-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro N. Mayorkas ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale. Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024, sida uu sheegay. Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay. “Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda,” ayuu yiri xoghaye Mayorkas. Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa “in ay haystaan xaalad joogitaan oo kumeel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).” Tallaabadan ayaa u ogolaanaysa ku dhawaad 430 oo qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan. Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan shaacin doonta shuruudaha sharcigaan, ayada oo sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto. The post Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira Soomaali ku sugan dalkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa weli waxay ku jirta go’doon, gadiidka kaliya ee xilligaan lagu tagi karo magaaladaasi ayaa ah diyaaradaha. Maciishada iyo agabyada kale ee daruuriga ah oo looga daabulo gobolada kale ee dalka ayaa waxaa magaalada geeya diyaaradaha, ayada oo xiligaan laga deyrinayo xaalada Xudur oo kasii dareysa. Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdilaahi Maxamuud oo la hadlay VOA ayaa sheegay in magaalada ay ku jirto go’doon sanado badan, balse ay xiligaan ugu sii daran tahay maadama ay jiraan abaaro baahsan. “Degmada gudaheeda degmooyin kale oo nimankii Khawaarijta ay galeen oo laga soo qixiyay shacabkii, maamulkii iyo shacabkiiba Xudur ayay ku sugan yihiin. Waxay la ciir-ciiraysay dadkii oo aad u badan, bulshadii hore ee ku sugneyd iyo kuwa badan oo kusoo darsamay iyo qaar abaaro soo qixiyeen ayaa magaalada buux dhaafiyay,” ayuu yiri. “Caqabada u weyn ee jirta waxa waaye wadada xiran, dhinaca kaliya ee wax uga imaanayaan waa dhanka Airport-ka oo diyaarado ayaa wax loogu keena. Bariiska, baastada, khudaarta iyo wixii yaryarka xataa diyaarad ayaa lagu keena, intaas dhan waxa sababay waxa waaye wado kale oo u furan majirto.” Sidoo kale waxa uu been abuur ku tilmaamay warar maalmihii dambe soo baxayay oo sheegayay in uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Xudur, kaasi oo ah marinka kaliya ee bulshada magaaladaasi wax loo soo mariyo. “Diyaaradaha alaabaha keenayay gaab kuma jirin ee laakiin flight-kii rakaabka ayuu gaab ku yimid oo diyaaradii la waayay, marka diyaarad ayaa la’layahay iyo waxaas sax ma aha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha degmada Xudur. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu qorsheynayo in howl-galo ka bilaabaan gobolka Bakool, si shacabka u helaan fursad ay ku noolaan karaan nabad, uuna ganacsigooda waddooyinka ugu imaan lahaa. Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa muddo ku dhow 10 sano ku jirta go’doon, hase yeeshe xilligaan ayaa si weyn looga deyrinayaa xaalada ka jirta magaaladaasi, ayada oo gobolada dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. The post XUDUR oo weli go’doon ugu jirta Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada, oo ay ka maqan tahay Puntland. Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada. Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka. Wasiirada ayaa dhankooda soo dhaweeyay howl-galada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Waxaa kulanka kasoo qeyb-galay, Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud. Sidoo kale waxa qeyb ka ahaa; Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda HirShabelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir. Puntland oo ayadu dhawaan ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan, ayaa shirka Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kasoo qeyb-galin, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho. The post Sawirro: Xasan oo la kulmay wasiiro maamulada ah oo ay ka maqan tahay Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - Puntland regional police announced that a senior ISIS group leader named Abu-Albara Al Amani was killed in an attack in the Bari region on Thursday night. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) - Puntland regional police announced that a senior ISIS leader named Abu-Albara Al Amani was killed in an attack in the Bari region on Thursday night. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaacisay in ay dishay madaxii hawl-gallada Daacish ee gobolka Bari, kaasi oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani. War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Bali-dhidiin ee gobolka Bari. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska in Abu-Albara Al Amani uu ka soo jeeday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, islamarkaana Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya. Bishii July 2021-kii ayaa Abu-Albara loo magacaabay madaxa hawl-galada Daacishta Soomaaliya, kadib markii la dilay madaxii hore ee hawl-galada kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Abuu Waliid Al-muhaajir. Al-muhaajir ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawl-gal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraalka. “Hawl-galka Ciidanka amniga Puntland ayaa ah mid guul weyn u ah guud ahaan Ummadda reer Puntland iyo kan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri ugu dambeyntiina qoraalka kasoo baxay Booliska Puntland. Weerarka lagu dilay madaxii howl-galada ee ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Bali-dhidiin ayaa la sheegaya in uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland, ayada oo lasoo warinayo tiro kale oo dhaawac ah. The post Madaxii howl-galada ee Daacishta Soomaaliya oo la dilay (Faahfaahin) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in markii hore uu fikir awood sareysa ka haystay Shabaab ka hor inta uusan la galin dagaalka tooska ah. Waxa uu sheegay in dagaal-yahanada Shabaab aysan laheyn tababar ciidan iyo xirfad dagaal oo ay ugu babac dhigi karaan dagaal toos ah, hase yeeshe ay xirfadooda u weyn tahay qarax iyo gaadmo. “Nimanka Shabaab la yiraahdo aniga laftigeyga waa ku qaldana fikirka ka qabay, waxa u haysta niman balo ah oo xeeladaha yaqaan oo bartay qorshe ciidan. Meelahaas ayaa lagu soo tababara iyo waxba la sheegi jiray laakiin ma ah kuwa uu aas-aaskooda dhisan yahay,” ayuu yiri. “Shabaabka dhan waa fikir iyo qarax, waa falsafad ay dadka ku cadaadinayan, yacni argagax qoorta ayey ka goynayaan oo qofkasta wuxuu ka baqaya si uusan Alle uga baqin. Waxa ku cadeynaya ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagaha bixinaysa, sabab? hantidaada ayaa dadkaaga lagu baabinaya.” Guddoomiye Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab aysan laheyn awood dagaal toos ah ay kula gali karto ciidamada deegaanka, iskaba daa ciidamada millateriga oo ayagu leh tababar sare, sida uu sheegay. “Ma dhaceyso Shan daqiiqo in jilib dhigaan oo ciidamada Macaawisleyda iskaba daa millateriga, in ay meel god ah galaan oo kasoo xabadeeyaan mooyee, inta banaan yimaadan ma dhici karto inay dagaalamaan.” Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi. The post ‘Awoodda ciidan ee Shabaab sida la moodo ma aha’ – Jeyte oo shaaciyay xog cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti’s plans to build Africa’s first rocket-launch facility is a “very important” step because presently there is no functioning one on the continent, Temidayo Oniosun, the managing Director of the consultancy firm Space in Africa, has told the BBC’s Newsday programme. Source: Hiiraan Online
-
The French and German foreign ministers say there can be no reconciliation in Ethiopia without justice. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya, Jan 13 – The government will reboot development projects in north eastern Kenya in a grand plan to address a range of challenges the region has faced. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda daraaseysa arrimaha militeriga ayaa soo saartay liiska cusub ee sanadkan ay ku qiimeysay awoodda militeriga ee waddamada caalamka. Soomaaliya ayaa soo gashay boos ka duwan kii ay ku jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Warbixinta shirkadda Globalfirepower waxay ku saleysan tahay xogta la heli karo ee dalalka ay u kuur gashay. Bogga ay internet-ka ku leedahay shirkaddan ayaa dhawaan lagu sheegay in ilaa 60 arrimood loo cusaday soo saarista natiijada ugu dambeysa ee lagu soo bandhigo sida ay dalalka ugu kala awood badan yihiin dhinaca militeriga. Isbeddel aad u weyn ayaa ka muuqda kaalmaha ugu sarreeya ee liiska iyadoo sida guud ay waddamo badan sameeyeen horumar halka qaar kalena ay hoos u dhaceen. Tobanka waddan ee ugu sarreeya ayaa ka duwan kuwii liiska soo galay sanadkii lasoo dhaafay ee 2022. Tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka Marka laga soo tago afarta dal ee sanad walba haya hoggaanka (Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya), waxaa 2023-ka waxaa hoos u dhacay Japan oo soo gashay kaalinta 9-aad, iyadoo sanadkii hore ku jirtay kaalinta 4-aad. Pakistan oo booska 9-aad kasoo dallacday ayaa hadda ku jirta booska 7-aad oo ay ka baxsatay Faransiiska. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ingiriiska oo sanadkii hore ku jiray kaalinta 8-aad uu hadda sare ugu soo kacay kaalinta 5-aad. Liiskan cusub ayey dalalka ugu sarreeya isugu xigaan sidan: Mareykanka Ruushka Shiinaha Hindiya Ingiriiska Kuuriyada Koonfureed Pakistan Japan Faransiiska Talyaaniga Turkiga oo 2022-kii ku jiray kaalinta 13-aad ayaa sanadkan sameeyay horumar aan sidaas usii weyneyn, waxa uuna soo galay kaalinta 11-aad. Isku darka 145 waddan ayaa lagu soo bandhigay liiskan oo lasoo saaro billowga sanad walba. Soomaaliya Sannadihii lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ahayd dalka militeri ahaan ugu awoodda yar qaaradda Afrika. Kosovo iyo Iceland oo keliya ayaa ka hooseeyay dhinaca dunida. Inkastoo ay labadii dal ee ka awoodda yaraa Soomaaliya (Iceland iyo Kosovo), ka sare mareen sanadkan waxaa jira dhowr waddan oo hadda hoos u dhacay ayna ka horreyso Soomaaliy, sida ka muuqata liiska. Saddex dal oo ay hoggaamineyso Soomaaliya ayaa kala ah Maldova oo ku yaalla qaaradda Yurub, Benin oo ku yaalla Galbeedka Afrika iyo Bhutan oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya. Soomaaliya ayaa booska 142-aad uga jirta liiska, celcelis ahaanna waxay sanadkan sameysay hoos u dhac marka la eego dalalkii ka hooseeyay ee ka sare maray hadda. Awoodda militeri ee Soomaaliya Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof. Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya. Isha: BBC The post Imisa dal ayey SOMALIA uga sare martay liiska cusub ee awoodda militeriga caalamka? appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya has increased security agents along the porous Somalia border in anticipation of the arrival of fleeing al Shabaab returnees. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Macaawisley waa mid kamid ah magac kooxeedyada dhawaan galka ku ah saaxada Soomaalida, wuxuuna dhinaca kale magacan huwan yahay dareen gobanimo oo ah ka dhiidhinta dulmiga, dabar-goynta iyo dhibaatada maalinlaha ah ee kooxda Al-Shabaab ku hayso dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada ka fog caasimadda. Ciidan dareenkooda adeejiyay, hubkooda la yimid, saanadooda ajnebi aan u daba fadhiisan rabana inay deegaankooda xornimo ku helaan ayaa ah sida ugu fudud ee loo qeexo kooxda la yiraahdo Macawaasiley oo si weyn caan uga ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud. Tan iyo markii ay Al-Shabaab fooda dareen, ciidanka Macaawisleyda waxay haystaan natiijo wax ku ool ah oo halka dagaalka ah. Kooxda Al-Shabaab waxaa soo gaaray jabkii u weyna tan iyo markii Soomaalida ay u bareertay fikirkooda hubeysan, Macawaasileyda waa astaan ka turjumeysa inay shacabka Soomaaliyeed diideen inay lasii noolaadaan fikirka Al-Shabaab. Inkasta oo uusan weli dhamaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa haddana waxa jirta su’aal marar badan soo noq-noqotay, taas oo ah halkee ku dambeyn doonaan mustaqbalka ciidanka Macaawisleyda markii la gaaro natiijada qoriga ay u qaateen oo ah in laga adkaado Al-Shabaab. Dadka qaarkii waxay muujinayeen walaac ku saabsan in berri ciidanka ay culeys ku noqon karaan amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, laakiin ugu dambeyn arrintaas waxa ka jawaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Xamza oo wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay halka ay ku dambeyn doonaan ciidankan oo hadda door wax ku ool ah ka qaadanaya inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka adkaato kooxaha argagixisada, ayaa sheegay inay qeyb ka noqon doonaan hay’addaha amniga. “Dadkaas marka uu deegaankooda xoroobo laba ayey u kala baxayaan, Dad ka gadooday nimankaas Khawaarijta ah dulmiga iyo dhiiga ay daadinayaan oo dabadeed sidaas dagaalka ku