-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay soo bandhiggi doonaan ganacsatada iibsatay dhulka danta guud ee Hargeysa oo aad u badan. Afhayeenka Waddani Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xisbi ahaan haddii ay talada ku guullaystaan aanay ganacsatadaasi u ogolaan doonin dhulkaasi maadama oo ay iibsadeen xilli kala guur ah, si daahfurana aanay u iibsan. Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in maalmo dhaw uu shaacin doono magacyada ganacsatada dhulka danta guud ka iibsanaya xukuumadda madaxweyne Biixi. Xukuumadda madaxweyne Biixi, ayaa lagu eedaynayaa in ay iibisay dhul danguud ah oo aad u badan kuwaas oo uu ugu dambeeyay dhulka Laynka Booliska ee Hargeysa. Source
-
Ayada oo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo baxaya in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn. Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sannado ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan toddobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal. Xafiiska ilaalada kacaanka ee Iran (IRGC) oo ah millateriga ugu awoodda badan dalkaas ayaa tan iyo bishii August kala shaqaynayey Xamaas sidii loo qaabayn lahaa dagaal qaabab kala duwan leh oo israa’iil looga soo qaado dhulka, cirka iyo badda. Weerarka Israa’iil waxaa looga hadlay dhowr kulan oo ka dhacay Beyruut oo ay ka qayb galeen saraakiil ka socotay IRGC, iyo wakiillo ka socday afar urur ‘argagixiso’ oo ay taageerto Iran oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah. Xamaas waxay gacanta ku haysaa marinka Qasa, halka Xisbullah ay tahay koox siyaasadeed oo hubaysan oo shiica ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hussein Amir-Abdullah ayaa ka qayb galay labadii kulan ee u dambeeyey sida uu wargeyska the Wall street Journal qoray in laga soo xigtay xubno ka tirsan Xamaasa iyo Xisbullah. Weerarka Israa’iil ayaa la qorsheeyey in la qaado ayadoo dalku u muuqdo in uu aad ugu sii jeedo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamoin Netanyahu. Waxaa kalo weerarka looga gol-lahaa “in Khalkhal lagu geliyo wadahadallada uu Maraykanku gadhwadeenka ka yahay ee lagu hagaajinayo xidhiidhka Sacuudiga iyo Israa’iil, kaasoo ay Iran khatar u aragto sida ay sheegeyso warbixinta. Qorshaha balaadhan ee Iran wuxuu ahaa in la abuuro dhowr furimood oo israa’iil laga soo weeraro, ayadoo ay Xisbullah iyo jabhadda xoraynta Falastiin ka soo qaadayaan waqooyiga, halka Islamic Jihad iyo Xamaasna ay ka soo qaadayaan Qasa iyo daanta galbeed. Wargeysku wuxu kaloo qoray in Iran ay meel iska dhigtay xiisadihii kale ee gobolka oo ay kujirto tan u dhaxaysa ayaga iyo Sacuudiga iyo Yemen, oo ay diiradda saartay inay isticmaasho IRGC ilaheeda ku wajahan dhaqaale ku bixinta iyo hubaynta ‘kooxaha argagixisada’ ee Xamaas iyo kooxaha kale si ay u weeraraan Israa’iil. Laakinse markii wax laga weydiiyey Mahmoud Mirdawi oo ah sarkaal xamaas ka tirsan kulamada Iran lala yeeshay ee ka dhacay Beirut, wuxuu sheegay in ay ahaayeen “go’aannada Falastiiniyiinta iyo Xamaas”. Afhayeen u hadlay ergada Iran ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisa uu uu taageersan yahay ficillada Xamaas, wuxuuse sheegay in Iran ayna amrin. “Go’aannada ay sameeyeen kooxaha wax iska caabinta ayaa ah kuwo madax banaan oo la jaanqaadaya danaha sharciyadeed ee shacabka Falastiiniyiinta” ayuu wargeyska the Wall Street Journal ka soo xigtay afhayeen codsaday in magaciisa la qariyo, wuxuuna intaa raaciyey “kuma lug lihin jawaabta Falastiiniyiinta bacdamaa ay falastiin ayada uun qaadatay”. Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa aisna muujiyey taageerada uu hayo weerarkak Xamaas, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil ay qaaddo mas’uuliyadda ah in ay gobolka khatar galisay. Afhayeenka Xamaas, Ghazi Hamad ayaa isna la weydiiyey bal inuu sheego inta ay le’eg tahay taageerada xamaas ay Iran ka heshay si ay weerarkan u qaaddo ayaa ku jawaabay “waxaan ku faraxsanahay inay jiraan dalal badan oo na caawinaya. Iran way na caawisaa, dalal kalena way na caawiyaan, ha noqoto lacag, hub ama taageero siyaasadeed”. Isaraa’iil waxay iminka kula dagaallamaysaa Xamaas todoba furimood oo dhulkeeda ah, waxayna u yeedhay in ay hawlgalaan 100, 000 oo askari oo ah ciidanka kaydka ah. Xamaas ayaa weerar cirka, dhulka iy badda ah ku qaadday Israa’iil arooryadii sabtida, kaasoo la yaab ku noqday dunida sida xeeladaysan ee loo soo qorsheeyey. Weerarkaas oo dad badan ay ku qafaasheen ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in tirada dhimashada ee labada dhinac ay marayso 1,100 qof. Source
