-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday siyaasiyiinta u sharaxan xilka Madaxweynaha Jubbaland, kuwaas oo soo saaray bayaan ka kooban 16 qodob oo ay uga hadleen guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka Jubbaland. Musharaxiintaan oo aad u gorfeeyey arrimaha Jubbaland ka socda iyo doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah oo Axmed Madoobe ay ku eedeeyeen in doorasho uusan qabaneyn ayaa waxay ku dhaheen bayaankooda, “Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.” Doorashada, tabashada siyaasadeed ee maamulka Axmed MAdoobe ay ka qabaan, Dagaalka Al-Shabaab, cambaareyn ay u jeediyeen Axmed Madoobe, codsi ay u direen shacabka iyo dowladda federaalka iyo mahadcelin ay u jeediyeen beesha caalamka ayuu ka kooban yahay bayaankaan oo dheer. Hoos ka akhriso: Shir wadatashi ah oo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jubaland(GMMMJ) uga socday Magaalada Addis Ababa labadii todobaad ee u danbeysay ayaa maanta oo taarikhdu tahay 13 Sabtember 2023 ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad. Labadii todobaad ee shirku socday waxay xubnaha Goluhu diirada ku saareen arrimaha amniga(ladagaalanka Argagaxisada), xaalada noololeed ee bulshada iyo Siyaasada (doorashooyinka) ee DGJ kadib markii uu dhamaaday mudo xileedkii Maamulkii hore ee Jubaland, waxaana gabagabadii shirka kasoo baxay qodoban hoos ku xusan:- a) Amniga-Ladagaalanka Argagaxisada Goluhu wuxuu bogaadinyaa islamarkana amanayaa gulufka uu hogaaminyo madaxweynaha qaranka, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Dr Hassan Sh Mohamoud ee dalka lagaga xoreynayo khawaarijta waana mid muujinaysa sida ay Madaxweynaha iyo xukuumada uga go’antahay ladagaalanka Khawaarijta. Sidoo kale waxaan boogaadinaynaa guulaha isdaba jooga ah ee cidamada geesiyada ka soo hoyiyeyeen dagaalka ay khawaarijta kaga xoreynayaan dalka kuna sugayaan amniga shacabka Somaaliyeed. Goluhu wuxuu u arkaa nasiib daro iyo wax laga xumaado in Madaxweynihii hore ee Jubaland oo hada si sharci daro ku haysta magalada Kismayo uu si cad uga caga jiidayo ladagaalanka Kharaarijta tan iyo intii uu xukunka qabtay tanina waa mid dadka re-jubaland ku abuurtay shaki wayn oo ku aadan waxa uu aaminsanyahay. Sidaas darteed, golaha oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada re-jubaland wuxuu bilaabi doonaan wacyi galin bulsho iyo abaabul ciidan oo ku aadan ladagaalanka Argagaxisda iyo xoreynta deegaanada wali argagaxisada gacantooda ku jirta. b) Arrimaha Doorashada Jubaland Goluhu wuxuu mar kale xasuusinayaa dadka re-Jubaland, dowlada dhexe iyo beesha caalamka in muddo xileedkii Hay’adihii Dastuuriga ahaa ee DGJ uu ku ekaa 22-08-2023, sidaas darteedna uu jiro firaaq maamul oo dalbaya in si degdega loo buuxiyo taas oo haddii aysan dhicin horseedi doonta degannasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni daro oo aan ku ekaan doonin jubaland balse saameyn weyn oo amni ku yeelan doonta Soomaaliya guud ahaan iyo dalalka dariska ah. Madaama oo uu dhamadey mudo xileedkii maamulkii hore islamarkaana laga baaqsaday in la qabto doorasho waafaqsan dastuurka Jubaland, Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay. Walaaca iyo hubaal la’aanta haraysay arrimaha doorashada Jubaland waxay abuurtay Khalkhal amni daro oo fursad wayn u siisay AS in ay ku baahdo deegaamo cusub tanina waa xalad khasbaysa in Golaha oo kaashanaya dadka re-jubaland uu hogaamiyo xiliga kala guurka, si looga baaqsado firaaq maamul iyo mid amni. Goluhu wuxuu aaminsanyahay in si xal waara loogu helo arrimaha amniga ay lagama maarmaan tahay in la helo siyaasad loo dhanyahay (inclusive politics) oo bulshada jubaland ku hagta ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta bulshada, taasna waxay muhiim ka dhigaysaa in la qabto doorasho hufan oo loo dhanyahay oo waafaqsan tastuurka jubaland, mar kasta oo taasi dib u dhacdana waxay saameyn taban ku yeelanaysaa amniga gudaha iyo tan dariskaba. c) Cambaareyn Golaha wuxuu sida ugu adag u cambaraynayaa falalka argagaxisinimo iyo caburinta qaawan ee maamulkii hore sida joogtada ah ugu hayo dadka