-
Content Count
213,196 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DAWLADIHII QARANKA S. LAND SOO MARAY WAXA MAR KASTA DHIBAATO KU AHAA XILDDOON. Dawladihii s. Land soo maray waxa dhibaato weyn ku ahaa qof xil doonaya iyo qabiil u doonaya, markuu xilka gudanwaayo ee la eryona kooxdii keentay ayaa buuq abuuraysa. Dadka s. Land waa lix million in ka badan ilaa saddex million dad gaadhaya ayaa sare u eegaya inay dawladda wax ka helaan taasina waa ta suura gelisa inuu danaystuhu (siyaasigu) hadbba Weji u adeegsado shicibkaas dawladda wax ka sugaya. Waxa is weydiin mudan xilalku waa Immisa shaqaaluhu waa Immisa ma malaayiinbbaa jawaabtu waxay tahay xilalku waa intaas jirta shaqaaluhuna waa intaas joogto waana reer s. Land waxaanay u baahantay in dadka laga wacyigeliyo caqabadda XILDDOONKA iyo shaqaddoonka ah ee ay hor socdaan waayeelku. Waddanka waxa ku socda dagaal cadow oo dhan kasta leh waxaana waajib ah in difaaciisa dhan looga soo Wada jeesto oo aan lagu mashquulin maskabyo shaqsiyaad la siiyo iyo dano gaar ah maanta waa maalintii difaaca qaranka s. Land. MAHADSANID. CABDI BACAW GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa xalay u jeediyay dadweynaha Faransiiska iyo Yurub khudbad laga sii daayay telefishinnada oo uu ku soo bandhigay marxalada ay wajahayso Yurub, iyadoo waddamada Yurub ay isku diyaarinayaan xal u helida hubaantii la’aanta dammaanad qaadka amniga iyo isbeddelada ku yimid taageerradii uu bixin jiray Mareykanka. Intii uu khudbadiisa ku guda jiray, Macron wuxuu ku baaqay in dalalka Yurub ay kordhiyaan kharashka difaaca iyo qaabkooda, isagoo sheegay in Yurub ay tahay inay u diyaargarowdo inay kaligeed u baxdo difaaca Ukraine iyo inay qaaradda inteeda kale ka difaacdo Ruushka, markaasi oo uu ku baaqay shir ay isugu imaanayaan wasiirrada difaaca Yurub iyo taliyayaasha ciidammada, oo todobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Paris, inta uu socdo wuxuu sheegay in looga hadlayo horumarinta nukliyeerka iyo dib u hubeynta Yurub, iyo sidoo kale suurtagalnimada in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Ukraine si ay u xoojiyaan dammaanad qaadka ku jira qorshaha xabbad-joojinta. Macron, wuxuu caddeeyay inay dhaqangelinayaan baaqa ka soo baxay hoggaamiyaha Jarmalka ee dhawaan xilka la wareegaya ee Friedrich Merz, oo horey ugu baaqay in Faransiiska iyo Ingiriiska oo ah labada dal ee Yurub oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka inay billaabaan ballaarinta hubka nukliyeerka ee difaaca Yurub, tan oo loola jeedo in waddamada Yurub la geeyo madaxyo nukliyeer ah si ay u noqdaan gaashaan looga fogaado iskuday kasta oo weerar. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Faransiiska oo dalalka Yurub ugu baaqay diyaar-garowga in ay iska difaacaan dowladda Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarado dagaal oo ay leedahay Itoobiya ayaa duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi. Duqeymahan oo aan khasaaraha ka dhashay la shaacin ayaa noqanaya kuwii ugu horreeyay ee ay Itoobiya fuliso muddo sanado ah, lamana oga in dowladda Soomaaliya codsatay iyo in kale. Duqeymahani waxay ku soo beegmayaan xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Ciidanka Itoobiya goballada Gedo, Baay, iyo Bakool looga soo wareejin lahaa, loona keeni lahaa deegaannada Hirshabelle. Source: goobjoog.com
-
Ammin dheer ayaa geyiga Soomaaliyeed dagaal ka socday, dagaalkaasoo la kowsaday gobonnimadii Soomaaliya iyada oo 4 jir ah, ayaa dagaal culusi dhexmaray 1964-65 dowladdii Madaxweyne Aadan Cadde hoggaaminayey iyo Xabashida. Dagaalkaasi ma ahayn kii Soomaali iyo Xabashi dhexmara kii ugu horreeyey, ee dagaal dowladnimo lagu galay kii ugu horreeyey ayuu ahaa. Waxaa jiray dagaallo dhexmaray Boqortooyadii Ajuuraan iyo Xabashida, sidoo kale Boqortooyadii Adal iyo Xabashida, Boqortooyadii Immaamatu Hiraab iyo Xabashida, Dagaalyahankii Sheekh Xasan Barsane iyo Xabashida, Dowladdii Soomaaliya iyo Xabashida. Soomaalidu cadowga koowaad ee ay lahayd waxa uu ahaa Xabashi, marar badan oo lays fara saarayna Soomaalida waxaa ka hiiliyey dowladdo Yurubiyaan iyo reer Galbeed ah, sida Boortaqiiska oo 1420meeyadii la safnaa Xabashida iyo Ruushka iyo Soofiyeetkii oo lays fara saaray 1977/78. Kaddib burburkii Dowladdii Rajiimkii keligii taliye ahaa waxaa dhacay dagaallo beelaysan oo u dhaxeeyey beelaha Soomaaliyeed, dagaalladan oo burburiyey guud ahaan dalka abuurayna qalalaase iyo colaad sokeeye oo ballaadhan. Kala qixii iyo kala cararkii bulshada Soomaaliyeed waxaa fursad helay dalal markii horeba dano gaar ah ka lahaa dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo si weyn u dhiirigelin jiray colaadaha sokeeye iyo inay kala dilaan bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo sidaasi jirto ayaa bulshada Soomaaliyeedna waxgaradkeedu dedaal ugu jiray yabyab iyo dib u dhis dowladeed si haykalkii iyo muuqalkii