Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya 15-kii bishaan ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Cali Heele. Sida lagu sheegay qoraalka taliska, goobta duqeynta laga fuliyay ayaa qiyaastii 244KM Waqooyi-bari kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Duqeyntan ayaa lagu taageerayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika. Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan, oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqayntan ayaa waxaa horey u baahiyay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna qeyb ka yahay dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu bilaaban doono wejigiisa labaad oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ay ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore. Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka. The post Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Ganacsiga Maxamuud Xasan (Saajin), ayaa noqonaya murrashaxa Madaxweyne iyo kuxigeenka Xisbiga KULMIYE, Ka dib markii ay Shaheen lacagtii laga doonayey murrashaxiintan oo ahayd shuruudaha lagu xidhay. Murrashaxnimada madaxweynaha iyo kuxigeenka KULMIYE, si lama filaan ah dhawan loo shaaciyey in ay qayb ka noqonayso shirka Gole dhexe ee KULMIYE, oo markii hore qorshaha loo dejiyey ahaa in Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad lagu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga, ayaa waxa la soo daba baxay qorshahan Murrashaxnimada Madaxweynaha, oo dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen hoos ka sii siyaasaddeed oo aanu ku talo gelin Mr. Kaahin, oo muddo dheer naawilayey Guddoomiyenimda Kulmiye iyo in la Saaxiibkiisa siyaasaddeed ee Biixi uu u raacin doono Murrashaxnimada KULMIYE, balse arrintan ayaa waxa soo afmeerayaa shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ee 20-ka bisha ka qabsoomaya Burco. Maxamed Kaahin, ayaa murrashaxnimada Madaxweynuhu ee markiisi labaad oo distuurka iyo xeerka Kulmiye u ogol yahay, ay ku keentay culays siyaasaddeed oo lama filaam ah, taas oo musqabalkiisa siyaasaddeed ku yeelan kara saameyn weyn, madaama oo fursad uu u arkayey in Guddoomiyenimada KULMIYE ee uu la wareegayey uu wakhti kooban guddahooda uu ku heli karo murrashaxnimada Kulmiye. Go’aammada ka soo bixi doona Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ayaa noqon doona mid saameyn ku yeesha masraxa siyaasadda Somaliland. Source
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalim Fiqi oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa shaaciyay in kooxda ay qorshe halis ah ka waday deegaano ka tirsan maamulka Galmudug. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxda ay muddo iska hor keenaysa qabaa’ilka Soomaaliyeed iyada oo adeegsaneysa odayaal dhaqameed iyo maleeshiyaad u daacad ah. Waxa uu sheegay in dilal ka dhacay deegaanada Galmudug qaarkood oo kooxda ay fulisay loo saariyay beelo kale, taasi oo dhalisay iska hor imaad jufooyinka dhexdooda ah, ayna tahay in lagu baraarugo qorshayaasha halista ah ee Al-Shabaab ay ku rabaan cimri-dherersiga. “Nimankaas gobolkaan Mudug xog rasmi ah ayaa jirta odayaal shirka jaraa’id u dhiibaan oo qabta iyo gacmo maleeshiyaad ah oo u fuliya dilalka. Marka dilka fuliyaan inta uu oday halkaan soo istaago uu leeyahay reer hebel ayaa na dilay oo islamarkiiba weecinaya arrintii,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Sidoo kale waxa uu si gaar ah u xusay in dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug ay horseed u aheyd kooxda iyo xubnaha la shaqeeya, “Dad badan oo dagaalo waaweyn uga dhaceen gobolkaan iyo degmada aan hadda joogno ayaa nimanka ayaan dhaweyd la qabtay ay sheegeen inay iyagu dileen.” “Laakiin loo haystay oo haddii dib loo fiiriyo Media-ha la arkayo odayaal waaweyn oo inta shirar jaraa’id qabtay yiri reer hebel deegaankaas ama deegaankaas ayaa nagala dilay, wixii nagu dhex jiray kuwaasi qeyb kamid ah weeyi.” Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheega inay marar qaar xoqato kaar qabiil, si ay danaheeda uga fushato, inkasta oo hadda baddi qabiilada ku baraarugeen dhagarta kooxda, uuna guluf culus oo ka dhan ah ka socda dalka, haddana waxay kooxda isku dayeysa inay la timaado taatikooyin cusub. Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka. The post Daawo: FIQI oo shaaciyay qorshe halis ah oo Al-Shabaab ay iskaga hor keentay… appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa magacaabay guddi cusub oo gaar ah. Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa loo xil-saaray dhameystirka baarista iyo weliba inay warbixin dhab ah ka soo diyaariyaan xaaladda ka jirta xabsiyada iyo maxaabiista ku xiran. “Tallo soo jeedinta Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ku taliyey in arrintaan loo saaro guddi gaar ah oo soo dhameystira baarista, islamarkaana warbixin kasoo diyaariya xaaladda ka jirta xabsiyada iyo maxaabiista ku xiran,” ayaa lagu yiri waraqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe ee lagu magacaabay guddigaan. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), halka guddoomiye ku-xigeen uu yahay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif. Guddiga ayaa sidoo kale la kulmi doona hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrimaha maxaabiista sids Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo dhamaan bahda cadaaladda si loo helo warbixin dhameystiran oo ku aadan arrinkaan. “Guddiga waa inuu warbixin dhab ah kasoo diyaariyo xaaladda nololeed ee ka jirta xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho. Gufdiga waa inuu warbixintiisa u soo gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka si go’aan loogu gaaro.” Sidoo kale waxaa la faray hay’adaha dowladda ay quseyso arrintaan in ay la shaqeeyaan guddigaan isku dhafka ah, si ay warbixin dhab ah oo dhameystiran ugu keenaan shaqada loo igmaday ee xaaladda nololeed ee maxaabista xabsiyada caasimada. “Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka waxaa la farayaa in uu ku wargeliyo xubnaha Guddiga in ay si deg deg ah ku howl-galaan, kullamadooduna abaabulo una fududeeyo wixii xil-gudashadooda ku aadan.” Arrintan ayaa imaneysa xilli xabsiyada Muqdisho laga soo warinayo cadaalad darro xooggan iyo tacadiyo ka dhan ah maxaabiista, taasi oo dhawaan dhalisay xiisad xooggan. Maxaabiista qaar ayaa lasoo wariyay inay iska xiran yihiin 10 sanno, ayaga oo dhameystay mudaddii xukunkooda, midaasi oo si weyn loogu dhaliilay bahda garsoorka ee dalka, uuna dhawaan ka gil-gishay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka xukuumadda Soomaaliya. Hoos ka aqriso magacayada guddiga; The post Aadan Madoobe oo guddi u saaray arrin xiisad xooggan abuurtay appeared first on Caasimada Online.
  5. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayuu ku faray Hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan halganka socda ee dalka looga soo horjeedo Al-shabaab. Golaha ayaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey go’aanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka socda. “Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro dagaal la rabo qof walba in uu qaato doorka kaga aadden, si la isaga dulqaado culeyska Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay xilli uu hadlayay. Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga kiiska qalabkii milatari ee lagu qabtay dekedda iyo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa waxaa markii ugu horreysay la horkeenay eedeysanayaal loo haysto agab milatari oo lagu qabtay dekeda Muqdisho, kuwaasi oo loo waday kooxda Al-Shabaab, sida ay hore u shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Ganacsatada loo haysto qalabkaan inay kasoo dejiyeen dekedda Muqdisho iyo darawaliinta gaadiid xamuul ah oo loo sii diyaariyay daabulistooda ayaa kasoo hor muuqday fadhigii maanta ee maxkamadda. Saddexda nin ee ganacsatada ayaa ku dooday in aysan ka warqabin in alaabtan loo waday Al-Shabaab, inkasta oo cadeymaha ay sidaas muujinayaan. Qalabkaan ayaa la rabay in la gaarsiiyo deegaanada kooxda Al-Shabaab ka taliso ee xilligaan ku sugan tahay. Sidoo kale waxay sheegeen in qalabkaan milatari ee halista ku ah amniga aysan wax lug ah ku lahayn, islamarkaana loogu soo dhex qariyay Konteenarka lagu soo qaaday badeecaddooda ee ku qornaayeen. Qalabkaan ayaa ah mid casri ah oo lagu fulin karo howl-gallo qorsheysan xilliyada habeenkii la sameeyo, sida uu fadhiga maxkamadda ka hor sheegay dembi baare ka tirsan hay’adda NISA. Dembi baarahan ayaa sheegay haddii qalabkaan uu gacanta u gali lahaa kooxda Al-Shabaab in ay ka dhalan lahayd halis amni oo aad u wayn, xilli uu dalkana ka socdo dagaal kooxda Al-Shabaab ka dha ah. Xeer-ilaaliye ku-xigeenka maxkamadda ciidamada oo sidoo kale isagna ka hadlay fadhigii maanta ayaa maxkamada ka codsaday inay ciqaab adag ku riddo eedaysanayaasha loo haysto arrintaan. