-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland. “Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin”. “Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang. Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Puntland door ka qaadato xallinta colaadda Somaliland iyo SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
How safe is Somaliland? Somaliland’s Security Landscape: A Closer Look Amidst the turmoil that often characterizes the Horn of Africa, Somaliland emerges as a beacon of relative stability. This self-declared sovereign state, which unilaterally declared independence from Somalia in 1991, has since been striving to establish a sense of normalcy and safety for its citizens. Stability in a Volatile Region Somaliland’s efforts to maintain peace are evident in its stable governance and the absence of large-scale conflict within its borders. The region has its own government, military, and police force, which contribute to a sense of order not always found in neighboring areas. While not officially recognized by the international community, Somaliland operates with a level of autonomy that has allowed it to create a more secure environment. Challenges to Safety However, challenges persist. The threat of terrorism, although lower than in many other parts of Somalia, still exists. Somaliland’s proximity to volatile regions means that it must remain vigilant against potential spillover effects. Additionally, petty crimes and sporadic political demonstrations underscore the need for caution among residents and visitors alike. Travel Considerations For travelers, the Somaliland government requires entry visas and provides police escorts for certain journeys. These measures reflect a commitment to security but also highlight the need for ongoing vigilance. FAQs: Q: Is Somaliland recognized as an independent country? A: No, Somaliland is not recognized by the international community but operates as a de facto sovereign state. Q: Can foreigners travel safely within Somaliland? A: Generally, yes, but it is advised to take precautions, stay informed about the local situation, and respect any travel restrictions. Q: Does Somaliland have its own visa policy? A: Yes, Somaliland issues its own visas separate from Somalia. Definitions: Horn of Africa: A region in East Africa that includes Djibouti, Eritrea, Ethiopia, and Somalia. De facto: In practice or actuality, but not officially established by law. Autonomy: The right or condition of self-government, especially in a particular sphere. Somaliland’s relative calm in a region known for unrest is noteworthy. While not entirely free from risk, its efforts to ensure safety and stability offer a contrasting narrative to the broader Somali context. Visitors and residents alike are encouraged to remain aware of the security situation, but many find Somaliland to be a surprisingly safe haven in the Horn of Africa. TS2 Qaran News
-
In ka badan 300,000 oo dibad-baxayaal taageersan Falastiin ayaa isugu soo baxay waddooyinka bartamaha London Sabtidii, taasoo keentay in ka badan 120 la xiro iyadoo booliisku ay ka shaqeynayaan inay ka hortagaan dibad-baxayaasha midigta fog inay carqaladeeyaan isu soo baxan weyn. Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ay isku dhaceen ciidamada booliska iyo kooxaha midigta fog, kuwaas oo isugu soo baxay si ay uga soo horjeestaan banaanbaxa dhacayay maalinta xusuusta ciidamada qalabka sida oo ah sanad guuradii ka soo wareegatay dhamaadkii dagaalkii koowaad ee aduunka, markaas oo Britain ay xuseyso dadka dagaalkaas uga dhintay. Ra’iisal wasaaraha, Rishi Sunak, wuxuu dhalleeceeyay rabshadaha ka dhacay goobta xusustii dagaal ee Cenotaph iyo sidoo kale waxa uu ku tilmaamay “taageerayaasha Hamas” ee ka qayb qaadanaya isu soo baxa weyn ee lagu eedeeyay inay ku kaceen dhaqan yahuud nacayb ah. Xiisada ayaa cirka isku sii shareereysay ka hor socodkii sabtida oo ahaa kii ugu weynaa oo taxane ah oo taageero loogu muujinayo Falastiiniyiinta laguna codsanayo xabbad joojin ka dhacda Marinka Gaza – ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Suella Braverman ay ku tilmaantay “socodka naceybka” ee ay wadaan “koox isbaheystay”. Inkasta oo ay codsiyo ka yimaaddeen saraakiisha dawladda, haddana booliiska magaalada London ayaa diiday in ay is-hortaagaan dibad-baxayaasha, iyaga oo arrintaa ku sababeeyey inaysan jirin caddaymo muujinaya inay jiraan rabshado halis ah, taas oo keentay in uu adkaado