Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali army on Friday claimed to have killed 27 terrorists during a military operation in the central state of Galmudug. Source: Hiiraan Online
  2. Somalia is facing a dilemma over plans to continue a drawdown of peacekeepers from the country by a deadline of the end of 2024 because it's not known whether the country’s poorly equipped security forces can put down al-Shabab militants’ security threat to the government by that time. Source: Hiiraan Online
  3. The Somali National Army said Friday that its forces killed eight al-Shabab terrorists including one of the group's leaders in an airstrike in the southwestern region of Bakool. Source: Hiiraan Online
  4. The recent conflict caused by disputes on khat tax collection in bordering areas of Somali and Oromia Regions has created tension, sources said. Source: Hiiraan Online
  5. A migrant crisis at the U.S.-Mexico border is seeing a new surge of migrants, many in search of asylum, entering the United States in near-record numbers in recent days. Source: Hiiraan Online
  6. Kenya's President William Ruto met with US Secretary of State Antony J. Blinken on the sidelines of the ongoing 78th session of the United Nations Assembly where they discussed peace in Sudan, Haiti and the East African region. Source: Hiiraan Online
  7. Berlin (Caasimada Online) – Kufsi wadareed ayaa ka dhacay beerta loo yaqaano Görlitzer Park ee magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, iyadoo eedeymaha ka dhanka ah tuhmanayaasha ay leeyihiin tafaasiil kala duwan. Falka oo ah mid ay dad badan oo reer Jarmal ah ka caroodeen ayaa waxa uu sababay buuq weyn. Eedaynta kiiskan kufsi wadareedka ah ee ka dhacay Görlitzer Park ee Berlin-Kreuzberg ayaa hadda ah mid si toos ah loo guda galay. Bartamihii bishii June, saddex nin ayaa la sheegay inay haweeney ku kufsadeen, islamarkaana qoyskeeda waxyelleeyeen xilli subaxnimo ah. Dembigu waxa uu noqday mid muuqda marka loo eego warbixinnada ay tebinayeen warbaahinta maxalliga ah. Iyadoo eedeymuhu ay ahaayeen kuwo culus, haddana markii hore ma aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta ee Berlin. Haweeney 27 sano jir ah isla markaana ah hooyo leh labo carruur ah midna uu yahay 4 jir halka ka kalana uu yahay 7 jir iyo ninka qabay haweeeyda ayaa waxa ay ku sugnaayeen beerta uu falkan ka dhacay. Halka ay ka yimaadeen lamaanaha Lamaanahan ayaa la sheegay in ay waqti ku qaadanayeen beerta halkaa oo ay isku dhunkadeen kadibna ay la kulmeen weerarkan lama filaanka ah. Labo nin ayaa ninkii qabatay oo garaacday halka nin kalana uu jir dilay isla markaana kufsaday haweeneyda. Haweeneyda la waxyeelleeyay ayaa carartay oo ka baxsatay burcadda, waxa ayna heshay caawimaad. kadib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay ayaa la helay shahwada ninkii kufsaday taasina waxa ay sababtay in gacanta lagusoo dhigo eedeysanaha kufsiga iyo jirdilka u geystan hooyadan. Eedeysanayaasha ayaa ah saddex nin oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Guinea. Eedeysanaha Soomaaliga ah ayaa la sheegay in dalka gudihiisa looga yaqaanno magacyo kala duwan iyadoo uu caan ka yahay xarumaha booliska aadna ay isku arkaan askarta. Ma haysto hoy uu ku diiwan gashanyahay waxana lagu tiriyaa in uu kamid yahay burcadda dhowrka mar loosoo xiray waxyeellada. Dhamaan sadexda tuhmane ayaa dhowr mar loosoo xiray waxyaabo la xiriira daroogo iyo weerarro ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Berlin. Taariikhda maxkamadaynta Dad badan ayaa is weydiinaya saameynta ay Soomaalida ku yeelan karto ninkan Soomaaliga ah ee ku caan baxay waxyellada iyo in jaaliyadda Soomaaliyeed ay weli qaadeen tallaabo ka dhan ah. Axmed Kadiye oo kamida Soomaalida Jarnamlka ahna xubin firfircoon oo kamida jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ayaan wax ka weydiinnay waxa ay jaaliyaddu ka ogtahay ninkan Soomaaliga ah iyo in ay horay u dheceen kiisas noocani oo kale ah iyo waliba in arrintan ay saameyn ku yeelan karto Soomaalida. Axmed oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Ma jirto wax saameyn ah oo arrintan ay ku yeelaneyso Soomaalida Jarmalka inteeda kale, balse ninkan waxa uu nala wadaagaa magaca Soomaalinimo taasi oo marka ay warbaahinta dalkani ka hadlayaan ay kusoo cel celiyaan qof Soomaali ah ayaa sidaasi sameeyay, laakiin majirto caqabad kale oo ay dadka ku yeelaneyso”. Kadiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “qofka marka uu daroogo isticmaalo ama uu yahay qof madaxa looga jiro wey dhacdaa in ay ku dhaqaaqaan falal noocani oo kale ah Soomaaliduna wey baraarugsantahay oo wax iska dhaca weyna dhici jireen waxaana ay u badnaayeen dad madaxa looga jiro” ayuu yiri. Axmed Kadiye oo ka hadlaya bal ninkan iyo waxa uu yahay ayaa yiri, “ninkan waa nin dalkan looga yaqaanno illaa tobanaan magac horayna waxaa loogu eedeeyay in uu yahay qof daroogada ka ganacsada, dambiyo badan ayaa horay loogu eedeeyay haddana waxa ay noqon kartaa in xukun adag lagu rido maadaama lagusoo qabtay arrin ay shacab badan si toos ah u arkayeen”. Xukunka eedeysaneyaashan ayaan la ogeyn waxa uu noqon doono marka lagu caddeeyo dhamaan eedeymaha loosoo jeediyay, hase yeeshee dalka Jarmalka iyo dalalka kale ee caalamkaba haddii qofku uusan ahayn qof madaxa looga jiro ama maskaxda ka xanuunsanaya waxa ay nqon kartaa in ay la kulmaan ciqaab adag ama xukun culus. Isha: BBC The post Xogta kiiska Soomaali loo haysto gabar lagu kufsaday Jarmalka + sida wax u dhaceen appeared first on Caasimada Online.
