-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Nolosha malaayiin qof ayaa habeen qura is beddeli karta haddii xukuumadda UK ay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan” sidaa waxaa yidhi Sir Gavin Williamson. Wasiirkaas hore oo xubin ka ah xisbiga muxaafidka wuxuu shalay baarlamaanka hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo ujeeddadu tahay in loollan lagala hor tago mowqifka diblomaasiyadeed ee aan isbeddelka lahayn ee tobanaan sanno hor taagnaa Somalland. Isagoo la hadlayey wakaaladda wararka PA ayuu Williamson ku dhaliilay xukuumadda UK qaabka ay u waajahdo Soomaaliya iyo Somaliland. “Markii aan ahaa xoghaya gaashaandhigga waxaan safar ku tegey Soomaaliya anigoo gaadhay Muqdisho, waxaanan sidoo kale fursad u helay in aan booqdo Hargaysa, Somaliland. Waxaan arkay waxa xad ee ay labadu ku kala duwan yihiin” ayuu yidhi Williamson Waa uu sii watay hadalkiisa “waxaad aragtay fowdada iyo amni darrada ka taagan Soomaaliya, misna marka aad tagto Somaliland waxaad arkaysaa dal aad u safri karto, oo ka soo duuli karto, oo aad tagsi u raaci karto badhtamaha magaalada, oo aad ku dhex lugayn karto, oo aad dadka la hadli karto. Waxay ahayd mid sahlan, waana mid caadi ah” ayuu yidhi. “Sidaasoo ay tahay waxaan aqoonsannay dal ay fawdo ka taagan tahay, oo aan lahayn sharci, mana aynaan aqoonsan dal ay degenaansho ka jirto oo doorasho ay ka dhacday oo carruurtu ay iskuullada aadaan” ayuu yidhi Gavin Williamson. Wuxuu sheegay in siyaasadda Britain ee arrimaha dibadda ay xaqiiqda ka fog tahay. Wuxuu wakaaladda PA u sheegay faa’iidada aqoonsi ay Somaliland hesho ugu jirta Somaliland qudheeda iyo beesha caalamka. “Intaa yar ee aqoonsiga ah, waxaad habeen qura wax kaga beddeli kartaa heerka nolosha ee 5.7 malyan oo qof”. Xildhibaankaas laga soo doorto koofurta Straffordshire wuxuu intaa sii raaciyey in aqoonsiga Somaliland uu muhiim u yahay amniga Britain iyo baayac mushtarka dunida marka laga hadlayo intaraatijiyadda halka ay ku taallo Somaliland ee gacanka Cadmeed. Sababta ilaa hadda Somaliland aan loo aqoonsan ayuu farta ku fiiqay inay tahay “fadhiidnimo ka dhex jirta diblomaasiyadda”. Aragtidaas “fadhiidnimada” waxaa isna qaba Cabdinaasir Axmed Aadan oo ah cilmi baare falanqeeya arrimaha Somaliland. Cabdinaasir wuxuu BBC u sheegay in ay tallaabo weyn uga dhigan tahay galaangalka Williamson u ictiraafka ugu raadinayo Somaliland. “waxay ka dhigan tahay in Ingiriisku qaaday talaabo hogaamineed oo uu ku taageerayo qaddiyadda Somaliland o ah qaddiyad ku dhisan sharciyad, siyaasad iyo taariikh, uuna Ingiriisku ka gaabiyey” ayuu yidhi. Wuxuu tusaale u soo qaatay mowqifkii u Ingiriisku ka qaatay markii ay kala go’ayeen Bangladesh iyo Pakistan, isagoo ula jeeda in aysan muhiim ahayn in Soomaaliya wax laga weydiiyo gooni isu taagga Somaliland. Inkastoo dhowr iyo soddonkii sano ee Somaliland ay raadinaysay aqoonsiga aysan wax ictiraaf ah helin, misna ololaha Gavin Williamson wuxuu yididiillo galinayaa rajada aqoonsiga, laakinse waxay su’aal ka taagan tahay sida dagaalka ka socda Laas caanood uu u saamayn karo wixii aqoonsi ah ee Somaliland ay heli lahayd. Source
-
Ciidamada Israa’iil ayaa saaka oo Arbaco ah ku dhawaaqay in lasoo afjaray hawlgal laba maalmood socday oo ay ka wadeen deegaanka Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kaasi oo lagu dilay 12 falastiiniyiin ah iyo hal askari oo Israa’iili ah. “Howlgalku si rasmi ah ayuu u soo dhammaaday, ciidamaduna waa ay ka baxeen deegaanka Jenin,” ayay tidhi afhayeen u hadashay ciidamada oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP. Milatariga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee shalay billaabay duullaanka ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin, iyadoo amarkan uu bixiyay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Duullaankan oo ah kii ugu weynaa ee