Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Bacaadweyne ee Waqooyiga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug oo laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab, ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin kale duwan oo ka kala tirsan golayaasha dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo u kuurgelaya xaaladda magaalada iyo bulshada ku nool. Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, taliye ku xigeenka ciidanka lugta ee xoogga dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa gaaray magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka mudug oo saakay laga saaray khawaarijta. Mas’uuliyiin gaaray ayaa kormeeray guud ahaan magaaladda Bacaadweyne ee gobolka Mudug ee lagala wareegay Al-shabaab iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada, waxaana ay dardaaran u jeediyeen ciidanka iyaga oo bulshada ugu baaqay in lagu soo laabto magaalada oo ay nabad tahay. Howlgalka lagu xoreeyey bacaadweyne iyo Qeycad ayaa dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda iyada oo tiro intaa ka bandanna lagu dhaawacay, xilli howlgallo kale ay ka socdaan deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug oo ay ciidamo kale ku sugan yihiin kuwaas oo la wareegay deegaanno kale duwan oo isla gobolka ah. Mas’uuliyiinta oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Bacaadweyn ayaa sheegay in howlgallada ay sii wadi doonaan oo ay gaari doonaan deegaannada kale ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Mudug iyo deegaannada kale ee Galmudug, halkaas oo uu ka socdo howlgal baaxad leh sida wararku sheegayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa weli ku sugan jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna kamid ahaa madaxdii ay waxyeelada faduud kasoo gaartay weerarkii todobaadkan ka dhacay deegaanka Laas-gacmey, kadib markii qarax lagu weeraray isaga, Qoor Qoor iyo Cabdi Qaybdiid Dhabancad oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sababihii uu uga haray diyaaraddii loo diray dhaawacyada ee soo qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudg iyo Senator Cabdi Qaybdiid, wuxuuna sheegay inay ahayd inuu ka dhabeeyo ujeedka uu u tegay Galmudug oo ah xoreynta deegaanada ay joogaan Shabaab. “Waxaan uga haray howshii aan u imid oo qabyo ah inaan ka tegin, illaa inta aan ka gaareyno meeshii aan u soconay oo ah xoereynta gobolka Mudug” ayuu yiri Dhabancad. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa, isla-markaana aysan jirin khatar weyn oo uu hadda wajahayo, marka laga reebo nabaro yar oo ku yaallo. “Nabarada igu yaallo kuwa khatar ah uma eka, mana u arkin inaan raaco diyaaraddii dhaawacyada loo soo diray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu hadda gaaray ujeedkii uu u tegay Galmudug oo uu ku sheegay inay ahayd inuu booqdo magaalada Bacaadweyne oo xor ah, wuxuuna kamid mas’uuliyiintii u horreysay ee tegtay, kadib markii shalay la qabtay magaaladaasi. “Ujeedadii aan usoo baxay waxay ahayd inaan tego Bacaadweyne, ilaaheyna waa noo rumeeyay oo waan tegnay annaga oo nabad ah, waana xorowday” ayuu mar kale yiri. Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ujeedka uu yahay in laga tir tiro guud ahaan gobollada dhexe ee dalka. The post Dhabancad oo hal sabab uga haray diyaaraddii soo qaaday dhaawacyada appeared first on Caasimada Online.
