-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ballan Fuliye: Mahadsanid Madaxweyne Asalaamu Calaykum Waxaan Farxada la qaybsanayaa una hambalyaynayaa Xubnaha Ciidamadeena Qaranka ee Milatariga, Booliska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha, Dabdemiska iyo Sirdoonka Qaranka oo maanta uu mushahaarooyinka 50% u kordhiyay Madaxweynha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “ Cirro”. Kordhinta mushahaarooyinka Ciidamadeena Geesiyaasha ahi waxay timi xili loo baahnaa oo ka farxisay Askari kasta, carruurtooda iyo xaasaskooda. Ciidamadeena oo ah kuwa aynu ku seexano ee habeen iyo maalinba heegganka u ah difaaca dalkeena iyo ilaalinta amnigeena, waxay u qalmaan wax kasta oo lagu tari karo daryeelkooda iyo horumarintooda. Mudane Madaxweyne aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay Talaabada Geesinimada ah ee ku dhiirrashada leh ee aad qaaday inaga oo ogsoon hoos u dhaca dhaqaale ee Dalkeena ka jiray sanadihii la soo dhaafay. Waa Talaabo Taariikhi ah oo aan la ilaawi doonin in Ciidamadeena uu mushaharkoodu kordhi doono Boqolkiiba Kontan shanta sanadood ee soo socda Insha Allah. Jamhuuriyada Somaliland ha Guulaysato Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) –Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa joojisay socdaalka qaxootiga ee dalka Mareykanka, waxayna hakisay dhammaan howlihii socday ee qaxootiga, sida ku cad warqad ay heshay warbaahinta Mareykanka ee CBS. “Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaal,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Lama cayimin inta ay socon doonto hakinta ay ku dhawaaqday dowladda Mareykanka. Qoraalka oo soo jeedinaya in hakintaasi ay si deg deg ah u dhaqan gasho ayaa daba socda amar fulineed oo uu saxiixay madaxweyne Donald Trump. Amarka Trump ayaa ahaa in la joojiyo qaabilaada qaxootiga u socdaalaya Maraykanka laga bilaabo 27-ka bishaan Janaayo. Amarka ayaa dhigaya in Maraykanku “ay lahayn awood uu ku qaato tiro badan oo muhaajiriin ah, gaar ahaan qaxootiga”. Xeerku waxa uu joojinayaa USRAP ilaa galitaanka dheeraadka ah ee qaxootiga Maraykanka ‘waxaana la waafajinayaa danaha Maraykanka.’ Trump ayaa sidoo kale tarxiil u qorsheeyey dadkii tahriibka ku galay Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo tahriib dheer kadib derbiga ka booday.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayey Madasha Sanadlaha ee Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ayaa kulan doceedyo la yeeshay qaar kamida madaxdii ka soo qeyb-galay shirka omadaxda uu kulan doceedyada la yeeshay madaxweynuhu ayaa waxaa kamid ahaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Liibya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim. Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dalalkooda kala dhexeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo mudnaanta siinayey fursadaha iskaashi, taas oo qeyb ka ah qorshaha ka qeyb-galka wafdiga Madaxweynaha ee Madasha Davos. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lama huraan tahay in deg-deg la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar, si wax looga qabto xaaladda abaareed ee dalka oo haatan kasii dartay. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan uga dhowaaqwday shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bini’aadannimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025, kaasi oo ay wada-jir u guddoomiyeen guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay George Conway. Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen. Shirka waxaa kasoo qayb galay madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, qaar kamid ah wasiirrada dowlad goboleedyada iyo dallada ururrada NGO-yada ee Soomaaliya, si loo helo jawaab-celin isku-dhafan iyo u gurmashada dadka nugul ee haweenka, carruurta, waayeelka, naafada iyo dadka la heeb sooco ugu horreeyaan. Horey, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday xaalad deg-deg ah, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka, uuna baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November. Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ahm halka 3.2 million oo dadkaas nugul kamid ah ay wajahayaan xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA. Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.42 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.
