-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ayaa ka soo jawaabay eedeyntii kaga timid odayaasha dhaqanka beesha Abgaal oo sheegay in Xawaadle uu dhul boob ka wado xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Odayaashaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaal aysan u qabin beesha Abgaal, isla markaana ay ku baaqayaan nabad iyo walaalnimo. Sidoo kale odayaasha Xawaadle ee maanta hadlay waxay soo jeediyeen in guddi ka socda labada dhaqan ee beelaha Abgaal iyo Xawaadle loo diro xuduuda uu khilaafkaasi ka taagan yahay. Odayaasha Xawaadle waxay balan qaadeen in natiijada baaritaanka la sameeyo uu dhankooda ka dhaqan geli doono oo dib ay ugu soo celi doonaan walaalahood Abgaal wixii ay sitaan. “Walaalaheen waxaan ka wadno waa ogonahay, laakiin hadda waxaan qabnaa in waxaba aanaa u dhibin Abgaal, hadalkii maalin dhaweeto ka soo yeeray wuxuu ahaa mid colaadeed, nabad ayaan ku baaqeynaa, anagu dhihi meyno saacado kooban ayaan u qabaneynaa Abgaal,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha u hadlay beesha Xawaadle. Oday kale ayaa yiri, “Abgaal sidii safaaradii Ruushka ayey 48 saacadood noo qabteen, hadana waxaan aaminsan nahay in dhul nooga maqan yahay walaalaheen, anagu waxaan diyaar u nahay inaan gogol dhigno meesha xiisadaasi ay ka taagan tahay.” Odayaasha Xawaadle ayaa beelaha kale ee Mudullood iyo guud ahaan Mogadishu Clan waxay ka codsadeen in la kala qabto walaalahood Abgaal oo iclaaminaya dagaal sokeeye, sida ay hadalka u dhigeen, “Waxaan soo jeedineynaa in dhaqanka iyo siyaasadda aan la isku milin oo dhaqanka labada beelood loo daayo xalka arrintaan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ka hadlay xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyo Xawaadle, kadib shir jaraa’id oo Muqdisho ay ku qabteen. Labada masuul oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay colaadaan ayaa sheegay in arrintaan ay tahay caqabad lagu fashilinayo dagaalka Al-Shabaab, “Dagaal nagula farad yeelay oo aan ka baaqsan karin ayaa nagu furan oo waa dagaalka Al-Shabaab. Mid kuwa meesha jooga iyo kuwa kale aan kala kaseyn oo in uu ku dilo kaliya loo soo diyaariyay oo waxba ku weydiineyn kaas ayaa jooga,” ayuu yiri Sheekh Shariif. The post Daawo: Odayaasha beesha Xawaadle oo ka jawaabay hadalkii kuwa beesha Abgaal appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanku isaga ayaa leh go’aanka cayimida doorashooyinka,
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Komishanku isaga ayaa leh go’aanka cayimida doorashooyinka, cidii ku qanci wayda go’aanka komishanka oo ah go’aan maamul ayaana maxkamadda sarre u caban karta si waadaqsan qodobka 10 ee xeerka habka madaniga. Maxaa yeeley Haayad kasta oo maamul iyadaa leh xuquuqda go’aaminta hawlaheeda, waxaana looga caban karaa maxkamadda, nidaamka dawliga ihina wuxuu u shaqeeyaa habkaas is dheeli tira ee kala madaxa banaan. Sidaas darteed waxaan maxkamadda sarre usoo jeedinayaa inay komishanka ku celiso arjiga komishanka si iyagu go’aankooda u gaadhaan, maxkamaduna sharciga ku toosiso haayadaas distooriga ah madaxbanaanideedana ay ilaaliso. Xil Guruuje . Qaran News -
Mogadishu (Caasimada Online) – “The face of millions of lives could be irreversibly changed overnight,” Sir Gavin Williamson, a former Tory cabinet minister, argued, making a case for the UK Government’s recognition of Somaliland as a sovereign state. “A single act of recognition could significantly elevate the living conditions and prospects of nearly six million people.” Somaliland, a self-proclaimed independent state in northwestern Somalia, has been on a quest for international legitimacy since it broke away from Somalia in 1991. Despite decades of perseverance, the East African nation still needs to be acknowledged on the global stage. Internationally, it has yet to be recognized as sovereign, even though it enjoys self-governance with a democratically elected government. Distinct differences, equal consideration Discussing his forthcoming Republic of Somaliland (Recognition) Bill, Sir Gavin openly criticized the UK’s policy towards Somalia and Somaliland. He recounted his experience visiting both regions