Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka uu qarax xoogan ka dhacay deegaanka Ceelgaras oo ay maalmo kahor ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Qaraxa ayaa ka dhex dhacay Ceelbiyood ku yaalla deegaankaasi, waxaana la sheegay inay ku xireen xubnaha Al-Shabaab, kahor inta aysan ka bixin deegaankaasi. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaas oo ka yimid dhulka miyiga ah, si uu biiyo uga dhaansado ceelka. Warbaahinta dowladda ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa uu kamid ahaa kuwa badan oo Al-Shabaab ku xireen magaalada, balse intooda badan lagu guulaystay in lasoo saaro. “Kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ayaa ka hor inta aanan lagala wareegin magaaladan waxay ku xireen miinooyin dhammaan goobaha muhiimka ah, inkastoo ciidanka dowladdu ay ka saareen Qaraxyo badan oo cadowgu ugu tala galay inuu ku dhagro ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogaga warbaaginta dowladda. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus iyo miino baaris ay ka wadaan deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud. “Ciidanka Xoogga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maalinkii shanaad ku sugan magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud, waxaana weli socda howlgallo ay ciidamadu ka wadaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow dhow” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan kusii siqada deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobollada dhexe, inkastoo mararka qaar ay la kulmaan weeraro iyo qaraxyo. Maalin kahor ahay ahayd markii qarax ka dhacay isla deegaanka Ceelgaras lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsanaa Galmudug kadib markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen. The post Al-Shabab oo qarxiyay Ceel biyood ku yaalla Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  2. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa shaacisay in ay fududaysay wareejinta laba maxbuus oo dhaawac ah kuwaas SSC-Khaatumo ku qabatay dagaalkii Laascaanood. Labada maxbuus oo dhaawacyo culus qabay ayaa lagu daweeyay magaalada Garoowe ka hor inta aan lagu wareejin Somaliland sida ay shaacisay hay’adda Laanqeyrta Cas. Hay’adda ICRC ayaa sidoo kale sheegtay in ay booqatay maxaabiista labada dhinac ee ku kala xiran Hargeysa iyo Laascaanood islamarkaana ay xaaladooda u kuur-gashay. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhinaca kale xaqiijiyay wareejinta labada maxbuus ee dhaawacyada qabay oo loo gudbiyay magaalada Hargeysa. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo oo maxaabiis dhaawacyo culus qaba ku wareejisay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulkaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed. Ugu horeyn bayaankaan waxaa lagu taageeray dagaalka ay dowladu kula jirto Al-Shabaab, waxaa lgu tacsiyeeyey dadkii ku shahiiday, waxaana lagu dhiirigeliyey ciidamada qaranka kaalintooda naf hurnimada ah. “Mudo xileedkii madaxweynaha K/Galbeed wuxuu dhamaaday 2022-kii, wuxuu ku fashilmay inuu la dagaalamo Khawaarijta, wuxuuna gabaad siyaasadeed ka dhigtay Khawaarijta, waxaan isla garanay oo hoosta laga wada xariiqay in Shabaab aan laga xorey karin K/Galbeed oo doorasho xor ah aan laga qaban,” ayaa lagu yiri bayaankaan caawa soo baxay. Sidoo kale madaxweyne Laftagareen waxay siyaasiyiintaan ku eedeeyeen inuu u hoggaansami diiday heshiiskii bishii Febraayo ee sanadkaan ay kula galeen Baydhaba, “Waxaa ugu horeeya oo dhaqan geli waayey dhowridda xoriyada hadalka iyo isku socodka ee muwaadinka ee deegaanada KG,” ayaa lagu yiri. Caburin iyo awood u sheegashada masuuliyiinta kale ayey ku eedeeyeen Laftagareen, waxaana bayaanka lagu yiri, “Waxaa la joogaa waqtigii la qaban lahaa doorasho