Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay maanta 15/2/2023 ay isagu yimaadeen Golaha Siyaasadda iyo Horuumarinta Beesha Mudulood oo ka dhacay Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aan la xiriira awood qeybsiga beesha. Golaha ayaa soo jeediyey in xubno shaqaale Aqalka Sare ah oo beesha kusoo aaday la siiyo jufooyinka beesha ee aan laheyn xildhibaanada iyo Senator-ada, kuwaas oo kala ah; Maxamed Mudullood, Ilaawaay iyo Wacweeyteen. Qoraal kasoo baxay golaha ayaa lagu yiri “Iyada oo la tixgalinayo cadaaladda bulshada ee ku dhisan wax qeybsiga xilalka, in xubnaha qeyb ahaan Soomaalida uga soo aaday beesha Mudullood ee shaqaalaha sare, in la siiyo aqoonyahanada beelaha Mudullood ee aan xildhibaanada laheyn kuwaa oo kala ah: Maxamed Mudullood, Ilaawaay iyo Wacweeyteen.” Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in go’aanka uu yimid ayada oo ay jirto in xubno ka tirsan beesha oo ku jira Aqalka Sare ay doonayaan in shaqooyinka soo baxay ay siiyaan beelahooda, oo markii horeba haystay xildhibaano iyo senatorro. The post Golaha Siyaasadda Beesha Mudullood oo go’aan kasoo saaray xilal ay beesha heshay appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali National Army has dealt a significant blow to the al-Qaeda-affiliated terrorist group, Al-Shabab, by killing over 200 militants during recent military operations in several states. The operations, which took place in Galmudug, South West State, and Jubaland, also resulted in the liberation of large territories that were previously under the control of the terrorist group. The Minister for Information, Daud Aweis Jama, confirmed the success of the week-long operation and noted that more militants surrendered during the operations, including a senior commander and bomb expert. He added that the troops intensified assaults on militants in the regions, leading to mass casualties. This latest success by the Somali National Army comes in the wake of increasing pressure on Al-Shabab, which has intensified attacks on security personnel, military bases, and government installations in recent days. The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, has declared an “all-out war” on the terrorist group since his re-election for a second term in May last year. As part of the efforts to support the military operations, President Mohamud has called on the Somali people to contribute $1 per person to the “national defense and liberation program.” He explained that this move was intended to speed up military operations to eliminate terrorists and give people more opportunities to participate in ongoing operations. Somali National Army (SNA) announced on Tuesday that it had apprehended the notorious al-Shabab leader, Salman Dadir, who was responsible for explosive devices in Mudug, a central region of Somalia. The capture occurred as Dadir was reportedly driving a vehicle loaded with explosives near Amara town and was caught by SNA’s 21st division, along with the support of Galmudug States security forces. Somalia has long struggled with insecurity, with al-Shabab and Daesh/ISIS posing significant threats to the peace and stability of the country. The UN has issued periodic reports about growing insecurity in Somalia, highlighting attacks by al-Shabaab and other terror groups. The post Somali National Army strikes hard at Al-Shabab, kills over 200 militants in operations appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Boosaaso)-Qarax nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa galabta ka dhacay goob meherad ah oo lagu qayilo oo ku taalla aaga xaafada Hillaac (Cali ma shaqeyste) ee Magaalada Bosaso. Inta la xaqiiyey 3 qof oo mid ay dumar tahay ayaa ku geeriyootay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen ilaa dhowr iyo toban qof oo kale. Dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso halkaas oo hadda lagu dabiibayo. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas. Source
  4. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Qeycad iyo duleedka magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneral Maxamed Cali Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray deegaanka Qeycad iyo godad uga qodnaa agagaarka Bacaadweyn. Jeneraal Maxamed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay 32 xubnood oo uu ku jiro horjoogahoodii maleeshiyada ee halkaasi kula dagaalamay ciidamada dowladda. “Waa deegaankii ugu adkaa ee bacadka ee godadka ka sameysteen, waxaa ugu darneyd Qeycad iyo Bacaadweyn inta u dhaxeysa waxaana uga saarnay awoodii Ilaahay na-siiyay ee haybada laheyd ee ciidanka qaranka Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwanayd,” ayuu yiri. Dagaalkaan oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada milatariga ee xooga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo maleeshiyada Shabaab ay dib ugu gurteen deegaanada Camaara iyo Caad, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug. “Waan ka saarnay goobihii ay ku jireen oo cadowga cagta lagu mariyay, hubkii iyo qalabkii isgaarsiinta ay haysteen waxaba looga qaatay, loogana dilay amiiradii ugu sareeyay. Kuwa kale ee cararay ugama hari doono meel kasta oo ay galaan. Meelkasta oo cadowga tago waa ka daba-galayna.” Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo sanado badan ku jiray gacantooda. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dagaalka tooska ah midka dhaqaale iyo fikri ee dowladdu ku cirib-tirayso kooxda. The post Shabaab badan oo maanta lagu laayey dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  5. Military operations carried out in Galmudug, South West State, Jubaland, with large swaths of territory liberated from terrorists in Mudug region, says minister Source: Hiiraan Online
