-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee wasaarada beeraha somaliland Axmed Muumin Seed oo dib ugu soo laabtay xisbigaasi. ”Walaalkay Guddoomiye & Wasiir hore Axmed Muumin Seed, waxa aanu ahayn saaxiib iyo jaal siyaasadeed muddo badan, balse muddo kooban baan ku kala aragti duwaneyn siyaasadda, maanta se waxaa Ilaahay mahaddii ah in aan mar labaad u midowno taaba-gelinta rejada shacabka Somaliland. Saaxiib ku soo dhawoow Magaalada Burco & Xisbigii aad tacabka gashatay ee WADDANI’ Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Qaran News
-
Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi. Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa intaas kusii daraya in burcadka hubeysan ee u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogatay goobtiisa ganacsi muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Cali Xuseen. Kooxdan burcadka ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Daahir Cali, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta, sida uu sheegay mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaasi. Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka. Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto. Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi. The post Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Musharaxa la loolamaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii xoojiyey codkiisa ka dhanka ah muhaajiriinta, isaga oo wacad ku maray inuu dhammaan muhaajiriinta ku celin doono dalkooda, haddii lagu doorto doorashada ku-celiska ah ee 28-ka May. Kemal Kilicdaroglu, oo ah musharaxa isbaheysiga lixda xisbi ee mucaaradka, ayaa ku guuleystay 45% codadka doorashada Axaddii, halka Erdogan uu helay 49.5%, isaga oo waxyar ka hoos maray 50% si looga baaqsado doorasho ku-celis ah. Hadalladii ugu dambeeyey ee Kilicdaroglu ayaa yimid ayada oo la filayo in musharaxii kaalinta saddexaad ka galay doorashada uu ku dhowaaqo go’aankiisa ku saabsan cidda uu taageerayo wareegga labaad. Sinan Ogan, oo ah siyaasiga xisbiga diidan qaxootiga, ayaa helay 5.2%, taasi oo taageeradiisa muhiim ka dhigtay wareegga kala reebtada ah. Isaga oo khudbad ka jeedinayey xarunta xisbigiis CHP, ayaa Kilicdaroglu wuxuu ku celiyey sida xooggan ee uu uga soo horjeedo siyaasadda Erdogan ee ku aaddan socdaalka. “Erdogan, waxaa si kas ah ugu ogolaatay 10 milyan oo qaxooti ah inay yimaadaan Turkey. Waxaad xitaa iibisay muwaadinnimadii si aad cod u hesho,” ayuu yiri Kilicdaroglu isaga oo aan bixin caddeymo. Turkey ayaa waxaa ku nool bulshada ugu badan caalamka ee qaxooti ah oo gaaraya 4 milyan oo qof, sida ku cad xisaabaadka dowladda. “Waxaan halkan uga dhawaaqayaa: Dib ayaan dhammaan qaxootiga ugu celin doonaa dalalkooda marka madaxweyne la ii doorto,” ayuu yiri. Kilicdaroglu ayaa ololihiisa ku sheegay inuu dhammaan qaxootiga Syria dalkooda ugu celin doono laba sano gudahood kadib marka uu heshiis kala gaaro madaxweynaha Syria Bashar al-Assad badbaadadooda isaga oo kaashanaya QM. REUTERS, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada Turkey appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Magaca Somaliland maanta waa 32 jir, waxa uu ku jiray gorgortan ictiraaf wixii ka horreeyay 2023-ka. Wuxuu xambaarsanaa ereyo ay kamid yihiin nabad, dimuqraadiyad, xasillooni siyaasadeed iyo ilaalinta xuquuqda aadannaha. Waxaa kale oo doodda ictiraaf doonka ay ku xoojineysay Somaliland xasuuq ka dhacay deegaankaas 1988-dii. Dalal iyo hay’addo caalami ah ayaa muddadaas qolaba si uga fal-celisay damaca ictiraaf doonka ah ee Somaliland. Laakiin sanadkaan 2023 waxa ugu badan ee adduunka ka yiri Somaliland lama xiriirto ictiraaf. Waxaa eegayna qoddobadii ay Somaliland ku iibineysay mashruuca ictiraafka waxa maanta ka dhaqan, kuwaasi oo kala ah; 1. Nabaddii: Somaliland waxay hore u aheyd deegaan nabada ku faana, laakiin 2023 dagaalka Laascaanood ayaa dhinac u riixay cinwaankii nabadda Somaliland. Halkan waxaa ku dhintay boqolaal dad ah. Hay’addaha qaar ayaa waxay ku tilmaameen inuu tacadi xooggan ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaasi ay Somaliland ka fulisay duqeymo saameeyay goobo cibaado, kuwa caafimaad iyo dad shacab ah. Kumanaan dad ah ayaa ku barakacay dagaalkan, Boorama iyo goobo kale oo isla Somaliland ah ayaa sidoo kale marti-gelinaya shaqaaqooyin qabiil. Nabaddii halkan ayay ku naafowday ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Somaliland. 