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhigii maanta ee dhageysiga dacwadaan ayaa sheegay in ay maxkamadda sii wadeyso dhageysiga kiiskaan inta laga gaarayo gun-gaarkiisa, ayna markaas xukun kasoo saari doonto. Marka laga imaado fadhiga maxkamadda, sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka Al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya. Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya. Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka. Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya. Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka Al-Shabaab. The post Daawo: Kiiska qalabkii milatari ee lagu qabtay dekedda oo ka billowday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalo iyo duqeymo ayaa laga soo wariyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas waxaa ku dhintay oo la sheegay inay dishay duqeyntii ciidanka Somaliland u geysteen magaalada Laascaanood Allaha unaxariiste Abwaan Jaamac Kadiye oo kamid ah sugaanleyda Soomaalida gaar ahaan bahda gabayada. Geerida Abwaannka ayaa dib u feyday in xaaladda magaalada Laascaanood ay tahay mid weli cakiran. Maamulka Somaliland waxaa dhawaan dhanka buurta Gacan-Libaax uga furantay xiisad kale, halkaas oo ay galeen kooxo hubeysan oo jabhad ku dhawaaqay, waxayna laayeen ciidan Booliska Somaliland ka tirsan waxay leexsadeen gaadiid waxayna ku kaceen afduub. Muuse Biixi Cabdi iyo maamulkiisa illaa hadda tallaabo weyn uma qaadi dhanka buurta Gacan-Libaax oo gudaha maamulka ku jirta. Waxaa la sheegay in loo diray odayaal dhaqan iyo dad xal nabadeed ka raadiya kooxda, xitaa ciidan lama dul dhigin weli. Dhawaan Muuse Biixi oo meel munaasabad ah ka hadlaayay wuxuu muujiyay walaaca la xiriira in xiisadaasi ay dib u dhigto damaca Somaliland ee soo saarista shidaalka, oo uu sheegay inay qorsheynayaan in horumar laga gaaro bisha December ee sanadkaan. Taas bedelkeeda Laascaanood waxay maamulka Somaliland ku wadaan duulaan hubeysan iyo duqeymo. In Muuse Biixi uu Gacan-Libaax waan-waan la doono, Laascaanood duqeyn waxay dadka bareysa Muuse Biixi mar labaad. Marka la isbarbar-dhigo labadaan ficil Biixi wuxuu wajahayaa eedeyn qabyaaladeed, quus iyo siyaasad xumo. Sheekadan waxaa ka eegayna laba dhinac, kuwaasi oo kala ah; 1. Eedeyn qabyaaladeed Hoggaamiye Biixi waxaa lagu eedeynayaa inuu ku kacaayo ficil qabyaaladeysan oo uu si weyn uga leexday dhabihii hoggaaminta, maadaama uu Gacan-Libaax nabad la doonayo, Laascaanood-na uu rabo inuu milatari ahaan u xaliyo. Labada dhinacba ciidan hubeysan ayaa maamulka ka horyimid laakiin sida muuqata isku xeer laguma dhaqin. Macno aan xisaab qabiil aheyn dadka ma siinayaan kala duwanaashahan. Haddii dadka qaar dhihi lahaayeen tii hore ee Laascaanood ayuu wax ka bartay Muuse oo ma rabo inuu dagaal kale doorto, waxaa ka hor imaaneysa su’aasha ah muxuu weli Muuse u dooranayaan inuu Laascaanood dagaal ku xaliyo?. 2. Tabar-darro Somaliland muddo ka badan toddoba billood ayay Laascaanood ka joogta banaanka. Awoodeeda ciidan iyo mideedda siyaasadeed labaduba waa u saamixi waayeen inay ku laabato gudaha Laascaanood. Khubarada amniga waxay sheegayaan in haddii Gacan-Libaax dagaal lala aado oo haddana laga keeni waayo wax libin ah, inuu maamulka halis ugu jiro inuu ciidan ahaan u fashilmo, taas oo meesha ka saareysa awooddii uu Muuse lahaa waa dhisnay. Waxaa kadibna sahlanaan doonta in ciidan ahaan si deg deg ah loogu soo dhiirado maamulka, sidaas darteed dadka qaar eedeynta qabyaaladeed ee Muuse Biixi ku wajahan waxay ku kabayaan quus dhinaca ciidanka ah. The post Waxa ka socda Laascaanood iyo Gacan-Libaax oo markale ku baraya Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’yul-caamka Burco oo Walaac ka Muujiyay Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Burco(Qaran news)- Ra’yul caamka bulshada Burco ayaa sheegay in socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ku imanayo magaaladaasi aanay wax macno ah u lahayn gobolka Togdheer iyo Somaliland. Qaar ka mid ah bulshada oo warbaahinta uga warramay dareenkooda ayaa sheegay in aanu safarka madaxweynuhu waxba soo kordhinayn xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo jabhado ka sameysmeen isla markaana ay magaalada Laascaanood faraha ka baxday. Waxa dadweynaha Burco ay ku doodeen in madaxweynaha looga baahan yahay inuu la yimaado caqli iyo qorshe xal ku dhisan oo lagu badbaadin karo mustaqbalka Somaliland oo ay tilmaameen inuu jar ka sii dhacayo. Sidoo kale waxa ay dadweynuhu tilmaameen in shirweynaha KULMIYE wax saamayn ah lahayn maadaama oo xisbigu lahayn burji iyo boqor hoggaamiya. Reer Burco waxay madaxweynaha uga digeen haddii aanu wax ka beddelin siyaasadiisa oo aanu ku soo noqon sharciyada in dalku kala tagi doono oo gobolba gaarkiisa u tashan doono. Qaran News
