Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa – 09-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga jidka isku xidhi doona Baligubadle – Hargeysa . Madaxweynaha iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa Magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd kaga qeyb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey daah-furka Wadadaas ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????? ????????????????????????-???????????????????????? ???????????????????????????? ????????????????????????????????????????????????: ???????????????????????? ???????????????? ???????????????????????? Maanta, waxa aan Gobolka Hawd doortay in aan ka bilaabo safarkaygii koowaad ee dalka gudihiisa iyo dhagax dhigga dhamaystirka dhismaha wadada muhiimka ah ee Hargeisa-Balligubadleh oo ka mid ahaa ballan qaadayadii xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad ee boqolka maalmood ee ugu horeeyaa muddo xileedkeeda. Ilaahay baan ugu mahad naqayaa inuu fulo balan qaadkaasi. Gobolka Hawd waa xaruntii iyo Hooyadii halganka, maantana waxa aan rabaa inay astaan u noqoto midnimada iyo wadajirka shacbiga Reer Somaliland. Kaabayaasha ay jidadku ka mid ka yihiin waa seeska ugu muhiimsan ee uu horumarku ka bilowdo, waxaana ay hormuud u yihiin koboca magaalooyinka iyo horumarka dhaqaale ee bulshada. Sidaas awgeed, sida aannu horeba u ballan-qaadnay waxa aannu ahmiyad weyn siin doonaa dhismaha Waddooyinka Dalka, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee isku xidha ilaha dhaqaalaha iyo magaalooyinka. Waddadanina faa’idooyin aan la soo koobi karin ayey u leedahay gobolka Hawd, caasimadda Hargeysa iyo xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Ethiopia. Wadadanina Waxay yarayn doontaa waqtigii isu socodka Hargeisa iyo Balligabadle, kharashkii gaadiidka, haday noqoto shidaal iyo dayactirba. Waxaa fududaan doona isu socodka badeecadaha iyo adeegga suuqyada Hargeysa ka imanaya iyo waxsoosaarka uu gobolku suuqa Hargeysa geynayo, taas oo kobcinaysa ganacsiga magaalada Baligubadle, shaqo abuurka, iyo gaadhitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo fursadaha dhaqaale ee caasimadda yaalla. ????????-???????????????????????????????? ???????????? ????????????????????-???????????????????????????? Hoggaamiyeyaasha bulshada ee deegaannada ay mashaariicda horumarintu ka socoto, ganacsatada, iyo muwaadiniinta oo dhanba, waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan, isla markaana ilaashadaan mashaariicda horumarineed ee deegaannadooda ka socda ee ay waddadani ka midka tahay. Waxaan si aad ah idiinku adkaynayaa ilaalinta bad-qabka waddo-marista gaadiidka. Shilalka gaadiidku aad bay inoogu badan yihiin, dhalinyarada gaadiidka wadata ee xawliga ku kaxaysa, , wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyi xamuulkaba waxaan ugu baaqayaa in ay xil iska saaraan ilaalinta nafahooda , bad qabka iyo badbaadada bulshadoodaba. Hay’adaha xukuumadda ee shaqadan u xil-saaran, waxaan farayaa in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta shuruucda wado-marista, la socoshada bad-qabka gaadiidka, hubinta iyo adkeynta rukhsadda wadista gaadiidka. Waddadani qiime weyn ayey u leedahay isu-socodka iyo xoojinta xidhiidhka dadka walaalaha ah ee ku nool labada dhinac ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Taasoo wax weyn ka tari karta is-dhexgalka, iyo koboca dhaqaalaha iyo nabadgelyada labada dal ee walaalaha ah. ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? Xukuumaddaydu waxay xoogga saari doontaa mashaariicda horumarinta hadba intii inoo suurtagasha, annaga oo xil iska saari doonna inay gobollada iyo deegaannada dalka si siman u wada gaadhaan. ???????????????????????? ???????????????????????? Maanta waxa aan dhagax dhigayaa dhamaystirka dhismaha wadada muhiimka ah ee Hargeisa-Balligubadleh oo ka mid ahaa ballan qaadayadii xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad ee boqolka maalmood ee ugu horeeyaa muddo xileedkeeda. Magaca Alle iyo barakadiisa ayeynu ku bilaabaynaa, Insha Allaah guul ayaanay inoogu dhammaan doontaa. Source
