Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay shirka deg deg ah oo la xiriira xaaladda ka taagan dalka Sudan. Shirkan oo si gaar ah ugu saabsana taageerada iyo joogteynta daad-gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xoghayaha Joogtada, Qaramada Midoobay, gaar ahaan wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA iyo Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Soo-galootiga. Shirkan oo maanta ka qabsoomay dhismaha VIP-da garoonka Aadan Cadde ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen dadaalada daad-gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga samata-bixinayo dagaallada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen. Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS Mudane Abshir Cumar Haruuse, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas. Si kastaba, Toddobaadkan ayay aheyd markii ay dowladda soo daad-gureysay ku dhowaad 312 qof oo isagu jira dhalinyaro, haween iyo caruur, kuwaasi oo billowgii dagaalka Sudan u cararay xuduudaha Koonfurta Sudan iyo Itoobiya. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan waxaa ajaanibtii ugu badneyd laga daad-gureeyay dalkaasi, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan. The post Ujeedka kulan ay DF ku qabatay gudaha garoonka Aadan Cadde + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah habka fogaan araga ah (Video Conference) la yeeshay Wasiiru-dawlaha horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda UK, Andrew Mitchell. Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ugu horeyntii uu wasiirka UK uga xog warramay arrimaha xaaladda Laascaanood iyo halka ay xukuumaddu ka taagan tahay, sidii xal nabadeed oo waara looga gaadhi lahaa iyo in xukuumaddiisuna ay marwalba diyaar u tahay xabbad joojin bilaa shuruud ah, siday kal hore ka dhawaajisay. “Dadka reer Somaliland ee Laascaanood-na waa ay ka heshiin doonaan marwalba wixii dhacay balse waxa muhiima oo ay tahay in beesha caalamku maamulka Puntland-Soomaaliya ku amraan inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Laascaanood iyo gudaha Xuduudka Somaliland,” ayuu madxweynaha u cadeeyey wasiirka inay caqabad iyo fidno ku tahay dedaallada xal u raadinta Laascaanood, sida lagu yiri qoraal ay Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulankaan. Madaxtooyada ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Muuse Biixi uu ku wargeliyey Wasiiru-dawlaha in ciidamada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood uu soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed, taasi oo uu sheegay inay saamayn-doonta waddamo kale oo ka mida Afrika. “Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda,” ayuu yiri. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu uga warbixiyey wasiiru-dawlaha hawlaha doorashooyinka, isaga oo u sheegay inay xukuumaddiisu hore u diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, islamarkaana ay hadda diyaarisay kharashkii lagu qaybin lahaa kaadhadhka cod-bixiyeyaasha oo sida la filayo bisha June horaanteeda ay qaybin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku. “Xukuumaddu diyaar ayay u tahay doorkeeda kaga aaddan doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka loogu tartamayo xisbiyada Qaran ee tobanka sanno ee soo socda jiri doona iyo doorashada madaxtooyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Wasiiru-dawlaha horumarinta caalamiga ah iyo Afrika ee dowladda UK, Mr Andrew Mitchell ayaa dhankiisa waxa uu xusay in dowladda Ingiriisku ay diyaar u tahay inay Somaliland kala shaqayso doorashooyinka iyo xal u helidda arrimaha Laascaanood. Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagaga wada-hadlay iskaashiga dhinaca maalgashiga ee Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, sidii looga wada-shaqayn lahaa, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. Kulankaan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay wasiirka UK ayaa waxaa ku wehlinaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud. The post Somaliland iyo UK oo wada-hadal xasaasi ah ka yeeshay colaadda LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  3. Shirka Taageerada iyo joogteynta Daadgureynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Suudan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada, Qaramada Midoobay, Ergayga Soogalootiga, iyo Xoghayaha Joogtada oo lagu qabtay Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda. Shir looga hadlayay dadaalada daadgureynta muwaadiniinta. Soomaaliyeed ee laga samatabixinayo dagaalada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen ayaa maanta lagu qabtay Dhismaha VIP-da Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray muwaadiniinta ku go’doonsan dalka Sudan oo ay ka socdaan dagaallo. Kulankan oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS mudane Abshir Cumar Haruuse soona qabanqaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xamza Aadan Xaadoow, wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA. Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa todobaadkani soo daadgureysay ku dhowaad 312-qof oo isagu jira dhalinyaro, haween iyo caruur. Kuwaasoo bilowgii dagaalka Suudaan u cararay xuduudaha Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsan gudaha Sudan, halka kuwa kale ay gaareen South Sudan iyo dalka Masar oo daris la ah Sudan oo lagu dagaalamayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo firxad ka ahaa weerarkii Ceel-qaboobe, kaasi oo ay dowladda sheegtay in lagu dilay Shabaab badan. Xubnahaan la qabtay ayaa waxay damacsanayaeen inay u gudbaan dhanka hawdka ah, balse waxaa ka hortagay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, iyada oo xubnahaan oo dhan laba qof ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer oo ah meesha ay ku qabteen ciidamada huwanta. Muuqaal laga soo duubay labada nin ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii Ceel-qaboobe ee ciidamada dowladda ay ku dileen Shabaab badan, kadib markii ay ku dhufteen laba baasuke gawaari lagu soo raray walxa qarxa iyo agab kale oo xilligaasi ay kooxda kala soo degtay doon, kusoo xiratay deegaan u dhow Xarardheere. “Laba baabuur ayaa aheyn marka doonto aadeynay oo waxaa ku soconay lixdameeyo, waxaa doonto siday jirkaamo rasaas iyo kiimikada qaraxa,” ayuu yiri mid kamid ah Shabaab-ka la qabtay, oo iyagu ka badbaaday weerarkii Ceel-qaboobe oo ay dowladdu sheegtay in lagu laayay Shabaab ka badan lixdan. Korneyl Daahir Tuuryare oo kamid ah saraakiisha soo bandhigtay xubnahaan ayaa sheegay in howl-galka lagu soo qabtay ay ku timid wada-shaqeynta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer. “Howl-galka ka dhacay Ceel-qaboobe waxa uu ahaa howl-gal lagu diirsaday oo waa ku baaba’een raggii rarayay iyo alaabtii la rarayay, kadib markaas ciidamada howl-gal ay qaadeen intii ka firxatay ayay cagta mariyeen oo maxaabiisna waa kasoo qabteen,” ayuu yiri. Howl-galka Ceel-qaboobe ayaa waxa qeyb ka ahaa ciidamada kumaandooska ee Gorgor, waxayna dowladda ay sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 67 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay xubno kale oo kamid ahaa kooxda. Si kastaba, Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Shabaab firxad ka ah weerarkii Ceel-qaboobe oo lagu qabtay Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.
  5. Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowlada China ee dalkeenn Mudane H.E. Ambassador Fei Shengchao kulankaas oo ka dhacay Safaradda Chine ee Magaalada Mogadishu. Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha la xariiri gargaarka iyo u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah, Gudoomiyaha SoDMA ayaa si wayn oga mahadceliyay safiirka dalka China sida ay dadka Soomaaliyeed u garab istaageen waqtiga adag ee abaraha. Gudoomiye Maxmud ayaa sidoo kale safiirka kaga mahadceliyay sida ay dowladda China kaga go’antahy garab istaagga shacabka Soomaaliyeed oo xilligaan kasoo kabanaya abaar baahsan oo ku habsatay muddo dhowr sano ah, taas oo iska soo daba laablaabatay. Safiirka Dalka China u fadhiya Soomaaliya ayaa isagana dhankiisa ballan qaaday in ay marwalba garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, dowladda China ayaa kamid ah dowladaha sida gaar ah saaxiibka dhow ula ah dowladda federalka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre appointed two new members to the Council of Cabinet on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. TAIPEI (Taiwan News) — A Taiwan business delegation is currently in Somaliland to explore bilateral cooperation opportunities in various areas. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhulkii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab loogu tagay Beero ay ku beerayeen Xashiish, kaasi oo kooxda ay ka sameyn jirtay dhaqaale badan. Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda ay xashiishkaasi u beeraysay si ay dadka ugu duleeyaan, xilli ay dowladda ku jirto dagaal kale oo ka dhan ah waxyaabaha maanka-dooriya, kaasi oo ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka. “Beero Xashiish loogu beero ayaa loogu tegay oo waxay usoo diri jireen in dadka ku duleeyaan, oo waxay usoo diri jireen ciidamada iyo suuqyada, lacag adag ayay ka heli jireen. Soddan jawaab oo xashiish waatii dhawaan la qabtay ee la gubayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabadii u dambeysay ee guddoomiye Madaale ka sameeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyay in dowladda ay wado shuruuc lagu xakameynayo nooc kasta oo waxyaabaha maanka dooriya ah. “Waxay u baahan yihiin in qaanuun laga dejiyo oo waxay dowladda xoog ku leedahay waa qaanuun, marka qaanuunkii mukhaadaraadka waa naga duugoobay, waxaa soo socda shuruuc ay xukuumadda ay keeni karto oo lagu xakameynayo arrimaha maandooriyaha.