  8. Ciidanka Dabdemiska oo ka Hadlay Guri ku Gubtay Degmada Gacan-libaax Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawl-galay daminta guri ku gubtay degmada gacan libaax, sidoo kale ciidamada ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab qabsaday meherad ku taala degmada 26 June. Guriga ayaa ka koobnaa Lix Qol waxaana Ciidamadu dabkaa ku joojiyeen qolkii uu ka bilaabmay, dhinaca kale ciidamada ayaa badbaadiyay Alaabtii taalay meherada dabku qabsaday. guud ahaan hawl-galadan ayaa ciidamada Dabdemisku ku guuleysteen, ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawl-galkaa yimi. Hadaba ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay meheradaha iyo guryaha dhigtaan haamaha yar yar ee dabka lagu damiyo, sidoo kalena dabka ay u soo sheegaan ciidamada Dabdemiska intuu yaryahay. Muwaadin soo wac lambarka gurmadka 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba heegan baa laguu yahay. Qaran News
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ka mid ahaa masuuliyiin uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay kulan casho ah ayaa madaxweynaha ka dalbaday in dadka la doonayo inay dagaalka hoggaamiyaan uu shaqada u qeybiyo. “Madaxweyne shaqada qeybi oo qolo kasta howl gaar ah u xil saar, maanta oo kale waxay joogtaa markii la dhihi jira ‘yaa maali jiray’ dadka deegaanka ayaa ugu horeeya waxa Shabaab la diriri kara, marka waxaan ku guuleysa karnaa anaga oo is garabsana,” ayuu yiri Dhegdheer. Sidoo kale Senatorka ayaaMadaxweynaha kula taliyey inuu u yeero cid kasta oo wax ku biiri karta dagaalka Shabaab, isla markaana Dhuusamareeb loo soo raro dhamaan hey’adaha muhiimka u ah dagaalka Khawaarijta. “Waxaan Madaxweyne talo kuugu soo jeedinaa halkaan ugu yeer qof kasta, reer Galmudug hadaa nahay guryaha bilaash ayaan ku deji doonaa, guddoonka baarlamaanka halkaan hasoo dego, dagaalkaan qabali ayuu ku socdaa lama qarin karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Dhegdheer. Senator Dhegdheer wuxuu sheegay in 15 sano ay deegaanadiisii Shabaab heystaan, hadana beelihii iska xoreeyey Shabaab ay ku fiirsanayaan, isagoo dalbaday in taas laga yimaado. “Waa baaba’nay anaga, marka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadkiisa ma ahan inay na dhahaan deegaankiina xoreysta, wax aan xoreysa karno malahane na hor kaca ama ugu yaraan idinku deegaankiina nagu difaacda,” ayuu yiri Dhegdheer. Sidoo kale Dhegdheer wuxuu ku doodayaa in weli dadku ay siyaasadeynayaan dagaalka ama arrimo kale ay mararka qaar ku soo dhex derayaan, isagoo ku taliyey in horta Shabaab meel la iska saaro oo markaas kadib loo soo jeesto arrimaha kale ee siyaasadda. “Mushkilada na heysata indhaheenu mahayaan, waa inaan u soo jeesano dagaalka Shabaab, sanadaha u dhiman dowladaan hadaan Shabaab laga adkaan, dadka banaanka u fadhiya inay Xasan Sheekh kursiga kala wareegaan, taas waxaan leenahay taasi ma dhici doonto, hadii hadda aadnaan dalka wax ka xoreysan,” ayuu yiri Dhegdheer. Ugu dambeyntii Senator Dhegdheer ayaa madaxweynaha u xaqiijiyey inay garab taagan yihiin, isagoo sheegay inay hadda u baahan yihiin inay ku shahidaan dagaalkaan, “Dagaalkaan waa in wax kasta lagu dayaa, dadka anigaa ugu fuleysanaa waana imaaday markii dagaalka la dhaqaaji waayey,” ayuu yiri Dhegdheer. Hoos ka daawo The post Daawo: Senator Dhegdheer oo hal arrin ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  10. Kulan Lagaga Hadlayay Aqoonta Bulshada ee Maareynta Masiibooyinka oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa furay kulan lagaga hadlaayey kor u qaadista aqoonta bulshada ee dhanka Maareynta Masiibooyinka. Kulankan waxa ka soo qayb galay hay’addaha ay shaqo wadaagta yihiin Hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka, kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlayay hay’adda aafooyinka iyo hay’addaha kale, madaama ay culaysyo badan oo dhanka Aafooyinka ahi ay soo kordheen. Sidoo kale masuuliyiinta hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka kulankani uu ahaa in dib u eegis lagu sameeyo buug yaraha ay ha’adda U Diyaar Garowga aafooyinku hore uga soo saartay maaraynta Aafooyinka. Guddoomiyaha hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in kulankan lagu eegaayey sidii loo diyaarin lahaa, loona horumarin lahaa qaabka loogu diyaar garoobaayo dhibaatooyinka joogtada ah ee adduunka ka dhacaaya. Qaran News
  11. Wakiilka Somaliland ee Norway oo la Kulmay Jaaliyadda Hargeysa(Qaran news)-Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Norway Maxamed Aadan Liilaan, ayaa kulan u qabtay Hal-doorka jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku nool. Kulankaaa ayaa lagaga wada-hadlay xoojinta Midnimada Jaaliyadda, taageerada Ciidamada Qaranka Somaliland iyo dadkii ku Hanti-beelay suuqii gubtay ee magaaladda Tog-Wajaale. Waxaana kulankaasi markii uu soo dhamaaday saxaafadda uga war-bixiyey Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Aadan Liilan, waxaanu tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid aad iyo aad u muhiim ah. Waxaanu yidhi “Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad iyo aad muhiim u ah oo jaaliyadda Norway ee Somaliland iskugu timid, wuxuu daaranaa in aanu jaaliyadda war-bixin ka siino waddankii hooyo, iyo in aanu xoojino