  9. Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dilka magaalada Laascaanood loogu geystay Abwaan Jaamac Kadiye, kaasi oo lagu eedeeyay ciidamada Somaliland. Somaliland ayaa iska fogeysay dilka Kadiye iyo inay wax lug ah ku leedahay, iyada oo sheegtay in ay geysteen kooxo argagixiso ah oo fadhigoodu yahay halkaasi, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in uusan jirin iska hor imaad hubeysan oo dhexmaray Somaliland iyo dhinacyada kale ee isku hayaan Laascaanood. Wasaaradda waxay ka murugaysan tahay in ay ku dhawaaqdo dilkii naxdinta lahaa ee abwaankii caanka ahaa ee Jaamac Kadiye, oo ahaa shakhsi laga jecel yahay hidaha iyo dhaqanka waddanka. Waa arrin murugo leh in aanu ku dhawaaqno in uu ku baxay gacmaha argagixiso caan ah shalay.” Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Waxaan si adag uga soo horjeednaa isku daygaas lagu doonayo in lagu qalloociyo runta, waxaana ballan-qaadeyna in baaritaan dhab ah lagu sameeyo si sharciga loo horkeeno dembiilayaasha geystay falkaas foosha xun.” Beesha caalamka ayay uu baaqday in ay cambaareyso dilka ay kooxda argagixisada caanka ku ah ee Al-Shabaab, haddana fadhigoodu yahay Laascaanood ay ku laynayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sida lagu yiri qoraalka. “Waxaan ku adkeysaneynaa go’aankeenna ah inaan la dagaalanno argagixisada oo aan ilaalino dadkeenna,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland, oo lagu sheegay in maamulkooda u taagan yahay nabadda iyo xasiloonida mandaqada. Dilka Abwaan Kadiye ayaa waxaa Somaliland ku eedeysay SSC-Khaatumo, oo sheegtay inay ka dambeeyaan ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood oo madaafiic soo riday, hase yeeshe waxaa taasi beenisay Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in dilkaas loola jeeday in magaca looga xumeeyo maamulkeeda, islamarkaana la abuuro dhaqan cabsi-galin ah, xilli Laascaanood ay ka taagan tahay colaad sii daba-dheeraaneysa oo u dhaxeysa Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka hadlay kulankii Golaha Wasiiradda ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab lagula jiro ay Soomaaliya uga dhigan tahay taariikh cusub oo qormeysa. Ciidamada qeybahooda kala duwan ayuu ku bogaadiyay kaalintooda ku aadan dagaalka iyo howl-gallada kala duwan ee ka wadaan dalka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo guud ahaan dalka. “Waxaa bogaadinayaa ciidamada amniga ee meel walba oo dalkeena kamid ah ka wada Jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta. Waxay sameynayaan taariikh cusub oo qalin dahab lagu qorayo.” Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya ayaa marlabaad dib u xoreynayaan ciidamada oo gumeysi ku hayaan Khawaarij aan waxba reebayn oo karaamada dadka iyo dalkaan baabi’iyay.” Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabada madaxweyne Xasan Sheekh qaaday, isaga oo ku amaanay inuu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo ciidamada qalabka sida loogu dhiirri-geliyo halganka ay ku jiraan. “Waa oday runtii Soomaaliyeed oo Soomaaliya aan ka laheyn wax dan ah oo ka aheyn inuu arko dalkiisa oo xor ka ah gumeysiga Khawaarijta iyo inuu arko dalkiisa oo xor ka ah shan bilyan oo deyn ah, oo in fara badan oo kamid ah ay tahay ribo kor-saar ah oo dalkaan iyo jiilashiisa dambe culeys ku ah.” Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweynaha wuxuu u jiheystay dhinaca midnimada iyo israaca, inuu arko dalkiisa oo yeeshay dastuur daa’im ah oo degan iyo deganaansho siyaasadeed iyo inuu arko dadkiisa iyo dalkiisa oo sharaf ku dhex leh caalamka.” Ugu dambeyntiina wuxuu faray wasiirada iyo madaxda hay’adaha in shaqaalaha ku hoggaamiyaan in kaalintooda “si af iyo adin ah uga qeyb-qaatan dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka.” “Haddii aan dib uga soo dhacno malkadaas aan fuulnay meel aan ku istaageyno lama garanayo, laakiin in aan banaanka kore u baxno waxyar ayaa nooga dhiman. Markaa meel lagu kala majiro mucaarad iyo muxaafad maleh waa in aan gaarno wax kale oo na horyaalla majiro.” The post Daawo: Xamza oo sheegay taariikh cusub qormeysa oo ay tahay in laga harin appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiyaha Baanka oo la Kulmay Hay’adaha Maaliyadda Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Dr. Cali Cabdillaahi Daahir ayaa kulan la qaatay Hay’addiaha Maaliyaddeed ee Wadanka. Kulankan oo ujeedkiisu ahaa xasilinta suuqyadda lacagaha iyo Maaliyadda iyo u diyaar garowga ka qaybgalka qabanqaabadda shirweynaha dhaqaalaha ee wadanka. Kulankan waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Guddoomiye Xigeenka, Agaasimaha Guud iyo qaar ka Agaasimayaasha Qaybaha Baanka Somaliland. Qaran News