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday sidii ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa caasimada looga nadiifin lahaa waxyaabaha maandooriyaha ah, xilli ay caasimada ka yaraadeen dilalkii ay mararka qaar ciidamadu ka geysan jireen. Si kastaba, Dagaalka Maandooriyaha ka dhanka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaasi oo albaabada la iskugu dhuftay goobo halkaasi ku yaalla oo lagu isticmaalayay maandooriyaha. The post Xasan oo shaaciyay arrin yaab leh oo loogu tagay deeganadii laga saaray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweyne Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu dhawaan xilka qaadis ku sameeyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Abshir Cabdi Jaamac. Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta u magacaabo Gen. Muumin Cabdi Shire oo hadda ah Taliyaha Booliska. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in Taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabayo G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse oo ku magac dheer Shaati kadib markii loo dallacsiiyo S/Guuto. G/sare Cabdinaasir Shaati ayaa hadda ah Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland waxaana xilkaas loo magacaabay 15 January ee sannadkii hore (2022). PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qorshaynaya in uu xilka qaadis ku sameeyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. PRESS RELEASE The Islamic Development Bank (IsDB) Group Private Sector Institutions to Host the Private Sector Forum, 11-13 May 2023, Jeddah, Kingdom of Saudi Arabia The Private Sector Forum’s primary objective is to offer a unique opportunity for the business community across various sectors to connect, network, and explore investment and trade opportunities JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, May 3, 2023/ — The Islamic Development Bank (IsDB) Group’s (https://www.IsDB.org/) private sector institutions, including the Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC), the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD), and the International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC), are proud to announce the upcoming “Private Sector Forum,” which will take place on May 11-13, 2023, in Jeddah, Saudi Arabia. This event will coincide with the IsDB Group Annual Meetings, held under the High Patronage of the Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud. The Private Sector Forum’s primary objective is to offer a unique opportunity for the business community across various sectors to connect, network, and explore investment and trade opportunities provided by member countries. Additionally, the forum will showcase IsDB Group activities, projects, services, and initiatives in member countries, highlighting the organization’s role in promoting PPP projects and its services to the private sector. This event will serve as an avenue for potential investors interested in investing in Saudi Arabia and a platform to promote the KSA vision 2030. The event is expected to attract more than 2,500 participants, including government officials, Chairmen, Presidents, and CEOs of local and international companies, multilateral and financial institutions, chambers of commerce and industry, business associations, investment promotion agencies, individual investors, and entrepreneurs. The Forum will also facilitate parallel B2B and B2G meetings, enabling business communities across member countries to establish valuable connections. The event will feature an exhibition for partners and a competition for start-ups, and for the first time, notable organizations and personalities will be recognized and awarded by the IsDB Group entities. The Private Sector Forum will also feature prominent speakers sharing their in-depth perspectives with the IsDB Group Entities Chief Executive Officers, Mr. Oussama Kaissi, the CEO of ICIEC, Eng. Hani Salem Sonbol, the CEO of ITFC, and the Acting CEO of ICD. The speakers will share success stories, experiences, and best practices for promoting investment and trade opportunities in member countries. For further information, please refer to the event’s website (www.IsDBG-PSF.org). The Private Sector Forum is a significant opportunity for partners and leading stakeholders to foster relationships, share knowledge and expertise, and discover new investment and trade opportunities. Qaran News