Midnimada Jaaliyadda iyo in aanu ka wada-hadalno in aanu ka qayb-qaadano taageerada Ciidamada Qaranka iyo taageerada suuqii Wajaale oo hanti badani ay inagaga gubatay. Wuxuu ahaa shir aad u muhiim ah oo Aniga iyo Jaaliyadda’ odayaasheeda iyo Waxgaradkeeda aanu isku waydaarsanay war-bixino badan”. Safiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu sheegay in waxyaabihii kulankaasi la iskula qaatay ay ka mid ahaayeen in Cusbitaalka degmadda Oog wixii uu qalab u baahan yahay ay u soo diraan. Waxa kaloo uu safiirku xusay in ay isla qaateen jaaliyadu in ay guddi u saaraan taageerada suuqii Tog-Wajaale ee gubtay. “Waxaanu isla garanay in aanu ka qayb-qaadano horumarinta waddankeena, difaaca waddankeena iyo in aanu meel uga soo wada jeedsano taageerada Ciidamada Qaranka JSL, waxyaabihii aanu isla qaadanay waxa ka mid ah in Cisbitaalka Oog wixii uu qalab u baahan yahay aanu u dirno. Waxa kale oo aanu isku raacnay inaanu guddi u saarno taageerada suuqii Wajaale ee gubtay.” Qaran News
  12. Shirkadaha Keena Dawooyinka Xoolaha oo Isla Qaatay Illaalinta Tayada Daawada Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ayaa qabatay kulan ay isugu yeedhay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya dawooyinka xoolaha, isla markaana ka sii iibiyay xoola dhaqatada dalka, kuwaas oo iyagu gacanta ku haya dawada laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland ee xoolaha nool oo loo baahan yahay in laga taxediro illaalintooda. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland oo qaranka u qaabilsan dhawrida iyo illaalinta caafimaadka xoolaha dalka iyo sidoo kale Tayada dawada la siinayo ayaa kulan lagaga wada hadlayo sidii loo illaalin lahaa Tayada dawooyinka ay keenaan shirkadaha gaarka loo leeyahay la qaateen qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya daawooyinka Xoolaha nool. Agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland, Dr. Axmed Cali Maax, ayaa furay kulanka ay wasaaraddu isugu yeedhay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya dawooyinka xoolaha, kaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, isla markaana ay soo qaban qaabisay waaxda caafimaadka xooluhu. Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo kulanka ka hadlaya ayaa dareensiiyay masuuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya dawooyinka xoolaha nool qiimaha ay xoolaha nool ugu fadhiyaan dalka iyo dadkaba, waxaa kula dardaarmay in ay illaaliyaan Tayada daawada ay keenayaan iyo bad-qabkeeda. Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo illaalinlahaa badqabka daawada iyo sidoo kale tayada dawooyinka xoolaha ee dalka la keeno. Markii uu soo dhammaaday kulankaasi, waaxda caafimaadka xoolaha wasaaradda, ayaa shirkad kasta ku wareejisay natiijadii ka soo baxday baadhitaankii lagu sameeyay dawooyinka ay keenan. Gaba-gabadii shirkaddaha daawooyinka keena ayaa soo dhaweeyay dadaalka wasaaraddu ay waddo, iyaga oo u arkay tallaabo xagga wanaagsan loo qaaday iyada oo laga duulayo caafimaadka xoolaha nool, maadama xoolaha nooli yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka JSL. Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 49 cisho ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa galabta uga tegay safarkii ugu horeeyey oo wax faahfaahin ah aan laga bixinin. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynuhu uu aaday dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka dagaalka Al-Shabaab ka taageera Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh qodobada uu kala hadlayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka mid tahay baajinta ciidan ka tirsan Hiil-walaal ATMIS oo la qordheynayo inay dalka ka baxaan. Sida caadiga ah ciidamada ATMIS waxaa u bilaabatay inay qeyb qeyb dalka uga baxaan, waana lagu heshiiyey, balse waxaa soo baxaya baahiyo ay jawaheyso dowladda Soomaaliya. Dowladda oo dagaal kula jirta Al-Shabaab ayaa hadana ku dadaaleysa oo laga doonayaa inay saldhigyada ay joogaan kala wareegto ciidamada ATMIS, hadba qeybtii baxaysa. Hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Jabuuti uu ka codsanayo in ciidamada ATMIS qeybta ay ku leeyihiin ay dalka sii joogaan, ilaa inta dowladda Soomaaliya ay isku filaasho ka gaareyso. Ciidamada la qorsheynayo inay baxaan bilaha soo socda ee Jabuuti ka socda waxay fariisin ku keeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo hadda ah saldhigga ugu weyn ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ciidamadaas ay sii joogaan dalka, ciidankaan oo gacanta ku haya garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa ah kuwo si weyn looga jecelyahay deegaanka ay ka howlgalaan. Sida caadiga ah dhamaan garoomada degmooyinka iyo caasimadda dalka waxaa amnigooda suga oo gacanta ku haya ciidamada ATMIS, waxaana la door-biday amni iyo kala dambeyn. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh uga baxay dalka, madaxweynaha ayaa ku dhawaad laba bilood ka soo maqnaa madaxtooyada dalka, wuxuuna ka baaqday dhowr safar oo dibadda ah, wuxuuna safarkii ugu dambeeyey oo Mareykanka ahaa u diray Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre. The post Xog: Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ugu baxay dalka dibadiisa appeared first on Caasimada Online.
