-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay. “Roobabka loo saadaaliyay gobollada Bari, Sool, Sanaag, Waqooyi-Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbadda Dhexe waxa ay gaysan karaan khatar cabirkeedu sareeyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA gaar ahaan xarunta ka digista halis wareedka. “Bulshada ku dhaqan goboladaas waa in ay taxadar gooni ah ka muujiyaan khatarta fatahaadaha iyo roobabka imaanaya,” ayaa sidoo kale lagu yiri digniin kasoo baxday hay’adda SODMA. Xarunta ayaa uga digtay bulshada inay ka fogaadaan meelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah. Roobabkan laga digay halista ka dhalan karta ayaa la sadaalinayaa in gobolladaasi ka da’aan toddobaadka u dambeeya September iyo asbuuca ugu horreeya bisha October 2023. “Waxaa looga digayaa bulshada ku nool goboladaas in ay iska ilaaliyaan togaga maran, taasi oo khatar galin karta naftooda. Sidoo kale waxaa guud ahaan bulshada looga digayaa in aysan deegaameyn ama guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah, si ay ugu badbaado naftooda iyo hantidooda.” Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada. The post DF Soomaaliya oo soo saartay digniino hor leh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan si weyn baraha bulshada Soomaalida ugu baahay muuqaallo muujinaya gabdho garaacaya ragg. Falalkan ayaa qaarkood ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, ayada oo muuqaalladaas uu kamid ahaa nin ay garaacayaan labo haweeney, oo ay ka muuqato cabsi weyn, islamarkaana la maqlayo isaga oo oynaya oo gabdhaha ka codsanaya “inay iska sii daayaan.” Kadib markii ay muuqaaladan ku baaheen baraha bulshada ayaa waxaa ka howl-galay laamaha ammaanka, waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo qaar kamid ah gabdhihii falkaasi ku kacay iyo rag la sheegay inay qeyb ka ahaayeen. Booliiska magaalada Kismaayo ayaa laba maalin kahor soo bandhigay gabdho iyo wiilal ay sheegeen inay shirqooleen nin, kadibna ay muuqaal ka duubeen iyaga oo garaacaya. “Booliiska waxaa u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanayaasha oo kala ah afar wiil iyo labo gabdhood,” ayuu yiri Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha booliska gobolka Jubbada Hoose oo warbaahinta la hadlay. Sidoo kale waxa uu sheegay Dhamme in wiilasha iyo gabdhaha lasoo qabtay ay gurigooda ku ballamiyeen wiilkan, uu muuqaalkiisa sida weyn u qabsaday baraha bulshada. Eedeysanayaashan ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda, sida uu sheegay Dhamme oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo. “Waxaa uga digeynaa bulshada in ay ka feejignaato falkan, oo maalmahan haystay baraha bulshada, ciddii lagu soo qabtana sharciga ayaa la marsiin doona.” Wararka ayaa intaas kusoo daraya in laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ay sidoo kale soo qabteen eedeysanayaal lala xiriirinayo fal noocaan ah oo ka dhacay caasimada, wallow aan weli arrintaan laga xaqiijin booliska magaalada. Isku soo wada duubo, falalka noocaan ah ayaa muddooyinkii dambe soo badanayay, taasi oo si adag uga digeen laamaha ammaanka, ayada oo dadkuna ay siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen muuqaalada maalmihii lasoo dhaafay qabsaday baraha bulshada. The post War ka cusub gabdhihii ‘hadal-haynta dhaliyay’ ee ragga ku garaacay Muqdisho iyo Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Governor of the Banaadir Region and the Mayor of Mogadishu, Yusuf Hussein Jima'ale Madaale, has urged the residents of the capital to prepare for El Niño rains, which could potentially cause floods during the rainy season spanning from October to December. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, ayada oo abaalmarin lacageed oo cusub dul-dhigtay ku-xigeenka Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda). Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo dollar qofkii soo sheega xogta Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab. “Illaa 5 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ayaa lagu bixinayaa si loo helo xog ku saabsan Abuukar Cali Aadan. Naga caawi sidii aan u heli lahayn hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee Mareykanka. Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Naga caawi joojinta hoggaamiyahan muhiimka ah (ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab) ee argagixisada.” Abuukara Cali ayaa Mareykanka horay ugu soo rogay cuna-qabateyn, ayada oo la raacayo qodobka (E.O.) 13224, kaasi oo cuna-qabateyn adag saaraya dadka ajnabiga ah ee halista weyn ku ah amniga muwaadiniinta Mareykanka ama amniga qaranka, siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha Mareykanka. Sidoo kale Mareykanka ayaa isla sanadkaan ku dhawaaqay in ciddii keenta xogta hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab la siin doono lacag dhan illaa $10 milyan oo abaalmarin ah, taasi oo la dul-dhigay madaxiisa. Abaalmarintan ayaa waxaa ku dhowaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-Shabaab, isaga oo xilkaas qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane. Horay Mareykanka ayaa 21-kii bishii April ee 2015-kii, Abu Cubayda u aqoonsaday agagixiye caalami ah, waxuuna markaas madaxiisa dul dhigtay 6 milyan oo dollar. Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda) ayaa ah nin aad isku qariya, waxaana markiisii ugu dambeysay uu kasoo dhex muuqday (isaga oo wejigiisa humaag lagu furay) muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay. The post Mareykanka oo $5 milyan ku raadinaya Abuukar Cali Aadan appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In 2011, piracy was a formidable challenge, with a staggering 212 attacks occurring in expansive waters, encompassing the Indian Ocean, Somali territories, the Red Sea, and the Gulf of Aden. The financial toll? A significant hit to the global economy, estimated at billions by the World Bank. These pirates audaciously hijacked ships even 1,000 nautical miles off Somalia’s shores, demanding ransoms. Between 2005 and 2012, these ransom payments accumulated to over US$400 million. Initially, the wave of piracy seemed an insurmountable challenge. Although world-renowned navies and the shipping industry took anti-piracy measures, tangible results remained elusive. The popular sentiment leaned towards a ground solution: transformative state-building in Somalia. However, the daunting task of embarking on such a mission, especially in light of the US’s struggles in Iraq and Afghanistan, meant no immediate takers. From rampant attacks to relative calm Against all expectations. By 2012, attacks plummeted to just 10. Furthermore, between 2013 and 2023, only two hijackings were reported. What led to this extraordinary shift? The Somali piracy phenomenon was dissected through intensive research on international diplomacy and military strategies spanning three decades, along with a colleague with expertise in military tactics. We found consensus among scholars and experts: four critical measures played a decisive role in curbing piracy: International naval coordination, especially by the United Nations Security Council’s five permanent members: the US, UK, France, China, and Russia. Robust self-defense protocols, including deploying armed guards, were adopted by shipping owners and flag states. A robust legal framework facilitating the prosecution and incarceration of pirates. Regional initiatives empowering regional and Somali entities to detain pirates. The uniqueness of the Somali situation wasn’t just these strategies. The global community’s consensus to endorse and fund these measures was the real triumph. Overcoming collective challenges In theory, confronting piracy should have been a collective challenge, given its “public good” nature. The safety benefits were undeniable, yet the steep costs made many reluctant contributors. States and shipping companies hesitated, hoping others would bear the responsibility. Overcoming this ‘free-rider’ challenge was pivotal. We identified three primary reasons for the Somali success: Firstly, the pirates targeted ships from major global powers and prominent shipping corporations. Consequently, nations like France took militaristic initiatives, with the US shaping an all-encompassing strategy. Secondly, international bodies such as the European Union and NATO’s participation, coupled with China and Russia’s interventions, bolstered global commitment. Thirdly, Somali regional and federal governments played instrumental roles, permitting