Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa xog cusub ka bixiyey dilkii ay Soomaaliya ugu geysteen Bilal al-Sudani oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, iyo saameynta xooggan ee uu ku lahaa howlgallada kooxda. Al-Sudani ayaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee SEAL Team 6, waxay ku dileen howlgal qorsheysan oo toddobaadkii hore ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntland kadib muddo la raadinayey. Saraakiisha Mareykanka ayaa xog yaab leh ka helay Al-Sudani, xilli ay baarayeen weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan bishii August 2021, xilligii ay Mareykanka halkaas kasoo baxayeen. Sirdoonka Mareykanka, oo markaas kadib xog dheeri ah ka raadinaya kooxda Daacish ee Afghanistan, oo weerarka fulisay, ayaa ogaaday in Al-Sudani uu madax ka ahaa shabakad maaliyadeed oo Daacish ah oo ku fidsan Afrika, Yurub illaa Afghanistan. Sirdoonka Mareykanka waxay ogaadeen in Al-Sudani uu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, uuna mas’uul ka ahaa dhimashada 13 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii garoonka diyaaradaha Kabul. Taasi waxay safka hore ka gelisay liiska Mareykanka ee xubnaha Daacish ee dil ama qabasho lagu doonayo. “Al-Sudani wuxuu lacag geliyey jeebka unugyada kooxda ISIS-K ama Daacishta Afghanistan ee ka mas’uulka ahaa weerarkii ka dhacay albaabka Abbey Gate ee garoonka diyaaradaha Kabul,” waxaa sidaas yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wrageysjka New York Times. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan jirin qof kale oo ka tirsan Daacish oo lahaa awoodda Bilal Al-Sudani oo kale marka ay noqoto helista iyo qeybinta lacagaha sharci-darrada ah. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxay leedahay xafiis lagu magacaabo Al-Karrar oo ah xarun isku xirta howlgallada kooxda ee DR Congo, Mozambique, South Afrika, iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah, sida lagu sheegay warbixinta. Xafiiska Al-Karrar ayaa waxaa soo geli jiray dhaqaale badan, taasi oo ka iman jirtay lacagaha sida baadda ah looga ururiyo Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo dhaq-dhaqaaqyada dambiyeed ee kooxda . Saraakiisha Mareykanka ayaa sanadihii dhowaa la socday xiriir xooggan oo u dhaxeeyey xafiiska Al-Karrar iyo kooxda Daacish ee Afghanistan. Mareykanka ayaa Bilaal Al-Sudani ku raad-joogay tan iyo sanadkii 2012, xilligaas oo Al-Sudani lagu soo rogay cunaqabatayn, sidoo kale waxaa la ogaaday in magaca dhabta ah ee ninkaas uu ahaa Suhayl Salim Abd el-Rahman. The post Mareykanka oo shaaciyey xog yaab leh oo ku saabsan Bilal al-Sudani oo lagu dilay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan duleedka Garoowe ayaa ka horyimid diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu murasan yahay ee Puntland. Ciidamadan oo lagu magacaabo Danab islamarkaana uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar ayaa digniin adag u jeediyay dowladda Warqad ka soo baxday Ciidanka oo uu ku saxiixan yahay Jeneraal Jimcaale ayaa looga digay xukuumadda Puntland in ay sii waddo diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn. Halkaan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Jeneraal Jimcaale iyo ciidankiisa oo ka horyimid diiwan-gelinta lagu muransan yahay ee qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada hadal-heyn ka abuuray weerar afka ah oo labo xildhibaan ku dhex-martay muuqaal uu maanta baahiyey TV-ga Dalsan. Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo laba maalin ka hor Dhuusamareeb ka soo qaatay kursigii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maanta lagu dhaariyey kulankii golaha shacabka. Dhaarintiisii kadib, Xildhibaan Ilyaas ayaa qabsaday Makarafoonka, wuxuuna doodiisa ka dhiibtay sharciga hey’adda NISA oo miiska saaraa, isagoo yiri, “Aan socod-siino sharciga NISA oo aan ansixino, cabsidana hala joojiyo.” Muuqaalka Xildhibaanka oo lagu baahiyey pageka Facebook-ga ee Dalsan TV ayaa waxaa qeybta Commentiga aragtidiisa uga dhiibtay Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe oo yiri, “Qof maanta dhashay oo isla maanta hadlaya ii kow.” Intaas kadib waxaa reply u soo galay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed wuxuuna ugu jawaabay “Abdullahi Mohamed Ali, Qof Muwaadin Somaaliyeed dal shisheeye u gacangaliyay oo hadana Golahii ummadaan matalayay xubin ka ah ii koow!” Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa la xasuustaa in hey’adda NISA uu Agaasime ka ahaa markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ahaa halgamayaashii ONLF. Intaas kadib Dalsan TV ayaa ka soo fal-celisay hadal-heynta ka dhalatay jawaabaha ay qeybta commentiga ee Facebook-gooda isku dhaafsadeen labada xildhibaan iyo boqolaal qof oo kale, waxayna dheheen “Ka Dalsan ahaan waxaan ku faraxsanahay in aan nahay madal si kasta ula falgalaysa aragti-wadaagga umadda Soomaaliyeed.” In xildhibaanadu is dhaafsadaan hadallo kulul oo dood dhaliya ma cusba, laakiin waxaa arrintaas xiisa u yeelay in maanta uu golaha ku cusbaa oo halkii lagu dhaariyey uu aragtidiisa ku dhiibtay xildhibaanka uu weeraray Sanbaloolshe. The post Xildhibaankii beddelay Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe maxaa kala qabsaday maanta? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa qoraal ka soo saaray dilkii shalay ay ciidanka ATMIS afaafka hore ee madaxtooyada qaranka ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed. ATMIS ayaa bayaankaan ay soo saartay waxay ku qiratay in askari ka tirsan howlgalka uu toogtay qof shacabka, iyagoo raaciyey sababta loo toogtay qofkaas. Sida lagu sheegay qoraalka ninka la toogtay wuxuu mid ka mid ah gaadiidka ATMIS ku tuuray wax aan la garaneyn, intaas kadibna wuxuu isku deyey inuu fuulo gaariga, taas oo sababtay in la toogto. ATMIS waxay sheegtay in ay bilowday baaritaan madax-banaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen, waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaaladda, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa balan qaaday inay la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya. “ATMIS waxaa ka go’an ilaalinta nolosha shacabka waxayna sii wadi doontaa dhowrista iyo ixtiraamka dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida ku cad sharciyada howlgalkeeda iyo inay taageerto DFS, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo xasiloon,” ayaa lagu yiri gabagabda qoraalkaan ka soo baxay Taliska ATMIS. Shalay oo Jimco aheyd, markii ay toogashadaan geysteen ciidanka ATMIS, waxaa bilowday banaan-baxyo rabshado wata, dadweyne ka careysan waxa meesha ka dhacay ayaa isku soo baxay, waxayna warbaahinta u sheegeen in dilalkaan aysan ugu dul qaadaneyn ciidanka ATMIS. Qoyska marxuumka uu ka geeriyooday oo ka mid ahaa dadweynihii isku soo baxay ayaa ku eedeeyay ciidamada ATMIS inay si bareer ah u dileen wiilkooda, waxayna dalbadeen inay caddaalad helaan. Wiilka ay toogteen ciidanka ATMIS, waxaa la sheegay inuu ahaa derbi jiif, halka lagu toogtay waa isgoyska Ceelgaabta ee kala weybiya degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, sidoo kale waa barta control ee ugu horeysa ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. The post ATMIS oo sheegtay sabab yaab leh oo ku kaliftay inay toogtaan wiil Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
