Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The president of Somalia’s Galmudug regional state was unhurt but two federal lawmakers were wounded when a bomb-laden car exploded in a central Somali village Friday, according to witnesses and officials. Source: Hiiraan Online
  2. Agaasimaha Xidhiidhka Goleyaasha oo ka Qaybgashay Madal ay ku Aflaxayeen arday Baratay Farsamada Gacanta Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa ka qayb gashay Munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay farsamada gacanta. Ardaydan oo ahayd dufcadii labaad ee wax ka barata dugsiga Yool Skill oo lagu barto farsamooyinka gacanta qaybahooda kala duwan, guddoomiyaha dugsiga Yool Skills Cabdifataax Siciid, ayaa sheegay in dugsigan lagu barto xirfado kala duwan, waxaanu tilmaamay in dugsigan ujeedka loo aas aasay uu ahaa si looga jawaabo baahiyaha farsamada gacanta ee dhallinyaradda haysata. Qaar ka mida ka qayb galayaashi Munaasibadii ardaydan loo sameeyay ayaa u hambalyeeyey ardaydan ka qalin jebisay dugsiga Yool, waxaanay kula dardaarmeen in ay aqoontooda kor usii qaadaan. Gaba-gabadii agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa kula dardaarantay ardaydii ka qalin jebisay dugsigan Yool in ay aqoontooda kor u qaadaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan aqoonta farsamada gacanta ee ay barteen. Qaran News
  3. Guddoomiyaha Jaamacada ADMAS Muxuu ka Yidhi Ardaydii ka soo Aflaxday Dugsiyada sare Hargaysa (Qaran news):- Guddoomiyaha jaamacadda Admas faraceedda magaaladda Hargaysa, ayaa hanbalyeeyay dhamaanba ardayda ku guulaystay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland. Xuseen C/laahi, waxa kaloo uu hambalyo iyo bogaadin u diray waalidiinta, iyo macalimiintii ku soo tabcay aradyda dhamaysatay waxbarashadda dugsiyada sare, iyo dhexe. Waxaanu yidhi “Waxaan hanbalyo iyo duca ba u dirayaa guud ahaanba ardayda ka qalin beselatay dugsiyadda sare ee dalka, ee isku diyaarinaya in ay jaamacadaha galaan, iyo ardayda ka qalin bedelatay dugsiyadda dhexe ee fasalka 8aad, ee iyagu na isku diyaarinaya in ay galaan dugsiyadda sare” “Waa midho muddo dheer lagu soo tabcayay, waxaanay bahda waxbarashadda Somaliland u tahay faan iyo guul. Ardayda dugsiyadda sare ka soo baxay oo noqonaya tiradii ugu badnayd oo ah 14 kun iyo dheeraad” ayuu yidhi guddoomiyaha jaamacadda Admas faraceedda Hargaysa. Geesta kale guddoomiyaha jaamacadda Admas, waxa uu sheegay in jaamacad ahaan ay ardayda dugsiyadda sare soo dhamaystay u diyaariyeen kuliyadaha kala duwan ee waxbarashadda ay u baahan yihiin. Qaran News
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran. “Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay Barnaamijka Kaarka Aqoonsiga dadweynaha appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada. “Ummadda Soomaaliyeed haatan waxay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa. Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray. “Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu waxay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. The post Xamza oo ku dhowaaqay ballan-qaad culus oo la xiriira DAGAALKA argagixisada appeared first on Caasimada Online.