force usage against pirates and cooperating in establishing pirate prisons funded by global contributors. Yet, this success might be challenging to emulate. The Somali incident uniquely aligned global, regional, local, and private sector interests. Contrarily, local cooperation remains sparse in regions like the Gulf of Guinea. Similarly, while addressing West Africa’s coups, global powers find their interests often clashing. Ultimately, the unparalleled synergy of interests across different actors made the Somali anti-piracy initiative remarkably effective. The post From chaos to calm: Somali piracy’s remarkable decline appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The African Union Transition Mission to Somalia (ATMIS), consisting of troops from Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda, and Burundi, has voiced its agreement with Mogadishu’s call for a three-month delay in the troop reduction plan. This comes amid concerns of potential security voids in the ongoing counter-terrorism efforts. A joint letter dated September 23 to the UN Security Council stated, “Our aim is to ensure that Somalia has the space to address the pressing challenges without hastening the security transition process.” Previously, the UN Security Council Resolution 2689 had set a deadline of September 30 for the departure of some 3,000 troops. However, the current decision implies that these soldiers might remain in Somalia past the deadline or be substituted with an equivalent force. The continuation or replacement largely hinges on securing adequate funds. Addressing security and funding challenges The shared sentiment amongst troop contributors and Somali officials is the pressing need to plug security gaps before further reducing forces. A collaborative technical report between the African Union and Somalia highlighted Somalia’s present challenges, notably their struggle to secure residential zones close to Forward Operating Bases (Fob) set to be vacated by ATMIS. These gaps heighten the risk of territories falling back into the hands of the extremist group Al-Shabab. As the troop contributors push for an extension, they emphasize the urgency of funding. They stated, “We propose sourcing funding from different budget lines and partners to ensure that the necessary resources are available to sustain the security transition effectively.” Emphasizing their dedication, they added, “We are committed to working with Somalia and their partners to secure the financial support required for this critical mission.” The ongoing transition and future discussions It’s worth noting that ATMIS, formerly known as the African Union Mission in Somalia (Amisom), initially boasted a strength of 21,000 troops. Following an agreement reached in April of the previous year, this number has been systematically reduced. The mission’s ultimate goal is to conclude its operations by December 2024. Recent revelations indicated preparations for troop departures in line with the initial UN resolution. For instance, the Burundian contingent recently vacated one of the Fobs, Bio Cadale, in HirShablle State. While the Somali National Army assumed control, concerns persist regarding Somalia’s capability to simultaneously manage Fobs and advance to Phase 2 of the conflict against Al-Shabab. The next steps rest with the UN Security Council’s discussions on this issue, with the African Union Peace and Security Council playing a pivotal role in deliberating funding solutions for the troops post-September 29. The post ATMIS backs Somalia’s drawdown delay request appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta tababar u furay dhallinyaro da’yar ah oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka. Ciidankan oo tababarka uga furmay dugsiga tababarka C.X.D.S ee Turk-Som ayaa sidoo kale waxaa kamid ah saraakiil iyo saraakiil xigeenno kamid noqonaya ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha tababarka loo furay ayaa sidoo kale goobta lagu dhaariyay maadaama ay soo dhammeysteen dhibbowga ciidannimo, taasi oo goobjoog uu ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow. Wasiir Cabdinuur ayaa ciidanka uu tababarka u furay kula dardaarmay inay muujiyaan karti iyo firfircooni dheeraad ah waxa uuna ku ammaanay in ay doorteen difaacidda Diinteena, Dadkeena iyo Dalkeena. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kaga mahadceliyay Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud, sida ay ka go’antahay dib u dhiska ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo la-dagaalanka iyo ciribtirka kooxaxaha khawarijta ee baneystay hantida iyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu mahadcelin u jeediyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiintooda, isagoo sidoo kale ku ammaanay saraakiisha Soomaaliyeed ee qeybta weyn ka qaatay fulinta iyo isku dubbaridka tababarkan. Munaasbadan ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Taliye Xigeenka CXDS Janaraal Maadey Nuur Sheekh Ufurow ,Taliyaha Ciidanka Cirka XDS Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood) iyo Saraakiil ka kala socotay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowladda Turkiga. Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, ayada oo safaaradda Turkiga ee Muqdisho ay tahay tan ugu weyn ee ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya The post Sawirro: TURKEY oo ciidamo cusub u tababaraya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Dalka Britain, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in sannadkii 2015-kii, warbixin khaldan oo laga soo saaray sigaarka elektaroonigga ah awgeed, ay carruurtu isku dayeen inay cabbaan. Waxay yiraahdeen waa run in sigaarka elektaroonigga ah ama vape-ku uu ka fiican yihiin sigaarka dadka waaweyn ee caadeystay cabbitaanka sigaarka, laakiin wuxuu waxyeello badan u geystaa carruurta. Saynis yahanadu waxa ay had iyo jeer ku adkaystaan in sigaarku uu sabab u yahay kansarka noocyadiisa kala duwan, laakiin dadka ama hoggaamiye yaasha aan joojin Karin, waa in ay cabbaan sigaarka elektarooniga ah, kuwaas oo aan waxyeello u geysaneyn. Sannadkii 2015-kii, markii cilmi-baaris cusub lagu sameeyay sigaarka elektaroonigga ah, dowladda Ingiriisku waxay daabacday daraasad lagu sheegay in sigaarka elektarooniga ahi boqolkiiba 95 ka ammaan badan yahay sigaarka caadiga ah ama kan faraha lagu qabsado ee la shito. Hadda, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in macluumaadka la daabacay ay tahay inay caddeeynayaan cidda ugu dhibka yar, sababtoo ah tan iyo markaas, carruur badan, gaar ahaan dadka da’doodu ka yar tahay 18 jir, ayaa waxay u maleynayaan in sigaarka elektaroonigga ah uusan waxyeello lahayn, iyagoo si aad ah u isticmaala Dr. Mike McKean, oo ah ku xigeenka madaxa caafimaadka carruurta ee Royal College oo daaweeya carruurta qaba dhibaatooyinka sambabada, ayaa sheegay in xanuunnada qaar ay la kulmaan kaliya dadka waayeelka ah ee qabatimay sigaarka. Dr. McCain ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ku sheegay in sigaarka elegtarooniga ah uusan ahayn mid loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada. Aad bay u dhibaysaa. Laakin saameyn xun kuma laha qof walba sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in faafinta fariinta ee waxyellada sigaarka Vape-ka ay tahay 95 boqolkiiba badbaado ay ahayd mid aad u fudud taasoo keentay jahawareer badan. Dr. McCain waxa uu sheegay in arrintan ay dhallinyaradii aan niyadda u hayn in ay sigaar cabbaan ay u beddelaan sigaarka elektaroonigga ah, oo hadda laga yaabo in ay balwad ahaan u yeesheen. Professor Anne McNeil, oo hormuud u ahayd qoraalka warbixinta 2015-kii, ayaa BBC-da u sheegtay in xilligaasi ay haysay macluumaad badan, ayna diiradda saartay sidii ay u ogaan lahayd waxa ku jira sigaarka elektaroonigga ah. Waxay tiri, ujeeddadu ma ahayn in la yiraahdo waa caadi sigaarkan, laakiin waxa uu aad uga duwan yahay sigaarka dhabta ah marka loo eego khasaaraha nafeed ama waxyeelladiisa. Tirooyinka la arkay marka laga soo bilaabo 2022-kii ayaa muujinaya in dadka da’doodu u dhaxayso 16-ilaa 24-jirka, in ka badan hal tobankii qofba mid ay cabbaan sigaarka elektaroonigga ah oo ay ku jiraan waxyaabo la qabatimay maalin kasta ama marmar Khasaaraha sigaarka elektaroonigga ah ayaa wali waxaa ku socda baaritaan. Dalka Britain, qof ka yar 18 sano ma iibsan karo sigaarka elektaroonigga ah sida sigaarka kale ee caadiga ah oo kale. Haddii dukaanlaha lagu qabto isagoo sigaar ka iibinaya ilmo yar ama aan qaan gaarin waxa uu la kulmi karaa ganaax adag. Haddii aad ka fikirtay inaad isku daydo inaad joojiso caadada sigaarka, keligaa ma tihid. Ku dhawaad 7 ka mid ah 10-kii qof ee sigaar cababa waxay sheegaan inay rabaan inay joojiyaan. Joojinta sigaar cabista waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad u samayn karto caafimaadkaaga. sigaar cabbiddu waxay waxyeelo u geysataa ku dhawaad xubin kasta oo jirkaaga kamid ah, oo uu ku jiro wadnahaaga. Ku dhowaad saddex-meelood hal meel dhimashada cudurrada wadnaha waxaa keena sigaarka iyo qiiqiisa. Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay u badalo sigaarka elektaroonigga ah balse laftigiisa ayaa la sheegay in uusan lahayn bad qab dhameystiran taasi oo keentay in dib loogu laabto baaritaankiisa bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS, sida ay xaqiijisay VOA. Qorshaha ayaa ahaa in Taliska Ciidanka ATMIS uu dhammaadka bishan September dalka ka saaro saddex kun oo askari, taas oo daba socoto qorshaha wejigii hore ee yareyntooda oo daba-yaaqadii bishan June dalka lagaga saaray laba kun oo askari. Si kastaba, waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah. Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan u saamixi karin in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay hadda dalka kaga sugan yihiin. Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ciidamo ay ka joogaan dalka ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay warbixin ay ugu sheegayaan inay soo dhaweynayaan soo jeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Warbixinta ayaa lagu bogaadiyay dadaalada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay dalka kaga sifeyso maleeshiyada Al Shabaab. Taliska Hawlgalka ATMIS ayaa la filayaa in wareegga xigga ee dhimista tirada ciidamada ka jooga dalka uu sameeyo bisha June ee sanadka soo socda. Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera hawlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay aanay wax door muuqdo ah ku lahayn gulufka dagaalka ee Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka. The post 5 dal oo taageeray codsigii madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Since he took office in 2021, U.S. President Joe Biden has wound down the United States’ involvement in some post-9/11 conflicts. But Somalia is a glaring exception. Source: Hiiraan Online
-
Five civilians have been killed and 13 others were wounded in a car bombing in central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
A magnitude 4.9 earthquake hit small Horn of Africa nation Djibouti on Thursday morning. Source: Hiiraan Online
-
Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS. Waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah. Waddamadan ayaa sidoo kale qoraalkooda ku ammaanay dagaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto maleeshiyaadka alshabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan u saamixi karin in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay hadda dalka kaga sugan yihiin. PUNTLAND POST The post Dalalka ku midaysan Hawlgalka ATMIS oo taageeray Codsigii Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani ayaa la sheegayaa in muddo ka badan afartan maalmood uu ka maqanyahay magalaada Garowe oo ah caasimadda maamul goboleedka Puntland. Mudadaas warbaahinta kama soo muuqan, mana la shaacin hawsha uu ku maqan yahay. Balse warbaahinta ayaa baahisay warbixin ku aadan in kulan uu la qaatay masuuliyiinta dawladda Imaaraadka Carabta oo uu kala hadlay sidii ay u maalgashan lahaayeen dekadda garacad. Dad badan ayaa bilaabay inay is weydiiyaan halka uu madaxweynuhu ku maqanyahay iyo sababaha ka dambeysa maqnaashihiisa. Daka qaar ayaana u fasirtay in ay noqon karto sababo caafimaad oo madaxweynuhu uu dalka dibaddiisa ugu maqanyahay. Mudada oggolaanshaha dastuurka Puntland ee madaxweynuhu uu dalka ka maqnaan karo ayaa xaddidan, iyadoo marka loo eego maqnaashaha madaxweyne Deni ay aad uga badantahay inta dastuurku uu fasaxayo. Haddaba si aan arrintaas maqnaashaha madaxweynaha Puntland wax uga ogaanno waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, isaga oo ugu horreyn sharraxaad ka bixiyay sida ay u socdaan howlaha maamulka ee haatan iyo hadal heynta ka dhalatay maqnaashiyaha madaxweynaha Puntland. Wasiirka