  3. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray munaasabada shirka weynaha Aqoonsiga Dadweynaha oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afasiyooni ee Garoonka Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan. Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee qaranka, ayaa ammaanay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee uu dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadnaqay Jamhuuriyadda dalka Pakistan. Guddoomiyaha ayaa sheegay hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka (World Bank) iyo UNDP. Guddoomiyaha ayaa qaatay Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, waxaana ugu dambeyn hadiyado lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Pakistan iyo madax kale oo goobta marti ku ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kampala (Caasimada Online) – Sgt John Byaruhanga, a soldier with the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) and a heavy recovery truck driver, died in a roadside bomb blast in Somalia. On September 15th, a UPDF convoy journeying from Beledamin to Golweyne faced a deadly encounter. As they maneuvered, a truck in the convoy got trapped in a pothole. Byaruhanga stepped out to investigate and remedy the situation. But as he attempted to release the stuck tires, a concealed explosive under the truck was triggered, claiming his life instantly. Col. Deo Akiiki, the UPDF deputy spokesman, provided a detailed account of the tragedy, stating, “Our super convoy moving from Beledamin towards Golweyne was hit by an RSIED at Shen Tarka Xasan Gutan’s former factory, merely four kilometers from Beledamin Forward Operating Base (FOB).” Akiiki further confirmed that aside from Byaruhanga’s tragic death, another vehicle suffered damage, and three other soldiers, who remain unidentified, sustained injuries. All the injured were promptly evacuated to the Level 11 Hospital in Baidoa, Somalia. Personal grief and national tragedy Fred Fredo Byenkya, Sgt Byaruhanga’s brother, shared his heart-wrenching anguish in a message, expressing, “Dear friends and colleagues, I announce the death of brother Afande John Byaruhanga, who fell victim to a suspected bomb attack in Somalia.” Byaruhanga, a dedicated serviceman under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), was preparing for his return to his homeland when fate took an unfortunate turn. Originating from Kagadi in Buyaga West, he leaves behind two grieving wives, several children, and a distraught community. Byenkya further narrated the harrowing details of how they received the news. “Moses Kasaka, a family member and a lecturer at Makerere University, relayed the tragic news after hearing from Byaruhanga’s commanders in Somalia,” Byenkya recounted. Future implications and closure Such attacks underline the volatile situation in Somalia and the immense risks UPDF soldiers face daily. The fragility of peace, combined with the ever-present threat of insurgency, presents a daunting challenge. For families like Byaruhanga’s, the cost of serving the nation becomes heartbreakingly real. The Byaruhanga family now awaits the formal handover of the body by UPDF. “We request your prayers in this trying moment,” implored Byenkya, highlighting the intertwined emotions of grief, pride, and loss. In June, Uganda’s President Yoweri Museveni reported that a total of 54 Ugandan peacekeepers tragically lost their lives in one of Al-Shabab’s most severe recent assaults, as the militant group attacked an African Union base in the conflict-ridden nation of Somalia. Al-Shabab, a group committed to a lethal insurgency against Somalia’s tenuous central government for over a decade, took responsibility for the May 26th attack. The post Roadside bomb in Somalia claims UPDF soldier’s life appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay sheegashada maleeshiyaadka AS ee ah in ay 167 askari ka dishay millatariga Itoobiya. Kooxda AS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah weerar shalay ka dhacay gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaase sheegashadaas beeniyay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da. “Waa ay isku dayi karaan in ay weeraraan ciidamada Itoobiya balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya”ayuu yiri safiirka. “Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Shabaab” ayuu sii raaciyay. Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo beenisay in Alshabaab 167 askari kaga dishay gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Al-Shabab militants attacked convoys carrying Ethiopian soldiers in Somalia’s southwestern Bakool region early Sunday, Somali officials said. Source: Hiiraan Online