  12. Somaliland & Jabuuti oo iska kaashanaya dhismaha Masaajidka Qiblateyn-ka Seylac. Jabuuti-(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay la kaashanayso xukuumada Jabuuti dhismaha masaajidka qiblataynka Saylac, una gudbisay qorshahiisa. Wefdi uu hogaaminayey Wasiirka Diinta Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Xuseen Albaani, kuna wehelinayeen Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, wakiilka Wadaxaajoodka Edna Adan ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday xukuumada Jabuuti shalay. Fariin uu bartiisa Twitter ku baahiyey Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani ayu uku yidhi, “Waxaanu manta (shalay) u bandhignay dawladda Jabuuti qorshaha dayactirka iyo dib u dhiska Masjidka labada qiblada ee ku yaala magaalada Saylac ee gobolka Awdal ee Somaliland.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Saylac waa magaalo qadiimi ah oo u dhow Jabuuti, waxaana wadaaga bulshooyinka xuduudka ku nool ee ku nool Somaliland & Jabuuti. Qaran News
  13. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL iyo Machadka Shaqaalaha Dawlada, Isaga oo u kuur-galay sida shaqada iyo hawl socodsiintu ay qaranka u hayaan ay u socoto. Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Mudane Khaalid Jaamac Qodax, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka, agaasimaha guud, iyo Agaasimaha fulinta ee Mac’adka shaqaalaha ayaa ku soo dhaweeyey xarunta guud ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Madaxweyne ku-xigeenka. Guddoomiyuhu waxa uu warbixin ka siiyey dhammaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Hay’addu, waxaanu la wadaagey siyaasaddihii, xeerarkii iyo waxqabadkii dib-u-habaynta shaqaalaha ee Hay’addu wadday sannooyinkii dambe oo dhan. Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-Xigeen ku waxa uu uga mahad-naqay dhammaan masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha sida wacan ee ay qaranka ugu wadaan hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u igman yihiin. Qaran News
  14. Wasaaradda Waxbarashada hiddah iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed wax ay la wadaagtay in ardayda ka soo baxda dugsiyada sare ee dalka una gudbiya heerka sare ee Jaamacadaha in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah. Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada ayaa la wadaagtay Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed,waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year). Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah,waa in ay ka mid noqdaan:Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda),Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda u ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking). PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxabarashada Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay Tacliinta sare ee dalka appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka JSL, ayaa ku wareejiyey wasaaradda iyo hay’addaha dawladda buuga Qorshaha horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII) si loo bilaabo fulintiisa. Munaasibada wareejinta buugani oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda waxaa ka soo qayb galay agaasimayaasha waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyey masuuliyiinta ka socotay wasaaradaha iyo hay’addaha dawlada agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee WQHQ Mudane Cabdillaahi Axmed Xirsi. Qorshaha horumarinta Qaranku (NDPIII) Waa mid ka tarjumaya ahmiyadaha Xukuumadda ee salka ku haysa, himilada qaranka ee 2030-ka oo si cad u qeexaya sidii looga bixi lahaa caqabadaha dhismaha dawladnimo ee aan wajaheyno Qaran ahaan. Si looga gudbo caqabadaha nololeed ee waddanka waxaa uu Qorshaha Horumarinta Qaranku, kor u qaadayaa hormarinta dhaqaalaha, horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha, maamul wanaaga, horumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo in la helo sinaan iyo caddaalad. Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dilka magaalada Laascaanood loogu geystay Abwaan Jaamac Kadiye, kaasi oo lagu eedeeyay ciidamada Somaliland. Somaliland ayaa iska fogeysay dilka Kadiye iyo inay wax lug ah ku leedahay, iyada oo sheegtay in ay geysteen kooxo argagixiso ah oo fadhigoodu yahay halkaasi, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in uusan jirin iska hor imaad hubeysan oo dhexmaray Somaliland iyo dhinacyada kale ee isku hayaan Laascaanood. “Wasaaradda waxay ka murugaysan tahay in ay ku dhawaaqdo dilkii naxdinta lahaa ee abwaankii caanka ahaa ee Jaamac Kadiye, oo ahaa shakhsi laga jecel yahay hidaha iyo dhaqanka waddanka. Waa arrin murugo leh in aanu ku dhawaaqno in uu ku baxay gacmaha argagixiso caan ah shalay.” Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Waxaan si adag uga soo horjeednaa isku daygaas lagu doonayo in lagu qalloociyo runta, waxaana ballan-qaadeyna in baaritaan dhab ah lagu sameeyo si sharciga loo horkeeno dembiilayaasha geystay falkaas foosha xun.” Beesha caalamka ayay uu baaqday in ay cambaareyso dilka ay kooxda argagixisada caanka ku ah ee Al-Shabaab, haddana fadhigoodu yahay Laascaanood ay ku laynayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sida lagu yiri qoraalka. “Waxaan ku adkeysaneynaa go’aankeenna ah inaan la dagaalanno argagixisada oo aan ilaalino dadkeenna,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland, oo lagu sheegay in maamulkooda u taagan yahay nabadda iyo xasiloonida mandaqada. Dilka Abwaan Kadiye ayaa waxaa Somaliland ku eedeysay SSC-Khaatumo, oo sheegtay inay ka dambeeyaan ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood oo madaafiic soo riday, hase yeeshe waxaa taasi beenisay Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in dilkaas loola jeeday in magaca looga xumeeyo maamulkeeda, islamarkaana la abuuro dhaqan cabsi-galin ah, xilli Laascaanood ay ka taagan tahay colaad sii daba-dheeraaneysa oo u dhaxeysa Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC. The post Somaliland oo iska fogeysay dilka Abwaan Jaamac Kadiye, dushana u saartay… appeared first on Caasimada Online.
  17. Shacabka magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa maanta dhigay isku soo bax ballaaran oo ay ku taageerayaan dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab ee laga fulinayo deegaannaga Galmudug si looga saaro dhulka maamulkaasi. Bannaabaxa maanta ayaa waxaa ka qeyb galay bulshada beybaheeda kale duwan, kuwaas oo inta badan watay calanka Galmudug iyo midka Jamhuuriyadda federalka, waxaana ay sheegeen in ay garab istaagan yihiin ciidanka dowladda iyo ku deegaanka. Bannaanbaxaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay bariga gobolka Galgaduud ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu wado abaabulka ku aadan dagaalka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abid Barre, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, and former Deputy Prime Minister MP Mahdi Mohamed Guled have collectively condemned the tragic killing of the prominent Somali poet and composer Jama Kediye Elmi, who was among several people killed in a Somaliland mortar attack on Las Anod town on Wednesday afternoon. Source: Hiiraan Online
  19. Waxay jeceshahay cuntada Hindida, muuqaal ay baahiyeen waalidkeedna waxay u muuqataa inay raxmad ku dareemeyso la jirista waalidkeed. Balse hooyadeed waxay sheegtay in gabadheeda laba jirka ahi ay ku jirto xarun caruurta lagu xanaaneeyo oo ku taalla Berlin. Gabadhaan yar ayaa udub dhexaad u noqotay muran diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya Hindiya iyo jarmalka, kadib markii dawladda Jarmalka ay qoyskeeda ka qaateen iyaga oo ku eedeeyay qoyska in ay xadgudub kula keceen gabadha yar bishii Septemper ee sanadkii 2021 kii. Iyada oo todoba bilood jir ah. Bishii June ee sanadkaan, ayaa waxaa maxkamad ku taalla Berlin ku soo gabangaboobay xuquuqdii waalidnimo ee Dia aiyo odeygeeda Amit – magacyadood dhabta ah ma isticmaaleyno sababo sharci aawadood – waxaana gabadha yar lagu wareejiyay xafiiska xanaanada caruurta ee jarmalka. Sidoo kale maxkmaddu waxay diiday dalab ka yimid waalidka oo ah in ay gabadhooda ula noqdaan Hindiya. Waalidiinta ayaa ku tilmaamay