  6. The chief of the UN’s International Organization for Migration says the number of women and children migrating from the Horn of Africa to the Gulf states has significantly increased. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta markale ka hadashay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo shaacisay in madax dhaqameed u diri doonto magaaladaasi, si xal nabadeed looga gaaro xiisadda taagan. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa arrintaan u sheegay warbaahinta, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal ka gasho xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood. “Dhibta Sool taalla wey dhamaaneysa sheydaan ayaa ka adeegay. Xukuumadd ahaan waxaan diyaarinay dhaqankii Somaliland oo u tegaya walaalahooda kale ee garaadada reer Laascaanood ee sida kale wax isku tustay, si ay ula soo xaajoodaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee ay u dirayaan magaalada Laascaanood ay siiyeen awood buuxda, islamarkaana ay aqbalayaan xukuumad ahaan wixii ay lasoo gaaraan Isimida SSC ee ku sugan magaaladaasi. “Xaga waxa ka talinaya (Laascaanood) garaado dhaqan ah ayaa ka talinaya, marka gadhba gadh ayaa la tusa ee xukuumaddii aad ka cabaneyseen idinma soo dirin ee waxaa idin soo dirnay garaadadii idinla dhigmayay.” Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxa uu ka codsaday Isimida SSC in ay la fariistaan odayaal dhaqameedka ay usoo dirtay Somaliland, ayna kala hadlaan tabashada ay qabaan, si xal looga gaaro oo dagaalka Laascaanood loogu soo afjaro xal nabadeed. Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday xabad-joojin, taasi oo aan waxba ka tarin xaaladda ka taagan Laascaanood, waxayna Isimida SSC ku xireen dhaqan-gelkeeda in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada. Waxaa si weyn isku soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee ku aadan xaaladda Laascaanood, ayada oo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ay markale dalbadeen in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhameeyo miiska wada-hadalka “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada-hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka. The post Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  8. Faahfaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa sida la xaqiijinayo ka dhacay merfish lagu qayilo halkaas oo ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah. Hal ruux oo dumar ah ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ku geeriyootay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen ilaa sagaal qof oo kale. Dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo kooxaha argagixisada ah looga bartay qaraxyadan oo kale. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan si uu fadhigu u furmo. Tirada kulankaan soo xaadirtay ayaa noqotay 120 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, islamarkaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta. Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama kulamo badan oo Golaha Shacabka ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan. Kulanka maanta ayaa la filayay in loogu codeeyo Hindise-sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaasi oo akhrintii saddexaad maraya iyo sidoo kale akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Socdaalka. Kulamadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay dood sharciyeed xoogan oo salka ku haysa qaab hogaaminta Baarlamaanka ee guddoomiye ku-xigeenka 2-aad oo muddo ku dhow bil keligiis guddoominayey golaha. Guddoonkan ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay xeer hoosaadka, waxayna mudaneyaasha qaar sheegeen in golaha ka taagan tahay xaalad guddoon xumo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo xilligaan ah ku-sime ayaa muddo dheer soo xaadirin golaha, halka guddoomiye ku-xigeenka koowaad uu isagna dalka ka maqan yahay. Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hore u sheegay in guddoonkan uu qaab sharci darro ah ku meel-mariyay sharciyo, taasi oo keentay in sharciyadii u dambeeyay ee la horgeeyay golaha ay qaataan waqti dheeraad ah. Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada. The post Kulankii xildhibaanada BF ee maanta oo baaqday iyo dood xooggan oo taagan appeared first on Caasimada Online.
