-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Jimcaha maanta ah gaaray magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta. Safarkan lama filaanka ah ee Zelenskiy uu ku tegay Jeddah ayaa imanaya, iyada oo madaxweynaha Syria Bashaar Al-Asad oo si weyn u taageeray Ruushka dagaalka sokeeye, uu sidoo kale goobjoog ka noqon doono kulanka Carabta. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa waxa uu halkaasi ku tagay diyaarad ay leedahay dowladda Faransiiska. Zelenskiy ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo shirka madaxda G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhamaadka todobaadkan. “Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay ciyaareysaa door muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan wada-shaqeynteenna gaarsiino heer cusub,” ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wax yar kadib markii uu gaaray Jeddah. Booqashada Zelenskiy ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu ku tago Sacuudiga, taasi oo muujineysa sida uu udaneynayo inuu kor u qaado xiriirka uu la leeyahay waddamada Carabta. Volodymyr Zelenskiy ayaa waxa uu horey u booqan jiray oo kaliya xulafadiisa Yurub iyo Mareykanka. The post Madaxweynaha Ukraine oo safar lama filaan ah ku tegay Sacuudi Carabiya appeared first on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force)oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Ciidamadan cusub ayaa qaatay oo soo dhameeystay tababar heerkiisa aad u sareeyo, kaasi oo muddooyinkii dambe ku qaadanayeen dalka Uganda. Wasiirka Difaaca dalka ayaa munaasabadda soo xirista tababarkaan kula dardaarmay ciidankan cusub ee maanta tababarka uu usoo xiray. Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Imaaraadka Carabta ayaa iyadu bixinaysa kharashka ku baxaya tababarka ciidamada lagu tababarayo dalka Uganda, ayada oo arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin. Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga. Billooyin kahor ayay aheyd markii ciidamadii ugu horreeyay oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa la keenay magaalada Muqdisho, kuwasi oo tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Sawirro: Wasiirka gaashaandhigga ‘oo ciidamo cusub tababar heer sare ah’ ugu soo xiray… appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa shaaciyay in ciidamadoodu ay go’doon galin doonaan ciidamada Somaliland, kadib hanjabaadii kasoo yeertay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee aheyd in dagaalka uusan joogsaneyn. Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in hadalka Biixi uu yahay qiraal ku aadan duulaanka uu ku ahaa dhulka SSC-Khaatumo, ayna hadda waxba dhowrsaneyn, maadaama ay muddooyinkii dambe dalbanayeen in ciidanka Somaliland laga saaro gobolka, si xal looga gaaro oo miiska wada-hadalka la isku imaado. “Shalay hadaanu baryaynay oo aanu lahayn guryihiina ku noqda maanta iyaga ayaa na baryi doona,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo sheegay in hada dagaalka balaadhinayaan oo ay xidhi doonaan wadada uu saadku u maro ciidamada Somaliland ee saldhigooda u weyn yahay Goojacadde Garaadka Guud ee SSC ayaa duulaanka cusub ee qaadayaan ciidamadooda ku macneeyay is-difaac ay ku xoreysanayaan dhulkooda, oo uu sheegay inuu duulaan bareer ah ku yihiin Muuse Biixi iyo ciidankiisu. “Laascaanood ma degana Isaaq, Muuse Biixi reerkiisu ma degana, waxay degan yihiin waa Berbera, Hargeysa iyo Burco, haddii aan anagu duulaan ku ahaan laheyn Hargeysa, anaga duulaan ahaan laheyn waa la garanaya ninka duulaanka ah marka arrintaan laba-labeyn ma lahan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in la waayay cid madaxweyne Biixi uga ergaysa oo ku qancisa inuu ciidanka ka saaro SSC, sidaas darteed ay qaateen go’aanka ah inay xiraan wadada kaliya ee ciidamada Somaliland usoo marti taakulada iyo saadka. “Gurigiisa intuu ugu yeedhay (ergadii odayaasha aheyd ee Muqdisho ka tegay) ayuu qaabili waayay, kadibna iyaga oo wali gurigiisa ku sugan ayuu yidhi xabada joojin mayno ilaa aanu gaadhno xad beenaadkii gumaystuhu u kala qaybiyay umada Soomaaliyeed markaa nabadaasi maalinta ayay dhimatay.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Marka ay inoo muuqatay inaysan jirin cid Muuse qaban karta, wadaddaas sabab ay noogu furnaato majirto, markii horeba awood la’aan uma furneyn ee waxay u furneyd in ciidankaas guryahooda ku noqdo, mar haddii ay taas dhaceyn in aan wadaddii xirno ayaa go’aansanay, weyna xidhmaysa.” Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay inay jiraan ciidamo aan ahayn kuwa deegaanka ee SSC oo dagaalamaya Laascaanood, kadib markii uu maamulka Muuse Biixi uu sheegay inay halkaas ka dagaalamayaan kooxo huwan ah. Dhawaaqan cusub ayaa imanaya xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu shalay sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay. “Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. The post Garaad Jaamac oo shaaciyay tallaabo culus oo ciidankoodu qaadayo kadib dhawaaqii Biixi appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Jeddah ayaa maanta halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane Mohammed Shia al-Sudani. Labada hogaamiye ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq. Madaxweynaha ayaa waxa uu ka mahad-celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la-dagaalanka aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda. Isku soo wada duubo, Waxaa xilligaan si habsami leh u socda barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayada oo ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah. The post Xasan oo ka mahad-celiyay dal aan la fileyn oo 67% ka cafiyay deyntiisa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba mamnuucay in masuuliyiinta dowladda ay danahooda gaarka ah isaga xirtaan waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha ganacsiga caasimadda ee magaalada Muqdisho. Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib la aqbali doonin in masuul dowladeed uu iska xirto waddo, si usoo fushado danihiisa gaarka ah, xilli muddooyinkii dambe uu reysanayay ammaanka caasimadda. “Dadyowga masuuliyiinta ee marka ay rabaan in tukaan ka ganacsadaan waddooyinka xiranaya. Qof masuul ah ayaa Wadadda weyn Maka Al-Mukarama iyo kuwa lamidka ah inuu qof dantiisa raba inuu tukaan u galo u xirto wadadda oo loo xayiro Wiil iyo Hooyo Soomaaliyeed oo shaqo u socota, Aabe Soomaaliyeed oo isbitaal u socday iyo Gabar Soomaaliyeed oo ardayda ah inay u xayirnaato qof dukaameysanaya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa mamnuuc laga bilaabo maanta in masuuliyiinta dowladda ay danahooda gaarka ah ay isaga xirtaan wadooyinka iyo goobaha ganacsiga ah, hubna ay la galaan isbitaalada goobahaas oo kala dhaxaysa shacabka.” Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in isbeddelka ku yimid amniga caasimadda ay qeyb weyn ka qaadatay wada-shaqeynta ciidamada amaanka, oo markii hore meelo kala duwan amarka ka qaadan jirey, balse hadda hal meel amarka ka wada qaata. “Wada-shaqeynta Ciidamada Amaanka oo gaab uu jiray hadda hal meel ayey amarka ka wada qaataan, madaxda qaranka uu Madaxweynuhu ugu horeeyana waxay nagu hagayaan in aan la dagaalano Khawaarijta Nabada u diidan shacabka caasimadda degan.” Ugu dambeyntiina waxa uu digniin kama dambeysa ah u diray dadka qaar ee weli degmooyinka ku dhex wata hubkii la mamnuucay, kuwaasi oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono. “Looma ogola qof qori wata oo aan ka tirsaneyn ciidanka, ee magaalada qori ku wata ee la qabto sharciga la horgeyna oo qorigiisana waa lala wareega,” ayuu yiri taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir. The post Go’aan culus oo laga gaaray in masuuliyiinta DF ay xirtaan waddooyinka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Sudan’s army chief Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan has sacked his deputy and paramilitary Rapid Support Forces (RSF) commander Mohamed Hamdan Dagalo, better known as Hemedti. Source: Hiiraan Online
-
Wararkii u danbeeyay ee doorashada ku celiska ah ee Turkiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Musharaxa la loolamaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii adkeeyay codkiisa ka dhanka ah muhaajiriinta, isaga oo wacad ku maray inuu dhammaan muhaajiriinta ku celin doono dalkooda, haddii lagu doorto doorashada ku-celiska ah ee 28-ka May. Kemal Kilicdaroglu, oo ah musharaxa isbaheysiga lixda xisbi ee mucaaradka, ayaa ku guuleystay 45% codadka doorashada Axaddii, halka Erdogan uu helay 49.5%, isaga oo waxyar ka hoos maray 50% si looga baaqsado doorasho ku-celis ah. Hadalladii ugu dambeeyey ee Kilicdaroglu ayaa yimid ayada oo la filayo in musharaxii kaalinta saddexaad ka galay doorashada uu ku dhowaaqo go’aankiisa ku saabsan cidda uu taageerayo wareegga labaad. Sinan Ogan, oo ah siyaasiga xisbiga diidan qaxootiga, ayaa helay 5.2%, taasi oo taageeradiisa muhiim ka dhigtay wareegga kala reebtada ah. Isaga oo khudbad ka jeedinayey xarunta xisbigiis CHP, ayaa Kilicdaroglu wuxuu ku celiyey sida xooggan ee uu uga soo horjeedo siyaasadda Erdogan ee ku aaddan socdaalka. “Erdogan, waxaa si kas ah ugu ogolaatay 10 milyan oo qaxooti ah inay yimaadaan Turkey. Waxaad xitaa iibisay muwaadinnimadii si aad cod u hesho,” ayuu yiri Kilicdaroglu isaga oo aan bixin caddeymo. Turkey ayaa waxaa ku nool bulshada ugu badan caalamka ee qaxooti ah oo gaaraya 4 milyan oo qof, sida ku cad diiwaanka dowladda. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada ku celiska ah ee Turkiga appeared first on Puntland Post. -