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ee fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa markale ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ahaan deegaanada SSC. Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay farriintan u dirayaan inta aanay dhibaato badani dhicin, oo aanay dagaalo kale oo lagu hoobto aysan dhicin. Waxa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay difaaca dhulkooda iyo inay iska celiyaan ciidamada Somaliland uu sheegay inay doolaan ku yihiin dadkooda iyo deegaanadooda. “Guryihiin idin tilmaami mayno waad garaneysaa ee dhulkayaga nooga baxa farriinta u direyno waa taas. Kama dulqaadaneyno riyada ah Ingiriis ayaa dhulkaan idin siiyay oo mid aan deris ku ahaaneyno ma ahan, waxaan ku wada deganaan karnaa dad Soomaaliyeed oo isgarab yaalla oo nin walba dhulkiisa iyo talladiisa leeyahay,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Xabaalaha dushooda intii laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo ragu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, guryihiina ku noqda.” Garaadka ayaa sidoo kale waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in inta wiilashooda isku dhiman oo dhiigooda isku bixin, oo aysan dagaalka ku dhiman in ka badan kuwii hore ugu dhintay, ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dhulkooda. Hadalkan kasoo yeeray Garaadka Guud ee SSC oo u muuqda inuu yahay farriin kama dambeysa ah oo ay SSC u direyso Somaliland, ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonto xukuumadda Somaliland. Somaliland ayaa oo hore dhagaha uga fureysatay baaqyo kuwan lamid ah oo xataa beesha caalamka u jeedisay, si xal looga gaaro colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaaalada Laascaanood. Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata ay dhinacyadu xabada ku joojinayaan. Si kastaba, Waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in labada dhinac ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, kadib markii ay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay ku xireen shuruudo horleh oo mid walba uu ka gows adeygay aqbalkeeda. The post SSC ‘oo farriin kama dambeys ah’ u dirtay Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  12. in ka badan 200 oo wiil ayaa iskaga keen dhintay, inta aanay in kabadan inaga dhiman oo aynaan xabaalaha ku dul heshiin, walaalayaal dhulka yaga nooga baxa oo dhulkiina taga, idiin tilmaami mayno dhilkiina ‘ee. Idinka yeeli mayno in aad tidhaah daan ingiriis ayaa nasiiyay dhulka yaga, dad walaalo ah oo daris ah oo mid walba dhulkiisa u madax banaan yahay aynu noqono”. Garaad Jaamac Garaad Cali Qaran News
  13. Shacabka Magaalada Berbera ayaa Markii Ugu Horaysay Cabasho Xoogan Kamuujisay Laydhka Magaalada Berbera Oo Bishan Qiimo Xad-dhaafa Soo dalacay Waxaana Saaka ay Cabashadooda Lahortageen Wersheda Korantada Ee Magaalada Berbera. Weriyayaal Duubayay Xaaladan Laydhka Ee Magalada Berbera ayaana Laxidh Xidhay. · Qaran News
  14. Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI oo uu guddoominyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga ahna kusimaha guddoomiyaha Mudane Maxamed X Yuusuf Waabeeyo ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Musharraxa madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo kusimaha guddoomiyaha Mudane Waabeeyo ayaa masuuliyiinta uga xog warramay xaaladda guud ee siyaasadda Somaliland. Sida oo kalena waxa kulanka lagu kala qaatay warbixin ku aaddan qorshaha xisbiga ee arrimaha doorashada madaxtooyada oo ay ugu soo horayso qaybinta kaadhadhka codbixinta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa. Waddani Party. Qaran News
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah. Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay: Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG. Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG. Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG. Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS. Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay: 1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. 2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday. –DHAMMAAD— The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  16. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in 1,500 oo askari ay u dirayso xadka ay la wadaagto waddanka Mexico. Askartan oo xuduudka la geyn doono 10 ka bishan May ayaa loogu tala galay in ay ka hor tagaan dadka sida sharci darrada ah ku soo geli jirey waddankaas kuwaas muddooyinkii u dambeeyey qul qulkoodu uu aad batay. Khamiistii Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay dawladda Maraykanku shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeya 11 ka bisha May aan la ogolaan doonin qof dambe oo tahriib ku taga waddankaas. Sidoo kale Maraykanka ay ku goodiyey in cid kasta oo arrinkan dhegaha ka furaysta loo celin doono meelihii ay ka yimaaddeen isla markaana aanay dib Maraykanka u soo geli doonin muddo shan sano ah. Madaxweyne Joe Biden oo sannadka dambe isu diyaarinaya doorashada Madaxtooyada ayaa la kulmay dhalleecayn uga timi xisbiga Jamhuuriga kuwaas oo ku eedeeyey in uu dalka ku soo fasaxay tahriibayaal sida daadka u sabbaynaya. Source
