Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The Somali Prime Minister, Hamse Abdi Barre, has formed an 11-member national committee to coordinate support for victims of the Turkish earthquake. Source: Hiiraan Online
  2. Coups in West Africa, upcoming elections, external factors such as the war in Ukraine, the strengthening of the promising African Continental Free Trade Area (AFCFTA), and conflict on the continent are part of what will make up the agenda of major side events at the African Union (AU) Summit. Source: Hiiraan Online
  3. Air India's record deal for 470 planes from Airbus and Boeing has happened at a time when the carrier plans to become "a world-class proposition", in the words of N Chandrasekaran, chairman of Tata group, which owns the airline. Source: Hiiraan Online
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood oo uu maalintii 12-aad ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka. Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkaas oo sababay khasaare xoogleh, isaga oo soo saaray baaq ka kooban illaa afar qodob. Waxa kale oo uy intaasi ku daray in dagaalka laga dhaxlayo khasaare iyo naceyb keenaya inay sii kala fogaadaan labada dhinac. “Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay in ay fara-geliso xiisadda Laascaanood, ayada oo mareysa dhanka siyaasadda iyo diblumaasiyadda. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in tallaabado adag laga qaado cid kasta oo sii hurineysa xiisadda ka taagan gudaha magaalada Laascaanood. “Waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah,” ayuu raaciyay. Halkan hoose ka aqriso:- 𝗕𝗶𝘀𝗺𝗶𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶, 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱 Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomali oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan. Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed. Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah. Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed. Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada waxaan ku baaqayaa: 1- In si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda. 2- In ciidanka laga dulqaado magaalada. 3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan. 4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay. Ugu dambayn, anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court). The post Shariif oo 4 qodob oo kasoo saaray xiisadda Laascaanood iyo in maxkamadda ICC loo… appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaabn Yuusuf Al-Cadaala oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Iji oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda halkaasi oo galay maalintii labaad oo xiriir ah jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu dilay in ka badan 200 oo xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal, sida uu hadalka uu hadalka u dhigay. Wasiir ku xigeenka ayaa shaaciyay magacyada saraakiisha laga dilay Al-SHabaab, kuwaas oo uu ka kala sheegay:- Salaad Maxamuud Siyaad oo Shabaab u qaabilsan aruurinta dhaqaalaha, Xuseen Dheere oo ku xigeen u ahaa Salaad, Yuusuf Cali Sheekh & Sandheere. “Illaa hadda inta aan xaqiijinay waxaa halkaasi lagu dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ahaa oo goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo meydadkooda halkaas kasoo uruuriyeen ciidamada huwanta ah ee wada howlgalayay,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dagaalkan kusoo furteen illaa 300 oo qoray oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale wararka laga helaya Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalka uu sii xoogeystay ayna ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay joogan Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanada lagu dagaalamayo ay gaarayaan ciidan kale oo gurmad ah taas oo sii adkeyneysa xaaladda. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi. Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab. The post Daawo: DF oo shaacisay in dagaalka ka socda Hiiraan lagu dilay 200 oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolada Shabeelada Dhexe iyo Mudug lagu dilay in ka badan 270 Al-shabaab ah. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “ilaa hadda inta aan xaqiijinnay waxaa deegaanka Iji oo ah agagaarka Mahadaay ee gobalka Shabeelada Dhexe lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay maydadkooda ay halkaas ka soo u uruuriyeen ciidamada huwanta ee wada howlgalayay.” “Ciidanka Xoogga dalka waxaa ay howlgal ka dhacay gobolka Mudug ku dileen in ka badan 70 Argagaxiso, sidoo kale maalintii sedexaad ayuu howlgal sifeyn ah ka socdaa deegaanadaas” ayuu ku daray. Sidoo kale wasiir Cadaala ayaa sheegay in howlgal ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen gobolka Jubbada hoose ay kasoo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ay jab xooggan gaarsiiyay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post In ka badan 270 Al-shabaab ah oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  7. New York (Caasimada Online) – Al-Shabab, a notorious Somalia-based Al-Qaeda affiliate, may have increased its revenue base despite spirited campaigns