-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A temporary ceasefire in Sudan has been agreed as fighting between two warring factions entered its sixth week. Source: Hiiraan Online
-
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa walaac ka muujiyey qodobo ku jira qabyo-qoraalka Xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxa uu Xisbiga ugu baaqey Madaxweynaha in laga saaro qodobadda mad-madawga badani ku jiro, kuwaas oo ay sheegeen iney dhaawacayaan mustaqbalka Dalka iyo Madax-banaanida Guddiga Qaran ee Doorashooyinka. Waxa uu Xisbiga ugu baaqey Madaxweynaha in laga saaro qodobadda mad-madawga badani ku jiro, kuwaas oo ay sheegeen iney dhaawacayaan mustaqbalka Dalka iyo Madax-banaanida Guddiga Qaran ee Doorashooyinka. Qaran News
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay war-murtiyeed laga soo saaray shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe. Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Amiirka kooxda, Axmed Cumar Abuu Cubeyda, waxaana laga soo saaray bayaankii ugu cuslaa ee kooxda kaga jawaabeyso gulufka dagaal ee uga socda qeybo badan oo dalka. Kooxda ayaa waxay sheegtay in dowladdaha shisheeya oo gacan ka helaya tan Soomaaliya ay soo qaadeen duullaan ballaaran oo ay ku sheegtay in lagu beegsanayo caqiidada, dhaqaalaha iyo deegaanada Muslimiinta, “waa lama huraan in dhexda u xirtaan difaaca dhulkooda.” Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Al-Shabaab oo u muuqda mid ay taageero ugu raadsanayaan dagaalka ku socda ayaa waxay ku sheegtay in maleeshiyaadkeeda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si wada-jir ah uga qeyb qaataan ka hortagga iyo fashilinta wejiga labaad ee gulufka dagaal, sida lagu yiri bayaanka. Sidoo kale waxay ku sheegeen in ka qeyb ahaanshaha ciidamada Itoobiya ee wejiga labaad ee dagaalka uu ku saleysan yahay damac dhul ballaarsi oo soo jireen ah oo daba socda sheegashadooda lahaanshaha Zeylac, Muqdisho iyo Balcad, sida lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab. War-murtiyeedka kasoo baxay shirweynaha Al-Shabaab ayaa waxa kale oo lagu weeraray dowladda Imaaraadka Carabta, oo xilligaan kaalin mug leh ku leh dagaalka socda, dowladda federaalka ka taageeraysa tababarka iyo kharashaadka ku baxaya ciidamada cusub ee qeybta ka noqoneysa qorshaha dowladda ee dagaalka iyo xasillinta caasimadda. “Imaaraadku waa dubbaha Yahuudda iyo Mareykanka u adeegsadaan gumeynta iyo gumeysashada umadda, fara-gelinta ay Soomaaliya ku haysana ay tahay mid ay ku abuureyso maleeshiyaad lamid ah kuwii ay ka sameysay Yemen, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo markii ay burburisay ay gacanta u gelisay cadowgoodii soo jireen ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kooxda Al-Shabaab. Kooxda ayaa waxa kale oo si weyn uga gil-gilatay dagaalka dhaqaale ee ka wajaheyso dowladda federaalka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool, sida ay kal hore sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. Shabaab ayaa ku tilmaamtay dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah mid lagu beegsanayo dhaqaalaha iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo qorshe ay gacmo kale ku doonayaan inay ku bililiqeystaan hantida umadda, sida ay hadalka u dhigeen. Si kastaba, Shirweynaha laga soo saaray war-murtiyeedkan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan. The post Al-Shabaab oo bayaankii ugu cusla kasoo saartay gulufka dagaal ee DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horreysay taariikhda geli doono doorasho ku-celis ah, kadib markii doorashadii 14-ka May uu waxyar ka hoos maray 50% codadka, oo laga