  10. Dubai (Caasimada Online) – The Dubai-based airline flydubai has announced the commencement of a new daily service to Mogadishu Aden Adde International Airport (MGQ), Somalia’s capital city, from March 9, 2023. The low-cost hybrid arm of Emirates aims to double its frequency from June 2023, hoping to facilitate travel between the two cities for individuals living at both ends. Chief Commercial Officer at flydubai, Hamad Obaidalla, said, “We continue to look for opportunities to grow our network in East Africa and open up underserved markets.” Adding direct flights between Dubai and Mogadishu will further stimulate the economy and help create free travel and trade flows. Flydubai’s African coverage will expand further with the launch of flights to Mogadishu on March 9, 2023, becoming the eleventh African destination, with the airline operating flights to other African cities such as Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba, and Zanzibar. Why is Somalia important for flydubai? The strategic location of Somalia, located in the horn of Africa, is ideal for trade and commerce. However, it is frequently marred by maritime piracy, making air travel safer and more viable for travel between the two cities. Additionally, with Dubai linked with Mogadishu, Somalis can travel more efficiently to the wider world through its Dubai hub. Moreover, there are lots of Somali expatriates in Dubai, forming a perfect link for visiting friends and family traffic. Flydubai’s new route to Mogadishu can become profitable, as only a few carriers are flying between the two cities, apart from the local Somali Airline, Dallo Air. Somalia is also home to beautiful coastlines and beaches, which makes the country picturesque. However, its tourism industry is relatively unheard of. Flydubai’s Senior Vice President of Commercial Operations, Sudhir Sreedharan, said, “Flydubai will offer convenient and reliable travel services between countries.” He added, “This route will be operated by our fleet of Boeing 737 MAX aircraft, offering customers the comfort of our Business Class cabin or a more customized experience in Economy Class. We look forward to doubling our frequency to Somalia from June 1, 2023, and further connecting the market to Dubai and beyond.” Flydubai will operate flights to Mogadishu from Terminal 2 at Dubai International and Aden Adde International Airport. The airline’s prices for Business Class will start from AED 12,000, and Economy Class will start from AED 3,000. The lack of competition between Dubai and Mogadishu allows the airline to capitalize on the route. The post FlyDubai launches daily direct flights to Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  11. Ninkii Jabuutaawi wuu gobanimo hadlay oo weliba ku xaragooday,Ma filaayo inuu jiro Qof,hadd waa hal qof oo Muuse & inta ag-joogta ah oo ninkaas u jawaabi karaa. Ninkii Jabuutaawi ahaa baan hadda dhegaystay, waanu gobanimo hadlay oo weliba ku xaragooday. Ma filaayo in uu jiro hal qof, hadda waa hal qof oo Muuse iyo inta ag joogta ah oo ninkaas u jawaabi karaa. Ma sheegin haddii uu Buuni amma Shahar soo diri doono. Nin aftahan ah, oo dhaqan yaqaan ah, oo rag iyo rabbi ba yaqaan, oo lafta jebi, xarago na ha ka tegin mabd’a ah ku shaqaynaaya weeye, waa inta uu Muuse yahay caksigeeda. Hadal kiisii nus-sacca socday kalmad la tuuro ma lahayn, oo kalmad gardarro ah ma lahayn, oo kalmad been ah ma lahayn. Wuxu yidhi, waar dagaal ma na gu muquunin kartid haddii aad toban sanno waddid, dagaalku na dhab kaa ma aha. Hadii uu dhab kaa yahay, maxaad Axmed iyo Maxamed Muuse u soo diri wayday? Soo diri maysid oo midna shirkadaha ayuu kuu maamulaa, midna dadka ayuu kuu soo xidhxidhaa. Runtii weeye Walee. Hadana waxa uu yidhi – Laascaanood xoog maad ku iman ee aniga ayaa ku keenay, imika na aniga ayaa kaa saaraaya. Meesha farsamo iyo is ogolaansho ayaan ku wadnay, tiina adiga ayaa fashiliyay. Oo ma wax aanu fashilinin baa jira. Nin aan talin jirin hadii uu taliyo, nin aan tegi jirin baa taga. Maahmaah weeye. Hadana waxa uu yidhi, siyaasiyiintii Sool clan, ee Qaybe ka mid ahaa, ee Fagadhe ku jiray, ilaa Khaliif la ga soo gaadho warkoodu wuxu ahaa Somaliland la wada leeyahay, adiga ayaa se diiday, imika na anaka ayaa diidan. Cali Khaliif in uu ku baryaayo ayaad moodi jirtay, oo hotel kii miyaan la gu lahayn, iyo miyaanu tegaynin baad odhan jirtay. Waa runtii! Xaqiiqatan nin baryaaya ayuu moodi jiray, oo afka u taagi jiray. Is ku soo wada duub, Jabuutaawi