-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax billow ah “Kacdoonka Shacabka Muqdisho” ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada caasimada ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa ay bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna. “Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay,” ayuu yiri madaxweynaha. “Kuwa lacaga baadda ah siiya Khawaarijta cudur-daar malahan. Dowladdu dhawaan waxa ay soo bandhigidoontaa Xisaabaad badan oo Khawaarijta dhaqaale loogu dirayay, Taleefanno badan oo lacag looga xawilay iyo Tallaabooyin kale oo loo qaaday dagaalka ka dhanka Dhaqaalaha Khawaarijta,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan. The post Daawo: Kacdoonka shacabka Muqdisho oo si rasmi ah u billowday maanta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Mustafa Mohamed Martin, a political commentator and former staunch opponent of the current Somaliland administration was arrested in Hargeisa on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
US offers $10 mn for 'mastermind' of 2019 Kenya hotel siege
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Just a few days after placing a similar bounty on Maalim Ayman, the head of Shabaab’s Kenyan military wing, the U.S. State Department’s Rewards for Justice Program is now also offering $10 million for information leading to the arrest of Mohamoud Abdi Aden. The U.S. State Department now offers a $10 million bounty on five Shabaab leaders, far more than any other Sunni terrorist group. Source: Hiiraan Online -
Banaan-bax ay soo abaabushay dowladda oo ka dhacay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka qayb-galaya bannaan-bax ay dowladda soo abaabushay oo looga soo horjeedo Al-shabaab. Banaan-baxa ayaa lagu qabtay garoonka ciyaaraha Eng Yariisow (Ex Koonis), waxaana ka qaybgalay shacab iyo shaqaalaha dowladda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay bannaan-baxa ayaa shacabka Muqdisho kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Banaan-bax ay soo abaabushay dowladda oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. -
Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniintii sii daayay farriin u muuqatay in uu kab u raadinayo qorshihiisa dib u doorashada. Farriintan oo hoos u dhigeysa cilaaqaadka, wada-shaqeynta, hoos-jooga iyo wax walba oo Puntland la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aaday Afar sanno guurada muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ka fikiraya in uu markale kusoo laabto xafiiska. Reer Puntland oo aanay dood badan ku jirin inay gundhig iyo tiir u yihiin nidaamka federaalka ee Soomaaliya, waxay dhinaca kale shacabkeeda fahamsan yihiin waxay shaqsiyan Saciid Deni iyo Xasan Sheekh isku hayay afartii sanno ee lasoo dhaafay iyo waxa hadda kala waday. Majirto diidmo, naceyb iyo dood banaanka taalla oo u dhaxeysa labada nidaam ee federaalka iyo Puntland ama xitaa labada Dastuur, laakiin si aan qarsooneyn ayaa loola socda xaalka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh, tii oo ay tahay caado soo jireen ah rafashada hogaamiye walba oo muddo xileedkiisu dhamaad yahay. Warbixintan waxaa dib ugu eegayna inta jeer ee 10-kii sanno ee lasoo dhaafay madaxda Puntland ay ku dhawaaqeen inay jareen xiriirkii dowladda dhexe, taas oo u dhigan gooni u dhaqan siyaasadeed. Bishii August 2013: Nidaamkii Puntland ee uu hormuudka u ahaa Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federaalka, waxay sabab uga dhigeen arrimo Dastuur. Bishii July 2014: Puntland waxay ku dhawaaqday inay joojisay wada-shaqeyntii iyo cilaaqaadkii dowladda federaalka. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xiligaas si aan qarsooneyn u diiday dhismaha maamulka Galmudug ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay joojiyeen wada-shaqeyntii Muqdisho, maadama uu sharci darro u arkayay dhismaha maamulka Galmudug oo xiligaas ay go’aamisay dowladdii federaalka. Bishii May 2019: Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa ayaa xiriirka u jaray dowladdii madaxweyne Farmaajo. Isniintii waa markii afaraad oo ay madaxda maamulka Puntland ku dhawaaqan wax u eeg “doonista kali noqosho ama u noolaanshaha si ka madax banaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.” Haddaba, dadku waxay isweydiinayaan sababta aanay dhamaan arrimahaas u shaqeynin middaan cusubna ay culeys badan u laheyn; 1. Puntland ma aadi karto gooni isku taag ama inay u noolaato si ka madax-banaan dowladda federaalka: Waxaa tusaale ugu filan maamulka Somaliland oo ka dimuqraadiyeysan siyaasad ahaan, kana xasiloon amni ahaan haddana waayay cid 30 sanno albaabka ka furta mashruucooda gooni isku taagga. 2. Dagaal siyaasadeedka Puntland oo sii socon waaya marwalba: Inta badan madaxda Puntland ee abuura mowjadaha dagaal ee dowladda dhexe waxba uma shaqeeeyaan, sababta oo ah Muqdisho lama goos-goosato maamulada, wax walba oo aan helin jawaab ama falcelin siima socon karaan. 3. Maamulada kale oo marnaba garab istaagin Puntland: Inta badan tallaabooyinka halka nooc ah ee Puntland ma helaan taageero ka timaada maamul goboleedyada kale, sababta oo ah waxa loo arka in maamulada kale doodaha Puntland u arkaan sad-bursi. 4. Shacabka Puntland: Inta badan go’aamada noocaan ah ee kasoo baxa madaxda Puntland ma helaan taageero shacab, sababta aanay shacabka u dhiira-gelin tallaabooyinka noocaan ah waa inay u arkaan dano siyaasadeed oo gaar ah oo uu leeyahay qofka markaas xukunka haysta. Qoddobadaan, dhacdooyinka halka nooca ah iyo naatiijooyinka hore loo soo arkay ayaa si weyn hoos ugu dhigaya farriinta Saciid Cabdullaahi Deni ka timid maalintii Isniintii. The post Puntland iyo gooni u dhaqan siyaasadeed: Afar arrin oo wiiqaya dhawaaqii Isniinta appeared first on Caasimada Online.