as defense secretary: “My visit to Mogadishu in Somalia presented a stark contrast to Hargeisa in Somaliland. The former was characterized by chaos and insecurity, while the latter represented stability and normalcy.” In a tone rife with frustration, Sir Gavin reflected, “We recognize the chaotic nation without the rule of law and fail to acknowledge the country with stability, conducting elections and offering education to all children. The UK’s foreign policy doesn’t reflect the realities on the ground.” Recognition could pave the way for benefits not only for Somaliland but also for the international community. Sir Gavin said, “Recognition is crucial for British security and global trade due to Somaliland’s strategic position near the Gulf of Aden.” His argument underscored the importance of endorsing nations that share the same values. “We should encourage countries that align with us rather than rewarding those that don’t.” Unraveling diplomatic inertia When questioned why the international community continues disregarding the de facto state in the Horn of Africa, Sir Gavin pointed to a “paralysis within diplomacy.” He said, “There seems to be a commitment to maintaining the status quo, neglecting the evolving realities on the ground.” Addressing Britain’s historical involvement in Somaliland and Somalia, Sir Gavin highlighted the UK’s role as the UN pen-holder for both regions. “We have a duty to spark discussions on addressing this diplomatic stagnation. Ignoring the issue doesn’t diminish its importance or make it disappear.” If the Republic of Somaliland (Recognition) Bill goes ahead, it could shatter decades of diplomatic stalemate, renewing hopes for Somaliland’s long-awaited international recognition. The post Somaliland’s quest: Recognition bill challenges UK policy appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay kulan uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu la wadaagay madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib-tirayo, sida lagu yiri bayaan ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaan. Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada. Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa kadib waxa uu u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo, sida lagu yiri bayaanka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabaas Daahir: “Waa geesinimo inaad dad wax la wadaagto iyagana ay kula wadaagan waxa ay qabaan ama wadatashi ah.” Maahir Mukhtar Xasan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay kulankaan: “Masha Allah shaqa wacan guulesta waligiin.” “Jagadee tallow lagu aamusin karaa madaama u yahay tolka. Ha socoto ViVa Xasan,” ayuu yiri Maxamed Jaamac Ciise. Maxamed Cali ayaa isna yiri: “Allaha idin xafido madaxdii umadda Soomaaliyeed dalkeena maanta wadada kaliya u furan waa in Khawaarijta ka xoreyno, nabad iyo dib-u-dhis ba inoo ballan ah.” Sakariye Cabdullaahi Maxamuud: “Waan aragna inaad sasabateen ee Puntland usoo dir si uu Saciid Cabdullaahi Deni kugu baryo (Xasanoow).” “Ninka dhuumanaayee dhabarkiisa muqdoow waa lagu arkaa, hadaad fahantay waad fahantay,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed oo ka fal-celiyay kulankaas. Maxamed Xikmaawi ayaa isna yiri: “Iga qalee saaxiiboow mucaaradka aad igu soo dhiseysid iga dhaaf miyuu dhahay odeyga.” Amal Raage: “Ilmo Sheekh waxaa ka go’an in ay goofkooda ka nadiifiyaan Shabaab-ka iyo kuwa ku faraxsan in ay si hoosa ula shaqeeyaan iyo najaasta noo soo shaqo tagtay Viva Ilmo Sheekh cadowgu ha jabo.” “Wada-tashigu waan Danqaran ee hadba ninka talada dalka haya wada-tashi ha ogaalaado, talo raacna ha noqdo mid toosan waliba,” ayuu yiri Cali Cabdi. Maxamed Aadan Nuur: “Masha Allah waad mahadsan tihiin mudanayaal.” Maxamed Goodame ayaa isaguna waxa uu yiri: “Haday jiri jirtay madaxwayne madaxwayneyaashii ka horeeyay qaab xun oo **********imo ah ula dhaqmi jiray hada waxaa jooga madaxwayne ixtiraamaya madaxdii isaga ka horeeysay talladooda qaadanaya u wacanaya si maskaxdooda iyo waayo aragnimadooda uu uga faa’iidaysto.” The post Sidee ayaa looga fal-celiyay kulanka Xasan iyo Shariif? appeared first on Caasimada Online.