  6. Washington (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa ka digaya inay jirto “khatar aad u sarraysa” oo la xiriirta weeraro ka iman kara argagixiso gudaha ah ama kuwo debedda ah sannadka soo socda. Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ay Khamiistii sii daysay Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka ee loo yaqaan Homeland Security. Warbixintan ayaa farta ku fiiqday, waxa ay ku tilmaantay fikradaha khiyaaliga ah, tabashooyinka shakhsiga ah iyo waxa ay ugu yeedhay “fikrado dawlad-diidnimo ah oo ku salaysan isir, qowmiyado ama aragtiyo diimeed”, kuwaasoo inta badan lagu wadaago baraha internetka, kuwaasoo dhammaantood u adeegaya inay dhiirigeliyaan kooxo yaryar iyo shakhsiyaad ku sugan gudaha Maraykanka. Warbixintan ayaa sidoo kale ka digtay in xubno sarsare oo ka tirsan ururada argagixisada ee debeddu, sida al-Qaacida iyo ISIS oo kale, inay doonayaan inay dib u soo ceshadaan sumcaddoodii, iyaga oo raadinaya inay helaan taageerayaal cusub oo qaadi kara weeraro gacan ka hadal ku dhisan. Warbixinta ayaa ka digtay in kooxaha argagixisada ee ajnebiga ahi ay u muuqdaan inay bartilmaameedsan karaan meelaha uu u jilicsan yahay Maraykanku. “Shakhsiyaad xidhiidh la leh ururada argagixisada ayaa waxay xiisaynayaan inay isticmaalaan marinada socdaalka, si ay u soo gaadhaan Maraykanka” ayaa warbixintan lagu sheegay. Isha: VOA The post Weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo inay dhowaan ka dhacaan dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay wakiilka cusub ee Jubaland u qaabilsan waddanka Kenya sida ay shaacisay madaxtooyada Kismaayo. Mudane Sadik Abdullahi Bogale ayaa loo magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya sida ku cad dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. “Wuxuu madaxweynaha Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka dowladda Jubaland u Jooga dalka Kenya” ayaa lagu yiri dikreetada rasmiga ah ee magacaabista. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay labadii wiil ee saakay fashiliyey, kuna geeriyootay qarax ay Shabaab doonayeen inay ku dilaan Madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano heer federaal ah. Sheekh Shariif ayaa sheegay in wiilashaasi ay yihiin shuhaado ka soo baxay kaalintii looga baahnaa, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in qof kasta looga baahan yahay in meeshii lagu aadiyo uu sidaas oo kale waajibkiisa uga guto. “Labada wiil ee ku shahiiday Galmudug waxay muujiyeen sharaf iyo dadnimo, inay ogolaadaan in naftooda ay go’do si naf kale ay u badbaadiyaan, waa arrin aad u qiimo badan,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Shariifka ayaa sheegay in nafhurnimada ay sameeyeen wiilashaas ay muujineyso in dadka Soomaaliyeed ay soo gaareen heer ay xaqiiji karaan danahooda, isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay weerarkaas. “Wiilashaas ugu yaraan waxay heli kareen inay cararaan, laakiin ma cararine jilibka ayey aasteen, waxayna ka tageen sharaf, cadowgii waa u diideen inuu gaaro hadafkiisa, marka qofkii doonaya inuu wanaag sameeyo waqti ayuu heystaa, wax badan ayaa la qaban karaan ee qof kasta meesha uu ku aadan yahay haka guul keeno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif. Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayey saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ciidanku ay isku dayeen inay fashiliyaan ayaa ku soo dhawaaday guri ay deganaayeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad, waxaana 3-daas masuul ku soo dumay gurigii ay ku jireen. Madaxwyne Qoor Qoor, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Dhabancad ayaa maanta lagu qaaday diyaarad ciidan, sidoo kale askartii dhaawacyadu soo gaareen ayaa loo qaaday Muqdisho. Deegaanka Laas-gacamey oo qaraxaasi uu ka dhacay ayaa 9 KM u jira magaalada Bacaadweyn oo caawa ay ciidanku ku sii dhawaadeen, berina la qorsheynayo inay gudaha u galaan. The post Sheekh Shariif oo ka hadlay geerida dhalinyaradii isku dhigtay qaraxa appeared first on Caasimada Online.