  2. From the American people – USAID message in Somali Mogadishu (PP News Desk) — NGOs in Somalia are counting the loss of lucrative contracts from USAID projects in the country. All references to USAID projects in Somalia are now inaccessible online. The following notice appears on a USAID page to which all project reports are redirected: “On Friday, 7 February 2025, at 11:59 pm (EST), all USAID direct-hire personnel will be placed on administrative leave globally, with the exception of designated personnel responsible for mission-critical functions, core leadership, and specially designated programmes.” USAID had provided emergency food aid to families in various parts of Somalia. In addition, it funded literacy programmes in several federal member states, excluding Puntland State. Between 2012 and 2024, USAID funded projects in Puntland State, such as the Partnership for Economic Growth (PEG) and the Somali Joint Health and Nutrition Programme (JHNP). However, Puntland State was denied participation in the USAID-funded Bar ama Baro (Teach or Learn) initiative. The Federal Government of Somalia influenced the implementation of this project. “USAID accentuated the political rift between Puntland State and the Federal Government of Somalia. Its policies were reminiscent of those pursued in the 1980s when the United States opposed the Italian Aid Fund’s efforts to build infrastructure such as roads and a seaport in what is now Puntland” said a retired civil servant in Garowe. The end of the transitional period in Somalia in 2012 also marked the end of the dual-track policy used by the Obama administration to engage with Puntland and Somaliland administrations. The new Trump administration has frozen the USAID website as part of measures introduced by the newly established Department of Government Efficiency (DOGE), an acronym coincidentally similar to Doge, the cryptocurrency popularised by Elon Musk through his tweets. Not many Somalis are mourning USAID’s exit. Many citizens believe that its role in the country has fostered dependency and corruption within NGO ecosystem. In the 1980s, Somali farmers complained that USAID donations were timed to coincide with the harvest season, undermining local agricultural markets. The government of the day was indifferent. Looking after the interests of citizens is the last thing on the mind of a government reliant on handouts distributed by USAID. © Puntland Post, 2025 The post Somali NGOs Count Losses as USAID Contracts Disappear appeared first on Puntland Post.
  3. AQNqCVdBgzErmHfJTUzVMuBqBRtKkZwzZ-P3M7Dnckqs9RzKLBlqsAaDgu2Fc3HIdGcA7q3epYCZCKpX3_8XaZ-2 Qaran News
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda dib-u-howl-galinta warshadda biyaha Laascaanood, taasi oo ku bur-burtay intii uu socday dagaalkii Laascaanood ee u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Warshaddan oo ah mashruuca biyo nadiifinta ee guud ahaan ugu weyn dalka Soomaaliya, sida uu sheegay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, ayaa waxaa markii hore maal-geliyay ganacsatada deegaanka, kuwaas oo markale burburkii kaddib dadaal ku bixiyay dib-u-dhiskeeda. Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahad-celiyay ganacsatada waqtigooda iyo hantidoodaba geliyay hirgelinta warshaddan muhiimka ah. Sidoo kale, wasiirka biyaha iyo macdanta SSC-Khaatumo, Xildhibaan Cali Warsame Dhakaawe ayaa xusay in shirkaddani ay noqon doonto hanti ay wada leeyihiin shacabka iyo dowladda, iyadoo loo maamuli doono habka iskaashiga dowlad iyo ganacsato (Public-Private Partnership). Ugu dambayntiina, hoggaamiyaha ayaa caddeeyay in xukuumaddiisu ay ku taagan tahay mabda’a isku-tashi, islamarkaana aysan cid kale ku tiirsanayn, isagoo xusay inay muhiimad gaar ah siinayaan ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaanka. Tan iyo markii ay gacan ku haynta magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool la wareegtay SSC-Khaatumo waxaa si tartiib ah usoo laabanayay adeegyada muhiimka ah, iyadoo dib u dhis lagu sameeyay goobo bixin jiray adeegyo muhiim ah oo kamid ah shirkadda maanta dib loo hawl-galiyay.
