-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda Dhowrista xogta dadweynaha ee dowladda Ireland u qaabilsan dhowrista sharciyeynta iyo sharci-mairinta shirkadaha internetka iyo baraha bulshada ayaa ku xukumay shirkada TikTok ganaaxii lacageed ee ugu sarreeyay abid. Lacagta lagu xukumay TikTok ayaa gaadheysa sadddex boqol iyo kontan milyan oo doolar. Xukunka ayaa ka dhashay dacwad la xidhiidha sida ay shirkadu u maareysay xogta carruurta da’da yar ee adeegsata TikTok iyo sida ay xogtaas u istimaashay shirkada. Waxaa sidoo kale lagu heystaa TikTok inay xogta iyo baraha carruurta da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 17 jir ay ka dhigtay mid dadka oo dhan u furan, oo wixii ay soo daabacaan uu arki karo qofwalba. Dowladda Ireland ayaa adeegsatay xeerka Midowga Yurub ee tilmaamaha sida ay tahay in loo maareeyo xogta dadweynaha ee Internetka. Afhayeen u hadlay Shirkada TikTok ayaa sheegay in ayna aqbalneyn go’aanka iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday. Source
-
Diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Ruushka, oo lagu kala magacaabo Jeffrey Sillin iyo David Bernstein, ayaa lagu amray inay iskaga baxaan dalka Ruushka . War ay so saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in diblomaasiyiintan ay muddo 7 maalmood gudahood ah ah ay Ruushka uga baxaan. Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sillin iyo Bernstein “waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah” waxayna xidhiidh la sameeyeen shaqaale hore oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Vladivostok, Robert Shonov, kuwaasi oo ay sirdoonka Ruushka ku eedeyeen ururinta macluumaadka ku saabsan howlgalada ciidamada Ruushka ee Ukraine. Robert Shonov ayaa ka shaqeynayay safaaradda Mareykanka ee Vladivostok in ka badan 25 sanno ilaa Ruushka uu amar ku bixiyay in ceyriyo sanaddii 2021-ka. Source
-
Suuqii ganacsi ee ugu waynaa Somaliland ee Tog-Wajaale ayaa goor dhawayd dab xooggan qabsaday Dabka ayaa wararku sheegayaan in uu si xawli ah ugu fidayo dhammaan qaybaha kala duwan ee suuqa islamarkaana la xakamayn la’ yahay. Gaadiid dabd-demis oo Hargeysa iyo Jigjiga ka soo gurmaday ayaa gaaray magaalada balse waxa ay u muuqataa in dabku ka baaxad weyn yahay. Dadka ku sugan Wajaale ayaa ku warramaya in khasaaraha dabka uu yahay mid weyn ilaa haddana uu socdo dabku. PUNTLAND POST The post Dab xooggan oo qabsaday suuqii magaaladaTog-wajaale ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗨𝗖𝗜𝗗 𝗢𝗼 𝗞𝗵𝘂𝗱𝗯𝗮𝗱 𝗨 𝗝𝗲𝗲𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗿𝗮𝗺𝗮 Dhallinyarada Boorame oo Su’aalo ku Boobtay Faysal C.Waraabe Boorame(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa habeenimadii xalay waxaa uu khudbad u jeediyay qaar ka mid ah dhalinyarada magaaladda Boorama. Waxaana madashaasi ka soo qeyb-galay, qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Awdal, iyo dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee jaamacadaha ka qalin jebiyay iyo dadweyne kala duwan. Sidoo kale waxaa madashaasi isna khudbad ka jeediyay aqoon yahan Axmed Muxumed Cumar. Khudbadahan ay jeediyeen masuuliyiintani ayaa ku tacalluqday taariikhda Somaliland, marxaladda hadda la marayo iyo waxa shacabka Somaliland la gudboon. Dhalinyarada ayaa su’aalo waydiiyay guddoomiyaha xisbiga UCID, iyadoo gudoomiyuhuna uu su’aalahaasi dhamaantoodba ka bixiyay jawaabo waafiya. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo duubay muuqaal cusub, isaga oo dalab culus u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga daweynaha ayaa ka hadlay muhiimada uu aqoonsigan u leeyahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta amniga, sare u qaadida maamul wanaaga dowliga ah iyo ganacsiga. Waxa uu sheegay in kaarkan uu miihiimad u leeyahay qof kasta oo Soomaali ah, sidoo kale uu door weyn ka qaadanyo sugidda amniga dalka oo dhan. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed wuxuu yeelanayaa lambar aqoonsi ah oo loo yaqaano, aqoonsi la’aantu dhib badan ayay nagu haysay, maantana daruufaha noogu adag waa daruufaha dhanka amniga” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa kale oo uu yiri “Qof kasta oo midabkeena leh afka Soomaaliga ahna ku hadla macnaheeda ma’aha inuu Soomaali yahay, midabkeena Ummado leh noo qaab eeg aan nagala aqoonin ayaa adduunyada ku nool, afkana waa la bartaa luqadda”. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay wada qaataan aqoonsiga, isaga oo sheegay inuu yahay mid lagama maarmaan ah. “Walaalaha Soomaaliyeedow meel kasto oo aad joogtaan lagama maarmo aqoonsiga aan yeelano aqoonsiga oo aan usoo deg-degno dhammaanteen” ayuu mar kale yiri. Qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha ayaa waxaa maanta si rasmi ah u daah-furay raa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdii Barre, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16 September oo maanta ku beegan. “Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo kkhudbad ka jeediyay munaasabadda. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal arrin ka codsaday SHACABKA appeared first on Caasimada Online.
-
War degdeg ah: Bacadlihii Suuqa Wajaale oo dab Qabsaday Wajaale(Qaran news)- Suuqa Wajaale ayaa caawa dab weyni ka kacay, kaasi oo laf dhabar u ah dhaqaalaha Somaliland. Ilaa imika dabkaasi lama bakhtiin waxana socda gurmad xoog leh oo lagu daminayo dabkan. Sidoo waxa isna gurmad xoogle oo ka mid ah ciidanka debdamiska Hargeysa ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada Wajaale. Waxa gubanaya suuqa bacadlaha oo ay ku yaaleen kumanaan meheradood oo kala duwan. Qaran News
-
Ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Qodqod, kaas oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda. Hawlgalkaasi lagula wareegay deegaanka ayaa dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Al-shabaab ah, kadib markii deegaanka uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka huwanta ah iyo xubno ka tirsan Al-shabaab. Deegaanka ayaa la sheegay in sidoo kale ay ka dhaceen duqeymo xooggan, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee taageera ciidanka dowladda, deegaanka ayaa waxaa ku sugan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo taageeraya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dufcadii 1-aad ee Jabhadii Gacan-libaax oo lagu Wareejiyay Ciidanka Qaranka oo lagu Qaramaynayo Hargeysa(Qaran news)-Suldaan Axmed Cismaan (Caddo-gude) ayaa sheegay qayb ka mid dhalinyaradii jabhadii buurta Gacan libaax uu ku wareejiyay ciidanka Qaranka JSL. Suldaan Caddogude wuxuu sheegay inuu sida ugu weyn ugu mahadcelinayo dhallinyaradaas oo uu xusay inay baaqiisii ajiibeen. Waxa kaloo uu sheegay in dhallinyaradaasi ay dufcadii koowaad uu ku wareejiyay ciidanka qaranka oo ay toos u tagi doonaan dugsiga tababarka ee Beder-wanaag. Sidoo kale waxa goobtaas ka hadlay Axmed Ilkacase oo ka socday saraakiisha ciidamada qaranka, waxaanu sheegay inay dhallinyaradaas la wareegeen oo lagu qaramaynayo ciidanka Qaranka. Qaran News