siyaasad ahaan ka rayi duwan oo ugu danbeeyey afduubkii iyo masaafurintii lagula kacay xubin hore oo ka tirsanayd golaha Wasiirada Jubaland. Sidoo kale wuxuu Golahu canbaaraynayaa falalka caburinta, barakicinta, baada, cagajuglaynta, xirida, xanibaada, masafurinta, musuqmaasuqa, nolol xumada iyo shaqo la’aan baahsan ee Maamulkii hore ku hayo dadka re-kismayo taas oo ugu danbayn sababtay in ay ka qaxaan magaalada Kismayo tacadiyadaas oo dowlada kenya iyo hay’ada UNHCR ku khasabtay in dib u furaan xerada Ifo two si loogu diwaan galiyo dadka kasoo xaqaya magaalada Kismayo. d) Baaq iyo Codsi Waxan dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar haan kuwo jubaland ugu baaqaynaa in ay si aan kala har lahayn u garab istagaan hiil iyo hooba cidamada kala duwan ee dagaalka kula jira kawaariijta taas oo ah fursada kali ah ee dadka soomaaliyeed manta hastaan si ay isaga xoreeyaan khawaarijta. Golaha iyo dadka re-jubalandba waxay mar kale cadaynayaan in madaxweynihii hore oo wali si sharci daro ah ku haysta magaalda Kismayo uusan matalin dadka re-jubaland, sidaas darteed aan marna loola macaamilin inuu yahay Madaxweynaha Jubaland. Goluhu wuxuu madaxweynaha JFS mudane Dr Hassan Sheikh ka codsanayaa in uu taageero himilada dadka re-jubaland oo ah in la qabto sida ugu dhakhsaha badan doorasho hufan oo loo dhanyahay si ay fursad ugu helaan in ay doortaan hogaankooda siyaasada. Waxan ugu baaqayna madaxweynihii hore inuu ka waantoobo xaraashka sharci darada ee joogtaada ah ee ku hayo dhulkii danta guud Sidoo kale Goluhu wuxuu ganacsatada uga digaynaa in aysan ku kadsoomin dhulka danta guud ee madaxweynihii hore sida sharci darada ah ugu xaraashayo dhulkii danta guud. e) Mahad celin Goluhu wuxuu mahad aan lasoo koobi karin u hayaa dowladaha dariska oo ka caawiye DGJ amniga iyadoo la’aanta taageeradooda aysan marna suuro gal noqoteen in manta Jubaland jirto. Sidoo kale Goluhu u wuxuu mahad celinayaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee Jubaland ka taageera arrimaha aminiga iyo adeega bulshada farsamo ahaan iyo maadi ahaan. Dhamaad The post Bayaan xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii mucaaradka Jubaland ee Addis-Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab looga xoreynayo dalka ayaa soo saaray farriin culus oo dardaaran uu ugu gudbiyey kooxdaan dagaalka adag kula jirta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Cabdiqaasin ayaa Al-Shabaab ugu yeeray inay joojiyaan dagaalka oo wadahadal la furan hoggaamiyaasha shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhiigooda ay baneysteen. Wuxuu uga digay in hadii dagaalka ay sii wadaan ay halaagsami doonaan, Ilaaheyna ciqaabi doono markii la dilo, isagoo ugu nasteexeeyey inay ka soo baxaan nolosha cadaawadda ku dhisan oo ay ku jiraan. “Waxaan aad uga xumahay mushkiladda ay Shabaab ku hayaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, Ilaahey wuxuu Qur’aanka noogu sheegay in qofkii dila qof kale uu lamid yahay qof laayey umadda adduunka oo dhan, Al-Shabaab na waxayba laayeen dadkii aan ogeyn,” ayuu yiri Madaxweyne hore Cabdiqaasin Salaad. Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaad sheegataan magaca islaamka, ma noqon, waxaan idin leeyahay dagaalka joojiya la hadla dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, dalkaan isagoo aan dagaal ka jirin ayuu dhibaato qabay ilaa 60-kii, ka daaya dadka dagaalka, wax aad ka heleysaan oo halaag adduun iyo ciqaab aakhiro aan ka aheyn ma jiraane.” Sidoo kale farriin kale oo dardaaran ah u diray shacabaka Soomaaliyeed, “Walaalayaal waxaan idin leeyahay Qur’aanka akhrista, qof kasta inta uu yaqaano afka haku qabto, ilaahey barya oo gacmaha is qabsada, dowladiina garab istaaga oo meel kasta hala idinka arko idinkoo mideysan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiqaasin Salaad Xasan. Wuxuu intaas ku sii daray in mar kasta uu ilaahey u baryo Soomaaliya oo Qur’aan u akhriyo si dhibaatada uu Alle kaga saaro, “Adinka iyo culumadiina hadii aad ilaahey barisaan, dhibaatadaan waa uu naga dul-qaadayaa,” ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweyne hore Cabdiqaasin ayaa Madaxweynaha iyo ciidamada qaranka ku amaanay dadaalka ay wadaan, wuxuu sheegay in ciidamadu ay dagaalka ku guuleysteen, “Sidii loo tababaray ayey ciidamadu u dagaalameen waa guuleysteen allaha garab istaago, waxaan leeyahya ka qabta wixii dalka dhibaato ku ah,” ayuu hadalkiisa ku sii gabagabeeyey Madaxweyne Cabdiqaasin. Hoos ka daawo The post Daawo: Cabdiqaasin oo soo saaray fariimo ku kala socda Shabaab, shacabka iyo ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.
