Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bosaso (HOL) – Puntland security forces shot and killed a suspected foreign ISIS operative who was attempting to plant a landmine in Bosaso on Friday night. Source: Hiiraan Online
  2. A marine life veterinarian taking flesh samples from dolphins that washed ashore at Boosaaso beach. Bosaaso (PP News Desk) — The East Africa University marine life veterinarians today visited Boosaaso beach to investigate the cause of hundreds of dolphins that washed ashore earlier this week. The vets collected samples of the dolphins’ blood and flesh to determine whether toxic dumping in the sea was responsible for the deaths of more than 200 dolphins. Yesterday, the people of Boosaaso woke up to dolphins strewn across the beach, a sight that disrupted the Friday habit of many who swim in the sea before Friday prayers. East Africa University will publicise the results of the investigations being carried out by its veterinarians. The institutional incapacity to investigate toxic dumping in the sea, coupled with illegal fishing, continues to pose a threat to marine ecosystems in Somali waters. The Bari Regional Administration has commended East Africa University for dedicating its time, resources and expertise to investigating risks to marine life, as exemplified by the large number of dolphins that washed ashore at Boosaaso beach. © Puntland Post, 2025 The post East Africa University Probes Mass Dolphin Deaths at Boosaaso Beach appeared first on Puntland Post.
  3. Saaka subaxdii hore, diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Flydubai, oo ka soo duuli lahayd garoonka Dubai, ayaa cillad ku timid darteed joojisay kicitaankii ay duuli lahayd (Aborted take off). Joojinta ama ka noqoshada uu duuliyuhu ka noqonayo in uu diyaarada kiciyo, haddii uu cillad arko ama ka shakiyo, waa arrin sax ah oo dhamaan duuliyeyaasha lagu tababaro. Laakiin waa marka xawaaraha diyaaradu aanuu dhaafin V1. Haddii uu halkaa gaadho waxa khasab ah in diyaaradu kacdo cillad kasta oo jirta. Diyaaradan oo u soo socotay magaalada Hargeisa, duulimaad numberkeeduna ahaa FZ661, ayaa runwayga muddo taagnayd oo xanibtay taas oo keentay in 14 duulimaad loo xawilo Almaktum Airport oo ah garoonka wayn ee Dubai yeelan doonto dhawaan. Duuliyeyaashii, Rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaraduba si nabadgelyo ah ayey uga dageen diyaarada. Alxamdullillah. Saacado kooban ka bacdi, Dadkii rakaabka ahaa waxa lagu soo qaaday diyaarad kale oo ay isla shirkadu leedahay. Cabdikarim Cali Baarjeex Qaran News
  4. Garoowe, Puntland – Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Garoowe ku qabtay labo nin oo u dhashay dalka Ethiopia, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay falal amni darro. Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijiyeen, mid ka mid ah ragga la qabtay ayaa xirnaa xijaabka dumarka, taasoo dhalisay tuhun xooggan. Saraakiisha amniga ee Puntland ayaa sheegay in labada eedeysane ay hadda ku jiraan baaritaan, si loo caddeeyo sababta ay xijaabka ugu labbisteen iyo haddii ay ku lug leeyihiin falal halis ku ah amniga. Maamulka Puntland wali faahfaahin rasmi ah kama bixin sababta keentay xarigooda iyo waxa lagu tuhunsan yahay. Ciidanka ammaanka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, gaar ahaan xilliyada habeenkii, si looga hortago falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland. Source: goobjoog.com
  5. Somaliland’s Minister of Information, Ahmed Yasin Ali Ayale, has called US President Donald J. Trump to recognize the breakaway region as an independent state. “Donald Trump, known for telling the truth and his decisive leadership, has become US President. We are saying recognize Somaliland to exchange mutual interests. Recognizing Somaliland will change the world,” Ayale said during a press briefing. Speculation surrounding US recognition of Somaliland has intensified in recent months, fueled by reports suggesting that Trump’s presidency could bring unprecedented policy shifts. Although there is no concrete indication of such a move, Somaliland politicians remain optimistic about the potential for US recognition under Trump’s leadership. The recognition campaign is supported by heightened US concerns over China’s growing influence in the Horn of Africa. While China has cultivated close ties with Somalia’s federal government, Somaliland views the geopolitical tension as an opportunity to position itself as a strategic partner for Washington. In a related development, the Somali Embassy in Washington, D.C., has taken steps to strengthen its lobbying efforts under the Trump administration. Somali Ambassador to the United States, Dahir Abdi, recently hired the BGR Group, a prominent lobbying firm, under a $600,000 contract. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s central government. While it operates as a de facto independent state with its own government, currency, and security apparatus. Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in safarkiisii ugu horreeyo uu ugu ambabaxo magaalada Abu Dubai ee caasimada ee dalka Imaaraadka. Carabta. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Cirro uu safarkan galayo beri oo ah 26-ka Janaayo, isaga oo casuumaad ka helay madaxda dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxa Isu Tegga Imaaraadka, isaga oo kala hadli doono xiriirka labada dhinac iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ballaaran ee ay leeyihiin. Imaaraatka Carabta ayaa haatan daneynaya in uu hoos u daadiyo siyaasadda uu ku wajahayo Somaliland, maadaama uu meesha ka baxay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku wanaagsanaayeen, waxayna hadda bilaabeen la macaamilka tooska ee C/raxmaan Cirro. Horay Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa u ballan qaaday in uu xoogga saarayo hagaajinta siyaasadda dibaddaiyo tan gudaha si loo hormariyo xiriirka Somaliland. Safarkan ayaa noqonayo kii ugu horreeyey ee uu baxo Madaxweyne Cirro tan iyo markii uu ku guuleystay kursiga Madaxweynaha 13-kii Nofeembar ee sanadkii hore ee 2024-kii. Si kastaba, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Somaliland ee marar badan maamulkii Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay safarka Imaaraadka iyo diidmada uu kala hortagay socodsiinta heshiisyo kala duwan oo ay wadagaleen xiligaas.
  7. Kadib 15 bilood oo dagaal uu ka socday Qasa, Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka gobolka 15-kii January. Afar maalmood kadib, saddexdii ugu horreysay ee la heystayaal ah iyo 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa lasii daaya. Heshiiska ayaa u kala qeybsan saddex weji. Marxaladda koowaad Marxaladda ugu horreysa waxay socon doontaa 42 maalmood, ama lix toddobaad, taas oo kadib ay dhici doonto “xabad joojin buuxda oo dhammaystiran”, ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden isagoo xaqiijiyay in heshiis la gaaray Arbacadii. Marxaladda labaad Marxaladda labaad, la haystayaasha soo haray – askarta iyo kaydka – waa la sii dayn doonaa, taas beddelkeedana sii dayn kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa dhaceysa. Ilaa 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa loo malaynayaa inay Israa’iil ogolaatay in la sii daayo, ilaa 190 ka mid ah waxay ku xukuman yihiin xabsi 15 sano iyo ka badan ah. Marxaladda saddexaad Marxaladda saddexaad iyo tan ugu dambeysa waxay ku lug yeelan doontaa dib u dhiska Gaza – taas oo sanado qaadan karta – iyo soo celinya meydadka la heystayaasha haray. Bbcsomali Qaran News
  8. 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay XM/G/083-049/012025 uu ku magacaabay Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta Ciidammada kala duwan Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Dhammaan Mas’uuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa Og: Dhammaan Taliyayaasha Ciidammada JSL Hargeysa 𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐨: 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 & 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. Sida aad la socotaan, waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dib-u-habaeynta, dardar-gelinta, casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, laga bilaabo taariikhda maanta waxa aan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta ee Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐮 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐢𝐝𝐚𝐧: 1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga & Difaaca – Guddoomiye 2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga – Gud/Kuxigeen. 3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada – Xoghaye 4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha- Xubin 5. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda – Xubin 6. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda – Xubin 7. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha- Xubin 8. La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha – Xubin Haddaba, waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhammaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay howshani. Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee dalka waxa aan farayaa in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan aan u xilsaaray. 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 __________________________________________ 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Turkiga ayaa ku dhow inuu dhammeystiro dhismaha xarun laga gano gantaallada hawada sare oo ku taalla gudaha Soomaaliya, taasoo dhismaheedu billowday bishii December ee sanadkii 2024. Wareysi uu siiyay wargeyska Military Africa, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku nuux-nuuxsaday in xaruntani ay faa’iidooyin dhaqaale u keeni doonto Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin abuurista shaqooyin iyo kororka dakhliga. In kasta oo aan la shaacin goobta rasmiga ah ee ay xaruntani ku taallo, haddana meesha istiraatiijiga ah ee ay Soomaaliya kaga taallo dhul-baraha u dhow iyo marinkeeda Badweynta Hindiya ayaa ka dhigaya goob ku habboon ridista gantaallada iyo howlaha hawada sare. Mashruucan hammi-weynaha ah ayaa waafaqsan laba ujeeddo oo istiraatiiji ah oo uu leeyahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan: in Turkigu noqdo quwad dhinaca hawada sare ah iyo inuu ballaariyo saameyntiisa Geeska Afrika. Turkiga ayaa sanadkii 2021-kii daah-furay barnaamij toban sano ah oo ku aaddan hawada sare, kaasoo ay qayb ka yihiin horumarinta nidaamyada dayax-gacmeedka iyo dhismaha xarun laga hago dayax-gacmeedka. Khabiirradu waxay xusayaan in xarunta gantaallada ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka gaaritaanka ujeeddooyinkaas. Iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dhaafsiisan xaruntan. Tan iyo sanadkii 2017, ciidamada Turkiga ayaa askarta Soomaaliyeed ku tababarayay xerada TÜRKSOM, iyagoo xoojinaya awoodaha difaaca ee dalka. Shirkadda Turkish Petroleum ayaa sidoo kale la siiyay xuquuqda sahaminta shidaalka ee biyaha dhul-badeedka Soomaaliya, halka heshiisyo lagu gaaray dib-u-dhiska iyo casriyeynta ciidamada badda ee Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageeray dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah. Si kastaba ha ahaatee, xarunta gantaallada ayaa ka dhigan guul taariikhi ah oo muujineysa himilooyinka ballaaran ee Turkiga, iyadoo xoojineysa doorkeeda quwad goboleed iyo mid caalami ah oo soo koraysa dhinacyada difaaca iyo tiknoolojiyadda hawada sare. Iyadoo Turkigu uu horumar ka sameynayo inuu noqdo dal ka mid ah kuwa awoodda u leh hawada sare, iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya ayaa muujinaya suurtagalnimada koror dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah oo labada dalba dan u ah. Horumarkan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqaya sida uu Turkigu diyaar ugu yahay inuu kula loollamo quwadaha waaweyn ee adduunka tartanka dhinaca hawada sare.
  10. Masagawaa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar qarax ku bilowday iyo dagaal toos ah oo kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo dhinac ah ku dhex-maray magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha magaaladaasi ku qaadeen weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kadibna waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidankii ku sugnaa halkaasi. Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, maadaama uu aad u xooggana ayaa waxay wararka sheegayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxa iyo dagaalkii xigay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay ciidamada iskaashanaya ay fashilyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Al-Shabaab ku qaaday Masagawaa. “Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca ee ku sugan magaalada Masagaway ee gobolka Galgaduud ayaa fashiliyey weerar gaadma ah oo ay Khawaarijta soo qsadeen waxaana lagu dhuftay dharbaaxo kulul,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Waxaa weli maqan isgaarsiinta Masagawaa iyo deegaanno kale oo hoostaga, si dhab ah looma sheegin sababta hawada ka saartay, waxaana adag in la helo xogo ka madax-bannaan dhinacyada dagaalamay si loo ogaado khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo ugu soo qaaday magaalada Masagawaa, si ay dib ugu qabsadaan magaaladan muhiimka ah oo haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka.