-
Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan ciidanka qaranka Somaliland, mabruuk geesiyaal. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad caloosha u sii daysaan in aad tihiin ciidanka qaranka ee u heeganka a difaaca dhulkooda, dadkooda iyo sugida amaanka, kana masuul tihiin dhamaan cirka iyo dhulka iyo bada Somaliland, sidaa awgeed marnaba ha ka raali noqonina in uu mid idinka midi iska soo duubo video ina kala tilmaamaaya. Marka labaad Waxaan xasuusinayaa dhamaan bulshadayda sharaf ta iyo karaamada mudan ee Somaliland inay madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro isku garab taagaan wixii wanaaga oo ay u muujiyaan dhiiri gelin. Qoraalkaygan ka ku xiga Waxaan ku soo jeedin doonaa talooyin ku saabsan sida uu qof kasta oo qurba joogi uuga qayb qaadan karo ictiraaf raadinta. By Cabdilqadir Ismaaciil Geelle oo ka mida aqoonyahanada iyo wax garadka ummada. Qaran News
-
𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-046 /012025 uu ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐢𝐱𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲:Ahmiyadda ay Hay’adda Horumarinta Waddooyinku u leedahay dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo horumarka dalka. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: La-tashi; 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚; 1. In Maxamed Faarax Cabdi Nuur uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗟𝗲𝗵 _______________________________________ 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 (𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼) 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo socdaal shaqo ku jooga caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar ayaa ka qeyb galay fadhiga Golaha Wasiirrada maamulkaas, oo uu guddoominayay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) iyada oo lagu dhageystay warbixin la xiriirta Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta. Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Amniga Gudaha, Awqaafta, Waxbarashada iyo Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo jeediyay Warbixin la xiriira dedaallada Wadajirka ah ee Xasilinta degmooyinka iyo deegaannada Hirshabeelle ee laga xoreeyay khawaarijta, iyagoo soo bandhigay guulaha la gaaray. Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka qaybgalay Kulanka Bandhigga Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ee sanadkii 2024 iyo qorshaha cusub hortabinta u leh Sanadka 2025. Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa la xiriira howlo badan oo ay ka midyihiin, Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Dowladaha Hoose iyo arrimo kale. Source: goobjoog.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Qof ajnabi ah ayaa Talaadadii shan qof ku tooreeyey magaalada Tel Aviv ka hor inta aan la toogan oo la dilin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil. Mindiyeynta ayaa ka dhacday goob mashquul badan oo ah meel lagu caweeyo oo ku taal caasimadda ganacsiga ee Israa’iil. “Argagixiye mindi wata ayaa bilaabay inuu dadka ku tooreeyo waddada Nahalat Binyamin, isagoo dhaawacay afar rayid ah,” ka hor inta uusan dhaawicin qofkii shanaad oo meel u dhow joogay, sida booliisku sheegeen. Booliisku waxay sheegeen in qofka weerarka fuliyey uu ahaa 28-jir ajnabi ah oo ay toogteen ciidamada ammaanku. Sawir-qaadaha AFP ayaa arkay meydka nin ah oo yaalla waddada. Warbaahinta gudaha Israel ayaa weriyey ninka weerarka fuliyey uu u dhashay Morocco balse uu haystay sharciga deganaanshaha Mareykanka ee Green Card. Waxaa magaciisa lagu sheegay Abdelaziz Kaddi. Isbitaalka Ichilov ee Tel Aviv ayaa sheegay in ay qaabileen saddex dhibane oo tooreey lagu weeraray, oo uu ku jiro mid “xaaladdiisu aad u liidato oo dhaawac mindi ah ka soo gaaray qoorta” kaas oo qalliin lagu sameeyay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Moshe Arbel ayaa sheegay in tuhmanaha lagu waraystay markii uu soo gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion ee Tel Aviv loona oggolaaday inuu dalka soo galo. Wuxuu ku cadaadiyay madaxa hay’adda ammaanka gudaha ee Shin Bet, Ronen Bar, inuu “baaro dhacdadan halista ah oo uu casharro ka barto sida ugu dhakhsaha badan”. Shin Bet ayaa sheegtay in ninkan la waraystay lana marsiiyay “baaritaanno dheeraad ah”. “Waxaa la go’aamiyay in aysan jirin xog caddaynaysa sababo looga hortagi karo inuu u soo galo Israa’iil sababo amni awgood,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hay’adda, iyadoo intaa ku dartay inay arrintan baari doonto. Iyadoo aan sheegan mas’uuliyadda, kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku ammaantay weerarka, iyagoo ku tilmaamay “hawlgal tooreey ah oo geesinimo leh” oo muujinaya in iska caabinta Israa’iil ay “sii kordhayso”. Waa weerarkii labaad ee tooreey ah ee ka dhaca Tel Aviv muddo afar maalmood gudahood ah, ka dib markii weeraryahan kale uu si xun u dhaawacay qof Sabtidii ka hor inta uusan toogan qof rayid ah oo hubeysnaa.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XERM/249-044 /012025 uu ku soo saarey Kordhinta Mushaharka Ciidamada kala duwan ee Somaliland. Waxaana uu xeerku u dhignaa Sidan:- 𝗫𝗲𝗲𝗿 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗟𝗿 𝟬𝟮/𝟬𝟭𝟮𝟬𝟮𝟱. 