-
Warsaxaafadeed:Xukuumadda Somaliland oo Cambaaraysay Xildhibaanno ka tirsan Soomaaliya oo ku soo xadgudbay Xudduudaha Dalka Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cambaaraynaysaa socdaal ay dhawaan xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo maamul goboleedka Puntland ka tirsan ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Jamhuuiryadda Somaliland. Booqashadani waa daandaansi cad oo meel ka dhac ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland, iyada oo socdaalkani xad-gudub ku yahay qaranimada Somaliland, isla markaana wiiqaya nabadda iyo xasilloonida Gobolka. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay marar badan caddaysay in colaadda Laascaanood ay dad aan u dhalan deegaanka Laascaanod oo shisheeye ahi ay huriyaan si ay khalkhal u galiyaan xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo doonaya in ay sameeyaan soohdimo qabiilnimo ku dhisan si ay Meesha uga saaraan xuduudaha la yaqaano ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahay oo ay Qaaradda Afrika ku heshiisay in la dhawro. Daandaansiga ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay halis gelinaysaa xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika oo muhim u ah xasiloonida caalamka. Xukuumadda Somaliland waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madaxbanaanideeda, qaranimadeeda, iyo nabad-gelyada mandaqada ay ku taallo. Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay khataraha ka iman kara kooxaha argagagixisad ee Al-shabaab iyo xulafadeeda oo isku balaadhinaya magaalada Laascaanood iyaga oo qorsheynaya in ay saldhig cusub ka samaystaan gobolka Sool taasi oo khatar weyn ku ah Geeska Africa fududaynaysana in ururada argagixisada ah ay sii xoojiyaan falalka xagjirnimada iyo amni darada ah ee ay gobolka ka wadaan. Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland cid kasta oo khatar ku ah Somaliland iyo Geeska Afrika. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaal ay galabta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka Khawaarijta Al-Shabaab uga xoreeyeen deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug. “Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadawga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday labo gaari iyo hub badan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira hawlgalka sifeynta ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana galabta halkaas ka dhacay dagaal aad u culus. “Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka,” ayaa lagu qoraalka dowladda. Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.” Ciidamada deegaanka oo kaashanaya kuwa dowladda oo ka baxay degmada Baxdo iyo deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod. Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen. Dagaalkaan waxaa qeyb ka ahaa diyaaraha dagaalka oo duqeymo dagaalka tooska ah barbar socday u geystay kooxda Al-Shabaab ee lagu weeraray Qodqod. Dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ayaa xoogeystay maalmahaan, waxaana xoogga la saaray deegaanada ay ka joogaan Mudug, ciidamo kale oo ka soo baxay Wasil oo maalmo ka hor xoreeyey deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa kaabiga ku haya magaalada Bacaadweyn. The post Dowlada oo shaacisay tirada Shabaabkii la laayey galabta appeared first on Caasimada Online.