  5. Garsoore ku sugan magaalada Miami ee Mareykanka ayaa Jimcihii ku xukumay 5 sanno oo xadhig ah jilaaga reer Mexico, Pablo Lyle oo nin dilay xilli uu ku jiray khalkhal dhanka waddooyinka ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Lyle ayey xeerbeegta Miami ku heshay dambi ah dil aan kas ahayn. Xeer ilaalinta ayaa codsatay jilaagan in lagu xukumo 15 sanno oo xadhig ah balse, iyadoo la tixgalinayo qodobada lagu fududeynayo kiiska, garsooraha ayaa ku xukumay 5 sanno oo xadhig ah, 8 sanno oo kor joogteyn ah iyo 100 saacadood oo shaqo bulsho ah. Xukunka 5-ta sanno ah, oo laga jaray bilihii Lyle uu xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu helay dambiga, waxaa racfaan laga qaadan karaa 30 maalmood gudahood. Kiiskan ayaa kasoo bilaabanaya march 2019, kadib markii jilaagu uu feedhay 63 jir lagu magacaabo Juan Ricardo Hernández intii lagu jiray qalalaasaha saxmadda gawaadhida, kaasoo maalmo ka dib isbitaal ugu dhintay dhaawac madaxa ah. Intii lagu guda jiray maxkamadeynta oo dhacday 2022, difaaca jilaaga ayaa sheegay in uu u dhaqmay si isdifaac ah, isaga oo u baqay naftiisa iyo tan qoyskiisa. Source
  6. Hey’adda maamusha isgaadhsiinta dalka Pakistan, ayaa ka xanibtay barta lagu kaydiyo qoraalada ee Wikipedia dalkaas, iyadoo hey’addu sheegtay inay ku guuldareystay Wikipedia iney maxfalladeeda ka saarto waxyaabaha aflagaadada ah,inkastoo digniino kal hore loo gudbiyay. Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay in go’aanka hey’adda dib u eegis lagu sameyn karo, haddii encyclopedia online ay meesha ka saarto waxa uu ugu yeedhay macluumaadka xiisadda keenaya. Hay’adda Wikimedia ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in mamnuuciddan ay ku dhaqaaqda dowladda dalka shanaad ee dunida ugu dadka badan inay helaan kaydka ugu badan ee aqoonta bilaashka ah. Mid kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhijitaalka ah ee dalka Pakistan, ayaa ku tilmaamay mamnuucista mid aan u dhigmin waxa la luminayo, oo aan dastuurina ahayn. Shirkadaha caanka ah ee Facebook iyo YouTube, ayaa hore loo xayiray qoraalo loo arkay inay yihiin aflagaado, iyo arrimo kale oo xasaasi ka ah dalka Pakistan, oo dadkiisu ay u badan yihiin Muslim). PAKISTAN WIKIPEDIA Source
  7. Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo laba sanno ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay mas’uuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed. Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed iyo madaxda TPLF ayaa ka wada hadlay qodobo ay kamid yihiin waxyaabaha ilaa iyo hadda ka hirgalay ama ka fulay heshiiskii ay dhawaan gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF, ee lagu soo afjaray dagaalkii wakhtiga dheer ka socday Waqooyiga Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa wixii ka dambeeyay heshiiskaa waxay gobolka Tigray u furtay dhammaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah, sida Korontada, Biyaha iyo Isgaarsiinta, sidoo kale Hay’adaha gargaarka ayaa iyaguna bilaabay inay gargaarka noocyadiisa kala duwan geeyaan gobolka Tigray, oo ay ka jirto macluul badan oo ay sababeen dagaalladii halkaa ka socday. TPLF oo heshiiskaa soo dhaweysay ayaa dhinaca kale ilaa iyo maanta aaminsan in weli ay gobolka ku sugan yihiin waxay ku tilmaameen ciidamada ku soo duulay gobolka Tigray, oo ay ula jeedaan Ciidamada Eritariya iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Axmaarada, kuwaas oo xilligii uu dagaalka TPLF iyo dowladda Itoobiya socday ka barbar dagaallamayay Ciidamada dowladda Itoobiya. Kulankan ay dib isku arkeen Madaxda u sarreysa dowladda Itoobiya iyo TPLF heshiiska kaddib, ayaa la filayaa inuu soo kordhiyo waxyaabo badan oo sababi kara inuu sii wanaajiyo xidhiidhka labada dhinac. Source