  17. Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI oo uu guddoominyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga ahna kusimaha guddoomiyaha Mudane Maxamed X Yuusuf Waabeeyo ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Musharraxa madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo kusimaha guddoomiyaha Mudane Waabeeyo ayaa masuuliyiinta uga xog warramay xaaladda guud ee siyaasadda Somaliland. Sida oo kalena waxa kulanka lagu kala qaatay warbixin ku aaddan qorshaha xisbiga ee arrimaha doorashada madaxtooyada oo ay ugu soo horayso qaybinta kaadhadhka codbixinta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabay xubno wasiirro ah oo cusub. Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa Mudane Cabdikariin Cabdow Xaydar loogu magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Mudane Axmed Jaamac Cumar u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu kula dardaarmay xubnahaan cusub in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Hoos ka aqrso wareegtada oo dhameystiran; Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG. Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG. Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG. Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS. Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay: Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane, Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Mudane Xamza ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday. The post R/Wasaare Xamza oo magacaabay xubno cusub oo wasiirro ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Shacabka reer Berbera, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey korodhka ku yimid lacagta leydhka, kuwaas oo ay sheegeen in aaney awoodin bixinteeda. Dadka ayaa sameeyey isu-soo-baxyo salmi. Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera ayaa dhinacooda qaadey salaabooyin ay kaga hor-tagayaan in codka dadka cabanaynaa dibadda u baxo, waxaaney beegsaden Saxafiyiintii duubayey banaan-baxyada, halkan hoose ka daawo Source
  20. Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisulwasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah ee kala ah: 1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. 2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho ( Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kaas oo ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u yeeray, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay u joogeen howlo shaqo oo kala duwan. Ugu horreyyn madaxda ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guulaha haatan laga gaaray. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay in sidA ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ku biiriyaan ciidamo ka socda waddamada dariska oo la isku yiraahdo dalalka safka hore. Intaas kadib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh & hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxay guda galeen ujeedka kulankooda oo daarnaa xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Puntland, si xal waara looga gaaro. Madaxweynaha dowladda dhexe ayaa saddexda hoggaamiye kala hadlay sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarkkooda magaalada Garoowe, si ay wadahadallo ku saabsan tabashada Puntland ula soo yeeshaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii Deni loogu qancin lahaa inuu kasoo qay-bgalo shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu wado in bartamaha bishaan May uu ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo qorshuhu yahay in diiradda lagu saaro dagaalka Shabaab iyo doorashada 2026-ka. Ilo wareedyo ku dhow kulanka ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale innoo sheegay in madaxweynaha uu ka dalbaday Qoor Qoor, Laftagareen iyo Guudlaawe inay ka dhabeeyaan dadaalka, isla-markaana ay daacad ka noqdaan dhex-dhexaadinta ay wadaan. Arrintaan ayaa kusoo aadayso, ayada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafka kala dhexeeya maamulka Garoowe, isaga oo shaaciyay in uusan ogeyn tabashada ay qabto Puntland, taas oo ka careysay kooxda madaxweyne Saciid Deni. The post Xogta kulan XASAN uu xalay Villa Somalia kula yeeshay Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.