xiriirka gudaha ee qaar kamid ah saraakiisha dowlada. Dhacdadaas ka dib, booliisku waxa ay sheegeen in la xiray 126, oo ay ugu horrayn ka koobnaayeen dibad-baxayaal garabka midig ah, kuwaas oo qaarkood lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwa “kooxda kubbadda cagta”. Kaaliyaha Guddoomiyaha booliska Twist ayaa walaac qoto dheer ka muujiyay rabshadaha xad dhaafka ah ee mudaaharaadayaasha garabka midig kukacayaan ee ku wajahan ciidamada booliska, isaga oo iftiimiyay in la helay mindi iyo waxyaabo kale markii la baarayay. Doodda ku saabsan mudaaharaadyada iyo booliiska ayaa sii xoogaystay ka hor socodkii sabtidii, taas oo gacan ka geysatay kor u kaca xiisaddaha bulshooyinka halkaa kunool. In kasta oo isu soo baxan ballaaran ee Falastiiniyiinta lagu taageerayey uu ahaa mid nabdoon, haddana kooxo yaryar ayaa ka soo baxay socodkaas, iyadoo ku dhawaad 150 qof oo wejiga soo duubtay ay rashka ku tureen saraakiisha, taasoo keentay in la xiro. Baaritaanada dambiyada nacaybka iyo taageerada ururada halkaa la mamnuucay ayaa weli socda. Isaga oo ka jawaabaya dhacdooyinkan, Raiisel wasaare Sunak wuxuu ku booriyay sharci fulinta inay qaadaan tillaabo adag oo ka dhan ah fal-dambiyeedka, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si buuxda oo degdeg ah sharciga loo fuliyo. Maalintii oo dhan, iska hor imaadyada u dhexeeya booliiska iyo mudaaharaadayaasha garabka midig ayaa socday, iyadoo askarta gashan qalabka ka hortaga banaanbaxyada rabshadaha wata ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxayaasha oo tuurayay dhalooyin. Duqa magaalada London Sadiq Khan iyo wasiirkii ugu horeeyay ee Scotland, Humza Yousaf, ayaa sheegay in Braverman ay sii hurisay xiisadda, isla markaana ay dhiiri gilisay kooxaha midigta fog, iyadoo ku eedeysay booliiska inay u xaglinayaan “kooxaha Falastiiniyiinta taageersan” ka hor dhacdada. Booliisku waxay ku qiyaaseen in in ka badan 300,000 oo qof ay ka qaybqaateen isu soo baxa lagu taageerayo Falastiin, halka qabanqaabiyayaashuna ay sheegteen tiro dhan 800,000. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin “Laga soo bilaabo webiga ilaa badda, Falastiin waa xor,” halka qaar kalena ay soo bandhigeen boorar ay ku muujinayaan in Falastiin ay hesho xor iyo in la joojiyo rabshadaha Gaza. Ka dib weerarkii Xamaas ee koonfurta Israa’iil, waxaa jiray taageero loo fidiyay Israa’iil iyo caro ka dhalatay jawaabtii milatari ee ay ka bixisay. Dalka Maraykanka, boqollaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay meel u dhow guriga madaxweyne Joe Biden ee Wilmington, Delaware, iyagoo dalbanaya xabbad-joojin waxayna muujinayaan inaysan ku qanacsanayn mowqifkiisa. Dibadbaxyo kuwan la mid ah ayaa ka dhacay Brussels iyo Paris, halkaasoo kumannaan kun ay isugu soo baxeen bannaanbax ay ku taageerayaan Falastiin ayna ku baaqayeen in la joojiyo colaadda Sources bbcsomali Qaran News
-
Afgooye (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan magaalada Afgooye ee gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara gudaha degmadaasi. Wabiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku fatahay xaafadaha ku yaalla hareeraha wabiga, sida Damaley, Aaytiro Siigaale iyo kuwa kale. Sidoo kale fatahaadan ayaa saameyn xoogleh ku yeelatay dhul beereed ku yaalla halkaasi, ayada oo baabi’isay dhammaan dalagii ku yiilahay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, waxaana xaafadaha qaar la’isaga kala gooshayaa doomo, sida ay muujiyaan muuqaallo ka imaanaya Afgooye. Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Dalsan ayaa ka warbixisay xaaladda, waxayna sheegtay in biyaha ay soo galeen guryahooda. Guriyaheena waa kan biyihii ayaa noo soo galay gargaar aan u baahanahay oo deg-deg ah walaalaheena muslimiinta ah inay gacanta naga qabtaan” ayay hooyo kamid ah dadka deegaanka. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Rafaad ayaan ku jirnaa ilmihii haddii aad ka tagtid walwal biya maa kaa qaadi doono, say noqon doonaan? suuq xitaa ma kaa aadi karno” Dhankiisa guddoomiyaha maamulka dgemada Afgooye Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa ka hadlay fatahaadda ku dhufaray Afgooye, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, isla-markaana hantidooda iyo naftooda ay badbaadsadaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda dhexe, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan shacabka. “Fatahaadahan waa billow meelihii aan awal ka fileynay ma gaarsiisana illaa hadda laakiin xaaladaha waa iska taagan yihiin, dadka waxaan ugu baaqeynaa inay ka feejignaadaan” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fahataado iyo roobab daadad wata oo ku dhuftay inta badan magaalooyinka waa weyn ee dalka. The post Daawo: Barakac xoogan oo ka billowday Afgooye appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s government warns that flooding which has uprooted hundreds of thousands of people may turn into the country’s worst humanitarian disaster in decades, unless Somalis and the international community act quickly. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood. Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba. Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen isbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza. Isbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan isbitaalada. “Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yiri Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO. Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa. Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin. The post Madaxa WHO oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Gaza ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka labada dhinac. “Ma jiri doono maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israa’iil, laynta muwaadiniinta YH iyo baabi’inta dowladda Israa’iil” ayuu Netanyahu ka sheegay shir jaraa’id Sabtidii isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka Falastiin. Tan ayaa khilaafsan fikirka Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken kaas oo soo jeediyay “Waa in ay jirtaa dawlad ay Falastiiniyiintu hoggaamiso oo ka jirta marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo mideysan”. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo diiday fikradda ah in Falastiiniyiintu maamulaan Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
CADDE GUDDE MAANTA HADALKIISU WAA KII President Clinton 1993. Marku Xafiiska Madaxtoyadda White House Loo doortey. Waxu yidhi. Nabadda Colaadda ka Wanaagsan. Isago ka Hadlaya bulshada Caalamka. Sidey ku gaadheyso bashbash iyo Barwaaqo. Taaso ah in bulshadda caalamku fahamto waa Nabadda “”Clinton Presidential Speech in 1993 about Peace and international diplomacy for Democratic perspective”” VID-20231112-WA0002 Clinton 1993. Waxu yidhi. Siyaasadda Caalamku waa diplomasiyadd iyo nabad in la raadiyo si loogju wadda nolaaddo. Nuxurka Hadalkiisu waa Nabadd Hadiise la waayo. Colaaddi wey imaneysa. Hadii la isla garan waayo, Awoodda bulshadda ama dowladdnimaddu waa in la isticmaalo. Marka ey ka fursan weyddo. Bulshadda Addunku colna maaha. Nabadna maaha. Waase reero wadda yaal. Waxase guushu ku jirta Danwadaag is wadda jecel Iyo Deris Walaalo ah (Periodly) Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
At ACIBADEM's Department of Urology, a blend of deep expertise, innovative diagnostic methods, and minimally invasive techniques stands at the forefront of combating urological cancers. Our seasoned Urology Team excels in addressing prostate, kidney, bladder cancers, and a wide spectrum of urological disorders. Source: Hiiraan Online
-
Beirut (Caasimada Online) – Isagoo ku sugan Beyruut, afhayeenka Xamaas, Osama Hamdan oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa ka hadlay shir madaxeedka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee ka dhacay magaalada Riyaad. Waxa uu sheegay in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiintu ay xoogga saaraan. “Marka hore, in la joojiyo weerarrada Israa’iil iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay dalalku inay xiriirka u jaraan Israa’iil. “Qodobka labaad waa in la diro gargaar bani’aadamnimo iyo caafimaad iyo shidaal,” ayuu yiri. “Midda saddexaad, oo ah mid aad muhiim u ah, waa in lagu wada hadlo hal cod oo ah in qadiyadda Falastiin lagu xalliyo iyada oo lagu salaynayo xuquuqda Falastiiniyiinta, oo aan lagu salayn dan cid kale,” ayuu Xamdaan ku daray. Ugu dambeyntii Xamdaan wuxuu yiri, “Hannaan-socodka nabadda ee soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu dhisay baahida Israa’iil, taasina waa sababta fashilka.” Maanta ayaa shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka lagu soo gabagabeeyay dalka Sucuudiga, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey qadiyadda dunida islaamka iyo dalabka xabad joojin deg deg ah, si gubaadka Yahuuda looga joojiyo dadka reer Falastiin. The post Xamaas oo 3 arrin oo xasaasi ah ka dalbatay madaxda Islaamka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay warqad ay ku baafinesyo eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo ahaa maamulihii xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee Warta Nabadda. Mas’uulkan oo maqane ah ayaa MaxKamaddu waxa ay sheegtay inay ka taallo dacwad uu dhinac ka yahay, taas oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka. Eedaha loo haysto ninkan ayaa waxaa kamid ah inuu ku kacay musuq-maasuq, ku takri fal hanti dadweyne iyo been abuur dukuminti, sida ay sheegtay Maxkamadda Gobolka. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dhammaan falalkaas ay ka dhaceen xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Warta Nabadda. Eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim ayaa loo qabtay inuu muddo 30 cisho ah ku hor yimaado Maxkamadda, taas oo ka bilaabaneyso 11/11/2023, kuna eg 10-12-2023. “Waxay Maxkamaddu fareysaa eedeysanaha sare ku xusan inuu ku horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir muddo sodon (30) maalmood ah oo ka bilaabaneyso maalinta taariikhdu tahay tr: 11/11/2023, kuna eeg taarkiida 10-12-2023 oo ah maalin Axad ah” ayaa lagu yiri baafinta ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay haddii uu eedeysanaha ku imaan waayo waqtigaas in ay qaadi doonto tallaabada uu siinayo sharciga u yaallo dalka. “Waxaa lagu farayaa inaad dhowrto waqtiga Maxkamaddu kuu qabatay, haddii aad muddadaas ku hor imaan weyso Maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaanooyin sharci ah” ayaa mar kale lagu yiri warqadda maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Mas’uuliyiin dhowr oo iyaguna ah eedeysanayaal ayaa weli ka maqan dalka, waxaana kamid ah agaasimihii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey iyo agaasimayaahii hore ee hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo loo haysto eedeymo musuq ah. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn intaba. The post Maxkamadda gobolka oo baafineysa mas’uul baxsad ah oo loo haysto… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir,waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan safarro dhowaan guddoomiyaha uu ku tagay dalka dibadiisa. Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshah Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneyn ee Ankara iyo Muqdisho. Shirka ayaa loogu hadlay xal u helida Musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u-gar gaarida shacabka ay waxyeelada kasoo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samatabixinta Bulshada. Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha ummada ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobollada dalka ee kusoo fool leeyihiin roobab. Ugu dambeyn guddoomiye Madaale aya ashacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa caasimadda ugu baaqay in ay feeljignaadaan, Xilli El-Nino ay wato dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan, sida ka dhacday dalal badan oo ay roobab ba’an iyo duufaanno ay halakeeyeen xilligaan. Source: goobjoog.com
-
Riyaad (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka. Shirkaas waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin. Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa. “Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Isagoo sii hadlayey wuxuu yiri, “Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan oo diiradda lagu saarayo arrinta Qaza. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shaaciyey mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinta Qaza appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland oo ka Qayb Gashay Shir Caalamiya oo lagu Qabtay Veitnam Hargeysa(Qaran news)-Shir lagaga hadlayay Dimuqraadiyadda,Hoggaaminta iyo Xuquuqal insaanka ayaa Sannadkan lagu qabtay dalka Veitnam,Waxana dalalkii ka qaybgalay ka mid ahayd Somaliland. Madashan oo uu ka dhex babanayay Calanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa Aasaasay senetor-kii hore ee Aqalka Baarlamaanka Maraykanaka Senator John McCain, McCani Institute oo ah urur u dhaqdhaqaaqa demuqradiyadda,Hoggaaminta iyo xuquuqul insaanka. Waxa shirkan ka qayb galay 29 qof oo kala socda 24 waddan, kuwaasi oo isugu Jiray xubno ka mida barlaamanka Yurub, lataliyayaal madaxweyne, suxufiyiin, ciidamada iyo ururrada bulshada Rayidka ah. Shirkan oo bilaabmay horaantii sannadkan ayaa waxa lagu qabtay Wadamada Maraykanaka (Washington) ,South Africa iyo Wadanka Vietnam oo kulankiisii u dambeeyay lagu Qabtay. