-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu is-casilay agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, kaas oo xilkan hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiya is-casilaadda agaasimaha, kaas oo warqadda ugu gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah, sida ay kasoo xiganay ilo ku dhow dhow Villa Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay Xuseen Sheeh Maxamuud ayaa isku casilay arimo la xiriira damaciisa siyaasadeed ee xilka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed. Ninkan ayaa loo badinayo inuu isu soo sharaxo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan la qaban doon, walow ay dood xoogan ka taagan yahay xilliga doorashada. Xuseen Macallin ayaa kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xubin firfircoon ka yahay xisbiga UPD ee madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu door weyn ka qaatay ololihii dib u doorasho ee Xasan Sheekh oo ku soo baxay doorashadii 15-kii May ee sanadkii hore, kadib markii uu ka adkaaday Farmaajo. Kadib Xuseen oo markaas shaq la’aan ah, maadaama uu waayay kursigiisii Senator ayaa waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo uu haatan iska casilay. Agaasimaha intuu xafiiska joogay wuxuu hormuud u ahaa howlo siyaasadeed oo muhiim u ahaa dawladda, gaar ahaan heshiisyadii taariikhiga ahaa ee Golaha Wadatashiga Qaran. Si kastaba, Ninkan ayaa haddii u ku dhowaaqo musharraxnimadiisa wuxuu kamid noqon doonaa ragga ugu cad cad ee musharixiinta Koonfur Galbeed, maadaama uu ku dhowyahay madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena uu taageero weyn ka heli karo Villa Soomaaliya. The post Agaasimihii madaxtooyada Somalia oo is-casilay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali government arrested ten people, including security members, on charges related to allegedly spying for al Shabab militants, a week after a suicide bomber killed 30 Somali soldiers in a fortified military academy in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Madaxtooyada, NISA iyo Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho. Arrintaan oo aad u xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay ayaa ilo kala duwan waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu bilaabay dadaalo uu uga hortagayo qorshaha xil ka qaadistiisa. Dad kala duwan oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka codsaday in lala heshiisiiyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo uu khilaaf kala dhaxeeyo bilooyinkii lasoo dhaafay, si uu uga qeyb qaato ka hortagga xil ka qaadistiisa. Guddoomiye Madaale ayaa isku dayay in Agaasimaha NISA ay ku kulmaan Muqdisho, balse waa uu ku guul dareestay dadaalkiisa, waxaana dhici karta in uu dhawaan u safro Dhuusamareeb si ay isugu arkaan Agaasimaha NISA. Mahad Salaad iyo Madaale ayaa kol hore isku fahmi waayay Barnaamijyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo ka jiray Muqdisho, waana sababta keentay in uu xumaado xariirka labada Mas’uul. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha NISA waxaa la sheegaa in ay ahaayeen ragii ka shaqeeyay in Madaale loo magacaabo duqa magaalada, balse labada mas’uul ayaa ku hunguubay magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Villa Somalia ayaa Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ku eedeysay in uu Madaxtooyada ka xigsan waayay cabashada beelaha daga Muqdisho iyo HirShabeelle iyo in shaqada gobalka ay aad u liidato. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorshenaya in uu isbadalo sameeyo marka uu kasoo laabto safarkiisa Dhuusamareeb. The post Xog: Madaale oo Mahad Salaad ka codsaday in uu ka difaaco xil ka qaadis ku wajahan appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xidhay Sabtida maanta ah kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah inuu galay la xidhiidha musuqmaasuq, isaga oo ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo saraakiisha Pakistan. “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xidhay,” ayuu yidhi Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta. Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xidheen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad. Source