doonayey musharaxa guuleysanaya si looga baaqsado wareeg labaad oo doorasho ah. Erdoğan ayaa wareeggii koowaad helay 49.5%, halka musharaxa isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 44.9%. Sinan Oğan ayaa kaalinta saddexaad ku galay 5.2%. Haddaba intee le’eg tahay rajada Erdoğan ee wareegga labaad? Aniga oo eegaya arrimo badan, islamarkaana ka cibro qaadanaya doorashooyin hore oo qaarkood ay ka dhaceen Mareykanka iyo dalal kale, waxaan aaminsan yahay in Erdoğan uu si fudud ugu guuleysan doono wareegga labaad, dhowrkan sabab dartood. 1- Erdoğan wuxuu u baahan yahay kaliya inuu saamiga codadkiisa wareeggii hore ku kordhiyo 0.5% si uu u guuleysto, taasi oo aad uga fudud howsha u taalla Kılıçdaroğlu oo u baahan inuu saamigiisa ku daro 5%. Waa arrin aad u adag in lagu sameeyo laba toddobaad gudahood. 2- Caadiyan musharaxa xilka haya ma lumiyo taageerada cod-bixiyayaasha wareegga koowaad, sababtoo ah haddii shan sano oo uu xilka hayey Erdoğan aysan ra’yigooda beddelin wax kasta oo muddadaas dhacay, ma jirto sabab ay 14 maalmood gudahood isu beddelaan. Waxa kaliya ee isbeddel weyn keeni kara waa dhacdo weyn ama fadeexad cusub oo soo baxda, taasi oo aan hadda muuqan. Bil caksi, waxaa suurta-gal in taageerayaasha Kılıçdaroğlu qaarkood ka niyad-jabaan natiijada wareeggii koowaad, sidaas darteedna aysan soo bixin-wareegga labaad ayaga oo aamisan in laga adkaan doono. 3- Teegarayaasha Erdoğan ee midigta waa ka daacadsan yihiin, kana hubanti badan yihiin kuwa mucaaradka marka ay noqoto usoo bixidda codeynta. Waa muxaafid ku adag diinta, da’ ah oo u badan reer miyi iyo kuwa ku nool magaalooyinka yaryar, halka kuwa mucaaradka u badan yihiin dhallinyaro, bidixda xiga oo ku nool magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo Ankara. Waxaa tan caddeyn u ah in Erdoğan uu wareeggii koowaad helay 49.5% codadka, inkasta oo codadka ra’yiga ay qiyaaseen 45-47%, halka Kılıçdaroğlu oo la qiyaasayey inuu gaari doono 47-49% uu helay 45%. Tani macnaheedu waa in dad badan usoo baxeen Erdoğan, halka mucaaradka qaarkood ay seexdeen. 4- Codadka lagu loolamayo waa taageerayaasha Sinan Oğan oo ah 5% codadka guud. Oğan waa siyaasi xiga midigta-fog, oo macanheedu yahay inay Erdoğan wada xigaan dhanka midigta, balse uu kasii xagjirsan yahay. Waxay Erdoğan ka mideysan yihiin inay doonayaan in aad loola dagaalamo kooxda Kurdish-ka ee PKK, halka Kemal Kılıçdaroğlu lagu riixayo inuu u dabacsan yahay kooxdaas, balse waxay Erdoğan ku kala duwan yihiin in Oğan uu kasoo horjeedo qaxootiga Suuriyaanka ah, taasi oo ay ka mideysan yihiin Kılıçdaroğlu. Waxaa macquul ah in taageerayaasha Oğan ay u kala qeybsamaan Erdoğan iyo Kılıçdaroğlu, balse Erdoğan wuxuu u baahan yahay kaliya 20% taageerayaasha Oğan oo siin karta 1% dheeri ah codadka guud ee doorashada, halka Kılıçdaroğlu u baahan yahay gebigood. Waxaa halkan ka cad sida howsha u taalla labada musharax u kala fududahay. 5- Caadiyan aadanaha ma jecli in la xijiyo dhanka guuldarrada. Tani macnaheedu wuxuu yahay in dadka aan labada musharax kala jecleyn ama weli go’aan ka gaarin qofka ay codka siin doonaan, ay u badan tahay inay xigsadaan dhanka Erdoğan, maadaama uu wareeggii koowaad ku guuleystay, una badan tahay inuu kan labaad guuleysto. Arrimahaas oo dhan waxay muujinayaan inay Erdoğan u badan tahay inuu ku guuleysan doona wareegga labaad, taasi oo niyad-jab ku ah Reer Galbeedka iyo warbaahintooda oo dagaal xooggan ku qaaday, balse ay u riyaaqi doonaan malaayiin Muslimiin ah oo aad u jecel hoggaamiyaha xukumayey Turkey 20-kii sano ee tegay. The post Shan qodob oo muujinaya in Erdoğan dib loo dooran doono appeared first on Caasimada Online.