  5. Wargayska Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in Taliyaha Taageerada Degdegga ah ee dalka Suudaan Mohamed Hamdan Dagalo aanu muddo bil ah goob fagaare ah ka soo muuqan, taas oo keentay in shaki laga muujiyo bedqabkiisa iyo halka uu ku suganyahay. Janaraal dagaalo ayaa khodbaddii ugu dambeysay ee uu jeediyay ku sheegay in ciidamadiisu ay khasaare xoogan kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan militariga Suudaan, asagoo sheegay in duqeymaha cirka ahi ay waxyeello weyn u geysteen xoogagga uu hoggaamiyo. Hadda ay ciidamada dowladdu la wareegeen inta badan caasimadda Khartoum, Janaraal Mohamed Hamdan lama oga meel uu ku suganyahay, waxaana la sheegay in hoggaaminta meleeshiyada RSF uu hadda hayo walaalkiis. Source: goobjoog.com
  6. Mohamud Aidid Dirir, the Minister of Information, Puntland State of Somalia. Garowe (PP News Desk) — The Puntland Government has officially distanced itself from comments made by Deputy Minister of Information Yaqob Abdalla in the Daily Telegraph story on the forced displacement of Palestinians in Gaza suggested by some Israeli government officials. In a press release signed by the Information Minister of Puntland State of Somalia Mohamud Aidid Dirir, the Ministry of Information has clarified that the remarks were solely the personal views of the deputy minister and did not reflect the official position of the Puntland State of Somalia. “Puntland Government respects the rights of Palestinians to live in peace and prosperity in their country. As a member of both the Arab League and the Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Somalia has a historical commitment to supporting Palestine” reads the statement. The Federal Republic of Somalia supports a solution to the Palestine question on the basis of 1967 borders and sovereign state for Palestinians. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Government Distances Itself from Deputy Minister’s Gaza Comments appeared first on Puntland Post.
  7. Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya labada meleeshiya beeleed, waxaana hawada ka maqan isgaarsiintii deegaankaas, sida ay sheegeen ila xog-ogaal ah oo ku sugan gobolku. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, balse wararku waxay sheegayaan in is rasaasaynta labada dhinac ay gudaha magaalada ka socato, islamarkaana isku socadkii iyo howlihii socday ay hakad galeen. Degmada luuq ayaa waxaa bilo ka hor ku dagaalamay maleeshiyaad ka soo kala jeeda laba beeleed oo halkaas wada deggan, balse masuuliyiin deegaanka ka soo jeeda iyo waxgarad dadaal dhexdhaxaadin ah muddo waday ayaa ku guulaystay inay labada dhinac heshiis ka gaaraan colaadkii degmadaas ka taagnayd. Source: goobjoog.com
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Dagaalka oo soo bilowday shalay, soona gaaray illaa xalay ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo lagu magacaabo Dhagaxyaaley oo dhanka waqooyi galbeed uga beegan deegaanka Waniile ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa kala hoggaaminayo Kaba-kutukade iyo horjoogo kale oo deegaan ahaan kasoo jeedao dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgauud. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada dhinac ee ka wada tirsan Khawaarijta ayaa isku khilaafay xoolo ay qafaalasho ahaan uga soo wateen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaasi, taas oo la’isku fahmi waayay, waxayna arrinta isku rogtay dagaal toos ah. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay hoggaanka sare ee maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada labada garab ee ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Marar badan ayaa Shabaab dhexdooda sidaan oo kale ay ugu dagaalameen deegaannada ay ka arrimyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaare ay dhexdooda isu gaystaan maleeshiyaadka Khawaarijta oo sidoo kale halis ku haya shacabka.