  9. Mudaharaad Lagaga soo Horjeeday Puntland oo ka Dhacay Laascaanood Laascaanood ,(Qaran news)- Dadweynaha reer Laascaanood ee dhawaan ku soo noqday magaaladaas ayaa galabta ka dhigay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan in maamulka la baxay SSC-Khaatumo ay ku biirto maamulka Garoowe. Mudaharaadkan ayey dadweynuhu ku dhawaaqayeen hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan Puntland oo u ololaynaysa in shacabka reer Sool ay si buuxda uga mid noqdaan Puntland, maadaama oo 15 sanno ka hor ay Somaliland ka qabsatay Puntland. Dadka mudaharaadayey ayaa jarjaray calanka maamul goboleedka Puntland, iyaga oo dab qabadsiiyay waxayna ku dhawaaqayeen in SSC-Khaatumo ay noqoto maamul madaxbannaan oo aan iskii u taagan. Huwanta Laascaanood ayaa sheegtay maamul gaar ah oo hoos tagay dawladda fedaraalka Soomaaliya, hase ahaatee dawladda Xasan Sheekh ayaa iska fogaysay oo ugu baaqday inay wadahadal colaada lagu soo afjaro ay la yeeshaan Xukuumadda Somaliland. Qaran News
  10. Nuur-Dugle ( Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari Home ah oo sahay u siday Shabaab-ka ku jira howdka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe. Gaarigaas ayaa lagu qabtay aagga deegaanka Nuur-dugle, xili uu u socday dhanka degmada Ruun-nirgood, halkaas oo ciidamada dowladda ay ku adkaatay inay Shabaab ka saaraan, maadaama ay tahay dhul howd ah. Gaarigaan ayaa siday Daawo, cuntooyin fudud, sida Buskud, Timir, Caanomaraaci iyo agabyo kale oo sahay u noqon kara dagaalyahanada kooxda ee duurka ku jira. Sidoo kale gaariga la qabtay waxaa la xaqiijiyey inuu sida ku dhawaad 20 jirgaan oo Shidaal ah, kuwaas oo lagu hoos qariyey alaabta kale, balse ciidanka ayaa dhulka dhigay dhamaan wixii agab saaraa gaariga. Saraakiisha ciidankii qabtay gaariga siday agabkaan loo waday Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inay ogaadeen in gaarigu uu alaabo kale u siday dad aan ka tirsaneyn kooxda oo shacab ah, taas oo ku kaliftay inay ka reebaan agabkii ay uga shakiyeen inay Shabaab isticmaali karaan, kadibna ay sii daayaan gaarigii. Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa dagaal adag iyo go’doomin ay ku hayaan dowladda iyo shacabka hubka qaatay, taas oo sababtay inay wax sahay ah waayaan Shabaab-ka ka dagaalama Galmudug. Halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud oo gaariga sahayda siday uu u socday waxaa la sheegay inay buuxaan maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ah oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalo toos ah iyo duqeymo ay dowladdu u geysatay. Muuqaal laga soo duubay agabka uu siday gaariga la qabtay wuxuu muujinayaa in daawooyinka loo isticmaalo dhaawacyada ay ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa dhiig joojinta iyo qalajiyaha, daawooyinkaas oo la rumeysan yahay in loo waday Al-Shabaab. Ciidamada ayaa deegaanka Nuurdugle ku dejiyey agabkaas, kadibna waxay iska fasaxeen gaarigii siday, maadaama uu sahay kale u siday dad la xaqiijiyey inay shacab yihiin. Hoos ka daawo The post Daawo: Xogta gaari sahay u siday Al-Shabaab oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay kaalmo u fidiyeen hawlgal ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku qaadeen xubno sarsare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab toddobaadkii hore, kaasoo sababay dhimashada shan qof oo rayid ah. Afhayeen u hadashay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku aanay la soconin ama ku wehelinayn ciidamada Soomaaliya markii ay hawlgalka fulinayeen, hase ahaatee ay taageero u fidinayeen, iyaga oo aan goobta hawlgalka ku sugnayn (Remotely). “Maraykanku ma aanay fulinin wax hawlgal ah oo dhinaca cirka ah, intii uu socday ama mid lagu taageerayey hawlgalkanba. Sidoo kale ma jirin ciidamo Maraykankan ah oo la socday ciidamada Soomaaliya, xilligii ay fulinayeen hawlgalka la dagaalanka argagixisada ee ka dhanka ahaa dagaalyahano sarsare oo ka tirsan ururka al-Shabab, oo ku sugnaa deegaanka Ceel-lahelay,” ayay ku tidhi fariin dhinaca emailka ah, Major Jessica Tait. “Ciidamada Mareykanka waxay la talinayeen oo ka caawinayeen howlgalka ciidamada Soomaaliya si durugsan ama iyaga oo aan goobta ku sugnayn.” Major Jessica Tait ayaa xaqiijisay in caruur Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay dhacdadan. “Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa muujinaysa in hal qof oo dumar ah iyo saddex caruur ah lagu dilay goobta,” ayay tiri Tait. “Ka dib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya, waxaa Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanku ay gurmad caafimad u fidiyeen laba caruur ah oo dhaawac ah, iyada oo midkood uu badbaaday.” Ururka al-Shabab ayaa qoraal ay soo saareen September 7-deedii ku eedeeyey in ciidamada Maraykanku ay dileen dad shacab ah. Al-Shabab ayaa ku eedaysay in ciidamada Maraykanku ay qaateen meydadkii, si ay “u qariyaan” xaqiiqada dhacdadan. Maraykanka ayaa beeniyey eedda ay soo jeediyeen al-Shabaab. “Eeddan ay faafiyeen al-Shabab, ee ah in ciidamada Maraykanku ay sababeen dhibaatada nasiib-darrada ah ee soo gaadhay dadka rayidka ahi, waa mid been ah,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay AFRICOM. Tait ayaa sheegtay inaanu Maraykanku wax rasaas ah ridin, wakhti kasta oo ka mid ah, xilligii ay samaynayeen gurmadka ama daadguraynta caafimaad”. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baadhayso dhacdadan. “Dawladda Soomaaliya waxaa soo gaadhay wararka sheegaya in dad shicib ah ay waxyeello soo gaartay, waxaa socota baadhis lagu xaqiijinayo arrintaas,” ayuu yiri Daa’uud Aways, Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya oo la hadlay Khamiistii VOA. “Ma xaqiijin karno illaa haatan, inta laga dhamaystirayo baadhista” ayuu sii raaciyey. The post AFRICOM oo qirtay arrin ay ku lug yeesheen ciidamada DF Soomaaliya oo horseeday… appeared first on Caasimada Online.