  7. Italy’s prime minister has said that European countries must work together “to stop departures [from Africa]” and swiftly deport those turned down for asylum, who she said “threaten the future of Europe”, after thousands of people seeking refuge arrived on Lampedusa in the last week. Source: Hiiraan Online
  8. The decision by Jubaland State of Somalia President Ahmed Mohamed Islam to appoint an envoy to Kenya has caused controversy as the Federal Government of Somalia already has an ambassador in Kenya. Source: Hiiraan Online
  9. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa beenisay sheegashooyinka kooxda Al-Shabaab kadib dagaal ciidankeeda iyo maleeshiyada shalay ku dhex-maray gobolka Bakool ee koonfur-galbeed Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid. Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari. Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.” “Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri. “Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.” Safiirka ayaa uu sidoo kale diiday bayaanka Al-Shabaab oo ku tilmaamay ciidamada Itoobiya inay yihiin “Saliibiyiin.” “Ma nihin Saliibiyiin; Waxaan halkaas ku joognaa go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda sharciga ah ee Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa. Marka, tani waa dacaayad kaliya oo ay afuufayaan Al-Shabaab oo inta badan lagu yaqaanno.” Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda Muqdisho. Ilo-wareedyo amni ayaa VOA u sheegay in ciidamada la weeraray aysan qeyb ka aheyn ATMIS. “Weerarka gaadmada ah waa run, dhacdadu waxay ahayd mid xun, laakiin tirada Al-Shabaab ay sheegeen waa la buunbuuniyay,” ayuu yiri il-wareedka. VOA The post Itoobiya oo ka jawaabtay sheegashada Al-Shabaab kadib dagaalkii BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
  10. Morocco rejected on Saturday remarks by French Foreign Minister Catherina Colonna who siad President Emmanuel Macron will visit Morocco. Source: Hiiraan Online
  11. Heavy casualties have been reported in two ambushes by al-Shabaab terrorists on Ethiopian peacekeepers and subsequent armed clashes in the southwestern region of Somalia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. At least four people were killed and eight others wounded in a roadside blast on Saturday evening in Mandera County near the Kenya-Somalia border, police said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  13. Illaa 228 ka mid ah taageerayaasha mucaaradka Eritrea ayaa lagu xiray Jarmalka kadib markii ay isku dhaceen booliska, magaalada koonfureed ee Stuttgart, waxaa sidaas sheegay booliska. Isku dhacyada ayaa qarxay habeenkii Sabtida markii taageerayaasha mucaaradka ay isku dayeen inay arbushaan munaasabad ay soo abaabuleen taageerayaasha dowladda Eritrea. Qiyaastii 300 oo boolis oo la geeyey goobta ayaa dhexda u galay ‘rabshado weyn” oo dhex-maray labada koox ee iska soo horjeeday, waxaa sidaas sheegay Carsten Hofle, taliye ku-xigeenka booliska Stuttgart. Soddon iyo laba qof ayaa ku dhaawacantay iska horimaadka, oo ay ku jiraan 26 boolis ah, afar ka mid ah ka qayb-galayaasha munaasabadda iyo laba ka mid ah taageerayaasha mucaaradka, sida ay sheegeen booliska. PUNTLAND POST The post Boqollal taageersan mucaaradka Eritrea oo lagu xiray Jarmalka appeared first on Puntland Post.
  14. Xisbiga WADDANI oo ku Dhaliilay Xukuumadda Debdamis yarida ka jirtay Wajaale Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay hal debdamis oo yari uu ka shaqeeyo magaalo ganacsiyeedka Wajaale ee suuqeedii xalay gubtay. Xoghaye Khadar oo ka hadlayey magaalada oo ay saaka booqdeen ayaa sheegay in xukuumaddu aanay wax cashar ah iyo feejignaan ah ka baran suuqii Waaheen ed gubtay laba sanno ka hor; wuxuuna dayacaad ku sifeeyay in gaadhi qudha oo debdamus ahi uu ka hawlgalo magaalada Wajaale oo ah xuddunta ganacsiga Somaliland. Khadar Xuseen wuxuu ugu baaqay xukuumadda in baadhis madaxbannaan lagu sameeyo asbaabaha suuqu u gubtay. Iyadoo xukuumaddu aanay hore wax natiijo ah uga soo saarin sababtii keentay dabkii baabiiyay suuqii Waaheen ee caasimadda Hargeysa. Ugu dambayn wuxuu iilaahay uga baryay dadka hantidoodu ku gubatay Wajaale inuu siiyo cawad celin degdeg ah. Qaran News
  15. Agaasimaha Daakhiliga oo soo Gabogabeeyay Shirka Guddida Farsamo ee Maamul Daadejinta Degmooyinka Burco(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ku soo xidhay shir muddo laba cisho uga socdey Guddida farsamada ee mashruuca Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG. Shirkan ayaa mudadii uu socdey lagaga sooday horuumarinta Arrimaha Bulshada, sida Biyaha, caafimaadka, waxbarashada, degaanka iyo dhammaan baahiyaha kala dewan ee taabanaya Arrimaha Bulshada. Waxaana shirkan ka soo qaybgalay guddida farsamada oo ay mid yihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha ku jira mashruuca maamul Daadejinta iyo qaar mid ah maayorada dalka. Qaran News