-
DAAYA DAWLADEENA DHEGO-CULIS HA ISDIIDSIISO RUNTAN BIYO KAMA DHIBCAANKA AHE Warbixin runta ka sheegaysa xaaladda dhabta ah ee ka jirta SOMALILAND xiligan oo isla maanta ay soo saartay haya’dda caalamiga ah ee shaqaaqooyinka Intenational Crises Grouo ICG wax saamayn ah tolow ma ku yeelan kartaa Muuse Biixi oo ma laga fili karaa in mawqifkiisa ku wajahan dagaalka Laascaanood iyo Doorashada Madaxtooyada uu wax ka bedel karo si uu dalka uga badbaadiyo khilaaf gaadhsiin kara in Somaliland ay gacantiisa ku burburto? Hadii jawaabtu ay tahay maya daaya karis xun iyaduna ku wax la’ eh. Waa hadii aan loo midoobin khatarihiisa waali-duulka ah sidii looga badbaadin lagaa midnimada iyo wadajirka Somaliland. Waa tan warbixintii ICG oo afka Ingiriisida ku qorani: Time for Somaliland and the Sool clan to Talk. Somaliland’s army and Sool clan militias are fighting for control of the town of Las Anod. The Sool clan want to join Somalia rather than be part of Somaliland’s state-building project. The two sides should agree to a ceasefire and prepare for overdue talks on the Sool clan’s administrative status. * � The Somaliland army and militias associated with the Sool clan people have been fighting for control of Las Anod, capital of Somaliland’s Sool region, since February. The conflict began after the Sool clan said they wish to join Somalia rather than be governed any longer by Somaliland, which declared its independence in 1991. As leaders on both sides double down on warlike rhetoric and recruit new fighters, the violence could spread throughout Sool, putting Somaliland’s hard-earned stability at risk. The belligerents should commit to an immediate ceasefire to allow delivery of humanitarian aid. Once they reach a truce, they should prepare for talks about Sool’s future administrative status. To ensure that both sides have credible representatives at the table, the Sool clan should appoint an inclusive leadership team for these negotiations, and Somaliland should hold its overdue presidential election to restore local legitimacy to its governing elite. In 1991, Somaliland proclaimed independence from Somalia after years of rebellion led by the Isaaq clan, which continues to dominate the country’s politics. It based its claim to statehood largely on the argument that its history as a British protectorate set it apart from the rest of Somalia, which was under Italian colonial rule until the two territories merged into one in 1960. The colonial-era borders, which placed Sool on Somaliland’s side of the line, remain central to Somalilander identity. But the majority of Sool’s population is Sool clan, a people who belong to a non-Isaaq clan family, the Darod. They strongly resisted British colonialism and generally fared better than the Isaaq under Somali dictator Siad Barre, who ruled from 1969 to 1991, leading most of them to favour the idea of being governed by Somalia. They largely reject inclusion in Somaliland’s state-building project, which they view as serving the Isaaq clan’s interests. Uneasy with the Isaaq clan’s ascendancy in Somaliland, the Sool clan have long searched for an alternative administrative arrangement, such as joining Somalia’s federal member state of Puntland, where their family ties through the Darod/Harti clan are deeper, or creating their own separate member state within Somalia. Not all Sool clan have the same vision for the future, but many want to break with Somaliland. “ Authorities in Somaliland’s capital Hargeisa have long struggled to stamp their authority in Sool. ” As a result, authorities in Somaliland’s capital Hargeisa have long struggled to stamp their authority in Sool. Somaliland forces took control of Las Anod only in 2007, after troops from neighbouring Puntland – who had moved in four years earlier to claim the area – withdrew following a local dispute. Since then, Hargeisa has taken steps to placate the Sool clan, including offering posts in regional and national government to community elites and promising to devote 2 per cent of Somaliland’s budget to developing Sool and the neighbouring Sanaag region. But it has also missed opportunities to improve relations, feeding Sool clan perceptions of exclusion. President Muse Bihi refused, for example, to honour a power-sharing agreement that his predecessor Ahmed Mohamed Mohamoud “Silanyo” made with prominent Sool clan politician Ali Khalif Galaydh in 2017. Sool clan leaders also allege that the government’s efforts to develop their region have been lacklustre, bearing little fruit. Against this backdrop, a Somaliland opposition member from the Sool clan was assassinated on 26 December 2022 in Las Anod, setting in motion the events that led to the fighting. Unexplained killings of Las Anod’s civic leaders are all too frequent: residents estimate that gunmen have shot some 120 prominent members of the community dead over the past thirteen years. Protesters gathered in town after the December assassination, complaining that the Somaliland authorities’ efforts to stop the killings have been inadequate. Police moved in to disperse the demonstrators, using excessive force. The protests