-
Former SNA captain sentenced to death for aiding Al Shabaab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - A military court in Mogadishu has sentenced a former army officer to death on Thursday for his role in facilitating terror attacks on behalf of Al Shabaab. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, ayada oo Goluhuna ay meel-mariyeed hindise sharciyeedyo muhiim ah, waxayna sidoo kale guddi gaar ah u xil-saareen cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay joogeen inta badan Golaha. Ugu horreyn xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaadkan ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed. Sidoo kale xubnaha Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, si ay usoo aqriyaan, kadibna ay wax ku daraan, si loo ansixiyo. Inta uu shirka socday sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa guddi gaar ah u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka oo markale dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ay ku kordhiyeen Soomaaliya oo haatan la dagaalameysa Al-Shabaab. Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howolgalladii ugu dambeeyay ka dhacay dalka, gaar ahaan meelaha ay marayaan dadaallada xoreynta dalka ee haatan ka socdo gobollada. Ugu dambeyn Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, kaas oo lagu jebiyay Al-Shabaab. Shirka wuxuu todobaadkan kusoo aadayo, ayada oo haatan uu ra’iisul wasaare Xamza booqasho ku joogo magaalada Qaahira ee dalka Masar, safarkaas oo ay ku welinayaan wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Waxbarashada iyo sidoo kale Warfaafinta. The post Sawirro: Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta cunaqabateynta hubka appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI -- Four Kenyans were killed in a roadside explosion in Kenya's Garissa County near the border with Somalia Wednesday, the police confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda, Dhamme Shariif, waxaa loo soo xeray oo dambigooda lagu helay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo ah. Maxkamadda ayaa sheegtay inuu gawaaridaas ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho sida; Village Hotel, Restaurant Afar, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, Maqaayadda Cagaweyne, Ex Bilsan Restaurant, iyo goobo kale. Waxa ay intaas ku dartay in illaa 27 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen qaraxyada lagu helay Dhamme Shariif inuu soo geliyey caasimadda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale. Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa sheegtay inay ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta ku naf waayay gawaaridii qaraxyada ahaa, sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo dil ku xukuntay sarkaal lagu helay fududaynta Qaraxyada appeared first on Puntland Post.