  9. Dowladda Masar ayaa sheegtay inay marti-gelin doonto shir degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Carbtu ,kaas oo looga hadlayo xaaladda dowladda falastiin iyo tillaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil. Shirkan oo magaalada Qaahira ka dhici doona 27-ka bishan Febraayo magaalada, ayaa waxaa isku dubariday Baxreyn, oo hadda haysa shir guddoonka madaxda Carabta, iyo Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta. Shirkan ayaa la sheegay inay codsatay falastiin, waxaana la filayaa in looga hadli doono xaaladda gobolka iyo qorshaha Mareykanka ee ah in qasab lagu raro dadka ku nool marinka Qasa, taas oo ay dowladaha dunida intooda badan, gaar ahaan kuwa Carabta iyo islaamkuba ka soo horjeesteen. Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada labada dal, wuxuuna danjiraha Talyaanigu sheegay in labada dal ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya, hadana uu meel wanaagsan marayo iskaashigoodu. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhankiisa bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal, wuxuuna dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay sii deynta lamaanihii kooxda Al-Shabaab ee kasoo muuqday Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo lagu kala magacaabo Abshir Aadan Maxamed iyo Xafsa Maxamed Macallin, waxayna shalay oo Sabti ahayd ay maxkamaddu dib ugu soo celisay xorriyooddooda. Arrinta xiisaha u yeeshay kiiskan ayaa ah, kadib markii wiilkan dhalinyarada ah oo ku sugnaa aagga Ceelbuur uu maxkamadda ka arkay xaaskiisa oo eedeysane ah, isaga oo kadib go’aansaday inuu kasoo baxo kooxdaAl-Shabaab, si uu badbaadiyo xaaskiisa, maadaama aanu lahayn wax dambi ah, loona haystay in isaga ay u socotay. Lamaanahan ayaa sidoo kale waxaa hada loo qorsheynayaa aroos wayn iyadoo ay taageeri doonto dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ku sugnaa maxkamadda. “Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay. Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato” ayuu yiri Abshir Aadan Maxamed. Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aankii lagu sii daayay lamaanihii Al-Shabaab? Cali Cabdiraxmaan “Dowladdu way ku deg-degtay ayaan is leeyahay wiilkaan sii dayntiisa, waxaa macquul ah gebadha xog badan haysay isla markaana wiilkaan Shaaab so direen”. Sacdiyo Cabdicasiis “Waa arrin aad u wanaagsan mudana in lagu faano dabcan dad badan oo meel ay u socdaan aqoon ay ku dhaliili doono arinkaan ogow cafisku waa muhiim. Axmed Saciid “Qiirada inta la’iska daayo dadkan meel nooga haaya wlhi haddii kale allaha u naxariisto shacabkee xasuuqeyn ayaa ku waalan doontaan”. Farxaan Faarax “Waa ayaan darro weyn in nin AL-Shabaab ah sidaan loo maamuso taageeridaan iyo garab istaagan waxaa u baahan askarta masaakiinta ah”. Luul Xaaji “Gabadha in la sii daayo wa caadi laakiin wiilka in sidaa fudud lo daayo ma aheyn?”. Cabdullaahi Mowliid “Maasha Allaha Jacaylku ha waaro way ku mahadsantahy dowladu inay cafiis u fidiso lamaanhan da’da yar”.
  12. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maant shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen labada Gole ee maamulka oo ku saabsan hawl-galka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad. Kulanka ayaa marka hore lagu boggaadiyey guulaha laga gaaray hawl-galka wejiga koowaad iyo bilowga wejiga labaad, waxaana laga tacsiyeeyay ciidanka Geesiyaasha ah ee ku shahiiday intu hawl-galka socday, iyadoo inta dhaawacantayna loo rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho deg-deg ah. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiyada ka shaqeenayey hawl-galka, iyadoo qorshuhu yahay in dhakhso lagu soo afjaro inta maleeshiyaadka Daacish ee weli ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shacabka reer Puntland u muujiyeen isku duubni iyo garab istaag ciidan, isagoo muujiyey in ay tahay wax loo baahan yahay in dadka reer Puntland dowladd iyo shacab qof walbo xil gaar ah iska saaro hal ganka lagu jiro. “Qofna yuu qof ku haleyn, wixii la xiriira sifeynta argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulanka waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Maxamed Baari Shire, Xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya Gen. Bashiir Ameerico, xubnaha goleyaasha dowladda ee ku sugan Boosaaso, guddiga taakuleynta hawl-galka, saraakiisha amniga, guddoomiyeyaasha gobollada Bari iyo Nugaal, guddoomiyaha degmada Boosaaso, la-taliyeyaal madaxweyne iyo xubno kale. Dagaalka Daacish oo maamulka Puntland uu jilba dhigtay horraantii sanadkan ayaa waxaa laga gaaray guullo wax ku ool ah, iyadoo oo kooxda laga burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, waxaana haatan loo gudbay wejiga labaad oo la rajeynayo in horumar wanaagsan laga sameeyo.