loo dhan yahay, mana muuqdaan wax diyaar garow ah oo socda.” Wixii ka dambeeya 1-da bisha November, waxaa bayaankaan lagu sheegay in Laftagareen uusan door ku yeela doonin geedi socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna lamid noqon doonaa musharaxiinta kale. “Maamulka doorashada waxaa iska leh wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah, sida ku cad heshiiskii Baydhaba,” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo akhriyey bayaankaan. Si looga baaqsado dib u dhac, waxay musharaxiinta iyo siyaasiyiinta soo saaray bayaankaan wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ka codsadeen inay jadwaleyso waqtiga doorashada, si 1-da November loo bilaabo soo xulida xildhibaanada. Waxay cambaareeyeen qorshe lagu bedelay qaar ka mid ah odayaashii rasmiga ahaa ee beelaha, waxayna wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ka dalbadeen inay qaadato doorkeeda heshiiskii Baydhaba, si looga hortago qorshaha lagu bedelaayo odayaashii rasmiga ahaa ee beelaha. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayey masuuliyiintaan ka codsadeen inay fuliyaan heshiiskii Baydhaba ee garwadeenka ay ka ahaayeen, ciidamada ayaa looga digay inay ku milmaan doorashooyinka Koonfur Galbeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Shirkii Nairobi oo laga soo saaray bayaan xasaasi iyo go’aan laga gaaray Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  4. Egypt has voiced anger after Ethiopia announced it had filled the reservoir at a highly controversial hydroelectric dam on the Blue Nile river. Ethiopia has been in dispute with Egypt and Sudan over the megaproject since its launch in 2011. Egypt relies on the Nile for nearly all its water needs. Egypt’s foreign ministry said Ethiopia was disregarding the interests of the downstream countries. Ethiopia says the $4.2bn (£3.4bn) dam will not cut their share of Nile water. “It is with great pleasure that I announce the successful completion of the fourth and final filling of the Renaissance Dam,” Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed said on X, formerly Twitter. He admitted the project had faced “internal and external obstacles” but “we endured all that”. The dam began generating electricity in February 2022. Ethiopia believes the Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd) will double the country’s electricity output, providing a vital development boost, as currently half the 127-million population lacks electricity. The plan is to generate more than 6,000 MW at the dam, which is about 30km (19 miles) from Ethiopia’s border with Sudan. Egypt and Sudan argue that common rules for the operation of Gerd must be agreed, fearing that energy-hungry Ethiopia may exacerbate their existing water shortages. Negotiations over the project resumed last month, having been suspended in 2021. Sudan – currently mired in fighting between rival armies – did not immediately react to Prime Minister Abiy Ahmed’s announcement on Sunday. In a statement on Facebook the Egyptian foreign ministry said Ethiopia’s “unilateral” filling of the reservoir violated a declaration of principles signed by the three countries in 2015, and branded Ethiopia’s action “illegal”. “The declaration of principles stipulates the necessity of the three countries reaching an agreement on the rules for filling and operating the Gerd before commencing the filling process,” the statement said. “Ethiopia’s unilateral measures are considered a disregard for the interests and rights of the downstream countries and their water security, as guaranteed by principles of international law Source bbc Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA oo shaacisay magacyada iyo sawirada hoggaamiyaal ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay. Raggaan