-
A British MP’s mission to recognise Somaliland from Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here to read more about this article Qaran News -
Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa ku kala jabay warqad ay hore dhamaantood u diideen in ay Maxkamadda Sare u qoraan ka dib markii ay xukuumaddu hore uga codsatay in ay sidaasi yeelaan oo ay maxkamada sare weydiiyaan doorashada dalka ka hor qabsoomi doonta, xili ay xukuumadda Muuse Biixi fool eryaysay sidii loo qaban lahaa doorashada ururada xisbiyada mucaaridkuna ay doonayaan in doorashada madaxweynaha ay sharci tahay lana qabto doorashadaasi Hadaba iyada oo gudiga doorashooyinku iyaga oo isu dhan ay arintaasi in ay warqad u qoraan Maxkamadda Sare ku tilmaamay mid aan shuruucda waafaqsanayn oo ay tahay sharci daro ayaa shalay ay qayb ka mid ah gudigu ay warqad aan lagu midaysnayn ay u direen Maxkamadda Sare, arintaasi oo buuq hor leh ka dhex abuurtay gudiga doorashooyinka. Arintani ayaa ah buuq siyaasad oo hor leh oo ku soo biiray siyaasadii murugsanayd ee hore uga dhex taagnayd xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka. Ilaa hada arinkani kama ay hadal xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo UCID. Waxana jira guux xoogan oo ay arintani ilaa maanta iyo caawa dhalisay Qaran News
-
Komishanku isaga ayaa leh go’aanka cayimida doorashooyinka, cidii ku qanci wayda go’aanka komishanka oo ah go’aan maamul ayaana maxkamadda sarre u caban karta si waadaqsan qodobka 10 ee xeerka habka madaniga. Maxaa yeeley Haayad kasta oo maamul iyadaa leh xuquuqda go’aaminta hawlaheeda, waxaana looga caban karaa maxkamadda, nidaamka dawliga ihina wuxuu u shaqeeyaa habkaas is dheeli tira ee kala madaxa banaan. Sidaas darteed waxaan maxkamadda sarre usoo jeedinayaa inay komishanka ku celiso arjiga komishanka si iyagu go’aankooda u gaadhaan, maxkamaduna sharciga ku toosiso haayadaas distooriga ah madaxbanaanideedana ay ilaaliso. W/Q Xildhibaan Guruuje Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in maanta maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay Garsoore Maxakadeed, kaasi oo ku eedaysan musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne. Garsoorahaan maanta la horgeeyay maxkamadda ayaa ah guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Degmada Yaaqshiid, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Xeer Ilaalinta. Maxkamadda ayaa eedaysanahaan u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah, kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. “Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay eedaysanaha u gudbisay xabsi kumeel-gaar ah, si loo soo dhameystiro baaritaankiisa loona bilaabo Maxkamadayntiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Dhawaan ayay aheyd markii uu Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu maxkamadda gobolka Banaadir uu horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq. Saraakiishaas oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah. Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga. Si kastaba, ciidamada ammaanka ayaa la sheegaya inay weli ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda ee loo haysto musuqa, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post Garsoore loo haysto musuq oo maanta la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee ka taagan gobolka Hiiraan. Shariif oo barbar taagan yahay Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wax aan la aqbali karin ku sheegay in dagaalka Al-Shabaab laga ag furo dagaallo kale oo macno darro ah. “Dagaal nagula farad yeelay oo aan ka baaqsan karin ayaa nagu furan oo waa dagaalka Al-Shabaab. Mid kuwa meesha jooga iyo kuwa kale aan kala kaseyn oo in uu ku dilo kaliya loo soo diyaariyay oo waxba ku weydiineyn kaas ayaa jooga.” “Hadda rag tahay oo tabar haysid xagga aad oo kaas wax ka qabo. Dalkaan waxaa la rabaa inuu istaago dhiigga bilaashka ku daadanaya, oo uu ku istaago hab nabadeed oo waxgaradnimo ah, hab dowladnimo iyo mid maamul uu ku istaago ayaa la rabaa.” Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxa uu taageeray dadaallo uu sheegay in madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu wado, kuwaasi oo xal loogu raadinayo xiisadda dagaal ee u dhaxeysay beelaha Abgaal iyo Xawaadle. Shariif ayaa waxa uu ku baaqay in miiska wada-hadalka lagu xaliyo wixii la isku hayo, oo aan loo marin dhiig la daadiyo, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “HirShabeelle baryahan khilaafyo iyo culeyso ayaa ka jira waxaa rabnaa in howsha dhulka la dhigo ayaa rabna oo la wada-hadlo, maamul sidiisaba haddii cilad timaado fadhi iyo wada tashi ayaa lagu turxaan bixiyaa,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. “Madaxweyne Cali Guudlaawe wafdi ayuu diray waa tallaabadii habooneyd taas ha laga warsugo taas ayaa xoojineyna anaga,” ayuu yiri Shariif oo sheegay garab taagan yihiin dadaallada uu Guudlaawe xal ugu raadinayo xiisadda taagan. Shariif ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhiigga sida macno darada ku daadanaya, islamarkaana loo wada jiheysto dagaalka Al-Shabaab, xilli magaalooyin kamid dalka ay ka dhaceen dagaal uu ku daatay dhiig. “Maanta dadka Soomaaliyeed meel ay joogaan baahi uma qabaan dagaal iyo dhiig daata, waxay u baahan yihiin nabad iyo nolol fiican ay helaan oo sharafkooda uu soo noqdo. Dalkaan waa naga badan yahay kheyraadka ku jira naga badan.” Deegaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe. Hadalka Shariif ayaa imanaya xilli qaar kamid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay soo saareen digniin ku socota beesha Xawaadle. Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub. Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan-qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo. “Walaalayaal dib u sikada waa taqaaniin degaankiina, Abgaal dhulkiisana waa taqaaniin, ma ogolin in dhulkeena aad baraago iyo baco ka qodotaan ama tuulo cusub ka aasaastaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay ee beesha Abgaal Cismaan. Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kale dhulka uu murankaani ka taagan yahay waxaa dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Shariif oo war kasoo saaray xiisadda dagaal ee beelaha Abgaal iyo Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
-
Baarlamaanka Ingiriiska oo dhegaystay Warbixin la xidhiidha Mooshinka Aqoonsiga Somaliland London(Qaran news)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland galabta horgeeyay Baarlamaanka UK. Waxaanu tafaasiil ka bixiyay xidhiidhka soojireenka ah ee ka dhexeeyay Somaliland iyo Ingiriiska. Gavin Williamson wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Ingiriisku ku dhiirado aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan ka hadlayaa in aynu aqoonsi siino Jamhuuriyadda Somaliland oo xulafo inala ahaa madax-bannaanidana Ingiriisku siiyay.” Xildhibaan Gavin wuxuu tafaasiil ka bixiyay xasuuqii Soomaaliya u geysatay Somaliland oo ahaa mid arxan darro ah oo burburiyay magaalooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in qoys kasta oo reer Somaliland ah uu qof kaga dhintay xasuuqaas. “Qoys kasta oo Somaliland ka mid ah qof ayaa kaga dhintay xasuuqii Taliskii