-
Israeli Foreign Minister Eli Cohen plans to normalise relations with Somalia but faces opposition from the Israeli National Security Council, Hebrew media reported on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta howlgalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee militeriga Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay saraakiishaan warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalkaan ku tilmaamay mid lamid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye. “Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka, loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal-jacaylka, dhabar-adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan. Madaxweynaha ayaa saraakiisha ku adkeeyey inay laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta, iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ee hubka qaatay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudo laba bilood ah dagaalka ka hoggaaminaya magaalada Dhuusamareeb oo maanta saraakiishaan uu kula kulmay, saraakiishaan ayaa ka socotay ciidanka GorGor oo ah ciidanka ugu cududa weyn ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan kulan xasaasi isugu yeeray saraakiisha Gor-Gor – Muxuu kala hadlay? appeared first on Caasimada Online.
-
WAR-SAXAAFADEED: Somaliland oo Mar Kale Qaylo-dhaan ka soo Saartay Kooxaha Argagixisada ee ku soo Qulqulaya Laascaanood. Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay in kooxaha argagixisadu ay ku soo ququlayaan Laascaanood. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ay soo saartay Wasaaradda Daakhiliga, kaasi oo u qornaa sudan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood. Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August. Haddaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika. 1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish. 2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Somaliya. 3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle. Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab. Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda.” Qaran News
-
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood. Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August. Hadaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika. 1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish. 2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Somaliya. 3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle. Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab. Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Source
-
Tirada dhimashada ee dhulgariirkii Marooko ayaa hadda kor u dhaaftay 2,900 oo qof kadib dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 uu ku dhuftay buuraha Atlas ee ku yaalla koonfurta galbeed ee magaalada Marrakech Jimcihii. In ka badan 5,500 oo qof ayaa ku dhaawacmey, waana in ka badan laba jeer tiradii hore. Dad badan oo badbaaday ayaa ka cabanaya in dowladda Morocco ayna gargaar la soo gaadhin. Source
-