  16. Wasiir Siciid Sulux oo Xilkii u Kala Wareejiyay Wasiir kuxigeeeno la Isku Beddelay Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa xilkii u kala wareejiyey Labadii Wasiir kuxigeen ee dhawaan laysku bedelay, Wasiirka kuxigeen kii hore Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa Iyo Wasiir kuxigeenka cusub Mudane Maxamed Maydhane Ibrahim. Munaasibadda xilwareejinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda, Waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Wasiiro ,Badhaaaabka Gobolka M Jeex , Xildhibaano kala duwan ,Madax dhaqameed iyo marti sharaf kala duwan. Madashan xilwareejinta madaxdii hadalka isaga kala dambeeyay waxay ku dheeraadeen wanaaga sharafta shakhsiyadeed ee labada wasiir kuxigeen ee isbedelay iyadoo madaxda wasaaradduna siweyn usoo dhaweeyeen, wasiirkii horena ka marag kaceen sidii wanaagsanayd ee mudadii uu wasaaradda joogay ùu qaranka ugu adeegay. Waxana xilwareejinta kadib wasiir Maxamuud Jaamac Warfaa Agaasimaha guud iyo wasiirka wasaaradduba siwada jira ugu maamuuseen Shahaado Sharaf ka turjumaysa sidii wanaagsanayd ee uu ula soo shaqeeyay. Qaran News
  17. Amsterdam (Caasimada Online) – Waxaa shalay Magaalada Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda “Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN. Dalladda FSAN, oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida. Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:- 1- Miisaaniyada ururka 2- Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub. 3- Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda. 4- Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7, iyo qoddobo kale. Guddoomiyaha dalladda Maxamed Cabdullaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye Cabdiwahaab Yariisow iyo Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay. Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah: Cali Amiin, Raaxo Cabdishakuur Cilmi HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA. The post Ururo SOOMAALI ah oo ku shiray Amsterdam (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  18. Jawiil (Caasimada Online) – Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmahaan ka socda deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, kaas oo beelaha Gaaljecel iyo Udeejeen ay wado. Magaalooyinka Beledweyne iyo Jawiil ee gobolka Hiiraan waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo bandhigay ciidankii ugu badnaa oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo hubka u qaatay inay la dagaalamaan Khawaarijta Al-Shabaab. Ciidankaan is baabulay oo wata gadiid dagaal ayaa lagu wareejiyey taliska ciidanka xoogga dalka oo ay ka barbar dagaalami doonaa maalmaha soo socda oo howlgal culus uu ka bilaaba doono galbeedka Hiiraan. Beelaha Gaaljecel iyo Udeejeen ayaa ka mid ah beelaha dhulka ugu badan ay Shabaab ka heystaan, waxaana dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay deegaanada beelahaas ka socday abaabul dagaal kii ugu cuslaa oo ay sameeyaan. Beelahaas oo dega dhul balaaran ayaa dhamaan deegaanada ay ka degaan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeelooyinka waxaa maamusha Khawaarijta Al-Shabaab, xilli beesha la degta ee Xawaadle ay dhamaan dhulkeeda bariga Hiiraan ka xoreysatay kooxda. Is xoreynta Xawaadle ayaa xujo ku noqotay beelaha kale ee dhulkooda Shabaab heysto, waxayna hadda beelahaasi ku dhaqaaqeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen kooxda, ciidamadii iyo hubkii ugu badnaa ayey maalmahaan isku soo uruuriyeen saraakiisha iyo siyaasiyiinta Gaaljecel iyo Udeejeen. Siyaasiyiinta beesha Udeejeen ayaa maanta ciidankii lasoo abaabulay oo la isugu keenay deegaanka Jawiil waxay ku wareejiyeen taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad, si maleeshiyaadkaan ay ciidanka qaranka uga barbar dagaalamaan. Saraakiishii iyo masuuliyiintii beesha Gaaljecel ee u hadlay ciidankii dagaalka u diyaarsanaa ayaa wacad ku maray inay dhulkooda ka xoreysa doonaan kooxda, si lamid ah inta badan beelaha kale ee dega HirShabeelle iyo Galmudug. Abaabul kale oo beeshaani ay wado ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka socday aagga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu joogo mudo dhowr bilood ah, Jeesow oo hadlay ayaa wacad ku mara inuusan soo laaba doonin, isagoo Shabaab ka xoreyn dhulka beeshiisu ay ka degto gobolkaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Abaabul ka socda galbeedka Hiiraan iyo Gaaljecel iyo Udeejeen oo… appeared first on Caasimada Online.
