu Shiinu muhiimad weyn u siinayo saaxibtinimada soo jireenka ah kala dhaxeysa Africa iyo horumarinta xidhiidhka Africa iyo Shiinaha. Qin, oo 56 jir ah, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda 30-ki bishii December. Waxa uu bedelay Wang Yi, oo 69 jir ah, kaas isna loo magacaabay madaxa xafiiska arrimaha dibadda ee Xisbiga Shuuciga ah. Shiinaha ayaa Africa kula loolamaya Mareykanka. Dhawaan madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hogaamiyaasha Africa ku casuumay Washington, halkaas oo uu kaga dhawaaqay hindisayaal iyo iskaashi labada dhinac ay yeelan doonaan. Shiinaha ayaa sannadihi dhawaa dalalka Africa u noqday noqday saaxib ganacsi oo weyn, isaga oo maalgeliyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda dhanka macdanta oo uu ka fuliyay dalal badan oo ku yaalla Qaaradda Africa. Source
  4. Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa heshiis hor-dhac la galay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong kasoo ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedka. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti. Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doollar, wuxuu qaadan doonaa muddo shan sanno ah. Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Shabaabka lagu dilay howl-galkaan ayaa waxa ku jira laba horjooge, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “15-xubnood oo Khawaarij ah oo ay ku jiraan Labo horjooge ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ciidamada xoogga dalka, ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadlay.” Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xawaadlay iyo Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen “Garweyne” horjoogihii deegaanka Jameeco. Howl-galkaan ayaa daba socday howl-gal shalay ka dhacay isla deegaankaan oo lagu dilay 61 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid Qaraxyo lagu soo xiray. Waxay tani ay ka dhigaysaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab gaaray labo maalmood gudahood 76. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post DF oo shaacisay in laba horjooge iyo xubno kale oo Shabaab ah lagu dilay howl-gal appeared first on Caasimada Online.
  6. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed isagoo kala hadlay sugidda Ammaanka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda. Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin guud ka siiyay xaalada amniga ee deegaanka. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Guddiga Amniga Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada baaxada leh ee looga baahan yahay, waxaana kulanka looga hadlay amniga isla-markaana lagu faray sugida amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda lagana fogaado wax kastoo keeni kara xasarad iyo khilaaf. Sidoo kale goobta shirka waxaa amnigeeda sugaya Ciidamada ATMIS iyo qaar kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoona xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saraan tahay mas’uuliyad gaar ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegaya in mid kamid ah darawalada Wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Axmed Madoobe uu la goystay gaari ay lahayd wasaaradda. Darawalka wasiir ku-xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee jubbaland Mustaf Xaaji, ayaa la sheegay in uu gaari uu u waday wasiirka uu ula baxsaday dhanka iyo deegaannada ay ku sugan yihiin ururka alshabaab. Gaariga ayaa la sheegay in uu ahaa nooca Hardtop, kaas oo loogu talagalay dhulka leh carada badan, waxaana Jubbaland ugu deeqday mid kamid ah hay’adaha gargaarka. Darawalka ayaa la sheegay in uu gaariga geeyay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo kamid ah deegaannada ay alshabaab ku sugan yihiin. Dhacadadaan ayaa noqoneysa middii labaad muddo gaaban gudaheed, kadib markii darawalkii guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu u goosytay ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Puntland ayaa maanta dib u furtay maxkamadeynta xubna loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka alshabaab, waxaana maxkamadda ka soo hor muuqday 15 xubnood oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab. Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwadda eedeysanayaashaan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib. Ajaanibta maxkamadda ka soo hormuuqatay ayaa waxaa horay ay ciidamada Puntland uga soo qabteen xilli ay saarnaayeen doon hub u sidday ururka alshabaab oo mareysay degmada bandar bayla . Xubnahaan ayaa xeer ilaalintu ku eedeysay in qaybtood kamid noqdeen kuwa weeraro ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaannada Af-urur iyo Bali khadar, halka kuwa kale loo haysto in ay shabaab u qaabilsanaayeen arrimo ay kamid yihiin tashkiilinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka hadlay go’aankii ay xalay shaacisay madaxtooyada maamulkaasi, ayaa sheegay in uu yahay mid lagu caddaynayo gorgortanka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dastuuriga ah. Wasiir Juxa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan Puntland qaadan go’aan ay kaga go’ayso Soomaaliya inteeda kale. “Soomaaliya annagu kama go’in, wanaageedana waan ka shaqeynaynaa. Laakiin waxaanu leenahay si waaqici ah dhalada jabta haloo ururiyo,” ayuu yiri Juxa. Sidoo kale waxa uu sheegay inay loo baahan yahay ka hor inta aan dastuurka Soomaaliya la meel marin laga heshiiyo arrimo ay kamid yihiin qaddiyada Somaliland iyo meeqaamka caasimadda. “Dowladda federaalka waxay u muuqata mid dadajineysa dastuurka dalka, ayada oo aan weli diirada la saarin arrimihii mudnaanta lahaa in laga heshiiyo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Xalay ayay ahayd markii ay Puntland soo saartay war-saxaafadeed lagu sheegay “in Puntland si madax-banaan qaddiyadaheeda dastuuriga ah ugala xaajonayso dowladda Soomaaliya.” Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaasi oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland inay u dhaqmi karto sidii dowlad madax-banaan inta laga dhameystirayo dastuurka dalka. “Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.” The post Wasiir Juxa oo fasiraad yaab leh ka bixiyay go’aankii kasoo baxay Puntland appeared first on Caasimada Online.
  10. Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil u gaystay mid kamid ah wadayaasha moota Bajaajta. Askariga ayaa rasaas ku furay kadib markii uu bixin waayay wadaha moota Bajaajta lacag shan kun oo shilin Soomaali ah oo uu doonayay in uu ka qaato. Wiilka moota ayaana ku geeriyooday goobta kadib markii uu askariga xabad kaga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, waxaana durba uu askariga isaga baxsaday goobta uu falka ka dhacay. Laammaha ammaanka degmada Balcad ayaa markii dambe ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan askariga dilka gaystay. Waxaana hadda uu ku jira gacanta laammaha ammaanka degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana loo gudbin doonaa laammaha garsoorka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ciidamada dowladda ayaa war ka soo saaray dil askari ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka uu u gaystay nin shacab ah, kaas oo ku sugnaa degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir. Gaashaanle Saadaq Doodishe Afhayeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka allaah u naxariistee buubakar Maxamed Nuurani oo 65 sano jir ahaa ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka ka dambeeyay. Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in cadaaladda uu wajihi doono eedeysanaha, kaas oo hadda ku jiro gacanta ciidamada dowladda. ” Maanta 1:20 duhurnimo, ayaa Boliiska Gobolka Banaadir, gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, oo Degmada Xamar-weyne Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani, 65 jir ahaa Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar. Eedeysanah ayaa Cadaalada Wajahaya, IA” ayuu yiri Gaashaanle Saadaq Doodishe Afhayeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa kamid ah dadka shacabka ah ee ku ganacsada degmada Xamar-weyne ee gobalka banaadir, waxaana dilkiisa aad uga hadlay dadka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dhowr iyo toban cisho ah magaalada taariikhiga ah ee Laascaanood maalin walba rabshado dhimasho wata ayaa laga soo warinayay, dagaalo goos-goos ah ayaa dhinac socday kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka. Xiisadda