-
Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan dhulka Lubnaan, ayna ka fogaadaan inay kusoo dhawaadaan meelaha ay ka dhaceen iska horimaadyada hubeysan, sida ay sheegtay safaaradda Sacuudi Carabiya ee Lubnaan. Boqortooyada Sacuudigu ma aysan cayimin meelaha ay Lubnaan kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan. Safaaradda ayaa carrabka ku adkeysay “muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xayiraadda socdaalka Sacuudiga ee Lubnaan,” sida lagu sheegay qoraalka safaaradda oo lagu daabacay boggeeda shabakadda X. Kuwait ayaa sidoo kale soo saartay la-talin subaxnimadii Sabtida, taas oo ay baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan inay feejignaadaan oo ay ka fogaadaan “meelaha ay ka jiraan khalkhal gelinta amniga” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait oo lagu daacabacay X. Kowdii bishan, UK ayaa sidoo kale cusboonaysiisay talo-bixinteeda safar ee Lubnaan, iyada oo ka digtay “dhammaan safarka lama huraanka ah” ee qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan ee u dhow xerada Falastiin ee Ain el-Hilweh. Source
-
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta ku dhowaaqday “xaalad deg deg ah” ayada oo ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada gobolka Amxaarada. “Waxay noqotay lama huraan in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah maadaama ay soo baxday xaalad ay adkaatay in dhaq-dhaqaaqan aan la aqbali karin lagu xakameeyo sharciga hadda jira,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo la soo dhigay baraha bulshada. Bayaanka laguma sheegin haddii xaaladda deg degga ah ay quseyso dalka oo dhan ama kaliya gobolka Amxaara, oo dhaca waqooyiga caasimadda Addis-Ababa. Iska hor-imaadyada ka socda gobolka Amxaara ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa kasii daray toddobaadyadii dhowaa, taasi oo keentay in dowlado shisheeye ay soo saaraan diginin socdaal, halka diyaaradda qaranka ee Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadii gobolka. Xiisadda ayaa sii kaceysay tan iyo bishi April markii ay dowladda federaalka ku dhowaaqday inay burburineyso ciidamo goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Amxaara, halkaasi oo dadka u dhashay ay u arkeen tallaabo wiiqeysa gobolka labaad ee ugu dadka badan Ethiopia. Khamiistii, mas’uuliyiinta gobolka Amxaara ayaa weydiistay dowladda federaalka inay ka caawiso xakameynta amniga ayada oo xaaladda ay noqotay “mid aad u adag in la maareeyo” ayna horseedeyso carqalad bulsho iyo mid dhaqaale. Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha “ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” islamarkaana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa “mid loo dhan yahay.” Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, illaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada. Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, haddana “ciidamada gaarka ah” ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacanta ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga Heshiiska nabadeed ayaa ka caraysiiyay waddaniyiinta Axmaarada, waxayna xiisaddu ka dartay bishii April markii Abiy uu ku dhawaaqay in la kala dirayo ciidamada gobolka. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamo goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha gobolka Amxaara. Gelinkii dambe ee Arbacadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay in “dhibaatooyinka amni ee lagu arkayo degaannada kala duwan ee gobolka Amxaarada ay noqonayaan kuwo walaac leh”. “Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah ‘Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa’,” ayuu Demeke ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka Somalia oo la filayay inuu hortago Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin ayaa ka daahay kulankii, ayada oo ay taas xildhibaanada Golaha Shacabka si adag uga hadleen maqnaashaha wasiirka oo mar dambe oo doodu adkaatay soo galay hoolka, balse laga saaray. Ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ay xildhibaanadu usoo diyaar garoobeen, balse halkii laga doodi lahaa, wasiirkana uu uga jawaabi lahaa xildhibaanada uu buuqday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in ajendahan laga gudbayo, isla-markana waxa laga yeelayo wasiirka laga rabo xildhibaanada. “Kolley wixii waxaas kalifay golaha ayaa is weydiin doona, taladeedana golaha ayay u taalaa iyo sida laga yeelayo wasiirka” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Intaasi kadib qaar kamid ah xildhibaanada ayaa qaatay hadalka, waxayna arrintan ku tilmaameen inay gef iyo jariimo ku tahay golaha. Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid ayaa soo jeediyay in baarlamaanku dib u eegis ku sameeyo wasiirka, codna loo qaado si xilka looga qaado, maadaama uu saameey xil gudasho la’aan. “Waxaa gef iyo jariimo ah xildhibaanadan mas’uuliyiinta ah ee shacabka metalaaya ajende loo soo diray akhrinta koowaad lasoo akhriyay loo soo diyaar garoobay, waqtig la geliyay in haddana waa baaqday wasiirkii ayaa la waayay, ayada oo Wasaaraddu leedahay wasiir wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Mudane guddoomiye haddii aan nahay Golaha Shacabka waajibaadkeena in si sax ah aynu u gudano, wasiiradiid dhaqankaas sameeyay waa in dib eegis lagu sameeyaa oo hadda cod loo qaadaa weliba” ayuu mar kale yiri xildhibhaanku. Dhankiisa xildhibaan Maxamed Cabdi Xajir Maareeye oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in tallaabo culus laga qaado wasiirka, maadaama uu fududeystay baarlamaanka. “Ma xasuusto wasiir sidaas oo kale u dhaqmay intaan ku jiray dowladda, nidaamka dowliga ah iyo kala dambeynta hadii ay ka dhunto qaranka wax dambe oo u haray ma jirto. Anigu waxaan qabaa haddii wasiirku inta la gaarsiiyay in halkan laga rabo , haddane uu golahan yareystay in tallaabada ugu haboon laga qaado” ayuu isna yiri Xildhibaan Maareeye. Dood dheer ka gadaal wasiirka oo soo daahay ayaa kulanka yimid, waxaana kadib hadalka qaatay gudoomiyaha oo amray inuu baxo, isagoo sheegay in arintiisu go’aan laga gaarayo. “Arrintaan xildhibaanadu waxa ay u qaateen ihaano iyo yareysi sidaas daraadeed wasiir waxaan ku dhihi lahaa maanta waa fasaxan tahay golaah ayaa arrintaas go’aan ka gaaraya” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya. The post Daawo: Xildhibaano dalbaday in xilka laga qaado Wasiirka Cadaaladda appeared first on Caasimada Online.
-
Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib eedeymo musuq-maasuq oo uu beeniyay. Maxkamad ku taal Islamabad ayaa ku heshay danbi ah inuusan cadeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyadaha dowladda. Xaakimka ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro, waxaana qareenkiisa Intazar Hussain uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ra’iisul wasaarihii hore laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore. Dhanka kale Kooxda Mr Khan ayaa sheegtay in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka. Ninkan ayaa waxaa horay xukunka looga qaaday codka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, waxaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenaayay doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto. Khan oo 70 jir ah ayaa sidoo kale hoggaamiyey dibad-baxayaal kumanaan ah oo socod kasoo billowday Lahore oo ku wajahnaa magaalada caasimada ah ee Islamabad. The post Imran Khan oo xukun lagu riday kadib markii lagu helay… appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhad cusub oo lagaga dhawaaqay gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa xukuumada dagaal ugu hanjabtay. Kooxdan oo dhallinyaro u badan oo hubaysan, ayaa ku dhawaaqday in ay yihiin jabhad la mataano ah jabhada kale ee dhawaan gashay buurta Gacan-libaax, waxayna fariin u direen madaxweynaha. “Anagu waxaanu nahay West Burco Clan bari, Muusena wax ala waxan u arkaa ma jiro, baryina maayo maanta, taad keentay yay kula xumaan diyaar ayaanunahay, jabhada joogta Gacan-libaax arrin iyo adduunba waanu idinla garabtaaganahay” Mid kamid ah jabhada ayaa sidaa yidhi. Waxay sheegeen in ay hubka u qaateen sidii ay Somaliland uga badbaadin lahaayeen kalidiitalisnimo, ay sheegeen in uu ku dhaqmayo Madaxweynaha Somalilnd Muuse Biixi Cabdi. Jabhadan ayaa imanaysa maalmo kadib markii dhallinyaro reer Saaxil ahi ay sheegeen in ay jabhadyihiin, isla markaana ay agagaarka buurta Gacanlibaax dagaal kula galeen ciidamada Somaliland. Odayaasha dhaqanka Somaliland iyo baarlaamaanka oo Hargaysa shirar ku yeeshay ayaa sheegay in ay ka hawlgali doonaan hubka dhigista dhallinyarada hubka qaadatay. Inkasta oo uu xisbiga Waddani ku baaqay nabad iyo in jabhadaynta la joojiyo, hadana kooxahan hubaysan ayaa ah taageerayaasha xisbiga oo kasoo hor jeeda furista ururada siyaasada, kuna baaqaya doorasho madaxweyne. Source