dalka iyo dadka dib loogu soo celiyo. Halkaa markii arrin marayey waxaa la abuuray kooxo xagjir ah oo xambaarsan magaca diinta islaamka, kuwan oo habkii hore iyo hawlihii la yaqaanay kuwo ka duwan la gole yimid. Soomaalidu waxay isku dili jirtay, dakano iyo daano kala gaadha, deegaan iyo ceel laysku qabsado, hanti iyo haween iwm. Wixii ka dambeeyey 80meeyadii waxaa bilowday dagaal siyaasadeed beelaysan oo ay hadba beesha xukunka haysaa iyadu dowladeyso kuwa kalena mucaarad hubaysan noqdaan. Arrinkan waxaa aas aaskiisa lahaa ciidankii Af gambiyey dowladdii shacabka 1969kii, kuwaasoo isu bahal geliyey dadkii Soomaaliyeedna kalsooni xumo iyo nacayb dhex dhigay, jeer ay abuurmeen jabhaddo beelaysan oo ugu dambayn 1991 xilka ka tuuray Rajiimkii kelitaliska ahaa. Hadda maanta 2025 waxaa socda dagaal ka dhan ah kooxaha xagjirka kaasoo ay dowladda Federaalku bilowday sannad iyo dheeraad ka hor, isagoo ay ciidanka xoogga ee dowladda Federaalka iyo dadka deegaanku duulaan ku qaadeen kooxaha xagjirka ah ee banneysta dhiigga bulshada Soomaaliyeed. Hadda waxaa dhawaan ku dhiiraday gobollada Bariga Soomaaliya iyo maamulkooda iyagoo raacay isla jidkii dowladda Federaalku jeexday ee ahaa in ciidanka maamulka iyo kuwa deegaanku duulaan ku qaadaan kooxo tiro ahaan ka yar Alshabaab oo ku dhuumaalaysanayey dhawr buurood ee u dhaxeeya gobolka Bari iyo Sanaag. Ugu dambeyn dagaal ay dhanka cirka ka taageerayaan dowladdaha Soomaaliya la saaxiibka ah iyo ciidanka Daraawiishta Puntland iyo dadweynaha ayaa ku guuleystay inay ka adkaadaan kooxda Daacish oo dhibaato ku haysay gobollada Bari iyo Nugaal. Hubaashii dhiiranaantii ciidanka xoogga iyo Macawisley waxa ay noqotay mid lagu daydo. Keliya waxaa hadda aan tallaabo muuqata qaadin gobollada Koonfur galbeed iyo Jubbooyinka oo ay weli ku sii hadhsan yihiin kooxaha Alshabaab kuna leeyihiin awood muuqata. Dagaalka Argagixisadu waxa uu marayaa gebogebo, libinteeda iyo ammaanteedana waxaa leh dowladda Federaalka oo iyadu bilowday dadweynaha ku dhiirigelisay. Cabdiraxiin H Galayr The post Dagaalka argagixisadu waxa uu marayaa gebo-gebo appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — U.S. Africa Command (AFRICOM) has confirmed conducting ten airstrikes in Somalia in 2025, as of March 5, following an inquiry from the American liberal think tank New America. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu, Somalia – The United States has halted funding for the Danab special forces unit of the Somali National Army (SNA) and significantly reduced aid channeled through the US Agency for International Development (USAID), Somalia’s Finance Minister Bihi Iman Egeh told parliament on Wednesday. He warned that the sudden funding cuts have severely strained the national budget, threatening to destabilize the country’s fragile security situation and development efforts. The Danab brigade, a specialized unit of the SNA, was established with US training and support to combat terrorism and stabilize Somalia. “The biggest burden the government faces at this time is the loss of U.S. funding previously allocated to the Danab forces,” Egeh stated. The cessation of support threatens to undermine the unit’s operational capacity, which has been crucial in the fight against Al-Shabaab, the Al-Qaeda-linked militant group that controls swathes of Somali territory. The Danab forces have been a key component of Somalia’s security strategy, receiving extensive training and equipment from the US military since their inception in 2014. This partnership aimed to bolster Somalia’s capacity to take on the primary responsibility for its own security. The unit’s effectiveness has been widely acknowledged, so the abrupt withdrawal of funding is a significant setback for Somalia’s counterterrorism efforts. Al-Shabaab, which has waged a relentless insurgency for over a decade, continues to pose a significant threat to regional stability, and the Danab forces have been instrumental in pushing back against their advances. Impact on aid and development According to the finance minister, the funding cuts also extend to USAID programs, impacting crucial aid and development initiatives. This reduction has exacerbated Somalia’s existing economic challenges, which are compounded by recurring droughts, floods, and food insecurity. “The reduction in funding has also affected aid and development programs, further exacerbating the country’s economic challenges,” Egeh added. According to the Ministry of Finance assessments, Somalia has lost approximately $1.5 billion in annual aid, increasing the financial pressure on the government. “We must work together to accelerate tax reforms, manage foreign aid efficiently, and leverage available resources,” Egeh urged. “The reduction in funding is not limited to the United States alone, but is a global trend.” Somalia’s reliance on international aid