Laascaanood ayaa markii hore ku billaabatay diidmo la xiriirta dilalka joogtada ah ee loo geysanayo waxgalkii magaalada, hadase waxay joogta Somaliland ma ogolin. Dhinaca ay kasoo kacday xaaladu iyo cirifka ay maanta joogto waa wax aad u kala fog. Dhowrkii cisho ee ugu dambeysay xaaladda magaalada Laascaanood ma aanay darneyn. Sida ay Somaliland u maareysay banaan-baxayaashii ayaa loo arka sababta adkeysay xaalada, sababtayna geerida badan. Meelaha dadka reer Laascaanood ay farta ku taagayeen oo war iyo wax-dheef ka rabeen waxa kamid ah dowladda federaalka Soomaaliya. Dadkan careysay waxay aad u dalbanayeen in dowaldda dhexe ee Soomaaliya ay cadeyso mowqifkeeda arrinta Laascaanood. Inkasta oo dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay hogaaminayeen si cad u sheegtay inay diidan tahay gooni isku taaga Somaliland, haddana kaalintooda xiisada taagan waxaa loo arkayay ahmiyad gaar ah. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo markii hoos loo dego xaga saami-qeybsiga siyaasadana isagu Laascaanood metelaad u ah ayaa markii ugu horeysay si furan uga hadlay. Wareysi uu dhawaan bixiyay waxa uu Ra’iisul Wasaaraha si adag u diiday in la-laayo dad shacab ah oo aan hubeysneyn, isaga oo farta ku fiiqay waxa laga rabo Somaliland. “Marka koowaad waa ka tacsiyadeynaya intii ku dhimatay, dadkii ku dhaawacmayna Allaha u booga-dhayo. Marka labaad qofka Soomaaliga ah meelkasta ha ku noolaado in dhiigiisa si xaqdaro ah loo daadiyo waa khad casaan ah oo lama aqbali karo,” ayuu yiri. “Dadka Soomaaliyeed ee degan Laascaanood, maamulka jooga Somaliland waxaa usoo jeedinaya inay dadka la hadlaan oo qori afkiisa lagula hadlin laakiin loo yimaado oo si nabad ah waxay rabaan loo weydiiyo lana dejiyo.” “Colaad sideedaba Soomaalida hore ayay u tiri wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxaa soo jeedinayna deganaansho iyo nabad in deegaanka lagu soo dabaalo oo si wada-hadal ah lagu dhameeyo wixii jira.” The post Xiisadda Laascaanood: Halkay kasoo bilaabatay iyo cirifka ay hadda joogto – Kaalinta DF appeared first on Caasimada Online.
  13. Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Taani oo khudbad u jeediyay Ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidda Gobolka Sool ayaa ku wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan guluf dagaal. Taliye Nuux Taani ayaa u sheegay in ay ku ruqaansan doonaan dhinaca Garoowe islamarkaana difaac ka xiran doonaan degaanka lagu magacaabo Hadh wanaag ( Garac lagu dhal). Nuux Taani ayaa sheegay in xiisadda Laascaanood loo rogay mid qabiil balse ay iyagu u rogi doonaan mid u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. ” Puntland hadal waa dayn wayday waxay arrinta Laascaanood ka dhigeen mid qabiil si ay u kiciyaan dadka oo aan loo wada ceeshin sidaad darteed waxaan go’aansanay in aan hore u ruqaansano” ayuu yiri Nuux Taani. Warkan waxaa noo xaqiijiyay ilo wareedyo kala duwan oo dhinaca Amniga ah oo ay ku jiraan Taliyaal iyo saraakiil Ciidan. Hadalka Nuux Taani ayaa ku soo beegmay xilli ay Laascaanood ka taagan tahay dhibaatadii Ciidamada Somaliland ku laayeen shacabka. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay xiisadda dagaal ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  14. Nin maqalka naafo ka ah oo lagu magacaabi jiray Abuubakar Maxamed Nuuraani loona garan-ogaa Aabirimo ayaa maanta duhurnimadii lagu dilay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Marxuumka oo ahaa ganacsade yar waxaa dilay askari ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka, kaddib markii ay ku murmeen shan kun oo Shilin Soomaali ah (5,000 SH.S), sida ay sheegeen ehelada marxuumka. Marxuum Aabirimo oo ahaa 65 jir ayaa muddo 30 sano ku dhow ku ganacsanayay miis yar oo ku lahaa degmada Xamarweyne, wuxuuna iibin jiray macmacaanka iyo alaabaha caruurta ku cayaarto. Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Saadaq Doodishe oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in la qabtay askariga dilka gaystay, wuxuuna intaas ku daray in caddaaladda la horgeyn doono. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Askari dilay ganacsade yar oo maqalka la’ appeared first on Puntland Post.