  12. “Markii wax walba aynu Dhammaynay Waxaynu Maraynaa Garoomadii iyo Xeryihii Ciidamada” Sh. Maxamed Cali Gadhle Hargeysa(Qaran news)-Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa khudbadii salaada jimce ee maanta si ballaadhan uga hadlay halista iyo ciqaabaha ka dhalanaya ku tagrifalka hantida ummadda. Sheekh Maxamed Cali Gadhle, waxa uu si qoto-dheer uga hadlay axaadiis badan oo Rasuulkeennii Maxamed SCW uu uga hadlay ciqaabta aakhiro uu la kulmayo qofka xaqdarro ku qaata indhasha kabta wax leeg oo ka mid ah hantida guud ee ummaddu wada leedahay. Sheekhu wuxuu intaas ku daray in masuuliyiinta dalku ay tahay sidii sharciga ah ee diintu jidaysay u xafidaan hantida iyo dhaqaalaha ummadda oo asnay jirin cid kaa saamixi kartaa, maadaama oo shacabka intaas leegi wada leeyahay. “Markii wax walba la dhammeeyay waxaynu maraynaa garoomadii ciyaaraha, xeryihii ciidamada iyo dayrarkii dugsiyada” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Gadhle. Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddo 10 cisho ku dhow deegaankaas joogay. In la helo xogta dagaalkaas ayaa aad u yar, maadaama aysan deegaanka ka jirin wax is gaarsiin ah, balse waxaa la xaqiijiyey dagaalka oo soo bilowday galabta Casirkii uu ahaa mid xoogan. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmahaan ku sugnaa deegaanka galabta la weeraray ee Ceel-lahelay. Ma jirto cid ilaa hadda xog ka bixisay dhinaca ku gacan sareeya dagaalka oo aad u cuslaa, ciidamada dowladda ayaa u diyaarsanaa inay iska difaacaan weerar kasta oo Shabaab uga yimaada. Cutubyo isugu jira Danab, Gor Gor iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa maalmahaan ku sugnaa Ceel-lahelay, sidoo kale waxaa halkaas joogay masuuliyiin la socotay ciidanka oo metela dadka ku nool deegaanada la xoreynayo. Dagaalka galabta ka dhacay Ceel-lahelay waxaa la sheegay inay barbar socdeen duqeymo ay adeegsanayaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Danab oo diyaarado dagaal ay hawada ka taageeraan. Markii laga reebo in khabarka soo yeeraya uu yahay in dagaal culus uu dhacay, ma jirto faahfaahin laga helay dowladda ama xog kale oo tilmaameysa wixii dhacay. Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday. Wixii ka soo kordha dagaalkaas kala soco Caasimada Online, insha allah. The post Dagaal culus oo ka socda Ceel-lahelay iyo wararkii u dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddo 10 cisho ku dhow deegaankaas joogay. In la helo xogta dagaalkaas ayaa aad u yar, maadaama aysan deegaanka ka jirin wax is gaarsiin ah, balse waxaa la xaqiijiyey dagaalka oo soo bilowday galabta Casirkii uu ahaa mid xoogan. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmahaan ku sugnaa deegaanka galabta la weeraray ee Ceel-lahelay. Ma jirto cid ilaa hadda xog ka bixisay dhinaca ku gacan sareeya dagaalka oo aad u cuslaa, ciidamada dowladda ayaa u diyaarsanaa inay iska difaacaan weerar kasta oo Shabaab uga yimaada. Cutubyo isugu jira Danab, Gor Gor iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa maalmahaan ku sugnaa Ceel-lahelay, sidoo kale waxaa halkaas joogay masuuliyiin la socotay ciidanka oo metela dadka ku nool deegaanada la xoreynayo. Dagaalka galabta ka dhacay Ceel-lahelay waxaa la sheegay inay barbar socdeen duqeymo ay adeegsanayaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Danab oo diyaarado dagaal ay hawada ka taageeraan. Markii laga reebo in khabarka soo yeeraya uu yahay in dagaal culus uu dhacay, ma jirto faahfaahin laga helay dowladda ama xog kale oo tilmaameysa wixii dhacay. Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday. Wixii ka soo kordha dagaalkaas kala soco Caasimada Online, insha allah. The post Dagaal culus oo ka socda Ceel-lahelay iyo wararkii u dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  15. Agaasimeyaal Cusub oo loo Magacaabay Laamaha Dakhliga ee Maaliyadda oo Xilkii la Wareegay Hargeysa(Qaran news)- Masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa xilalkii u kala wareejiyey agaasimeyaal cusub oo loo magacaabay waaxyaha dakhliga Kastamada iyo Cashuuraha Berriga. Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mr. Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo hadal ka jeediyey munaasibadii xilwareejinta ayaa sheegay in Agaasimahii hore ee Kastamada aan xil-gudasho la’aan loo bedelin balse la nasiyey. Agaasimahii hore ee Kastamada khalad uu sameeyey xilka loogama qaadin, balse shaqo fiican ayuu qabtay, imikana waa la nasiyey, berrina xil ka muhiimsan ayuu qaban doonaa. Mr. Mu’adinka ayaa sidoo kale sheegay in agaasimaha cusub ee Kastamadu aanu shaqada ku cusbayn, balse hore waaxyaha dakhliga ka soo shaqeeyey, imikana ku-xigeenka Cashuuraha Berriga ahaa. Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Md. Maxamed ayaa uugu baaqay waaxyaha dakhliga inay wada jir u hawlgalaan sidii qoys. Munaasibada ayaa xilalkii loogu kala wareejiyey masuuliyiintii cusbaa ee loo kala magacaabay. Qaran News
  16. The death toll in Libya’s coastal city of Derna has soared to 11,300 as search efforts continue following a massive flood fed by the breaching of two dams in heavy rains, the Libyan Red Crescent said. Source: Hiiraan Online
  17. Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Weftiga Xamar ee Laascaanood Aanay Waxba Ka Beddeli Karin Xuduudaha Somaliland Hargeysa(Qaran)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wefti Muqdisho ka yimaada aanu waxba ka beddeli karin xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana Ciidanka Qaranku gaadhi doono xuduudahiisa mustaqbalka dhow. Gud Faysal oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter Jimcahii shalay ayaa ku sheegay in guulaha kooxaha huwantu sheeganyaan, xaqiiqdii guuldaro ku dambayn doonaan, waxaanu yidhi, “Weftiga Xamar ee Laascaanood yimi, waxba kama bedeli doonaan xuduudaha Somaliland. Riwaayaddii iyo raynrayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa ilmo iyo riyo. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal ayaa hadalkiisa raaciyey, “Somaliland waxay dhawaan dalka ka saari doontaa duullaanka wuxuushnimada ah ee Laascaanood ku soo duulay.” Hadalka Guddoomiye Faysal ayaa ku soo beegmaya xilli oo dhowaan sheegay inaanay xaqiiq ahayn sheegayashada kooxaha huwanta ee Sanaag, Sool & Cayn (SSC), isla markaana Somaliland gudaheeda ka jirin. “Sanaag, Sool iyo Cayn maaha wax ka jira Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Qaran News
  18. Madaxweynaha Taiwan oo Abaalmarin Gudoon Siisay Drs. Edna Aadan Hargeysa(Qaran news)- Marwo Edna adan Ismaaciil oo socdaal ku aaday dalka Taiwan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dalka Marwo Tsai Ing-win ay gudoonsiiso abaalmarin. Marwo Edna oo madaarka Cigaal ku sii sagootiyey Safiirka Dalka Taiwan Md. Allen C. Lou ayaa dhinaca kale Safiirka JSL ee Taiwan Md. Maxamed Xaaji iyo masuuliyiin kale ku soo dhoweeyeen dalka Taiwan. Dr. Edna ayaa loo qorsheeyay inay kulan la yeelato Madaxweyne Tsai, oo inta lagu guda jiro kulanka waxa lagu gudoonsiin doonaa abaalmarinta 26-aad Fervent Global Love of Life Award, oo sidoo kale loo yaqaan abaalmarinta Life-Nobel, oo ay bixiso Chou Ta-Kuan Cultural and Education Foundation. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo geesinimadii ay saakay muujiyeen labo wiil oo ka mid ahaa ilaalada Madaxweynaha Galmudug, kuwaas oo ku shahiiday qarax ay isku dhigeen, si aan loogu dhibaatey Qoor Qoor, Cabdi Qaybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in wiilashaasi ay laba jeer shuhado yihiin, isagoo ku tusaaleeyey inay dileen nin Khawaarij ah, isaguna uu iyaga dilay. “Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi labo jeer ayey shuhaddo yihiin sida uu Xadiiska Suubanaheena (SCW) sheegay ee ahaa “Ruuxii ay khawaarijtu dilaan waa shahiid, kii iyaga dilana waa shahiid”, geesiyaasha saaka bixiyiyay wixii ugu qaalisanaa oo ahaa naftooda, nati-halaagihii khawaarij-ka ahaa waa dileen, isaganu wuu dilay iyaga,” ayuu yiri CC Shakuur. Wuxuu sheegay in weerarkaas la fila karay, laakiin sida wiilasha ku shahiiday ay uga hortageen ay tahay xeelad cusub oo weerarrada ismiidaaminta ah looga hortagi karo, si qasaaraha loo yareeyo. “Weerarkii ismiidaamiska ahaa ee naftii halligaha Khawaarijta ka tirsanaa uu ku bar tilmaamsaday Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaarire (Qoorqoor), Wasiir Axmad Xasan Aadan, Xildhibaan C/salaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waa mid mar kasta la filan karay, waxaase ugub ah in markii xabad kasta lagu joojin waayey gaarigii buruufta ahaa ee naftii haliggahu qaraxa ku watay ay labo geesi oo ka tirsan ciidanka qaranka si naf hurnimo leh gaari kale kaga horgeeyeen,” ayuu yiri CC Shakuur. Jimcihii maanta dadka Soomaaliyeed waxay aad uga faaloonayeen sida Axmed iyo Maxamed ay naftooda ugu horeen masuuliyiintii ay ilaalinayeen, iyadoo aad loogu duceeyey, si gaar ah dadka isticmaala baraha bulshada ee Internetka. Labadaan wiil oo darawal iyo gaandheri ka ahaa gaari Cabdibile ah ayaa ka hor tegay oo rasaas la dhacay kadibna isku dhigay ninkii Shabaabka ahaa ee waday gaariga lagu soo raray qaraxa oo ahaa nooca aysan xabadu karin. Madaxweynaha Galmudug, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaraxaas, kadib markii uu ku dumay gurigii ay ku jireen ayaa loo qaaday Muqdisho. Ciidamada ku sugnaa deegaanka Laas-gacamey ee saakay qaraxa lagu weeraray ayaa qorsheynayey in maanta ay xoreeyaan magaalada Bacaadweyn, balse qorshahaas waxaa dib u dhigay qaraxii dhacay. Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa Caasimada Online u sheegay in galabta ay ka ruuqaansadeen deegaanka Laas-gacamey oo berri ay la wareegi doonaan magaalada Bacaadweyn oo caawa kaabiga ay ku hayaan. The post CC Shakuur oo laba arrin ku sifeeyey shahiidnimada dhalinyaradii saakay isku dhigtay qaraxa appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo geesinimadii ay saakay muujiyeen labo wiil oo ka mid ahaa ilaalada Madaxweynaha Galmudug, kuwaas oo ku shahiiday qarax ay isku dhigeen, si aan loogu dhibaatey Qoor Qoor, Cabdi Qaybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in wiilashaasi ay laba jeer shuhado yihiin, isagoo ku tusaaleeyey inay dileen nin Khawaarij ah, isaguna uu iyaga dilay. “Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi labo jeer ayey shuhaddo yihiin sida uu Xadiiska Suubanaheena (SCW) sheegay ee ahaa “Ruuxii ay khawaarijtu dilaan waa shahiid, kii iyaga dilana waa shahiid”, geesiyaasha saaka bixiyiyay wixii ugu qaalisanaa oo ahaa naftooda, nati-halaagihii khawaarij-ka ahaa waa dileen, isaganu wuu dilay iyaga,” ayuu yiri CC Shakuur. Wuxuu sheegay in weerarkaas la fila karay, laakiin sida wiilasha ku shahiiday ay uga hortageen ay tahay xeelad cusub oo weerarrada ismiidaaminta ah looga hortagi karo, si qasaaraha loo yareeyo. “Weerarkii ismiidaamiska ahaa ee naftii halligaha Khawaarijta ka tirsanaa uu ku bar tilmaamsaday Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaarire (Qoorqoor), Wasiir Axmad Xasan Aadan, Xildhibaan C/salaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waa mid mar kasta la filan karay, waxaase ugub ah in markii xabad kasta lagu joojin waayey gaarigii buruufta ahaa ee naftii haliggahu qaraxa ku watay ay labo geesi oo ka tirsan ciidanka qaranka si naf hurnimo leh gaari kale kaga horgeeyeen,” ayuu yiri CC Shakuur. Jimcihii maanta