-
Shucuubta ku nool wadamada reer Galbeedka ayaa muujiyay deereenkooda damqashada leh ee ku aadan dagaalka ka socda magaalada Qaza ee dhulka reer Falastiin, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Israel iyo ururka Xamaas oo dagaal isaga soo horjeeda. Banaanbaxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada London, iyaga oo socod ku maray bannaanka hore ee safaaradda Israel, maalintii Isniinta aheyd, taas oo ka dambeysay, kadib markii guriga Baarlamaanka Uk laga shiday midabyo lagu taageeyay Israel. Laba midab oo u muuqday cadaan iyo madow ayaa waxaa loo ekeysiiyay calanka Israel ayaa waxaa lagu taageeray duqeymaha ay ka wado gudaha Qasa, taas oo dhalisay in shacabku ay bilaabaan in ay qaataan calanka Falastiin iyaga oo taageero siinaya. Qaar kamid ah shacabka ayaa isugu soo baxay magaalada New York si ay Taageero ugu muujiyaan reer Falastiin, waxaana bannaanbaxyadaan ka dhacay London iyo New York ay kusoo aadayaan xilli Uk iyo Mareykanka taareero u muujiyeen Israel. Dagaalka Magaalada Qasa ka dhacaya ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, magaalada ayaa ku wajahaysa duqeymihii ugu adkaa ee dhanka circa, waxaana la duqeeyay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah gudaha magaalada Qasa iyo go’doomin lagu bilaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia is a nation at war with itself. On the one hand, there is an ideological and constitutional dichotomy between member states and the federal government. On the other hand, Al-Shabaab is engaged in an active war against all Somalis. The Somalia government has been battling with prolonged conflict and insecurity since the central government’s fall in 1991. The source of insecurity is mostly the activity of Al-Shabaab. Al-Shabaab is an Al-Qaeda affiliate that operates primarily from the country’s southern and central regions. The group is fighting the Somali Federal. Somalia become a federal republic 2012. The provisional Constitution of Federal Republic of Somalia was adopted on August 01, 2012 by a National Constitutional Assembly in Mogadishu, Banaadir. Al-Shabaab was formed in 2004 as part of the Islamic Courts Union (ICU), a network of Islamist militant tribes that controlled southern and central Somalia and fought against what they considered an Ethiopian invasion. After the defeat of ICU in 2006, Al-Shabaab took up the cause and continued fighting Somalia’s successive governments and anyone associated with them (Farhia Ali Abdi, 2016). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku socota dhamaan nootaayooyinka Muqdisho iyo mulkiilayaasha gaadiidka. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku wargelisay qod kasta oo leh baabuur uusan iibin karin, kahor inta uusan soo marsiin habraaca kala wareejinta ee u dagsan wasaaradda gaadiidka iyp duulista hawada. “Qofna ma yeelan karo noocyada kala gedisan ee gaadiidka sida ku xusan sharciga diiwaan-gelinta gaadiidka, haddii aanu ka diiwaan-gashaneyn wasaaradda gaadiidka si waafaqsan sharcigan,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday wasaaradda. Wareegtada kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ujeedkiisu ahaa dhaqan-gelinta habraaca kala wareejinta gaadiidka ayaa waxaa laamaha amniga lagu faray inay ka qeyb qaataan fulinta amarkaan kasoo baxay wasaaradda. “Baabuurka aan la marin habraaca ee la arko waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana masuuliyadda arrintaas ka dhalata qaadaya milkiilaha gaday, isagoo marsiin kala wareejinta sharciga ah ee diiwaanka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.” Go’aanka wasaaradda ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeelatay masuuliyiinta qaar kamid ah Nootaayooyinka, Wasaaradda Cadaallada iyo hay’addaha amniga iyo weliba ciidanka nabad-gelyada waddooyinka. Sidoo kale waxaa awaamiirta cusub ee kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada wax ka og wasaaradda amniga iyo taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ku cad warqadda kasoo baxday wasaaradda oo uu ku saxiixna wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. The post DF oo soo saartay awaamiir cusub oo ku socota… appeared first on Caasimada Online.