targeting its sources of finance, a new UN report suggests. The report indicates that the group can raise $150 million annually, which caters to the payment of salaries, the purchase of new weapons, and other essentials fundamental to the group’s operations. This article delves into how Al-Shabab generates such a significant amount and how the Somali government is responding to the group’s financing. Revenue collection methods and sources Al-Shabab collects revenues from civilians in various towns under its control mainly through threats and intimidation. Those who fail to comply with the group’s demands risk being punished. However, the government has warned business owners against funding Al-Shabab through forceful means or willingly, with offenders risking having their permits canceled. Despite this, the group has continued to generate massive amounts of money to finance its operations. The report notes that Al-Shabab’s fortunes doubled from $100 million in the previous year, which has enabled the group to increase its military hardware purchases by 25%. The group diverts millions of dollars for purchasing weapons mainly from war-torn Yemen, which has been linked to instability in the country. Additionally, Al-Shabab generates revenue from: 1- Taxation: The group taxes businesses, especially those in the agricultural sector, as a means of financing its operations. The group also taxes local residents, transporters, and local markets. 2- Charitable donations: The group solicits contributions from individuals and organizations, claiming that the funds will go towards humanitarian efforts. 3- Ransoms: Al-Shabab has been known to abduct foreigners and demand ransom payments in return for their release. Efforts to cut off funding The Somali government has made significant efforts to cut off funding for Al-Shabab. In December 2022, the government confirmed the closure of 250 banks and 70 mobile money transfer accounts linked to funding Al-Shabab activities. The group responded by accusing Mogadishu of interfering with businesses critical to service delivery. This week, President Hassan Sheikh Mohamud’s administration limited the amount of money transacted by mobile money firms to just $300 daily to contain the funds wired to Al-Shabab. The president said this would improve accountability. Al-Shabab’s response Despite the strong military campaign against Al-Shabab in Somalia, the group has responded with some of its largest and most lethal attacks. The group has recruited fighters responsible for attacks targeting innocent civilians, government officials, and the military. The UN report notes that the group’s fighting force remains steady, estimated at 7,000-12,000 fighters. Conclusion Al-Shabab continues to generate significant revenue despite the Somali government’s efforts to cut off its funding sources. The group has diversified its sources of financing, making it difficult to track and stop its operations. However, with the sustained operations against Al-Shabab and the government’s efforts to limit the group’s revenue sources, there is hope that the group’s activities will be curtailed soon. The post Al-Shabab’s revenue surges despite pressure, says UN appeared first on Caasimada Online.
  8. New York (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dakhliga kooxda Al-Shabaab uu kordhay sanadkii 2022, inkasta oo dowladda ay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo bilihii dhowaa. Warbixinta oo la faafiyey Arbacadii ayaa lagu sheegay in kooxda ay sanad kasta soo xareyn karto $150 milyan oo ay u adeegsato miisaaniyaddeeda, sida hubka ay soo iibsato iyo mushaharka ay siiso mintidiinta. Sida lagu sheegay warbixinta QM, dakhliga Al-Shabaab ayaa kasii kordhay $100 milyan sanadkii 2021, wuxuuna gaaray $150 milyan 2022, taasi oo kooxda u sahashay inay 25% kordhiso hubka ay soo iibsato. Al-Shabaab ayaa hub lagu qiyaasay $24 milyan kasoo iibsatay dalka Yemen ee dagaallada ay la degeen. Al-Shabaab ayaa inta badan dakhliga ka ururisa shacabka ku hoos nool deegaanada ay maamusho ayada oo u adeegsaneysa hanjabaad, cabsi gelin iyo ciqaab. Waxay sidoo kale canshuurtaa ganacsiyada magaalooyinka weyn sida Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ganacsiyada uga digtay inay maal-geliyaan kooxda, haddii ay noqon laheyd inay ka cabsanayaan iyo haddii ay ogolaasno ku bixinayaan. Hase yeeshee ololahaas oo billowday qeybihii dambe ee sanadkii tegay ayaan weli saameyntiisu muuqan. Bishii December 2022, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la xiray 250 banki akoon iyo 70 xisaabaad mobile oo lala xiriiray kooxda Al-Shabaab. Dowladda madaxweyne Xasan ayaa bartamihii sanadkii tegay billowday dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana laga gaaray guulo weyn ayada oo kooxda laga saaray degaano badan oo ku yaalla gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud. Hase yeeshee, si kooxda looga wada guuleysto, waxaa qasab ah inuu guuleysto dagaalka dhaqaale, sida ay qabaan taxliiliyeyaasha amni. Warbixinta QM ayaa sheegtay in kooxda ay haysato dagaal-yahanno lagu qiyaasay 7,000 illaa 12,000. Dagaalkii dhowaanahan socday ay dowladda ku sheegatay dilka in ka badan 3,000 oo dagaal-yahan, hase yeeshee caddeymaha ay dowladda soo bandhigtay ee lagu taageerayo sheegashadaas ayaan xooganeyn. The post QM oo warbixin kasoo saartay dakhliga Al-Shabaab kadib dagaalkii ay ku qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxwaynihii hore soomaaliya shewkh shariif sheekh axmed oo ka hadlay dagaalka laascaanood. “Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomali oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan. Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed. Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah. Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed. Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada waxaan ku baaqayaa: 1- in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda. 2- In ciidanka laga dulqaado magaalada. 3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan. 4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay. Ugu dambayn, anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court)”. Qaran News
  10. Ninka is yidhi garaadada Sool waxa Hargeysa keeni kara in xaafad loo bixiyo magaca Sool waa nin yaab badan Arimuhu marka ay cakirmaan qofba maankiisa ayuun buu hadlaa” Garyaqaan guuleed Dafac. Qaran News
  11. Arinta Laascaanood in Geedka nabad la wada fadhiisto uma baahna in shuruud lagu xidho dhaqankeena iyo diinteena Islaamku-ba sidey dhigayso . Xeerka Caasimadu ee diyaarintiisu socoto waxaa ku qoran in wiil reer Laascaanood ahi Maayar Hargeysa ka noqon karo hadii uu kartideeda la yimaado . Waxaanu diyaarineynaa in xaafad ka tirsan Hargeysa loo bixiyo SOOL , nasiib daro rag-na Hargeysa reer sool ha ka soo guuraan ayay leeyihiin …” Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sidan hada yidhi . Qaran News
  12. Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadley madax dhaqameed uu sheegay inay Shuruud ku xidheen xalinta arinta Sool . “ Maanta ninka shuruud ku xidhaya nabad Sool ee Laascaanood jooga ama meel kale jooga ma aha nin Somaliland lexo jeclo ka leh . Raga xalay hakiyey ee shiraayey laguma xidhi karo nabadeenta Sool shuruud Somaliland mudnaanteedu waa nabadeena ninkii diidaana ( falaysa Mina ) nagama mid aha …” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi . Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 46-aad ee golaha sanduuqa QM u qaabilsan horumarinta beeraha IFAD ayaa shaaciyay in dalkeena ay ku hor-gudban yihiin saddex caqabadood oo waaweyn. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in caqabadahan saddexda ah ay Soomaaliya ka hor istaagsan yihiin in ay gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah. Saddexdan caqabadood ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ah; dagaalka ka socda dalka, isbaddalka cimilada iyo daymaha Soomaaliya lagu leeyahay, sida uu ku sheegay khudbadiisa. “Arrinta dagaalka, sidaan horey idinkugu sheegay waxaa naga go’an sidii aan usoo afjari lahayn argagixisada caalamiga ah ee ku sugan dalkeena anaga oo mid ah, oo kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Dadka Soomaaliyeed waxay ajiibeen baaqa dowladdooda ee ah inay dawladdooda ku garab siiyaan sidii looga guulaysan lahaa sharta argagixisada, waxayna isku dubarideen taageero iyagoo si firfircoon u garab taagan ciidanka dowladda si loo xoreeyo deegaanadooda.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in deegaanada laga xoreeyay ay ku jiraan dhul beereed u baahan maal-gelin, taasi oo uu rajeeyay inay taaba-gal noqon karto, “Sababaha keenaya in yididiilada aan qabno ay sareyso way badan yihiin, balse barnaamijka dayn cafinta ayaa safka hore kaga jira,” ayuu yiri. Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay ka dowlad ahaan rejo weyn ka qabaan in gunaanadka sanadkan la gaari doono dayn cafinta Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF. “Waxaan rajeynaynaa in arrintani horseedi doonto maalgashi horleh oo isugu jira mid maxali ah iyo mid caalami ah oo lagu sameyn doono waaxdeena cuntada.” The post Xasan Sheekh oo shaaciyay saddex caqabad oo weyn oo Soomaaliya ku hor-gudban appeared first on Caasimada Online.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo xoogaga Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Baarsan-guuni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, isla-markaana lagu jabiyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Baarsan-guuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay hayeen xogta weerarka Al-Shabaab, taasina ay keentay inay ka hortegaan weerarkaas. Waxaa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, sidoo kalena ay ka gubeen gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka ka dhacay Baarsan-guuni ayaa ayaa dhankeeda guul sheegatay, waxayna sheegtay inay dishay dhowr askari, kuwa kalena dhaawacday. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaa goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland. Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar kan lamid ah oo la fashiliyay ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla Afmadow, kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay kooxda. The post Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL ka qarxay duleedka KISMAAYO + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  15. 