2. Dimuqraadiyaddii siyaasadda: Qodobkan waxa uu kamid ahaa kuwa ugu waaweyn ee ku faanto Somaliland. Muuse Biixi ayaa muddo xileedkii ka dhamaaday bishii November ee sanadkii hore, wuxuu sameystay muddo kororsi laba sano ah. Mucaaradka ayaa diiday oo dhigay banaanbaxyo laakiin awood ciidan ayuu u adeegsaday Muuse, halkaas oo dad rayid ah ay ku dhinteen. Dhowr jeer beesha caalamka waxay Muuse Biixi ka dalbatay inuu doorashada qabto. Halkaan waxaa iyadana mugdi ku galay qodobkii labaad ee Somaliland ku raadineysay ictiraafka, oo ahaa dimuqraadiyada iyo is-ogol siyaasadeed. 3. Beesha caalamka: Wakiiladda beesha caalamka ee jooga Soomaaliya waxay ka quusteen inay hoggaamiye Biixi ku qanciyaan inuu ciidanka ka dulqaado magaalada Laascaanood, waxay kale oo ku qancin waayeen in doorasho uu qabto. Waxay dhowr jeer ku hanjabeen in lala xisaabtami doono kuwa ku lugta leh dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood. Wakiiladda beesha caalamka waxay u muuqdaan inay kasii niyad jabayaan la macaamilka Somaliland. Farriimaha laga tabinayo maamulka Somaliland oo ay safaaraddaha u gudbinayaan waddamadooda waqtigaan, waxay sii tir-tirayaan farriimihii tognaa ee sanado kahor laga tabinayay Somaliland, ee abuurayay rejada ictiraafka. 4. Guuxa midnimada: Reer Laascaanood waxay kor u sheegeen in aan loo dhameyn qorshaha gooni isu-taagga Somaliland, kadibna deegaano kale ayaa guux kaas lamid ah uu ka billowday. Haddii dhowr sano kahor adduunka loo gudbinayay dad reer Somaliland oo isku duuban oo raba ictiraaf, hadda waxaa la gudbiya in bulshada deegaanadaasi wada degan ay si weyn ugu kala qeybsan tahay inay ka go’aan Soomaaliya. 5. Dowladda federaalka ah: Dowladda Soomaaliya oo fahamsan sida dhamaan caqabadahaasi usii jiirayaan damacii Somaliland ayaa dhawaan magacowday ergey dib u bilaaba wada-hadallada. Magacaabista ergeygan kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si cad u sheegay in Somaliland kala hadleyn marna uusan aqbaleyn in Soomaaliya la kala jaro. Hargeysa, iyada oo farriintaas haysata ayay haddana si weyn usoo dhaweysay ergeygii uu magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud. In ay itaal dhigeen oo sii quusanayaan iyo inay culeyska dhinac walba ka haysta ay iskaga dejinayaan soo dhaweyntan, midda ay tahay si fiican looma fahamsana. Marka dhamaan arrimahaan la isku geeyo, 32 sano kadib dadku maanta waxay ka dooddayaan middee Somaliland u dhow ictiraaf iyo midnimo. Cidda rejo beelkan abuurtay waxaa loo arkaa hoggaanka maanta ee Somaliland. The post SOMALILAND: Middee ayaa maanta u dhow ictiraaf iyo midnimo kadib 32 sano? appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: Is-Goyska Xaggee uga Kacnaa? Cabdillahi Xuseen Abhussein1988@gmail.com 18 May 2023 26 sanno ee u danbeeyey waxaa Somaliland lagu kala hogaaminayey laba siyaasiyadood oo kala duwan. Siyaasada hore waa tii uu muddo 13 sanno ah (1997-2010) dalka ku hogaaminayey Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN) iyo xisbigiisii UDUB. Siyaasada kale waa tii garab ka mid ah SNM iyo xisbiga Kulmiye dalka ku hogaaminayeen muddo 13 sanno ah (2010-2023). Maqaalkan waxaynu ku gorfayn doonaa labadaa siyaasiyadood nooca ay ahaayeen, cida hogaaminaysay iyo waxa laga dhaxlay. Waxaynu ku soo gebo-gabaynaynaa su’aal ah inaynu si waydiino Somaliland isgoyska ay taagan tahay maanta dhinacay uga dhaqaaqi lahayd: ma waxa aynu ku sii soconaa wadadii uu 13 sanno ee u danbeeyey (2010-2023) dalka ku jiheeyey Kulmiye mise waxaynu dib u raacdaynaa jidkii uu inoo jeexay madaxweyne Cigaal (IHN) iyo xisbigiisii UDUB ee aynu ku soconay mudada 13 sanno ahaa (1997-2010)? Hordhac: Xaaji Cabdi Waraabe (IHN) oo ka waramaya kulano uu ka qayb galay oo lagu abaabulayey jabhadii SNM horaantii 1980-kii ayaa sheegay inuu kula taliyey ragii abaabulka waday inay Soomaali oo dhan ka soo qayb galiyaan shirarka. Waxaa uu sheegay in taladaa laga diiday oo ragii ku adkaysteen in kulanku Duriyada ku koobnaado. Haddana waxaan ku taliyey buu yidhi in intii “Huwanta reer Waqooyi” laysku odhan jiray ee Warsangali, Sool clan, Awdal Clan, Akishe, Madigaan, Muuse Dhari, Muse Lini iwm laysu keeno taas oo Iyana laga diiday. Hadana waxaan idhi buu yidhi waar reer Hargaysa ahaan inoo kulan siiya, taas oo Iyana laga diiday oo waxaa ragii ku adkaystay in Duriyadu ama Isaaqnimo loo kulmo. Wuxuu sheegay inuu arkayey in marka qabiil gaara laysula baxo aan la heshiinayn, gobanimaduna ku jirto “is dabo socod” ee aanay ku jirin “is barbar socod.” Nasiib daro taladii Xaaji Cabdi Waraabe lama qaadan ee waxaa la aasaasay jabhadii ku suntanayd Duriyada ee SNM. Tani waxay dhalisay in dagaalka ay ku kaliyaysato Duriyadu oo u babac dhigaysa dowlad xoogan oo taageero badana ka helaysay aduun waynaha. Xulafaysigii