ay Israa’iil ka fuliso Daanta Galbeed muddo sanado ah, waxaana ka qeybqaatay boqollaal askari iyo sidoo kale duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo cagaf-cagafyada ciidamadu ay ku burburiyeen waddooyinka. Israa’iil ayaa markii dambe duqeymo cirka ah ku qaadday marinka Qaza kaddib markii ay ka hortagtay shan gantaal oo Israa’iil looga soo riday dhulka ay go’doomisay ee Falastiin. Ilo dhanka ammaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in weerarku uu ku dhacay goob militari oo kooxda Xamaas ay ku leedahay waqooyiga Qaza balse ma uusan geysan wax khasaare ah. Source
-
Jubaland ayaa walaac xooggan ka muujisay qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa qorshahaas ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo fursad siinaya Al-shabaab. Maxamuud Sayid ayaa sheegay in tallaabadaas ay khatar weyn ku keenayso shacabka ku dhaqan degaannada laga saaro ciidamada ATMIS. “In la hakiyo ayay ahayd. Marar badan waan codsanay, Madashana way kawada hadleen. Laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS in ay dalka ka baxaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu billaabay dhimista tirada ciidamada si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab ku qaadayso degaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS. PUNTLAND POST The post Jubaland oo walaac xooggan ka muujisay bixitaanka Ciidamada ATMIS appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS oo ay si weyn u dooneyso dowladda federaalka, ayada oo la filayo in dhammaanka sanadka 2024 ay ka baxaan dalka. Sayid Aadan ayaa ka horyimid qorshahan, isaga oo uu tilmaamay inuu yahay mid aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay qorshaha bixita ATMIS, maadaama weli dalka uu ka socdo guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Maxamuud Sayid Aadan ayaa xusay haddii aan laga fiirsan arrintan in fursad weyn ay heli doonaan Al-Shabaab oo haatan halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay marar badan isku dayeen in la hakiyo qorshahan, balse laga dhaga fureystay, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladdii hore. “In la hakiyo ayay ahayd, marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen, laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, waxaana qorshahaas ka dambeeyay dowladdii hore,’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliyeedn aysan xilligan la wareegi karin amniga dalka, wuxuuna sheegay inay u baahan yihiin fursado kale. Wuxuu ku taliyay in laga hortego isku-dayada Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay sameyn karaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horjeeday. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday in ATMIS ay dalka ka baxeyso, amnigana ay la wareegayaan ciidamada Xoogga dalka, waxaana haatan bilowday fulinta qorshahan, maadaama 7 saldhig ay wareejiyeen ciidamada ATMIS. The post Jubbaland oo ka hortimid qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ee ay haatan billowday dowladda federaallkaSoomaaliya. Koonfi ayaa kamid ah mas’uuliyiinta lasoo eedeeyay ayaa shaaca ka qaaday in ujeed gaar ah laga yeelay qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka Musuq-maasuqa. Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka ayaa xusay in la doonayo kaliya in la ceebeeyo dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Arrintan sida loo dhigayo marka la fiiriyo ama ayn u socoto iyo faragelinta, qaylada iyo buuqa waxa ka daba furan markaad aragtid waxay u muuqaneysaa arrin laga yaabo in ujeedooyin gaar ah laga leeyahay” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi). Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa suuragal ah oo ii muuqaneyso in ujeedka uu yahay in dowladdii hore oo dowladdan ka horreysay ay tahay wax loogu talagalay in lagu ceebeeyo”. Maxamed Aadan Koofi intaasi kusii daray haddii uu dhab yahay dagaalkan in loo baahan yahay in baaritaanka laga soo bilaabo muddo xileedkii 2012-kii oo uu tilmaamay inuu jiray khaladaad badan, isla-markaana la dhacay xoolo dadweyne, sida uu hadalka u dhigay. “Sababta waxaa waayay ragga hadda xukunka jooga markii ay joogeen 2012, illaa 2017-kii dalka daqliga waxaa lagu uruurin jiray baco iyo jawaanno, waxaana lagu qaadi jiray meelo kala duwan, ayada oo hay’ado kala duwan ay uruurin jireen” ayuu mar kale yiri Mr. Koofi. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii la doonaya xaqiiqada dhabta ah in dib u eegis lagu sameeyo systemka la sameeyay oo uu tilmaamay in wax kasta lagu ogaan karo, balse waxa uu carabka ku goday in dano siyaasadeed iyo kuwa gaar ahaaneed intabal aga leeyahay arrintan, isla-markaana lagun beegsanayo shaqsiyaad gaar ah. The post Daawo: KOOFI oo shaaciyay ujeed laga leeyahay dagaalka Musuq-maasuqa appeared first on Caasimada Online.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Talaadadii shalay uu weerar ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Geriley oo ay isaga soo baxeen ciidamada ATMIS. Weerarka oo ay qaadeen Al-Shabaab ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigga Geriley oo ka mid ahaa saldhigyadii ay toddobaadkii hore wareejiyeen ciidamada Kenya ee ku jira ATMIS. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos oo u dhexeeyay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo raggii weerarka qaaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaallo la’isku noq-noqday ay saldhigga ka dhaceen, kuwaas oo geystay khasaarooyin iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee lagu ekeeyay sadlhigga deegaanka Geriley ee gobolka Gedo. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sladhigga la weeraray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horay ATMIS ugala wareegay xeradaasi. Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay haatan ciidamada ATMIS ayisaga baxaan dalka,waxaana la diyaariyay bixitaanka labadii kun ee ugu horreysay. Duulaanka Al-Shabaab ee saldhigga deegaanka Geriley ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen ATMIS. Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana qorshuhu yahay inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska ah. The post Al-Shabaab oo WEERAR ku qaaday xero ay dhowaan wareejiyeen ciidanka Atmis appeared first on Caasimada Online.
-
At least three people were killed and two others were wounded in an attack on the Somali capital Tuesday with improvised rockets, said an official. Source: Hiiraan Online
-
Global payment platform Mastercard has partnered with SomBank, an innovative financial institution in Somalia, to promote digital payment solutions. Source: Hiiraan Online
-
Three people have died and three others were injured in a bomb attack that targeted a civilian residence in Waberi district of Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa war ka soo saaray dad ka soo jeeda beeshiisa oo sida ay sheegay ay ciidanka Danab xabsi ku gureen, kadib markii lasoo qabtay iyagoo hubeysan. Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada Danab ka sameeyeen aagga degaanka Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeellada Hoose lagu soo qabtay 11 qof oo u dhashay beesha uu metelo ee Gaaljecel. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaas loo heysto Shabaabnimo, balse ay yihiin shacab difaac uga jiray beel kale oo la degta deegaanada hoos taga degmada Walaweyn oo dagaal sokeeye uu kala dhexeeyo. Beesha uu metelo xildhibaan Daahir Jeesow ee Gaaljecel ayaa dagaal xal loo waayey oo dakanadiisu ay sanado badan taagan tahay wuxuu kala dhexeeyaa beesha Shan-caleemood oo ay wada degaan Wallaweyn iyo qeybo badan oo Sh/Hoose ka mid ah. “Ciidanka Danab Shabaqii ay dhigteen waxaa ku dhacay dad rayid ah oo hubka u soo qaatay difaacu-nafsi,11-qof oo reer Miyi ah oo aan Xildhibaankooda ahay ayey xireen Ciidanka Danab, waan baaray arrintaas, waxaan hayaa liiska 11-ka qof oo aan hubiyey inay shacab yihiin,” ayuu yiri Xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu cadeeyey in hubkaas aan loo wadan in lagu dhibaato dowladda ama dad kale, balse dadku ay u hubeysan yihiin, sidii ay u difaacan lahaayeen naftooda oo kaliya. Xildhibaanka oo la hadlay Somali Cable TV ayaa sheegay in dadkaas shacabka ah laga qabqabtay daafaha deegaanka Yaaqbariweyne xilli ay doonayeen inay soo galaan magaalada iyagoo safar ah oo miyiga ka yimid. “Hadii ciidanka Danab loogu sheekeeyey magaalada Shabaab ayaa yimaada maalmaha qaar oo Shabaab ay shabaq u dhigteen, waxaan u cadeynayaa in shabaqaas aysan Shabaab ku dhicin oo shacab hubkooda difaacu nafsi u soo qaatay ay ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir. Ugu dambeyntii Jeesow ayaa taliska ciidanka Danab ka codsaday in 11-kaas qof iyo hubkooda ay si nabad ah ku sii daayaan, maadaama uu soo xaqiijiyey in aysan Shabaab aheyn, isagoo xildhibaankoodii ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Jeesow oo sheegay in 11 qof oo beeshiisa ah ay Danab gacanta u galeen appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay qabanayaan kulankii ugu horreeyey ee ku saabsan halista uu garaadka macmalka ah ee la horumariyey “Artificial Intelligence”, uu ku hayo nabadda iyo xasiloonida caalamka. Bishan July 18-keeda ayaa loo ballansan yahay in la qabto kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagaga hadlo, halistan ku soo korodhay caalamka, waxaana kulankan gadhwadeen ka ah dawladda Ingiriiska. Garaadka Macmalka ah ayaa loo arkaa inuu halis badan ku hayo ammaanka dunida, maadaama si madax-banaan loogu adeegsan karo maamulka, hubka meelaha durugsan laga hago ama xataa hubka nukliyeerka oo ku xidhan aaladaha internet-ka ku shaqeeya. Danjiraha Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shaacisay in dalkeedu uu horkacayo, sidii caalamku wax isaga weydiin lahaa halista barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan. Shirkan ayaa la filayaa in lagu marti-qaado khubaro aqoon durugsan u leh garaadka macmalka ah, iyo weliba Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasi oo toddobaadkii hore soo saaray qaylo dhaan ku aaddan, xawaaraha ay ku socoto, horumarinta barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah. Xoghayaha Guud ayaa hore u sheegay, isaga oo soo xiganaya saynisyahanada iyo khubarada aqoonta u leh in barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ahi inay halis aad u weyn ku hayaan jiritaanka aadanaha, iyagoo horseedi kara in si fudud loo adeegsado hubka wax gumaada ee Nukliyeerka. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inuu bisha September soo magacaabi doono gole ka soo talo bixiya garaadka macmalka ah ee horumarsan, kaasi oo diyarin doona qorshe ay ku hawlgasho Qaramada Midoobay. Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu ku talo jiro inay yagleelaan hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay oo si gaar ah isha ugu haysa, barnaamijyada garaadka macmalka ah, taasi oo la mid ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Nukliyeerka ee IAEA. Garaadka Macmalka “Artificial Intelligence” Aaladaha Computer-ada iyo barnaamijyada kale ee Internetka ku xidhan ayaa caadiyan u baahan inay helaan tilmaamaha iyo amarada aadanaha, si ay u qabtaan shaqooyinka iyo hawlaha ay fulinayaan. Hase ahaatee, Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ayaa haatan loo qaabeeyey inuu ka maarmi karo shaqada, tilmaamaha iyo amarada uga imanaya aadanaha. Si la mid ah, maskaxda aadanaha, barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah ayaa u baahan inay helaan macluumaad aad iyo aad u faro badan, kaasi oo ka caawin kara inay si hufan u shaqeeyaan. Garaadka