oo gaaraya 7 xubnood ayaa la sheegay in sirdoonku uu si dhow ula socday dhaqdhaqaaqooda, iyaga iyo kuwo weli ku nool dhulka howdka ah. Ninka ugu horeeyey ee NISA ay shaacisay in la dilay waxaa lagu magacaabaa Sheekh Cabdullahi, waxaa lagu dilay dagaalkii Awdheegle, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa aagga deegaanka Lambarkonton. Ninka labaad waxaa lagu magacaabaa Cali Timajicil, wuxuuna qaabilsanaa dhanka caafimaadka, isagoo ka howlgeli jiray Sh/Hoose, Awdheegle ayaa isna lagu dilay. Sarkaalka 3-aad waxaa lagu magacaabaa Bashiir Dheere, wuxuu ahaa madaxii kooxda ee Buulomareer, xubnihii lagu dilay Awdheegle ayuu ku jiray, sida ay sheegtay NISA. Cabdiqafaar oo ah ninka 4-aad ee NISA ay shaacisay geeridiisa wuxuu ka mid ahaa madaxda xubnaha dilalka ka geysta Muqdisho, sidoo kale kooxaha fuliya weerarrada ayaa lagu daray waayihii dambe, Awdheegle ayaa isna lagu dilay. Shaaciye Maxamed Cali oo ah ninka shanaad ee NISA ay shaacisay geeridiisa waxaa la sheegay inuu ahaa madaxii qaraxyada ee kooxda u qaabilsanaa Shabeellada Hoose, Awdheegle ayaa lagu dilay isna. Zakariye Maxamed Bashiir oo Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan gelinta xubnaha qoranaya jugta culus, sidoo kalena ahaa ku xigeenka madaxa qaraxyada ee gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay Awdheegle. Sarkaalka 7-aad ee NISA ay shaacisay Magaciisa waa Axmed Cali Daahir Shuuke wuxuu kooxda u qaabilsanaa kicinta bulshada, waxaana lagu dilay howlgal ka dhacay aagga deegaanka Bulacle ee hobolka Galgaduud. The post Aqriso: NISA oo shaacisay magacyada 7 sarkaal oo Al-Shabaab laga dilay appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasaaradda Daakhiliga oo Beenisay Warqad Fidmo Lagaga dhex Abuurayey Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa beenisay warqad aanay waxba ka jirin oo la sheegay inay ka soo baxday Wasaaradda Daakhiliga. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qoraal ay hadda baahisay been abuur ku tilmaantay warqadaasi oo looga gol lahaa in qas iyo iska horkeen lagaga dhex abuuro Somaliland. Qoraalka Wasaaradda Arrimaha guduhuna wuxuu u qornaa sidan:- “Waa Been abuur warqadan la wareejinayo Baraha Bulshada, taasoo aan ahayn warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Sidaa darteed, waxaanu bulshada u sheegaynaa in aanay ku dagmin wararka been abuurka ah ee bulshada iyo Dawladda la iskaga horkeenayo. Dadka caadaystay been abuurka iyo in ay sameeyaan waraaqo aan jirin waxaanu leenahay ummadda ka xishooda.” Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey ayaa u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay inay xorey doonaan degmooyinkii dhawaan laga baxay ee Ceeldheer iyo Galcad, ilaa Ceelbuur. Yaasiin Farey oo soo saaray qoraal dheer ayaa sheegay in deegaanadaas ay xoreysa doonaan dadkii u dhashay oo u diyaarsan inay la dagaalamaan argagixisada. “Deegaanada Bariga Galgaduud iyo Mudug waxaa u taagan oo xureynaya dadka u dhashay, ku dhashay, iyo kuwa matala oo kaashanaya CXD Soomaaliyeed, waana uga mahad-celineynaa garabka ay siinayaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u ciribtirayaan Khawaarijta,” ayuu yiri Yaasiin Farey. Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray “Hadalka kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi ma aha mid ka turjumaya, loo akhrin karo ama loo fasiran karo abaabul bulsho, mas’uuliyad iyo mowqifka dib u xureynta, waa kala qeybin bulsho iyo kala dhantaalida juhdiga socda.” Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkaan ku yiri “Hadalka Fiqi waxa uu lamid yahay qadafyadii uu ku suntanaa sooyaalkiisa siyaasadeed ee ahaa ‘No More Reer Hebel, iyo ijaafooyinkii uu hore ugu geystay Ciidamada Qaranka guud ahaan’ si gaar ah ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay sifooyin aan u qalmin oo sharaf dhac ku ah”. Yaasiin Farey ayaa ku dooday in dadka deegaanadaas ay waayo badan ku soo jireen halgan adag, isla markaana aysan u qalmin hadalo niyad jab ah, isagoo rajo ka muujiyey in mar dhow uu guuleysa doono halganka ay ku jiraan dadka dega bariga gobolka Galgaduud. “Marnaba uma qalmaan dadka xaq u dirirka ee dhiigooda shubayey 14 bilood iyo CXDS in hadalo meel ka dhac ku ah ay ku hadaaqaan siyaasiyiinta uu ka lumay bartilmaameedka iyo jeheeynta dib u xureynta dalka. #Halganku waa guuleysanaa,” ayuu yiri Yaasiin Farey. Jawaabta uu Yaasiin Farey siiyey Wasiir Fiqi ayaa hadal-heyn ka dhex abuurtay baraha bulshada, Fiqi ayaa in ka badan 10 cisho ku sugan degmada Xarardheere oo ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa maalin ka hor Xarardheere ka sheegay inay abaabuleen ciidan xoog leh oo ku filan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulka ay ka joogaan Galmudug, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Xarardheere tagaan Madaxweynaha Galmudug, Taliye Mahad Salaad iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Xildhibaan Yaasiin Farey oo si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiir Fiqi appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto aan la shaacin oo cidda ay khusayso oo qudha loo dhiibay waxa uu xilalkii kaga qaaday Wasiirkii Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Biyaha,isagoo sidoo kale isku-beddel ku sameeyey qaar ka mid ah Wasiir-ku-xigeennadiisa. Xogaha waxa ay sheegaya in: 1.Cabdiraxmaan Xirsi Dhooble loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Ciyaaraha Somaliland. 2. Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud iyo Guriyeyta Md. Maxamuud Warsame Jaamac waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Somaliland 3.Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Beeraha Marwo Yurub Abiib waxa loo beddelay inay noqoto Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada. 4.Maxamed Maydhane Ibraahim waxa loo magacaabay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland. 4.Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdinajiib Ibraahim Muumin waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta. 5.Wasiir-ku-xigeenkii Xanaanada Xoolaha Maxamuud Jaamac Warfaa Wedka waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Source
  9. Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn maanta Al-Shabaab loogu geystay aagga degmada Ruun-nirgood, taas oo lagu laayey maleeshiyaad badan. Qoraalkaan oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in kooxda la duqeeyey ay dooneysay inay weerarto ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe. “Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in la gubay gaari ay Shabaab qarax ku soo rareen, kaas oo sida caadada u ah ay doonayeen inay weerarka ku bilaabaan. “Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ku guulaystay iny ku burburiyay gaari Noha ah oo Khawaarijtu ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagartii Khawaarijta, sidoo kalena ay laayaan maleeshiyaadkii ay soo qaldeen, iyadoo qof kale uusan khasaare ka soo gaarin.” Kooxda Al-Shabaab ayaa ku badan dhulka howdka ah ee u dhow degmada Ruun-nirgood, waxaana halkaas si joogto ah uga dhaca beegsiga iyo dagaalo joogto oo u dhaxeeya ciidmaada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab. Degmada Ruun-nirgood ayaa ku taalla goob istaraatiiji ah oo u dhaxeysa gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana ku dhow dhul howd ah oo dowladda ay ku adkaatay inay ka saarto maleeshiyaadka Al-Shabaab oo aad uga baqa duqeymaha. The post DF oo shaacisay in duqeyn ay ku leysay koox qarax u qorsheysay Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.