galay waxay dadkaas ku noqonayaan guryahooda iyo beerahooda iyaga oo xor ah oo sharaf iyo karaamo leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. “Dhalinyarada kale ee soo harta waxay ka mid noqoneysa hay’addaha amniga, booliska, nabad-sugida iyo millateriga. Cidii kale ee her federaal ah hadii ay u baahan yihiina waxay noqon doonaan heer-dowlad goboleed oo waa lagu soo dhaweyn doona hay’addaha amniga.” The post Halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Macaawisley kadib dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: Boggii Facebook ee Baanka Dhaxe ee Somaliland oo lahaa calaamada buluuga Ah ee Aqoonsiga rasnimada lahaanshiyaha ee (Verification),- ka ayaa budhcad jabsatay maanta iyagoo soo geliyay Sawiro. Boggan ayaa noqonaya Kii saddexaad ee calaamada buluuga ah ee Verified-ka leh ee la jabsado, Sidoo kalena Bogga Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera oon lahayn calaamada Verified-ka ayaa tirada ka dhigaya guud ahaan boggii Afaraad ee Hay’addaha Dawlada Somaliland leeyihiin ee la jabsado. Wasaarada Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa u muuqata mid ku guuldaraystay inuu ka hortag u noqdo tababarkii ay siisay dabayaaqadii sanadka hore hawlwadeenada gacanta ku haya boggaga laamaha Dawlada oo ku saabsana sida looga hortago budhcada Internetka iyo in La jabsado boggaga dawladu ku leedahay Internet-ka oo socday labba maalmood taas oo ay sheegtay wasaaradu wakhtigaas inay ka hortag u noqonayso weerarada budhcada Internet-ku ku soo qaadayso boggaga Hay’addaha Dawlada Somaliland balse maanta la jabsaday bogg kale oo leh calaamada Verified-ka. Wasaarada oo hore warbaahinta qaarkood sheegen inay lacag ku siiso dad dalka dibadiisa jooga in calaamadasi ay yeeshan boggaga ay leeyihiin Madaxda sare ee Qaranka iyo Hay’addaha kala duwan ee dawladu marna ma sheegin sababta ka hor taagan inay soo celiyaan boggagan keedu ka mid yahay. Sanadkii Hore budhcad jabsatay Bogga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa maalmo kooban lagu guulaystay in lagaga soo celiyo, Halka Somaliland ilaa Hada Afar bogg oo la jabsaday wasaarada ku shaqada lehi soo celin kari ladahay. Qaran News
-
Xildhibaan ka hadlay Deeq waxbarasho oo la musuqmaasuqay “Qoondada Gudiga Tacliintu Awdal iyo Sool kasiisay Deeqda waxbarasho maaha wax la aqbali Karo. Gudiga waxan usoo jeedinaynaa inay dib ugu noqdaan sheegana waxa ay u cuskadeen. Dalka ma in la wada xaaladeeyo ayay xukuumadu ku tashatay tolow?”……Xildhibaan Maxamed Abiib Halkan ka ogow qabiilada ay ka soo jeedaan 100 ka arday ee Somaliland usoo xulatay inay noqdaan Kuwa ubaxaya deeqda wax barasha da ee itoobiya siisay Somaliland. Gabiley Clan : 54 West Burco Clan : 20 Habar-Jeclo : 16 Arab : 5 Sool clan : 2 East Sanaag Clan : 1 Gadabuursi 2 Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa laba halisood, kuwaasi oo kala ah; argagixisada go’doomisay deegaanadeeda iyo dhibaato kale oo dhanka gaajada ah, ayada oo Soomaaliya ay mareyso xili roobaadkii 5-aad oo xiriir ah oo roob la waayay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Diini Cabdi Nuur ayaa sheegay in magaalada ay ku hareereysan yihiin dhinac walba dagaalameyaasha Al-Shabaab. Maleeshiyaada ayaa waxay ku sugan yihiin qiyaastii meel 20km ah jiho kasta, waxaana lasoo warinaya in laga yaabo inay jirto hal waddo oo amaan ah oo magaalada soo gasha. Baydhabo ayaa sidoo kale sanadihii dambe aheyd magaalada qaabisha barakacayaashi ugu badan, taasi oo sare usii qaadaya cabsida laga qabo xaalada cuno-yari ee maamulkaasi laga soo sheegayo. Sanadihii lasoo dhaafay, boqolaal kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa ku qul-qulayay magaalada, halka qaarkood ay si kumeel-gaar ah u yimaadaan, sida abaartii 2017-kii, qaar kalena waxay ku jiraan waqti dheer, iyagoo leh majiraan wax ay dib ugu noqdaan. Dhinaca kale, waxaa la sheegaya in tiro u dhaxeysa 160,000 illaa 300,000 oo ah tirada dadka barokacay ee la rumeysan yahay ay gaadhen magaalada Baydhabo tan iyo marki ay abaartii ugu dambeysay bilaawday. Tirooyinkan ayaa waxay cadeynayaan in magaalada ay sii koreyso hase ahaate uusan jirin qorshe wax loogu qabanayo dadweynaha. The post Magaalo SOOMAALIYA ka mid ah oo wajaheysa laba halisood, qarkana u saaran in… appeared first on Caasimada Online.