Siyaad Barre u geystay Somaliland,”ayuu yidhi Xildhibaanku wuxuuna intaas ku daray “Somaliland waxay mar kale 1991kii xoriyadeedii kala soo noqotay Soomaaliya oo ay midoobeen. Somaliland waxay soddon sannadood dalbanayeen aqoonsi la siiyo madax-bannaanidooda.” “Waxay Somaliland leedahay nidaam dimuqraadiya, waxaanay hirgelisay doorashooyin dimuqraadiya oo xor ah oo iskugu jiray kuwo madaxweyne iyo qaar baarlamaan.” waxa kaloo ay intaas ku dartay “Somaliland waxay samaysay wax kasta oo dal madax-bannaan oo dimuqraadi ahi sameeyay” Gavin Williamson oo ka hadlayay xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo Ingiriiska wuxuu yidhi “Muddo dheer shacbiga Somaliland waxay ka naawilayeen Ingiriiska inuu si saaxiibtinimo leh wax ula qaban doono. waxaanay ilaa dagaalkii labaad ee adduunka la jireen oo ay dhinaca ku hayeen ciidammadii Ingiriiska.” “Waxa aynu u baahan nahay inaynu qaran ahaan wax badan la qabano Somaliland, waana xilligii aynu aqoonsan lahayn”ayuu yidhi Xildhibaan Gavin waxaanu intaas raaciyay “Dawladda Ingiriisku ma doonayso inay qaado tallaabooyinkii loo baahnaa, waa se in Baarlamaanku horseedaa wax la qabashada Somaliland.” “Somaliland oo ah dal shacbigiisu yahay 5.7 Milyan oo qof waa u muhiim Ingiriiska oo uu la ahaa xulafo weli la yahay,”ayuu yidhi Xildhibaan Gavin Williamson. Mooshinkan waxa maanta falan qeyn iyo dood ka dhiibtay xildhibaanno kala duwan, waxana la filayaa in laga soo saaro go’aan, la xidhiidha mooshinkaasi. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Alshabaab lagaga saarayo deegaannada ay joogaan. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee u guurray gobolada barriga dalka ayaa u qaybsanaa saddex kooxood, oo ku kala jihaysnaa gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag. Garsoorayaasha ayaa muddo 3 todobaad ah ku gudo jiray safarkooda shaqo, kaasi oo salka ku hayay soo eegisaha goobaha lagu muran sanyahay, dhagaysiga darafyada iyo qaadista dacwadaha. Kooxda koowaad ee Garsoorayaasha oo ka koobnaa 3 Garsoore oo kala ah Axmed Diiriye Qaalib, Cabdilaahi Cabdi Aadan iyo Sheekh Cali Shucayb Sh. Ibraahin oo ay kaalinayeen Khadar Muuse Cabdi iyo Cabdikariin Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka amba-baxay xarunta Maxkamadda Sare iyagoo ku jihaysnaa deegaanada baaxada leh ee gobolka Sanaag. Waxaanay dacwado ku soo dhagaysteen deegaannada Dayaxo, Ilad garaad, Ceel-qoray, Kabiid, Dab-xidig, Ceel-Af-weyn iyo gudaha magaalada Ceerigaabo. Halka ay labada qaybood ee kale u amba-baxeen Gobolada Saaxil iyo Togdheer, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cumar Geele, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Yaxye Cali Idiris iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay kaalinayeen Muuse Maxamed Sh. Ibraahin, Cumar Cabdiwahaab Siciid, Cabdisalaan Muuse Ducaale, Cismaan Maxamed Caydiid iyo Mubaarig Aadan Cabdilaahi. Garsoorayaasha ayaa soo eegay isla markaana dhagaystay goobo ay dacwado ka socdeen oo ku yaala degmooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Beer, Yiroowe iyo deegaanka Ragadka. Iyo deegaannada baaxada leh hoos yimaada gobolada Saaxil iyo Togdheer. Guud ahaan dacwadaha ay ka soo garnaqeen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, soona eegeen goobaha ay dacwaduhu ka socdaan ayaa ka koobnaa 96 dacwadood, kuwaasi oo 20 kamid ahi Ciqaab ahaayeen halka 76 dacwadood ay Madani ahaayeen. Waxa xusid mudan in 20-ka dacwadood ee Ciqaabta ah ay saddexda kooxood ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ku wada galeen hoolka dacwadaha ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay wehelinayeen Ku-xiggeennada Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Cismaan Mire Mawliid Cabdi Muuse iyo Jamaal Jaamac Xaashi. Ka sokow dhagaysiga dacwadaha iyo soo eegisaha goobaha ay dacwaduhu ka socdaan waxa iyana qayb weyn ka ahayd maaraynta cabashooyinka, kuwaasi oo ay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ugu kuur galayeen arrimaha ay dadweynuhu ka cabanayaan isla markaana u maaraynayeen. Socdaalkan shaqo ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay ugu guurreen gobolada bari iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada ayaa kamid ah dedaaladda ay Maxkamadda Sare ee dalku ku hoggaaminayso Maxkamadaha Guurguura. Sannad walba Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u guuRra deegaannada ay maamulaan ee hoos yimaada. Halka bil kastana qaybo (Chambers) kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare u kala guurraan gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka. Maxkamadaha guurguura ayaa sidoo door muuqda kaga jira dedejinta dacwadaha iyo u fududeynta bulshada adeega Garsoor ee ay xaqa u leeyihiin, iyadoo bulshada loogu garnaqayo kambalka guryahooda halkii ay safar dheer u soo gali lahaayeen magaalada Hargeysa oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL. Source
-
Ololaha Barnaamijka Far-barashada oo laga Bilaabay Somaliland Hargeysa(Qaran)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa daahfurtay barnaamijka ololaha farbarashada iyo xisaabaadka oo ay ka wadashaqayn doonaan wasaaradda waxbarashda iyo jaamacaddaha dalku. Xaflada furitaanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda waxbarashada ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka W.W&S qaar kamida jaamacadaha dalka iyo ardaydii hore uga aflaxday barnaamijkan. Ugu horayn barnaamijkan ayaa waxa sharaxday agaasimaha waaxda waxbarashada dadban Sucaad Maxamed Cabdi oo ku dheeraatay muhiimada uu leeyahay barnaamijkan iyo sida ay uga go,antay wasaaradda in bulshada la gaadhsiiyo adeega waxbarashada. Geestooda waxaa halkaasi ka hadlay ardaydii waxbarashadan loo bilaabay oo maanta meel heerkeedu sarayso marayo, qaar kamida madaxda jaamacadaha dalka oo iyagu sheegay inay dhankooda wasaaradda kala shaqayn doonaan barnaamijkan kor loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasahada helin. Ugu danbayn Wasiir ku xigeenka W.W&S ayaa si rasmiya u furay barnaamijkaasi kana waramy muhiimada wasaaradu siinayso ololaha horumarinta farbarashada iyo xisaabaadka iyo in la gaadhsiiyo qof kasta oo reer Somaliland ah fursad ay wax ku bartaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu la wadaagay madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib tirayo, sida lagu yiri bayaan ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaan. Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada. Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa kadib waxa uu u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo, sida lagu yiri bayaanka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo. Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran. Si kastaba, Sheekh Shariif ayaa madaxweynaha horey uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Shariif iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