  13. Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay war dhowaan saxaafad qabsaday, kaas oo uu sheegay masuul ka tirsan golaha wasiirrada maamulkaasi. War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegey in hadalkii uu wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulkaasi dhowaan u sheegay wargeyska Telegraph uu ahaa mid aragtidiisa ku kooban ee ka turjumayn mowqifka maamulkaas. War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Puntland ay ixtiraamayso xuquuqda Falastiiniyiintu ay u leeyihiin inay si nabad iyo barwaaqo ah ugu noolaadaan dhullkooda. Wargeyska Telegraph ayaa dhowaan daabacay war ay ka soo xigteen wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Yacquub Maxamed Cabdalla, kaas oo sheegay in Puntland aanay waxba ka qaban soo dhowaynta dadka reer Falastiin, islamarkaana arrintaas ay taageero iyo maqaam sare dunida kaga helayso. Source: goobjoog.com
  14. Garoowe (Caasimada Onlie) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si faah-faahsan uga hadlay qorshaha Israel iyo Mareykanka ay ku doonayaan in shacabka reer Gaza loogu soo raro Puntland iyo Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya, si ay ula wareegaan Marinka Gaza. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa ay Puntland isaga fogeysay hadal kasoo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Yacquub Maxamed Cabdall oo shaaciyay in ay soo dhaweynayaan qaxootiga Falastiin, isaga laakiin shuruud ka dhigay haddii ay si iskood ah uga soo tageen magaalada Gaza. Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. “Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guur”. Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.” Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda. “Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
  15. Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku saabsan in muwaadiniinta reer Falastiin loo soo raro degaannada Puntland. Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir oo saaray warsaxaafadeed ku qoran luuqadda English-ka ayaa caddeeyay in dowladda Puntland ixtiraamayso xuquuqda reer Falastiin u leyihiin in ay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda. Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sidoo kale tilmaamay in faalladii wasiir ku xigeenkiisa Yacquub Cabdalle ku qoray wargeyskaThe Daily Telegraph aysan ka turjumayn mowqifka Rasmiga ah ee Puntland balse ay ahayd aragtidiisa shakhsiga ah. “Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayuu yiri wasiir Dirir. Warka ku saabsan in Puntland aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee ah in qaxootiga reer Falastiin la keeno degaannada Puntland ayaa saacadihii u danbeeyay ku faafay warbaahinta Israa’iil iyo tan reer galbeedka oo uu ku jiro wargeyskaThe Daily Telegraph. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo caddaysay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan in loo soo raro Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  16. Wararka ka imaanaya xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi lagu af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen. Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in dabley hubaysan oo ka soo jeeda degmada Eyl ay xeebaha degmadaasi ku qafaasheen doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen, taasi oo shati kalluumeysi ka haysata xukuumadda Puntland. Weli warbixin faahfaahin lagama hayo af-duubka doontaaasi oo ay wakiilo ka yihiin shakhsiyaad u dhashay degaannada Puntland, islamarkaana weli kama hadal laamaha Amniga Puntland, inkastoo saraakiil aan la hadalnay xaqiijiyeen dhacdada. Dhammaadkii bishii November ee sannadkii tegey ee 2024 ayay ahayd markii dabley hubaysan xeebaha Puntland ku af-duubteen markab kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Shiinaha, kaasi oo markii danbe lagu sii daayay lacag madax-furasho ah. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo doon kalluumeysi ku af-duubtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlga qorsheysan oo ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay maanta ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Wayaanta, halkaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey Kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka. Kahor weerarka lagu qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada ay madaafiic ku garaaceen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaada kooxda oo ay ku jireen godad waa wayn oo la burburiyay, waxaana kadib guud ahaan deegaanka la wareegay ciidamada huwanta. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Danab, howlgalka ayaa ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, isla markaana guuleystay, maadaama lagu jabiyay xubnaha Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dhulka la sameen godoadkii ay ku jireen Al-Shabaab, ayna kugu tageen maydad ay ka carareen, sida ay hadalka u dhigeen. Way awoodi waayeen in ay meydadkoodii iyo saanadoodii qaataan godadka ayaana loogu tagay kuwii ka geeriyooday Al-shabaab oo godadka dhex daadsan” ayuu yiri mid kamid saraakiisha howlgalka ka qayb-qaatay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha k sheegteen ciidamada Danab iyo Darawiishta Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Wayaanta ee gobolka Jubbada Hoose.