-
Baxdo (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qodqod oo u dhow magaalada Camaara ee gobolka Mudug. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa deegaankaas ku weeraray Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus. Dagaal culus oo maanta duhurkii soo bilowday kadib, Geesiyaasha xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoos taga magaalada Camaara. “Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ee ku jira howlgalka sifaynta Khawaarijta ee Galmudug ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka ciribtirka Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda. Ciidamada deegaanka oo ka baxay degmada Baxdo ilaa deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod. Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen. Dagaalkaan waxaa qeyb ka ahaa diyaaraha dagaalka oo duqeymo dagaalka tooska ah barbar socday u geystay kooxda Al-Shabaab ee lagu weeraray Qodqod. Dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ayaa xoogeystay maalmahaan, waxaana xoogga la saaray deegaanada ay ka joogaan Mudug, ciidamo kale oo ka soo baxay Wasil oo maalmo ka hor xoreeyey deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa kaabiga ku haya magaalada Bacaadweyn. The post Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Qodqod oo galabta laga xoreeyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ciimadda ammaanka ee xasilinta magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir lagu qabtay gaari qaraxa ah, kaas oo saraakiisha ciidanku ay sheegeen in la doonayey in la soo galiyo caasimadda sida wararku sheegayaan. Ciidamadda dowladda ayaa sidoo kale xusay in gaarigaan gacanta lagu dhigay kadib markii wada shaqeyn ay dhexmartay ciidanka ammaanka iyo kuwa deegaanka, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sidiiq Doodishe. Gaashaanle Doodishe ayaa xusay in Gaariga ay saarnaayeen illaa toban jirgaan oo ah nuca labaatanlayaal ah oo ay ku jiraan baaruuda loo isticmaalo qaraxyada ee loo yaqaano “TNT”, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaariga, Gaashaanlaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in lagu qabtay gaariga uu watay “labo taargo oo ah kuwa ay isticmaalan dowladda goboleedyada dalka, wallow uusan sheegin magacyada labada maamul goboleed Sidiiq doodishe oo sheegay xogta gaarigaan. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ammaankeeda gacanta ku haya ciidanka Boliis Milatariya, kuwaas oo wax badan ka bedelay ammaanka magaalada, waxaana. Xilli dowladdu sheegtay in hoos loo dhigay qaraxyadii ka dhici jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saylici oo Furay Wershad soo Saaraysa Bacaha la fal-galaysa Deegaanka Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa xadhiga ka jaray Wershada Badbaado Deegaan ee SOMBAGS oo soo saari doonta Bacaha la falgala Deegaanka.Madaxweynaha ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xadhiga ka jaray wershadaas oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu goob ka yahay warshad soo saaraysa bicihii dhibaatada ku hayay degaanka iyo bulshada beddelkoodii, waxaanu soojeediyay in la joojiyo bacaha halista ku ah, degaanka, xoolaha iyo dadkaba, isla markaana la dhiirigeliyo warshad soo saaraysa bacaha la falgalaya ciida, waxaanu xusay in ciddii lagu qabto iyada oo dalka dibeddiisa ka keenaysa baco la ganaaxi doono lagana gudbi doono. Wasiirka degaanka iyo isbeddelka Cimillada ayaa Ganacsatada warshadan hirgelisay ku boorisay inay xil iska saaraan sidii ay uwada dabooli lahayd baahida dalka ee helitaanka baco ku filan, si looga maarmo ta dalka dibeddiisa ka imanaya, waxaanay tilmaantay in bacaha ay soo saarayso warshadi yihiin kuwa cimrigoodu gaban yahay isla markaana la falgalaya ciidda. Ka sooqaybgalayaashi munaasibada daahfurka warshadan ayaa boggaadiyay ganacsatada ku dhiiraday hirgelinta wershadani. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran. “Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii labaad oo xiriir ah uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, iyada oo ay arrintaasi saameyn ku yeelatay dadka rakaabka ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay inay hakad ku jiraan dhammaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka Baledweyne, isla-markaana aysan jirin wax diyaarad ah oo kasoo dagay ama ka duulay garoonka shalay iyo maanta. Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in hadda kaliya garoonka Ugaas Khaliif ay adeegsanayaan diyaaradaha yaryar ee ay isticmaanaa ciidanka ATMIS. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in arrintan ay timid, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf ka dhashay lacagaha canshuuraha ee kasoo xarooda garoonka Ugaas Khaliif, ayna isku qabteen madax ka wada tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafka ayaa wuxuu soo kala dhexgalay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee maamulkaas, Muuse Salaad oo isku qabtay canshuuraha garoonka. Labada mas’uul ayaa ka soo wada jeeda gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, wuxuuna dagaalkooda sababay inay istaagto guud ahaan shaqadii garoonka. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee fadhigoodu yahay Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in khilaafkan uu saameeyay shaqadooda, wuxuuna baaq u diray dowladda federaalka iyo HirShabelle, isaga oo ka dalbaday inay soo farageliyaan arrintaasi. Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo uu garoonka diyaaradaha Baledweyne u xirmo muruno soo kala dhex-galay maamulka gobolka ama kan HirShabelle, ayada oo marar badan sidaas oo kale loo xiray garoonka oo ay ku xiran hyihiin dadweyne badan. Hiiraan ayaa waxaa hadda ka jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo xiisaddii kala dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte, taas oo aan weli xal laga gaarin. The post XOG: Sababta keentay inuu xirmo garoonka Beledweyne? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u Furay Bahda Caddaaladda Hargeysa ,(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL, mudane Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa maanta tababar u furay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, Ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska, Qareenno iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda. Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu daaran tahay xoojinta hirgalinta xeerarka maaliyada, waxaana bixin doona khuburo aqoon durugsan u leh xeerarka maaliyada iyo shareecadda Islaamka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda. Sidoo kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa hoosta ka xarriiqay in horumar baaxad leh laga sameeyay dhanka dacwadaha cashuuraha. Gaba-gabadii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in Waaxda Garsoorku marka horeba ay ku shaqayn jirtay xeerarkani, hase yeeshee hadda ay ka faa’iidaysan doonaan is-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerarka, isla markaana ay si faah-faahsan u guddo gali doonaan muddada uu socdo. Qaran News
-
Ciidanka Booliska oo Qabtay 102 Tahriibe oo Itoobiyaan ah Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil ayaa hawl-gal ay fuliyeen waxa ay ku soo qabteen 102 tahriibayaal Itoobiyaan ah u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasi oo sifo sharci daro ah looga dhoofinayay deegaanka Ceel- dhamasle oo ilaa 50-km dhinaca bari ka xiga magaalada Berbera. Tariibayaashan u dhashay dalka Itoobiya waxa xogtooda bulshada la wadaagay taliyayaasha laanta Socdaalka iyo taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil, waxa ay sheegeen in tahriibayaashan lagu qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka booliska ee gobolka Saaxil. Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkani ay yihiin kuwa muqaal ahaan duruufo badani ka muuqdaan oo aad u jilicsan, waxa ay intaas ku dareen in safarka ay ku yimaadeen degaankan laga tahriibinayay uu ku qaatay muddo bil ah. Laamaha ammaanka ee gobolka Saaxil ayaa sheegay in dadkan tahriibayaasha ah lagu celin doono dalkoodii, 102 qof ayaa ka kooban 76 rag ah iyo 26 dumar ah kuwaasi oo rabay inay u tahriibaan dalka Yamen iyo Sucuudiga. Gaba-gabadii laamaha ammaanka gobolka Saaxil ayaa diginin u diray cidkasta oo ku shaqo leh arrinta tahriibinta dadka, waxaanay fareen inay ka waantoobaan, ciddii lagu helana sharciga la horgeyn doono. Qaran News
-