-
Abu-Albara Al Amani Puntland ayaa sheegtay in ay dishay madaxii hawlgallada Daacish ee gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani. War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Balidhidin ee gobolka Bari. Abu Albara Al Amani ayaa Booliska Puntland sheegay in uu ka soo jeeday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, uuna Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish. Bishii July 2021 ayaa Abu Albara loo magacaabay madaxa hawlgallada Daacish, kaddib markii la dilay madaxii hore ee hawlgallada kooxdaas Abuu Waliid Al-muhaajir oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu xusay qoraalka Booliska Puntland. Dhanka kale weerarka ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Balidhidin waxaa ku dhintay hal askari ka tirsan Booliska Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo dishay madaxii hawlgallada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah. Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aden. “Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman. Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo $10 Milyan dul-dhigay Madaxa Maxamuud Cabdi Aden oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Isniintii ku dhawaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya. “Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland. War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan. Haddaba, dhawaaqan kasoo yeeray Puntland ma lamid yahay midka ay soddan sano ka hor wadadiisa qaaday Somaliland? Marka indho kale lagu fiiriyo bayaanka kasoo baxay Puntland, waxa uu meesha ka saaraya in maamulka Deni uu xiligaan rabo madax-banaani (gooni isu-taag) lamid ah midka ay Somaliland ku doodeysay 30-ka sanno. Bayaanka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxa loo adeegsaday “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed” taasi oo weli muujineysa in mowqifkoodan uu yahay xod-xodasho siyaasadeed iyo gorgortan cusub oo maamulka Saciid Cabdullaahi Deni uu ka leeyahay rabitaano ku xadidan doonis gaar ah. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxay fallan-qeeyayaasha qaarkood qabaan in uu mowqifkaan cusub ku cadaadinayo madaxda dowladda federaalka, oo shirkii u dambeeyay ee ay yeesheen ku kala kacay. Marka la eego dalabaadka Saciid Deni ee kasoo laabashada mowqifkaan cusub waa mid sii cadeynaysa in rabitaankan uusan laheyn qorshe iyo aragti fog toona. Puntland ayaa weli illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaankii Isniitna, waxayna diyaar u tahay inay xoojiso doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, ayada oo ka duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka. Kaarka dowladnimada Puntland iyo in si madax-banaan u dhaqmi karto waa mid ay dhowr jeer hore usoo xoqdeen madaxdii ka horeysay Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaasi oo xiligaasi uu khilaaf soo kala dhex galay dowladda dhexe. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale arrintaan fahamsan, ayada oo madaxdeedu ka dhawaajisay in ay ku wajahi doonaan wada-hadal, si looga gaaro is-faham arrimaha ay tabanayaan madaxda maamulka Puntland. The post Madax-banaanida ay ku dhawaaqday Puntland ma la mid tahay midda Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Washington — The U.S. on Thursday made more than 2,000 Somali immigrants eligible for work permits and deportation deferrals under a humanitarian program President Biden has used to extend temporary legal status to hundreds of thousands of immigrants from countries beset by war, violence and other crises. Source: Hiiraan Online