  10. Wasaaradda Beeraha oo Tababbar u Qabatay Kooxaha Bedbaadada Beeraha Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda H. Beeraha JSL, ayaa Tababbar u qabatay Hawl-wadeenada Waaxda Bedbaadada Beeraha. Tababbarkan oo soconaya muddo 2 Maalmoood ah, ayaa Muddada uu socdo waxa lagu baranayaa Culuum la xidhiidha Sumaha lagu buufiyo Cayayaanka waxyeeleeya Wax-soo-saarka Beeraha Somaliland. Hawl-wadeennada, ayaa qaadanaya duruus khuseeya kala duwanaanshaha Sumaha Beeraha lagu buufiyo, si looga fogaado in hawl-gallada la dagalaanka cayayaanku ay khasaare ku keenaan wax-soo-saarka, una adeegsadaan hadba Sunta ugu habboon ee cayayaankana suulin kart a, wax-soo-saarkana aan dhibaato gaadhsiinin. Tababbarkan oo muhiim ah, iskana kaashadeen Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda FAO, ayaa furitaankiisii waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxa Bedbaadada Beeraha Dr. Maxamed Siciid (Suudaani) iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Yaasiin Aadan. Agaasimaha waaxda bedbaadada Beeraha Maxamed Siciid (Suudaani) iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Yaasiin Aadan oo halkaa ka hadlay, ayaa ka qayb-galayaasha tababbarka u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan Aqoonta la barayo, si ay ugu dabaqaan shaqada ay Wasaaradda Beeraha iyo Qarankaba u hayaan. Qaran News
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo kiiska dilka dhaqtar caan ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Faysal Jife-jabsade ayaa waxa uu shaaciyay in la aqoonsaday ninkii dilka geystay, islamarkaana ay ku raad-joogaan, kadib markii uu magaalada ka baxsaday markii uu falka geystay. “Waa lagu daba jiraa dadkii ka dambeeyay (dilka), waa kasoo qaban doona meel kasta oo uu galo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo la hadlay warbaahinta. Sidoo kale waxa uu xusay in aanooyinka qabiilka oo loo dilay dhakhtarka uu mushkilad weyn ku noqdeen nabad-galyada magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay in go’aankii ay gaareen Isimada gobolka Mudug lagu xukumi doono qofkii qof dila, kaasi oo lagu fulin doona marka lasoo qabto dambiilaha baxdadka ah ee laamaha ammaanka ku daba jiraan. Dilka dhakhtarkaas oo lagu magacaabi jiray Dr. Sakariye Cabdi Jaamac ayaa waxaa ka dhalatay xiisad kacsanaan, taasi oo keentay in dadka “ay aad u qataan hubka fudud,” halka dadka qaarkood ay magaalada ka baxeen, kuwaasi oo cabsi ka muujiyay in loo beegsado qabiilkooda awgood. Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi, oo ugu dambeeyay AUN Dr. Sakariye. The post Puntland oo xog cusub ka bixisay kiiska dhakhtarkii lagu dilay GAALKACYO appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddida Is Waafajinta Doorashooyinka oo Kulamadii ugu Badnaa Talooyin ku Urursaday Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka ee Golaha Wakiillada JSL ayaa fadhiyadoodii 9aad, 10aad iyo 11aad oo maanta ka qabsoomay xarunta golaha waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Guddoomiye kuxigeenkii koowaad ee Komishanka Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan). Waxa kaloo ay la kulmeen Xasan Macalin oo isna ahaa afhayeenkii hore guddida diiwaan-galinta ururrada siyaasadda iyo urur siyaasadeedyada aan weli aqbalin go’aankii ay soo saareen Guddida beelaha bariga Burco ee soo jeediyay in la isa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, si looga baxo khilaafkii doorashooyinka. Geesta kalena waxa Guddidu ay iyagana talooyin weydiiyeen oo la shireen ururrada bulshada rayidka ah oo ay ka mid yihiin SONSAF, SONYO, NAGAAD, Ururka Qareennada Somaliland, Dallada NAFIS iyo HAVAYOCO. Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dadka ka barakacay magaalada Laascaanood ay si bilaash ah u dhigan karaan dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada. Wasiirro uu kamid yahay wasiirka waxbarashada Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in la faquuqo shacabka Laascaanood, xilli ay sii daba-dheeraaneyso colaadda gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo. “Ma ogolin in wax faquuq ah loo gaysto bulshada asal ahaan kasoo jeeda magaalada Laascaanood ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Dalka waa la wada leeyahay, qofkasta oo ku kaca fal kasoo horjeeda iyaga, ciidanka ilaalada amniga waxaanu faraynaa, in ay gacan bir ah ku qabtaan.” “Ardayda Laascaanood deganaan jirtay ee degmooyinka kale u guuray, waxaa ku wargelinaynaa in waxbarashadoodu ay lacag la’aan tahay oo dugsiga iyo goobaha kale ee waxbarashada ay lacag la’aan ku dhigan doonaan, ilaa inta ay ku laabanayan degmada Laascaanood.” Sidoo kale waxay sheegeen in dad u jeedooyin gaar ah leh ay baraha bulshada ku baahinayaan muuqaalo been abuur ah oo lagu rabo “in cabsi iyo colaad lagu dhex-dhigo shacabka Laascaanood iyo kuwa kale ee Somaliland.” “Kuwa qurba joog ah oo horay Laascaanood qalalaasaheeda uga qayb-qaatay ayaa hadana bilaabay in ay cabsi-galiyaan shacabka reer Laascaanood ee ku nool magaalooyinka Hargeysa kamid tahay.” Ardaydii Laascaanood ee saameynta ku yeeshay dagaalka ayaa intooda badan waxay waxbarashadooda dib uga billowdeen deegaanada Puntland, ayaga oo kal hore la galay ardayda maamulkaasi, halka ay Somaliland ay sheegtay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore, si ay waxbarashadooda u sii wataan. Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gobolka Sool, ayada oo dadka deegaanada la isku horfadhiyo ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo. Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday dabayaqada bishii lasoo dhaafay. Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland. SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto. Si kastaba, Somaliland ayaa dagaalkii dabaqayaadii August looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga. The post Somaliland oo soo saartay WAR cusub oo ku saabsan dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and the Somali Security Forces (SSF) have launched an investigation into an incident that resulted in the killing of a civilian man and the wounding of an ATMIS soldier at the Madina gate in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxtootada oo Hab Aan la Shaacin u Beddeshay Digreetooyinkii Madaxweynaha Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreetooyinka uu soo saaro ee uu wax ku magacaabo ka dhigay qaar habqan ah oo aan la shaacin, kuwaasi oo marin habaabin keeni karta. Madaxweynuhu waxa la sheegay inuu maanta sameeyay xilka qaadis, isku beddel iyo magacaabis cusub. Hase yeeshee ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada. Waxa la sheegay in Wasiirka Ciyaaraha loo magacaabay nin la yidhaahdo Ibraahim Xirsi Dhoobaale. Sidoo kale waxa la weriyay in Wasiir Ku xigeenka Beeraha Marwo Yurub Abiib loo beddelay Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Waxa kaloo wararka suuqu sheegeen in Wasiir Ku xigeenkii Hawlaha Guud Maxamuud Warsame ayaa isna loo wareejiyay Wasiir ku xigeenka Beeraha. Waxa jira Wasiir ku xigeenno kale iyo taliyeyaal, hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtootada Waxa habboon in madaxtooyadu aanay khalkhalin bulshada, balse ay shaaciso ciddii madaxweynuhu soo saaro, haddii kale waxa abuurmi kara warar aan jirin iyo kuwo malo-awaal ah oo dadka lagu soo dhex tuuro. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi. Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulankan ayaa looga hadlay arrinta ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-galinta mashaariicda ay dowladda Talyaaniga uga qeyb-qaadaneyso horumarinta caasimadda, gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha. Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa intaas kormeer socod ah ku tagay dhismaha xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa. Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo banneeyo dhismaha Casa Italia ee degmada Xamar Weyne. Safiirka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad-celiyay soo celinta dhismaha Casa Italia, wuxuuna sheegay in tani ay ka tarjumayso sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal. Si kastaba, dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa Italia ayaa tan iyo burburkii wuxuu gacanta ugu jiray muwaaddiniin Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku yaalleen goobo ganacsi oo kala duwan. The post Sawirro: Madaale oo safiirka Talyaaniga ku wareejiyay dhul buuq badan dhaliyay appeared first on Caasimada Online.