Faysal C. Waraabe oo si Adag yga Hadlay Sugida Xudduudaha iyo Difaaca Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay mar walba ka go’an tahay xaqna ay u leedahay in ay sugto xuduudaheedda. Waxaanu tilmaamay Eng. Faysal, in xuduudka Somaliland ee dhinaca maamul goboleedka Puntland uu la mid yahay xuduudaha wadamadda kale ee qaaradda Afrika, kuwaasoo dhamaantoodba xuduudkooda ay sameeyeen quwadihii reer Yurub ee gumaysan jiray. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo maanta waraysi uu xafiiska xisbiga UCID kula yeeshay telefishanka Universal, ayaa waraysigaasi kaga haslay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladaha dalka, doorashooyinka, colaadda ay kooxaha Huwantu ka wadaan gobolka Sool, iyo arrimo kale. Eng. Faysal, isagoo ka warbixinayay u jeedadda socdaal uu dhawaan ku tegay jiida hore ee fadhiisinta ciidanka qaranka JSL ee Oog, isagoo xidhnaa ama ku lebisnaa dirayska ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Ciidamadu ama Oog ha joogeen, ama Tukeraq, waa ciidamadii qaranka. Waa kuwa aynu ku seexano difaacoodda, nabad-geliyadda aynu haysano iyagaa inooga wakiil ah. Tan iyo markii ay bilaabantay qul-quladda Laascaanood, xisbu wuu garb taagnaa ciidamadda qaranka in aanu dhiiri gelino caadadayadda ayay ahayd. Markii ay Oog yimaadeena waxaanu tusaynay in aanu weli halkii taagan nahay, oo aanu u hayno kal-gacalkii, iyo taageeradii, oo aanu weliba siii laban-laabayno. Waanan dhiiri gelinayay, dibadda iyo gudaha ba anigoo ka wakiil ah ayaan u tegay, markaa waajib nasaaran buu ahaa”. Eng. Faysal oo la waydiiyay su’aal la xidhiidhay inuu isagu shakhsiyan weligiiba ku doodi jiray in ciidamadda qaranka JSL ay xuduudka dalka si buuxda u sugayaan, bal in imika aragtidiiisii ay wax iska bedeleen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Dal kastaaba wuxuu xaq u leeyahay inuu xuduudihiisa ilaaliyo. Xuduudda Jabuuti, iyo xuduudda Soomaaliyadii Talyaanigu gumaystay, ta NFD ee Kenya, ta DDS ee Ethiopia, intaba waxaa sameeyay quwadihii reer Yurub, sanadkii 1885-kii, teenu wax ay kaga duwan tahay ma jirto. Taa macnaheedu wuxuu yahay xuduudaha Afrika waxba lagama bedeli karo. Cahdiga ururka midawga Afirkana wuxuu dhigayaa in xuduudihii laga dhaxlay gumaystihii reer Yurub, in ay yihiin muqadas. Markaa xuduudkeenu kuwaas ayuu la mid yahay. Markaa sharci inoo diidaya xuduudeena in aynu tagno ma jiro” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID. Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu farriin u diray qurbe joogta reer Somaliland ee dibadda wadanka ku nool, oo uu ugu baaqay in ay difaaca qaranka qaybtooda ka qaataan. Waxaanu ku guubaabiyay qorbu joogta in ay is abaabulaan, isla markaana dalalka ay joogaan ay gaadhsiiyaan fariinta ah in aanay jirin wax la yidhaahdo Sool, Sanaag, iyo Cayn, oo Somaliland ka baxsani Somaliland na ay mid tahay. “Waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland ee dibadda jooga, dibadda ayaa laga dilayaa Somaliland oo been la la taagan yahaye, is abaabula, oo waxaad sheegtaan in aanay jirin wax la yidhaahdo Sool, Sanaag, iyo Cayn, oo Somaliland ka baxsani in aanay jirin, Somaliland na waa mid. Laakiin, xaq baanu u leenahay xuduudkayaga in aanu tagno, waanan tegaynaa insha Allaahu”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID. Dhinaca kale guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay go’aamadii guddiga dhex dhexaadinta, taasoo uu sheegay in ay xisbi ahaan hore u soo dhaweeyeen, isla markaana laga heshiiyay khilaafkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka. “Sidaas darteedna la inooga baahan yahay in aynu soo celino sharaftii ay lahayd Somaliland, isla markaana la sugo xuduudka dalka.” Qaran News
-
Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy ayaa shaaciyay, in aqalku uu billaabayo baadhitaan xilka lagaga xayuubinayo madaxweyne Joe Biden. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya, in tallaabadani ay u muuqato mid cadaadiska siyaasadeed lagaga yareynayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, islamarkaana ra’yul-caamka shacabka u jiheynaya dhanka Aqalka Cad, xilli ay soo dhaw-dahay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadka soo socda. Source
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele iyo Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa maanta la kulmay guddida gaarka ah ee is waafajinta xeerarka doorashooyinka ee Golaha Wakiillada, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxaanay ujeedada kulanku daarnayd is xogwaraysi iyo talo bixin la xidhiidha xeerarka doorashooyinka ee xeer lr 91/2020 iyo xeer lr 14/2011. Kulanka oo muddo saacado ah socday ayaa ku soo dhamaaday jawi degen. Source