  14. Kenya’s security minister, Kithure Kindiki, has issued a shoot to kill order against criminals who target law enforcement officers in the troubled northwest of the country. Source: Hiiraan Online
  15. Siyaasiyiin ka soo Jeeda Caasimada Hargeysa oo Casho-sharaf ku Maamuusay Murrashax Cirro Hargeysa(Qaran news)-Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Caasimadda Hargeysa ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay hotel-ka Maansoor Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Murashaxa ayaa waxaa casho sharafta ku wehelinayey mas’uuliyiinta sarsare ee Xisbiga WADDANI. Murrashaxa ayaa dhawaan uun ku soo noqday Gobolka Togdheer halkaas oo uu muddo bil ku dhow u fadhiyey howlaha nabadda iyo xoojinta amniga guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ka hoggaaminaya qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay isugu yeeray siyaasiyiinta afar ka mid ah beelaha Mogadishu Clan. Xildhibaanada iyo saraakiisha beelaha Murusade, Cayr, Duduble iyo Xawaadle ayuu Xasan Sheekh ku kulmiyey Dhuusamareeb, isagoo xalay kulan casho ah u sameeyey. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta siyaasiyiintaas kulan gaar ah kula yeeshay madaxtooyada uu Dhuusamareeb ka degan yahay ee Galmudug, waxaana socda qorshe beelahaas loogu sameynayo isbaheysi cusub. Kooxda Al-Shabaab oo Galgaduud ka joogta deegaanada bari oo Ceelbuur ugu horeyso ayaa loo midoobayaa, wuxuuna madaxweynuhu wadaa qorshe ah in afartaas beelood ay dagaalka u midoobaan oo wada galaan. Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ee Shabaab heysto waxaa dega beelaha beelaha Murusade iyo Duduble oo hadda kala deegaan saday Dhuusamareeb iyo Maxaas, iyagoo kala magansaday Xawaadle iyo Cayr. Hadda waxaa la doonayaa in la mideeyo awooda afartaas beelood, si looga guul keeno dagaalka Al-Shabaab, isla markaana loo xoreeyo deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud oo kooxdu ay ku xoogan tahay. Xildhibaan Sanbaloolshe, Cali Jeyte iyo xildhibaano kale oo ka socda beesha Xawaadle oo wata gaadiid dagaal oo aad u badan ayaa safar dhulka ah ku yimid Dhuusamareeb oo is baheysigaan uu ka bilaabanayo. Sidoo kale Senator Dhagdheer iyo siyaasiyiin kale ayaa ka socda beesha Murusade, halka siyaasiyiinta Duduble oo Senator Dhegey uu hoggaaminayo ay horay u joogeen Dhuusamareeb, kulankaan Cayr waxaa ku metelaya dhamaan xildhibaanada iyo Senatorka beeshaas. In la sameeyo isbaheysigaan waxay Madaxweynaha iyo beelahaan kale ku dhalatay markii uu guuleystay isbaheysi ay koonfurta gobolka Mudug ku xoreysteen beelaha Sacad, Saleebaan, Saruur iyo Surre, kuwaas oo dhul aad u baaxad weyn ka xoreystay kooxda maalmo kooban gudahood. The post Xog: Xasan oo Dhuusamareeb ka dhisaya isbaheysiga 4 beelood oo Mogadishu Clan ah appeared first on Caasimada Online.
  17. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Joe Biden u sharaxay si ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay muhiim ugu tahay inay helaan hub casri ah oo ay kaga adkaa karaan argagixisada, sidoo kalena ay ugu difaacaan dalka, maadaama ay dhawaan la wareegayaan guud ahaan amniga dalka. Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale. Madaxda kale ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre uu xarunta Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waaiirka kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa New York u tegay ka qaybgalka kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay. The post Xamza oo 3 arrin oo muhiim ah kala hadlay Joe Biden appeared first on Caasimada Online.
  18. Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo gabagabeysay, shirar iyo wadahadlo muhiim ah oo ay la yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii u dhexeysay September 11-21,2023,kuwaasi oo xoogga lagu saaray hannaanka dib u eegistii 6aad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya. Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa lagu shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhammaan heerkii ugu wanaagsan ay ka gaartay halbeeg dib-u-habeynta Maaliyadda iyo barnaamijka lagu qiimayo Sharuudaha Deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF ( Extended Credit Facility). IMF waxa ay soo sidoo kale si wayn u bogaadisay hirgelinta shuruucda dib-u-habeynta Maaliyadeed ee lagu gaaray dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya. Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxa kale po ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guullo wax ka gaartay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, Dowlad wanaagga iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka. “Soomaaliya waxa ay sii wadday in ay horumar wax ku ool ah ka samaysay dib- u- dhiska Hey’addaha Maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha. Inkastoo oo ay jireen caqabado muuqada, haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka samasay hannaanka hirgelinta barnaamijka ECF ee taageera gaarista dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya ee dhammaadka bisha December, 2023”. Ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday IMF. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dhaweeyay Warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa balan qaaday in Dowladdu ay ka go’an tahay sii wadiidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya IMF waxa ay sidoo kale shaacisayn in Soomaaliya ay hadda heerkii ugu dambeeyay hanaanka mudda dheer soo socday ee Geediga Deyn Cafinta Soomaaliya ay hadda u gudbisay Guddiga Sare ee Hey’adda IMF si ay go’aan kama daymbasay ah uga gaaraan in Soomaaliya Deyn Cafintii ugu dambeysay ay gaartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Xudur (Caasimada Online) – Howlgal lagu dilay horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta maleeshiyaadka ka dagaalama gobolka Bakool, kaas oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cabdullaahi Afey iyo dhammaan ilaaladiisii ayaa maanta ka dhacay deegaan hoos taga degmada Waajid ee gobolka Bakool. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sarkaalkaas iyo ugu yaraan 10 maleeshiyo ah oo uu watay lagu diley duqeyn diyaaradeed oo saakay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Buurcoday oo hoos taga Waajid. Sida ay ogaaray Caasimada Online ninka la beegsaday oo wata kolonyo gaadiid ah ayaa ka yimid dhinaca magaalada Tiyeeglow, markii laga soo tago ilaaladiisa, waxaa la socday xubno qoyskiisa ah oo lala duqeeyey. Isxaaq Afey ayaa la-taliyihii dhinaca dacwada u soo noqday hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Godane, wuxuuna muddo kooxda u soo qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay qoranayaan. Dadka yaqaana waxay noo sheegeen inuu Shabaab dhexooda ka ahaa xubin firfircoon, lug ayaa kaga go’day dagaaladii uu u galay kooxda oo hal lug ayuu lahaa waayihii dambe. Madaxda ugu sareysa kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ka quusatay inay isaga safraan deegaanada ay ka joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama si joogto ay u ugaarsanayaan diyaaradaha dagaalka. Sidoo kale maleeshiyaadka kooxda ayaa la dheelmaa xiliyada habeenkii ah, ma isticmaalaan wax gaadiid ah, waxayna duqeymuhu noqdeen kuwo si weyn u cuuryaamiyey howgalada iyo dhagaraha ay maleegto kooxda Al-Shabaab. Inkastoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo Galmudug iyo HirShabeelle, hadana waxaa si joogto ah kooxda loogu baacsadaa deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, maalin kasta ciidamada qaranka ayaa soo bandhiga meydadka dagaalyahano laga laayey kooxda Al-Shabaab. The post Sarkaal caan ah, qoyskiisii iyo dagaalyahano badan oo hal goob looga dilay Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka. Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maraykanka oo New York appeared first on Puntland Post.
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyahaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa xalay kalmado ka jeediyey kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu sameeyey madaxtooyada uu degan yahay ee Galmudug. Labada guddoomiye oo shalay soo gaaray Dhuusamareeb ayaa xalay shaaciyey qorsha ay u yimaadeen magaaladaan, iyagoo sheegay inay doonayeen in madaxweynaha ay ku bogaadiyaan howlgalka uu hoggaaminayo oo Shabaab dalka looga xoreynayo. Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay yihiin odayaal aan awoodin inay dagaalamaan, balse la diyaar ah dhiirigelinta ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee u istaagay inay cadowga iska xoreeyaan. “Madaxweyne waan ugu garab taaganahay dagaalkaan, anigu hada da’baan ahay oo tabar aan sheeganayo ma jirto, laakiin waxaan maanta hayo waa af, afakana waan idinku taageerayaa,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa darriin u diray dalalka deriska la ah Soomaaliya, isagoo ugu gacan haatiyey inay ku soo biiraan dagaalka Al-Shabaab, maadaama khatarta kooxdaan aysan ku koobnaa doonin Soomaaliya, hadey sii jiraan. “Deriskeena waxaan leeyahay cadowgaan Soomaali kuma koobna, Soomaaliya ayey tabar darro ka dareemeen maahane, cadowgaan isku si ayey noola dagaalamayaan, derinkeena waxaan leeyahay indhaha fura, yaan la yareysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Soomaalida ku sifeeyey dad ka guul keeni kara hadii ay dagaal wada galaan, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo dadkii xiligaas joogay uu ka mid ahaa. Cabdi Xaashi ayaa ku dheeraaday tilmaamida xeeladiihii ay Soomaalidu isticmaashay iyo farsamooyinkii markii dambe ka halaabay, maanta wuxuu sheegay in Soomaalidu ay ku jirto dagaal kii lamid ah oo ay tahay in loo midoobo. Sidoo kale guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Shabaab aysan laheyn 3 sifo oo dadka lagu xukumi karo, kuwaas oo kala ah 1-Siyaasiyiin maaha oo dadka ma kasbadaan ee waa dilaan, 2-islaam maaha oo dadka dhiigooda ayey baneysteen, 3- Soomaali maaha, oo dadkooda ma xasuuqeen hadey Soomaali yihiin, seddaxdaas arrimood in aysan aheyn ayuu Shabaab ku sifeeyey Cabdi Xaashi. Hoos ka daawo The post Daawo: Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shaaciyey sababta ay Dhuusamareeb… appeared first on Caasimada Online.