is substantial, reflecting decades of state fragility and conflict. USAID programs have provided critical support in sectors such as health, education, and agriculture, addressing the basic needs of a population struggling with poverty and displacement. The reduction in these programs will likely significantly impact vulnerable communities. Economic crisis looming The finance minister warned that Somalia is on the brink of a severe economic crisis and called on the government to prepare for the potential impact. “Some of the reasons for the reduction in aid are related to changes in political priorities in Washington,” Egeh stated. He also indicated that funding declines predated the current US administration. The U.S. has historically been a significant provider of military and humanitarian assistance to Somalia, given the country’s ongoing conflict with Al-Shabaab and its vulnerability to recurring droughts and food crises. The reduction in aid has had dire humanitarian consequences. The World Food Programme (WFP) warned that an additional one million people in Somalia could face crisis levels of hunger in the coming months due to an anticipated drought and existing funding cuts. This would increase the number of people experiencing acute food insecurity from 3.4 million to 4.4 million. The US engagement in Somalia is part of a broader international effort to stabilize the Horn of Africa and counterterrorism, a region of strategic importance due to its proximity to vital shipping lanes and its vulnerability to extremist influence. Somalia’s ongoing reliance on external support highlights the country’s fiscal vulnerability. The nation’s efforts to rebuild its institutions and establish a functioning economy are hampered by ongoing security threats and limited domestic revenue. The reduction in US funding adds to the existing challenges, raising concerns about the long-term sustainability of Somalia’s progress. Somalia now faces the challenge of finding alternative sources of funding to sustain its military operations and development programs amid mounting financial pressures. The post Somalia: US ends Danab forces funding, economic crisis looms appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlay dagaalka Khawaarijta, isagoo mucaaradka ugu baaqay inay meel iska dhigaan wax kasta oo la isku hayo, loona soo jeesto dagaalka Khawaarijta. Farmaajo ayaa sheegay qorshaha Shabaab ka wado Shabeellada Dhexe ay uga faa’iideysanayaan tafaraaruqa siyaasadeed ee dalka ka jira, sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo: Waajib ayey inagu tahay dhammaanteen in aynu garab istaagno Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, kuwaas oo kula dagaalamaya cadowga dhammaan furimaha dagaalka iyo goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe. Arrintani malahan muxaafidnimo iyo mucaarad ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah. Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, xalna loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka si loo sii labo jibaaro howlgallada sifeynta dalka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo Daacish oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sifeynayaan deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo dhiirri-gelinta ciidamada iyo abaabulka dadweynaha ee dagaalkan masiiriga ah, anigoo ugu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka, kana feejignaadaan marin-habaabinta iyo beenta ay faafinayaan argagixisadu. Ugu dambeyn, waxaan mar kale adkaynayaa sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda. The post Farmaajo oo shaaciyey hal arrin oo looga guuleysan karo Shabaab-ka soo galay Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in duullimaadyadaas la joojiyey laga billaabo 6da Maarso ilaa 12 Maarso. Inkastoo uusan war rasmi ah ka soo bixin sababta ay duullimaadyada u joojisay Turkish Airlines, haddana hay’adaha ka shaqeeya dhoofka ee jara tikidhada Turkish Airline ayaa loo sheegay shirkaddu hakisay duullimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka Aadan Cadde, kuwaasoo ay si maalinle ah ugu timaado Muqdisho, sidaa aywgeedna aysan muddadaas dhowrka maalmood ah jiri doonin wax duullimaad ah, sida ay xafiisyadaas u sheegeen BBC. Dhanka kale, shirkadaha sameeya duullimaadyada caalamiga ee garoonka Aadan Cadde sida Ethiopian airlines, Qatar Airways iyo Egypt Air ayaan iyagu sheegin in ay duullimaadyadooda joojin doonaan. Digniinta amni ee Maraykanka Talaabadan ayaa timid ayadoo maalin ka hor uu maraykanku markii labaad todobaad gudihiis soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa oo uu uga digayo inay u safraan Soomaaliya. “Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xiriira werarro ay dhici kartoin lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo u ku jiro garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyey ilaa ogeysiin dambe” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu sheegay in weli digniinta safarka ee heerka afaraad ee Soomaaliya ay tahay mid dhaqangal ah sababo la xiriira “dambiyo, argagixiso, rabshado shacab, arrimo caafimaad, afduub iyo burcadbadeednimo”. Waxay muwaadiniinta Maraykanka xusuusisay in ay jiraan khataro sii socda, sida afduubyo iyo qaraxyo. “Waxay qaadi karaan wakhti yar gudihiis ama digniin la’aan, ayagoo bar-tilmaameedsanaya garoomada dayaaradaha, dekedaha, baraha koontaroollada, dhismayaasha xukuumadda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha dukaamaysiga, iyo meelaha kale ee ay dadka badan isugu yimaadaan, ayna reer galbeedku u badan yihiin, iyo sidoo kale kolonyooyinka xukuumadda, milateriga, iyo reer galbeedka” ayaa lagu yiri qoraalka. Jimcihii, 28 Febraayo, ayaa sidoo kale isla safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay soo saartay digniintan oo kale, ayadoo qoraalkana uu la mid ahaa kii ay soo saartay 4 Maarso. Labada qoraalba waxaa la socda telefoonno ay muwaadiniinta Maraykanka wici karan haddii ay khatar la kulmaan. Maxay muujinayaan digniinaha Haddaba arrinta is-weydiinta mudan ayaa ah labada digniin ee Maraykanku uu ka soo saaray amniga meelo uu ka mid yahay garoonka Aadan Cadde iyo joojinta ay duulliimaadyadeedii joojisay shirkadda Turkish Airlines oo dhiillo muujinaya. Axmed cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga wuxuu qabaa inay jirto khatar aan la dhayalsan karin. “Digniinahan inta badan waxay muujinayaan inay jirto khatar amni oo suurtogal, taaso ka imaanaysa ilo sirdoon, maadaama xogahaas ay reer galbeedku ku arkeen khatar la mid ah kuwo hore loo arkay” ayuu yiri Kaboole. Wuxuu intaa ku daray in Turkish Airlines laga yaabo in ama gaar ay xog u heshay ama xogta amni ee safaaradaha ay wadaagaan ay soo gaartay. “ajaanibta Soomaaliya joogta xogta amniga way wadaagaan, Shirkadda Turkish Airlines-na waa shirkad weyn oo dayaaradaha ay Soomaaliya u soo dirto ay malaayiin dollar ugu fadhiyaan, waxaybna xaq u leeyihiin inay ka digtoonaadaan wixii dhibaato u gaysanaya shaqaalaheeda, rakaabka iyo daayaradahooda” ayuu sii raaciyey. Ariinta kale ee inta badan la is weydiiyo ee ah sababta aysan Soomaalidu u helin xogaha sirdoon ayuu Kaboole ku tilmaamay in aysan dhici karto inaysan haysan barnaamijyada kombiyuutar ee ay isticmaalaan sirdoonnada “taasoo saamayn ku yeelan karta awoodda ay ku heli karaan xogta khataraha”. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa joojiyay maalgelintii uu siin jiray cutubka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo sidoo kale balaayiin dollar oo deeqo ah oo horey loo marsiin jiray Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), waxaa sidaas maanta baarlamaanka ka hor sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Egeh. Guutada Danab, oo ah unug khaas ah oo ka tirsan CXDS, ayaa lagu aas-aasay tababar iyo taageero uu bixiyay Mareykanka si loola dagaallamo argagixisada loona xasiliyo dalka. Hase yeeshee, Wasiir Biixi ayaa ka digay in joojinta degdegga ah ee maalgelinta Mareykanka ay si weyn u wiiqday miisaaniyadda dowladda. “Culayska ugu weyn ee dowladda heysta xilligan waa luminta maalgelintii Mareykanka uu horey ugu qoondayn jiray ciidamada Danab,” ayuu yiri Biixi. Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhimista maalgelinta ay sidoo kale saameyn ku yeelatay barnaamijyada gargaarka iyo horumarinta, taasoo sii xoojisay caqabadaha dhaqaale ee dalka. Sida lagu sheegay qiimeyn ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda, Soomaaliya waxa ay lumisay qiyaastii $1.5 bilyan oo gargaar sannadle ah, taasoo kordhisay cadaadiska dhaqaale ee dowladda. “Waa in aan si wadajir ah uga shaqeyno dardar-gelinta dib-u-habeynta canshuuraha, maaraynta gargaarka dibadda si hufan, iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka la heli karo,” ayuu yiri Egeh. “Yareynta maalgelinta ma ahan mid ku kooban Mareykanka oo keliya, balse waa isbeddel caalami ah.” Biixi ayaa sidoo kale ka digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay dhibaato dhaqaale oo ba’an, isagoo ku booriyay dowladda inay si degdeg ah ugu diyaar garowdo saameynta ay yeelan karto. Waxa uu xusay in sababaha qaar ee dhimista deeqaha ay la xiriiraan isbeddelada mudnaanta siyaasadeed ee Washington, gaar ahaan kaddib dib-u-doorashadii Madaxweyne Donald Trump, wuxuuna tilmaamay in USAID, oo ah hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta iyo gargaarka bani’aadannimo, ay si weyn hoos ugu dhigtay taageeradeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa caqabadda raadinta ilo dhaqaale oo kale si ay u sii waddo hawlgalladeeda militari iyo barnaamijyadeeda horumarineed, iyadoo ay sii xoogeysanayaan culaysyada dhaqaale. The post DF oo xaqiijisay tallaabadii Mareykanka uu qaaday ee ciidamada Danab appeared first on Caasimada Online.