-
Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa hadda soo saaray bayaan ay ku muujinayaan ” cambaarayn aan leexleexad lahayn oo ka dhan ah Xamaas iyo falalkeeda argagaxisada ah” sida ay hadalka u dhigeen. Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii ay wada hadleen Madaxweyne Macron, Scholz, Meloni, Sunak iyo Madaxweyne Biden. “Falalka argagixisanimo ee Xamaas ma laha wax cudurdaar ah, sharcina ma leh, waana in si caalami ah loo cambaareeyaa,” ayaa lagu yidhi bayaanka “Waddamadeenu waxay Israa’iil ku taageeri doonaan dadaallada ay kaga ilaalinayso nafteeda iyo dadkeeda xadgudubyadan oo kale,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo sii socda, isagoo intaas ku daray: “Waqti xaadirkan ma aha in qolo kasta oo cadow ku ah Israa’iil ay uga faa’ideysato weerarradan.” “Dhammaanteen waxaan aqoonsannahay rabitaanka sharciga ah ee dadka reer Falastiin, waxaanan taageernaa tallaabooyinka loo siman yahay ee caddaaladda iyo xorriyadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta si isku mid ah. Source
-
Shirweynaha mucaaradka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo beerta ARLO oo ka yara baxsan caasimadda Garoowe. Shirweynaha ayaa sida wararku sheegayaan ku saabsan maaraynta marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan, gaar ahaanna arrimaha doorashada 2024. Mucaaradka Puntland ayaa la filaya in ay Shirka ka soo saaraan go’aan midaysan oo ku wajahan marxaladda taagan, si Puntland looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudda xileedka madaxweyne Deni ay ka harsan yihiin bilo kooban, islamarkaana lagu eedaynayo in uu mudda kororsi raadinayo. PUNTLAND POST The post Garoowe: Shirweynaha Mucaaradka Puntland oo saaka furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Xamaas ayaa ku hanjabay inuu dili doono Israa’iiliyiinta u afduuban mar kasta oo Israa’iil ay bambooyin ku garaacdo guryaha falastiiniyiinta digniin la’aan. Afhayeenka Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa soo saaray hanjabaad ah in ay dili doonaan Israa’iiliyiinta gacantooda ku jira, haddii Israa’iil ay sii waddo duqaymaha guryaha Falastiiniyiinta, oo ay dilkana baahin doonaan. Ma jirto jawaab ka timid dhinaca Israa’iil oo la xidhiidha hanjabaadaas. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen wuxuu sheegay in ilaa 100 qof ay Xamaas qafaalatay markii ay maalmo ka hor weerarka ku soo qaadday Israa’iil. Dhexdhexaadiyeyaal reer Qadar ah ayaa iyagana isku dayaya inay wadaxaajood ka galaan sii deynta haweeney Israa’iiliyad ah iyo carruur ay Xamaas qafaasheen si loogu sii daayo 36 isugu jira haween iyo carruur Falastiiniyiin ah. Dhinaca kalena, Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in ay u soo dhacayaan farriimo maqal ah oo ay soo dirayaan saraakiisha ciidamada Israa’iil, kuwaasoo sheegaya inay iskaga baxaan inta badan waqooyiga iyo bariga Qasa, ayagoo ka digay in ciidanku u halkaa hawlgal ka samayn doono. Ayadoo labada dhinac ay isku midiyo lisanayaan ayaa dhinaca kale madaxda dalalka islaamka waxay isla eegayaan sidii colaadda loo joojin lahaa. Madaxweynayaasha Masar iy Turkiga, Cabdulfataax Al Siisi iyo Racep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Xamaas iyo Israa’iil inay degdeg u joojiyaan dagaalka oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Cabsi weyn ayaa laga qabaa in dagaalku uu sii baaho, dalalka galbeedkana taageero aan kala hadh lahayn ayey la garab istaageen Israa’iil. Taliyaha ciidamada Maraykankana wuxuu Iran uga digay in ayna soo dhex galin mushkiladdan. Maraykanka oo sannad kasta Israa’iil siiya 3.8 