  19. Booliska caasimadda Garoowe ayaa xabsiga dhigay nin ku eedaysan in uu handaday oo rasaas ku riday ganacsade ku sugnaa kaalin shidaal islamarkaana uu si khasab ah shidaal uga qaatay xaruntiisa ganacsi. Kaamirada xarunta ayaa muujisay eedaysanaha oo rasaas ku ridaya ninkii shidaalka iibinayay kuna khasbaya in uu shidaal ugu shubo baabuurka. Saraakiisha Booliska ayaa noo xaqiijiyay in baaritaan lagu hayo eedaysanaha loona gudbin doono hay’adaha sharciga. PUNTLAND POST The post Booliska Garoowe oo xabsiga dhigay nin ku eedaysan handad iyo dhac appeared first on Puntland Post.
  20. Hudur (Caasimada Online) – Al-Shabab militants launched an attack on two Ethiopian military convoys in Somalia’s southwestern Bakool region early on Sunday, eliciting a potent counter-response from the troops. These militants ambushed two convoys – one weaving its way from Yeed to Wajid and another traversing from El Barde to Huddur. Notably, the Ethiopian military maintains strongholds in both Wajid and Huddur. Local Somali forces stood shoulder to shoulder with the convoy from El Barde to Huddur, indicating a collaborative approach to the region’s security. Omar Abdullahi Mohamud, the mayor of Huddur, recounted the intense events, saying, “The troops were assaulted with an explosion by anti-peace factions. Despite the sudden attack, the troops effectively repulsed, restoring calm.” He further asserted that Al-Shabab suffered significant losses, with approximately 50 militants laid low. Yet, an unnamed senior Somali regional official provided a more nuanced perspective, identifying the most intense attack on the convoy that escorted supplies to Wajid. “On nearing Wajid,” he detailed, “the convoy met a chilling ambush by Al-Shabab, resulting in the decimation of two vehicles.” Clashing claims With Al-Shabab taking responsibility and boasting the elimination of 167 Ethiopian soldiers, the authenticity of such claims remains in dispute. Ethiopia’s ambassador to Somalia, Mukhtar Mohamed Ware, dismissed these assertions as mere “propaganda.” He fervently stated, “Our army is adept and organized, countering Al-Shabab with unmatched intensity. Labeling Ethiopian forces as ‘crusaders’ is a fallacious narrative; we’re in Somalia under international consensus to buttress Somalia’s peace endeavors.” The broader picture Apart from this attack, Ethiopia’s extensive presence in Somalia, encompassing the African Union Transition Mission (ATMIS), underscores the nation’s commitment to regional stability. Interestingly, the troops in the recent ambush were not affiliated with ATMIS. A security source candidly expressed, “While the ambush was disastrous, Al-Shabab’s casualty numbers seem inflated.” In parallel developments, Somali officials proudly announced the recapture of the pivotal town of Ba’adweyne and three adjacent villages. With Al-Shabab retreating after a skirmish, Somali forces, bolstered by local fighters, are advancing toward the strategic town of Amaara. Simultaneously, the Somali government executed an operation against Al-Shabab militants near Ali Foldhere, with “international partners” lending their strength primarily through precision airstrikes. The post Dawn ambush rocks Ethiopia’s peace mission in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Mahadaay (Caasimada Online) – Maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa in ka badan 24-saac ku go’doonsan deegaan lagu magacaabo Ciid-ciidka oo u dhaxeeya degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe. Kooxdaan la go’doomiyey ayaa la ogaaday in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, waxayna doonayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe. Kooxdii ka soo gudubtay wabiga oo la sheegay inay aheyd boqolaal dagaalyahan ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ku bilowday duqeymo iyo dagaallo toos ah, waxayna noqdeen kuwo go’doomay iyo kuwo lagu dilay duqeymo iyo dagaal toos ah. Dhul keymo ah iyo godad ay qoteen ayey ku go’doonsan yihiin Shabaab-kii ku dhiiraday inuu ka soo gudbo wabiga Shabeelle ee u socday degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku socoto duqeyn aan kala joogsaneyn. Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo lagu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn, sidoo kale waxaa hor fadhiya oo meelaha qaar ay dagaal toos ah kala kulmayaan ciidamo kuwa deegaanka ah oo garab ka helaya ciidanka xoogga dalka. Halkaas waxaa laga soo weriyey qisada wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa shacabka ku nool aagga Mahadaay oo ku dhiiraday inuu qoriga ka furto nin Shabaab ah oo god ku dhuumanaya, kaas oo la dilay, kadib markii ay u suurta-geli weysay inuu furto qorigii ninka Shabaab-ka ah. Shabaab-ka go’doonsan waxaa ka dhamaatay sahaydii, godadka ay qoteen kama bixi karaan, intooda badan waxaa lagu laayey duqeymo soo bilowday shalay galab, xalay ilaa maanta, sidoo kale ciidamada deegaanka ayaa laayey kuwii isku dayey inay cagahooda uga baxsadaan halkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in howlgalka aagga Mahadaay uu weli socdo oo khasaaraha lagu gaarsiiyey Al-Shabaab aysan ka hor dhaceyn oo dib ay kasoo shaaci doonto natiijada markii lasoo afjaro kooxdaas. The post Xog: Shabaab ku go’doonsan Sh/Dhexe iyo duqeyn iyo dagaal ku socda 24-saac appeared first on Caasimada Online.