  8. “Fariin Furan oo ku Socota Madaxwaynaha Qaranka Somaliland 1. Madaxwayne dalku waa dal ay wada daganyihiin dad kala duwan Aftirsiin islana ogol dawladnimadda somaliland hasayeshee iskuma wafaqsana SNM sidaas awgeed waa inaad ogsonaantaa hadii la hanan waayo dadka daga goboladda darafyada waxa khatar ku sugan jiritaanka somaliland 2. Madawxayne waa in aad ogsonaataa in aan marnaba lagu kasban karin dadka reer Awdal cabudhin, ciidamo iyo awood, haddii awood lagu xajin karo dad, somalilaand kamay tagteen somaliya 3. Madaxwene ka daa cabudhinta iyo ciidamadda dhaliyarada gobolka Awdwal aad u dirtay ee si ay cadaw ladagalamayaan gawaaadhida hubaysan lagu argagax galinayo, ogowna arinta laascanood ee faraha kasii baxaysa waxay ka bilamatay sidaas dhaliyarada Awdal oo kale 4. Madaxwayne waxaan ku xasusinayaa gabay uu hore utiriyey abwan gaariye oo tilmaamayey waxa dhici doona waxa uu yiri;- ♤Dharar baa iman doonta ♤ dadka sool iyo awdal ♤ee adanow hagrateen Raacdadoodu adkaato lagu raadsho ilays abwaan gaariye AHN” W/Q: Wasiir hore Axmed Muumin Seed. Source
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee ciidamada booliska Jubbaland oo qaatay tababar kala duwan. Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo booliska sida gaarka ah u tababaran. Ciidamadan ayaa gaaraya 150 askari, waxaana tababarka loogu soo xiray Akadeemiyada ciidanka booliska Jubbaland ee gobolka Jubada Hoose. Ciidamadan ayaa loogu tala-galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah ee howl-galka ka dhanka ah ay wadaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in howl-galada bilowday ay sii socon doonaan, islamarkaan laga xorayn doono dhamaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale waqtiyada dhow, sida uu sheegay. “Ciidamadan waxay ka howl-gali doonaan dhamaan deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Khawaariijta ah ee Al-Shabaab, waxayna kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri. Howl-galka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday ayaa illaa hada lagu xoreeyay deegaanada Aw-qumbaale, Shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa-Cabdalle, iyada oo ciidamadan ay durba ka howl-gali doonan deegaanadaas la xoreeyay. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray 150 askari iyo qorshaha laga leeyahay appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la horgeeyay Hindise-sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo hore buuq badan uga dhaliyay Golaha Shacabka, ayna ka taagneyd dood badan. Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan labada guddoomiye ku-xigeen ayaa shir-guddoomiyay kulanka oo ajandihiisu ahaa qeybinta hindise-sharciyeedkan, ayada oo golaha uu hortagay wasiirka wasaaradda Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur. Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa Senator-da warbixin ka siiyey hindise-sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman, isaga oo sharaxaad ka bixiyay muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidii uu wax kaga bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib waxa uu sheegay in sharcigaan loo gudbinaya guddigga maaliyadda ee golaha Aqalka Sare, si ay uga soo doodaan ayna dib ugu soo celiyaan Golaha. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa 14-kii bishii meel-mariyay hindise-sharciyeedkan, ayada oo guddoonka lagu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay, waxaana si adag uga horyimid meel-marinta sharcigaan xildhibaanada qaarkood. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka. Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay. “Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 4-aad. Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale. “Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jideeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leeyahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad. Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna hore u meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii. The post Daawo: Sharci dood badan dhaliyay oo maanta la hor-geeyay Aqalka Sare ee BF appeared first on Caasimada Online.