u Horeeyey ee SNM Gasho: Dagaaladii lagula jiray xukuumadii Siyaad Barre ayaa bilaabmay taas oo shacabka dhib badani ka soo gaadhay iyadoo xukuumadaasi u arkaysay inay taageerayaan jabhada. Dagaaladaasi waxay ku soo gabo-gaboobeen in si toos ah ay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco ugu dagaalamaan jabhadii SNM iyo ciidankii xukuumadii Siyaad Barre sannadii 1988. Markii ay dagaaladii jiitameen, magaalooyinkiina laga baxay ayay unkantay fikrad ah inaan kali laysku bixinayn ee la samaysto xulafo siyaasadeed oo dagaalka dhinac kale kaga furta dowladii Siyaad Barre. Ogow fikirkani waa kii hore looga diiday Xaaji Cabdi Waraabe markii lagu jiray aasaaska jabhada SNM. Fikirkaasi wuxuu yimi markii Gudoomiyaha SNM loo doortay Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) bishii Abriil 1990. Waxa suuragalay in heshiis ay wada galaan SNM oo Cabdiraxman Tuur hogaaminayo, USC uu Janaraal Caydiid hogaaminayey iyo SPM oo Axmed Cumar Jees hogaaminayey. Muddo yar oo ku siman todoba bilood kaliya ayay USC ku soo af-jartay cimrigii xukuumadii Siyaad Bare ka dib markii ay ka bilowday dagaal magaalada Muqdisho taas oo sababtay in ay burburto xukuumadii Siyaad Barre bishii Janaayo 1991. Qabsashadii Dalka 1991: Dhicitaankii xukuumadii Siyaad Barre waxay sahashay in SNM si fudud ula wareegto Somaliland. Hogaanka SNM waxa uu doonayey in is xulafaysiga SNM, USC iyo SPM sii socdo oo ay xukuumad wada dhistaan. Hase yeeshee garabka SNM ah oo u badan saraakiishii askarta ahaa ayaa u arkayey haddii Xamar dowlad laga dhiso inaanay iyagu saamayn siyaasadeed yeelan doonin sidaa darteedna ay ugu badinayso haddii Somaliland gooni isu taagto. Tani waxay keentay in hogaankii SNM lagu khasbo inay ku dhawaaqaan gooni isu taaga Somaliland. Waxaa halkan ku lumay fursado siyaasadeed oo la mid ah tii ay gaadhay jabhadii Eritrean Peoples Liberation Front (EPLF) ee ay iyada iyo jabhadii Tigreegu (TPLF) si wada jir ah u wada rideen xukuumadii Itoobiya ee uu hogaaminayey Mengistu. Jabhadii EPLF ee Careeteeria waxay dalkii la xasilisay Tigreegii ka dibna waxay ka codsatay inay dib u soo ceshedaan madax banaanidii Careeteeriya taas oo xukuumadii Tigreegu ka aqbashay sidaana ay Itoobia ku ictiraaftay gooni isu taaga Careeteeriya. Sidaa si la mid ah, SMN waxaa u furnaa inay dalka la xasiliso jabhada USC, ka dibna ka codsato in ay u ictiraafto gooni isu taaga Somaliland. Xukuumadii SNM ee Cabdiraxman Tuur May 1991: Ku dhawaaqii gooni isu taaga Somaliland ka dib, waxa madaxweyne loo doortay Cabdiraxman Tuur (IHN). Nasiib daro xukuumadaa uu Cabdiraxman Tuur soo dhisay waxaa ragaadiyey khilaaf ka dhex qarxay garabyadii SNM oo waji qabiilna yeeshay. Garabkii ka soo horjeeday Cabdiraxman Tuur waxa ay abaabuleen shir-beeleed ka qabsoomay magaalada Borama kaas oo uu xukunkii ku wareejiyey Cabdiraxman Tuur loona doortay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN). Xukuumadii 1aad ee Cigaal (1993-1996) Xukuumadii u horaysay ee uu soo dhiso maxadweyne Cigaal waxaa hormood u ahaa garabkii SMN ee hore u mucaariday xukuumadii Cabdiraxman Tuur. Si ka far celin ah ayaa haddana garabkii SNM ee taageersanaa Cabdiraxman Tuur mucaaridad hubaysan ugala hor yimaadeen xukuumadii Cigaal. Waxaa dhacay dagaalo burbur badan keenay oo socday 1994-1996. Xukuumadii 2aad ee Cigaal (1997-2002) Markii mar labaad dib loo doortay Cigaal sanadii 1997 waxa uu go’aansady inuu meesha ka saaro garabyada SNM ee iska soo horjeeday, kuwaas oo dalka galiyey dagaalo iyo kala qaybsanaan bulsho. Waxa uu u xusul duubay oo meel mariyey qorshayaal uu ku yagleelayo dowladnimada Somaliland taas oo ay ugu waynayd qorista dastuurka iyo ka guurida habka shirka beeleedka ee wax lagu soo doorto, loona guuro doorashada hal cod iyo hal qof. Isku dayga nooca ah waxa uu madaxweyne Cigaal kala kulmay in siyaasiyiin badani ay ka hor yimaadaan oo khilaaf abuurmo. Isku soo duuboo waxaa u suura-galay madaxweyne Cigaal arimahan hoos ku xusan: Qorista dastuurka Somaliland U Codayntii Dastuurka Ka Guurida Habka Shir-Beeleedka iyo u guurida doorasho Hal Cod iyo Hal Qof ah Qaramaynta Ciidan Beelaadyadii (demobilization of clan militias) Hanaanka xisbiyada badan iyo aasaaskii xisbigii UDUB Dhisid nidaam iyo haykal dowli ah oo leh kala danbayn Xukuumadii Dahir Riyaale (2002-2010) Run ahaantii aragtidii Cigaal ee ahayd in Somaliland la iska wada dhex arko waxaad ka fahmi kartaa markii uu geeriyooday 2002 cidii awoodaha ugu badan ee dowlada gacanta ku haysay waxay ahaayeen qaar ka soo jeeda beelaha aan Duriyada ahayn. Sida hoos ku qoran, sadexda dhardhaar ee