then rapidly grew into an uprising, prompting Hargeisa to pull its security forces from large sections of the town on 5 January. This partial retreat was the catalyst for the Sool clan to cement resistance to Hargeisa’s rule. They nominated a 33-strong committee to represent the community, while Sool clan garaads (or elders), many of whom had left when Somaliland troops marched into Las Anod in 2007, poured back into town (to its credit, the Somaliland government did little to prevent their return). In early February, the Sool clan organised a conference to discuss their future, including representatives from the smaller Mogadishu Clan/Fiqishine clan. Then, on 5 February, they declared that the Sool clan and the areas where they live fall under Somalia’s writ. They called on Somaliland to withdraw its troops from Sool clan territory. As the conference drew to a close, Somaliland security forces and Sool clan militias came to blows, with each side subsequently blaming the other for starting the skirmishes. Since then, the tug of war over Las Anod has killed over one hundred and displaced at least 150,000. Fighting has raged on the outskirts of the city, which is now under Sool clan control, with observers also reporting indiscriminate shelling of houses and other buildings. Though confrontations appear to have slowed in recent weeks, the two sides are reportedly enlisting new fighters and procuring fresh supplies of weapons. More recently, the Sool clan committee banned commercial traffic from Somaliland, blocking the main road to Hargeisa and complicating the delivery of humanitarian aid to Sool “ Hargeisa shows its disregard for the Sool clan’s deep-seated grievances by blaming the conflict on a range of outside actors. ” Hargeisa shows its disregard for the Sool clan’s deep-seated grievances by blaming the conflict on a range of outside actors, such as Mogadishu and Ethiopia’s Somali region, which lies south of Somaliland. It also accuses Puntland of sending soldiers to the area, a claim that both Puntland and the Sool clan deny – although Puntland soldiers on ostensible leaves of absence have reportedly established a non-uniformed presence in Las Anod. Hargeisa has also sought to frame the conflict as driven by the Islamist insurgency Al-Shabaab. Thus far, the allegations of external support seem for the most part to be overblown. The Sool clan are indeed receiving money, equipment and fighters, but primarily from allied Darod/Harti clans in Somalia. More substantial backing may be in the offing, however: Puntland President Said Deni recently committed to rapidly “liberating” Las Anod, a rhetorical escalation that could be portentous. Silencing the guns has proven difficult. Hargeisa declared a unilateral ceasefire in the conflict’s early days, but neither side respected it. Elders from Somaliland and Ethiopian government representatives have tried to broker a truce, without success. At the time of writing, clan elders from Somalia were pushing for ceasefire negotiations, but although President Bihi allowed them to visit Hargeisa and meet elders from Somaliland after they travelled to Garowe and Las Anod, they will likely have difficulty forging a truce as elites in Hargeisa may push back against meaningful involvement from Somali actors. The Sool clan say they will stop fighting only if Somaliland removes its soldiers from all Sool clan-inhabited areas. But while Somaliland had offered to reposition its forces 30km outside Las Anod, it says it will not withdraw from all the territory where the Sool clan live. More recently, Somaliland conditioned consideration of a truce on Puntland pulling all forces Hargeisa associates with it from Las Anod. Complicating matters further is the fact that the Sool clan are increasingly referring to Somalia’s government as their legitimate representative. Mogadishu has thus far eschewed direct involvement in the crisis, likely because it wants to avoid getting sucked into an intractable conflict at a time when it has scaled up its military operations against Al-Shabaab. There are worrying signs that the fighting might escalate. Local sources tell Crisis Group that both sides are recruiting additional fighters. In recent weeks, both Somaliland security officials and Sool clan elders have said they are determined to go on the offensive. In addition to the alarming prospect of further urban warfare in Las Anod, clashes may spread to other Sool clan areas in Sool. If the conflict drags on, morphing from a Somaliland-Sool clan dispute into a confrontation between the Darod and Isaaq clan families (or even the wider Dir clan family of which the Isaaq form a part), unrest could ripple into other parts of Somaliland or into Ethiopia. Still another concern is Al-Shabaab. Evidence is scant that the insurgency has been involved in Las Anod to date, but prolonged disorder might offer the group an opportunity to insinuate its fighters into the conflict or otherwise exploit the crisis to extend its influence in the region. “ Somaliland’s pursuit of international recognition revolves around its efforts to build democratic institutions