Macmalka ah ayaa laga soo minguuriyey habka ay u shaqayso maskaxda aadanuhu. The post Caalamka oo ka walaacsan farsamo casri ah oo khatar ku ah ammaanka dunida appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka oo Xiisad hor leh ka Abuuray Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyo socda Hargeysa(Qaran)- Warqada Komishanka Doorashooyinku ay ku kala qaybsameen ee ay u gudbiyeen Maxkamadda sare si ay ugu soo kala caddayso doorashada soo horaýnaysa labada doorasho ee madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda, ayaa xiisad iyo khilaaf kale oo siyaasiya ka abuuraysa dalka. Arrintaasi oo xilligan halis ku ah Somaliland oo uu gobolka Sool ka socdo dagaal lix bilood jirsaday. Xubnaha komishanka ayaa la sheegay inay ku kala qaybsameen warqada Maxkamada oo qaarkood ay soo jeediyeen in Guddida doorashooyinku awood u leeyihiin inay cayimaan doorashooyinka oo aanay habboonayn inay awoodoodii sharci ay ku wareejiyaan Maxkamadda, balse ay 4 ka mid ah soo jeediyeen in maxkamadda loo gudbiyo. Halka 3 kalene ay ka biyo diideen arrintaas. Tallaabadaasi Komishanku qaadeen waxay markiiba dib u istaadhay muranka dhinaca doorashooyinka ee muddooyinkii u dambeeyay huursanaa, waxana xalayba laga dareemay magaalada Hargeysa dhaqdhaqaaqyo lagaga tashanayo arrintan. Sida ilo looga qaateen ahi u xaqiijiyeen Qarannews, guddida beelaha West Burco Clan ayaa wax iska weydiiyay warqada Komishanku ay u gudbiyeen maxkamadda sare oo ay u arkaan inay maxkamadu ku milantay Xukuumadda oo Madaxweyne Biixi oo aad isugu dhawyihiin Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo qalinka uu ugu dhufan doona sida Xukuumaddu jeceshahay in loo kala horaysiiyo doorashooyinka. Inkasta oo aanay weli wax jawaab ahi ka soo bixin labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo aaminsan in la soo horreysiiyo doorashada madaxtooyada oo ah ta soo horeysa, lana hayo xeerkeedii. Iyadoo doorashada ururrada siyaasadda aanu diyaar ahayn wax xeer ah oo lagu qaban karaa xilligan. Waxa se la filayaa inay warbaahinta la hadli doonaan. Guddida Beelaha West Burco Clan ayaa hore u sheegay in aanay deegaannadooda ka qabsoomi karin doorashada Ururrada siyaasadda haddii an laga heshiinin, taasina iftiiminaysaa in aanay ka dhacaynin 5 gobol oo belaha West Burco Clan degan yihiin gaar ahaan goobaha ay ka degan yihiin Xasarad iyo xiisad kasta oo Somaliland xilligan ka aloosantaa waxay halis ku tahay midnimada iyo wadajirka Somaliland wakhti uu gobolka Sool ka socdo dagaal dhibkiisa wata Waxana iyana huursan oo murankeedu uu hawada ku soo jiraa cidii bedeli lahayd gudoomiyahii is casilay ee golaha wakiilada oo wali uu buuqeedu uu taaganyahay taasi oo iyana wadata hawsheeda. Marka aad xaaladahaasi oo dhan eegto may haboonayn in maanta la abuuro buuqa hada taagan Qaran News
-
WAAR HOOY WAA IGA TALO: QARANKA YAAN QOF DANTII LOO DUMININ Komishanka Doorashadu way garanayaan sida ay u kala horeeyaan doorasho ay sharcigeeda hayaan hawsheeda oo komishankii hore ay gacanta ku hayeena ay kala wareegeen iyo doorasho aanay haynin sharcigii ay ku qaban lahaayeen oo ka maqan Xeer Lam 92 oo ku waajibinaya qabashada sadexda doorasho ee Golayaasha Degaanka, Wakiilada iyo madaxtooyada oo keliya. Sabab kasta ha ku kelifto eh way kari waayeen in ay kala cadeeyaan sida labada doorasho ay u kala horqabanayaan. Taasi waxay nuqsaan ku tahay komishanka oo awoodahoodii sharci iyagu duuduub u wareejiyay. Taasi waxay gebi ahaanba waxay sua’aal saaraysaa in komishankani doorasho qaban karo iyo in kale Dhismaha Qaranku, sida ku cad Dastuurka wuxu um ka kooban yahay sadex haya’dood oo kala madaxbanaan. Maxkamadda Sare waa haya’d garsoor ma moqon karto Xeerdejin. Doorashooyinkana waxa lagu qabtaa Xeerar Baarlaman ee laguma qabto amar maxkamadeed Hadaba isaga waramimayno marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo. Sidaa daraadeed dhawaaqa laga filayo maalmaha soo socda Maxkamadda Sare ayaa noqonaya muhiim waayo xal wuu noqon karaa lagu soo afjaro khilaafkii dooraahooyinka hadii uu cadaalad noqdo. Waana hubaal in doorasho ay suurogali karto. Hadii kale wuxu horseedi karaa xal la’aan oo ah in aan labadan doorasho iyo tu ka dambaysa oo la isla ogol yahay aanay Somalland dib uga qabsoomin. Tu aan la isla ogolaynna hadalkeedba daa. Taasoo noqon karta bilawgii dhamaadka iyo burburkii Somaliland, Allah kama dhigo eh Cali Gurey Qaran News