  11. Dhawaan ayaa is maamulka Somalida ee Itoobiya waxa ay soo saareen go,aan ah in maamulka Somalida ee deegaanadaasi ay maanta laga bilaabo ay isticmaali doonaan taariikhda afka Somaliga ee Afka Somaligu leeyahay, hadaba anaga oo warkaasi baahinay waxa ka soo noqday afkaar badan oo sheegaysa in aan bilahaasi ayna saxsanayn isla markaasina ay yihiin godad ay bilahu ku meeraystaan. Hoos ka akhriso bilaha saxda ah iyo magacyadooda. 12 bilood ee sanadka somaalidu u taqaano Sayrmaweydo. 1 January Cawli 2. February Dirir sagala 3 March Samalaho 4. April Waranweer 5. May Xays 6. June Dayr halalod 7. July Danbasame 8. August Wajiine 9. Sept. Todob 10. Oct. Diraac 11. Nov. Daydo 12. Dec. Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay ismaamulka Somalida ee dalka Itoobiya. Maanta wixii ka dambeeyay deegaanada Kililka Shanaad waxaa laga isticmaali doonaa bilaha kal-tirsiga afsoomaaliga ee soo socda 1. Kodxin – (September) 2. Dirir – (October) 3. Gudba – (November) 4. Xoorrey – (December) 5. Dharabley – (January) 6. Cirir – (February) 7. Cuur – (March) 8. Duugato – (April) 9. Miicaad – (May) 10. Agaali – (June) 11. Afagaal – (July) 12. Naaf – (August) Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay horjooge Xasan Cadde oo ahaa horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Janaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow. Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ay maanta howl-gal qorsheysan ku dileen ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraalka wasaarada warfaafinta. Dhinaca kale, Afhayeenka Howl-gallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Jubbaland TV ayaa xaqiijiyey dilka kooxdan, sidoo kale wuxuu sheegay in howl-galkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dardar xoogan ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo lagu gaarsiiyay jab weyn kooxda, islamarkaana laga qabsaday deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in howl-gal lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, laguna dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyada kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal. Sida ay xiligaas warisay dowladda howl-galkaas ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale. The post Horjooge Xasan Cadde iyo xubno kale oo maanta laga dilay kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin iyo Taliyihii hore S/G Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Booliska ee Janeraal Kaahiye ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku uga mahadceliyey taliyihii hore shaqadii uu dalka u soo qabtay muddadii uu hoggaaminayey Booliska oo guulo wax ku ool ah gaaray. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xilligan muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kaalin weyn kaga jiraan howlgallada socda, isla markaana ay gacanta ku hayaan xasillinta dhammaan deegaannadii dowladdu la wareegtay. Mudane Saalax ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee qaranka, wuxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka. Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale. PUNTLAND POST The post Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Guddiga Dhismaha ee Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, oo Madaxweynuhu dhowaan ku dhawaaqay in sanadka inta ka hartay la gaarsiinayo magaalada Hadaaftimo. Madaxweynaha ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixinta heerarka kala duwan ee dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo soo martay, meesha ay hadda marayso iyo baahiyaha ku gaadaaman. Wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida ay Isaga go’antahay in sanadka intuusan dhammaan Wadada la gaarsiiyo magaalada Hadaaftimo. Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa waxaa la dhisay 30-kii Km ee ugu horeeyay oo Laami ah, waxaana hadda Bulshada Puntland Guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Sanaag ay siweyn usoo dhoweeyeen Go’aanka Madaxweynaha qaatay ee ah in Wadada la geeyo Hadaftimo inta sanadka ka hartay. Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh Arrintan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo warbixin la dhegaystay Guddiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Islamist insurgent group, has been a significant hindrance to the progress and stability of Somalia and the wider Horn of Africa region since its inception in 2006. The group has taken advantage of Somalia’s weak central government to control large portions of the country’s ungoverned territories, including parts of the capital city of Mogadishu. The group reached its peak in 2011, when it took over parts of Somalia’s capital city of Mogadishu. However, regional leaders have had enough and have come together to discuss a joint military offense to eradicate Al-Shabab once and for all. A coordinated effort by Horn of Africa countries On Wednesday, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud hosted a summit with his Kenyan, Ethiopian, and Djiboutian counterparts to discuss a coordinated military offensive against Al-Shabab. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has supported the Somali government in its fight against Al-Shabab for the last 15 years. The African Transitional Mission in Somalia has taken its place with the goal of reducing troops to zero by 2024 and security being assumed by Somalia’s army and police. This collaboration among Somalia’s neighbors is expected to lead to the quick liberation of the country from the Islamist insurgents who have been dealt heavy blows on the battlefield in recent weeks. The recent meeting highlights enhanced engagement among Somalia’s neighbors in their quest to eradicate Al-Shabab. Insurgency impediments to Africa’s progress and stability The insurgency issue in Africa has been a major hindrance to the progress and stability of the region, and Somalia being a victim, understands this well. The presence of such forces assaults the global image of the countries. It has even hindered Somalia’s bid for East African Community (EAC) membership, which has been rejected because of “sporadic conflicts and weak institutions.” African leaders’ decision to counter-insurgency The recent decision by Ethiopia, Kenya, Djibouti, and Somalia to join hands in countering the insurgency is a result of the direct or indirect impact of the Islamist militants on their countries. Fresh from a deadly war, Ethiopia wouldn’t want to face another challenge and has decided to contribute significantly to countering the insurgency. Kenya, which shares borders with Somalia, has also been a victim of Al-Shabab’s terror and sees this as an opportunity to project itself as a champion of counter-terrorism initiatives. Similarly, Djibouti considers this a chance to join the regional effort and project itself as a champion of counter-terrorism initiatives. African leaders’ search for African solutions Despite the US and other Western interventions in Africa, the insurgency issue has only worsened, pushing the countries into further underdevelopment. Leaders like Ruto, Abiy Ahmed, Ismael Omar Gelle, and Hassan Sheikh Mohamud have now decided to counter African problems with African solutions, primarily through destroying the Islamist rodents once and for all. A unified Africa is the need of the hour, and this meeting marks the beginning of a new era in the African war on terrorism. In conclusion, the Horn of Africa countries have come together to launch a coordinated military offensive against Al-Shabab to put an end to its insurgency that has caused much havoc. The African leaders have realized the need for African solutions to African problems. They have taken the first step towards a unified Africa in the fight against terrorism. The post Africa vs Al-Shabab: Joint military offensive in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  16. Isbarbardhigga Awoodda Milatari ee Maraykanka & Shiinaha Xilli Xiisada u dhexeysa Cirka isku shareerayso Qariiradda muujineysa awoodaha Mareykanka iyo Shiinaha Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid. War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay “ka adkaan doonaan isku day kasta” oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan. Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Jeneraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eedeeyay inuu gadaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku “uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan” uuna “soo faragelinayo” arrimaha Shiinaha. “Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labalabayn doonno inaan qaadno dagaal,” ayuu yiri Jeneraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore. “Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo, waxaana dagaallami doonnaa ilaa dhammaadka, taasi waa waddada kaliya ee u furan Shiinaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhowaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay “halis ku ciyaarayso” maaddaama ay diyaaradaheeda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow Taiwan. Biden ayaa xilligaas wacad ku maray in Mareykanku uu jasiiraddan militeri ahaan u difaaci doono haddii lasoo weeraro. Haddaba waxaanu is barbardhigeynaa awoodaha ciidan ee Mareykanka iyo shiinanaha. Mareykanka Mareykanka ayaa guud ahaan waxa uu leeyahay ciidan dhan 1.4 milyan oo askari. Halka ciidamada badda la sheegay in ay yihiin 346,200. Ciidamada Badda ee Mareykanka waxay haystaan 51 markab oo ah kuwa quusa ee xambaara madaxyada nukliyeer-ka iyo 11 diyaaradood oo iyagana ah kuwa madaxyada nuliyeeka qaada. Isku soo wada duuboo, Ciidanka Bada ee Maraykanku waxa ay haystaan 296 markab oo ah kuwa dagaalka. Ciidanka Cirka ee Maraykanku waa laan adeeg oo ka tirsan ciidamada qalabka-sida ee Maraykanka oo ku takhasusay dagaalka hawada. Waxaa la aasaasay bishii Sebtembar 1947-kii, iyadoo la raacayo sharciga amniga qaranka ee 1947-kii, waxayna xilligaasi ka mid ahayd laamihii cusbaa ee militariga Mareykanka. Diyaaradaha ugu badan ee Ciidanka Cirka waxay adeegsadaan diyaaradaha F-16C Falcon, oo tiradooda gaareyso 783 xabbo. Ciidanka Cirka ee Maraykanku waxa ay haysteen 4,100 diyaarad oo dagaal geli kara. Intaa waxa dheer, Ciidanka Cirka ee Maraykanka waxay haystaan 400 oo gantaallada ballistic-ga ah ee qaaradaha isaga kala gudba. Tirada shaqaalaha kaydka ee Waaxda Difaaca ee Maraykanka ayaa ahayd mid joogto ah ilaa sanadkii 1995. Sanadkii 2020, waxay ciidamada keydku ahaayeen 795,955. Shiinaha Qiimeyn uu sameeyay wargeyska Businessinsider oo soo xiganaya bogga Statista sanadkan 2022 ayuu ku sheegay in Shiinaha uu yahay waddanka ugu miltariga badan adduunka, iyadoo ciidamadiisa diyaarka ah ay gaarayaan 2.18 milyan oo askari. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2019 ayuu Shiinaha sameeyay dhoolla-tuskii milatari ee ugu dambeeyay. Waxaa lagu soo bandhigay ciidan tiradoodu gaareyso 15,000 oo askari, 580 qalabka milatariga ah iyo 160 diyaarad oo nooca dagaalka ah. Shiinaha waa waddanka ugu milatariga badan guud ahaan caalamka Shiinaha waa waddanka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya milatariga, isagoo sanadkiiba u adeegsada $261 bilyan, sida uu shaaciyay Machadka Caalamiga ah ee Cilmibaarista Nabadda ee Stockholm. Shiinaha waa waddanka saddexaad ee ugu sarreeya dhinaca awoodda diyaaradaha dagaalka, wuxuuna heystaa 3,210 diyaarad. Shiinaha ayaa heysta taangiyo ay tiradoodu gaareyso 3,200, halka gawaarida gaashaaman ee uu heysto lagu qiyaasay 33,000, sida lagu xusay xog uu soo bandhigay bogga isbarbardhigga ku sameeya cududda milatari ee dalalka caalamka ee Global Firepower. Shiinaha ayaa haysta qalabka gantaallada lagu rido oo ay tiradiisu gaareyso 2,650. Dhinaca awoodda baddana, Shiinaha ayaa haysta 777 maraakiibta ciidamada badda oo noocyo kala duwan ah. Shiinaha ayaa heysta 74 markab oo kuwa badda hoosteeda mara ah. Sidoo kale wuxuu heystaa 36 markab oo kuwa wax burburiya ah. Qaran News
  17. Xisbiga Waddani ayaa wax aan la aqbakarin ku tilmaamay in hadda madaxweyne Biixi, wadahadal la yeesho dawladda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Waddani khadar Xuseen Cabdi, ayaa yidhi. “Somaliland wadahadallo macno sameeya lama gali karto Soomaaliya, sababtoo ah: 1. Madaxweynaha wakhtigiisii wuu dhammaaday, cod shacabna kuma joogo hadda. 2. Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin gudeed. Qabashada doorashooyinka iyo xal-u-helidda arrinka Laascaanood ayaa Somaliland miiska u saaran hadda.” Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho weli hadalka u badan waa askari dowladeed oo dilay qof shacab ah. Dowladda waxay la dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, mid kamid ah sababaha kooxda loola dirirayo waa dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. In isla ciidankii dowladda ee u taagna in dhibaatada Al-Shabaab laga dulqaado shacabka, in haddana isla iyagii ay shacabka dhibaato ku hayaan waa laba arrimood oo aad isku diidaya. Khamiistii, Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj. Mid kamid ah askarta dowladda Soomaaliya ayaa dilkaas geystay sida ay sheegeen goobjoogayaashu, kadibna waa baxsaday. Wararka ayaa intaas ku daraya in isla qoyskaas wiil kale ciidanka dowladda ay hore uga dileen. Reer laba wiil oo u shaqeynaysay ay