bilyan oo dollar oo ah kaalmo milateri wuxuu sheegay in uu iminka siin doono saad cusub oo isugu jira hubka difaaca cirka, rasaas iyo kaalmo kale oo xagga amniga ah Yuusuf Xasan oo ah khabiir saxaafadeed muddana ka soo shaqeeyey Israa’iil iyo Falastiin wuxuu aaminsan yahay in xiisaddan ay ka dhalan karto khariidad cusub oo bariga dhexe uu yeesho. “Waxaa ka dhalan kara Sharqul Awsad cusb. Khariidadda bariga dhexe way is beddelaysaa. Quwado waaweyn ayaa galaya. Hadda Ukaraine waa laga jeestay, xaaladdu way adag tahay, wax kastaa dhici kara, Israa’iilna waxaa ka go’an inay go’doomiso oo duqayso Falastiiniyiinta, dhinaca kalena dhibaatada way la qabsadeen. Dhibaatada ugu weyn ee Israa’iil haysatana waa dad ka laga haysto” ayuu yidhi Yuusuf Xasan Source
-
Waxaa maalintii afaraad ka dhacaya Magaalada Qasa dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, magaalada ayaa wajahaysa duqeymihii ugu adkaa ee dhanka circa, waxaana la duqeeyay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah gudaha magaalada xilli la go’doomiyay. Magaalada ayaa habeenkii xalay waxaa uu u ahaa habeen Madow, waxaana diyaaradaha dagaalka ay leedahay Israel oo la rumeysan yahay in ay taageerayaan Mareykanka ay ka fuliyeen duqeymo xooggan, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah. Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan lahayste Israa’iili ah mar kasta oo ay Israa’iil duqeyso guri ay degan yihiin Falastiiniyiin, taas oo ka dhigan duqeymaha diyaadaha ay ku weyn doonto maxaabiis badan oo Xamaas gacanta ugu jiro afar cisho. Benjamin Netanyahu Ra’iisulwasaaraha Israel ayaa sheegay inuu dagaalku bilow yahay, waxaana uu xusay in ay duqeymaha iyo bartilmaameedyada, Xamaas ayaa dhankooda wali sii wada gantaalada ku dhacaya Koonfurta Israel, kuwaas oo geysanaya khasaare. Digniintan ka soo baxday Xamaas ayaa timid isniintii iyadoo tirada dhimashada kooxda ay kor u dhaaftay 900 oo dhalatay weeraradii ismiidaaminta kediska ahaa ee ka dhacay Israa’iil iyo weerarro aargoosi ah oo ay ciidamadeeda ay ku qaadeen marinka Qasa ee socda. Afhayeenka Xamaas Abu Ubaida ayaa soo saaray hanjabaada Isniintii ee ahayd in la laayo Israa’iiliyiinta oo ka mid ah tiro ay gacanta ku hayaan kooxda. Waxa uu sheegay in la haystayaasha Israa’iil loo dili doono duqeyn kasta oo Israa’iil ay u geysato guri Falastiini. Iyadoo ciidamada Israel ay weeraro aargoosi ah ku qaadeen Gaza Isniintii, wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant ayaa dhaleeceyn caalami ah u jeediyay isagoo ku dhawaaqay go’doomin guud oo lagu sameeyay dadka shacabka ah, taas oo dunidu ku kala qeybsantay. Dagaalka Magaalada Qasa ka dhacaya ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, magaalada ayaa ku wajahaysa duqeymihii ugu adkaa ee dhanka circa, waxaana la duqeeyay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah gudaha magaalada Qasa iyo go’doomin lagu bilaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Elite forces of the Somali National Army, backed by international partners, killed 20 al-Shabab militants in an overnight operation in the southern Mudug region, in central Somalia, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan authorities have arrested two police officers who were found trafficking 13 people from Ethiopia using a police vehicle. Source: Hiiraan Online
-
A Kenyan high court has blocked the government’s plans to deploy police officers to Haiti or any other country pending the hearing of a petition. Source: Hiiraan Online
-
On the day Somaliland forces were defeated in Las Anod, shop owner Abdinasir Farah said: “Today, we are free people.” Source: Hiiraan Online