Fulinta, Sharci-Dejinta iyo Garsoorkaba waxa madax ka ahaa madax ka soo jeeda Awdal, Sool iyo Sanaag bari: Dahir Riyaale oo madaxweyne noqoday kana soo jeeda Gobolka Awdal Maxamed Aden Qaybe oo ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada kana soo jeeda Gobolka Sool Siciid Faarax Dhabuuke oo ahaa Gudoomihyaha Maxkamada Sare kana soo jeeda Badhan, Sanaag Bari Dhinaca kale, sidii uu u qorsheeyey madaxweynihii ka horeeyey ee uu xukunka ka dhaxlay, madaxweyne Dahir Riyale Kahin waxa uu hirgaliyey doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee ka dhaca Somaliland intii dastuurka loo codeeyey ka dib. Doorashooyinkaasi waxay ahaayeen kuwii dowladaha hoose ee dhacay Diisambar 2002 taas oo ay ku soo baxeen saddexdii xisbi qaran ee UDUB, Kulmiye iyo UCID. Sidoo kale waxaa Dahir Riyaale qabtay doorashadii madaxweynaha ee 2003 iyo tii Golaha Wakiilada ee 2005. Hadaba waxaa ay u qaadan waa ku noqday xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayey Axmed Siilaanyo oo horena u soo hogaamiyey ururkii Duriyada ee SNM inuu doorashii madaxeynaha kaga guulaysto xisbiga UDUB oo hogaaminayey Dahir Riyale oo aan Duriyada ahayn. Waxaa dhacay abaabul ay siyaasiyiinta Kulmiye dadka kaga dhaadhicinayeen in dalkii uu gacanta u galay “cid aan halgankoodii qayb ka ahayn oon aan garanayn waxa dalkan loo soo maray.” Tani kuma koobnayn siyaasiyiinta Kulmiye iyo taageerayeeshooda laakiin xisbigii UCID ee uu hogaaminayey Faysal Cali Waraabe ayaa fikirkan la qaatay. Tusaale ahaan, Gudoomiyihii Golaha Wakiilahda Cabdiraxman Cirro oo ka tirsanaa xisbiga UCID wuxuu si cad uga horyimid xukuumadii Dahir Riyaale waxaanu taageero iyo is xulafaysi u muujiyey xisbigii Kulmiye, taageeradaa la’aanteedna ay ku adkaan lahayd Kulmiye inuu guul gaadho. Waxaa kale oo taageero la barbar istaagay xisbiga Kulmiye siyaasiyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi, Caraale Duur iyo Gaboose, Waxaa aloosantay qabyaalad lagu abaabulayo mar kale Duriyadii kaas oo soo gabagabeeyey dhismihii hanaankii dowladnimo ee uu Cigaal yagleeyey muddo 13 sanno ah intii u dhaxaysay 1997-2010. Ugu danbayn waxaa uu Daahir Riyaale hirgaliyey doorashadii madaxtooyada ee 2010 taas oo isaga lagaga guulaystay si gobonimo lehna uu u aqbalay, xukunkiina ku wareejiyey. Isku soo wada duuboo, madaxweyne Dahir Riyale wuxuu si fiican u hirgaliyey nidaamkii dimuquraadiya ee dastuurku jideeyey. Xukuumadihii Kulmiye 2010-2023 oo 13 sanno ah: Xukuumadii Kulmiye oo ku timi abaabulkii Duriyada waxa uu horseed u noqday musuq-maasuq baahsan iyo qabyaalad qaawan oo ka dhex bilaamantay Duriyadii wada socotay ee sida wada jirka ah ugu heshiisay riditaankii xukuumadii Dahir Riyale Kahin. Haba yaraatee ma jirto wax isbedel iyo kaabid ah oo lagu samayn dastuurkii ay hore ugu eedayn jireen madaxda Kulmiye inuu yahay shaadh uu toshay Ina Cigaal. Waxaa dadka qaar ku amaanaan xukuumdii Siilaanyo inay dhistay xafiisyada dowlada laakiin taasi may ahayn mid ku timi baahi iyo codsi ka yimi wasaaradaha ee waxay ahayd mashruuc wasiirkii maaliyada fursado qandaraas ugu abuurayey shirkad dhismaha oo share kaga jiray. Waxaa Iyana dhacay kala furfur bulsho iyo iyadoo ay dareemeen beelihii darafyadu in dowladnimadii aanay waxba ku haysan. Dhinaca kale, sidii Xaaji Cabdi Waraabe hore u sheegay waxa muuqatay in Duriyadii markii ay gooni isula baxeen aanay heshiis noqon karin ee ay ku qurux badnaayeen markay dadka kale ee Somaliland taraxaan oo awooda la qaybsadaan sidii xiligii xukuumadihii Cigaal iyo Riyaale. Waxaa markii ugu horaysay bilaamay jabhadii SSC, Khaatumo iyo Caare ee gobolada bariga Somaliland. Sidoo kale, waxaa bilaamay jabhadii Suldan Wabar oo gobolada galbeedka. Maanta oo laga joogo 13 sanno markii Kulmiye talada dalka la wareegay, waxaa cad inaynu dib ugu noqonay meeshii Cigaal dalka ka keenay oo ay maanta dalku u eg yahay sidii uu ahaa 1996 oo ay dalka ka socdeen dagaalkii sokeeye ee Burco iyo Hargaysa 1994-1996. Maanta waxaa socda dagaal kii la mid ah oo ka dhacaya gobolka Sool. Waxaa iyana wiiqantay xoriyatul qowlkii iyo hanaankii dimuquraadiyada iyo doorashooyinka. Waxaa aad hoos ugu dhacay kalsoonidii dad badani ku qabeen Somaliland. Waxaa musuq-maasuq dartii u fashilmay mashaaric badan oo dowlado shisheeye maal galiyeen sida: Mashruucii Madaarka Hargaysa oo la siiyey shirkad gacan ku rimis ah oo aan khibrad iyo awood u lahayn dhisme madaar Mashruucii Xumbo Wayne ee Biyo-Galinta iyo kii Biyo-Balaadhinta magaalada Hargaysa Mashruucii Wadada “corridor” ka ee Berber ilaa Wajaale oo roobkii ugu horeeyey ee inoo da’a xejin kari waayeeen