ciidanka dowladda ka dileen sidee loogu qancin karaa Al-Shabaab ayaa idinka difaaceyna, waa weydiin taagan oo aanay xiligaan jawaab u hayn dowladda federaalka. Askarta Muqdisho ku daadsan saddex dhibaato ayay shacabka ku hayaan, saddex-na waxay ku hayaan dowladda. Shacabka waxay ku hayaan dil joogto ah, dhac joogto ah iyo qalqal galin joogto ah. Dowladda-na waxay ku hayaan sumcad xumo, amni ku ciyaarid iyo inay iska horkeenaan nidaamka ay ka tirsan yihiin iyo shacabka magaalada. Dadka qaar waxay leeyihiin waxaa la jooga xiligii dowladdu dib u eeg dhab ah ku sameyn lahayd ciidanka ka shaqeeya caasimada, oo u batay gacan ku dhiiglayaal iyo kuwa wax walba u sameyn kara maandooriyaha dartiis. Waa in guud ahaan la badalaa ciidanka caasimada ka howl-gala ayay qabaan dadka qaarkiis. In ay ahayn ciidan leh anshaxii askarinnimada, damiir ay ku ilaalin karaan shacabka iyo kuwa u tababaran jawaab madani ah ayaa badi la isku raacsan yahay. Haddii ciidankan sii ahaadan kuwa dowladda u qaabilsan Muqdisho, waxay fallanqeeyayaasha qabaan in dowladda ay lumin doonto shacbiyada caasimada. Xamar waa halka marwalba laga qiimeeyo shaqada dowladda federaalka ah, sida ay Xamar u taallo ayay marwalba u taalla natiijada ay haysato dowladda marka jirta. Sidaas awgeed, tallooyinka loo jeedinayo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dib u eega dhaqamada askarta ee kala dilaya isaga iyo shacabka. Dhibaatada sii xoogeysaneysa ee shacabku kala kulmayaan askarta dowladda federaalka ah waxay sidoo kale dhaawac ku tahay hadafka ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ah in laga adkaado Al-Shabaab iyada oo garab laga helayo shacabka Soomaaliyeed. Hadda waxaa isha lagu wada haya sida ay dowladda u maareyso arrintaan noqotay mawduuca maalinlaha ah. The post Ciidamada MUQDISHO oo noqday saddex iyo saddex – iyo arrinta la gudboon DF appeared first on Caasimada Online.
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee maamulkaasi. Wasiir ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay u tallaabi doonaan deegaanada dhaca galbeedka Wabiga Shabeelle, islamarkaana la galayo wajiga ugu dambeeya ee howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ugu dambeyn lagu soo afjari doono bisha Maarso ee sanadkaan. “Sida inoo qorsheysan waxaa goordhaw bilaabanaya howl-gal ka dhan ah Khawaariijta Al-Shabaab ugu dambeyn bisha Maarso si loosoo afjaro kooxda naf la caariga ah,” ayuu yiri wasiirka amniga dowlad-goboleedka HirShabelle. Sidoo kale waxa uu sheegay in la kala jaray isu gudubka Al-Shabaab, islamarkaana deegaanada xiga dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo dowlad-deegaanka Soomaalida laga xayiray isu-socodkooda kadib markii laga qabsaday magaalooyin muhiim u ah marinkooda. “Dhamaan deegaanada argagixisada laga saaray waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, HirShabelle iyo kuwa deegaanka, sababta keentay in ay dib usoo weeraraan meelaha laga qabsaday waxa ay ka dhalatay kadib markii wabiga Shabeelle uu guray, meelo badan oo HirShabelle ayuuna maraa.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Howl-galada waxaa barbar socda barnaamij loogu magac daray xasilinta si bulshadu ay u hesho adeegyada ay u baahan tahay, sida goobaha caafimaadka, waxbarashada, maxkamad iyo xarumaha amniga laga sugo.” Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo si weyn uga socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay maamulka. Howl-galada socda ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanno, wasiiro heer federal iyo heer dowlad-goboleed, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale, kuwaasi oo furimaha hore ee dagaalka ka socdo u tagay si ay u dhiira-geliyaan ciidamada huwanta. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post HirShabelle oo shaacisay goorta lasoo afjarayo howl-gallada ka dhanka ah Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweyne Cadawga Somaliland leedahay waa Caddaalad darro,Sadbursiimo, Sinnaan la’aan, Musuq iyo Maamulxumo, Cadawga koowaadna waa Nidaamkaaga oo ku fashilmay 5 Sano ummadda in ay u sameeyaan Nolol, Xukunkaaga in Ummadda laga xorreeyaa ka horraysa in aad nagu beerlaxawsato Sool ayaa cadaw joogaa ! waxa qoray Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) - The newly appointed Somali police chief General Sulub Ahmed Firin, took office on Saturday, a week after the cabinet nominated him on January 26, 2023. Source: Hiiraan Online