  22. Cadale (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa xalay qaaday tallaabo la mahadiyey, kadib markii ay baacsadeen, kuna guuleysteen inay soo qabtaan koox tuugo ah oo dhac u geysatay dad safar ah. Dhacaas ayaa loo geystay dad u socday magaalada Gaalkacyo oo ka baxay Muqdisho, waxaana lagu baartay meel banaanka ka ah magaalada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe. Darawalkii waday gaariga xalay dhaca loo geystay ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in markii ay ka casheeyeen Cadale ay ka dhaqaaqeen xalay 10:00 saac, markii ay magaalada ka baxeen ayuu sheegay in koox tuugo ah ay xabado ku fureen. Markii uu gaarigu istaagay ayay tuugadu baaratay lix nin iyo afar gabdhood oo la socday gaari Leylo ah oo Gaalkacyo u socday, sidoo kale dadkaas waxay sheegeen in loo geystay jir dil xoog leh. Markii laga furtay wixii ay taleefan, lacag, dahab iyo sahay kaleba siteen ayaa la fasaxay, waxayna dib ugu soo laabteen degmada Cadale, iyagoo booliskii joogay ku war-geliyey in lasoo baartay oo dhac xoog leh iyo jir-dil loo geystay. Intaas kadib booliska degmada Cadale ayaa qaaday tallaabo guuleysatay, waxayna raadiyeen oo gacanta ku soo dhigeen kooxdii dhaca u geysatay dadkaas safarka ah. Maanta ayaa saldhigga degmada Cadale lagu soo bandhigay afar nin oo tuugnimadaas ku eedeysan iyo alaabihii ay dadkaan ka dhaceen, shacabkii dhaca loo geystay ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo aad ugu mahadceliyey booliska Cadale. Taliyaha booliska degmada Cadale oo kiiskaan ka hadlay ayaa sheegay inay muddo ku raadjoogeen kooxdaan xalay dhaca u geysatay shacabka, isla markaana howlgal dheer kadib ay ku guuleysteen inay soo qabtaan. Dadka ku safra gaadiidka isaga kala gudba Muqdisho iyo gobollada dhexe ayaa dhibaatooyin badan ku qaba kooxo tuugo ah oo ku furata meelo ka tirsan Sh/Dhexe, waxayna xalay booliska degmada Cadale qaadeen tallaabo dhif iyo naadir ka ah gobolkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilo ka hor waxgaradka beelaha dega aaggaas isugu keenay degmada Cadale, isagoo wacad ku maray in isbaarooyinka loo dhigto dadka musaafirka ah ay dowladiisu diyaar u tahay inay ku suuliso awood ciidan, balse weli ma suurta gelin. Hoos ka daawo The post Daawo: Rag si arxan darro ah ula dhaqmay dad musaafir ah oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  23. Waxaa maanta magaaalda Nairobi ee dalka Kenya, ka furmay shirka Deyn-Cafinta Soomaaliya oo maraya dib-u-geegistii 6-aad ee ah kii ugu dambeeyay. Shirkaan oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda oo ay hoggaan u tahay Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Qesheynta Qaranka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Cadaaladda, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ahaa Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka xafiisyadooda Soomaaliya qaabilsan. Shirkaan oo socon doona muddo toddobaad ah waxaa xoogga lagu saari doonana dib-u-milicsiga horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, fursadaha dhaqaale ee mustaqbalka dhaw, caqabadaha jira iyo heerka uu marayo dadaalada ee Deyn Cafinta Soomaaliya ee gabagabada ku dhaw. Shirkaan oo ah kan ugu dambeeya ee Barnaamijka loo yaqaan (ECF) oo ah hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo wax ku ool Ah oo Soomaaliya u horseedi doono barta kama dambeysta ah oo la filayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkan 2023-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa horumar ballaaran ka sameeysay dagaalka ay kula jirto