3 Haween ah iyo laba caruur ah ayaa laga soo badbaadiyay dhismayaasha burburay hoostooda ee magaalada Antakya oo ka tirsan Turkiga, 228 saacadood ka dib dhulgariirkii ugu horreeyay ee ka dhacay halkaasi. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 41,000,iyadoo weli samatabbixiyeyaashu ay sii wadaan inay helaan dad badbaaday: Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in 35,418 qof ay ku dhinteen dhulgariirkaasi,halka Dowladda Suuriya iyo Qaramada Midoobay ay sheegeen in in ka badan 5,800 oo qof ay ku dhinteen Suuriya. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in aagga walaaca ugu weyn uu yahay waqooyi-galbeed ee Suuriya, halkaas oo ay ka sii kordhayaan carada ku aaddan gaabiska la xiriira gargaarka bini’aadinimo. Qaramada Midoobay waxay codsanaysaa $397m oo gargaar ah si loogu caawiyo 5 milyan oo Suuriyaan ah oo ay la soo derseen hooy iyo cunto la’aan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.
  16. Xarardheere (Caasimada Online) – Galmdug ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dagaal iyo duqeymo Arbacadii ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil Cabdigaraad Cumar Maxamed oo la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo saaxibada caalamiga ah khasaare culus lagu gaasiiyay kooxda Al-Shabaab. Cabdigaraad Cumar ayaa sheegay in ugu yaraan 55 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal looga dilay Al-Shabaab dagaalkaas iyo duqeynta xigtay. “Khawaarijta wuxuu u geystay khasaare fara badan illaa 55 Dhagarqabayaal ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa looga dilay,” guddoomiye Cabdi Garaad Cumar Maxamed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada huwanta ay Al-Shabaab kasoo furteen hub iyo saanad ciidan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in goobaha lagu dagaalamay laga saaray Al-Shabaab, isa-markaana ay haatan ku sugan yihiin ciidamada huwanta. “Sidaas oo kale waxaa laga furtay hub aad u fara badan qoryo BKM, Sabab iyo AK74, sidaas si lamid ah goobihiina waa laga saaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhankooda waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan ill 4 askari oo ay dhaawacyo kasoo gaareen dagaalka ka dhacay halkaasi. Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil ayaa xusay in Galmudug ay sii wadeyso gulufka dagaal ee haatan ka socda deegaanada maamulkaasi. Gobollada Galgaduud iy Mudug oo ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul aad u ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyin muhiim ah. The post 55 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  17. Beledweyne (HOL) - Unidentified drones bombed villages in the Hiiraan region on Thursday, where heavy fighting has been ongoing since Wednesday evening between Somali government forces backed by local militia forces and al Shabab. Source: Hiiraan Online
  18. Arlington (Caasimada Online) – At around 5 a.m. on Tuesday, Ali Ismail, a 36-year-old man from Somalia and a father of six, was shot and killed by unknown suspects breaking into cars in Arlington, Texas. Ismail was found dead inside his SUV, parked in his home’s driveway on Prentice Street. According to friends of the victim, Ismail had just finished working overnight and was pulling into his driveway when he was shot before even getting out of his vehicle. The suspects fled the scene, and police are still working to identify them. Friends and family speak out Friends and family of Ali Ismail have been left devastated by his sudden and senseless death. Mustafa Yasiin, a friend of Ismail, described him as a family man devoted to his wife and children. Yasiin had spoken to Ismail on Monday evening and had planned to see him the following day, but instead received a call early in the morning to come and help Ismail’s wife. “This is sad, man,” he said. “This is a hardworking guy. He had six kids. I do not know what to tell you. This is not right.” A pattern of vehicle burglaries Unfortunately, the incident in which Ali Ismail was killed is not isolated. Arlington police have reported a recent uptick in vehicle burglaries in the area. On December 22, a homeowner was shot after confronting two men attempting to break into cars in his driveway. Police released photos of the suspects, who are still at large. While police have not yet connected the two shootings, they are similar and just a few miles apart. Police investigation and call to action Arlington police are currently investigating the shooting and canvassing the area for surveillance video. They are asking anyone with information to come forward and have offered a reward for information leading to the arrest of the suspects. Ismail’s family and friends also urge anyone with information to speak out. This tragic incident highlights the need for increased vigilance and community engagement in preventing vehicle burglaries and other crimes. If you have any information about this incident or other similar incidents in the area, please contact the Arlington police department. The post Father of six Somali man fatally shot in Arlington, Texas appeared first on Caasimada Online.