Halkee Baynu Is-Goyskan Uga Gudubnaa? Waxay tahay su’aasha hortaal shacabka Somaliland xaggii ay uga kici lahaayeen meeshan ay taagan yihiin: ma waxay sii wadaan wadadan uu Kulmiye u jeexay (2010-2023) ee aynu aragnay najiitadeedii mise waxaynu dib ugu noqonaa jidkii uu inoo jeexay Cigaal (1997-2010)? Haddii la doonayo inay sii jirto jiritaanka Somaliland waa in dib loogu noqdo wadadii uu dalkan u jeexeen madaxweynayaashii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN) iyo Dahir Riyaale Kahin lana soo gebo-gobeeyo siyaasadii jabhadnimada iyo Duriyada taas oon Duriyadana kala irdhaysay dadkii kale ee reer Somaliland na fogaysay oo aanay maanta saamayn siyaasadeed ku lahayn dalka. Waa in laga takhalusaa siyaasadaa santaaga Duriyada (Isaq chauvinism) oo la xaqiiqsado sidii Xaaji Cabdi Waraabe sheegay inaanay ahayd siyaasad Duriyadana dhaqaysa oo aanay ku heshiin karin dadka kale ee reer Somaliland na faquuqaysa keenaysana burbur iyo baa’ba. Uma baahna shacabka Somaliland in lagu mashquuliyo mushkiladihii dhacayey 40 iyo 50 ka hor laakiin waxay u baahan yihiin in baahiyaha maanta ay qabaan la buuxiyo oo xal loo helo haday noqon lahayd faqriga, shaqo la’aanta, sicir bararka, waxbarshada iyo caafimaadka gacansiga noqday ee dadkii caadiga (common men) aanay goyn karin, musuqa baahay ee dowladnimo iwm. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa gashay xaalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah, habeen dhaweyd dagaal ka dhacay duleedka magaalada Garoowe ayaa sababay tiro dhimasho iyo dhaawac ah. Dagaalka ayaa dhexmaray ciidanka PMPF la yiraahdo oo gelbinaayay sanaaduqda codbixinta golaha deegaanka iyo xubno taabacsan siyaasiyiinta diidan qorshaha Deni ee doorashada, kuwaasi oo aaminsan inuu Saciid Deni u gogol xaaranayo muddo kororsi laba sano ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in weerarkaasi uu abaabulay Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha ganacsiga caalamiga ah. Halka uu Khadar Faroole arrintaas iska fogeeyay kuna tilmaamay eedeyn mala-awaal ah. Siyaasiyiin dhawaan ku shiray magaalada Garoowe, oo u badan kuwa doonaya inay doorasho u dhacdo sidii hore iyo waqtigeedii ayaa Deni ugu baaqay inuu miiska wada-hadalka kusoo laabto, uuna joojiyo damaciisa muddo kororsiga, laakiin uma uusan jawaabin. Waxay xaaladdu weji kale yeelatay markii uu Xeer Ilaaliyaha Puntland oo la fahamsan yahay inuu dhanka Saciid Deni raacsan yahay, dhinaca kalena isku xisaab yihiin uu soo saaray waaran lagu soo qabanayo xubno kamid ah mucaaradka Saciid Deni. Xubnaha lasoo qabanayo oo dhamaan kasoo jeeda magaalada caasimadda ah ee Garoowe, ayaa kala ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Maxamed Shiddo oo wasiir hore iyo siyaasi awood badan ah iyo nin la yiraahdo Maxamed Laysar oo wasiirka Maaliyadda xoghayn u ahaan jiray. Arrintan ayaa durba kicisay dareen ka duwan midkii hore, waxayna muujineysa in Saciid Deni uu aaday dariiqa is-maquuninta. Xubnaha dorraad loo jaray soo qabashada ayaa ku sugan Garoowe, waxayna illo wareedka inoo sheegeen in aad u hubeysan yihiin, in soo qabashadooda loo bareerana waxay leedahay culeyskeeda. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka jawaabay waaranka loo jaray ayaa ku tilmaamay mid aan sharciyad aheyn oo aan macno ku fadhin, haddana waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Garoowe, uuna si nabad ah ugu shaahayo mid kamid ah maqaayadaha magaalada ku yaalla, sida uu usheegay BBC-da qeybta Soomaaliga. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u dhaqaaqay dariiqii is-maquuninta ee Farmaajo isticmaalay dhamaadkii muddo xileedkiisa. Farmaajo ugama badin markii uu isku dayay inuu awood ciidan u adeegsado siyaasiyiintii caasimadda. Lamana yaqaano inay hadda Deni ugu badin karto isla wadaddaas uu qaaday. Mucaaradka Puntland waxay ku baaqeen inuu Saciid Deni kusoo laabto miiska wada-hadalka, oo laga heshiiyo doorashada soo aadan, kadibna uu sii wado doorashada golaha deegaanka, laakiin kooxda Deni dhag jalaq uma siin baaqaas. Sidoo kale waxyaabaha doodda Saciid Deni hoos u dhigaya waxaa kamid ah in saddexda urur siyaasadeed ee doorashada ugu cadcad uu midkiisa ku jiro ay saddexduba kasoo wada jeedaan magaalada Qardho, taas oo aad u deeqi la’a Garoowe iyo Gaalkacyo. Dadka waxgalka ah ee reer Puntland ayaa ku baaqaya in wada-hadal lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee soo xoogeysatay maalmahan, halka dhaqanku ay u muuqdaan in weli eegayaan halka la isla gaaro. The post DENI oo qaaday dhabbihii uu Farmaajo ku hungoobay appeared first on Caasimada Online.