𝗞𝗼𝗿𝗱𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qoddobka 90aad faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qodobka 123aad iyo Qodobka 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyahay, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: Muhiimadda ay leedahay in Ciidammada Qaranku ay helaan mushahar joogto ah oo ku filnaan kara; 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲: In aan fuliyo Ballan-qaadkaygii ahaa kordhinta Mushaharka joogtada ah ee Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 1. In aan kordhiyo Mushaharka joogtada ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo sannadkan 2025-ka. 2. In sannad miisaaniyadeed kasta Ciidammada kala duwan ee Qaranka loo kordhiyo Mushaharka joogtada ah xaddi dhan (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka. 3. In lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025. 4. In mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranku ka bilaabanto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tiro koobka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 ________________________________________ 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta keydka daawada ee gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose Xamar. Mashruucan oo ay fulintiisa door weyn ku leedahay hay’adda Qatar Charity ayaa awaxay iska kaashan doonan maamulka gobolka Banaadir, waxaana dhagax dhiga goobjoog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir. Aggaasimaha waaxda caafimaadka ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Cabdiraxmaan Axmed Maxamud oo dhagax dhiga mashruucan ka mahad-celiyay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay hirgalinta dhismaha keydka Daawada. Madaxa mashaariicda hey’adda Qatar Charity Cabdicasiis Jaasim ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin taageerada barnaamijyada lagu horumarinayo dib u dhiska magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay fulinta mashaariic wax tar u leh bulshada gobolka Banaadir iyo in caasimadda ay la tartanto magaalooyinka dhigeeda ah. Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.
-
Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada. Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa sheegay in Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Siciid Deni ay Galabta la wareegeen Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada. “Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamada Puntland ee ku jira Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah”guddiga taakuleynta Ciidanka ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira” ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo soo bandhigtay diyaarad Helicopter oo la shaqayn doonta Ciidamada ku jira Hawlgalka Ciribtirka Argagixidada appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo ay u baahan yihiin, si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka. “Doorashadu waa xaquuq asaasi ah oo muwaadinku leeyahay, sidaas darteed, waxaad u madax-bannaan tihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka qabsoonta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey xubnaha guddiga. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guddiga gacan ku siineyso fududeynta dhinacyada amniga, wacyigelinta iyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu qorsheynayo inuu canshuur dul dhigo Midowga Yurub, oo ku eedeeyey in ganacsi aan caddaalad aheyn uu kala dhaxeeyo Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka doodaysay canshuur ciqaab oo dhan 10% oo la saaro alaabaha laga keeno Shiinaha, sababtuna tahay in daroogada fentanyl oo ka timaada Shiinaha loo soo gudbiyo Mareykanka iyada oo lasoo mariyo waddamada Mexico iyo Canada. Trump ayaa hanjabaadaha cusub ee canshuuraha ku dhowaaqay mar uu Talaadadii ka hadlayay Aqalka Cad, maalin kaddib markii uu xafiiska la wareegay, isagoo aan isla markiiba fulin ballanqaadyadii uu ololaha doorashada ku galay ee ahaa inuu canshuurro soo rogi doono. Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa mudada dheer ee ah in la ballaariyo canshuuraha, iyadoo 1-da Febraayo loo qabtay waqti kama dambeys ah si loo soo rogo canshuur 25% ah oo saameyn doonta Canada iyo Mexico, iyo sidoo kale Shiinaha iyo Midowga Yurub. Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa’iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka. “Midowga Yurub aad iyo aad buu inoo xumeeyaa,” ayuu yiri isagoo ku celinaya hadallo uu Isniintii sheegay. “Markaa waa inay canshuuro wajahaan. Waa habka kaliya … oo aad caddaalad ku heli karto.” Trump ayaa Isniintii sheegay inuu ka fakarayo inuu canshuur dul dhigo Canada iyo Mexico haddii aysan tallaabo ka qaadin xakameynta tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogada fentanyl, oo ay ku jiraan kiimikooyinka laga soo gudbiyo Shiinaha, ee soo gala Mareykanka. Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu 10% canshuur dul dhigi doono alaabaha laga keeno Shiinaha, balse wuxuu qorshahan dib ugu dhigay illaa waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Febraayo. China ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada Mareykanka si loo “maareeyo khilaafaadka si habboon loona ballaariyo iskaashiga wadajirka ah ee faa’iidada leh.” Waxay sidoo kale sheegtay inay dooneyso inay horumariso xiriir xasilloon oo waara oo ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. “Mar walba waxaan rumeysanahay in aan guuleyste laga noqon karin dagaal ganacsi ama canshuur. Shiinaha had iyo jeer wuxuu si adag u ilaalin doonaa danta qarankiisa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Mao Ning, oo la hadlayay warbaahinta Arbacada maanta ah. La-taliyaha ganacsiga ee Aqalka Cad, Peter Navarro, ayaa Talaadadii u sheegay CNBC in hanjabaadda canshuurta ee Trump ee ku wajahan Canada iyo Mexico ay tahay cadaadis lagu saarayo labada waddan si ay u joojiyaan tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka khatarta ah ee ka soo gudbaya xuduudaha Mareykanka. Reuters