  19. Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadday in ay madax dhaqameed ka tirsan bahda dhaqanka ee reer Somaliland u diyaarisay in ay u dirto dejinta iyo wax ka qabashada xaaladda Gobolka Sool oo maalmihii ugu dambeeyey kacsanayd kadib muddo laba toddobaad ah oo dagaalo ka socdeen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo hareeraheeda. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo shalay si rasmi ah xadhiga uga jaray carwada Ganacsi ee sannadlaha ah ee ay soo diyaariso xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in ay ka xukuumad ahaan diyaariyeen qorshe ay ugu talo galeen in ay ku wajahaan xal u helidda xaaladda kacsan ee ka taagan magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, isaga oo ku xigeenka Madaxweynaha Somaliland xusay in ay Madax-dhaqameed u dirayaan Gobolkaasi kuwaasi oo wada xaajood kala yeelan doona mashqada taagan dhiggooda garaadada Gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Cid Kasta oo cadaw ah oo ka xun horumarka Somaliland waxa aan leeyahay waad ku daalaysaan in aad horumarkaasi ka dagaalantaan oo aad is tidhaahdaan lugaha soo qabta. Waxa aan leeyahay Somaliland dad iyo dal isku xidhan oo Ilaahay mooyee aan cid kale kaalmo waydiisan oo dalkoodii dhistay weeyaan. cid wax u dhimi kartaana Ilaahay weyn ee awooddaasi siiyay mooyee cid kale oo wax u dhimi kartaa ma jirto. Waxa aan leeyahay cid kasta oo Somaliland ku hamiyaysa in ay xumaan u gaysato way ku daalaysaa ee haka waantowdo. Waxba haku daalina Ayaan leenahay shirkiinana alle ha idinku celiyo. Dhibta gobolka Sool taallaana way dhammaan. Shaydaan baa ka adeegay way dhammaanaysaa. Annagu haddii aan xukuumaddii nahay waxa aan diyaarinay dhaqankii Somaliland oo halkaa tagaya oo u tagaya walaalahoodaa kale ee Garaadada reer Laascaanood ee ay sida kale wax isku tustay. Waxaan u diraynaa in ay kala soo xaajoodaan oo aan siinay full maandhayt baan siinnay. Sababta oo ah xaggaasi maanta waxa ka talinaya garaado dhaqan ah. Markaa waxaan leenahay gadhba gadhbaa la tusaaye waxaan leenahay xukuumaddii aad ka cabanayseen idiinma iman. Idiin maanaan soo dirin waxaan idiin soo dirnay. Garaadadii idiin dhigmayay. Waxa aan idinka codsanaynaa walaalayaal oo Ilmaadeerayaal inaad soo fadhiisataan oo aad aqbashaan ergadaasi aan idiin soo dirnay oo wixii jira aad ka wada hadashaan. Taasi Ayaan idinka codsanaynaa haddii aan xukuumaddii nahay”. Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Source
  20. Senatorrada dhalasho ka soo jeeda qaybo ka mid ah gobolka Sool ayaa dorraad oo Salaasa ahayd waxa ay guddoonka Golaha Aqalka Sare ee dawladda Soomaaliya u gudbiyeen mooshin la xidhiidha xaaladda ka taagan gobolka Sool oo ay doonayeen hab beelaysan in Golahaasi u eego qaddiyadda dagaalka Mahaalada magaalada Laascaanood kaasi oo ugu dambayn fashilmay kadib markii Shir Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya dib u dhigay Mooshinkaasi in laga hadlo wakhtigan. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ayaa kalfadhigii dorraad ka sheegay in mooshinkaas ay qabteen, balse ay dib u dhigayaan kadib codsi laga daba keenay, sida uu sheegay. Kaasi oo meesha ka saaray in wakhtigan laga hadlo mooshinkaasi ay keeneen Xildhibaano dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Laascaanood. “Waxa jira mooshin ay keeneen Senatorada arrinta Sool iyo Laascaanood ku saabsan, mooshinkaas waa qabanay laakiin codsi ayaa ka daba-yimid oo ah in dib loo dhigo markaa dib ayaa u dhignay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Shacbaan oo ah ku xigeenka kowoaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalkaasi Soomaaliya. Waxa uu intaas kusii daray “Marka uu xiligiisa soo dhameysto ee nidaamkiisa uu soo dhameysto ayaa isagana dib idinka soo wadaageyna. Wixii idinka noo qaadan ayaa sharci ah, anaga shraci ayaa ku shaqeynayna nidaam ayaa raaceyna gole ayaa nahay.” Mooshinkan laga gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa imanaya, xilli uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo kooxo huwan ah oo ku soo xad gudbay qaranimada Somaliland dhibaatana ka wada magaalada Laascaanood. Ma aha markii ugu horraysay ee Mooshin ka socda Magaalada Laascaanood la keeno golayaasha shacabka iyo Aqalka sare ee dalkaasi Soomaaliya kuwaasi oo ay keeneen xildhibaannada ka soo jeeda dhalasho ahaan Laaascaanood, mooshinadaasi oo fashilmay. Source