-
LAASCAANOOD: CAQLIGU HA SHAQEEYO Dagaalka waxa ugu hor dhinta runta. Dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood dhinac waliba ha sheegto guusha uu shaaganayo. Maleeshiyada degaanku waddo ay gooyeen ma jirto Goojacadena kamay qabsanin Ciidanka Qaranka. Waddadii way u furan tahay Goojecadena gacanta Ciidanka Qaranka waa sidiisii balse ma jiraan goobo cusub uu Ciidanka Qaranku kula wareegay dagaaladii dhacayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay. Markaa Yaa guulaystay yaa laga guulaystay? Dagaalkan Laascaanood dabci ahaan iyo dhalan ahaanba waa dagaal sokeeye oo aan gebieahaanba wax guul ahi ku jirin. Inta uu doono ha socdo ma jirayo dhinac guulaysanaya iyo dhinac laga guulaysanayo midna. Ka xagan ku dhintaa waa adiga oo kaa dhimay ka xaga kale ku dhintaana waa adiga oo kugu dhimay. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh, burbur iyo barokac leh waa khasaare Somaliland uu ah Sidaa daraadeed hadii caqligu shaqeeyo waa la joojin karaa dagaalka si khasaaraha labada dhinac ee Somaliland loo yareeyo. Waxa Qoray:Ali Yussuf Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Khamiistii diiday sii socoshada, dacwad ka dhan ahayd shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada gaar ahaan shirkadda Twitter-ka, taas oo ay dacwad ku soo oogeen, qaar ka mida dhibbanayaal ay eheladoodu ku dhimatay weeraro argagixiso. Dhibbanayaasha dabada ka riixaya kiiskan ayaa dacwadooda saldhig uga dhigay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka. Waxay ku eedeeyeen in shirkadaha iska leh baraha bulshadu, oo ay ugu horrayso shirkadda Twitter inay ku guul daraysteen inay ka xakameeyaan kooxaaha dembiyada abaabulan fuliya, inay adeegsadaan barahooda bulshada. Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa go’aan midaysan ku laalay go’aankii maxkamadda hoose ee Maraykanku ay dib ugu soo noolaysay dacwaddan ka dhanka ah shirkadda Twitter. Tallaabadan ayaa guul u ah shirkadda Twitterka. Dacwaddan waxaa dabada ka riixaya ehelada Maraykanka ah ee Nawras Alassaf oo u dhashay dalka Jordan, kaas oo sannadkii 2017 lagu dilay magaalada Istanbul, intii ay socotay xaflad loogu dabbaaldegayey sannadka cusubi. Weerarkaas ayaa ka dhacay xarun lagu caweeyo, waxaana sheegtay kooxda ISIS. Dacwaddan ayaa ahayd mid looga danlaha in lagula xisaabtamo shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada waxyaabaha ay soo dhigaaan dadka isticmaala adeegyadooda, arrintaas oo walaac isa soo taraya ku haysa bulshada iyo sharci-dejiyayaasha Maraykankaba. The post Maxkamadda sare ee Mareykanka oo go’aan ka gaartay dacwad ka dhan ah Twitter-ka appeared first on Caasimada Online.
-
Ninka ka baqaya doorashada ee ku baaqaya Dagaal weligii sii socda waa Fulay……Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Muuse waxa aan u sheegayaa in aan ahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI ee doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa aanaan diyaar u ahay in aan la tartamo Musharaxiinta kale ee Xisbiyada Qaranka. Muuse waxa aynu u sheegaynaa oo xusuusinaynaa in aanay caalamka ka dhicin Musharax oggolaansho uga baahan qofka uu la tartamayo! Anniguse waxa aan jeclaan lahaa in Kulmiye Muuse Musharax Madaxweyne u soo doortaan maadaama uu xaq u leeyahay inuu mar kale tartamo! Si aan mar 2aad ula tartamo.”Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
-
“Ninkii bilaabay dagaalka Laascaanood furaha dagaalka lagu bilaabay ayuu hayay laakiin furaha lagu xidhaayo dagaalka gacanta Somaliland ayuu ku jiraa” Muuse Biixi, Madaxwaynaha Somaliland Ninkii bilaabay dagaalka Laascaanood furaha dagaalka lagu bilaabay ayuu hayay laakiin furaha lagu xidhaayo dagaalka gacanta Somaliland ayuu ku jiraa Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa si adag uga jawaabay hadal xasaasi ah oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu shalay ka jeediyay munaasabaddii xuska 18-ka May ee fagaaraha magaalada Hargeysa. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay, “Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee.” Afhayeenka Guddiga 33-ka ee SSC, Cabdirisaaq Falaalug oo hadalkaas daba socda ayaa waxa uu madaxweynaha Somaliland ku sifeeyay shaqsi duulaan ku ah Soomaali oo dhan ah, marka laga imaado deegaanada SSC. Afhayeen Falaalug ayaa waxa ujeediyay beesha caalamka inay maxkamad soo taagto, si cadaaladda loogu qaado, kadib markii uu ku eedeeyay in madaxweyne Muuse Biixi uu yahay ciil-qabe duulaan ku ah Soomaali oo dhan. “Waxaanu leenahay awalna aanu ogayn in uu yahay nin ciil qaba, maantana wixuu caddaystay ciil qab kiisii, waxa uu caddaystay ciilka uu u qabo Harti, ciilka uu u qabo Darood iyo ku uu u qabo Soomaali oo dhan” ayuu yiri Cabdirisaaq Falaalug. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaanu beesha caalamka ka codsanayna in ninka la geeyo maxkamadaha cadaalada.” Afhayeenka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaalida kale aysan ka bixin jawaab hadalka kasoo yeeray Biixi, oo uu sheegay in aargoosi u socdo, “waxaa la yaaban yahay umadda kale ee Soomaaliyeed oo aan hadalka Biixi wax jawaab ah ka bixinayn.” Falaalug ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hadasho hadalkii madaxweyne Biixi oo ahaa mid banaanka usoo saaray naceybka iyo ciilka u qabo Soomaali oo dhan, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay SSC-Khaatumo ay is-difaacayaan, islamarkaana ay la dagaalamayaan ciidamada Somaliland, “waan isdifaacyena, Biixi waa caddeeyay in aanu gobolka ka tageyn illaa askariga ugu dambeeyay kaga dhinto.” The post SSC oo caalamka u jeedisay dalab culus oo ka dhan ah madaxweyne Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
-
Reer sool iyo reer awdal waxaan leeyahay: • Dharaarbaa iman doonta • Dhaayaheennu is deeqoo • Dharaarbaa iman doonta • Dharagteennu badnaato • Dharaarbaa iman doonta • Inta dhiig qubanaaya • Aan ku dhayno wanaag • Dharaarbaa iman doonta • Dhulka Sool iyo Awdal • Aan ka dhawrno dhibaato!” Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Qaran News
-
Accusations and bad blood continued Wednesday in the wake of a weekend Minneapolis DFL Party ward convention that descended into chaos. Source: Hiiraan Online
-
Isimada SSC-Khaatumo oo galay khilaafka doorashada Puntland ee u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa go’aan ka soo saaray arrintaas. Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo shir caawa ku qabtay Garowe ayaa sheegay in ay go’aamiyeen in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kaddibna la isugu yimaado wadatashi guud iyo halka la aadayo 8 Janaayo 2024. Garaadada ayaa xusay in ay go’aankaas isla qaateen Madaxweyne Deni oo ay kula kulmeen magaalada Qardho, waxayna intaas ku dareen in ay go’aanka wakiil uga hayiin dhammaan isimada Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka Garaadada. PUNTLAND POST The post Isimada SSC-Khaatumo oo go’aan ka soo saaray khilaafka doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Thirty-two years after the collapse of Somalia’s national government, tribal-based provinces dominate the political landscape and each community is further segmented into exclusive political sects. The senseless fighting factions in Sudan are a replica of the unnecessary madness that turned Somalia into a purgatory for three generations — with no end in sight. To see the future of Sudan if the absurdity continues, here is the roadmap for its future. Somalia is culturally and socially the most homogeneous country in