-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somali capital of Mogadishu experienced demonstrations by families whose members were either detained by the federal's security and spy agency or went into voluntary exile as purges on former officials gains momentum. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay magacaabidii Ergeyga Soomaaliya ee arrimaha Somaliland, xilkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed. Inta badan dadkii faallada aragtidooda ku dhiibtay qeybta commenti-ga ee bogga Facebook-ga Villa Somalia waxay taageereen magacaabida Cabdikariin Guuleed, qaarbaa arrintaan la aaday xisadda Laascaanood ee ka dhaxeysa SSC iyo Somaliland, halka dadka qaar ay madaxweyne ku tilmaameen nin ay ka go’antahay in saaxiibadiis uu meeleysto. Caasimada Online waxay soo uruurisay qaar ka mid ah commentiyadii laga dhiibtay dikreetada ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu magacaabay Cabdikariin Guuleed, gaar ahaan waxaan soo xulanay faalooyinkii asluubeysnaa. Hoos ka eeg qof kasta magaciisa iyo aragtidii uu dhiibtay: Maxamed Cali Geelle ayaa yiri “Waa ninkii soo bilaabay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland waagii uu Wasiirka Arimaha Gudaha ahaa, waana ninkii is hor fadhiisiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo.” Axmed Gaashaan, “Mr. Gulleed back to the stage Masuuliyada Alle hala qaado hana ku guuleeyo.” Hanad Karaama “Waa tallaabo bogaadin mudan, waana aragti wanaagsan in wadahadallada gobollada waqooyi dib loo soo celiyo, Mahadsanid Madaxweyne.” Cabdulqaadir Axmed Gaaciye “Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu ku kacayaa khiyaano qaran, waana shirqoon kadhan ah midnimada iyo qarannimada #Soomaaliya magaabistaan laga soo abaabulay #Jibuuti, maanta wax la yiraahdo #Somaliland majiraan waxaa jiro qabiilo Soomaaliyeed oo reer waqooyi ah, iyagiina maanta isdilayaan, halkii diiradda la saari lahaa qabiilka khaldan ee soo duulay in reer #SSC la dhabarjayo waa cadaawad muuqato oo aan la qarsan.” Ibraahim Cabdishakuur Mire ayaa yiri, “Congratulations, H.E Abdikarim Hussein Guled Waa oday Soomaaliyeed oo wada-hadalkaas hogaamin kara.” Sunni Careys Feyte “Somaliland ninkii keeni lahaa is coming, xaajo yaqaan, afmaal ah, oo miiska uu fadhiisto micno ka keeni kara Abdikarim Hussein Guled Hamabalyo Madaxwayne.” Saacid Cali “Ninkaan arrimaha Somaliland waa ku fiican yahy 2013-kii markuu Wasiirka ahaa meel fiican ayuu soo gaarsiiyay hoosha.” Xalwo Xirsi Kaarshe “Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waa xariif wlhi, Musharixiintii uu kursiga kaga guulaystay wuxuu ka dhigay wada Ergayo.” Cabdirisaaq Cismaan Xirsi “Xasan Sheekh waa ninka colaada heerkaas gaadhsiiyey, Somalia gacantiisa ayey ku burburaysaa mar labaad, maleeshiyada gooni u goosadka ah ee SNM meeqa ayaad wadahadal beena kula jirtay? Xasan Sheekh waa cadowga koowaad ee reer SSC, waana ku ognahay insha Allah, waana kula xisaaabtami doonaa inaad dhiigayaga ku faraxsantay waanu ognahay.” The post Falcelin cajiib ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay GUULEED appeared first on Caasimada Online.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, waa aabbaha 7 dhalinyaro ah oo 5 kamid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, halka labada kalena ay ku bexeen gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Labada wiil ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Jaamac Maxamuud Ceyrow iyo Faarax Maxamuud Ceyrow waxay kamid ahaayeen ciidamada militariga Soomaliya, dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa lagu dilay Muqdisho. G/Sare Maxamuud Ceyrow iyo afar dhalinyaro ah oo uu dhalay ayaa hadda ka tirsan ciidanka dowladda ee Al-Shabaab ka xoreynaya dalka, waxayna ku sugan yihiin degmada Xarardhere ee gobolka Mudug oo dhowaan ay dowladdu ka xoreysay Al-Shabaab. Aabahaan iyo afar ka mid ah dhashiisa ayaa ka mid ahaa ciidankii xoreeyey Xarardheere, halka kan kale uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuba ka tirsan yahay ilaalada xarunta baarlamanka ee Galmudug. Waa saddex gabdhood iyo labo wiil, marka lagu daro Faarax iyo Jaamac oo la dilay, sidaas ayey ku noqonayaan toddoba. Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay ku suuragashay in reerkan oo dhan ay noqdaan ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sababaha ku kaliftay. Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, ayaa la weydiiyey su’aashaas wuxuuna ku jawaabay, “Xilli aan ku nooleyn Xarardheere aniga iyo ilmaha aan dhalay ayey Al-Shabaab soo galeen degmada, aniga waxaan aad u diiddanaa aragtidooda, waxay iigu baaqeen in aan iyaga ku biiro waana ka diiday, xilligaasi aniga oo haysta ciidan aan badneyn ayaan Al-Shabaab dagaal culus la galnay, markaas wixii ka dambeeyay magaalada ayaan isaga soo baxay.” G/Sare Ceyrow ayaa intaas ku sii daray, “Ilmahayga kuma aanan qasbin in ay askar noqdaan, balse iyaga ayaa door biday in ay iga barbar dagaallamaan intii ay gumeysi ku noolaan lahaayeen.” Sidoo kale sarkaalkaan wuxuu ka hadlay sida uu u arko in carruurtiisa ay ka barbar dagaallamaan, “Waxaan ku faraxsanahay in ilmahayga ay diyaar u yihiin xoreynta deegannada dalka, ma jiro hal cunug oo aan dhalay oo dhahaya waxan ku noolanayaa meel ay joogaan Al-shabaab, ama shacab ayaan ahaanayaa ee ha I dilaan ama ha I daayaan, dhammaandood waxay doorteen in ay u noolaadaan si geesinimo leh,” ayuu yiri. The post Aabe iyo 7-carruurtiisa ah oo ciil dartiis ugu wada biiray ciidanka DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta dab la qabadsiiyay deegaanka Huldooyaale oo dhaca koonfurta gobolkaas. Deegaankan oo hoostaga degmada Baxda ayaa waxaa gubay maleeshiyaad la sheegay inay soo abuuleen Al-Shabaab, kuwaas oo dab qabadsiiyay guryo ay daganaayeen shacab. Ujeedka arrintan ka dambeeya ayaa waxaa lagu sheegay inay koxoda gol-leeyahay inay ku fashiliyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee haatan ka socda gobollada dalka. Guddoomiye ku xigeenka maamulka magaalada Baxda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha lagu gubay Huldooyaale ay ka dambeeyaan Shabaab. “Waxay Khawaarijta ugu talagashay inay dagaallada Soomaaliya ka socda oo iyaga lagu dabar goynayo inay ku xagal daaciyaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baxdo. Sidoo kale mid kamid ah saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, ayaa isuguna sheegay in maleeshiyaadka fuliyay dhacdadaan ay fuliyeen amar ay soo siiyeen Al-Shabaab, isla-markaana qorshahooda uu yahay fashilinta dagaalka gobolka Mudug. “Dadka meeshaan gubay waxay u egyihiin dad lasoo faray xilligan laguma jiro mar qabiil qabiil loo diriro, waxaan tan u aragnaa in lagu fashilinaayo wejiga labaad ee dagaalka,”. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan eedeyntan cusub ee loo jeediyay. Si kastaba, Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray. The post Sawirro: AL-SHABAAB oo billowday xeelad ay uga hortageyso dagaalka DF appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen kadib gacanta kusoo dhigay laba nin oo ku eedaysane in ay dhac ka geysanayeen degmadaas. Labada eedaysane ayaa lagu qabtay mooto bajaaj iyo bistoolad caag ah oo ay ku cabsi gelin jireen dadka si ay dhac ugu geystaan sida uu sheegay Booliiska Saldhiga degmada Waaberi. Taliska guud ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa laga soo xigtay in labada eedaysane baaritaan lagu samaynayo kadibna sharciga la marin doono haddii ay ku caddaato eedaynta. PUNTLAND POST The post Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay laba eedaysane oo loo haysto dhac appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeya Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin sixir ku dhici jiray shacabka magaaladaasi. Ninkan lagu magacaabi Xamse Yuusuf Maxamed ayaa Booliska uu sheegay in qaab sixir ah uu ku dhacay hanti fara badan, isla-markaana dabagal dheer kadib lasoo qabtay. “Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska. Xamse