  21. Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hay’ad ka tirsan hay’adaha xukuumadda Somaliland waxa ay eedo culus ugu soo jeedisay in ay cid kale u gudbisay masuuliyadda iyo hawshii ay qaranka ugu xil saarnayd isaga oo xusay xisbigu in hay’addaasi haddii ay wareeisay masuuliyaddii loo ogmaday aanay jirin sabab ay miisaaniyad u qaadato iyo sidoo kale jiritaankeeduba. Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme waxa uu dhaliilo u soo jeediyey Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland taasi oo uu ku tilmaamay hay’ad aan waxba umadda ugu filnayn shaqadii ay u xil saarnaydna ku wareejisay Kambani dibadda laga leeyahay oo shisheeye. Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme oo qoraal kooban ku baahiyey degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu yidhi sidan: “ Ha’yad shaqadeedii Shirkad ku wareejisay ? Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland waxay Masuul ka tahay Hubinta Badeecadaha Dalka soo galaya, shaqadii hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmetics) waxa la wareegtay Shirkadda COTECNA 15 March 2022. Sida ku cad XEER LR 68/2014, Qodobka 7(12) waxa waajib ku ah Abuurida Shaybaadh qaran (National Laboratory System) madaama la wareejiyay shaqadii muxuu faa’iido leeyahay jiritaanka Ha’yadda Dhawrista Tayada ? shaqadii Shaybaadhka ee Xeerku ku waajibyay maxaa loo wareejiyay? Hay’adda Tayada Miisaaniyadeedu waa 11,755,676,947 SLSH !” ayuu qoraalkiisa ku soo gabogabeeyey Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme. Si kastaba ha ahaatee hore waxa eedo loogu soo jeedin jiray hay’addan oo dad badani ku dhaliilaan sida aanay shaqadeedu waxba uga baddalin nolosha shacabka Somaliland iyada oo dadku inta badan ka cawdaan tayo xumada cuntooyinka dalka loo soo dhoofiyo iy sidoo kale waliba daaawooyinka oo lagu tilmaamo kuwo tayo xun oo saamayn caafimaad darro dalka ku keena. Masuuliyiinta hay’adda dhawrusta tayada Ayaan wali ka hadal eedaha uga yimid xisbiga mucaaridka ha ee WADDANI. Source
  22. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka aroortii hore tiro madaafiic ah lagu garaacay qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo cabsi xoogan ku beertay dadka deegaanka. Ku dhowaad illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen bartamaha magaalada, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Weerarkan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamada Somaliland oo weli dagaal kula jira ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale waxaa magaalada laga maqlay rasaas teel teel ah oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac ee isku horfadhiya magaaladaasi. Xaaladda ayaa haatan sidii hore ka dagan, inkastoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo horjeedo ee dadka deegaanka. Dhinaca kale waxaa socdo dadaallo la doonayo in lagu kala qaboojiyo xiisadda labada dhinac, si ay u dhaqan-gasho xabad-joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland. Dagaalka Laascaanood ayaa kor u dhaafay illaa 10 cisho, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada. Waxaa sidoo kale barakac sameeyay dadka deegaanka, kuwaas oo ay haatan soo wajhaday xaalad adag oo nololeed, maadaama aysan heysan hoy iyo wax ay cunaan. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Madaafiic lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.