  18. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOWX6tJVcFAQWxPiPre0vOuEEGT6RUGP4VSWslCmjq7WYyklRBu_lIh4L0wqqpYrSWu6a4s_3sEq-VKKT73N7Ld.mp4 Qaran News
  19. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saacadihii la soo dhaafay qaatay tillaabooyin ka dhan ah dowladda koonfur Afrika, waxayna arrintani salka ku haysaa dacwado ay horay uga gudbisay maamulka Israa’iil. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu saxiixay amar lagu joojinayo kaalmada dhaqaale ee Koonfur Afrika la siiyo, sababo la xiriira siyaasaddeeda dhulka iyo dacwadda ay ka gudbisay Israa’iil. Maamulka Trump intaa ku daray in sidoo kale Washington ay sameyn doonto qorshe dib u dejin loogu sameynayo beeraleyda Koonfur Afrika iyo qoysaskooda qaxootiga ah, iyadoo loo marayo barnaamijyo lagu taageerayo caddaanka ee Koonfur Afrika oo intooda badan asal ahaan ka soo jeeda Holland iyo Faransiiska. Koonfur Afrika ayaa sanadkii la soo dhaafay hormuud u noqatay olole ka dhan ah gumaadkii arxan-darrad ahaa ee maamulka Israa’iil uu ka geystay marinka Qasa, ayadoo dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICC. Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) – Somali police forces have taken control of the Mothers' House compound, located opposite the Somali National Theater, in an operation reportedly intended to transfer the property to the Somali Ministry of Family Affairs. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saaka tegay guriga hooyooyinka, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay xoog ku galeen dhismaha guriga, iyaga oo gebi ahaan la wareegay maadaama uu maalmahaan ka taagnaa muran u dhexeeyay ururka haweenka iyo wasaaradda haweenka iyo xuquul insaanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada saaka ku jarmaaday guriga hooyooyinka ay xireen qaar kamid ah gabdhihii ku sugnaa guriga, kuwaas oo loogu tegay xafiisyadooda. Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo wareysi bixisay ayaa si adag uga hadashay falkan, waxayna sheegtay in ciidamo uu soo diray ra’iisul wasaaraha ay soo weerareen gurigooda, ayna xireen qaar kamid ah haweenka. Batuulo Axmed Gaballe ayaa si weyn u cambaareysay tallaabadan, waxayna sheegtay in xoog loo gala wareegay guriga, iyada oo la adeegsanayo ciidamada ammaanka. “Gabdhihii ayey garaaceen, kuwa badana waa xireen ciidamada Booliiska oo awood sheeganaya” ayuu tiri guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. Muranka gurigan ayaa soo jiitamaayay muddo dheer, wuxuuna soo bilowday xilligii uu wasaaradda joogay wasiir Bashiir Goobe oo hadda loo wareejiyay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada, iyada oo haatan lagu kala baxay doodii ka taageen guriga. Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa in dhowanahaan ka qaylo dhaaminayay arrinta saaka dhacday, waxayna ku doodayeen in guriga ay iyagu leeyihiin, looguna shaqeeyo dumarka.