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Argagixisada. Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye. “Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Gorgor appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Shub ayaa digniin culus kasoo saaray dhismayaal sharci-darro ah oo laga dhistay aagga Xabsiga Dhexe. Taliye Shub ayaa sheegay in markii hore aagga hadda la dhistay uu ka raray dadkii deganaa, ayna siiyeen dhul kale, hase yeeshe himika dib loo soo dagay dhulkaas oo laga dhistay guryo jiingado ah. “Ninkasta oo markii hore inta ka rarnay dhul ayaa siinay, haddana dooddeeda taagan naga rar ayaa la ileeyahay, shalay ayaa lagu raray oo dhul lagu siiyay sababta aad usoo noqotay maxay tahay? hadda amar waxaa ku qabnaa in la baneeyo,” ayuu yiri Taliye Shub. Taliyaha ayaa siiyay dadkaasi digniin kama dambeys ah, isaga oo faray dadkaasi inay sida ugu dhaqsaha badan iskaga guuraan dhulkaasi, “Meeshii shalay lagu geeyay tag, banee meesha.” Sidoo kale waxa uu amray in guddi sida ugu dhaqsaha badan loo magacaabo, islamarkaana la burburiuyo dhulkaasi, oo hadda ay ka dhisan yihiin guryo ay degan yihiin qoysas badan. “Kaaliyaha waxaa lagu amrayaa in guddi dhaqso ah u magacaaboo lasoo calaamadiyo oo la jabiyo dhulkaas, waxaa la kaashan doona wasaaradda dekeddaha, amarkana sidaas ayuu ku fuli doonaan, anagana waa fulinayna kuwa aan siineyna sidaas ayay ku fulinayaan.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Taliye SHUB oo digniin culus u diray dad dhismayaal sharci-darro ah ka dhistay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaal Takhasusiga ah ee Somali Sudanese ayaa soo agaasimay munaasabad xarigga looga jaraayey Adeeg-Caafimad oo Isbitaalku soo kordhiyey, bulshaduna baahi weyn u qabtay. Isbitaalka ayaa soo kordhiyey qeyb qaabilsan qaliimada, furista, iyo daaweynta Wadnaha. Sidoo kalana Isbitaalku waxa uu keenay qalabkii ugu danbeeyey ee DUNIDA laga isticaalo oo lagu furo Wadnaha, laguna sameeyey dalka Jarmalka. Xafladan furitaanka xanunta cusub ee Wadnaha oo ka dhacday Hotel Jazeera ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Masuuliyiin ka kala socday dowlada, culimada, Isbitaalada Dowlada, Isbitaalada Gaarka loo leeyahay, Bahda Waxbarashada, Ururada Caafimadka, Ganacsatada iyo dhamaan Qeeybaha Bulshada. Masuulinta kala duwan ee Madasha ka hadashay ayaa bogaadiyey qalabkan iyo adeegan Caafimaad ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese soo kordhiyey. Masuuliyiinta ayaa sheegay in bulshadu baahi weyn u qabtay addeegaan, loogana maarmi doono aadistii dalka dibadiisa aheyd taas oo waqti badan iyo kharash badan bulshada uga bixi jirtay. Sidoo kale Dhaqtarka qabanaya howshan ayaa ah Dhaqtar kasoo shaqeyey Wadamo kala duwan sida, Ireland, UK, Germany, Sudan iyo Wadamo kale. Dhaqtarka ayaa Daaweynta WADNAHA ka heysta shahaadada ugu sareeysa caafimaadka Wadnaha. Isbitaalka oo looga bartay Adeeeg Caafimaad oo Tayadiisu sareeyso, 4-tii sano ee ugu danbeeysana noqday Isbitaalka ugu fiican ee gaar loo leeyahay ayaa sanadihii lasoo dhaafay looga bartay soo kordhinta adeegyo iyo qalab-caafimad oo dalka dibadiisa loo adi jiray. The post Sawirro: Isbitalka Somali Sudanese oo furay xarunta qaliimada iyo daweynta Wadnaha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya. Sanduuqan ayaa waxaa hirgelintiisa dowladda federaalka Soomaaliya ka taageereyso dowladda Talyaaniga, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay xukuummada Dan-Qaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya. Sidoo kalr waxa uu Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS. Mudane Xamza ayaa waxa kale oo uu beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro-dhala. Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isna munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro. Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabba-gelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed. Munaasibadda daah-furka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, diblomaasiyiin, qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta. Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya. The post Sawirro: Xamza oo maanta daah-furay sanduuqa TPSS appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka maanta oo ajendihiisu ahaa ansixinta hindise-sharciyeedka Qaxootiga Qaranka iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwo Bashiir oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union). Marwo oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, ayada oo sidoo kale ka codsatay golaha taageero, midaasi oo maanta loo meel-mariyay Kursiga ay u tartameyso Marwo ayaa waxay Soomaaliya uga faa’ideysan kartaa arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda iyo go’aano masiiri u ah dalka, sida ay warbixinteeda ku sheegtay Xildhibaannada. Xildhibaannada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay in loo qaadhaamo oo lacagana loo jaro Marwo, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in gabadh Soomaaliyeed yeelato han ay ku metesho guud ahaan Afrika ama umadda Soomaaliyeed. “Aan u istaagno oo garab galno walaasheen, inta yar ee la sheegay gabadha aan ku taageerno markay tartameyso aan garab istaagno oo qofkii bixi kara aan dadaalno in agteeda istaagno,” ayey mid kamid ah Xildhibaannada haweenka ah ee golaha. Guddoonka ayaa cod galiyay in Marwo gunnada Xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar oo taageero, taasi oo cod aqlabiyad ah ku meel-martay, mana jirin mudane diiday ama ka aamusay. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ogolaadey in gunnada xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar xildhabaannad Marwo oo u sharaxan madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. “Xildhibaannada sharafta leh kooramkeena waa 141 mudane, aamus majiro, diidana majirto sidaas daraadeed waxaa la go’aamiyay in Xildhibaannad Marwo ku taakuleyno min laba boqol oo jeebkeena waana ansax, waa mahadsan tihiin.” The post Marwo oo taageero horleh ka heshay BF xilli u sharaxan tahay kursi muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-gal saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed. Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl-galkaas lagu qaarijiyay madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale. Ninkaan ayaa waxaa uu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay deegaano ay kamid yihiin Cadegow, Garaar, Warta Doolar, Weley Bagaal iyo tullooyinka Ey-Duraay ee gobolka Baay, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale waxay sheegtay in madaxii maaliyadda ee gobolka Baay u qaabilsanaa Al-Shabaab lala dilay horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, inkasta oo aysan shaacin magacyadooda. “Howl-galkaan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada kala ah Adeegow Garaar, Warta Dollar, Weeley Bagal iyo deegaanka Eey-Duuraay ee gobalka Baay.” “Dharbaaxo culus oo soo gaartay howlaha sharci darrada ah ee Shabaab-ka ka wadaan gobolka Baay,” ayey natiijada howl-galkaan ku tilmaamtay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya. Isla maanta ayaa sidoo kale howl-gal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa caalamiga ah, kaasi oo lagu khaarijiyay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe iyo xubno kale. Duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay. Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si dardar leh ku wada dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo taageero ka helaysa saaxiibada caalamka oo iyagu fuliya duqeymaha dhanka cirka. The post DF oo shaacisay in la qaarijiyay madaxii Shabaab u qaabilsanaa… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddida is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Maxkamadda Sare Iyo Guddida Diiwaan-gelinta Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa maanta goobo kala duwan ku yeeshay Fadhiyadoodii 12aad iyo 13aad. Guddida ayaa Fadhigii 12aad oo ay ku yeesheen xarunta golaha la kulmay Guddida Diwaan gelinta Ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka. Sidoo kale waxa ay Guddidu la kulmeen Maxkamada Sare ee Somaliland kula kulmeen Guddoomiyaha maxkamada sare iyo kuxigeenkiisa iyo waliba xubno kamid ah garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah ee dalka. Fadhiyadani oo shir gudoominayay Guddoomiyaha guddidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi ayey guddidu kulamadaasi ku urursadeen talooyin kala duwan. Qaran News