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay hadal ka jeediyey kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb ugu sameeyey siyaasiyiin iyo saraakiil uu u arkay inay ku garab sii karaan dagaalka Al-Shabaab. Cali Jeyte ayaa xalay Madaxweynaha u xaqiijiyey in Shabaab ay ka adkaa karaan, hadii qorshuhu uusan ka xumaan isbaheysiga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. “Caawa arrimaha militeriga kama hadleyno oo hoos baan u dhigeynaa, laakiin Madaxweyne waxaan xaqiijinayaa Shabaab waa ka adkaa karnaa, waa fahamsanahay dagaalka Shabaab, waa cad yahay mid naga qaldami karana maaha,” ayuu yiri Cali Jeyte. Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in qorshaha dagaalka ay madaxweynaha hoos ugala hadli doonaan, balse hadda uu kor u sheegayo in Shabaab-ka ku haray bariga gobolka Galgaduud ay muddo kooban ku soo afjari doonaan. “Waxaa in weydii jiray Soomaaliya yaa u maqan, Madaxweynaha markii la doortay wuxuu ku dhawaaqay dagaal Shabaab, marka wax aan dhowrano ma jiraan, masuuliyiinta waxaa laga rabaa inay furinta ku dhintaan si loo maamuuso, intii sariirta aad ku dul dhima laheydeen,” ayuu yiri Cali Jeyte. Wuxuu sheegay in beentii ay Shabaab dadka u sheegi jireen ay soo dhamaatay oo hadda ay dhabta gaartay, “Hadaan si dadnimo ah ugu dhiirano waa soo afjari karnaa Shabaab, anaga ayaa soo tijaabinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte. Ugu dambeyntii guddoomiye Cali Jeyte ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka balan qaaday in isagoo niyad jabsan uusan Dhuusamareeb ka tegi doonin. “Hadii caawa madaxweyne madaxaagu hoos u raaraco, waxaan kaa balan qaadeynaa adigoo niyad jabsan in Dhuusamareeb aadan ka tegi doonin,” ayuu yiri. Cali Jeyte oo wata qiyaasitii 20 gaadiid dagaal ah iyo askar badan, isla markaana ay wehliyaan xildhibaano uu ku jiro Sanbaloolshe ayaa shalay Dhuusamareeb ku yimid safar dhulka ah oo Beledweyne ay uga soo baxeen. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo hal arrin oo muhiim ah ka balan-qaaday madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  23. NEW YORK, United States of America, September 22, 2023/ -(Qarannews)- Leaders from global business, investment, government, sports, and the arts gathered in New York on Thursday, 21st September to mark the commencement of “Unstoppable Africa”. The event by the Global Africa Business Initiative (GABI) (https://www.GABI.biz/) seeks to elevate Africa’s prominence in the global economy and position the continent as the premier destination for business, trade, and investment. The two-day event is co-convened by the United Nations Deputy Secretary General, Amina J. Mohamed and the Chairperson of the African Union H.E. Moussa Faki Mahamat on the sidelines of the United Nations General Assembly in New York. GABI, coordinated by the UN Global Compact, serves as a pivotal forum for Heads of State and Government, CEOs, investors, policymakers, industry experts, and U.N. leaders to discuss and strategize the way forward for Africa’s dynamic business landscape. “Unstoppable Africa” is a powerful affirmation of GABI’s unwavering commitment to redefining Africa’s economic narrative. On day one, the flagship event attracted an impressive array of speakers and participants, including the Presidents of Ghana, H.E. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo, Kenya, H.E. William Samoe Ruto, Senegal, H.E Macky Sall Poland H.E Andrzej Duda and H.E Mia Mottley, Prime Minister of Barbados. In addition to government ministers, “Unstoppable Africa” welcomed a who’s who of renowned business titans such as Mo Ibrahim, the Sudanese-British businessman and philanthropist, Phumzile Langeni, Deputy Chairman of Imperial Logistics; Non-Executive Director of DP World Group, James Manyika, Senior Vice-President of Research, Technology and Society at Google-Alphabet, and Brad Smith, President of Microsoft among others. Senegalese artist Baaba Maal set the tone for the event with a captivating performance calling for peace and prosperity in Africa while actor Arsema Thomas engaged in an insightful interview conducted by the event’s host Folly Bah Thibault from Al Jazeera English. UN Secretary-General António Guterres opened the two-day forum making a compelling call for the “delivery of justice” – a theme central to the continent’s sustainable development. The UN Secretary-General stated that “justice means reforming outdated, unfair and dysfunctional global financial systems and ensuring African representation at every multilateral table”. H.E. Mia Mottley, Prime Minister of Barbados emphasized the difference between ambition and meaningful action, in the context of Africa. Recognizing the emerging unity and collaborative efforts across the continent, she highlighted the imperative for accelerated progress in Africa. Her message underscored the urgency for nations to move from plans to concrete actions that catalyze transformative change on the continent. During a major event announcement, Dr. Akinwumi