-
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliydda iyo Hurmarita Dhaqaalaha JSL ayaa kulan la qaatay maanta Guddi-hoosaadka Dhaqaalah iyo Maaliyadda Golaha Wakiilada Jsl. Kullanka oo ka qabsaamay Xarunta Aqalka Golaha Wakiilada ayaa ka mid ah kulamada shaqo ee badanaa sida caadiga ah u dhex mara Golaha iyo Wasaaaradda, waxaana kulankan qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Agaasimaha Guud, Xisaabiyaha Guud, iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Maaliyada & Horumarinta Dhaqaalaha, dhanka kale Golaha Wakiilada waxa ka soo qaybggalay Gudoomiyaha Gudidada iyo Xildhibaanada Gudida dhaqaalah Ee Golaha Wakiilada. Waxaana intii uu socday lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha Miisaaniyadda Dawladda ee 2025-ka oo hada Gollaha hortaala. ahayada Odroska miisaaniyada Qaranka ee 2025 . Qaran News
-
Sarkaal Sare oo ka tirsan Milatariga Maraykanka Oo Dawladiisa ugu baaqay in ay Degto Berbera. Eric Navarro oo ka mid ah Gaashaanleyaasha Sare ee Milatariga Dalka Maraykanka Isla markaana ka faallooda Arrimaha amniga ee Bariga Dhexe ayaa ku taliyay in Magaaladda Berbera Oo ah Dekeda Labaad ee Afrika dhinaca Koboca iyo horumarkaba hogaaminaysa ay xuddun u tahay nabada Nabada Badda Cas. Waxa uu sheegay in Xeebaha Somaliland oo dhererkoodu yahay 500 Mayl ay yihiin kuwa ugu nabdoon. Waxa kale oo uu ku sii xoojiyay Aragtidiisa ah in Dawlada Maraykanka iyo xulafadeedu ay soo degaan Berbera in ay ka heli karaan Garoon diyaaradeed Oo ah mid u diyaarsan Milatariga, kaas oo wax ka tari Kara xasilooni darada ay Xutuutiyiintu ka wadaan Badda Cas. @top fansHighlightFlowers Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ah ayaa ka dhalay Abaalmarin xalay la guddoonsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo aah Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika (Africa Leadership Award) oo ay bixisay Africa House kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay Villa Somalia, abaalmarintan waxay muujinaysaa sida ay Africa House ugu qanacday horumarka ay Soomaaliya ku gaartay dib u dhiska hay’adaha, xasiloonida, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta. Madacweyne Xasan oo qudhiisa ka hadlay munaasabadda ayaa yiri ““Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed,”. Haddaba side looga falceliyay? Ismaaciil Maxamed “Tan camal ciyaalka xaafada waxay dhahaan hebel waa laga waalay”. Daahir Cali “In Abiy Axmed la raaligalyo waa lagu qaada karaa abaalmarin, taas waxay na tusee Midowga Afrika in uu Iska leeyahy Abiy Axmed”. Liibaan Xiddig “Dalxoreeye boqolaal biladood u qalantaa Madaxweyne”. Shaafici Haleel “Nobel peace prize-tii la sheegayey ma tanay isu bedeshay?”. Zaahir Sheekh Muxumad “Maadaama wax madaxwayne ah kaligiis ka joogay baa la siiyy illeen dowladaha kale agaasino iyo wasiiro unba ka socday”. Nuur Cabdullahi Cali “Hambalyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Guulo badan ku rajeynayaa”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaasi, Cabdifitaax Al-Siisi. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Switzerland uu isla maanta usii gudbi doono magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Sidoo kale waxa ay isla eegi doonaa xaaladda gobolka iyo isbeddaladii dhacay, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Labada dhinac ayaa ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland. Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa in haatan ah ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Dowladda Masar ayaa haatan la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta laga daah-furay xarun muhiim ah, isla markaana loo qabay baahi wayn, taas oo ah xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino. Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray dhismaha xaruntay oo si weyn loo qalabeeyay, kadib munaasabad maanta ka dhacday Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo looga hadlay daah-furta xaruntaan cusub Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, isaga oo tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, ayna ka qayb qaadaneyso bad-baadinta dadka ay waxyeelada culus soo gaarto. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo ay maalgelisay, una dhistay dadka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah. “Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu qoraalka. Si kastaba, xaruntan ayaa sidoo kale lagula tacaali doonaan dhaawacyada ka dhasha qaraxyada ama shilalka aadka halista u ah e ka dhaca magaalada Muqdisho oo markii hore loo qaadi jiray dalka dibaddiisa, maadaama aanay markii hore jirin xarun gaar ah oo lagula tacaalo.
