Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu HOL) - The Somali government has initiated its first national population and housing census in nearly 50 years, with completion expected in two years. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay sababata dowladdu ku dooratay in dagaalka Al-shabaab ay kala kaashadaan ciidanka dowladaha safka hore, isaga oo carabka ku dhuftay cid kasta oo wax kala qabaysa in ay kala kaashanayaan si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka. Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday ciidanka safka hore ayaa ku jawaabay in ay kuwa dhow iyo kuwa fog ay kaashanayaan, waxaana hadalkiisa uu kusoo aadayaa xilli dowladda dhowaan ku dhawaaqday wajiga 2-aad ee howlgallada dalka. “Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay ciidanka AMISOM iyo howlgallada ay wadaan. “Dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”ayuu kaga jawaabay su’aashii la weydiiyay madaxweynaha Jamhuurriyadda federalka. Hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xuilli dhowaan Muqdisho shir ka dhacay lagu go’aamiyay in dowladaha safka hore ay qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga saarayo Al-shabaab, kadib markii madaxda dowladaha safka hore ay ku kulmeen Muqdisho, iyaga oo ka wada hadlay howlgallada ka socda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Somali community leaders marked 1st annual Somali Day at the Minnesota State Capitol on Tuesday Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - The Somali Civil Aviation Authority has warned domestic airline companies after receiving an increasing number of complaints from passengers about delayed flights in recent weeks. Source: Hiiraan Online
  5. Wararka naga soo gaarayo magalaada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay gacanta ku dhigeen haweeney la sheegay in ay dishay laba caruur ah oo ay dhashay sida ay wararku sheegayaan. Ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo ah hooyada ku eedeysan dilka caruurteeda, waxaana ay dishay Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon Maxmed Cabdi oo sanad jir ah. Ciidanka Booliska degmada Qardho ee Gobolka karkaar ayaa sheegay in ay gacanta lagu soo dhigay haweenayda, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka ay u geysatay labada caruur ay iyadu dhashay. Waalidiinta dilka u geysta caruurtooda ayaa kusoo badanayay dalka, waxaana ugu dambeeyay Aabe wiilkiisa ku dilay degmada Hilwaa ee gobolka Banaaadir, kaas oo ciidanka ammaanku ay gacanta ku soo dhigeen falka kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) - The Banadir Regional Police Command has announced that the police force operations in the Abdiaziz district of Mogadishu have led to the arrest of a father accused of killing his six-year-old son. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - The Federal government of Somalia's Ministry of Religious Affairs announced on Tuesday the official price for this year's Hajj pilgrimage, revealing a decrease in cost compared to last year. Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre stated that this year's fees would be $4,484, a drop from the $5,500 to $6,000 that Somalis paid in previous years. The high cost in previous years created an obstacle for those who wished to perform Hajj and worship God. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen degmada Cabadicasiis ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir. Aabahan oo 45 sano jir ah ayaa saacado badan la baadi goobay, wuxuuna ku eedeysan yahay dilka wiilkiisa Maxamuud Maxamed Cali Cilmi. “Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Cabdicasis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 jir ah, oo ku eedeysan inuu Degmada Heliwaa toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Saqiir Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska. Sidoo kale taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in haatan uu socdo baaris ku aadan kiiskan xasaasiga ah, isla-markaana eedeysanaha loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh. “Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri. Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah. Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi. “Habaar qabe haddaa maqasho waaa kanaa 6 jir muxuu ogyahy? bal wakasaa hee” ayuu yiri Sayid Cali oo kamid ay dadka ka hadlay. “Subxaana allh wiilkan xogaa wa xanuunsan yahay ilaahey ku sababay wiilkiisa” ayay iyaduna tiri Amiiro Kooshin. “Xasbunallah Illaheeyow na xifdi yaa rabbi” ayuu dhankiisa yiri Cabdullahi Muxudiin Maxamed. The post Booliska oo soo xiray Aabe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa appeared first on Caasimada Online.