dacwadda mid been ah waxayna ka qaateen racfaan. Dia waxay hadda ku sugan tahay New Delhi, iyada oo taagero u raadineysa dagaalka ay ugu jirto sidii ay usoo heli leheed gabadheeda, iyada oo oysay mar ay BBC u sharraxeysay xanuunka ay leedahay hooyo iyo ubadkeeda oo lakala fogeeyo Maxaa dhexmaray labada dawladood? Kiiska gabadhaan yar ayaa soo jeediyay dareenka dawladdaha Hindiya iyo Jarmalka. Kadib markii ay dad Hindi ah dibadbaxyo ka dhigeen magaalooyinku yaalla Hindiya, halka qurbajoog Hindi ah ay dibadbax ka dhigeen magaalooyinka Frankfurt iyo Darmstadt ee dalka Jarmalka. New Dwlhi, Dia ayaa ayaa la kulantay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Hindiya sidoo kalena olole ka dhex bilowday xubno baarlamaanka ah taas oo keentay in warqad lagaga codsanayo in gabadha lagu soo celiyo Hindiya loo diro safiirka Jarmalka u fadhiya Hindiya, Phillip Ackerman. Dawladda Hindiya ayaa lagu booriyay inay qaaddo talaabooyin ku aadan soo celinta gabadha yar. Siyaasi kale oo Hindi ah ayaa ka codsaday ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi in arrintaan uu kala xaajoodo hugaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, oo qorsheynayay inuu booqasho ku yimaado New Delhi, una imaanayay shirka G20. Dia ayaa iyana ka codsatay ra’iisulwasaaraha Hindiya inuu arrinta soo faragaliyo, iyada oo tiri: “Rajadeyda oo qura waa mudane Modi. Hadii uu arrinta soo faragaliyo, gabadheydii way iisoo noqoneysaa”. Murankaan u dhaxeeya labada waddan ee ka dhashay gabadha yar ayaa sababay in dib loo milicsado kiis kan lamid oo sanadkii 2011 kii ka dhacay Norway, kaas oo laba caruur oo Hindi ah laga qaatay aalidkood. Sanad kadib ayayna ku soo noqdeen Hindiya. Suranya Aiyar oo ah qareen hawlgab ah oo qoyska ilmaha looga qaatay Norway caawiyay, kan hadda gabadha yarna caawinaya ayaa sheegay in kiisas nuucan caan ah aysan ahayn wax ugub ah. “Waa dhibaato inteeda la eg.Waxaa la ogaadaa inay tahay mid la xallin aro,oo aan u naahnayn dodo dheeraad ah”. Muramka qoyska gabadha laga qaatay ka dhashay ayaa waxaa dhaliilay baarlamanka Yurb. War biin culus oo ay soo saareen ayay ku eedeyeen xarunta isir sooc, iyo in ay si caaalad darro ah waalidiinta soo galootiga uga qaadayaan ubadkooda, taas oo ay sheegeen in ay wax u dhibayso xuquuqda waalidka iyo tan caruurta intaba. Warbixin ay bishii May soo saareen baarlamaanku ayay ku sheegeen in qaybtooda codbixinta ay soo gaaraan cabashooyin ku aadan xukunka. “Kaalinta iyo ficilada xafiiska xananada caruurta ayaa loo arkaa mararka qaar kuwa ka badbadis ah. Waalidiinta soo galootiga ayaa dareemaya inaysan muhiim u ahayn sida kuwa Jarmalak”. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo la xidhiidha badeecadaha iyo alaabaha kale ee laga soo dejiyay dekedda iyo garoonka Muqdisho. Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu wargeliyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka kale ee badeecadaha soo dejiya in hadda kadib cidii aan wadan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya in aysan wax badeeco ah kala soo dagi karin dekada iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. “Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed waxay u x saaran tahay dejinta iyo hirgelinta halbeegyada dalka, sugidda cabirada iyo hubinta tayada badeecadaha iyo qalabyada kala duwan ee dalka soo gelata ama ka dhoofaya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya. “Hay’adda waxay ogeysiinaysaa dhamaan shirkadaha iyo ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo alaabaha kala duwan ka soo dejiya Dekadda Muqdisho iyo Garoo ka Aadan Cadde in ay la imaadaan shahaadada waafaqsanaanta (Certificate of Conformity).” Sidoo kale waxay sheegtay in cidii baalmarta qaadashada shahaadadaasi aan loo ogolaan doonin inay soo galiso badeecadda dalka, ayna muteysan doonaan ganaax lacageed iyo ciqaab laga bilaabo 1-da bisha September 2023-ka. Hay’adda waxay u xilsaaran tahay aqoonsi (accreditation) iyo shahaado (certification) siinta, ayadoo laga dulaayo ilaalinta Tayo-dhawrka badeecadda, caafimaadka iho badqabka bulshada iyo deegaanka.” Si kastaba, amarka kasoo baxay hay’adda Tayo-dhowrka ayaa hadda kadib ku waajib yeelaya ganacsatada qaadashada shahaadada waafaqsanaanta, haddii ay baalmaraan waxay la kulmi doonaan ciqaab iyo ganaax lacageed. The post DF oo shuruud cusub ku xirtay badeecadaha laga soo dejiyo dekedda iyo garoonka appeared first on Caasimada Online.