  11. Jawar sent a pre-publication copy of his autobiography to Ethiopian diplomats in Nairobi. Addis Ababa (PP News Desk) — Jawar Mohammed, an Ethiopian politician, had his autobiography falsified and sold on Amazon before the online retailer removed it from its listings. He sent a galley copy of the book to an official at the Ethiopian Embassy in Nairobi. Jawar alleged that the book was passed on to others, who scanned it, added unauthorised content and shared it online. The Ethiopian government arrested Jawar but released him two years ago. His political autobiography, Hin Gaabbu, (Don’t quit) written in the Oromo language, includes passages about the regime change in Ethiopia in 2018, the Tigray War (2020-2022), and other political events in post-TPLF Ethiopia. “No data is safe in today’s Ethiopia where even private banking details are bought and sold as seen in the rampant abduction for ransom practices; no property rights are respected where the government seizes private property at will, as seen in the so-called “Corridor Development”; and no property is protected in a system where top diplomats and intelligence officials steal any thing with impunity” Jawar tweeted. Jawar has been criticised for treating Ethiopian diplomats as peers, allowing them to comment on his autobiography, which details his political life and critiques the regime of Prime Minister Abiy Ahmed. © Puntland Post, 2025 The post Jawar Accuses Ethiopian Officials of Leaking Autobiography Draft appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (HOL) – Somali government forces, supported by local militias, clashed with al-Shabaab militants in Masagawa town in the Galgaduud region on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  13. The photo of the foreign terrorist who committed suicide by detonating a bomb after being surrounded by security forces in a Boosaaso neighbourhood. Boosaaso (PP News Desk) — As the counterterrorism operations by the Puntland State Defence Forces against ISIS continue, enhanced security measures to monitor foreign terrorist suspects in Puntland State districts and villages have resulted in the foiling of planned terrorist activities by ISIS. In Boosaaso, the commercial city of Puntland State, security forces last night surrounded a foreigner and ISIS member who was planting an unspecified bomb on a road near the Nakeel neighbourhood of the city. Local residents tipped off the security forces. Upon noticing the presence of the snipers, the terrorist committed suicide by detonating the bomb. Security forces thanked the public for their role in thwarting ISIS and other terrorist organisations’ plans. ISIS has recruited many foreigners who entered Somalia undetected and ended up in the Calmiskaad mountain range. Meanwhile, Puntland Defence Forces yesterday captured the largest ISIS hideout in Calmiskaad, where terrorists had abandoned documents, ammunition and food rations. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Security Forces Foil ISIS Bomb Plot in Boosaaso After Tip-off appeared first on Puntland Post.
  14. U.S. military C-17 aircraft began flying detained migrants out of the country on Friday, following orders from President Donald Trump, as the Pentagon prepared to send more troops to the southern border, including from the Army's elite 82nd Airborne division. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Puntland oo adeegsanaysa khubaro aqoon durugsan u leh Cilmiga badda iyo Seyniska ayaa baaritaan rasmi ah ku bilowday sababta keentay in Kalluun badan ka soo caariyo xeebta magaalada Boosaaso. Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo kaashanaysa wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa baaritaan ku bilowday sababta keentay in uu xeebta Boosaaso dibadda uga soo baxo kalluun badan oo nooca Homboborada loo yaqaan ah kaasi oo ay ku jiraan tiro ka badan 100 oo dhintay. Mas’uuliyiinta wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo ay weheliyaan khubaro ka socda jaamacadaha oo aqoon u leh Culuumta badda ayaa booqday goobtii uu ka soo caariyay kalluunka badan waxaana ay dhecaanno ka soo qaadeen in ka badan 100 Homboro oo dhintay halka ay muunad (Sample) ka soo qaadeen biyihii badda ee soo tufay kalluunkaasi. Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sheegtay in baaritaan cilmiyaysan loo dirayo dhecaannada Homborada iyo muunadda laga soo qaaday biyaha badda si loo ogaado sababaha keenay in baddu soo tufto kalluun intaasi tiro le’eg oo dhintay. PUNTLAND POST The post Puntland oo baaritaan rasmi ah ku bilowday kalluun badan oo ay baddu soo tuftay appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka ku guulaystay in ay soo ridaan laba drone oo qaraxyo xambaarsan, kuwaasi oo kooxda Argagixisada ah ee Daacish isku dayday in ay u adeegsato ciidamada. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo ridista laba drone oo qaraxyo xambaarsan, kuwaasi oo kooxda Argagixisada ah ee Daacish isku dayday in ay u adeegsato ciidamada. Taliska Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in tirada drones-ka ay soo rideen 24-saac ee u danbeeyay ay aad hoos ugu dhacday taasi oo muujinaysa in si weyn loo wiiqay awoodda kooxaha Argagixisada ah ee Daacish oo ciidamadu dagaal xooggan kula jiraan. “Ciidanku waxay hada soo rideen 2 drone oo ay Argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho Buuraha – Turmasaale. Tirada Droneska ay soo dirijireen 24kii saac ayaa hoos u dhacday taasi oo muujinaysa Awoodoodu in ay laciiftay” ayaa lagu yiri Warka Taliska Ciidamada Puntland. PUNTLAND POST The post Calmiskaad: Ciidamada Puntland oo ku guulaystay in ay soo ridaan diyaarado yar yar qaraxyo xambaarsan appeared first on Puntland Post.
  17. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo laga so doortay gobolka Minnesota ayaa markale dib u bilowday mucaaradnimo ka dhan ah madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, iyada oo ku qaaday weerarkii ugu horreeyay ee siyaadeed. Ilhaan Cumar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag u dhalleeceysay siyaasadaha uu la yimid Trump, oo dhowaan uun xafiiska la wareegay, iyada oo si weyn uga hortimid Gabadhaan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday madaxweynaha cusub kadib markii uu xilka la wareegay ay muujinayaan aragti naceyb iyo dib u dhac, sida ay ku sheegtay qoraalkeeda. Sidoo kale waxay saluug wayn iyo quus wayn ka muujisay qorshaha Trump uu ku doonayo in dhalashada Mareykanka lagala laabto dadka ku dhasha Maraykanka, joojinta barnaamijyada dib u dejinta qaxootiga, kuwaas oo ay sheegtay in ay uga sii darayaan dhibaatada isbeddelka cimilada adduunka. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocan ah ay ka dhigan yihiin dib u dhac ku yimid dadaallada horumarka iyo sinnaanta, iyada oo caddeysay in ay ka go’an tahay inay si adag uga hortagto siyaasadahaas, isla markaana ay sii wadi doonto u doodista maamul caddaalad ah oo waara. “Ma cabsan doono, waxaan difaaci doonaa bulshooyinkayada kala duwan ee soo galootiga ah,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo ballan-qaaday in ay ku adkeysan doonto difaaca xuquuqda dadka ay matasho. Tani ayaa muujineyso in mar kale ay is wajihi doonaan Trump iyo Ilhaan oo muddo xileedkii hore la xasuustaa meesha uu gaaray dagaalkooda siyaasadeed, welina waxa ay u muuqataa in arrintu sideedii tahay, labada mas’uulna ay mar kale ka dhex-tafatay.