Jeddah (Caasimada Online) – Madaxda dalalka xubnaha ah ka ah ururuka Jaamacadda Carabta ayaa waxay maanta kulankoodii 32-aad ku leeyihiin magaaladda Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Madada ka qeybta ka ah shirkaan ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka. Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah. Shirkan ayaa waxyaabaha ku cusub qeyb ka ah ka qeyb-galka madaxweynaha dalka Syria, Dr. Bashaar Xaafid Al-Asad oo dalkiisa dibad-joog ka ahaa xayndaabka carbeed, tan iyo sanadkii 2011-kii oo ay dalkaasi ka billowdeen dibadbaxyo isku bedelay dagaal lagu hoobtay. Axmed Abu Qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay in shirka carbeed ee Jeddah muujinayo soo-laabashada buuxda ee dalka Syria ee ururka carbeed. Xoghayaha ururka ayaa tallaabadan waxa uu ku tilmaamay mid fududeynaysa xalka colaadda ka jirta dalka Syria. Ka qeyb-galka Bashaar ee shirkaan ayaa waxaa ka dhashay guux xooggan, ayada oo la sheegay in dowladda Qatar ay ka biyo diidsan tahay inuu madaxweynaha dalka Syria dib uga soo muuqdo madasha shirka madaxda Carbeed. Mana muuqato inuu Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim uu kaga soo qeyb-geli doono shirka Jeddaha ka furmaya, ee u madlan yihiin madaxda ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta. Dhanka kale, Dowladda Lubnaan oo aan weli la dooranin Madaxweyne cusub ayaa waxaa marnaan doona kursiga maamuuska madaxweyne ee shirkaasi. Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegay inay madaxda carbeed ansixin doonaan 32-mashruuc, oo qaraar horyaalla shirkooda 32-aad, kuwaasi oo kamid yihiin; Qaddiyadda Falastiin iyo Dhacdooyinkii Israel ka geysatay deegaanada Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed Xiisadaha colaadeed ee ka socda dalka Sudan Sudan dadaalka socda ee Carbeed ee lagu gaari lahaa Xabbad-Joojin waarta oo ka dhaqan gasha caasimadda dalkaasi ee Khartoum. Ku-soo-laabashada Syria ee ururka Jaamacadda Carabta iyo doorka Carbeed ee dib–u-dhiska dalkaasi ku burburay dagaallada Xaalladda dalka Lubnaan, marnaanshaha xilka madaxweyne xaallada dhaqaale ee dalkaasi iyo xaallada Maciishad ee ay ku sugan yihiin Qaxootiga Suuryaanka iyo Falastiiniyiinta. Waxa kale oo ay ka arrinsan doonaan xaalladaha ka taagan dalalka Yemen, Somalia iyo Libya. Sidoo kale waxay diiradda saari doonaan qoddobo ku xiriirsan iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada, isbedelka cimilada iyo amniga guud ee qowmiyadda Carbeed. The post Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmaya iyo guux xooggan oo hareeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay sheegtay in dagaalka Laascaanood ee socda muddo ka badan afarta bilood ay joojintiisa awood u leedahay, iyada oo kali ah. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay hadal ka jeediyay xaflad casho ah oo lagu qabtay madaxtooyada oo lagu xusayay 18-ka May, ayaa sheegay in Somaliland oo kali ahi ay awood u leedahay joojinta dagaalkaas. Mudane Biixi ayaa waxa uu ku eedeeyay xooggaga kasoo horjeeda Somaliland ee SSC ay naf iyo maalba u bixiyeen sidii aanay u qabsoomi laheyn xuska 18 May, oo si weyn looga dabaal-degay fagaaraha caasimadda. “Dagaalka Laascaanood ninkii bilaabay furihii uu albaabka dagaalka ku furay ayuu hayay, lakiin ma hayo furihii dagaalka lagu xidhi lahaa, kaasi gacanta Somaliland ayuu ku jiraa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu intaas kusii daray “Ciidankeenu saddexdii cisho ee ugu danbeeyay difaac iyo dagaal ayuu ku jiray, saaka inta Somaliland neceb, oo todobbadkan dambe aan wax kaleba qabane lahaa 18 May la mari maayo, waxay u hureen intaasi oo dhaawaca iyo intaaso dhimasho ah in aanay qabsoomin 18-ka May, waa qoon-gaab.” Hadalkan ayaa imanaya, iyada oo shalay uu madaxweyne Muuse Biixi uu munaasabadda xuska 18-ka May ee fagaaraha Hargeysa ka sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay. “Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi oo ku hanjabay in dagaalka uusan joogsan doonin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan dheel-dheel ka ahayn dagaalkan, islamarkaana ay xoreyn doono dhulka Somaliland, “Ragga dheel-dheelayow dagaalku wuu soconayaa inta uu doono ha qaato, dhiigga ragga ha daato, dalkana waa xoreyneynaa.” Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya colaadda Laascaanood oo qaadatay dhowr billood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac, oo iyagu si weyn usii kala fogaaday. The post Somaliland oo sheegtay ‘cidda kaliya ee awood u leh’ joojinta dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe dirtay gaadiidkii ugu badnaa oo ku raran raashinka noocyadiisa kala duwan, kuna sii jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Munaasabad kooban oo lugu sagoontinyay gawaaridan oo gaarayay 50 ayaa ka qabsoomtay magaalada Muqdisho, taasi oo goobjoog ka ahaayeen gudoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wasiirka wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxman Beene-Beene. Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo warbaahinta kula hadlay goobta lugu sagootinayay gaadiidka raashinka wado ayaa sheegay in kadib markii uu soo arkay baaxada dadka ku barakacay fatahaada Beledweyne uu ka shaqeynayay in wax walbo oo la awoodo lala gaaro barakacayaasha. Waxaa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay dowlada Imaaraadka Carabta oo ayadu kaalin mugleh ka geysatay gaarsinta gargaarkan dadka ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo asagna hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa u mahad-celiyay hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in dhamaan hay’addaha dowlada ay ka qeyb qaadanayaan sidii loogu gargaari lahaa dadka ay fataahaduhu saameeyeen ee ku nool magaalada Beledweyne. Gaadiidkan gaaraya 50 ayaa safar dhanka dhulka ah ku tegi doona magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, oo ay ka jirto xaalad adag kadib fatahaad uu halkaas ka geystay wabiga Shabeelle. Deeqdan oo ah tii u horeysay ee nooceeda ah ayaa imanaysa xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne. Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa’labatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn. The post DF oo dirtey gaadiidkii ugu badnaa oo safar dhulka ah ku tegaya Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Almost 250,000 people in central Somalia have had to flee their homes after a river flooded the town of Beledweyne. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Isimida SSC oo dhawaan ku biiray waan-waanta hoos loogu dhigayo xiisadda ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ayaa soo saaray go’aan cusub. Isimida SSC oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay inay go’aamiyeen in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kadib kulan ay la qaateen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kadib doorashadaas ayay sheegeen in la iskugu yimaado wada-tashi guud iyo halka la aadayo 8-da Janaayo ee 2024-ka, iyada oo maalmihii u dambeeyay uu meel sare gaaray khilaafka doorashada Puntland ee u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka hadlay shirka jaraa’id ee Isimida ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe ayaa shaaciyay in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay isla qaateen Madaxweyne Deni. “Howshaas ciddii ka hortimaada waa cid anaga nala dagaashay. Hadal cad iyo go’aan adag ayaa iskula imaaneyn, ninkii ka horyimaada meel ayaa uga soo wada jeesaneyna,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali. “Hoggaankii ayaa nahay anagu, waxaa nagala yaqaana marka howshaas dhamaato (doorashada) in aan iskugu yeerno in aan dhexdaa dhigno oo ka tashano wixii reerku ku guurayo, iyada oo la isku raacsan yahay looga gudbo. Ninkii ka horyimaadana kursiga ha ku fadhiyo ama kan dambe ha fadhiye in gacan bir ah lagu qabto.” Garaadada ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kulan xasaasi ah kula yeeshay magaalada Qardho, kaasi oo is-afgaradka ay caawa shaaciyeen looga gaaray muranka doorashada. Isimida SSC ayaa waxa ugu dambeyntiina sheegeen in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay wakiil uga yihiin dhamaan Isimida Puntland, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo khilaafka doorashada Puntland. Go’aankan Isimida ayaa imanaya xilli hilaafka doorashada ee u dhaxeeya madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu dhawaan isku rogay gacan ka hadalka, kadib markii ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen magaalada Garoowe, kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac. The post Isimida SSC oo go’aan culus kasoo saaray muranka doorashada kadib kulan dhex-maray DENI appeared first on Caasimada Online.
-
Demining projects in conflict ravaged Somalia received a million dollar lift from the Japanese government this month (May). Source: Hiiraan Online
-
Somaliland on Thursday marked 32 years since gaining independence. Source: Hiiraan Online