  9. Minneapolis (HOL) - U.S. Immigration and Customs Enforcement's (ICE) Enforcement and Removal Operations (ERO) Seattle announced on May 2 that they removed Omer Abdi Mohamed, a 38-year-old Somali citizen, from the United States. In 2013, Mohamed was convicted of conspiracy to provide material support to terrorists and sentenced to 12 years in prison and 20 years of supervision by the U.S. District Court District of Minnesota. Source: Hiiraan Online
  10. Ciidanka Booliska magaalada Qardho ayaa gacanta ku dhigay haweeney ku eedaysan in ay dishay laba carruur ah oo ay dhashay Ubax Cabdi Cismaan ayaa ku eedaysan dilka Majiid Maxamed Cabdi oo da’diisu tahay sannad iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirta hal bil iyo shan cisho. “Ciidamada Booliska Degmada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo dishay laba ciyaal ah oo ay dhashay” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Booliska Gobolka Karkaar. “Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirtay. Hal bil iyo 5 cisho ayay dishay Hoyadood” ayuu sidoo kale lagu sheegay qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Haweeney ku eedaysan dilka caruur ay dhashay oo lagu qabtay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
  11. Algiers (HOL) - In a thrilling display of tenacity and courage, the Somali U17 national team etched their names in history, earning their inaugural point at the U17 Africa Cup of Nations after a tense 1-1 standoff against Congo. Source: Hiiraan Online
  12. Argentina captain Lionel Messi has been suspended by Paris St-Germain for two weeks after travelling to Saudi Arabia without the club's permission this week. Source: Hiiraan Online
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoos u dhigay khilaafka dowladdiisa kala dhexeeyo maamulka Garoowe, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tabaneyso Puntland. Qoraalka ay soo saartay Puntland ayaa lagu soo koobay 10 oo loogu jawaabay madaxweynaha, isla-markaana lagu caddeeyay tabashada ay Puntland ka dowladda feeeralka. Halkan hoose ka aqriso:- Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey. Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta. Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah. 1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC. 2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey. 3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka. 4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka. 5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. 6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan. 7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan. 8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka. 9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo 10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah.” Puntland Government. The post PUNTLAND oo jawaab ka bixisay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  14. The Somali government has launched its first national population and housing census in decades, which is expected to take two years. Source: Hiiraan Online
  15. Kenya and Ethiopia sprayed millions of hectares of cropland and pastures with chemical pesticides in response to massive locust swarms that emerged between 2019 and 2021. Source: Hiiraan Online
  16. As press freedoms have diminished in parts of East Africa, some journalists who fled threats at home have turned into activists, calling for stronger protections for the media. Victoria Amunga at VOA's Africa News Center in Nairobi tells the story of one such reporter who fled Somalia. Videographer: Jimmy Makhulo Source: Hiiraan Online
  17. (ERGO) – Hassan Mohamud Godah and his family have been short of food since being hit by Shabelle river floods and forced to flee their home in Badad village, 23 kilometres from the town of Beledweyne on 5 April. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ka socda muddo ka badan saddex bilood. Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, islamarkaana la wada-hadlo halkii xabbad wax lagu raadin lahaa. Xasan Sheekh ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daadiyo, iyada oo ugu dambeyn laga heshiin doono waxa lagu isku hayo sida uu ka sheegay kulanka dadweyne ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho. “Waxaa ahmiyadda koowaad inoo ah in colaadda ka socota Sool iyo Sanaag in la joojiyo, dhiigga daadanaya uu istaago kadibna la wada-hadlo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dhinac walba xaajadu waan ka rogeynaa si loo helo midnimada Soomaaliya, in la heshiinayo waan hubaa balse waxa aan rabnaa in la joojiyo dhiigga baxaya.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in odayaal dhaqameed loo diray colaaddaasi, kuwaasi oo tegay magaalooyinka Garoowe, Laascaanood iyo Hargeysa, si ay u raadiyaan xal la isugu soo dhaweyn karo labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi, laguna soo afjaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. “Laascaanood iyo deegaankaas waa in la joojiyo dhiigga daadanaya ka bacdina la wada-hadlo. Gargaar haddii la sameynayay waa la sameynay welina waa socona, inta muuqata waa intaas, wadiiqooyin kale oo qarsoon oo shaqo nooga socoto oo dhinac walba leh waa jiraan.” Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin wax aysan raali ka aheyn, “wax iyagu raali ka yihiin ayaa soconaya, laakiin waxaa rabnaa in rabitaankaas laftigiisa uu si nabad ah ku yimaado oo si dhiig ku daadan ku imaan.” The post Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray colaadda ka taagan LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  19. Ciidanka Booliska saldhiga degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka wiil uu dhalay oo da’diisa lagu sheegay lix sano jir. Maxamed Cali Cilmi oo da’diisu tahay 45 sano jir ayaa ku eedaysan in uu degmada Heliwaa ku dilay saqiir uu dhalay oo da’diisu tahay lix sano jir kadib markii uu toorrey la dhacay. War kooban oo ka soo baxay Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hadda baaris lagu hayo edaysanaha islamarkaana sharciga la marin doono. “Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Booliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedaysan dilka wiil uu dhalay oo lix sano jir ah appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dardar-gelinta iskaashi cusub oo dhex-mara golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Raashiya. Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labada dal, isaga oo xusay in dowladda Raashiya ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah. Sidoo kale waxa uu danjiraha u sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi inay go’an tahay dowladdiisa xoojinta xiriirka labad dal iyo iskaashi dhex-mara golayaasha Baarlamaanka labada dal. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya iyo Raashiya, iyo weliba sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi mira-dhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin. Dhinaca kale, Danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo safiirka uu dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal. Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb-galeen shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaasi oo looga hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Afrika iyo Ruushka, si loo adkeeyo wada-shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka. The post Sawirro: Dalalka Soomaaliya iyo RUUSHKA oo iskaashi cusub yeelanaya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  21. Qardho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan Booliska magaalada Qardho ayaa gacanta ku soo dhigay hooyo laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay gudaha magaaladaasi, kadib howlgal ballaaran oo ay xalay sameeyeen. Haweeneydam oo lagu magacaabo Ubax Cabdi Cismaan ayaa waxaa haatan lagu xiray saldhigga Booliska ee magaalada Qardho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga. Labada cunug ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maajiid Maxamed Cabdi oo jiray hal sano iyo 8 bilood iyo Maysoon Maxamed Cabdi oo jirtay hal bil iyo 5 cisho. Howlgalka lagu soo qabtay haweeneydan ayaa waxaa horkacayay taliyaha saldhiga dhexe ee Qardho, Carab Aadan Hayaan, wuxuuna sheegay in haweeneydaan la hor geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan uu billowday baaris qoto dheer oo la xiriirta dhacdadaas xanuunka badan oo murugu ku reebtay ehellada iyo dadka deegaanka. Dhacdooyinka la xiriira dilalka carruurta ayaa haatan kusoo badanaya gudaha dalka, waxaana aheyd xalay markii ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay degmada Cabdicasiis kasoo qabteen Aabe Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir. Eedeysanaha ayaa waxaa haat ku socdo baaris dheeraad, ayada oo haatan loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh, si tallaabo adag looga qaado. Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah. Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi. The post Haweeney laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay Qardho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba. Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose. “Waxay saadaashu roobka xilliga Gu’ga todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu horeeya ee bisha May 2023-ka in gobolladaasi sida saadaashu sheegayso ay heli doonaan roobab cabirkoodu gaarayo 50 illaa 150 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA. Hay’adda ayaa waxay si adag ugu digaysaa bulshada ku nool gobollada kor ku xusan iyo Webiga hareerihiisa in ay aad uga feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidoodaba. “Degmooyin kamid ah gobollada aan kor kusoo xusnay waxay saadaashu sheegaysaa inay dadka degan deegaanadaasi ay wajihi doonaan daadad iyo fatahaado (Flood and Flash floods). Waxaa sidoo kale looga digayaa bulshooyinka ku nool gobolladaasi inay iska ilaaliyaan togaga biyuhu maraan xilliga roobku da’ayo, taasi oo khatar galin karta naftooda.” Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxa kale oo ay uga digtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in aysan deegaameyn ama guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah si ay ugu badbaado naftooda iyo hantidooda. Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay “haddii roobabka la filayo toddobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegayso ay geeysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameyana naf iyo maalba,” sidaas darteed ay tahay in si aad ah loo feejignaado. The post DF oo soo saartay digniin cusub oo ku wajahan… appeared first on Caasimada Online.
  23. Puntland oo u jawaabtey Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh: “Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey. Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta. Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah. 1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC. 2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey. 3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka. 4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka. 5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. 6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan. 7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan. 8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka. 9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo 10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah.” Maxamed Cabdiwahaab Wasiirka Caddaaladda Puntland. Qaran News