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafka iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan lacagaha baadda ah ee ka qaadaan shacabka. Nadaara oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, hadana mas’uul dowladood ayaa bixiyay xog xasaasi ah oo ku aadan halka ay geeyaan lacagaha ay aruuriyaan Al-Shabaab ee syaabaha kala duwan looga qaado dadka shacabka iyo sidoo kale ganacsatada. Agaasime Ibraahim Nadaara ayaa shaaca ka qaaday in lacagahan oo si xoog ah shacabka looga qaato ay si gaar ah u isticmaalayaan horjoogayaasha kooxdan iyo caruurtooda, islamarkaana aysan dib ugu soo celin dadka shacabka ah ee ku nool deegaanooda. “Lacagaha baadda ah ay qaadaan waxaa ka faa’iideystaan, iyaga carruurtooda iyo islaamahoooda, waxaana lacagtaas xooga looga soo qaadaa shacabka,” ayuu yiri Ibraahim. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aanay jirin iskuul, waddo ama xarun dadweyne oo ay dhiseen Al-Shabaab, taasna ay caddeyneyso ujeedkooda gaarka ah. “Lama hayo laamiyo ay dhiseen, lama hayo buundooyin, iskuullo iyo jaamacado ay dhiseen inta ay hadda sameeyaan waa inta danta u ah Shabaab uun” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Waa dad dul saaran shacabka oo dhuuqaayo faa’iido ay dadkii u celinaayana aysan jirin, intaana waxaa sii dheer dhibaatada ay usii gaysanayaan shacabka” Al-Shabaab ayaa lacagaha ugu badan ka hesho shacabka iyo ganacsatada, taas oo la sheego inay xittaa maalgeliso dagaalyahanadeeda, kuna sameysato qaraxyada ay ka fuliyo caasimada iyo magaalooyinka kale ee dalka, taas oo iyana ah dhibaato kale oo wayn
  19. Hargeisa (HOL) – Somaliland's Minister of Information, Ahmed Yasin Ali Ayale, has called US President Donald J. Trump to recognize the breakaway region as an independent state. Source: Hiiraan Online
  20. Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya kama walaacsana mustaqbalka madaxbanaanida dhulkeeda, waxaa sidaas sheegay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada, iyadoo maamulka Trump la hadal hayo in laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu aqoonsado gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Isagoo ka hadlayay kulan-dhinacmeedka Madasha Dhaqaalaha Adduunka, Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay weli yihiin xulafo isku dhow oo ka wada shaqeeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga. “Wax iska beddelay ma jiraan tan iyo muddo xileedkii koowaad ee Trump,” ayuu yiri. “Ma garan karno sababta qof u doonayo inuu arrintan ka hadlo, gaar ahaan marka la eego dalkeenna.” J. Peter Pham, oo ahaa ergey hore oo gaar ah oo Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Sahel iyo Harooyinka Waaweyn intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Trump, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo kooxda cusub ee Afrika ee Madaxweynaha. Pham ayaa si weyn u taageeri jiray waxa loogu yeero horumarka dhanka dimoqraadiyadda ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto in Mareykanku aqoonsado qaranimadeeda. Pham waxa uu sidoo kale si adag u dhaliili jiray siyaasadda aan rasmiga ahayn ee Aqalka Cad ee Biden ee ku aaddan “Hal Soomaaliya”. Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixisay shirkado ololeeyayaal ah ama lobbies oo Jamhuuri ah, si ay ugu dhaadhaaciyaan qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya. Dib ugu soo laabashada Aqalka Cad ee Trump ayaa rajo gelisay Somaliland, ayada oo Trump marar badan uu horey u weeraray Soomaaliya, isaga oo ay is-hayaan Ilhaan Cumar. Si kastaba, arrinta Somaliland ayaa la rumeysan yahay in aysan wax ahmiyad ah u lahayn madaxweynaha cusub ee Mareykanka, islamarkaana aanay xitaa maankiisa ku soo dhicin, ayada oo ay horyaallaan arrimo boqolaal jeer uga muhiimsan.