-
Mas’uuliyiinta degmada Iskushuban ee Gobolka Bari oo kaashanaya ciidanka Booliska degmadaasi ayaa soo qabqabtay rag ku eedaysan in ay yihiin danbiilayaal shidayay dhirta lama taabtaanka ah ee degaankaasi. Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta degmada Iskushuban ee Gobolka Bari oo kaashanaya ciidanka Booliska degmadaasi ay soo qabqabteen rag ku eedaysan in ay yihiin danbiilayaal shidayay dhirta lama taabtaanka ah ee degaankaasi. ” Maamulka iyo police ka degmada Iskushuban ee Gobolka Bari oo is kaashanaya ayaa hawlgal ay fuliyeen ku soo qabqabtay dambiilayaal shidayay dhirta lama taabtaanka ah deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland. Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale mas’uuliyiinta degmada oo kaashanaya Booliska ay baabi’iyeen hogo waaweyn oo loo isticmaali jiray shidista dhuxusha” Waxay sidoo kale halkaa ku baabi’iyeen hogag waaweyn oo ay isticmaali jireen shidista dhuxusha.” “Waa talaabo bogaadin mudan, ayna tahay in ay kaga daydaan guud ahaan deegaannada Puntland, gaar ahaan kuwa fog fog ee nugul isticmaalka dhuxusha. Waxaa mahad gaar ah leh Guddoomiyaha Degmada Muuse Cali iyo Taliye k/xigeenkq Degmada Cali Cabdiraxman oo arrintaas iska kaashaday.” “Wasaaraddu waxay markasta u taagantahay soo afjaridda wax kasta oo deegaankeenna quruxda badan caqabad ku ah. Waxayna ballanqaadaysaa cid kasta oo hawlgal kaa mid lamida fulisa in ay abaal marin doonto” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland. PUNTLAND POST The post Maamulka degmada Iskushuban ee gobolka Bari oo qabtay Rag gubayay dhir lama-taabtaan ah appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax ah oo loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Weerarka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Booliska SSC-Khaatumo ay hareereeyeen nin la sheegay inuu ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, kaas oo sidoo kale ku hubeysanaa bam-gacmeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Ciidanka oo isku dayay inay qabtaan eedeysanaha ayaa ka biyo diiday, kadibna qarxiyay bam-gacmeedka oo sababtay inuu isagii iyo askari kale ay ku dhintaan. Taliyaha Booliska SSC-Khaatumo oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in meesha sidoo kale uu ka dhacay iska hor imaad, ayna dhinteen eedeysanihii iyo askariga, ayna dhaawacmeen 4 askari oo kale. “Ciidanka Birmadka Booliska SSC-Khaatumo oo ku guda jira howlgal ay ku gudanayeen waajibaadkooda, kuna daba joogay eedeysanayaal ay isku heleen aag magaalada dhexdeeda ah, ayaana is rasaaseyn ay dhex-martay taas oo ay ku dhinteen ninkii eedeysanaha ahaa oo muqaadaraad ku jiray iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska AUN” ayuu yiri taliyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Eedeysanaha dhintay waxaa la yiraahdaa Maxamed Cali Xaashi, ninka booliska ah ee dhintay isna waxaa la yiraahdaa Cabduqaadir Cabdiraxmaan, afar askari oo kale ayaa ku dhaawacantay”. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay wadaan baaris ku aadan falkaasi, ayna dib ka shaacin doonaan natijada rasmiga ah, haddii uu soo dhamaado howlgalkooda. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray bulshada Laascaanood oo uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo sidoo kale kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha ee kusoo badanaya deegaannada SSC-Khaatumo.