Muuse waxba u ma reebin, oo Somalilanders wax u ma reebin, oo Somaliland waxba u ma reebin, wax gef ah iyo deelqaaf na ma samaynin. Gobanimo nooceeda u sareeya ayuu gole keenay! Waxa Qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkada duulimaadyada ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay dib u bilaabi doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Dubai oo toos ah, weliba si maalin leh ah. Fly Dubai oo in muddo ah aan imaan Soomaaliya ayaa duulimaadkeeda tooska ah bilaabi doonto 9-ka bisha soo socota ee March, ayada oo la rajeynayo in saddex bil kadibna la kordhin duulimaadyadaasi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya. Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrin yadidiilo leh ku tilmaamay duulimaadka tooska ah ee ay bilaabeyso shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai. “Duulimaadyadan tooska ah ee Fly Dubai waxay wax ka tari doonaan xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga labada dal (Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta),” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya. Shirkadda Fly Dubai oo iyaduna ka hadashay duulimaadyadan ay ka bilaabeyso dalka ayaa waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xirto Dubai iyo Imaaraadka Carabta. “Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee Fly Dubai. Sidoo kale waxa uu sheegay masuulkan in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kobcin doonaan dhaqaalaha, islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga labada dal. Tallaabadan ayaa imaneysa, xilli ay shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai wado qorshe ay isku ballaarinayso shabakadeeda Afrika, oo illaa hadda gaaray 11 goobood, taasi oo ay ku tilmaamtay shirkaddu mid siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaaro ku haboon safarkooda. Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta dib loo hagaajiyay, islamarkaana ay dowladda federaalka muujisay niyad wanaageeda ku aadan soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Abu Dhabi. The post Diyaarad Imaaraati ah oo billaabeysa duulimaad toos oo Muqdisho iyo Dubai ah appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay olole cusub oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka iyo xoreynta dalka looga sifeynayo Khawaarijta. Wasiirka warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ololaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha looga dan leeyahay dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo si habsami leh uga socda qeybo badan oo dalka. “Tallaabadan ayaa loogu tala-galay in lagu dardar-geliyo howl-galada Khawaarijta iyo in shacabka fursad loo siiyo in markale door weyn ku yeeshaan howl-galada, iyaga oo awalba ay shacabka qeyb ka ahaayeen howl-galada milatari ee socday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay akoono iyo lambaro loogu tala-galay in shacabku ay kusoo shubaan qaarankooda ku aadan howl-galka socda, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howl-galadii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobolada dalka. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay kula wareegeen deegaano horleh. Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howl-galada laga sameeyey, kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xaqiijiyay in howl-galadaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. The post Madaxweyne Xasan oo hal dollar ka codsaday qof kasta oo Soomaali ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  14. Waxaa maanta magaaladda hargeysa uu shir uga furmay,Gudidda iyo musdanbeedka beesha West Burco Clan waxaana shirkaasi lagaga tashanayaa arinta ka taagan gobolka Sool iyo arimo kale oo xukuumada madaxwayne Biixi iyo dalka la xidhiidha. Xubno shirkaas qayb ka ah ayaa intaasi ii xaqiijiyay. Shirkaasi ayaa dhawaan go’aamo laga soo saarayaa. Qaran News