Golaha Guurtida oo Fasax Dheer ka Galay Xeer Muhiima oo ku soo Wajahnaa Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta mudanayaasha Golaha ku wargeliyey inay galaan fasax bil iyo badh ah xili ay xaalado xaasaasi ahi ka jiraan dalka. Xilligan oo golaha wakiilladu ku gudo jiraan is wafajinta xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee dhawaan ay go’aamadii xalka ahaa ka soo saareen ergo ka socotay beesha bariga Burco. Iyadoo xeerkani uu Wakiillada kadib iyaga u gudbi doono. Sidoo kale Golaha Wakiillada ayaa si jiitan ku jiro u wada xeerka doorashooyinka iyo is waafajinta labada doorasho. Waxana Guddoomiye Faratoon u saaray Guddi ilaa imika ku mashquulsan talo urursiga la xidhiidha xeerkan oo ay la yeeshern xisbiyada, ururrada siyaasada, ururrada bulshada rayidka ah, komishanka doorashooyinka iyo xubno kale oo ka tirsanaan jiray Guddiyadii hore ee doorashooyinka. Qaran News
-
African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE African Development Bank Group, Korea sign $28.6 million in grant agreements to support Africa’s development The funding complements $600 million in co-financing under the Korea-Africa Energy Investment Framework, agreed with the Korean government in 2021 Access Multimedia Content BUSAN, Republic of Korea, September 14, 2023/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) and the Government of Korea on Wednesday signed two agreements for financial support to boost Africa’s development agenda. The value of the financing is $28.6 million. The funding complements $600 million in co-financing under the Korea-Africa Energy Investment Framework, agreed with the Korean government in 2021. The framework supports African countries to build human capacity and develop their energy sectors. The agreements were signed in Busan, during the 7th Korea-Africa Economic Cooperation Ministerial Conference (KOAFEC), which is being co-hosted by the Bank and Korea. KOAFEC opened on Tuesday. The new funding will primarily support energy access, agricultural transformation, and knowledge and capacity-building across a number of African countries. The amount will be disbursed to the African Development Bank Group in three instalments: $4.6 million in 2023, and $24 million in 2024 and 2025. African Development Bank Group President Dr Akinwumi Adesina, and Korea’s Deputy Prime Minister and Minister of Economy and Finance, Kyungho Choo, signed the first agreement for $28.6 million. Choo described Korea as “a true partner for African countries”, adding that the government would do its best to contribute to Africa’s sustainable growth and development. Adesina said Korea’s additional funding was timely, especially as the nation celebrates the 40th anniversary of joining the African Development Bank. He commended the government for its commitment to a strong partnership between the African Development Bank and Korea. “Korea’s relationship with Africa is unique,” Adesina said. “There is a lot to learn from Korea which moved from a poor country relying on aid, to a donor country within a single generation,” he added. The second agreement, between the African Development Bank and Statistics Korea, will strengthen statistical cooperation and enhance the capacity of African countries to produce quality data. African Development Bank Chief Economist and Vice President Kevin Urama, and Commissioner of Statistics Korea, Hyoung il Lee, signed the agreement on behalf of their institutions. According to officials, under the agreement with Statistics Korea, an agency under the Ministry of Economy and Finance, the two institutions will work together to raise statistical awareness and share new data sources and methods to improve statistical quality, including big data. The agreement document identifies areas for possible cooperation, such as the African Development Bank’s Africa Information Highway for evidence-based decision-making. The Africa Information Highway is a mega-network of live open data platforms electronically linking all African countries and 16 regional organisations. African Development Bank’s figures indicate that the Korea-Africa Economic Cooperation Trust Fund (https://apo-opa.info/3RlHwvi) is the largest of the Bank’s active bilateral trust funds in terms of contributions received and portfolio size. The fund which had received $108 million in contributions as of 31 December 2022, has financed 203 projects since its inception. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
-