Yuusuf oo ah eedeynaha lasoo qabtay ayaa laga soo xiray hoteel ku yaalla bartamaha Hargeysa, waxaana lasoo bandhigay Baastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah moobeelo iyo agabyo kale oo yiilay qolka uu ka daganaa hoteelka. “Eedaysanahan oo mudo ku dabo jireen ciidankan Boolisku waxay so qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah huteelada magaalada Hargeysa oo uu daganaa mudo laba sano ah, waxaana isla gobtii lagu tagay Baastoolad,Dahab iyo Maar isku jira,Geed sixir ah, 17 mobile oo noocaya yar yare ee dan ka hadasha ah,5 xabo oo nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland Iyo Document kale,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ee taliska Booliska. Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu muddo labo sano ah daganaa hoteelka laga soo qabtay, taas oo dad badanla yaab ku noqotay. Ugu dambeyn Booliska magaalada Hargeysa ayaa fariin u diray shacabka ay maqan yihiin alaabta tirada ee lagu soo qabtay ninkaasi, ayadoo loogu baaqay inay yimaadaan taliska “Fadlan Cidii garata Alaabtaasi ee ay ka maqanyihiin ha la xidhiidhaan Xafiiska Baadhista Saldhiga dhex Ee Hargeysa,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Booliska Somaliland. Dhacdaan ayaa la yaab ku noqotay, waxaana aad loogu baahayay baraha ay ku wada xiriirto bulshada oo ay su’aallo isku weydiinayay inta badan dadweynaha. The post Sawirro: Nin sixir hanti badan uga dhacay magaalada Hargeysa oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Waabari, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmadaasi, sida uu shaaciyay taliska Booliska. Howlgalkan oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa lagu soo qabtay laba eedeysane oo ku sugnaa degmada Waabari, isla-markaana ku howlanahaa dhaca dadweynaha “Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey degmada dhexdeeda 01-04-2023 abaaro 21:00pm” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mid kamid ah eedeysanayaasha uu ka tirsan ciidamada lagu so tababaray Eritrea, isla-markaana uu watay bistoolad, halka kan kalena uu ahaa darawal mooto Bajaaj ay ka socdeen alabada nin ee howlgalka lagu soo qabtay “Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad, wuxuuna sheegay inuu ka tirsanyahay ciidanka C.X.D ee lagu soo tababaray dalka Eretaria, halka kankalana uu wade ka ahaay mooto Bajaaj ay adeegsanayeen” ayaa markale lagu yiri warka Booliska. Taliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay lagu xiray saldhigga Waabari, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay faraha kasii baxaysay, waxaana ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac. Sidoo kale waxaa sii dheer oo ay reer Muqdisho dhibaato weyn ay ku qabaan kooxo ciyaal-weero ah oo ka jira qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa haatan wada howlgallo culus oo lagu sugayo amniga, lagulana dagaalamayo burcadda hubeysan iyo kooxaha ciyaal-weerada. The post Ciidanka ammaanka oo rag hubeysan ku qabtay Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabaan Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergayga arimaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee AMISOM loo beddelay ATMIS. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aaddan nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika ayaa halkii sano ee lasoo dhaafay ku howlgelayey magaca ATMIS. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumar laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo dalka ka mid ah. Wuxuu sheegay in magaalooyinkaas ay hadda xor ka yihiin kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dowladdu ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada. “Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. R/Wasaaraha ayaa sheegay xukuumadiisu ay dagaalka Argagixisada ku wajahday dagaal saddex jiho ah oo muhiim ah, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay horseedeen jab-xoog leh oo gaaray kooxda. Wuxuu intaas sii raaciyay in waddamada dariska la ah Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota. The post Sawirro: Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal kusoo biiraya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland. “Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland. Guuleed ayaa noqonaya masuulkii labaad ee saacadihii u dambeeyey uu xil u magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ka horeeyey oo galabta loo magacaabay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare. Waa laba nin oo miisaan siyaasadeed o oculus ku leh Soomaaliya, aadna xog ogaal ugu ah arrimaha loo xilsaaray iyo guud ahaan xaaladda dalka, Waare ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha samafalka, nabadeynta iyo hee madaxweyne dowlad goboleed. Halka cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. The post Madaxweyne Xasan oo siyaasi weyn u magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee AMISOM loo beddelay ATMIS, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aadden nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayey horumarka laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo muhiim ah, kuwaas oo hadda xor ah, dowladduna ay ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada. “Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Xukuumadda DanQaran oo dagaalka Argagixisada ku wajahday dagaal saddex Jiho ah oo muhiim ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay horseedday jab-xoog leh. Waxa uu intaa raaciyay in waddamada dariska ah ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirka Khawaarijta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada Caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada. Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey Argagixisada u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mennesota (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ugu faafay in wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya uu iska dhiibay dalka Canada, balse hadda wuxuu bixiyey wareysi uu uga jawaabayo wax aka jira arrintaas. Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdixakiin Jimcaale Aadan ayaa isagoo ku sugan Mareykanka wuxuu beeniyey warka sheegaya inuu iska dhiibay dalka Canada. Wuxuu sheegay in dalka Mareykanka ay tageen isagoo qeyb ka ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineysay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo shir caalami ah uga qeyb galay xarunta Qaramada Midoobey ee New York. Sidoo kale Wasiir Cabdixakiin ayaa sheegay in marnaba uusan u safrin, isla markaana uusan u socan dalka Canada, isagoo shaaciyey in saacadaha soo socda uu u safrayo Muqdisho. “Aniga xitaa waan la yaabay warkaas markaan arkay, hadalkaas waa marin habaabin, hadda waxaan joogaa Mareykanka, waxaana u socdaa Muqdisho, qolada iga been abuurtana waan garanayaa waan la xisaabtamayaa markii aan dalka ku laabto, marnaba qorshaha iiguma jirto inaan Canada aado, waxaan u socdaa Muqdisho,” ayuu yiri Cabdixakiin Jimcaale. Wasiir Cabdixakiin oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey sababta uu uga haray wafdigii wasaaradiisa ee wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay hoggaamineysay. Wuxuu ku jawaabay in Soomaalida ku nool Minnesota uu soo booqanayey, isla markaana uu kula kulmay dad isku xiran oo ka wareystay xaaladda dalka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda muhiimadda koowaad ay siineyso xukuumadaan. Mar la weydiiyey sida uu u arko iyo hadii uu kala kulmo falcelin uusan ku farxin booska loo magacaabay ee wasiir ku xigeenka haweenka Soomaaliya ayuu ku jawaabay inuu aad ugu faraxsan yahay booskaas, isla markaana uu ka mid yahay masuuliyiinta loo igmaday inay hoggaamiyaan haweenka Soomaaliyeed oo aad muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Maxaa ka jira in wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza uu iska dhiibay Canada? appeared first on Caasimada Online.