-
Patients who primarily spoke Somali were found to show more willingness to receive a screening for colorectal cancer (CRC) when presented with a video intervention, according to a study published in BMJ Open Quality. Clinic flow was only minimally disrupted by the implementation of this intervention. Source: Hiiraan Online
-
Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa beenisay warar ku saabsan inay isku dayayaan inay ku biiraan dagaal-yahannada Xamas, kadib markii qoraal been-abuur ah oo lasoo dhigay barta X lagu sheegay in kooxda reer Afghanistan ay dooneyso inay safarto si ay ugu biirto dagaalka. Fallanqeeyayaasha ayaa sheegay in tani ay Taalibaan galisay xaalad adag oo ah in ay si cad uga laabtaan taageerada Xamas, lagana yaabo in ay ka careysiiyeen qaar ka mid ah xubnahooda. Cinwaanka baraha bulshada ee Taliban Public Relations, oo markii dambe magaca u beddeshay #Free Palestine, ayaa Sabtidii soo qoray in Taliban ay la xiriirtay Iran, Iraq iyo Jordan kana codsatay marin ay ugula biiraan Xamas dagaalka socda ee ay kooxda kula jirto Israel. Qoraalka oo la daawaday in ka badan 2.5 milyan oo jeer, ayaa waxaa sidoo kale qaatay qaar ka mid ah warbaahinta. Madaxa xafiiska siyaasadda Taliban ee Doha, Mohammad Suhail Shaheen ayaa koox weriyayaal ah oo ku jiray group WhatsApp ah u sheegay in warkan uu yahay mid aan sax aheyn. “Sax ma ahan,” ayuu qoray isaga oo ka jawaabaya su’aal, waxaana uu intaas ku daray “Waa warar ku-tiri ku-tayn ah, ma ahan war xaqiiq ah.” Afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayaa u sheegay VOA in “wasaaradda arrimaha dibedda Taliban ay soo saartay war-saxaafadeed, islamarkaana mowqifkood uu weli sidiisa yahay.” Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Taliban oo lasoo saaray Sabtidii ayaa lagu sheegay “Inay si taxaddar leh isha ugu hayso dhacdooyinka Gaza.” “Imaaradda Islaamiga waxay u aragtaa difaac kasta iyo iska caabin kasta oo shacabka Falastiin ay ku doonayaan xorriyadda dhulka iyo goobaha barakeysan inay tahay xuquuqdooda saxda ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dagaalka Israel iyo Xamas ayaa billowday Sabtidii kadib markii dagaal-yahannada Xamas ay jebiyeen xeyndaabyada xuduudda Gaza, ayna galeen magaalooyinka koonfurta Israel. Xamas ayaa aheyd mid ka mid ah kooxihii ugu horreeyey ee Taliban ugu hambalyeeyey inay la wareegtay awoodda Afghanistan 2021. Labada koox ayaa kadib kulmay dhowr jeer wixii markaas ka dambeeyey. VOA The post Taalibaan oo war soo saartay xilli la sheegay inay ku biireyso dagaalka Xamas iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Gaza (Caasimada Online) – Ayadoo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo baxaya in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn. Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal. Xafiiska ilaalada kacaanka ee Iran (IRGC) oo ah milateriga ugu awoodda badan dalkaas ayaa tan iyo bishii Agoosto kala shaqaynayey Xamaas sidii loo qaabayn lahaa dagaal qaabab kala duwan leh oo israa’iil looga soo qaado dhulka, cirka iyo badda. Weerarka Israa’iil waxaa looga hadlay dhowr kulan oo ka dhacay Beyruut oo ay ka qayb galeen saraakiil ka socotay IRGC, iyo wakiillo ka socday afar urur ‘argagixiso’ oo ay taageerto Iran oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah. Xamaas waxay gacanta ku haysaa marinka Qasa, halka Xisbullah ay tahay koox siyaasadeed oo hubaysan oo shiica ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hussein Amir-Abdullah ayaa ka qayb galay labadii kulan ee u dambeeyey