-
Mid ka mid ah hablaha saameynta ku dhex leh baraha bulshada iyo hooyadeed ayaa lagu helay dambi ah inay dileen labo nin oo dhintay markii gaarigii ay wateen wadada lagala baxay. Saqib Hussain iyo Hashim Ijazuddin, oo labadooduba 21 jir ahaa, ayaa ku geeriyooday meel u dhow Leicester bishii Febraayo 2022. Waxay dhacday kadib markii Mr Hussain uu ku hanjabay inuu shaaca ka qaadi doono arrin ka dhaxaysay isaga iyo Ansreen Bukhaari xilli ay wada socdeen, sida ay maqleen xeerbeegtida. Mrs Bukhaari, oo 46 jir ah, iyo gabadheeda saamaynta ku leh ee Mahek Bukhaari ayaa la xukumay kadib 28 saacadood oo wada tashi ah. Gabdaha caanka ah oo 24 jir ah, iyo hooyadeed ayaa ilmaynaya markii la akhriyay xukunnada xeerbeegtida. Intii ay socotay dacwadda, xeerbeegtida Leicester Crown Court ayaa la dhageystay in Mr Hussain uu ku hanjabay inuu isticmaali doono muuqaallo galmo ah si uu u soo bandhigo. Mahek Bukhaari oo heyataa ku dhawaad 129,000 taageero TikTok ah ayaa halkaasi kusoo bandhigta waxyaabaha la xiriira is qurxinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan billowday howlgal lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex jira hay’adaha dowladda. Arrintan ayaa timid, kadib markii maalmihii dambe uu kordhay shakiga ka dhex jira hay’adaha amniga, ayadoo shalay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys uu shaaciyay in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 10 qof oo basaasiin u ahaa Shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadkaan ay SOO qabatay hey’adda NISA, waxaana baxsaday laba nin oo ka tirsanaa hey’adaha amniga, kuwaas oo hadda la ogaaday inay la shaqey jireen Al-Shabaab. Haddaba Muxuu ka dhigan yahay beegsiga xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex jira dowladda? Ismaaciil Cismaan oo ka faallooda ammaanka, horayna u soo noqdey taliye ku xigeenkii hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay arrintan, gaar ahaan labada nin ee baxsaday ee ka tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA). Mid kamid ah raggan waxa uu tilmaamay inuu ahaa taliyaha hoggaanka ee howlgallada NISA, xilkaasna loo magacaabay sanad kadib markii uu kusoo biiray hay’adda. “Waa arrin aan aad iyo aad ula yaabay run ahaantii labada nin ee la sheegay inay la shaqeynayeen, basaasna ay u ahaayeen Khawaarijta Al-Shabaab mid kamid ah oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugidda Cabdisataar waxaa la’ii sheegay inuu kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kasoo galay sanadkii 2021-kii, hay’addana uu kusoo biiray sanadkii 2022-kii, hadda marka la waayay oo uu baxay la’ii sheegay inuu ahaa taliyaha hoggaanka ee howlgallada NISA,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya. Wuxuu kusii daray “Marka sideedaba waxaa jirta maah-maah ay isticmaalaan dadka sirdoonka dhexdiisa oo ah Shabaab waa la galaa ee lagama baxo”. Ismaaciil Cismaan ayaa sheegay in arrintan ay ka dhigan tahay inay jiraan rag laba shaare ah oo ka dhex shaqeeya dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in taasi ay keentay weeraradii uu dambeeyay ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. “Koley waxbaa dhacay wixii dhacay ayaana keenay inay jiraan rag labada dhinac ka shaqeeya, inkastoo tuhunkaas inta badan uu shacabka ka dhex jiray” ayuu yiri. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo gluf ka dhan ah Al-Shabaab oo deegaano badan looga saaray, kaas oo haatan galaya wajigiisa labaad. The post Muxuu ka dhigan yahay beegsiga xubnaha Shabaab ee ku dhex jira DF? appeared first on Caasimada Online.