-
Jerusalem (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa saaka oo Arbaco ah ku dhawaaqay in lasoo afjaray hawlgal laba maalmood socday oo ay ka wadeen deegaanka Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kaasi oo lagu dilay 12 falastiiniyiin ah iyo hal askari oo Israa’iili ah. “Howlgalku si rasmi ah ayuu u soo dhammaaday, ciidamaduna waa ay ka baxeen deegaanka Jenin,” ayay tiri afhayeen u hadashay ciidamada oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP. Milatariga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee shalay billaabay duullaanka ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin, iyadoo amarkan uu bixiyay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Duullaankan oo ah kii ugu weynaa ee ay Israa’iil ka fuliso Daanta Galbeed muddo sanado ah, waxaana ka qeybqaatay boqollaal askari iyo sidoo kale duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo cagaf-cagafyada ciidamadu ay ku burburiyeen waddooyinka. Israa’iil ayaa markii dambe duqeymo cirka ah ku qaadday marinka Qaza kaddib markii ay ka hortagtay shan gantaal oo Israa’iil looga soo riday dhulka ay go’doomisay ee Falastiin. Ilo dhanka ammaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in weerarku uu ku dhacay goob militari oo kooxda Xamaas ay ku leedahay waqooyiga Qaza balse ma uusan geysan wax khasaare ah. The post Ciidamada ISRAEL oo isaga baxay Daanta Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Waging a well-thought out and systematic war on corruption is paradigm-shift that would lead to efficient, effective and result-oriented public sector management as well as institutional check and balance. Source: Hiiraan Online
-
Suudaan(Qaran)-Dagaalo culus ayaa dib uga bilaabmay caasimadda dalka Suudaan ee Khartum ka dib markii labada dhinac ee xiisadu ka dhaxaysaa mid walba dhiniciisu u qaaday weerar hubaysan. Sida labada dhinac ku doodayaan mid walba waxa uu gaarkiisa u fuliyay hawl gal lagu sheegay in ammaanka lagu sugayo dhaq dhaqaaqa dhinaca kalana lagaga hor tagayo. Xoogaga gurmadka degdeg ah ee dagaalka kula jira ciidamada dalka Suudaan ayaa soo bandhigay, diyaarad ciidamadu leeyihiin oo ay sheegteen inay soo rideen iyo mid ka mid ah duuliyayaasheedi oo ay gacanta ku dhigeen. Sida dad goob joog ahi ay u sheegeen telefishanka afka carabiga ku hadla ee Aljazeera diyaaradan, oo duqayn ku haysay ciidamo gurmad ah oo xoogaga ka soo hor jeeda milatariga u socday ayaa mar qudha olashay ka dibna labadii duuliye ayaa baarashuutka goosta ka dibna diyaaradii ayaa burburtay. Mid ka mid ah duuliyayaasha ayay ciidamada gurmadka degdegu gacanta ku dhigeen, waxaanay sheegeen in maxkamad loo soo taagi doono, sidoo kale sarkaal u hadlay xooggaga ka soo horjeeda milatariga dalka Suudaan, ayaa sheegay in Janaraal Cabdi Fataax Burhaan iyo maamulkiisu ay gaysteen gabood fal aadami-nimo. Dagaalka ayaa xoogiisu ka qarxay degaanka Umu Durmaan iyo qaybo ka mid ah galbeedka caasimadda Khartuum, waxaana sida wakaaladaha wararku sheegeen hadhbeelay madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Qaran News
-