and secure long-term stability. ” Somaliland has much to lose from a protracted conflict in Las Anod. Somaliland’s pursuit of international recognition revolves around its efforts to build democratic institutions and secure long-term stability. It has put significant effort into cultivating supporters in the U.S. Congress and UK parliament. Yet the Las Anod conflict threatens to undermine these endeavours, particularly when coupled with electoral delays relating to the forthcoming presidential poll. Politicians have thus far failed to reach consensus on the timing and sequencing of either that election or another vote to licence the three parties that will be allowed to participate in the country’s politics for the next ten years. President Bihi has overstayed his mandate – he is operating under an extension that the opposition does not recognise – and the political parties’ term limits have expired as well. The one-two punch of fighting in Sool and electoral uncertainty appears to have had a chilling effect on Hargeisa’s external engagement. It appears that foreign government contacts with Somaliland have already diminished, particularly with regard to opportunities for security cooperation with the U.S. and UK. While there is no quick solution to the Las Anod dispute, an immediate ceasefire is of the highest priority. As a first step, Somaliland should consider gradually withdrawing its troops farther than the 30km from Las Anod that it previously floated on the condition that Sool clan militias do not attack them while they are moving away. The next step would be for the Sool clan to start sending non-Sool clan fighters from the Darod/Harti clans in Las Anod home to Puntland or other points of origin, in order to answer Somaliland authorities’ concerns about external forces. The two sides should then commit to maintaining the truce until an agreement has been reached. The Sool clan committee should meanwhile reopen the currently blocked road to Somaliland to commercial traffic in order to let in food and humanitarian aid from that direction. Given the lack of trust between the parties, progress may need to be monitored from the outside. An international organisation like the Intergovernmental Authority on Development or the UN Assistance Mission in Somalia could be a candidate for this role. Once a ceasefire is in place, the two sides need to select delegations to sit at the negotiating table. The Sool clan leadership, including the 33-member committee and traditional elders, should designate an inclusive team that can authoritatively represent them in negotiations with Hargeisa; the leadership should make special efforts to consult women leaders (who are not traditionally part of local power centres) about the group’s composition. While the Sool clan appear united in rejecting Somaliland’s governance, they have to balance various power centres, ranging from Las Anod’s 33-person committee and the garaads to militia leaders, the diaspora and youth protesters. For their part, Somaliland’s politicians need to agree on a roadmap for the presidential and political party elections to ensure that Hargeisa is represented by someone who has the full backing of Somaliland’s elites. As noted earlier, the government and Somaliland’s political parties have outstayed their original mandates, leaving President Bihi on shaky footing. Additionally, even if Bihi manages to reach a settlement with the Sool clan, it may be difficult to guarantee implementation after elections, should the government change. The presidential election may require months to wrap up, but that time can be well spent arriving at a truce and allowing the temperature around Las Anod to subside pending the accession of a new team in Hargeisa to start long overdue discussions about Sool’s administrative status. Once talks between the Sool clan and Somaliland get under way, the parties can work out the required coordination with Mogadishu regarding the Sool clan’s future. The Las Anod conflict has brought the fraught relationship between the Sool clan and Somaliland into the open, and a return to the status quo ante is unlikely. Given that the two sides have incompatible visions for the future, negotiations are likely to be long and complicated. Unified pressure from international partners like the U.S., the UK, the European Union, the United Arab Emirates, Djibouti and Ethiopia will be crucial for keeping both sides committed to finding a peaceful solution to this complex problem. As leverage, partners can emphasise the range of economic investments they are prepared to make in Somaliland, and particularly in Sool, that will be lost absent progress. The urgent first steps, however, remain ending the cycle of destruction around Las Anod with a durable ceasefire and getting Hargeisa’s delayed elections on the calendar. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmo kahor dalka Uganda tababar heer sare ah loogu soo xiray ciidamo cusub oo qeyb ka ah kumanaanka askari oo dowladda Imaaraadka Carabta ay taageerayso. Ciidamadan oo tababarka loo soo xiray Jimcihii ayaa waxaa la sheegay inay yihiin urur gaar ah (special force) oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, islamarkaana la siiyay tababar dheeraad ah oo heerkiisu aad u sareeyo, kaasi oo muddooyinkii dambe ku qaadanayeen dalka Uganda. Imaaraadka Carabta ayaa iyadu bixinaysa kharashka ku baxaya tababarka ciidamada lagu tababarayo dalka Uganda, ayada oo arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada. Sidoo kale waxay ciidamadan kamid yihiin illaa 12,000 askari dowladda Imaaraadka Carabta ay kharashkooda iyo hubkooda bixineyso, loona tababarayo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababarkooda uu ka dhacayo dalka Uganda, Masar, Itoobiya iyo Eritrea. Ciidamadii ugu horreeyay oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa billooyin kahor laga howl-galiyay magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, markaas oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada. Hase yeeshe ciidamadan cusub ee tababarka loogu soo xiray Uganda ayaa la sheegay inay lamid aheyn kuwii hore ee caasimadda ka howl-galayay ee ahaa Booliska Milateriga, waxayna iyagu ka howl-gali doonaan gobollada ka baxsan caasimadda, islamarkaana waxay ku biiri doonaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin. Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga. Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Maxay yihiin ciidamada cusub ee gaarka ah ee Imaaraadka usoo tababaray Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaan canbaaraynayaa xadhiga loo geystay saxafiyadda calanka ah, ee Bushaaro Cali Maxamed Diiriye, oo ku magac dheer (Bushaaro Cali Baande). Suxufiyad Bushaaro, waxaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo aan xadhigeeda loo marin dariiq sharci (waaran la’aan ama ogolaansho la’aan maxkamadeed). Waxaanay haatan la’dahay xoriyadeedii iyo xuquuqdeedii muwaadinimo muddo dhan hal usbuuc. Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaan. Mana aha markii ugu horaysay ee dad suxufiyiin ah lagu xidho aragtidooda xorta ah, balse waa mid ay dawladda madaxweyne Muuse caadeysatay, isla markaana curfi ka dhigatay. Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay. Mana aha mid cidna laga aqbali karo horeyso iyo dambayso. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan, xoriyadeeda loogu soo celiyo suxufidda. Maxamuud Xaashi. Qaran News
-
The nation of Somaliland has been unrecognised by the international community for nearly three decades, yet it has managed to preserve relative peace and stability in that time. Situated in the north-west of Somalia, this unrecognised nation declared its independence in 1991 following the ousting of dictator Siad Barré. Though unrecognised as a sovereign state, Somaliland is a functioning democracy with an established economy. It maintains its own military and police forces, and is known for its commitment to women’s rights. The capital city of Hargeisa is home to an estimated population of 1 million people who strive to build a more prosperous future despite their nation’s lack of international recognition. In 2020, the BBC released a documentary exploring the history of Somaliland and its current situation. Through interviews with prominent figures such as Nobel Peace Prize Laureate Abiy Ahmed and former President Silanyo, we are given an inside look into the struggles and successes faced by this unrecognised region. This documentary serves as an important reminder of the power that can be achieved through resilience and determination even when facing seemingly insurmountable odds. We strongly encourage viewers to watch this eye-opening documentary about Somaliland’s journey towards becoming a peaceful and prosperous nation. Through this docuseries, we can gain valuable insight into what it takes for one people to find success on their own terms without the help or recognition from other countries Documentarytube Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh. Saalim Macow Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray uga andacooday in laga reebey ka qeybgalka shirka 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19-ka May, 2023. “Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo,” ayuu ku yiri qoraalka. Waxa uu intaas ku daray “waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado.” Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo. Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.” “Haddaba anigoo ilaalinaya sharafteyda iyo karaamadey, iyo anigoo tixgelinaya sharafta dowladnimada iyo dibloomaasiyada waxaan go’aan ku gaarey inaan iska casilo xilka danjiraha dalka Sacuudiga laga billaabo maanta oo ay bishu tahay May 22, 2023. Waxaana xilka ku wareejin doonaa ku-xigeenka danjiraha mudane Abshir Warsame Diirshe inta laga magacaabaayo qof kale.” Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hinda Culusow oo ku saabsan eedeynta uga timid safiirka. Si kastaba, waxaa xusid mudan in safiir Saalim Macow uu ka mid yahay shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana dhowaan la hadal hayey in la beddeli doono. The post Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo is-casilay isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Amid brewing controversies during the 32nd Arab League summit, Somali Ambassador to Saudi Arabia, Salim Maow Haji, has announced his resignation. The Ambassador's decision follows a series of disagreements and allegations of unprofessional conduct within the President's delegation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho marka laga tago inay tahay caasimadda Soomaaliya, dhinaca kale waxay tan iyo sanadkii 2000-ka imtixaan ku aheyd nuuc walba oo maamul ah oo ka curta Soomaaliya. Laga soo bilaabo aas-aaskii Jamhuuriyaddii saddexaad ee shirkii Carta hal shaqo oo weyn, balse isku mid ah ayaa hortaalay madaxweyne kasta oo la doorto. Shaqadaas waa Muqdisho oo nabad ah. Dhamaan madaxdii 23-kaas sano la doortay oo ahaa Cabdiqaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo, dhamaan waa ku fashilmeen in Muqdisho nabad ka dhigaan. Balse, Xasan Sheekh wuxuu kusoo laabtay xukunka, wuxuu helay nasiib aanay madaxdaas kale helin, wuxuu soo laabtay iyada oo weli ay taagan tahay isla su’aashii aheyd yaa Muqdisho nabad ka dhigi kara?. Maalmahaan waxaa si weyn looga hadla inuu kasoo reynaayo amaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, weli lama dhihi karo caasimadda waa amni, laakiin waxaa muuqata in sidii hore wax badan dhaanto oo ay yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii joogtada ah. Balse, taasi kama dhigna inuu Xasan Sheekh weli su’aashii jawaab u helay. Fursad ayuu’se weli haysta. Hoggaamiyihii ku guuleysta inuu Xamar nabad ka dhigo, wuxuu qabtay howl ay qaban waayeen dhamaan madaxdii la doortay 23-kii sano ee lasoo dhaafay. Xasan Sheekh oo 23-kaas sano oo isaguba qeyb ku leh, balse fursad labaad helay wuxuu fahamsan yahay ahmiyadda arrintaan. Muqdisho waa meesha laga ogaado shaqada iyo shacbiyada dowladda, haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto micnaheedu waa in shaqo la qabtay, haddii amniga Muqdisho lagu guuleystay shacbiyada kor ayay u kici doonta. Haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto dhaqaalaha dowladda kor ayuu aadi doona, haddii ammaanka Muqdisho lagu guuleysto Al-Shabaab siima jiri karaan, haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto shaqo la’aanta dhalinyarada daawo ayaa loo heli doona oo maalgashi xoog leh ayaa dhici doona. Haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto isku haynta dalku waa sahlanaan doonta, haddii ammaanka Muqdisho lagu guuleysto dowladdu waa ka maarmi doonta dawarsiga ajnabiga, haddii amniga Xamar la xaqiijiyo waxay sahli doonta in guud ahaan ammaanka dalka la xaqiijiyo. Xitaa madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu ku fekerayo inuu siyaasadda kusii nagaado sanado kale, inuu Muqdisho nabadeeyo waxay u noqon doonta hubkiisa ugu weyn ee loolanka siyaasadda. Dhamaan fursadahaas oo dan u ah dalka, dadka, dowladda iyo hoggaanka maanta xukunka haya waxay ku xiran yihiin Muqdisho oo nabad laga dhigo. Dadweynaha waxay baddi aaminsan yihiin inuu Xasan Sheekh haysto fursadii uu taas ku sameyn lahaa iyo koox fahamsan ahmiyadda ay mashruucooda u leedahay inay Muqdisho nabad ka dhigaan. The post Xasan ma ku baasi doonaa imtixaanka ay ku dhaceen Sheekh Shariif iyo Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shir ay dhawaan kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab. Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh. Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa waxa uu ka hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya, kaasi oo uu sheegay in kooxdiisa ay ka gaartay guul wax ku ool ah, sida uu sheegay. “Dagaalkii u dambeeyay ee soo qaadeen ay aheyd in ay adeegsadaan maleeshiyaad Macawisley la magac baxay oo tabartu biday inay miciin bidaan, iyagana aad hadda moodo inay fashilmeen oo meesha ka baxeen,” ayuu yiri Axmed Cumar Abu Cubeyda. Abu Cubeyda ayaa waxa kale oo wareysigaan kooban ee uu siiyay warbaahinta kooxda, ku sheegay in dowladda federaalka iyo xulafadeeda qeybta ka ah gulufka dagaal ay ka quusteen in guul ka gaaran dagaalka Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa uu kusoo aaday (shirweynaha) xilli dowladda Mareykanka iyo xulafadiisa ay ka quusteen ama quus ka taagan yihiin weerarka iyo gulufka ay kusoo qaadeen Wilaatyaadka.” Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo si dhameystiran loogu aqoonsan karo. Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Shirweynaha Al-Shabaab oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka qeyb-galay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan. Hoos ka daawo muuqaalka Al-Shabaab leader Ahmed Umar Abu Ubaidah appears in a new video giving an interview to the group’s al-Kataaib media wing. He gave the interview during a recent conference attended by 100 delegates representing al-Shabaab, the traditional elders (Nuqaba) and religious scholars… pic.twitter.com/GH92vSVSf2 — Harun Maruf (@HarunMaruf) May 21, 2023 The post Abu Cubeyda oo kasoo muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay Al-Shabab iyo arrimaha uu ka hadlay appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay casuumaad u fidisay Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, si ay u yimaadan caasimadda ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Laascaanood uu Isimida SSC u gudbiyay casuumada madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Jaamac Khaliif oo noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya metalaya ee taga halkaasi, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC, ayaa waxa uu kulan gaar ah uu xarunta gobolka Sool kula yeeshay hoggaanka Isimada dhaqanka ee SSC. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in magaalada Muqdisho shir gaar ah kula yeelato Isimada SSC, si looga wada-hadlo xaaladda magaalada Laascaanood, xilli dowladda muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay in aysan kaalin muuqata ka qaadan wax ka qabashada dhibaatada halkaasi ka taagan. Garaadada oo hormuud u ah dagaalka SSC ay kula jirto Somaliland ayaa laga sugayaa jawaab celinta casuumaadan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in Isimida ay wasiirka ku wargeliyeen in dhamaantooda aysan wada bixin karin, islamarkaana ay Muqdisho u dirsadaan laba kamid ah Garaadada, taasi oo lasoo warinayo in wasiirka ay u cuntami weysay. Weli si rasmi ah looma oga sida Isimada ay arrintan uga fal-celin doonaan, waxaana jira warar sheegaya in guddiga 33-ka ee SSC-Khaatumo ay ka biyo diidsan yihiin inay tagaan meel aad uga fog Laascaanood, maadaama dagaal uu kaga furan yahay gobolka Sool. Dhinaca kale, Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ayaa shalay soo kormeerayay goobaha ay saamayeen madaafiicda lagu garaacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay joojiyaan sida uu sheegay xasuuqa ay ku hayaan shacabka magaaladaasi, isaga oo xusay in dhibaatada ay geysteen meel kasta kusoo arkeen. Wasiir Jaamac Khaliif ayaa dib ugu laabanaya caasimadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya horgeyn doona warbixinta rasmiga ah ee ku saabsan xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood. Si kastaba, booqashada wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli ay markale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood. The post DF oo wada qorshe Muqdisho lagu keenayo Isimida SSC appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin kasoo saaray howl-gal ay maanta ciidamadu ku galeen bakhaar ku yaalla suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo lagu keydiyo raashinka. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen raashin fara badan oo dhacay, kuwaasi oo lagu iibinayay bakhaarka ay gudaha u galeen ciidamada ee suuqa Bakaaro. Afhayeenka ayaa sheegay in howl-galkan uu yimid kadib cabasho ka timid shacabka, islamarkaana ay ciidamo howl-gal gaar ah ku galeen bakhaarka, ayaga oo sidoo kale gacanta kusoo dhigay dadkii raashinkaasi dhacay dadka ka gadayay. “Howl-gal ayaa lagu fuliyay bakhaar alaab lagu iibinayay suuqa bakaaraha, howl-gal ayaa lagu fuliyay oo gacanta ayaa lagu soo qabtay. Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay dadkii eedeysanayaasha ah ee alaabtaas iibinayay,” ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Doodishe. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada la horgeyn doono cadaaladda, ayna wajihi doonaan maxkamadda awoodda u leh, si tallaabo sharci ah looga qaado. “Waxa dadka lagu dhibaateeyo raashin dhacay kaliya ah ma ahan ee waa kamid yihiin, marka waxkasta oo dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo waa ka hortageyna, waana ka qabaneyna Insha Allah.” Sadiiq Doodishe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada noocaan ah ay kasii socon doonaan caasimadda, wuxuuna uga digay dadka ku howlan arrimahaan inay ka waantooban, “ciddii ku howlan ayaga iyo sharciga is-waafajin doona, oo gacanta ayaa lagu dhigayna.” Si kastaba, Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda federaalka ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo muddooyinkii dambe lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada. The post Faah-faahinta howlgal ay booliska ku galeen bakhaar ku yaalla suuqa BAKAARO appeared first on Caasimada Online.
-
By stating that IRIR SAMAALE was created recently, the person is not in tandem either with Somali history or is just trying to create a notion that Somalis have no history and are just a collection of tribes that came together....without proper genealogy. Source: Hiiraan Online
-
Waxaan canbaaraynayaa xadhiga loo geystay saxafiyadda calanka ah, ee Bushaaro Cali Maxamed Diiriye, oo ku magac dheer (Bushaaro Cali Baande). Suxufiyad Bushaaro, waxaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo aan xadhigeeda loo marin dariiq sharci (waaran la’aan ama ogolaansho la’aan maxkamadeed). Waxaanay haatan la’dahay xoriyadeedii iyo xuquuqdeedii muwaadinimo muddo dhan hal usbuuc. Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaan. Mana aha markii ugu horaysay ee dad suxufiyiin ah lagu xidho aragtidooda xorta ah, balse waa mid ay dawladda madaxweyne Muuse caadeysatay, isla markaana curfi ka dhigatay. Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay. Mana aha mid cidna laga aqbali karo horeyso iyo dambayso. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan, xoriyadeeda loogu soo celiyo suxufidda. W/Q Maxamuud Xaashi Cabdi Source