-
HARGEISA, Somalia (Caasimada Online) – In response to international criticism, particularly from the United States, Somaliland Foreign Affairs department issued a statement reiterating the right of the self-declared republic to defend its territorial integrity. The statement praised “the restraint and professionalism” of Somaliland’s Armed Forces, even as violence in LasAnod continues to escalate. “The Republic of Somaliland has the right to defend its territorial integrity, and our Armed Forces have been doing so with restraint and professionalism,” the statement read. It further accused external forces of interference in the conflict, alleging that the ceasefire principles had been violated despite Somaliland withdrawing troops from LasAnod. Somaliland alleges of involvement by armed groups Somaliland claims armed groups, including Al-Shabaab, Puntland Security Forces, and the Somali National Army (SNA), are involved in the LasAnod conflict. Puntland and the Danab Special forces, a contingent of the SNA, has repeatedly denied these accusations. Over 200 lives have been lost in the ongoing fighting between Somaliland security forces and the SSC-Khatumo forces, who advocate for self-determination. Many LasAnod residents prefer administration by Mogadishu rather than Hargeisa, the regional capital of Somaliland. US expresses concern, calls for withdrawal The United States voiced concerns over the escalating conflict and urged Somaliland to withdraw its security forces from LasAnod. Additionally, the US supported efforts by the Somali Federal Government to mediate the conflict through traditional elders. “We call on Somaliland to pull back its security forces as a demonstration of its commitment to these principles. We call on the militias in LasAod to refrain from any offensive actions against Somaliland forces,” the US statement read. The US also welcomed Somaliland President Bihi’s commitment to meeting with the delegation of elders in Hargeisa. The United States noted with concern the delayed presidential elections in Somaliland since November 2022, which surpasses the timeline outlined in Somaliland’s constitution. The US called on Somaliland authorities to establish a clear timeline and conclude the elections as soon as possible. The struggle for LasAnod Since yesterday, the city of LasAnod has been bombarded by Somaliland troops attempting to retake the city from local community fighters. These fighters are advocating for a separate state under Somalia’s Federal System. The fighting, which began on February 6 and continues sporadically, caused significant damage to infrastructure and homes. The mayor of LasAnod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes. The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle. The post Somaliland resists US pressure in LasAnod conflict appeared first on Caasimada Online.
-
Bacaadweyn (Caasimada Online) – Xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Mudug, gaar ahaan aagga uu dagaalku ka socdo ee koonfurta gobolka Mudug. Ugu yaraan laba nin ayaa saacadihii lasoo dhaafay iska dhiibay aagga magaalada Bacaadweyn ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda, daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab ay isku hor fadhiyaan. Ragga ka soo goostay Al-Shabaab ee galabta lasoo bandhigay waxaa lagu kala magacaabaa Bishaar Shardi Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Xaasey) iyo Yuusuf Suleymaan Abuukar oo isna magaciisa afgarashada uu ahaa Salaaxu-diin. Raggaan oo muddo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan ku heyteen duurka gobolka Mudug, halkaas oo dhowr bilood ay kula dagaalamayaan ciidanka qaranka. Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo gacanta ku haya raggaan isku soo dhiibay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaad badan ay qorsheynayaan inay ka soo goostaan kooxda, balse ilaalo adag la dul-dhigo ama la dilo kii looga shakiyo inuu is dhiibayo. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kordhay Shabaab-ka isku dhiibaya ciidamada dowladda, markii laga soo tago xubnaha sida is-dabajoogga ah isaga dhiigay Galmudug, waxaa jira xubno kale oo iska dhiibay gobolka Bay. Todobaadkii ugu dambeeyey ku dhawaad 10 dagaalame ayaa iska dhiibay aagga Baydhaba, waxayna wareysiyada lala yeeshay ku sheegeen inay dhiibaato badan ku qabeen ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, isla markaana ay ku soo goosteen si dirqi ah. Kooxahaan ka soo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, wuxuu go’aankoodu ku soo aadayaa xilli aad u xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo inuu noqdo kii lagu soo afjari lahaa Al-Shabaab ama aad loogu dhimi lahaa awoodooda. Qof kasta oo ka soo goosta Al-Shabaab ama la qabto isagoo aan dil geysan waxaa jira nidaam ay u dejisay dowladda Soomaaliya oo qaar ka mid ah wadamada caalamka ay ka taageeraan. Nidaamkaas ayaa dhigaya in isisoo dhiibaha hubka laga dhigo oo loo sameeyo dhaqan celin iyo xaqiijin inuu ka tanaasulay fikirka xagjirka ah, waxaana lagu xareeyaa xeryo si adag loo ilaaliyo oo ay ugu weyntahay Xero Sarandi oo ku taalla Muqdisho. The post Sawirro: Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda appeared first on Caasimada Online.