  15. Beledweyne (HOL) - Heavy fighting was reported in Hiiraan's Jalalaqsi district between government forces backed by local clan militia forces and al-Shabab militants on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Garad Mukhtar (right) showing the shrapnel that pierced through the window of his house in Laascaanood last night. LAASCAANOOD (PP News Desk) — Six days after Somaliland administration declared a unilateral ceasefire, its forces based on the skirts of Laascaanood, last night shelled the house of a traditional leader who was being interviewed live on Brit Somali TV, a YouTube channel. Garad Mukhtar Garaad Cali Ali was in his house in central Laascaanood talking to Abdihafid Mohamud, the Somali Brit TV host, when an artillery shrapnel pierced through the window of his house, forcing the traditional leader to duck. He immediately picked the shrapnel and showed it to viewers. “ This is the ceasefire Somaliland has called for ” said Garad Mukhtar, who was holding the shrapnel in his hand. The shelling further damaged the credibility of Somaliland administration despite its calls for a ceasefire. Last night, Laascaanood saw the heaviest shelling by Somaliland forces since the conflict erupted more than a week ago. The International Community deplored the continued shelling of Laascaanood by Somaliland forces. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Forces Shell a Laascaanood Traditional Leader’s House appeared first on Puntland Post.
  17. Xukuumaadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay sheegtay inay Madax-dhaqameed u dirayso Gobolka Sool si ay isimadda dhaqanka ee Gobolkaasi ugala hadlaan xaaladda taagan iyadoo sheegtay inay siinayso awood buuxda madax-dhaqameedka ay dirayso. Madaxweyne ku xigeenka Soomaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo maanta ka hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay Soomaliland qorsheysay inay Sool u dirto Madaxda Dhaqanka. “Xukuumad ahaan Waxaanu diyaarinay Madaxdhaqameed aanu u dirayno Laascaanood, Garaadada waxaanu leenahay waxaanu idiin soo diray dhaqankii dhigiina ahaa”. Madaxweyne Xigeenka Somaliland. Qaran News
  18. As Somalia continues to experience a historic drought, pushing millions of Somalians into acute food insecurity the International Fund for Agricultural Development (IFAD), announced today (14 Feb) that it will substantially strengthen its support to Somalia and resume its direct investments after loan arrears resulted in a three-decade-long suspension. Speaking during IFAD’s 46th session of the Governing Council, president Alvaro Lario said, “this comes at a critical time when Somalia is facing critical challenges to its food security. Source: Hiiraan Online
  19. Xukuumaadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay sheegtay inay Madax-dhaqameed u dirayso Gobolka Sool si ay isimadda dhaqanka ee Gobolkaasi ugala hadlaan xaaladda taagan iyadoo sheegtay inay siinayso awood buuxda madax-dhaqameedka ay dirayso. Madaxweyne ku xigeenka Soomaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo maanta ka hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay Soomaliland qorsheysay inay Sool u dirto Madaxda Dhaqanka. “Xukuumad ahaan Waxaanu diyaarinay Madaxdhaqameed aanu u dirayno Laascaanood, Garaadada waxaanu leenahay waxaanu idiin soo diray dhaqankii dhigiina ahaa”. Madaxweyne Xigeenka Somaliland. Source
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen askar ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa magaalada Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex askari, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kaas oo loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Booliska dowladda Kenya oo ka hadlay weerarka ayaa ku eedeeyay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegeen in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya la qarxiyay ay socdaalkooda horay usii wateen. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka, si ay u sugaan amniga, ugana hortagaan weerarada Shabaab. Maalmo kahor aheyd markii qarax noocan oo kale ahaa uu ka dhacay duleedka Gaarisa, kaas oo lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi. The post Askar ka tirsanaa ciidamada KENYA oo qarax lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta lagu soo dhoweeyay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka Gobolka Gardafuu, kan degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula. Safarkan ayaa lagu tilmaamay kii u horreeyay ee Siciid Deni Caluula ku tego tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8 January 2019. Waxa la sheegaya in uu u kuur-galayo xaaladda bulsho iyo baahiyaha ka jira degmada Caluula balse Madaxtooyadu weli kama warbixin ujeedada safarkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Caluula appeared first on Puntland Post.