Adesina, President of the African Development Bank (AfDB), announced a transformative partnership with Google, creating a Centre of Excellence for coding in Africa. Other announcements on the day included The Democratic Republic of Congo’s (DRC) commitment to positioning the country high-up in the batteries and electric vehicles value chains, unveiling a new 1,000-hectare space in Kolwezi, with special economic zone status. DRC’s Minister of Industry, H.E. Julien Paluku, appealed to global investors to join these initiatives in addressing climate change while advancing economic growth. the launch of Ghana’s Energy Blue Zone Initiative, heralding a major stride in the country’s energy transition and investment plans. The “Unstoppable Africa” event promises to continue its momentum into the second day, where further thought-provoking discussions, innovative solutions, and collaborative endeavors are set to shape Africa’s role in the global economy. Leaders from various sectors, including business, government, and civil society, will come together to exchange ideas, forge partnerships, and chart a course toward a more prosperous and sustainable future for Africa and the world. Qaran News
  24. Dowladda Soomaaliya ayaa farriin la xiriirta dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, iyo howlgalka ciidamada Midowga Afrika u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Farriintan oo uu qoray Xuseen Macalin, oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu hagaajiyay Madaxweynaha hadda ee Golaha Ammaanka Danjire Ferit-Hoxha. Waxaa farriinta lagu faahfaahiyay howlgalka ciidamada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda Gobolada Dhexe, iyo qasaaraha ciidamada kasoo gaaray meelaha qaar sida weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Cowsweyne, oo askar lagu laayay, kuwa kale na weli lagu la’a yahay nolol iyo geeri. Weerarkaas dhacdya 26kii Agoosto ayaa farriinta dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in uu khasaare weyn kaga soo gaaray ciidamada dowladda, taas oo horseeday in laga soo baxo deegaanadii la xoreeyay. Farriintu waxay intaas ku dartay in weerarkaas uu daciifiyay cududda ciidamada dowladda islamarkaasna bannaanka keenay bayladha ka jirta furimaha hore ee dagaalka. Taas baa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbeyso dib-u-habeyn lagu sameeyo ciidamada iyo howlgalada si loo xaqiijiyo in la sii wado dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya oo ka duuleysa arrimahaas ayaa si rasmi ah codsatay in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka. Dhacdadii Cawsaweyne ee ciidanka Soomaaliya jabku ka soo gaadhay kuwo Alshabaab ayaa ay dawladdu sheegtay in uu muujiyey, baylahda iyo gargaarka guud ee ay u baahan yihiin Ciidammada Soomaaliya, sida warqaddaasi lagu xusay. Xilli Soomaaliya ku doodayso in wakhtiga iyo xaaladaha lagu jiraa aanay saamaxayn in dhammaan ciidammadaasi wada baxaan. Sida lagu sheegay warqad qarsoodi ah oo ayaa Soomaaliya markii u horraysay ku codsatay hakin farsamo oo ku aaddan bixinta wejigii labaad ee ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika, ee loo soo gaabiyo Atmis. Warqaddan ku taariikhaysnayd 19-kii bisha ayaa golaha ammanka ayaa ku soo beegmaysa xilli axaddii toddobaadkan Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Burundi ayaa ay ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya saldhig kale oo ay hore uga howlgali jireen, arrintaas oo bilaw u ahayd wejiga labaad ee yaraynta ciidammadii 3000 gaadhayey ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya. Istiraajiyadda bixitaanka iyo dagaalka muddooyinkii u danbeeyey ay dawladdu Federaalku kula jirtay Al-Shabaab ayaa sabab looga dhigay doonista Soomaaliya. Soomaaliya ayaana sheegtay in 90 maalmood dib loo dhigo, xilli bisha December ay ahayd in dhammaan ciidammadaas raaca u danbeeya ka baxo guud ahaan Soomaaliya, si intaa wixii ka danbeeya ay gacan ku haynta amniga ula wareegaan ciidammada dawladda Federaalku. Bisha Juun ee sannadka 2024 ayaana lagu sheegay warqaddaas in ay noqon doonto waqtiga ugu habboon ee ay ku bixi karaan, xilligaas oo Soomaliya ahaan doonto mid u diyaarsan bixitaanka Ciidammadan. Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS. Ujeeddada loo baddalay magaca waxaa qeyb ka ahayd in la guda galo diyaargarowga sidii ciidankaas looga bixin lahaa Soomaaliya. Sannad ka hor bishii March ee 2022 ayay Soomaliya u buuxsantay 15 sano kaddib markii ciidammadan la keenay Soomaaliya. Tan iyo waagaas, si gaar ah sannadihii danbe madax iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa qabay in la gaadhay wakhtigii Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi lahayd amnigeeda, inkasta oo weli meelo badan oo ka mid koonfurta Soomaaliya ay weli ka jirto xaaladdii kal hore loo keenay. Qaran News