  21. Wasaaradda Gaashaandhiga JSL ayaa cambaaraysay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa hal abuurka iyo haldoorka dalka oo kooxaha aragagixisada iyo huwanta ku sugan magaalada Laascaanood dileen. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga JSL ayaa lagu sheegay in dilka Abwaanka ay ka dambeeyeen kooxaha Aragagixisada ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Source
  22. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa Khamiista maanta booqasho ku tegaya dalka Sucuudiga, sida ay faafisay saxaafadda dawliga ah ee Iran. Dawladaha Iran iyo Sucuudiga ayaa bishii March 2023 dib u soo celiyey xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey, iyadoo uu Wasiirka Khaarajiga Sucuudiga Faisal bin Farhan uu bishii June booqasho ku tegay dalka Iran, isagoo shir la qaatay dhigiisa dalkaasi, waxaanna la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran uu maanta shirar la qaato madaxda sare ee Boqortooyada Sucuudiga. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada ayaa amar dul-dhigay golaha xukuumadda iyo hay’adaha kale dowladda, isaga oo faray inay ka qayb qaataan dagaalka Al-Shabaab. Xamza ayaa xusay inay muhiim tahay in loo istaago xoreynta dalka, isla-markaana laga wada qayb-qaato halganka uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa sidoo kale boggaadiyey go’aanka madaxweynaha uu ku gaaray in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka ay ku jiraan. “Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalka uu ku jiro dagaal la rabo qof waliba in uu qaato doorka kaga aaddan, si la’isaga dulqaado culeyska ay shacabka ku hayaan Al-Shabaab. Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal looga sifeynaayo Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe. Ugu dambeyn kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la filayaa in dhawaan la guda galo wajiga labaad ee howlgallada lagu xoreynayo dalka. The post R/W XAMZA oo amar dul-dhigay golaha wasiirada iyo hay’adaha DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa diray hanjabaad culus oo ku aadan xasaradaha weli ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo buurta Gacan-Libaax. Muuse Biixi ayaa ku hanjabay in ay la dagaalami doonaan cid kasta oo kasoo horjeeda horumarka Somaliland, isla-markaana ay difaaci doonaan qaranimadooda iyo jiritaankooda. “Haddii ay tahay inaynu noqono qaran jira oo caalamka ku fida naga duwi maayo dagaal kasta oo nalala galo, horumarkeena dhaqaale iyo inaan Umaddeena kor u qaadno inaga duwi maayo, cid kasta oo isku deydana waan iska celineynaa” ayuu yiri Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in cid kasta oo kasoo laabato khaladka ka dhacay ay la geli doonaan wada-hadal, si xaaladaha taagan looga gudbo. “Cid kasta oo khilaafka iyo dhibaatada halkaa ka timid ay khalad uga dhacday ama faham darro kasoo noqoneyso oo u baahan in laga wada hadlana diyaar baan u nahay oo nabad lagu xalliyo wax weliba” ayuu mar kale yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Mar walba waayo arag baan u nahay haddii ay dhibaato dhacdo inaan lasii kordhin oo halkeeda lagu qabto, intii suuragal ah, laakiin qofkii dhibaatada wadaa haddii looga taag waayo inta kale fidneyn maayee waa la’iska qaban”. Hanjabaada kasoo baxday madaxweyne Muuse Biixi ayaa kusoo aaday, xilli ay shalay Somaliland magaalada Laascaanood ku dishay AUN Abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye, kaas oo ku geeriyooda madaafiic ay ciidamadooda ku gaareen bartamaha magaaladaasi. Si kastaba, hadalkan ayaa sidoo kale imaanaya xilli haatan Somaliland ay dagaallo uga furan yihiin Laascaanood iyo buurta Gacan-Libaax oo jabhad cusub looga dhawaaqay. The post Muuse Biixi oo hanjabaad culus diray kadib dilkii Abwaan Jaamac Kadiye appeared first on Caasimada Online.
  25. Manchester City held their nerve to beat Sevilla 5-4 in a penalty shootout and win the UEFA Super Cup for the first time in their history after an enthralling game ended 1-1 after 90 minutes. Source: Hiiraan Online