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku qabtay doorashada kursiga Hop#203, kaas oo uu horey u baneeyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi. Doorashada kursigan oo horay loo sii shaaciyay, kadib jadwal uu soo saaray guddiga ayaa waxaa isku soo taagay illaa laba musharrax oo uu midkood tanaasulay. Kursigab oo isha loogu hayey soo buuxintiisa ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Hurry Ugaas, kadib markii uu u tanaasulay musharrax Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo la tartami ahaa. Xasan Hurry oo kusoo baxay cod-gacantaag ah ayaa helay 88 cod, sida uu shaaca ka qaadau guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka. “Wadarta Ergada soo xaadirtay ayaa ahayd 90. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdullaahi Maxamed Cabdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Xasan Hurry Ugaas. 88 ayaa tiri HAA, hal qof wuu diiday, hal qofna wuu ka aamusay. Sidaas ayuu Xasan Hurre Ugaas ku helay 88 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 203” ayuu yiri guddigu. Sidoo kale guddiga ayaa u hambalyeeyay xildhibaanka cusub ee lasoo doortay, wuxuuna sidoo kale eebe uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday. “Waxaan Xasan Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada. 28-kii bishii December sanadkii 2021-kii ayaa kursigaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Xamza ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo awood badan ku dhex lahaa doorashadii xildhibaanada ee Kismaayo ka dhacday. Maadaama uu hadda Xamza yahay Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu baneeyey kursigaas oo dastuurku uma ogolaanayo in R/Wasaare uu noqdo xubin baarlamaan, taas oo khasab ka dhigeysa in qof kale loo doorto kursigaas. Kursiga uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre wuxuu noqonaya kursiga labaad ee dib loo soo doorto, waxaana ka horeeyay kii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo bilowgii bishaan Febraayo lagu doortay Dhuusamareeb, waxaana ku soo baxay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed. The post Sawirro: Yaa kusoo baxay kursigii u baneeyay ra’iisul wasaare Xamza? appeared first on Caasimada Online.
  23. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo xoogag hubeysan ee kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goordhow uu ka qarxay deegaanka Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay dib u xoreynta ee ka howlgala gobolkaas, kuwaas oo weerar ku qaaday xubno ka tirsan Shabaab oo doonayey inay ka gudbaan wabiga Shabelle. Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay sidaas ugu qaadeen weerarka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay fashiliyeen qorshihii ay Al-Shabaab uga gudbayeen deegaankaasi, si u tegaan dhinaca kale ee wabiga. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa labada dhinac ay is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare lixaad leh oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkan, maadaama iyaga oo aan fileyn lagu qaaday weerar gaadmo ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi. Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab. The post Dagaal u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo ka socdo HIIRAAN appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab. Daa’uud Aweys ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada dalka. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay kula wareegeen deegaano horleh. Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howlgallada laga sameeyey, kuwaas oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Guud ahaan howlgallada waddanka ka dhacay todobaadkii lasoo dhaafay waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo qof,” ayuu yiri wasiirku. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xoojinayaan digniinta kasoo baxday hay’adda NISA, oo horay u shaacisay inay ka war heyso in Al-Shabaab ay ganacsatada ugu yeertay gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo shaaca ka qaaday in ganacsatada ay uga digayaan arrintaasi Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xukuumadda Soomaaliya oo ka duuleysa adkeynta amniga uu ra’iisul wasaaraha la shiray guddoonka sare ee gobolka Banaadir, isla-markaana uu faray in wax laga bedalo amniga. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Talyaaniga, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu ku soo dhammaaday si guul ah, isla-markaana uu wadahadallo lasoo yeeshay madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha wadankaas. The post Daawo: DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la dilay 200 oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.