Wasaaradda Daakhiliga oo ku Qabatay Burco Tababar ku saabsan Diiwaangelibta Ganacsiyada Burco(Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa Magaalada Burco ku qabatay Tabobar ku saabsan xidhiidhka Ganacsigayada sida loo diiwaangeliyo, Liisamada, Cashuuraha iyo adeegyada kale. Tabobarkan Diiwaan gelinta ganacsiga iyo liisamada ganacsiga ayaa mudada uu socdo lagu lafa-guri doonaa arrimaha Diiwaan gelinta ganacsiga iyo liisamada ganacsiga, waxaana tabobarkan soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho in ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa xasilinta ay gacanta ku dhigeen gaari Tayota Landcruiser, isla markaana Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi), kaas oo lagu soo raray walxaha qarxa. Afhayeenka ayaa xusay in gaarigan lagu qabtay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho, ayada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay ninkii waday. Sadiiq Doodishe ayaa xusay in gaari uu sidau jiirgaaman ay ku jiraa baaruuda loo yaqano TNT ee isticmaalo qaraxyada, isla-markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka. “16/Sep/2023, ciidamada ammaanka ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir, waxay gacanta ku soo dhigeen gaariga aad aragtaan ee gadaasheyda ka muuqda, gaarigaas oo nuuciisu yahay Tayota Landcruiser (Layla Calaawi), kaas oo ay Khawaarijtu ku soo raratay 10 Jirgaan oo ay ku jiraan baaruuda loo yaqano TNT ee qaraxyada loo isticmaalo iyo eedeysanihi waday’ ayuu yiri afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan laamaha amnigu ay wadaan baaris ku aadan gaarigaan, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ku howlanaa soo gelinta caasimada. “Waxaa hadda ku socota baaris waxaan la horgeyn doonaa cadaalada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab. “Howlgalladuu waa sii socon doonaan, dalkana waa laga sifeyn doonaa xilliga ugu dhow Soomaaliya waxay noqon doontaa dal ka caagan Khawaarijta” ayuu mar kale yiri. Horay sidaan oo kale ciidamada ammaanka ayaa fashiliya baabuur ay qaraxyo kusoo rareen Al-Shabaab, kuwaas oo labada todobaad lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile. The post Daawo: Gaari siday walxaha qarxa oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhadii buurta Gacanlibaax ayaa maanta hubkii ku wareejisay gudiga beelaha West Burco Clan. Ciidamadani oo ah xoogii jabhada ku jirtay buurta Gacanlibaax ayaa wada hadal mudo dhowr todobaad qaatay ayaa ay maanta si rasmi ah ugu qanceen odayada dhaqanka ee beeshooda. Jabhadani waxa ka dhex muuqda rag aad u culus oo ka mid ahaan jiray jabhadii SNM, kuwaasi oo leh khibrad milatari oo culus. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay tallaabo yaab leh oo uu maanta qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) adib markii uu magacaabay wakiil gaar ah oo maamul goboleedkaas u qaabilsanaan doono dalka Kenya. Xilkan cusub ayaa waxaa loogu magacaabay Sadik Abdullahi Bogale, kadib wareegto kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. “Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya” ayaa lagu yiri wareegtada. Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay”. Si kastaba, Kenya ayaa haatan xiriir hoose oo xoogan laleh dowlad goboleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageerto, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismaheeda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taageereyo Axmed Madoobe. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga horyimid arrintan, waxayna sheegeen in dalku leeyahay dowlad dhexe oo mas’uul ka ah xuduudaha dalka oo dhan iyo sidoo kale siyaasadda lagu wajahayo arrimaha dibadda. Iftin Barre oo kamid ah dadkaas ayaa si weyn iuga digay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna yiri “Waxaas sharci ma’ahan ka joog Axmadow”. Xasan Mukhtaar ayaa isna ku jawaabay “Oo Jubbaland federaal ka miyay ka madax banaan tahy? Wasaaraddii arrimaha dibadda shaqadeedii miyuu qabanayaa?”. Maxamuud Maxamed ayaa arrintan uga falceliyay “Waxa dowlad miyaa ? mise maamul ka tirsan dowlad dhexe?”. Nimcaan Aadan ayaa usaguna su’aal ka keenay waxa uu qabanayo ninka la magacaabay “Markaa muxuu Kenya ka dhex qabanayaa?” ayuu ku yiri falcelintiisa. Siyaad Nuur ayaa dhankiisa taageeray tallaabadan “Tilaabada Jubbaland waan soo dhaweynayaa”ayuu qoraalkiisa ku yiri. Xamza Killeh ayaa isna yiri “Axmadow, wadanka ka daa ciyaarta safaarad iyo wasaarad ayaa shaqo ku leh arrimahaas”. Ibraahim Xaaji ayaa sidoo kale isna tuhun ka muujiyay magacaabistan “Danaha Kenya si gaar ah ha u fuliyo miyaa?” ayuu yiri. The post Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabadii yaabka lahayd ee Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