-
Godey (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Jubbaland iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida oo kulan yeeshay ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan labada maamul. Kulankan ayaa waxa uu si gaar ah u dhex-maray madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo booqasho ku tegay magaalada Godey iyo madaxweynaha is-maamulka Soomaalida Mudane Mustafe Muaxamed Cagjar. Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb-galay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalaynta Maxamed Ibrahim Ogle, Wasiirka Amniga Yuusuf Xuseen Cismaan, Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Ahmed Baraki iyo qaar kamida masuuliyiinta Gobolka Gedo. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay amniga xuduudaha, wadaagga khibadraha hay’adaha dowliga ah, sida lagu shaaciy qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland. “Kulanka ayaa lagaga hadlay amniga xuduudaha, iskaashiga dhinacyada hormarka, isku socodka bulshada iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha dowliga ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la’iska kaashado dagaalka Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geysato labada maamulba. Sayid Aadan oo madasha ka hadlay wuxuu sheegay in Jubbaland ay xoogga saareyso sidii deegaannada ka maqan gacanteeda dib usoo ceshan lahayd gaar ahaan Jubbooyinka. Waxa kale oo uu madaxweyne Cagjar u sheegay in uu socdo dhaq-dhaqaaq culus oo ku aadan dardargelinta wajiga labaad ee la dagaalanka Al-Shabaab oo haatan bilaabanaya Wada-hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay Jubbaland dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobolka Gedo oo ugu dambeyn si buuxda ugu soo gacan galay. The post Jubbaland iyo DDS oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jahuuriyadda Feederalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda ah. Ciidamo kale duwan oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada qaranka, nabad sugidda iyo daraawiishta Galmudug ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada, waxaana halkaas ka socota qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa oo gaaraya saacadaha soo aadan Dhuusamreeb. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey u gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxweynaha, waxaana ka qeyb ahaa taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaas oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Galmudug iyo mas’uuliyiin kale. Safarka madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay inuu hoggaamin doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo deegaanno dhacaya bariga gobolka Galgaduud, waxaana uu madaxtooyo ka dhigan doona magaalada inta uu socdo howlgalka xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa waxaa uu safar ku gaari doonaa magaalada Xarardheere oo dhowaan laga saaray Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka sida ay sheegayaan wararka laga helayo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad ee Bariga gobolka, waxa ay soo saareen amarRo ku socda shacabka ku sugan deegaannada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka. Kulankaan oo uu shir gudoominayay taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada Kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kasoo baxay. 1-in aysan la macaamilin Al-shabaab shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada iyo howlgallada lagu bartilmaameed sanayo. 2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha ay joogaan si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada 4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Al-shbaab iyadoo la qarinayo xogtooda. 5-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo ha u diyaar garoobaan in ay u qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Shirkaan ayaa imaanayo xilli gobolka Galgaduud ay ka socdaan qabanqaabadii ugu dambeysay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana gobolka gaaray ciidankii ugu badnaa oo ka kooban guutooyin kale duwan, kuwaas oo kale tirsan xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha amniga ay qabteen xubno ku dhex-jira dowladda, oo u basaasayey kooxaha Argagixisada ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dadkan oo ay qabatay hay’adda NISA ay gaarayaan 10 xubnood. Waxa uu sidoo kale sheegay inay baxsadeen laba qof oo kale oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, kuwaas oo si hoose ula shaqeynayey kooxda AS. Wasiirka ayaa magacyada labada qof, ee baxsaday ku sheegay Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali balse ma shaacin magacyada xubnaha gacanta lagu hayo. Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ka dambeysay markii la ogaaday inay jiraan dad ku dhex jira dowladda oo xogta u gudbiya maleeshiyaadka AS. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo qabtay basaasiin AS ugu dhex jiray dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Kenya on Friday warned that the country was likely to be affected by El Nino rains during the October-December season and the early months of 2024, with most areas expecting to receive heavy rainfall that could lead to flooding. Source: Hiiraan Online