dadka Soomaaliyeed waxay aad uga faaloonayeen sida Axmed iyo Maxamed ay naftooda ugu horeen masuuliyiintii ay ilaalinayeen, iyadoo aad loogu duceeyey, si gaar ah dadka isticmaala baraha bulshada ee Internetka. Labadaan wiil oo darawal iyo gaandheri ka ahaa gaari Cabdibile ah ayaa ka hor tegay oo rasaas la dhacay kadibna isku dhigay ninkii Shabaabka ahaa ee waday gaariga lagu soo raray qaraxa oo ahaa nooca aysan xabadu karin. Madaxweynaha Galmudug, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaraxaas, kadib markii uu ku dumay gurigii ay ku jireen ayaa loo qaaday Muqdisho. Ciidamada ku sugnaa deegaanka Laas-gacamey ee saakay qaraxa lagu weeraray ayaa qorsheynayey in maanta ay xoreeyaan magaalada Bacaadweyn, balse qorshahaas waxaa dib u dhigay qaraxii dhacay. Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa Caasimada Online u sheegay in galabta ay ka ruuqaansadeen deegaanka Laas-gacamey oo berri ay la wareegi doonaan magaalada Bacaadweyn oo caawa kaabiga ay ku hayaan. The post CC Shakuur oo laba arrin ku sifeeyey shahiidnimada dhalinyaradii saakay isku dhigtay qaraxa appeared first on Caasimada Online.
  21. Boodhinka Dabayl Weyne oo Tababar u Qabtay Ciidanka Debdamiska Hargeysa(Qaran news)-Boodhinka Dabaylweyne oo ku yaala Gobolka Saaxil ayaa ciidanka Dabdemisku tababar u qabtay iyo wacyigelin kana dhacay taliska guud ee ciidanka Dabdemiska. Ardaydan ayaa la baray habka gaadiidka Dabdemisku u shaqeeyaan, isgaadhsiinta ciidanka iyo wacyigelin guud oo ku saabsan ka hortagga dabka. Ardayda ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili halkaas oo taliyuhu ardayda kula wadaagay khibradiisa iyo aqoon guud oo ku saabsan dabka. Dhankooda macalimiinta, maamulka, iyo ardayda ayaa halkaa ka mahadnaqay tababarkan iyo booqashadan ay maanta ardayda ku keeneen taliska ciidanka Dabdemiska. Qaran News
  22. Hay’ad dowli ah oo Faransiis ah ayaa ku amartay shirkadda Apple inay suuqyada Faransiiska ka saarto ama kala baxdo telefoonada Iphone 12, iyaga oo ku eedeeyey in telefoonadaasi ay leeyihiin shucaac aad u sarreeya. Hay’adda Qaran ee la socoshada Hirarka ee dalka Faransiiska, oo qaabilsan inay isha ku hayso heerka shucaaca ee aaladaha ku shaqeeya hirarka isgaadhsiinta, ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday shirkadda Apple in ay hirgeliso dhammaan hababka ugu dhakhsaha badan ee ay ku xallin karto arrintan. Hay’addan Faransiiska ayaa sheegtay in ay dusha kala socon doonto, tallaabo kasta oo lagu saxayo khaladaadka lagu arkay telefoonka Apple 12, iyaga oo sheegay in haddii tallaabooyinka la qaado ay shaqayn waayaan, in ay la gudboon tahay shirkadda Apple in ay suuqa ka saarto telefoonkan. Shirkadda Apple ayaa ku gacan sayrtay eedaha loo jeediyey, iyo xogaha la soo bandhigay, waxayna ku tilmaameen in telefoonkooda gacantu uu waafaqsan yahay heerarka bedqabka shucaaca ee looga baahan yahay. PUNTLAND POST The post Iphone 12 oo lagu sheegay shucaac aad u sarreeya oo halis ah appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii Laas-Gacamey ee saakay ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ka laheyd baajinta qorshe culus oo loo dajiyay howl-gal maanta ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadi lahaayen Bacaadweyn. Qorshahaan ayaa la sheegay in uusan wax isbeddel ah ku iman, xilli la fashiliyay shirqoolkii ay Shabaab ku rabeen inay waxyeelo ku gaarsiiyaan madaxdii heer federaal iyo maamul-goboleed ee ku sugnaa Laas-Gacamey. Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay qaadan howlgal culus, kaasi oo lagu qabanayo Bacaadweyn oo weli ku harsan gacanta kooxda oo muddooyinkii dambe lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim ah. Iyada oo sidoo kale ay jiraan ciidamo dowladeed iyo kuwo deegaanka ah oo iyaguna u dhaqaaqay dhanka Camaara, halkaas oo ay weli argagixisada joogto. Weerarkii saakay ayaa muujinaya baahida loo qabo feejignaan dheeraad ah, si gaar ahaaneed baahida loo qabo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo deegaanada la qabto, maadaama deegaanada laga saaray argagixisada ay u qeybsamaan qaar shacabkii ka barakaceen iyo kuwo ay shacabkii weli joogaan oo ayna kooxda raacin. Deegaanada aanay dadka ka barakicin ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya uga baahan baaritaan gaar ah, maadaama ay dhici karto inay magaalooyinkaas ku hareen dad weli daacad u ah oo la shaqeeya. Isku soo wada duubo, dagaalka ka socda Galmudug ee lagula jiro Al-Shabaab ayaa wuxuu kaga duwan yahay midka deegaanada kale in madaxda ay furinta joogaan oo dhibta iyo dhaxanta la wadaagayaan ciidamka xoogga dalka iyo midka deegaanka. Dhawaan qabashadii magaalada Ceel-garas ayaa sababtay geerida Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Galmudug iyo mid ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Dhuusamareeb. Waxaa sida muuqata madaxda labada heer dowladeed ee kasoo jeeda Galmudug ka go’an inay dadkooda ka dulqaadan dhibaatada argagixisada. The post Kadib weerarkii Laas-Gacamey maxaa iska bedelay qorshihii dowladda? appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii Laas-Gacamey ee saakay ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ka laheyd baajinta qorshe culus oo loo dajiyay howl-gal maanta ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadi lahaayen Bacaadweyn. Qorshahaan ayaa la sheegay in uusan wax isbeddel ah ku iman, xilli la fashiliyay shirqoolkii ay Shabaab ku rabeen inay waxyeelo ku gaarsiiyaan madaxdii heer federaal iyo maamul-goboleed ee ku sugnaa Laas-Gacamey. Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay qaadan howlgal culus, kaasi oo lagu qabanayo Bacaadweyn oo weli ku harsan gacanta kooxda oo muddooyinkii dambe lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim ah. Iyada oo sidoo kale ay jiraan ciidamo dowladeed iyo kuwo deegaanka ah oo iyaguna u dhaqaaqay dhanka Camaara, halkaas oo ay weli argagixisada joogto. Weerarkii saakay ayaa muujinaya baahida loo qabo feejignaan dheeraad ah, si gaar ahaaneed baahida loo qabo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo deegaanada la qabto, maadaama deegaanada laga saaray argagixisada ay u qeybsamaan qaar shacabkii ka barakaceen iyo kuwo ay shacabkii weli joogaan oo ayna kooxda raacin. Deegaanada aanay dadka ka barakicin ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya uga baahan baaritaan gaar ah, maadaama ay dhici karto inay magaalooyinkaas ku hareen dad weli daacad u ah oo la shaqeeya. Isku soo wada duubo, dagaalka ka socda Galmudug ee lagula jiro Al-Shabaab ayaa wuxuu kaga duwan yahay midka deegaanada kale in madaxda ay furinta joogaan oo dhibta iyo dhaxanta la wadaagayaan ciidamka xoogga dalka iyo midka deegaanka. Dhawaan qabashadii magaalada Ceel-garas ayaa sababtay geerida Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Galmudug iyo mid ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Dhuusamareeb. Waxaa sida muuqata madaxda labada heer dowladeed ee kasoo jeeda Galmudug ka go’an inay dadkooda ka dulqaadan dhibaatada argagixisada. The post Kadib weerarkii Laas-Gacamey maxaa iska bedelay qorshihii dowladda? appeared first on Caasimada Online.
  25. In a critical move to ensure Somalia's long-term stability and security, President Dr Hassan Sheikh Mohamoud has declared war against the notorious extremist group, Al-Shabaab. This decisive action calls for unified support from various segments of Somali society. Here's why parliament, politicians, civil society, religious leaders, youth, and women should rally behind the President's initiative. Source: Hiiraan Online