-
Three Directorate of Criminal Investigations (DCI) officers were arrested following a failed attempt to rob a businessman of Sh2 million. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa afar nin oo ahaa burcad, kuwaas oo dhac ka geysanayey degmada Heliwaa, sida uu shaaciyay Booliska gobolka Banaadir. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha xilliga lasoo qabanayey ay ku howlanaayeen falal amni darro ah, isla-markaana ay dhibaateynayeen shacabka. Magacyada afarta nin oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa waxaa lagu kala sheegay 1-Maxamed Cabdi Axmed, 2-Maxamed Xasan Cumar, 3-Axmed Maxamed Maxamuudiyo 4- Cilmi Xaaji Hilowle. “Kooxdaan oo ka kooban afar ruux rag ah sida idiin muuqata ayaa xiliga lasoo qabanayay ku jiray falal lidi ku ah Amniga Bulshada, waxaana sidookale lagu soo qabtay hubkoodii ay wateen oo ay ku dhici jireen Shacabka caasimada, iyadoona xili la qabanayay xabado ku furay ciidanka Amaanka ee Howgalka ku jiraym” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Sidoo kale wuxuu talisku sheegay in raggan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Eedeeysanyaashan ayaana la hor geenayaa Hey’adaha kale ee garsoorka si looga qaado tilaabo Sharciga waa faqsan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska gobolka. Ugu dambeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta ragga hubeysan ee lasoo qabtay. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka ammaan darrida ah. The post Rag hubeysan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo haatan uu magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socdo dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka curtay dalka ayaa waxaa hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya. Dibad-baxaan ayaa waxaa ka qayb-galaya shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda, qaar ka mid ah shacabka Muqdisho, si taageero loogu muujiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayo gobollada dalka. Shaqaalaha Wasaaradda oo tegay goobta uu ka dhacayo banaan-baxa oo ah Garoonka ENG Yariisow ayaa afka soo duubtay si ay isu qariyaan taas oo ay ka falceliyeen dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiin caan ah oo tilmaamay arrin fuleynimo ay tahay tallabadaasi. Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo horey usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa su’aallo ka keenay arrinta ay sameeyeen shaqaalaha Gaashaan-dhigga, isaga oo sheegay in Wasaaradda laga rabay inay hormuud u noqoto kacodoonka. “Tani waa fuxshi iyo fulaynimo waana musiibo kale. Sidee wasaaradda gaashaandhigga oo tan xoreeynta dalka u xilsaaran ay shaqaalaheedu gafuurka u duuban karaan? Runtii tani waa fulaynimo liidata,” ayuu yiri Cali Cali oo war qoraal soo dhigay Facebook-giisa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin meel dhexe oo laga istaagi karo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Maanta ma jirto meel dhexe oo la istaago intaan aan isla fahamno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale waxaa arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaliyeed ee isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka dhiibtay arrintaan. “Haddii aad adigu ciidan haysato iyagu ma hystaan haddii aad buruuf ku socoto iyagu cagahooda ayey maalaan ee yaa amnigooda damaanad qaadaya? kuwii madaxtooyada ku jiray baa baxsan waayay” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan. “Ayaga hadee saas sameeyeen anna qolkega ma seexdiyoo?” ayey tiri Niishaa Xuseen oo ka falcelisay arrintan. “Beerka caaro idin goysay war wuxu fuleysanaa?” ayuu isna yiri wiil kale oo la yiraahdo Shiine Cadde. “Wasaarad aan shaqaalaheedu xor ahayn goorme shacab soo baxa ka yeelayaan?” ayuu yiri Cali Quusiye The post Hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha wasaaradda gaashaandhiga appeared first on Caasimada Online.
-
Hanti-dhawraha guud ee S/land Mudo 7 cisho ku siman sifo sharcidaro ah ayuu ku fadhiya Xafiiska Sida lala wada socdo Haayadaha kala duwan ee dalku waxay ku Aasaanyihiin Xeerar baarlamaani ah oo sheegaya shaqadooda iyo Masuuliyadaha maamulkoogu ay qaranka u hayaan, Hadaba Hantidhawraha guud oo ka mid ah Hayaayadahaa dawlada kuwooga ugu awooda badan ayaa ku aasaasan xeer dastuuri ah oo la yidhaahdo XEERKA HANTI-DHAWRKA GUUD EE QARANKA Lr.76/2016 Sida uu qeexayo (Qodobka 9aad Muddo Xileedka Hanti-dhawraha Guud) Iyada oo loo eegayo gaadhida da’da hawlgabka sharciga ah, Hanti-dhawraha Guud waxa uu xafiiska hayn doonaa muddo dhan (5) shan sanno oo loo cusboonaysiin karo hal mar. Yadoo markii la Magacaabay Axmed Yuusuf Dirir waa Hantidhawraha xilkiisu dhamaaday e ay taariikhdu ahayd 4tii Janauary 2018 Muddo xileedkuna kaga eekaa 4ta January 2023 uu Wali shaqadii hayo isagoo sifo sharci daro ah ku sii shaqaynaya adeegsanayana Awoodihii kala duwanaa ee Saxeexyo iyo Awaamiir ba lahaa yadoo aanay jirin habayaraatee cid kala wareegtay Masuuliyadaa mudo dhaafka ah iyo Dibumagacaabis loo sameeyey toona, Muxuu yahay xidhiidhka ka dhexeeya Banaanaanta Xilka uu hayey Hantidhawrahii guud Mr Dirir iyo Magacaabista Wasiir Cali XoorXoor? hadaba waxa iyana meesha aan ka maqnayn oo Bulshada qaybeheeda kala duwan ay diiradda ku hayanaan Mudo dhaafka Hantidhawrahii guud Axmed Yusuf Dirir iyo Magacaabidda uu Madaxwaynuhu magacaabay Maareeyihii hore dekeda Barbara ee Cali Xoorxoor oo adeer dhaw ugu beegan Axmed Dirir, Waxa iyana aan meesha ka maqnayn Goloha wakiilada oo si dhaw ula socda mudo dhaafka iyo Banaanaanta Xilkii Hantidhawraha guud. Qaran News