oo aan ugu horreyn aan weydiinnay waalaca ka dhashay maqnaashiyaha madaxweynaha ayaa yiri: “Ma aha in aad tiraahdaan walaac ayaa ka dhashay arrintaas… madaxweyne kuxigeenka ayaa jooga oo ah kusimaha madaxweynaha,”. Puntland oo muran ka dhashay doorashooyinka uu taagnaa bilooyinkii u dambeeyay ayuu sheegay in maamulku wado shaqooyinkii lagu qaban lahaa doorashooyinkaas. Wuxuu carrabka ku dhuftay in xisbiyada oo dhawaan ku tartamay doorashooyinka golaha deegaanka ay shaqadooda wataan oo aysan madaxweynaha waxba uga xirnayn. Wasiir Caydiid ayaa yiri: “Qolada shakiga qabtaa ee durbaannada beenta ah garaacaneysa meel kale haka garaacdeen oo aan Puntland ahayn. Dowladda Puntland waa dowlad waligeed soo jirtay, waa dowlad 25 sano soo jirtay waxa ay leedahay shuruuc, cid walbaana shaqadeeda loo igmaday ayey haystaa.” Balse waxaan mar kale way diinay waxa sababay in mudadada intaa la’eg uu madaxweynuhu ka maqnaado magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Mar aan waydiinay waxa uu ka hayo Nairobi ayuu ku jawaabay: “Madaxweynuhu baagamuuddo ma aha. Inta uu maqanyahay howl ayuu haystaa wuuna maqnaan karaa, waana sheegay hay’ado isku filan ayaa Putnland ka jira.” Wasiirka oo u muuqday inuusan rabin inuu sii faahfahiyo maqnaashaha madaxweynaha ayaan wareysigaan uga jawaabin in sabab caafimaad uu madaxweynuhu u joogo caasimadda Kenya iyo in kale. Muddo intee la’eg ayuu maqnaan karaa madaxweynaha Puntland? Dastuurka Puntland waxa uu qeexayaa muddo cayiman oo loo oggolyahay in madaxweynaha dawlad goboleedku ka maqnaan karo dalka, gaar ahaanna dawlad goboleedka uu ka taliyo, iyadoo mudada ku xusan dastuurku is badali karto hadii ay dhacaan xaaladaha qaar. Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo qeexaya mudada uu dastuurku u oggolyahay iyo waxa keeni kara in madaxweynuhu uu waqtiga intaa la’eg maqnaado ayaa yiri: “ Sharciyan madaxweynaha waxa uu maqnaan karaa muddo 60 maalmood ah, balse hadda cidi u daba geli meyso shrcigu intuu u oggolyahayna waa uu ku maqnaan karaa inta uu maqanyahayna waxa uu ku maqanyahay howlo loo igmaday, xujana noqon meyso maqnaashihiisa” Wuxuu ku soo celiyay mar kale in Puntland ay isku filantahay, oo hawlaheeda wadato. Xagee ayuu hadda ku suganyahay madaxweyne Deni? Wareysi labaad ayaan la yeelanay wasiir Caydiid Dirir, inaga oo waydiinay su’aalo la xariira caafimaadka madaxweynaha. Wuxuu yiri wasiir Caydiid: “Madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa, waxa uu joogaa magalaada Nairobi, wuxuu u joogaa howlo shaqo waana uu soo noqonayaa marka uu dhammaysto” ayuu yiri. Sidoo kale wasiir Dirir ayaa sheegay in Puntland iyo caalamka uu ka dhexeeyo xiriir calami ah isla markaana aysan safaarado ku oollin Garowe, marka laga reebo qunsuliyadda Ethiopia, taasina ay keentay in madaxweynuhu uu joogo Nairobi howlo diblomaasiyadeedna uu halkan u joogo. Isha: BBC The post Xagee ku maqan yahay madaxweyne Deni oo 40 cisho laga la’yahay PUNTLAND? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay si weyn u adkeeyeen amniga magaaladaasi, ayada oo ciidamo dheeraaad ah la geeyey kontoroollada laga soo galo magaalada. Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in sidoo kale ciidan xoojin ah la adkeeyay aagga waddada tagta Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan digniino laga muujinayo suurtagalnimada in mintidiinta Al-Shabaab ay mar kale magaalada ku soo weerari karaan gaadiid walxaha qarxa lagu soo raray, kadib labadii qarax ee Khamiistii ay ciidamadu ku fashiliyeen afaafka hore ee magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu ammaanay in si geesinimo leh uga hortaggeen raggii la socday gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyay ee la doonayay in gudaha loo soo geliyo magaalada. Dhanka kale, magaalada ayaa waxaa ka bilowday olole taageero loogu muujinayo ciidamadii fashiliyay dhagartii argagixiso ee lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo dadka reer Dhuusamareeb. Ololahan oo deeq lagu gaarsiinayo ciidamada ayaa waxaa hormuud ka ah Odayaasha Dhaqanka iyo Ururka Haweenka Dhuusamareeb. Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa shalay dadka deegaanka ugu baaqay in ay garab istaaggaan ciidamada, isla-markaana ay la shaqeeyaan. “Ciidamadiina amniga waad arkaysaan shaqada ay idiin qabteen, haddii qaraxaasi suurtagal ay noqon lahayd in magaalada dhexdeeda uu taggo intuu dhibaato gaysan lahaa iyo intuu ummad halaagi lahaa, waana la ogyahay wixii Beledweyne ka dhacay. Marka ciidamadiinu waxay mudan yihiin inaad aad iyo aad ula shaqeysaan, uga mahadcelisaan, u soo dhaweysaan, una garab istaagtaan,” ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb. Duqa Dhuusamareeb ayaa ballanqaaday inay abaalmarin doonaan ciidamada, sida dhiiranaanta leh isugu dhigay gaadiidkii miineysnaa, isla-markaana ay mudnaantooda siin doonaan. “Anigoo Dowladda Soomaaliyeed uga wakiil ah mudnaantooda ayay helayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Duqa Magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb ka sii wada abaabulka iyo dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan. The post Ammaanka Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay kadib arrin laga war helay – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaannada laga soo doortay gobolka Awdal ee ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aamo xasaasi ah, iyaga oo dalbaday in la furo dastuurka, si loo saxo nidaamka saami-qaybsiga. Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in dib-u-eegis lagu sameeyo goobaha codbixinta gobolka Awdal, lana kordhiyo, sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo warbaahinta u akhriyay go’aamada ay soo saareen. “Dastuurka dalka in la furo ayaa Waxaan go’aaminay, laguna caddeeyo beelaha Somaliland sida ay wax u wada yeelanayaan, in la saxo, lagana heshiiyo habka saamiga kuraasta sharci-dajinta, fulinta iyo mashaariicda horumarineed,” ayuu yiri Xildhibaan Maydhane. Waxa uu intaas kusii daray “Tirada goobaha codbixinta waa in la kordhiyo gobolka Awdal, looguna daro 80 goobood, habka tirinta codadkuna waa in ay noqotaa hal dheeri, oo lagu kala baxo hal dheeri.” Sidoo kale waxay dureen soo-jeedintii dhawaan ay soo saareen odayaasha dhaqanka ee ayideen mucaaradka iyo xukuumadda, “Marka ku qanacnay in go’aamada la qaatay doorashooyinka soo socda keeni karaan nabadgelyo xumo si fudud ku timaada, oo si fudud uga bilaabata gobolka Awdal.” Ugu dambeyntiina waxay dalbadeen in go’aamada ay soo saareen saxiixaan madaxda saddexda xisbi ee Somaliland, kadibna qaraar gole lagu soo saaro, si ay meel mar u noqoto soo-jeedintooda. Si kastaba, Siyaasiyiinta gobolka Awdal qaarkood ayaa ku qanacsanayn in doorashada madaxtooyada laga reebo ururrada, inkasta oo odayaasha dhaqanka gobolka ay horay u taageereen tallo soo-jeedintii guddida dhaqanka ee doorashooyinka. The post Go’aano xasaasi ah oo laga soo saaray doorashada iyo saami-qeybsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xafiisyo badan oo dawladda Maraykanka ah ayaa laga yaabaa in qayb ahaan shaqadooda la hakiyo, wixii loo gaadho maalinta Axadda ee soo socota. Arrintaan ayaa imaneysa kadib markii mudanayaasha golaha baarlamaanka ee Maraykanku ay ku guuldaraysteen inay isla meeldhigaan, miisaaniyadda ay dawladdu ku shaqaynayso 12-ka bilood ee foodda innagu soo haya. Qodobada la isku hayo ayay ka mid yihiin, in lagu daro, lacago lagu taageerayo dalka Ukraine, si ay isaga caabbiyaan Ruushka, xakamaynta muhaajiriinta ka soo gudbaya xuduudda Mexico iyo Maraykanka, iyo weliba arrimo taabanaya barnaamijyada daryeelka bulshada Maraykanka ah. Golaha Senate-ka ee ay maamulaan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku dedaalaya inay meelmariyaan qorshe wakhti gaaban ah oo xukuumaddu ku shaqayn karto, hase ahaatee weli may helin codad dhamaystiran oo qorshahaasi sharci ku noqon karo. Dhinaca kale Afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku gacan-saydhay dedaalada ka socda aqalka Senate-ka. Xafiisyada dawladda ayaa Khamiistii bilaabay inay shaqaalohooda ku wargeliyaan, tallaabooyinka dhici doona, haddii aan la ansixin miisaaniyadda dawladda. Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee golaha Senate-ka Mitch McConnell ayaa uga digay mudanayaasha aqalka wakiillada, dhibaatada ka dhalan karta haddii la joojiyo shaqada xukuumadda, gaar ahaan, xakamaynta duufaanta muhaajiriinta ah ee ku soo qulqulaya xuduuda koonfureed ee Maraykanka. The post Xukuumadda Mareykanka oo qayb ahaan shaqada joojinaysa Axadda, haddii aan… appeared first on Caasimada Online.