  25. Amsterdam (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland, ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ey ka soo saarto billaha soo socda kiis dacwadeed u dhexeeya guddigii maamulka MASJID QUBA oo ah masjid dhismihiisa ay Soomaalidu qeyb weyn ka qaadatay, kuna yaal Magaalada Amsterdam. Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameysay ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka Sheekh Suldaan Gasle iyo 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija iyo Guuleed Weyrax]. Khilaafkan, oo ay ku soo baxeen waxgarad Soomaali ah oo Netherland ku dhaqan iyo culumaa’udiin ayaa soo maray maraaxilo kala duwan, iyada oo marxaladihii uu soo maray ay ka mid aheyd:- 1- Markii uu khilaafku billowday waxaa isku saf noqday 2-dii xubnood oo guddiga ka tirsanaa iyo xubnihii kale ee qaadumka ka ahaa masjidka. 2- Waxaa dhinac noqday Guddoomiyihii Guddiga iyo Iimaamkii Sheekh Suldaan Gasle iyo qaar ka mid ah Jamaceedadii masaajidka, ee ku xirnaa duruustii uu bixin jiray iyo dad Soomaali ah. 3- Sheekh Suldaan Gasle, oo howl-maalmeedkiisaa ku jira, ayaa ciidamo boolis ah loogu yeeray masjidkana bannaanka lagaga saaray. 4- Soomaali, meel kasta oo ay joogto way ka caroodeen ihaanadii Sheekha ey kula dhaqmeen ragga masjidka ku haray, oo ahaa ardaydii uu macalinka u ahaa. 5- Guddi isugu jira culumaa’udiin iyo odayaal muctarif ah ayaa khilaafka ku soo baxay. Markii ay la kulmeen 2da dhinac way u qoor-dhiibteen, waxaanna lagu balamay in wixii guddigaasi ay soo saaraan in ay ku qancaan. Inkastoo Sheekh Suldaan uu qaadacay dhexdhexaadnimada guddigaasi intii aysan soo saarin go’aankooda kama dambeysta ahaa. Go’aankii ay guddigaasi soo saareen waxey eeda khilaafka masjidka dusha ka saareen Sheekh Suldaan Gasle. 6- Guddi kale oo si iskood ah isu xilqaamay, fadhigooduna ahaa Amsterdam ayaa la kulmay raggii masjidka ku haray, waxeyna weydiisteen in ay 2da dhinac dhexdhexaadiyaan, hasse ahaatee xubnihii masjidka ku haray way diideen dhexdhexaadintaas. Markii ergooyinkii Soomaalida ahaa, ay ku fashilmeen in ay natiijo ka gaaraan khilaafka masjidka, waxaa soo ifbaxday war sheegaya in mid ka mid ah 2dii daraf inuu dacwad geeyay maxkamad ku taal Amsterdam, iyada oo maxkamadii dacwadda furtay ay maxkamad kale u sii gudbisay, waxaanna la filayaa in dhowaan in go’aan kama dambeys ah ay soo saarto maxkamadda. Taageerayaasha Sheekh Suldaan, ayeey boolisku ruqsad u siiyeen in Sheekhu masjidka tegi karo, kaddib markii raggii masjidka ku haray ku guul-dareysteen in ay ka saaraan nidaamka diiwaangelinta sharciga ah ee (KVK) oo Sheekh Suldaan ku qoran yahay inuu yahay Guddoomiyaha guddiga maamulka masjidka. Haddaba, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Sheekha iyo taageerayaashiisu ey maalmaha soo socda ku wajahan yihiin masjidka, ayaa dad badani ey walaac ka muujinayaan arrintaasi, waxaana su’aalaha la isweydiinayo ka mid ah; Haddii Sheekha iyo taageerayaashiisu ay masjidka tagaan waxa dhici kara.? Qaar ka mid ah dadka masjidka ku xiran oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, ayaa aragtidooda ka dhiibtay halka ay xaaladu mareyso. “Tuduc ku jirtay Gabay uu tiriyay AUN Qamaan Bulxan, ayaa waxaa ku jirtay, “Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane, aan doonahayn in aad heshana daa’in abidkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayn” Sheekha waxaa habsaamiyay oo waqtigii ka qaaday raggan yiri, qaaraan baan ku uruurineynaa, oo dacwad ayaa fureynaa, ee na sug, waxna uma aysan hayne way hurdisiinayeen; Qaarkood waxeey isku xiran yihiin oo ay hoos kala socdaan ragga masjidka jooga, marka Sheekha waxaa u kheyr roon waa la dulmiyay, oo ardaydiisii baa dulmisaye ha sabro, oo kiisa dacwadda ha xiro. Ragga Sheekha dulmiyay na waxaan leeyahay magacyada ALLE waxaa ka mid ah; AL-CADLU, oo macnaheedu yahay in ALLE uu caadil yahay, dambigaas aad waddaadka ka gasheen ama ha soo daaho ama ha soo degdego mar wuu iman” Ayuu yiri mid ka mid ah Jameecada masjidka, kana gaabsaday inuu magaciisa xuso, wuxuuna xusay inuu aad kaga careysaysan yahay sida ay ragga masjidka ku haray Sheekha ula dhaqmeen, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in cadowtinimada ay Sheekha u qabaan gaarsiisay ilaa heer muxaadarooyinkii Sheekha ee ku jiray bogga Youtube-ka masjidka laga saaro. “Maslaxada masjidka ayaa ka weyn tan Sheekha. Waxaan u arkaa qalad in la xagxagto ama laga been sheego ragga masjidka u qidmeynaya. Maxaa isku af ka dhigay guddigii culimada iyo aqoonyahanada ahaa ee tilmaamay Sheekha qaladkiisa iyo culimadii kale ee adduunka dacaladiisa joogtay ee taageeray ragga masjidka ku haray.? Hadduu Sheekh Suldaan Gasle saxnaa maxaa loo waayay Sheekh ama waddaad muctarif ah oo soo garab joogsada.? Aniga waxaan u arkaa arrinta masjidka in ay soo dhamaatay, balse ay jiraan dad iska hadlaya, oo aan waxba la socon,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada masjidka ku xiran, isaga oo intaasi ku daray in masjidkaasi ay ka faa’ideystaan kumanaan kun oo dhalinyaro iyo caruur Soomaali ah oo ku bartay culuunta islaamiga ah. The post Dacwadii Masjidka QUBA ee Soomaalida Amsterdam oo Maxkamad ay go’aamineyso appeared first on Caasimada Online.