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant victory against Al-Shabab militants, the Somali government has closed down over 250 known bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to the group, according to Prime Minister Hamza Abdi Barre. “The government has closed down about 250 accounts linked with the militants in four banks and the network and the data services of about 70 mobile phones the militants were using to transfer money,” Barre told a gathering of Somali diaspora members in Cairo. Barre said that the closures were made possible due to tips from Somali citizens and that the government is currently investigating the amount of money frozen in the closed accounts. The Prime Minister said the government had closed every known account connected with the militants. He also noted that Somali security forces had arrested individuals carrying money to al-Shabab financial offices. Al-Shabab, designated as a terrorist organization by the United States and other countries, has long funded itself by extorting businesses and collecting taxes in areas under its control. However, with the support of local clan fighters and international partners, the Somali government has made significant strides in recent months to weaken the group’s hold on power. Somali President Hassan Sheikh Mohamud declared a “total war” against the al-Qaida-linked militants shortly after being elected last year. According to Barre, the government’s efforts have resulted in the deaths of over 2,000 Al-Shabab fighters. However, this figure could not be independently verified. The United States Treasury Department has also taken action against the group, imposing sanctions on four senior leaders and five operatives in October 2022. The Treasury stated that the targeted individuals were crucial players in a network responsible for raising money, recruiting fighters, and procuring weapons for Al-Shabab. The U.S. claimed that the smuggling network was taking in money from different sources, including NGOs, helping al-Shabab generate an estimated $100 million per year, which helped grow the terror group’s size and capabilities. A report by the Mogadishu-based security think tank, the Hiraal Institute, estimates that about a quarter of that money, or some $24 million, is spent on weapons alone. In addition to the closures of financial institutions and the arrests of individuals carrying money to al-Shabab financial offices, the Somali government’s efforts to disrupt Al-Shabab’s finances have also included targeting the group’s sources of income. One of the primary sources of revenue for Al-Shabab is through extorting businesses and collecting taxes in areas under its control. The group has also been known to smuggle charcoal and other goods and to engage in illegal fishing in Somali waters, all of which generate significant revenue for the group. The government’s efforts to shut down the financial networks of al-Shabab have been met with resistance, as the group has continued its attacks since President Mohamud was elected, including two attacks in the central region of Hiran that killed over 43 people in two days. The group also claimed responsibility for a twin car bombing in Mogadishu in October 2022 that killed at least 120 people. The post Somalia disrupts Al-Shabab finances, closes 250 bank accounts appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle), kaas oo lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada Xoogga illaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaan uu ka gaaray Darajada Kabtan, isaga sidoo kale soo noqday taliye Urur oo la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu xittaa noqday Darawalkiisa gaarka ahaa. Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda. Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan. Sidoo kale Shariif Maxamed ayaa eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ahaa iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa. Soo qabashadiisa ayaa timid ka gadaal markii laga tix raacay xiriirka technologyada, kadib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda NISA. Intaas kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhageysAtay maxkamadeynta taliyahan, ayada oo fadhigii u dambeeyay lasoo xiray 7-dii January ee sanadkan 2023. Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada 1-aad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta ku naf waayay qaraxyadii uu fududeeyay ee ka dhacay Muqdisho, sida warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka lagu ridday, haddii uusan ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. The post Sarkaal ciidan oo Muqdisho soo gelin jiray qarxayada Al-Shabaab oo dil lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya qaybteeda maareynta daawada ayaa soo saartay digniin ku aadan laba daawo oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca neefmareenka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda maareynta daawada ee dalka Uzbakistan lagu ogaaday in labada shorobo ee AMBRONAL SYRUP iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay dalka India ay tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska jirka. Wasaaraddu waxay sheegtay in aysan xaqiijin karin in daawooyinkaas ay dalka yaalaan iyo in kale, balse waxay dhaqaatiirta Soomaaliyeed uga digtay in aysan u qorin bukaanadooda iyo in ganacsatadu joojiso ka ganacsiga daawooyinkaas. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay shacabka ugu baaqday in ay ka taxadaraan dawooyinkaas oo sida ay sheegtay qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo digniin soo saartay appeared first on Puntland Post.