-
Daraasadda Waddada Isku Xidha Ceerigaabo iyo Maydh Hargeysa(Qaran news)-Maareeyaha Wakaaladda horumarinta Waddooyinka Injineer Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa soo xidhay kulan lagu soo bandhigayay laguna falanqaynayay muddo laba maalmood ah Daraasadda Wadada isku xidhaysa Degmooyinka Ceerigaabo iyo Maydh. Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay intii uu socday shirkadda daraasaddan fulisay, saraakiisha Wakaaladda horumarinta Waddooyinka, sanduuqa horumarinta wadooyinka iyo Waxgarad ka socday deegaankaasi. Muddada labada maalmood ah ayaa waxa lagu gorfeeyay daraasad ku saabsan jidka u dhexeeya Ceergaabo ilaa Maydh, kaasi oo muhiim u ah gobolka Sanaag. Waxa kulankaasi lagaga dooday cabirka jidka, caqabadaha horyaala iyo sida ku haboon ee loo dhisi karo iyada oo la iska kaashanayo. Daraasadan ayaa noqon doonta mida ay ku hawlgalaan cidda la rabo inay jidkaasi dhismihiisa fuliyaan, waxaana loogu talagalay in lagu ogaado caqabadaha jidkan horyaala iyo waxii lagag gudbi lahaa. Jidkasta oo ay wakaallada Horumarinta wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ay rabaan in ay dhisaan ama dayac tiraan, waxa ay sameeyaan sida caadiga ah daraasad lagu sugayo jawiga meesha la rabo in laga horgaliyo jidkaasi, si looga hortago wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhimaha jidkaasi. Qaran News
-
Reer Sallaxlay oo 50 Neef oo Geella ugu Deeqay Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha JSL, Mudane Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa ka qayb galay Geel degmada Sallaxley ku wareejinayeen ciidamada Qaranka JSL. Kaalmadan geela ah ee bulshada Sallaxley ku taageerayeen ciidamada Qaranka Somaliland ayay tiradoodu dhameyd 50 neef oo Geela, oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sar sarre oo ka tirsan ciidamada Qaranku. Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa ku ammaanay bulshada reer Sallaxley taageerada ay markasta la garab taagan yihiin ciidamada Qaranka JSL, ee ku habeen iyo maalin u taagaan difaacada iyo sugista abniga dalka. Mas’uuliyiintii kala duwana ee madashii wareejinta Kaalmada Geela ah ka hadlay ayaa sheegay in Degmada Sallaxley ay muujisay dadaal ku aadan sida ay u barbar taagan yihiin Ciidanka Qaranka. Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in madaxweynaha JSL, iyo xukuumadduba ku filan yihiin ciidanka Qaranka dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba, balse sababta xoolaha loogu wareejinaya ay tahay in ciidanka la tuso in lala dareen yahay isla markaana la garab yahay. Gaba-gabadii mudanayaasha golaha degaanka ee degmada Sallaxley iyo bulshada degmadaasi ayaa sheegay inay markasta hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidamada Qaranka. Qaran News
-
Wasiirka Ciyaaraha oo la Kulan Masuuliyiin ka Socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdiraxiin Xirsi Jaamac Dhooble, ayaa maanta kulan la yeeshay La-taliyaha xafiiska Ciyaaraha ee Dowlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdirisaaq Xasan Maxamed. Sidoo kale waxa kulankan ku wehelinayey guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, Fu’aad Axmed Cali, waxaaney ka wada haldeen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Dalka Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida ee xagga ciyaaraha. Waftigan safarka shaqo ku yimid Somaliland ayaa ujeedada socdaalkoodu salka ku haysay sidii Somaliland iyo DDS, ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta dhinaca ciyaaraha labada dal, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dhinaca ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhalinyarada. Maaha markii u horraysay ee masuuliyiinta dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland iyo dawlad deegaanku ay ka arinsadaan sidii loo xoogin lahaa horumarinta dhinaca ciyaaraha labada dal, balse waxa jira kulamo hore oo ay yeesheen masuuliyiinta dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo dawlad deegaanku kuwaasi oo lagaga tashanayay adkaynta xidhiidhka dhinaca ciyaaraha labada dal. Gaba-gabadii waxa la isla qaatay sidii looga shaqayn lahaa iskaashiga ciyaaraha labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo Dawlad deegaanka. Qaran News
-
Shaqaalaha Cisbitaalada Gaarka ah oo Tababar Loogu soo Xidhay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr. Cabdicasiis Cumar Muuse, ayaa soo gaba-gabeeyay tababar socday mudo 10-maalmood ah oo ay qaadanayeen Shaqaale Caafimaad oo ka kala socday Xarumaha Caafimadka ee gaarka loo leeyahay. Tababarkan oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo haayadda UNFPA, ayaa ku saabsanaa adeega Kalla korinta ubadka si loo hirgeliyo siyaasada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee kala korinta ubadka, tababarkan oo mudadii uu socday ay ka faa’idaysteen Shaqaale ka kala yimid dhamaan goboladda dalka ayaa wax weyn ka tari doona in bulshada lagu dhiirigeliyo faa’idadada kala korinta ubadku u leedahay Hooyadda iyo dhalaanka. Isu’duwaha oo tababarkan si rasmi ah usoo gaba-gabeeyay ayaa shaqaalihii tababarkan ka faa’idaystay mudadii uu socday ayaa kula dardaarmay inay weeleeyaan sidoo kalena ugu adeegaan Bulshadii iyo Xarumihii ay ka kala yimaadeen. Gaba-gabadii Isu’duwaha ayaa gudoonsiiyay Shahaadooyin cadaynaya aqoontii ay barteen dhamaan shaqaalihii dhamaystay mudadii uu tababarkani socday. Qaran News