  17. Xil. Fu’aad Abshir Adeer oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Deni ee Kaah ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC. Gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale loo doortay Axmed Maxamuud Cumar oo isna ka tirsan xisbiga xukuumadda ee Kaah. Dhinaca kale guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo maanta fadhi yeeshay ayaa ka dooday in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda. Xubno kamid ah guddiga joogtada ah ee Baarlamanka ayaa soo jeediyay in dowladda loo sameeyo mudda kordhin laba sano ah si loo dhammaystiro hannaanka doorashada qof iyo cod. Waxaase la isla gartay in doodddaas dib loo dhigo inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku maqan safar dibadda ah. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan xisbiga Kaah oo gudoomiye iyo ku xigeen ka noqday guddiga doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Ugu yaraan 2,000 oo qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen Fatahaado ku dhuftay magaalooyin ka tirsan dalka Liibiya, gaar ahaan Gobollada Bari ee dalkaasi. Fatahaadaha ayaa saameeyay nolosha dadka, iyadoo kumanaan guri ay burbureen. Dawladda Turkiga ayaa gargaar degdeg ah gaadhsiisay dadka ay dhibaatadu soo gaadhay ee reer Liibiya. Source
  19. Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa hospital yar ka dhisay islamarkaana kaalmo ka qaybinayay gudaha dalka Chad, si uu u caawiyo qaxootiga ka soo cararaya dalka jaarka la ah ee Sudan, oo lagu eedeeyey inuu ka gaystay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada. Warbixin dhawaan uu daabacay wargayska The World Street Journal ayuu ku xusay in Imaaraadka Carabtu sidoo kale hub siinayo kooxda sida milatariga u tababaran oo lagu eedeeyey inay gaysteen dil wadareed badan, hase yeeshee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa eedaasi iska fogeeyey. Source
  20. Dawladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabo jidka u xaadhaysa in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaas oo ku xidhan dalka Iran. Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag gaadhaysa illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar. Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran. Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xidhan gudaha dalka Maraykanka. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan. Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Maraykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP. Nuxurka heshiiska ayaa hore loo shaaciyey, sidoo kale waa la filan karayey inuu soo baxayo go’aanka la xidhiidha, in lacagtaas la fasaxo. Hase ahaatee waxaa markii ugu horraysay uu maamulku sheegay inay heshiiska ku jirto in la sii daayo shan Iraaniyiin ah. Lama magcaabin maxaabiista reer Iiraan. Tallaabadan ayaa laga yaabaa in maamulka Biden uu kala kulmo dhaleecayn uga timaadda xisbiga Jamhuuriga. Source
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waayahan waa laga guuray oo dhinaca furimaha dhabta ah ee dagaalka ayaa loo guuray. Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) hoggaamiyaha Galmudug muddo toban cisho ka badan kuma uusan sugneyn caasimada Galmudug, waxaana uu guri ka dhigtay furinta ay ciidanka fadhiyaan, kuwaasi oo saacad walba dhinac u guuri kara. Waa goob colaadeed oo xilli walba ay suurta-gal tahay in lasoo weeraro ama ay ciidanka kula jooga wax weeraraan. Qoor-Qoor waxaa wehlinayaa wasiirka gaashaandhiga Jaamac oo isagu in muddo ah kusoo laaban caasimada iyo xafiiskii wasaaradda gaashaandhiga. Inkasta oo ay jiraan dad eedo badan ujeedinaya wasiirka gaashaandhigga, haddana markii dhinaca kale laga istaago marxaladda lagu jiro wasiirka aad ugama naf doorsan ciidanka xoogga dalka wuxuuna dhinaciisa ka jooga furinta. Laba cisho kahor waxaa la qabtay magaalada la yiraahdo Ceela-helay, isla maalinkaas waxaa isna jiidda dagaalka tegay taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo hay’adihiisu sahashay duqeymo waaweyn oo kooxda looga laayay maleeshiyaad badan iyo horjoogayaal labadii asbuuc ee lasoo dhaafay. Madaxdan waxay halkaasi ku hoggaamiyeen qabashada shalay ee magaalada Ceel-garas, oo kamid aheyd goobaha ugu muhiimsan ee gacanta ugu Al-Shabaab. Magaaladan ayaa kooxda u aheyd marinkooda isku xira qeybtooda jooga jihadda Ceelbuur iyo intooda kale ee jira dhanka Qaayib iyo Xiindheere. Haddaba, maxay ka dhigan tahay in madaxda ciidanka la joogaan furimaha dagaalka? 