-
The president of the Republic of Somaliland Abdirahman Mohamed Irro today officially launched the education curriculum for prisoners serving sentences in the country. The president said the government will ensure prisoners get full education and learn different skills under the project initiated by the Ministry of Justice. The Somaliland leader said that this step is a clear testament of how the government is committed to protecting human rights, rehabilitation of the country’s prisons and facilitating the rehabilitation in the prisoners. This is the first time that a modified education system is implemented within the prisons of Somaliland, which will ensure that prisoners get educational opportunities that enable them to become employed once they complete the prison sentences. “This program provides inmates an opportunity to improve their knowledge and skills, which can help them to interact well after they finish prison,” said the President. He added: “The government is committed to protecting the rights of Somaliland citizens, developing skills and getting job opportunities.” “Access to education is a fundamental right, and education programs in prisons are being implemented to ensure this. Many people in prison don’t have a real education or job skills. This program will provide basic education, professional training, and ethical learning to increase their employment opportunities after they get out of prison,” said the president. He said the launching of the project is an important step towards the development of the justice system of the country, with a focus on reforming the prisons and rehabilitation of the prisoners. Somaliland reporter Qaran News
-
The East African country faced famine in 2022, but a scale-up in humanitarian assistance helped to avert catastrophe. Today, food insecurity on the increase once again, with 3.4 million people already acutely food insecure. That number is projected to rise by a full million, to 4.4 million between April and June – nearly a quarter of the population. According to the international food security classification system IPC, acute hunger is level three on a scale of one to five, with level five denoting famine and level four, severe acute malnutrition. High risk of mortality WFP believes that about 1.26 million children under the age of five need immediate support. Of that number, 466,000 will likely be severely acutely malnourished this year and at risk of death. “We have learned in Somalia from past experience that that delays can be deadly, and we need resources to provide support to these very vulnerable groups,” said WFP spokesperson Jean-Martin Bauer, speaking from Rome. He called on donors and partners to increase funding to the country of 19 million people. Poor harvest Two consecutive failed crop seasons last year resulted in harvests 45 per cent below-average yields, Mr. Bauer said. This is linked to consecutive climate shocks in Somalia, where poor rainfall depleted water sources and led to livestock losses. Weather forecasters predict another drought from April to June, while humanitarians warn that malnutrition is likely to worsen due to disease outbreaks and reduced food access. WFP has yet to factor in the impact of any funding cuts from the United States but chronic underfunding has forced it to cut back assistance to 820,000 people, down from 2.2 million in 2022. The agency has also had to downsize its school feeding programme, which was suspended in some states including the South West and Somaliland. Funding shortfalls Just 12 per cent of the $1.4 billion overall appeal for Somalia has been funded so far, Mr. Bauer said. The WFP provides up to 90 per cent of food assistance in Somalia, making it an essential lifeline for thousands of people, including many internally displaced by conflict. A combination of in-kind food assistance and cash-based transfers is needed to mitigate the worst effects of the crisis, Mr. Bauer stressed, referring to aid coming in the form of goods or services like food packages, shelter and blankets. “When you are facing a crisis like the one we are worried about in Somalia, we need all types of resources to be put at play to avert the worst,” he said. Soundcloud Qaran News
-
Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga digtay bulshada reer Puntland in aysan ka hordhicin natiijada baaritaannada socda, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo la xiriira kiisaska Argagixisada. “Waxaan faraynaa Bulshada Sharafta badan ee reer Puntland in aysan ka hordhicin natiijada baaritaanada socda, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo la xiriira kiisaska Argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland. “Eedeysanayaasha la qabto waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo habraacyada sharciga iyo cadaaladda inta uu socdo baaritaanka iyo maxkamadeyta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka wasaaradda. Dowladda Puntland waxay sidoo kale uga mahadcelisay shacabka Puntland taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, waxaana ay ugu baaqday in ay sii laba-jibbaaraan wada shaqeynta iyo feejignaanta, si loo xaqiijiyo ammaanka guud. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo bulshada uga digtay in aysan ka hordhicin baaritaannada kiisaska ku saabsan Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Fadhigii 11-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, ajendaha maanta waxa ka mid ahaa arrimaha soo socda: * War bixin la xidhiidha Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegay in guud ahaannba amniga dalku uu sugan yahay. * War bixin guud oo la xidhiidha muuqaalka Maaliyadeed ee dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in dar-dar gelinta ururinta ashuuraha GST iyo Cashuuraha Berriga ay si fiican u socdaan. * War bixin faah-faahsan oo la xidhiidha xaaladaha guud ee caafimaadka dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. * War bixin dheer oo la xidhiidha xaaladaha Barakacayaasha iyo gargaarka bini’aadanninimo, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada JSL. * War bixin la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyey ee dhoofka xoolaha, u diyaargarowga iyo gurmadka abaaraha, xal u helidda Iskuulka Xannaanada Xoolaha Sheekh oo weli xidhan: waxa ka war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha. * Hab-raaca ururinta iyo Isku-dubbaridka xogaha hawl-gallada Wasaaradaha 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirrada Warfaafinta iyo Madaxtooyada. * Soo ban-dhigidda Siyaasadda Beeraha iyo Siyaasadda Abuurka Beeraha iyo war-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii heer Qaran ee Beeralayda Somaliland: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. * Ansixinta talo soo jeedinta Guddidii loo xil saaray maaraynta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah: Golaha Wasiirrada ayaa talo soo jeedinta ku ansixiyey cod aqlabadiyad ah. * Qaybinta Siyaasadda Baadhista Macdanta Qaranka (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta JSL. * Qaybinta Xeerka Kaalmo-Sharci (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Caddaalada JSL. * Hab-sami u socodka hawlaha Diwaangelinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada. * Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah kuwaasi oo meel wacan maraya. Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale ku celisay inay sii wadi doonto inay ku dhaqaaqdo waddo kasta oo nabadeed si ay u hesho marin ay ku gaarto badda. Tan ayaa imanaysa xilli uu khilaaf kala dhexeeyo qaar kamid ah waddamada ay deriska yihiin. Intii uu socday khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya waxay sameysteen isbahaysi wadajir ah. Hase yeeshee, Eritrea iyo Masar oo doonaya inay xoojiyaan awooddooda Geeska Afrika ayaa marar badan ka hor yimid qorshahan. Haddaba, rabitaanka Itoobiya ee Badda Cas, saameyn intee le’eg ayuu ku yeelan karaa siyaasadda Geeska Afrika? Xiisaddan ayaa gobolka u wanaagsaneyn, kana ridi karta xasarado horleh haddii Itoobiya kusii adkeysato damacan guracan, ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cismaan Gaas oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika. “Halista ii muuqata waa in la wada-hadli waayo, oo gobolku wada fariisan waayo, kadibna isku dayaan in xoog isku maquuniyaan oo mid walba damaca uu leeyahay muruqiisa ku gaaro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cismaan oo la hadlay BBC. Deked mise bad ay yeelato ayey rabtaa Itoobiya? Itoobiya ayuu sheegay inay rabto marin biyeed wax ka weyn, oo waxay isku arkaan in baddaas maamulkeeda qeyb ka noqdaan, “Sida keliya ee qeyb uga noqon karaan maamulka badda waa inay helaan meel ay maamulaan oo badda ku taalla,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Gass. Itoobiya ayaa rabta inay hesho dhul badeed ay maamulkeeda u madax-banaan tahay, taas oo sida muuqata aysan ka heli doonin dalalka deriskeeda, oo iyagu keliya ula diyaar ah ‘deked ganacsiyeed’ aan macno badan ka goyn rabitaankan. Inkasta oo Itoobiya ay haatan naf bideyso wada-hadalladda Ankara, haddana uma muuqato inay wax weyn u goyn doonaan, maadaama ay xasaasiyad gaar ah ka qabaan dadka Soomaaliyeed. Ajnedaha Ankara qeyb ma ka tahay doodda Itoobiya? Sida aya sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya marnaba miiska ma saarna in Itoobiya la siiyo bad ama xitaa laga dooddo, taas beddelkeedana ay tahay in laga wada xaajoonayo sidii ay Itoobiya sida dalalka deriska ah u adeegsan laheyd dekedaha Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo dhawaan wareysi bixiyay, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gorgortan ka galeyn in dhul Soomaaliyeed la siiyo dal kale. “Annaga waxaan mas’uul ka nahay Soomaaliya, in aan danaheeda ilaalinona waa waajib naga saaran. Marnaba wax ogolaanaya in dhul Soomaaliyeed cid kale yeelato kama shaqeynayno, miiskana ma saarno,” ayuu yiri Wasiir Balcad. Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ka duwan isticmaalka dekedaha oo ay ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ogolaan doonin wax ka baxsan arrintan. The post ITOOBIYA ma waxay rabtaa wax ka baxsan deked? – Wax badan ogow appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimaadda KMG ah,ee Maamul Gobolleedka Koonfur-galbeed, ee Baydhabo. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo boqolaal shacab ah ayaa si diirran usoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran. Wasiiradda ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, iyo Xanaanada Xoolaha. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo wafdigiisa oo xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhinacyada amniga iyo dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin kooxda Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay eedeymaha ay Puntland kula xiriirisay kooxda Daacish ee dhuumaaleysanaysa buuraha Cal Miskaad ayaa ku tilmaantay “hadal meel waayay.” Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymaha kasoo yeeray Puntland, kuwaas oo uu ku tilmaamay eedo ay cuqdad ka muuqato, oo aanay marnaba ka suurtoobaynin Somaliland. “Waxa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay, oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtoobi karin, oo aan ku sifayn karno ‘hadal meel waayay,'” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Somaliland ayaa ku dooday in ay taariikh dheer u leedahay la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, oo ay ka fogaysay deegaanadeeda, iyadoo sheegtay in juhdigii ay ka samaysay ka hortagga argagixisadu uu noqday mid deyr u ah mandaqadda oo dhan. “Qodobka 10-aad, fiqradiisa 7-aad, ee Dastuurka JSL waxa uu jideynayaa: ‘Dawladda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxisnimada, ujeeddo kasta ha lahaadee. Somaliland waa dalka keliya ee mandaqadda ku yaalla ee dastuurkiisu waajibiyay la-dagaallanka argagixisada,’” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo intaas lagu sii daray: “Xukuumadda Somaliland waxa mar walba ka go’an la-dagaallanka argagixisada, waxaanay iskaashi wax ku ool ah kala leedahay arrintaas dalalka jaarka ah.” Puntland ayaa marar dhowr ah ku eedaysay Somaliland inay xiriir la leedahay argagixisada Daacish, taas oo ay ugu dambeysay “in ay heshay dukumentiyo muujinaya in dhaawacyada kooxda lagu soo dabiibo Hargeysa.” Hase yeeshee, cadeymaha ay sheegtay Puntland lama wadaagin warbaahinta, waana kuwa ilaa hadda ku kooban afka baarkiisa. The post Maxay Somaliland ka tiri eedeymihii Puntland kula xiriirisay Daacish? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ku taageeray ciidanka geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada. Saddexdan masuul ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto sababaha keenay in maanta ay duulaan yihiin argagixisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamayaashii deegaanka, dibna u qabsadeen qaar kamid ah deegaannadii horey looga xoreeyay. “Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamayaasha deegaanka ee Macawiisleyda ee argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diriraya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in hoggaanka dalka ay mar walba ku garab taagan yihiin la-dagaallanka argagixisada, iyagoo ka digay in khilaafka siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagixisada. “La-dagaalanka argagixisada waa ajande qaran waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa inuu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul qaran oo dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, dhexdana dhigo tallada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamyayaasha deegaanka ee Macawiisleyda ee Argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diriraya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle. Argagaxisadu waxa ay duullaan ku yihiin dalkeenna, dadkeenna, diinteena iyo dowladnimadeenna, in la iska difaacana waa waajib diini, damiiri, iyo mid waddani ah, waxaana bogaadinaynaa guud ahaan naftood-hurayaasha xaq-u-dirirka ah ee kula diriraya furimaha dagaalka. Waxaan mar walba hoggaanka dalka ku garab taagnayn la dagaallanka argagaxisada, innagoo dhowr jeer oo hore si hoose iyo si hoosba ugu dignay in khilaafa siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagaxisada. Laakiin, taa beddelkeeda wuxuu Madaxweynaha dagaal la galay dowlad-goboleedyada qaarkood, wuxuu beddelay dastuurkii dalka ee heshiiska lagu ahaa, wuxuu samaystay shuruuc iyo guddi doorasho oo ku jaango’an damaciisa siyaasadeed, wuxuuna hakiyay hawlgalladii dalka looga ciribtirayay khawaarijta, taas oo sababtay in ay soo laba kacleeyaan weerarradii argagaxisada oo sii naf baxaysa, niyadjabna ku riday shacabka, ciidanka qaranka, iyo halgamyayaasha deegaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay in ay maanta duulaan yihiin argagaxisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamyayaasha deegaanka, dibna u qabsadeen qaar ka mid ah deegaannadii horay looga xoreeyay. La dagaallanka iyo ciribtirka argagaxisadu waa ajande qaran, waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran, iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul qaran oo dalka looga ciribtirayo khawaarijta, dibna loogu dhiso talada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka, doorashooyinka, talo-is-keliyeynta iyo xaraashka dhulka danta guud, si loogu midoobo, meeshana looga soo wada jeesto argagaxisada arxanka daran ee duullaanka ku ah noloshayena iyo qarannimadeenna. The post Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo dalbaday in deg-deg wax looga qabto arrin… appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame have voiced their full support for Somalia's ongoing military campaign against Al-Shabaab and ISIS while urging a comprehensive strategic review to prevent militant groups from regaining ground. Source: Hiiraan Online
-