Africa. Nearly 100% of the population is Muslim and speaks the same language. It was this cultural homogeneity that inspired the struggle against colonial rule and gave impetus to the most democratic republic in the 1960s. The founding fathers’ conviction was that over time, the population would develop a more robust civic political identity that could deepen the nation’s wonderful cultural foundation. But opportunistic segments of the political class had a contrary agenda and saw the post-colonial state as a tool for sectarian exploitation of the country’s meagre resources. The cherished democratic order was overthrown by the military in 1969. After 21 years of the cruellest dictatorship, the country’s various sectarian political factions induced an awful civil war that killed hundreds of thousands of people, displaced a million others, created a hellish environment for the young, and eroded whatever was left of common national civic identity. Thirty-two years after the collapse of the national government, tribal-based provinces dominate the political landscape and each community is further segmented into exclusive political sects. The nominal Somali Federal Government is hopelessly corrupt and inept. Ministerial appointments are based on one’s genealogical pedigree, while employment and promotion in the civil service and security forces are anchored on ethnic identity rather than on qualifications, merit, or character. Transparency International has consistently ranked Somalia among the most corrupt countries in the world for the past decade, and one might add that it is possibly one of the most sectarian political orders on earth. A hellish environment This political mess has spawned the horrific humanitarian and social crisis of the last three decades. Dire living conditions continue to haunt the population. More than three million Somalis have been internally displaced and live in horrendous camps. Life expectancy plummeted to the 30s at the beginning of the civil war but has slowly recovered, although it is still one of the lowest in the world. Social cohesion and trust in the community have faded. Women have paid a heavy price for the chaos of the last 33 years. They must fend for the economic survival of the family in addition to their traditional role of minding the home and other associated responsibilities. Second, crimes against women rose dramatically in ways unknown in the history of the Somali people. Third, improved education levels garnered in the two decades before the civil war vanished for Somali girls. Educational attainment of boys declined significantly as well but to a lesser degree than that of girls. Regardless of distinctions between females and males, it is the youth whose future has been most compromised as physical and social insecurity have become endemic. Poor or limited education, corruption and political tribalism, inordinately high levels of unemployment, crime, and terrorism have created appalling conditions that breed despair. Profiles of despair and hope The chaotic political, economic, and security environment has created unbearable living conditions for most Somalis. Such dire circumstances have wrecked lives and livelihoods as the following heart-breaking profiles of some of the capital’s residents amply illustrate. Profile 1: Surviving in the slum A family of seven lives in one of the many slums in Mogadishu. The father is 70 years old while the mother is 20 years younger. They have five children, none of whom had any schooling as the Somali government cannot provide even free rudimentary education or other basic public assistance for the population in the capital. Father Jama has been a labourer all his life and his income barely sustains the family. Exhausted by years of drudgery, the father began to use hashish and then deadly locally brewed alcohol. This intensified the strains on the family and as a result, the son joined the father in substance abuse. The addiction of the two men has devastated the family and the mother is terrified by what will happen to her family after she dies. Profile 2: Even the successful cannot escape Abdow grew up in a relatively well-off family in Mogadishu and was trained as a medical doctor at one of Mogadishu’s universities. He successfully interned in one of the local hospitals and quickly rose through the ranks of the medical profession. He married after several years in practice and supported his young family. In the absence of healthy social and recreational spaces in the war-torn city, the doctor began socialising on the seedy beachfront of the city consuming hashish, narcotics, and alcohol with equally successful professional friends. His family and work life suffered as he failed to work and take care of himself. His parents took him to a drug rehabilitation centre for treatment but, unfortunately, that effort came too late for his heartbroken family. Profile 3: Diaspora returnee corrupts an innocent young woman Aisha is 25 years old and has several brothers and sisters. Her mother is a businesswoman and her father is a teacher. Aisha was educated in local schools but stayed at home. She met a young woman of her age who had lived in UAE and who appeared friendly, sophisticated, and nice. Her new friend invited her for outings to coffee shops and later to clubs in the Lido area where addictive drugs are in wide use. Aisha and her new friends became regulars in the area and indulged in narcotics and other mind-altering substances. Her parents were unaware of their daughter’s engagement until Aisha felt sick and had to be rushed to one of the local hospitals. She was treated for high fever but the doctor also ordered blood tests later which revealed that Aisha was HIV positive. A promising young life got lost in Mogadishu’s drug jungle and the hard work of good parents was in vain. Profile 4: The great escape Born during the year of the great famine of 1992 and in the epicentre of the city of Baidoa, Mohamed’s family fled to Mogadishu to seek refuge from the man-made calamity. Tragedy hit the family when the father was struck by a stray bullet after which he could not do his labourer job. At age eight, Mohamed took on his father’s responsibility by doing odd jobs. Then fortune struck one day when staff from a local NGO, Youth Link, provided a small loan for the mother to start her business so the boy could go to school. Youth Link’s generous support sustained Mohamed and his family, and enabled him to successfully finish secondary school and earn a college degree in Public Affairs. Youth Link offered Mohamed an internship that led him to secure full-time employment at the NGO. Mohamed is now married, has several children, and hopes to get an advanced degree in the same field. A grim future Thirty-two years after the start of the Somali civil war and the collapse of the state, the majority of the Somali people continue to suffer immeasurably. Some NGOs and humanitarian agencies have made exemplary efforts to shore up life in the country, but that has been insufficient given the magnitude of the problem. The re-establishment of a national and provincial government has not reduced the magnitude of the suffering as both levels of government are disabled by corruption, tribalism, and incompetence. The good work of some of the NGOs, like Youth Link and Irish Concern, are admirable and has changed the fortunes of many Somali