  22. Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la kordhiyay maaddooyinkii ay ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga sare ku gali jireen imtixaanka shahaadiga ah, kuwaas oo horay u ahaa 11 maaddo. Wasaaradda ayaa sheegtay in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga la sare laga billaabo sanadkan lagu kordhiyay maadada ganacsiga oo horay dugsiyada loogu dhigan jirey, balse aan imtixaanka qaranka ku jirin. Wadarta guud ee maaddooyinka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ayaa hadda noqanaya 12 maaddo, oo kala ah Af-soomaaliga, Tarbiyada, Carabiga, Xisaabta, Ingiriiska, Taariikhda, Juuquraafiga, Kamistariga, Bay’oolajiga, Fisigiska, Tiknoolojiyadda, iyo ganacsiga. Maadada ayaa muhiim u ah dalka, markii la eego kobcinta ila dhaqaalaha, gaar ahaan ganacsiga oo lafdhabar u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed, balse ardayda horay uma xiisayn jirin, maadaama aysan qeyb ka ahayn imtixaanka shahaadiga ah. Source: goobjoog.com
  23. Pretoria (Caasimada Online) – Kooxo matalaya bulshada laga tirada badan yahay ee caddaanka Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka falceliyay qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo inuu qaxooti ahaan dib u dejin loogu sameeyo Maraykanka, iyagoo u sheegay: “waad mahadsan tahay, balse maya.” Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay amar uu Trump saxiixay Jimcihii, kaas oo joojiyay dhammaan gargaaradii iyo taageerada dhaqaale ee Maraykanku siiyo Koonfur Afrika, taas oo lagu sheegay ciqaab la xiriirta “xadgudubyo xuquuqeed” oo dowladda Koonfur Afrika ku hayso qaar ka mid ah muwaadiniinteeda cadaanka ah, sida uu sheegay maamulka Trump. Maamulka Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika inay ogolaatay weerarro rabshado wata oo lagubeegsaday beeraleyda Afrikaaner ee cadaanka ah, iyadoo sidoo kalena ansixisay sharci dhul oo u oggolaanaya inay “si qasab ah uga qaaddo dhulka beeraleyda laga tirada badan yahay ee Afrikaaner-ka ah iyadoon wax magdhow ah la siin.” Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay jiritaanka weerarro abaabulan oo lagu bartilmaameedsanayo beeraleyda cadaanka ah, waxayna sheegtay in sharaxaada uu Trump ka bixiyay sharciga cusub ee dhulka ay tahay mid qalad iyo marin habaabin ah. Afrikaaner-ku waxay ka soo farcameen gumeysatayaashii Dutch, Faransiis, iyo Jarmal oo Koonfur Afrika yimid in ka badan 300 sano ka hor. Waxay ku hadlaan Af-Afrikaans, oo ah luqad ka soo farcantay Dutch-ga oo Koonfur Afrika ku samaysantay, waxaana ay ka duwan yihiin cadaanka kale ee Koonfur Afrika oo asal ahaan ka yimid Britain iyo dalal kale. Cadaanka Koonfur Afrika waxay ka yihiin ku dhawaad 7% tirada guud ee dadka Koonfur Afrika oo gaaraya 62 milyan. “Annaga meelna ma aadeyno” Sabtidii, labo ka mid ah ururrada ugu waaweyn ee matala Afrikaaner-ka ayaa sheegay inay ka gaabsadeen dalabka Trump ee dib-u-dejin Maraykan ah. “Xubnaheena halkan ayay ka shaqeeyaan, waxayna doonayaan inay halkan ku sii nagaadaan,” ayuu yiri Dirk Hermann, agaasimaha guud ee ururka shaqaalaha Afrikaaner-ka ee Solidarity, kaasoo sheegay inuu matalo ku dhawaad 2 milyan oo qof. “Waxaan u heellanahay inaan ku dhisno mustaqbal halkan. Meelna ma aadeyno.” Kallie Kriel, agaasimaha guud ee kooxda lobbiga Afrikaaner-ka ee AfriForum, ayaa sheegay: “Waa inaan si cad u sheegnaa: ma doonayno inaan meelo kale u guurno.” Go’aanka Trump uu ku ciqaabay Koonfur Afrika, oo ah saaxiib ganacsi oo muhiim ah Maraykanka ku leeyahay Afrika, ayaa yimid kaddib markii isaga iyo la-taliyihiisa Koonfur Afrika ku dhashay ee Elon Musk ay ku eedeeyeen hoggaanka madow ee dalkaas inuu leeyahay mowqif cadaawad ah oo ka dhan ah cadaanka. Laakiin sawirka Afrikaaner-ka sida koox dulman oo u baahan in la badbaadiyo ayaa ah mid dad badan oo Koonfur Afrikaan ah la yaabi doono. “Waa