Security fears ground Turkish Airlines flights to Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu, Somalia – Turkish Airlines has announced the suspension of its direct flights to Mogadishu, the capital of Somalia, citing escalating security concerns. The airline informed passengers that all flights to the city would be halted from March 5th to March 12th, 2025. The company has not released a detailed explanation for the abrupt suspension. However, it coincides with a recent surge in security warnings. U.S. Embassy warning The decision follows a stark warning issued by the U.S. Embassy in Somalia on Tuesday, which alerted American citizens to “credible information regarding potential imminent attacks” within the country. The embassy’s statement, released on its official website, indicated that they were aware of potential threats targeting various locations, including Mogadishu’s Aden Adde International Airport. “The U.S. Embassy in Somalia reminds U.S. citizens that terrorist groups continue to plot possible kidnappings, bombings, and other attacks in Somalia,” the embassy warning stated. “Attacks may occur with little or no warning, targeting airports, seaports, checkpoints, government buildings, hotels, restaurants, markets, and other high-traffic locations, especially those frequented by Westerners. Military and government convoys and Western military and government personnel may also be targeted.” All embassy personnel have been instructed to limit their movements in response to the heightened threats. The U.S. State Department has maintained a Level 4 travel advisory for Somalia since July 2024, warning against all travel to the country due to the risks of terrorism, crime, and civil unrest. U.S. Military activity The timing of the Turkish Airlines suspension and the U.S. Embassy warning comes amidst an intensified U.S. military campaign in Somalia. Since President Donald Trump’s return to the White House, the U.S. has ramped up its airstrikes targeting terrorist organizations operating within the country. Defense Secretary Pete Hegseth confirmed that airstrikes conducted on February 1st, the first military operation of the new administration, resulted in the deaths of numerous ISIS fighters, with no reported civilian casualties. U.S. Africa Command (AFRICOM) has since reported conducting multiple airstrikes in collaboration with the Somali government, targeting ISIS and Al-Shabaab militants in areas including Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar, and Bulo-Burte. These recent military actions reflect the ongoing struggle against terrorist groups in Somalia. A report by the International Crisis Group estimates that ISIS fighters in Somalia number in the hundreds, with the majority concentrated in the Cal Miskaat Mountains in the Bari region of Puntland. The suspension of Turkish Airlines flights is a significant blow to Mogadishu’s connectivity, as the airline has been a vital link to the outside world. The economic and social repercussions of the flight cancellations are also expected to be substantial, impacting both business and personal travel. The post Security fears ground Turkish Airlines flights to Mogadishu appeared first on Caasimada Online. -
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheetay inay dabagal ku sameyneysa xogo ay sheegtay in lagu kalsoonaan karo, oo la xiriira weeraro ka dhici kara meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxay sheegtay in la joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ilaa amar dambe. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee ay ka geysato gudaha Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. “Waxaa dhici karta inay fuliyaan weeraro iyadoo aysan digniin jirin, isla markaana beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, koontaroolada, xarumaha dowladda, hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka reer Galbeedka ah, kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”, ayaa intaas lagu daray. Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad u xaddiday awoodda ay adeegyo degdeg ah ugu fidin karto muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan Soomaaliya, sababo ay ku sheegtay inaysan dalka ku lahayn qunsuliyad joogto ah Qaran News
-
Mogadishu (HOL) – United States has cut funding for Somalia’s elite Danab special forces unit, along with billions of dollars in grants previously provided through the U.S. Agency for International Development (USAID), Somali Finance Minister Bihi Imaan Egeh told Parliament on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – The Somali government must take greater financial responsibility for national priorities, including security, after a shift in the global aid landscape, Finance Minister Bihi Imaan Egeh told lawmakers on Wednesday. He urged Somali citizens to pay their taxes to help offset funding shortfalls and support economic growth. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo muddo lix todobaad ah haya xilka, ayaa khudbad ka jeediyay Congress-ka Mareykanka. Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay oo ay kamid yihiin dhaqaalaha dalka, gaar ahaanna dagaalka ganacsi, arrinta dagaalka Ukraine, socdaalka iyo waxyaabo kale. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheehay inuu “farriin muhiim ah kahelay” hogaamiyaha Ukraine, subaxnimadii hore ee manta, taas oo u muuqata inay tahay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Volodymyr Zelensky. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii sheegay, in uu doonayo in uu “wada xaliyaan” khilaafka ka dhex jiray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isla markaana wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhacda Ukraine. Waxa uu sidoo kale ku celiyay in Ukraine ay diyaar u tahay inay heshiis macdan ah la saxiixato Mareykanka, heshiiskaas oo uu diiday kulankii Washington. Trump ayaa la soo warinayaa inu rajeynayay inuu aqalka Congress-ka ka shaaciyo heshiiska macdanta, balse heshiiska yaanan ahayn mid la isku af-gartay. Dhanka kale, mar uu ka hadlayay arrimaha la xirriira dagaalka ganacsi, waxaa uu sheegay in canshuurta lagu soo rogay badeecadaha dalalka sida Shiinaha, Mexico iyo Canada ay lahaan doonaan saameyn aan xooganayn, balse ay sare ugu qaadi doonaan dhaqaalaha Mareykanka. Qaran News