-
Sheekh Dirir oo soo Jeediyay Xalka Dagaalka Laascaanood Hargeysa(Qaran news)- Sh. Maxamed Cumar Dirir ayaa ku baaqay in xalku ku jiro in la joojiyo dagaalka Laascaanood. Sheekh Dirir wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu ku bixiyay dalka dibadiisa. “Markii wax dhaceen intayada dhinacan joogtaa waanu la xidhiidhnay, aniga iyo sheekh Mustafe dadka masuuliyiinta ah ee uu Qaraarku ka go’o mar iyo lababa sidii loo joojin lahaa arrinkaa doorkeedana waanu qaadanay,”ayuu yidhi Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir. Sheekha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ilaa saddex afar jeer ayaanu ka hadalney in aanu dhiiga qofka muslimka ahi banaanayn in la daadiyo”. Sheekhu wuxuu si gaar ah u dul istaagey arinta ka taagan xaalada Magaalada Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi. “Arrinta imika jirta burbur baa dhacay, dhimashaa dhacdey, dhaawacbaa dhacay, waaxeeni uunban go’ay. Dadka shisheeye waxaa laga yaaba in ay yidhaahdaan si guud immisaa dhintey, arinkaa innagu wada dhacay waxaa muhiim ah in aan lasii wadin.” Sheekh waxaa la waydiiyey waxaa xalka u noqon kara colaada halkaasi ka taagan waxaanu ku jawaabay. “Waa in aan lasii wadin dagaalkaasi oo la joojiyo, dadka acyaanta ahina waa in ay ka hawl galaan darafyaduna waa in ay soo dhaweeyaan.” Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoonka guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa lagu doortay magaalada Garoowe, ayada oo loo doortayna xubno si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Deni ee la yiraahdo KAAH. Sidoo kale waxaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka loo doortay Axmed Maxamuud oo isaguba ka tirsan xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Guddigan oo dhismihiisa uu buuq xooggan ka dhashay ayaa haddana waxay arrintaan uga sii dari doonta kalsoonida lagu qabi karo, maadaama mucaaradka sheegeen in Saciid Deni uu qorshe muddo kororsi ka leeyahay doorashooyinka qof iyo cod ee u ololeynayo. Dhinaca kale, waxaa maalintii shalay aheyd guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland uu dood ka yeeshay in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowlada ee maamulka. Dooddan ayaa timid kadib markii xubno kamid ah guddiga joogtada ah ee Baarlamanka ay soo jeediyeen in dowladda loo sameeyo muddo kordhin 2 sano ah. Xubnahaan ayaa soo jeedintooda ku lifaaqay sidii xukuumadda ay u heli laheyd waqti ku filan, si loo dhammaystiro hannaanka doorashada qof iyo cod. Hase ahaatee waxaa markii dambe guddiga isla qaatay in doodddaas dib loo dhigo inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku maqan safar dibadda ah, lana filayo inuu dhawaan kusoo laabta Garoowe. Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taasi oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni. The post Xubno ka tirsan xisbiga DENI oo loo doortay guddoonka guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo Sida Fiinta uga Qayliyay Garoon la Faasaxay Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in la faasaxay oo la iibiyay qayb ka mid ah garoonkii kubadda cagta ee Dhalinta oo laga dhex dhisayo garoon kubadda kollayga ah oo cid gaar ahi leedahay. Sidaasna wuxuu ku sheegay Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi qoraal uu ku qoray Facebookgiisa, wuxuuna yidhi “Garoonkan haddii uu gacanta dadkeenna ka baxo waa in la fishaa wax kasta degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo Gacma-dheere garoon intaas ayay haystaan.” Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Danta guud ummaddu ha midowdo oo ha ilaashato.$65000 dhallinyaradaa ka qaalisan.” “Garoonka dhalinta Kacaanku uma qaybsamayo kubadda cagta iyo kubadda Kolleyga oo marka horeba wuu ku yaraa kubadda cagta,”ayuu yidhi Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi. Qaran News