Mas’uuliyiinta Taliban ayaa amray in bil gudaheed lagu xiro dhammaan goobaha haweenka lagu qurxiyo ee dalkaas oo dhan. Tan iyo markii ay xukunka qabsatay Augsut 2021, dowladda Taliban ayaa ka mamnuucday gabdhaha iskuullada sare iyo jaamacadaha, beeraha lagu nasto iyo goobaha jirka lagu dhiso, waxayna amartay inay jirkooda oo idil qariyaan marka ay banaanka joogaan. Haweenka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u shaqeeyaan QM iyo ururada aan dowliga ahayn, waxaana kumanaan ayaga ka mid ah laga eryey shaqooyinka ama lacag lagu siiyey inay guryahooda joogaan. Mohammad Sadeq Akif Muhajir, oo ah afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Wanaagga iyo ka-hortagga Xumaanta, ayaan sheegin sababta loo qaatay go’aanka. Waxa uu sheegay in ganacsiyada la siiyey waqti ay ku xiraan, si ay u adeegsadaan dhammaan agabka u yaalla oo aanay khasaare u gelin. Goobaha haweenka lagu qurxiyo ee Kabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan ayaa bulaalay 20-kii sano ee ciidamada Mareykanka ay haysteen dalka. Waxay noqdeen goobo amni ah oo haweenka ay isugu yimaadaan kuna sheekeystaan ayaga oo kasoo fogaanaya ragga, halka ay fursado ganacsi siiyeen haween badan. PUNTLAND POST The post Taliban oo amartay in la xiro xarumaha Haweenka lagu qurxiyo appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Columbia Heights oo ka tirsan Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug Puntland ayaa si rasmi ah loo mataaneeyay kadib heshiis ay kala saxiixdeen duqa Goldogob Cabdifataax Shiikh Ibraahim iyo Duqa Columbia Heights Amada Márquez Simula. Heshiiska lagu mataaneeyay degmada Galdogob iyo magaalada Colombia Hights ee Dalka Marekanka ayaa Galdogob ka gacan siinaya horumarinta waxbarashada, caafimaadka , khibrad wadaaga iyo xirfadaha horumarinaya adeegyada dowladda hoose. Magaallooyinka la mataaneeyo waa nooc heshiis ah oo u dhaxeeya bulsho labo deegaan oo kala duwan dagan,kuwaas oo kala fog juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaanba ujeedaduna tahay horumarinta iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan oo ay ku jiraan Arrimaha bulshada. Minnesota horay waxaa magaalooyinkeeda loola Mataaneeyey labo magaalo oo Soomaaliya ku taal waa kuwa ganacsiga Minneapolis iyo Boosaaso iyo caasimadaha St Paul MN iyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Magaalooyinka Galdogob iyo Columbia Heights oo la mataaneeyay appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Gen Axmed Aadan Cali ayaa Kormeer shaqo ku tagay dugsiga Tobobarka Ciidamada Turki Som iyo Taliska Guutada 18-aad Kumandooska Gorgor XDS ee magaalada Muqdisho. Gen Axmed Aadan Cali oo ugu horayn tagay dugsiga tababarka ee Turkisom halkaas oo uu tobobar uga socdo Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan la qaatay taliyaha dugsiga Turkisom Gen. Ali Sigirtmac oo ah Taliyaha Dugsiga Turkisom isagoona ugu mahadceliyey garab istaagga dowladda Turkiga ee Soomaaliya. Gen. Ali Sigirtmac ayaa dhankiisa ka mahadceliyey celiyay kormeerka taliyaha, isagoo warbixin dhameystiran ka siiyay tababarka Ciidanka Xoogga halkaas ugu socda. Dhanka kale taliyaha ayaa kormeeray taliska guutada 18-aad ciidanka Kumandooska Gorgor XDS halkaas oo ku soo dhaweeyey Taliyaha Guutada 18-aad Gashaanle Bashiir Cumar Cabdullaahi. Taliye Axmed Aadan ayaan kulan la qaatay Saraakiisha guutada 18-aad ee kumandooska Gorgor XDS, waxana uu kula dardaarmay in si daacada u gutaan waajibka qaran una diyaar garoowaan wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo Argagixisada. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray Xarunta Tababarka ee TURKISOM appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Amid escalating community tensions in the wake of Hirshabelle's President Ali Gudlawe's controversial dismissal of Hiiraan governor Ali Jeyte Osman, Somalia's political luminaries, former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and former Hirshabelle state President Mohamed Abdi Waare, convened in a joint press conference Monday to address the ensuing turmoil. Source: Hiiraan Online