1. Geeri loo siman yahay Inta badan madaxda ma doortaan khatar lamid ah midd ay askarta dooratay, kuwaasi oo qoriga u qaata inay difaacaan dalkooda. Madaxdu badi magaalooyinka waaweyn iyo goobaha nabada ah ayay isku ilaaliyaan. Laakiin caadada ay waayadan bilaabeen madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ee ah inay furimaha dagaan oo ciidanka la joogaan waa cadeynta in dagaalka dhab laga wada yahay iyo in aanay jirin naf jecleysi gaar ah oo ku jirta madaxda kuraasta ku fadhisa. 2. Xaqiijinta hadafka iyo hubanta masuuliyadda Madaxda furinta dagaalka jooga waxaa laga faa’iidi doona dhowr arrimood oo ay kamid tahay in la xaqiijiyo hadafka dagaalka, waxaana xilliyadan oo kale adag in saraakiisha qaar ay isku dayaan inay dibin-daabeyaan gulufka. Waxaa joogista madaxda ee furimaha dagaalka ay keenaysa ilaalinta masuuliyadda ee dadka u xilsaaran shaqooyinka kala duwan iyo sidoo kale saraakiisha u qalanta billadaha geesinnimada iyo dalacsiinta ayaa si fudud oo aan musuq ciidan laheyn loo ogaan karaa. Waxaana dhamaan astaamahaasi caawinayaan in guul laga keeno dagaalka socda, oo dhawaan lagu wado inuu galo wejiga labaad, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Laba arrin oo ay ka dhigan tahay in madaxda furimaha la joogan ciidanka qaranka appeared first on Caasimada Online.
  22. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ay dhaq-dhaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ka wadaan halkaasi. Dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac ka wadaan Gmgobolka Sool, ayaa daba socda hanjabaado iyo digniin ay hawada isku mariyeen labada dhinac. Dadka deegaannada ay isku hor fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo, xilli labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan. Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday dabayaqada bishii lasoo dhaafay. Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland. SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto. Somaliland ayaa dagaalkii dabaqayaadii August looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga. Si kastaba, waxaa durba isa-soo taraya walaaca laga muujinayo dagaallo markale dhexmara ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayada oo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ka digeen in waxyeello kale ay ka dhashaan dagaallada la abaabulayo, maadaama kuwii horay u dhacay ay galaaftern nolosha dad aan illaa hadda tira-koob rasmi ah lagu sameyn. The post Ciidanka Somaliland iyo SSC oo dhaq-dhaqaaqyo iska horjeeda ka wada SOOL appeared first on Caasimada Online.
  23. Saraakiisha Somaliland ayaa saaka bilaabay in ay luuqad qabiil ku guubaabiyaan ciidamadooda ku sugan degaanka Oog. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saaka ciidamada Somaliland loogu khudbeeyay luuqad qabiil islamarkaana loo sheegay in ay ku dagaallamaan mabda’ beeleed. Saraakiisha Somaliland ee ku sugan Oog ayaa hadalkaas u jeediyay ciidamadii ku soo jabay Gooja-cadde oo ay weheliyaan maleeshiya-beeleedyo ururis ah. Saraakiisha ayaa u sheegay ciidamadooda in uu hadda kadib bilaabanayo dagaal beelaysan oo ka dhan ah haybtii Siyaad Barre iyo Moorgan. Dhinaca kale Mahad Cambaashe iyo Axmed Bullaale oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Somaliland ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo ayaa shalay loo diiday in ay tagaan Taliska Oog. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Somaliland isu diyaarinayso in ay duullaan culus oo rogaal ah ku qaaddo ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan Salinta. PUNTLAND POST The post Somaliland oo luuqad qabiil ku abaabulaysa colaadda Sool appeared first on Puntland Post.
  24. Mogadishu (HOL) - The Somali government has promoted two military battalions based in the Lower Shabelle region for their thwarting of an attack by al-Shabab at an army base in the Awdhegle district on Sunday. Source: Hiiraan Online
  25. Dawladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabo ay ugu gogol-xaarayso in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaas oo ku xiran dalka Iran. Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag dhan illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar. Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran. Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xiran gudaha Maraykanka. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan. Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Maraykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Iran u fasaxaya 6 bilyan oo dollar si ay ugu sii dayso muwaadiniin appeared first on Puntland Post.