  21. Ajnabigii qaraxa aasayay ee la toogtay Ciidamada Puntland oo warbixin kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ay xalay toogteen nin ajnabi ah oo qarax miino ku aasayay wadada weyn ee magaalada Boosaaso gaar ahaanna aagga Nakhiil. Warbixinta oo ka soo baxday Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in xogta ku saabsan ninkani ajnabiga ah ee qaraxa aasayay ay soo gudbiyeen shacabka Boosaaso oo ka shakiyay sidaasina lagu fashiliyay qaraxaasi. “Ciidanka Amniga ayaa toogtay nin miino ku aasayay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil, Kaasi oo xogtiisa shacabka ka shakiyey ay soo gudbiyeen” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Puntland. Ciidamada Amniga ayaa sheegay in ninka ajnabiga ah markii uu qarxiyay miinadii uu aasayay kaddib marku ciidanka arkay islamarkaana isku dayay in uu baxsado balse markiiba ciidanku toogtay sida ku xusan warbixinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada. “HawlgalkaCiribtirkaArgagixisad(PL) Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay” ayuu sii raaciyay Hawlgalku warbixintiisa. Ciidanka ayaa heegan buuxa ugu jira adkeynta amniga magaaalada Boosaaso, waxayna uga mahadceliyeen Shacabka Boosaaso sida dhakhsaha ah ee ay usoo gudbinayaan qofkii ay ka shakiyaan”Waa baraarug Shacab iyo Dowlad heegan ah oo isku duuban, si looga hortago dhagarta Argagixisada.” PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo toogtay nin ajnabi ah oo qarax miino ku aasayay bartamaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  22. Wararka ka imaanaya magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo xoogagga Al-Shabaab. Dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen magaalada, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidanka deegaanka iyo xoogga dalka ayaa difaacaya magaalada kuwaasoo ka hor tagay weerarka kooxda. Wararka qaar ayaa tilmaamaya in ciidanka DANAB ay ku biireen dagaalka. inkastoo faahfaahinta ku saabsan khasaaraha ka dhashay weli aan la helin. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana jira warar is khilaafsan oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac soo gaaray. kala Soco goobjoog.com wixii kusoo kordha. Source: goobjoog.com
  23. Ciidamada amniga Puntland ayaa ku toogtay magaalada Boosaaso nin ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, xilli uu wadada weyn ee aagga Nakhiil ku aasayay miino. Sida ay sheegeen ilo amni, ninkan ayaa lagu arkay isagoo falkaas fulinaya, waxaana shacabka deegaanka oo ka shakiyay ay xogtiisa si degdeg ah u gaarsiiyeen laamaha ammaanka. Ciidamada Puntland ayaa markiiba goobta soo gaaray, taasoo keentay in ninkaasi isku dayo inuu baxsado kadib markii uu qarxiyay miinadii uu waday. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ayaa toogtay ninkii argagixisada ahaa, iyagoo ka hortagay waxyeello uu geysan lahaa. Shacabka Puntland, oo si dhow ula shaqeynaya ciidamada difaaca, ayaa muujiyay taageero xooggan oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish. Howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ayaa si joogto ah uga socda buuraleyda Cal-miskaad, halkaas oo Puntland ay ka waddo dadaallo lagu adkeynayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
  24. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with the Speaker of the Arab Parliament, Mohammed Ahmed Al-Yamahi, in Cairo on Friday during his official visit to Egypt. Source: Hiiraan Online
  25. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsan kooxda Daacish oo qarax diyaarinayay. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Puntland waxaa ninkan lagu dilay aagga Nakhiil, isaga oo miino ku aasayay waddo wayn oo ku taalla halkaasi. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xogta ninkan oo ajnabi ah ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah, islamarkaana ay sidaas ay ku howlgaleen ciidamada ammaanka, kadibna ay toogteen ninkaasi oo qarxiyay miinada, markii uu isku dayayne inuu baxsado la dilay. “Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada difaaca ee maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale, taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga Boosaaso, ayna ka hortagi doonaan isku day kasta oo ka yimaada argagixisada. “Ciidanka ayaa heegan buuxa ugu jira adkeynta amniga magaaalada Boosaaso, waxayna uga mahadcelinayaan Shacabka Boosaaso sida dhakhsaha ah ee ay usoo gudbinayaan qofkii ay ka shakiyaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waa baraarug Shacab iyo Dowlad heegan ah oo isku duuban, si looga hortago dhagar kasta oo ay maleegaan Argagixisadu iyo cidkasta oo lagu ogaado in ay u joogaan magaalooyinka . Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay shalay oo ay si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.