argagixisada. Shacabka Soomaaliduna si xooggan ayay ugu biireen dagaalka af iyo addinba. Maanta waxay kamid tahay maalmaha ugu wacan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, maadaama goobo badan gacanta lagu dhigay. Deegaan qabashadu waxay ku socotaa si wanaagsan, laakiin weli waxay dowladda la tacaaleysa gacan ku haynta deegaanada la qabto. Waxaa jira dhowr magaalo oo la qabtay kadibna dib looga soo baxay, iyada oo dib u qabashada labaadna ku kici doonto qiimo gaar ah. Dadweynaha waxay si weyn uga hadlayaan inay dowladda qorshe gaar ah u sameeyso gacan ku haynta deegaanada la qabto, si uusan gulufka waqti dheer u qaadan, dhinaca kalena aan marwalba loogu baahan in hal magaalo laba jeer la qabto. Khubaro amni ayaa laga soo xiganaya in arrintaan xal u noqon karto laba arrin, tallooyinkan ayaa kala ah; 1. In aan laga harin kooxda markii ay jabto Inta badan ciidanka dowladda markii ay goob qabsadaan oo ay ka baxdo argagixisada waa ka haraan, oo waxay difaac ka galaan halkii la qabtay. Taas oo keenta inay markale kooxda isa-soo abaabusho oo ay dib usoo qaado duullaan. Khubarada amni ayaa waxay qabaan in aan kooxda laga harin oo lagu beegsado goobta xigta ee ay rabaan inay degan kadibna iska soo abaabulaan. 2. Dhismaha ciidan u gaar ah gacan ku haynta deegaanada la qabto Khubarada amni ayaa sidoo kale qaba maadaama inta badan uu ciidanka xoogga u dhisan yahay burburin iyo dagaal toos ah, waa in dhinaca kale laga fikiraa dhismaha ciidan gaar ah oo aan qeyb ka aheyn qabashada balse qaabilsan gacan ku haynta. Waxay khubarada xoojineysa in ciidankaas laga xulo kuwa yaqaan deegaanada la qabtay oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. In la helo ciidan leh tababar gaar ah, waajibkooda iyo siyaasadooduna tahay gacan ku haynta deegaanada la qabtay, laguna saleeyo xulashadooda deegaan ahaan ama deegaan aqoon lehna hoggaan gaar ah waxay keeni karta in lasoo afjaro culeyska ka jira gacan ku haynta deegaanada la qabtay iyo sidoo kale in ciidanka duullaanka ah ay hore usii socdaan oo kooxda ku beegsadaan deegaanada dhiman. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay maalmahan ku mashquulsan tahay qorista ciidanka deegaanka oo la siinayo xuquuq gaar ah, waxaana xeel-dheerayaasha amniga qabaan in dib u qaabeynta socota lagu daro qorshaha ciidan ka shaqeeya gacan ku haynta deegaanada illaa hadda laga saaray kooxda ama kuwa uu hadda qorshaha uu yahay in laga saaro. The post 2 arrin oo xal u noqon kara culeyska ciidamada ka haysta difaaca deegaanada la xoreeyo appeared first on Caasimada Online.
  25. Havana (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba. Ururka G77 ayaa markii hore lagu aas-aasay 77 dal oo Soomaaliya ku jirto tan iyo 15 Juun 1964, oo hadda 60 sano jirsadey waxaana xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku. Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka. Wasiirka ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ka gaartay xagga isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida. “Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Soomaaliya ku matalayay. Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dowladdeennu waxay marwalba mudnaanta kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is qaddarin.” Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu kulamo gaar-gaar ah la qaatay qaar kamid ah madaxda wafuudda shirka kasoo qayb-gashay iyo kuwa dowladda martida loo yahay ee Cuba. The post Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka caalamiga ee G77? appeared first on Caasimada Online.