Dullucda Warbixin Caddaaladeed oo laga soo Diyaariyay Gobollada Bari Hargeysa(Qaran)- Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee u guurray gobollada barriga dalka ayaa u qaybsanaa saddex kooxood, oo ku kala jihaysnaa gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag. Garsoorayaasha ayaa muddo 3 todobaad ah ku gudo jiray safarkooda shaqo, kaasi oo salka ku hayay soo eegisaha goobaha lagu muran sanyahay, dhagaysiga darafyada iyo qaadista dacwadaha. Kooxda koowaad ee Garsoorayaasha oo ka koobnaa 3 Garsoore oo kala ah Axmed Diiriye Qaalib, Cabdilaahi Cabdi Aadan iyo Sheekh Cali Shucayb Sh. Ibraahin oo ay kaalinayeen Khadar Muuse Cabdi iyo Cabdikariin Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka amba-baxay xarunta Maxkamadda Sare iyagoo ku jihaysnaa deegaanada baaxada leh ee gobolka Sanaag. Waxaanay dacwado ku soo dhagaysteen deegaannada Dayaxo, Ilad garaad, Ceel-qoray, Kabiid, Dab-xidig, Ceel-Af-weyn iyo gudaha magaalada Ceerigaabo. Halka ay labada qaybood ee kale u amba-baxeen Gobolada Saaxil iyo Togdheer, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cumar Geele, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Yaxye Cali Idiris iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay kaalinayeen Muuse Maxamed Sh. Ibraahin, Cumar Cabdiwahaab Siciid, Cabdisalaan Muuse Ducaale, Cismaan Maxamed Caydiid iyo Mubaarig Aadan Cabdilaahi. Garsoorayaasha ayaa soo eegay isla markaana dhagaystay goobo ay dacwado ka socdeen oo ku yaala degmooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Beer, Yiroowe iyo deegaanka Ragadka. Iyo deegaannada baaxada leh hoos yimaada gobolada Saaxil iyo Togdheer. Guud ahaan dacwadaha ay ka soo garnaqeen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, soona eegeen goobaha ay dacwaduhu ka socdaan ayaa ka koobnaa 96 dacwadood, kuwaasi oo 20 kamid ahi Ciqaab ahaayeen halka 76 dacwadood ay Madani ahaayeen. Waxa xusid mudan in 20-ka dacwadood ee Ciqaabta ah ay saddexda kooxood ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ku wada galeen hoolka dacwadaha ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay wehelinayeen Ku-xiggeennada Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Cismaan Mire Mawliid Cabdi Muuse iyo Jamaal Jaamac Xaashi. Ka sokow dhagaysiga dacwadaha iyo soo eegisaha goobaha ay dacwaduhu ka socdaan waxa iyana qayb weyn ka ahayd maaraynta cabashooyinka, kuwaasi oo ay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ugu kuur galayeen arrimaha ay dadweynuhu ka cabanayaan isla markaana u maaraynayeen. Socdaalkan shaqo ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay ugu guurreen gobolada bari iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada ayaa kamid ah dedaaladda ay Maxkamadda Sare ee dalku ku hoggaaminayso Maxkamadaha Guurguura. Sannad walba Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u guuRra deegaannada ay maamulaan ee hoos yimaada. Halka bil kastana qaybo (Chambers) kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare u kala guurraan gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka. Maxkamadaha guurguura ayaa sidoo door muuqda kaga jira dedejinta dacwadaha iyo u fududeynta bulshada adeega Garsoor ee ay xaqa u leeyihiin, iyadoo bulshada loogu garnaqayo kambalka guryahooda halkii ay safar dheer u soo gali lahaayeen magaalada Hargeysa oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare. Qaran News
-
Somaliland oo Hirgelinaysa Wershad Soo-saarta Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Somaliland Marwo Shukri 7y dhawaan xadhiga ka jari doonaan warshad soo saarta bacaha, bacahaasi oo ay wasiirku sheegtay inay yihiin kuwo la fal-galaya carada dhulka, sidoo kalena ka cimri yar bacaha kale. Wasiirka ayaa sheegay inay Warshada bacaha soo saaray ay leeyihiin muwaadiniin dalka u dhashay oo warshada ka keenaya dalka Ingiriiska, bacaha ay soo-saarayaana ay badeli doonaa bacihii kootarbaanka ahaa ee dalka soo gali jiray. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay dhawaan fureen wershada ay hirgaliyeen muwaadiniin Somaliland ah, taasi oo geedka Garan-waaga u badesha dhuxul la shito, taasina lagag maarmayo xaalufka deegaanka iyo jarista dhirta. Wasiir Shukri Baandare ayaa sheegtay inay sanadkan qaybiyeen laba boqol iyo labaatan kun oo geed, kana qaybiyeen dhamman gobollada iyo dagmooyinka dalka. Sidoo kale wasiir Shukri Baandare ayaa sheegtay in sadex goobood oo hore ay u daganaayeen duur-joogto laga raray, loona raray xarunta daryeelka duur-joogta ee Geed Deeble. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Somali police have apprehended an individual in connection with the mortar attack near the Presidential Palace in Mogadishu on Tuesday. The attack killed father, a son and a daughter from a family of six died while the mother and two other daughters were injured. Source: Hiiraan Online
-
A British MP’s mission to recognise Somaliland from Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The lives of millions of people could be transformed overnight if the UK Government recognises Somaliland as an independent nation, Sir Gavin Williamson has said. Source: Hiiraan Online -
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay masaajid ay ku burburisay weerarkii dhawaan ay ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sababta loo burburiyay masaajidkaas ku sheegay in ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ka dhigteen saldhig ciidan. Sidoo kale waxa uu sheegay in masjidkaas ay burburka xooggan u geysteen laga soo abaabuli jiray howl-gallada iyo weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo hore looga xoreeyay deegaankaasi. “Masaajidka waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka dowladda oo waxay noqotay goob lagu qayilo oo lagala diriro (kooxda) oo dadka masaakiinta ah lagu xabiso,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab. “Marka masaajidkii sidaa noqday waxaa wacnay dadkii aan fasaxa dhismaha (masjidka) awal aan siinay, waxaan ku nidhi meeshaas masaajidkii la isku oga ha lagu soo cesho. Markii ay ku fashilmeen odayaashii iyo dadkii deegaanka waxaa qasab noqotay in wax laga qabto.” Kaba-Kutukade ayaa waxa uu ku dooday in sababta ay Masaajidka u burburiyeen ay tahay inuu ka baxay xeyndaabkii wixii lagu yaqaanay Masaajidda, “Duminta Masaajid ku sheegaash waa waajib, goob kasta oo afar shey ku sifowda waa in la dumiyo,” ayuu yiri. Hadalka Kaba-Kutukade ayaa imanaya xilli kooxda Al-Shabaab ay dhalleeceyn xooggan kala kulantay burburinta masaajidkaas oo ay u adeegsatay qarax, kadib weerarkii ay dhawaan ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma. Weerarkaas kadib ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka weyn ee deegaanka Daaru-nimca oo kooxda Al-Shabaab ay qaraxa ku burburiyeen. The post Kaba-kutukade oo qiil yaab leh u sameeyay masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Saddex qof oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii xalay hoobiye uu kusoo dhacay guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay weerarkan ayaa isku qoys ah, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya. Weerarkan ayaa boolisku sheegeen inay ku dhinteen aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo laba kale oo carruur ah. Booliika ayaa sheegay in hoobiyahan laga soo tuuray duleedka degmada Dayniile. Weerarkan ayaa ciidanku sheegeen inay soo tuureen maleeshiyaadka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Dad isku qoys ah oo ku dhintay hoobiyaal xalay lagu guraacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