wax lala yaabo in amarka fulinta uu dhigayo sharci u oggolaanaya qaxootinimo Maraykanka koox Koonfur Afrika ku dhex nool oo wali ka mid ah kuwa ugu hantida badan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika. Waxay sidoo kale dhaleecaysay siyaasadaha maamulka Trump, iyadoo sheegtay in diiradda la saaray Afrikaaner-ka “iyadoo dad jilicsan oo Maraykanka ku sugan oo ka yimid dalal kale laga masaafurinayo lagana diidayo magangalyo xitaa iyadoo ay wajahaan dhibaatooyin dhab ah.” Waxaa jiray “olole lagu faafinayo warar aan sax ahayn iyo borobogaando” oo lagu beegsanayo Koonfur Afrika, ayay wasaaraddu tiri. Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay: “Koonfur Afrika waa dimoqraadiyad dastuur ah. Waxaan qadarinaynaa dhammaan Koonfur Afrikaan-ka, madow iyo caddaanba. Sheegashada ah in Afrikaaner-ku wajahaan caburin aan sharci lahayn oo ay sidaas darteed uga qaxayaan dalkooda hooyo waa mid gebi ahaanba been ah.” Cadaanka Koonfur Afrika ayaa wali leh heer nololeed ka sarreeya kan dadka madow, in ka badan 30 sano kaddib dhammaadkii nidaamkii midabtakoorka ee apartheid-ka ee la soo afjaray 1994-kii. Inkastoo ay yihiin tiro yar, cadaanka ayaa leh qiyaastii 70% dhulka beeraleyda gaarka loo leeyahay ee Koonfur Afrika. Daraasad uu sameeyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Koonfur Afrika sanadkii 2021 ayaa muujisay in 1% cadaanka ah ay ku nool yihiin saboolnimo, halka 64% dadka madow ay sabool yihiin. Saxidda qaladaadkii gumaysiga Sithabile Ngidi, oo ah ganacsade suuqa magaalada Johannesburg, ayaa sheegtay inaysan arag cadaan lagu takoorayo Koonfur Afrika. “(Trump) waxaa la rabay inuu ka yimaado Maraykanka oo uu yimaado Koonfur Afrika si uu iskiis u arko waxa ka socda, halkii uu ku kalsoonaan lahaa hadalka Elon Musk, oo aan muddo dheer dalka ku noolayn, xitaa aan xiriir la lahayn Koonfur Afrikaan-ka,” ayay tiri Ngidi. Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Trump ee ka dhan ah Koonfur Afrika ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, iyadoo muujisay dareen ay qabaan qaar ka mid ah dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika oo sheegaya inay wajahaan takoor la xiriira aargoosi laga qaadanayo nidaamkii apartheid-ka. Hoggaamiyayaashii nidaamkii apartheid-ka waxay badankood ahaayeen Afrikaaner. Solidarity, AfriForum, iyo ururo kale ayaa si adag uga soo horjeeda sharciga cusub ee dhul-bixinta, iyagoo sheegay inuu bartilmaameedsanayo dhulka cadaanka oo muddo dheer horumarinayay. Waxay sidoo kale dhaliilaan sharciyada luuqadda ee cusub oo ay sheegeen inuu xadidayo afkooda Afrikaans ee dugsiyada, iyadoo ay inta badan cambaareeyaan siyaasadaha fursad-siin ee ganacsiga ee Koonfur Afrika oo dhiirrigeliya dadka madow, iyagoo ku tilmaamay kuwo midab-takoor cusub ah. “Dowladdan waxay oggolaatay in qaybo ka mid ah bulshada la beegsado,” ayuu yiri Kriel oo ka tirsan AfriForum, isagoo uga mahadceliyay Trump in uu arrinta Afrikaaner-ka ka hadlay. Laakiin Kriel ayaa sheegay in Afrikaaner-ku ay heellan yihiin inay sii joogaan Koonfur Afrika. Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sharciyada la dhaleeceeyay ay ujeeddadoodu tahay sidii loo saxi lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay gumaysiga iyo ku dhawaad nus qarni nidaam midab-takoor ah, markaasoo dadka madow laga qaaday dhulkoodii lagana xayuubiyay xuquuqdoodii badnayd.
  24. Mogadishu (HOL) – Somali government has intensified efforts to disrupt financial networks supporting terrorist groups, particularly al-Shabaab and ISIS, as part of its strategy to eliminate their influence in the country. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud participated in an extraordinary summit of the East African Community (EAC) and the Southern African Development Community (SADC) in Dar es Salaam, Tanzania, on Saturday. Source: Hiiraan Online