sida uu wargeyska the Wall street Journal qoray in laga soo xigtay xubno ka tirsan Xamaasa iyo Xisbullah. Weerarka Israa’iil ayaa la qorsheeyey in la qaado ayadoo dalku u muuqdo in uu aad ugu sii jeedo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamoin Netanyahu. Waxaa kalo weerarka looga gol-lahaa “in Khalkhal lagu geliyo wadahadallada uu Maraykanku garwadeenka ka yahay ee lagu caadiyeynayo xiriirka Sacuudiga iyoIsraa’iil, kaasoo ay Iran khatar u aragto sida ay sheegeyso warbixinta. Qorshaha balaaran ee Iran wuxuu ahaa in la abuuro dhowr furin oo israa’iil laga soo weeraro, ayadoo ay Xisbullah iyo jabhadda xoraynta Falastiin ka soo qaadayaan waqooyiga, halka Islamic Jihad iyo Xamaasna ay ka soo qaadayaan Qasa iyo daanta galbeed. Wargeysku wuxu kaloo qoray inIran ay meel iska dhigtay xiisadihii kale ee gobolka oo ay kujirto tan u dhaxaysa ayaga iyo Sacuudiga iyo Yemen, oo ay diiradda saartay inay isticmaasho IRGC ilaheeda ku wajahan dhaqaale ku bixinta iyo hubaynta ‘kooxaha argagixisada’ ee Xamaas iyo kooxaha kale si ay u weeraraan Israa’iil. Laakinse markii wax laga weydiiyey Mahmoud Mirdawi oo ah sarkaal xamaas ka tirsan kulamada Iran lala yeeshay ee ka dhacay Beirut, wuxuu sheegay in ay ahaayeen “go’aannada Falastiiniyiinta iyo Xamaas”. Afhayeen u hadlay ergada Iran ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisa uu uu taageersan yahay ficillada Xamaas, wuxuuse sheegay in Iran aysan amrin. “Go’aannada ay sameeyeen kooxaha wax iska caabinta ayaa ah kuwo madax banaan oo la jaanqaadaya danaha sharciyadeed ee shacabka Falastiiniyiinta” ayuu wargeyska the Wall Street Journal ka soo xigtay afhayeen codsaday in magaciisa la qariyo, wuxuuna intaa raaciyey “kuma lug lihin jawaabta Falastiiniyiinta bacdamaa ay falastiin ayada uun qaadatay”. Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa aisna muujiyey taageerada uu hayo weerarkak Xamaas, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil ay qaaddo mas’uuliyadda ah in ay gobolka khatar galisay. Afhayeenka Xamaas, Ghazi Hamad ayaa isna la weydiiyey bal inuu sheego inta ay le’eg tahay taageerada xamaas ay Iran ka heshay si ay weerarkan u qaaddo ayaa ku jawaabay “waxaan ku faraxsanahay inay jiraan dalal badan oo na caawinaya. Iran way na caawisaa, dalal kalena way na caawiyaan, ha noqoto lacag, hub ama taageero siyaasadeed”. Isaraa’iil waxay iminka kula dagaallamaysaa Xamaas todoba furimood oo dhulkeeda ah, waxayna u yeertay in ay hawlgalaan 100, 000 oo askari oo ah ciidanka kaydka ah. Xamaas ayaa weerar cirka, dhulka iy badda ah ku qaadday Israa’iil arooryadii sabtida, kaasoo la yaab ku noqday dunida sida xeeladaysan ee loo soo qorsheeyey. Weerarkaas oo dad badan ay ku qafaasheen ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in tirada dhimashada ee labada dhinac ay marayso 1,100 qof. Isha: BBC The post Ragga, halka iyo sida loo qorsheeyey weerarkii ay Xamas uga yaabsatay Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa kusii qul-qulaya magaalada Garowe, xilli uu halkaasi ka furmayo shirweyne looga soo horjeedo madaxweyne Deni. Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmihii dambe waday qorshaha shirweyne lagu mideynayo siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa culaysyo kala kulmaya laamaha amniga. Puntland ayaa shalay mamnuucday in siyaasiyiinta mucaaradka ay hub iyo ciidan lasoo galaan caasimada Puntland ee Garoowe, xilli lagu wado inay ku dhawaaqan isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni. Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Siyaasiyiintan ayaa diidan qorshaha uu Deni ka leeyahay doorashada qof iyo cod, waxayna rabaan in doorashada ku dhacdo hanaankii baarlamaaniga aheyd, halka Deni uu rabo in awoodda dadweynaha dib loogu celiyo, inkasta oo mucaaridka sheegeen in qorshahaas uu ku ladhan yahay damac muddo kororsi. Shakhsiyaadka aadka uga dhex muuqda mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, kaasi oo shalay meel fagaare ah ka weeraray Deni, oo uu sheegay in uu ku fashilmay doorashadii nidaamka axsaabta badan. “Deniyoow xilkii kaa dhamaa ee soo deg, Puntland waxaad gelisay xaalad adag, Boosaaso waxa ka taagan waad aragtaa, Gaalkacayo waa laysku dilayaa, Garoowe amnigii waa diciifay, xataa ciidankii PL ee sharafta badnaa waa dayacmay,” ayuu yiri Abgaal oo meel fagaare ah ku weeraray Saciid Deni. Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in ay imaan doonto waqti aan Deni waxba laga weydiin doonin masiirka Puntland, haddii uusan kahor dhamaadka muddo xileedkiisa ku dhawaaqin doorasho. Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay billooyin dhowr ah ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana, isaga oo muddo ku siman laba bilood ka maqan maamulka. The post Mucaaradka Puntland oo kusii qul-qulaya magaalada Garowe iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Dowladda Turkiga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku booriyay in ay kala shaqeeyaan, sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhex oogan Falastiiniyiinta iyo Israel. Madaxweyne Biden ayaa Turkiga weydiistay in uu gacan ka siiyo xal u helidda xiisadda Sabtidii ka dhex qaraxday labada dhinac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. “Madaxweyne Biden wuxuu sii raadinaya in Turkiga uu si joogto ah uga la shaqeeyo joojinta dagaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, oo khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sidoo kale ka codsaday in Ankara ay sii waddo ka qayb qaashada joojinta weerarada Xamaas. “Mareykanku wuxuu dhankiisa diiradda saaraya, sidii Xamaas ay weerarada u joojin lahayd, loona sii deyn lahaa dhammaan la haysteyaasha,” ayaa lagu sheegay bayaanka. Xoogaga Xamas ayaa la sheegay in ay weerarka ku qafaasheen kun qof, oo isugu jira Ciidamada Israel iyo weliba dad shacab ah. Tirada dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegay in ay sii caga-caganeyso in ka badan 1,500 qof, kuwaa 450 ka mida ay yihiin Falastiiniyiinta. Israeliyiinta ayay naxdin ku noqotay weerarkan oo ay ku sheegeen kiisii ugu horreyay ee garabyada hubeysan ee reer Falastiin ka gaystaan dhulka la haysto. The post Madaxweyne ERDOGAN oo loo diray codsi ku saabsan dagaalka Xamas iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah Israa’iil, lana sii daayo dhammaan maxaabiista la qabsaday. Sidoo kale wuxuu uga digay ciidamada Israa’iil inay qaadaan hawlgallo waafaqsan shuruucda caalamiga ah. “Waxaan aqoonsanahay tabashada shacabka reer Falastiin, hase ahaatee qiil looma raadin karo falalka argagixisanimada ah, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah” ayuu yidhi Guterres, isaga oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee Qaramada Midoobay, kadib kulan deg deg ah oo ay saraakiisha sare ee QM ay ka yeesheen xaaladda soo cusboonaatay. Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray “Waxaan markale ku celinayaa, baaqayga ku aaddan, in si degdeg ah loo joojiyo weerarada isla markaana loo sii daayo maxaabiista.” Subaxnimadii Sabtidii, waxaa dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xamaas ay weerar qorshaysan ku qaadeen Israa’iil, iyaga oo bartilmaameedsaday magaalooyin kala duwan, halkaas oo ay ka soo afduubteen boqollaal qof oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku jiraan dad ajaanib ah. Xoghayaha Qarmada Midoobay ayaa si weyn uga xumaaday hadalada ka soo yeedhay xukuumadda Israa’iil ee ku aaddan, inay go’doon gelinayso marinka Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 2 million oo qof. Israa’iil ayaa sheegtay inay marinka Gaza gelinayso go’doon dhamaystiran, isla markaana ay ogolaan doonin in la geeyo cunto ama shidaal ama inay helaan koronto. The post QM oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalka Xamas iyo Israel iyo Guterres oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Xaaladda Iibka Xaafada Laynka Booliska oo cakiran iyo Amarkii ugu Dambeeyay ee Dawladdu soo Hargeysa (Qaran news)- Xaaladdii iibka xaafada Lineka Booliska ayaa wali cakiran. Iyadoo labadii qof ee ku dhaawacmayna midi xaaladiisu culus tahay. Dadka degan xaafadan oo boolis u badan ayaa rasaas iskaga caabiyay ciidankii booliska ee doonayey inay dadka ku wargeliyaan inay ka guuraan xaafadan oo ay degan yihiin ku dhowaad 200 oo qof. Ma jiro wax war ah oo Xukuumaddu ka soo saartay shaqaaqada lagaga gilgishay rarista dadkan oo la sheegay in loo qoondeeyay in qiyskiiba la siiyo lacag yar oo ah 10 kun oo doolar. Warku wuxuu intaas ku daray in dawladdu ay ku adkatsatay go’aankeeda ah in lagaga guuro 48 saacadood gudahood. Iyadoo dadka xaafada Laynka Bilayskuna ay ku gacan saydheen amarka rarista. Ganacsato waaweyn oo aan la shaacin ayaa la sheegay inay Xukuumaddu ka iibisay dhulka ay ku fadhido xaafadda Laynka Boolisku. Qaran News
-
Wasaaradda Waxbarashada oo kooxda Kubada Cagta ee Wasaaradda Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay kooxda kubada cagta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ee qaybta ka ah tartanka hay’addaha dawlada. Casho sharaftan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo qayb kamida ciyaartoyda wasaaradda. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay macalinka, gudoomiyaha iyo kabtanka kooxda kuwaasi oo dhamaantood u mahad celiyay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada, iyagoo si gaara ugu mahad celiyay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada oo isagu fidiyay casho sharaftan isla markaana mar kasta garab taagan kooxda. Agaasimaha guud ee W.W&S oo halkaasi ka hadlay ayaa kooxda ku amaanay dadaalka ay sameeyeen intii ay socdeen ciyaaruhu, waxaanu kula dardaarmay inay halkaa kasii wadaan dadaalka ayna soo bandhigaan ciyaar wanaagsan, kana fogaadaan wixii ciyaarta ka carqaladaynaya. Wasiirku xigeenka oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leeyihiin ciyaaruhu waxaanu wasiirku kooxda ugu hambalyeeyay guulaha ay kasoo hooyeen ciyaarihii kala duwanaa ee ay kooxdu soo ciyaartay, waxaanu kooxda u balan qaaday in masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu la garab taagan yihiin hiil iyo hooba ayna balanteenu tahay koobka. Qaran News
-
Inaari laahu wa inaa ilayhu raajicuun. Anaga oo kala ah Muj. Cabdi Dahir Cabdi Bacaw Muj. Maxamad Cilmi Samatar. Foosiya Maxamad Xasan Nimco Maxamad Xasan Xuseen Xaaji Nuur iyo dhammaan reer Maxamad Xasan. Waxa aanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii,qaraabadii, caruurtii iyo dhamaan eheladii ay ka baxday marxuumad Hana Ismail Cumar Xasan oo maanta ku geeriyootay magaaladda London ee cariga Ingriiska. Waxa aanu tacsi gaar ah halkan uga gudbinaynaa walaalkayo Khadar Cali Gaas oo ay marxuumadu ay ahayd xaaskiisa. Waxa aanu marxuumada Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin Qaran News