families. However, such NGOs cannot take on the responsibilities of national or local governments, like providing education, generating economic development, and controlling drugs and substance abuse. Until Somalia gets its political house in order, mass misery and destitution are certain to continue. This might be Sudan’s future unless the factions urgently step back from the humanitarian precipice. Source: Daily Maverick The post Africa’s model of despair is Somalia, and Sudan is headed down the same disastrous road appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabay cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayaan qabashada doorashooyinka Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in Somaliland aanay deeqaha caalamiga ah ku badalaneyn inay talladeed shisheeye u gacan galiso, islamarkaana ay masiirkeeda ka tashaneyso, sida uu hadalka u dhigay. Muuse Biixi oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May ayaa waxa uu ka sheegay in beesha caalamka ay shaqo ku laheyn tallada doorashooyinka Somaliland, ayna qabsanayaan iyagu. “Waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyin, cadowgu noogu talin maayo doorashadayada, beesha caalamku doorashadayada soo fara-galin mayso, kama taliso, sharcigayaga ma fara-galiso ninka u qishayaana waa nacas ee dalkiisa aamini waaya,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaqaalaha doorashooyinka lagu galayo uu Somaliland u yaallo, ayna ku filan yihiin, “ma aqbaleyno in cid kale ka taliso doorashooyinka, oo nooga badalato taageero dhaqaale.” “Dhaqaalaha doorashadu waxa uu yaalla Somaliland, waan ku taageerayaaye talladaada ii dhiib ma yeelayno, yeeli-mayno, dhaqaalahana inaga isku filan oo Somaliland ayaa ku filan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu nidaam sharci ah ku tagi doono, isaga oo ku doodday in Somaliland hogaankeedu isku badalayay hab qori isku dhiiba, taas wax aan aheyna uga degi doonin xilka, oo Mucaaridka uu sheegay inuu muddo kororsi sharci darro ah ku fadhiyo. Si kastaba, Somaliland iyo hoggaankeeda sare ayaa muddooyinkii dambe cadaadis xooggan kala kulmeysay beesha caalamka, kadib markii ay muddo dhaafeen doorashooyinka, gaar ahaan tan madaxtinimada oo ay si weyn iskugu qabteen Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka, taas oo mar gacan ka hadal ka riday caasimadda Hargeysa. The post Muuse Biixi oo markii u horeysay luuqad adag kula hadlay caalamka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb-gali doona Meertada 32-aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka. Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, hakaasi oo caawa uga soo duulay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugna Dooxa waxa uu Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood. Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo caawa ka degay dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo uu gaaray Talaadadii. Madaxweynaha ayaa waxa uu kulammo kala duwan la yeeshay hoggaanka rugta ganacsiga Qatar iyo ururka ganacsatada Qatar, isaga oo u soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga. Xasan Sheekh ayaa ganacsatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah. “Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri-gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya. Sidoo kale waxay si weyn ugu bogaadiyeen guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu kulan gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kula yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku-xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab. Waxa uu hoosta ka xariiqay in idhalinyaradaan looga baahan yahay inay hormuud u noqdaan howl-gallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan., “dhibaatada Soomaaliya heysta maanta askari ma’ahan ee waa sarkaal la’aan.” Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab. Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore. Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale. The post Wararkii ugu dambeeyay kulamada Xasan Sheekh ee Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Bihi:” We seceded from Somalia in 1901.” Hargeisa (PP News Desk) — In speech marking the thirty-second anniversary of the unilateral secession President Muse Bihi Abdi of Somaliland Administration said that “we withdrew from the collapsed union with Somalia in 1901”, 90 years before the May 18, 1991 conference held in Burao. Bihi’s speech contradicted his speech ten days ago for the Elders’ Council and the House of Representatives in which he called for talks to resolve the Laascaanood conflict. “The Laascaanood war will go on and let men lose their lives as long as Puntland forces are in Sool” said Bihi. The President of the Somaliland administration delivered a speech laden with factual inaccuracies. “The Laascaanood war resembles the 1988 civil war in the sense that 90% of Somali Air Force pilots who bombed Hargeisa belong to Puntland” said Bihi. In February he claimed that “the Federal Republic of Somaliland attacked us”, a speech that alerted many people to his habit of political malapropism. The International Community urged Bihi to withdraw his troops from Sool and conduct elections. The Laascaanood conflict, which bagan on 6 February 2023, is the longest intra-clan conflict in Somalia since 1991. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland President: We seceded from Somalia in 1901 appeared first on Puntland Post.
-
Somali forces intercept al-Shahab shipments with explosives
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali security forces on Thursday intercepted and seized two military shipments with explosives belonging to al-Shabab militants at the port of Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isaga oo faray inay dardar-geliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib deyn cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan. Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhawaan isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, kadib kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale waxay isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso. Golahaan ayaa waxa uu xilligaasi usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, iyada oo xukuumadduna qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalanka musuqa. The post Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay golaha dhaqaalaha qaranka, farayna hal arrin appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa caawa Gaadiid wada deeq Mucaawino ah u dirtay Magaalada Baaldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib fatahaad uu halkaas ka sameeyey Wabiga Shabelle oo saameyn ba’an ku yeeshay bulshada magaalada. Gadiidka la diray ayaa gaaraya 50 Gadiid ah oo awad shixnad gargaar ah oo iskugu jirta daawo iyo raashinka qeybhiisa kala duwan,waxaana safar dhanka dhulka ah ku tagi donaan Magaalada Baladweyne, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doonaa dadka u baahi qaba. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Abdulle ,wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa gaadiidkaan ka sagootiyey Magaalada muqdisho, waxaana ay gaari doonaan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowaan ku dhuftay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle, taas oo keentay in ay ku barakacaan kumanaan Qoys, kuwaas oo deganaa magaalada, iyaga oo ku sugan deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