  15. I've read and followed with interest Coastline Exploration's Production Sharing Agreement (PSA) with the Federal Government of Somalia (SFG) on October 21, 2022. The agreement grants your company an exclusive contract to seven (7) offshore blocks that are within the areas under the direct control of SFG. Information about the PSA, the company’s current market valuation (if any), its physical assets (i.e., mobile or fixed platforms or rigs) and details about the designated offshore fields within Somalia’s territorial sea and Exclusive Economic Zone is scarce. Source: Hiiraan Online
  16. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong. Heshiiskan ayaa ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacmeedka. Mashruuca dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxa ku bixi doona Hal bilyan oo dollar, wuxuuna qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah mashruucan in deked iyo waddo laga dhiso gobolka Waqooyiga dalkaas dhaca ee Obokh. Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle. Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka. The post GEELLE oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Afrika ah oo dalkiisa u sameeya… appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir. Shirkan oo socon doono mudda saddex maalmood ah ayaa waxa uu ku salaysan yahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimayaasha iyo guddoomiyaasha degmooyinka ee magaalada Muqdisho. “Ujeedka waa si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee maamulka gobolka Banaadir iyo in gobolku yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyadda bulshada ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan. Sidoo kale waxa shirkaan looga hadlay in la helo qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeedka iyo xeerarka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkaan daah-furay ayaa madaxdii kasoo qeyb-gashay kula dardaarmay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada. Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu madaxda maamulka gobolka u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin. Guddoomiye ku-xigeenada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxay tilmaameen in shir-weynahaan banbaxa uu noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee gobolka iyo isla-xisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka shaqo. The post Sawirro: Madaale oo maanta daah-furay shir muhiim u ah isla-xisaabtanka maamulka G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  18. “Anigu Doolaal ahaan Naftayda waan idiin huray,Hilbahaygana Waan idiin googooyey, Maanta Waxaan Doonayaa Inaad ii hiilisaan Oo aad yeeshaan halkii aan maro inaad iigu hiilisaan. Maanta Qori qaata idinma lihi,Jabhad Sameeya idinma lihi,Waxaan Doonayaa In Maalinta Farta aad ii hiilisaan oo aad fartiina iigu hiilisaan” Mujaahid Doolaal oo la hadlayey Reer Wadaamagoo. Qaran News
  19. Degmadda Wadaamago Qaran News
  20. Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in laga wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi oo ay ka qaybgalayaan xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirka ka dhacayo iyo amniga guud ee magaalada lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya. Ujeedada arrintaan ka dambeysa ayaa ah fulinta dalabka xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Lafta-gareen oo horay u sheegay inay u baahan yihiin gacan ka madax banaan maamulka oo sugta amnigooda inta ay wada-hadalka u joogaan magaalada Baydhaba. Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isagu iclaamiyay shirkan oo haatan ku sugan Baydhaba ayaa la kulmay saraakiisha howlgalka ATMIS, isaga oo kala hadlay arrimaha amniga, wuxuuna xaqiijiyay in lagu wareejiyay amniga guud. Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro weerarada kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga. Dhankooda saraakiihs ATMIS ayaa guddoomiyaha u sheegay in ay sugi doonaan amniga guud ee magaalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo & wufuuda imaaneysa. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo shirkaan, isaga oo saacadaha soo socda gaari doono magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac. Sida uu qorshuhu yahay waxaa la filayaa in go’aanno wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirkan oo kusoo aaday, xilli loo baahnaa oo ay qalalaase ka taagnaayeen Koonfur Galbeed. Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaadeen muddo kororsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxaana ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba The post Ciidanka K/ Galbeed oo laga wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Baidoa (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud is expected to travel to Badioa, the interim administrative capital of South West regional state On Tuesday. Source: Hiiraan Online
  22. ST PAUL, Minn. — Take a walk down memory lane and pull up the Great Minnesota Get-Together 13 years ago. Source: Hiiraan Online