-
Dispossessed pastoralist Abdisalam Omar Abdi is happy to have become self-sufficient after harvesting 27 sacks of various crops including beans, maize and tomatoes from his new three-hectare farm in Afmadow, Lower Juba. Source: Hiiraan Online
-
Somali security forces backed by international partners have killed more than 160 al-Shabab militants in four-day operations carried out across the country, a government official said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU: Somalia’s president Hassan Sheikh Mahmoud has pledged his support for Saudi’s Expo 2030 bid, state news agency SPA reported on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 xubnood oo lagu eedeeyay in basaasiin ay u ahaayeen Al-shabaab , Xubnahaan ayaa hey’addu sheegtay in ay ku dhex jireen laamaha kale duwan ee amniga ka shaqeeya, waxaana muddo ay hey’addu ku heysay baaritaanno kale duwan, sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay wasiirka Warfaafinta xukuumadda federalka Soomaaliya. Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galiyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in la bilaabay gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee Al-shabaab ka dhanka ah oo looga saarayo goobah ay ku harsan yihiin,lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka. Dhanka kale waxaa u intaas ku daray in dhawaan u la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo dalka deegannada ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, waxaana uu carabka ku adkeeyay in howlgalka Bariga Galgaduud uu dhameystir u yahay wajigii koowaad. Halkaaan hoose ka daawo shirka Jaraa’id ee u qabtay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo uga warbixiyay arrimo badan oo la xariira amniga dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii Khamiista, waxaa golaha wasiirada ee Soomaaliya ansixiyeen xubnaha maamulka sare ee hay’adda istaraatiijiyadda Soomaaliya. Hadaba arrintaan ayaa hadal hayn abuurtay kaddib markii la ogaaday in xubin kamid ah guddigaan ay ka mid tahay qoyska guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Xabiibo Sheekh Aadan oo ah xubinta la hadal hayo ayaa ah gabar uu dhalay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska xukuumadda Soomaaliya. Dad badan oo arrintaan uga falceliyay baraha bulshada ayaa ku tilmaamay eex, inkasta oo horay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay, in caruurta ay dhaleen madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya ay xaq u leeyihiin kamid noqoshada shaqaalaha dawladda. Guddoomiyaha baarlamaanka oo ana iksu daynay inaan la xariirno si aan wax uga waydiinno fikirkiisa ku aadan hadal haynta ka dhalatay gabadhiisa ayaysan noo suura galin inaan la hadalno. Masuuliyiinta kale oo qaraabadoodu u shaqeeyaan dawladda Hadal uu sheegay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji kaas oo tibaaxay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo ayaa dhawaan qabsaday baraha bulshada. Wasiirka oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hor sheegay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo. Wasiir Jibriil oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu yiri: “Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda kuu sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid. Balse maalmo kadib hadalkaan ayuu wasiirku raali galin bixiyay. Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin xubno ay qaraabo yihiin oo uu horay shaqo u siiyay. Dhanka kale waxaa hadal hayn baraha bulshada ka dhaliyay gabar uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh taas oo ku magacaaban xilka la taliyaha madaxweynaha qaranka. Gabadhaan ayaa lagu magacabaa Jihaan Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo safarro kala duwan oo uu kamid yahay shirkii Ururuka Jaamacadda Carabta u raacday madaxweynaha. Dhanka kale Jihaan ayaa ka soo muuqatay shaashadaha iyada oo sawiro kala duwan ku wehlisa aabaheed marar kala duwan oo madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo lalahaa masuuliyiin kale oo caalami ah. Waxaa kamid ahaa shir uu New York u tagay madaxweynuhu bilowgii sanadkaan. Soomaali ayaa walwal ka muujisay in dadka aan madaxda dawladda qaraabada la ahayn ay ka niyad jabaan raadinta shaqooyinka dawladda, maadaama ay u arkaan in fursado badan ay helayaan qaraabada masuuliyiinta hay’adaha dawladda. The post Hadal hayn culus oo ka dhalatay xil loo magacaabay gabadha Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
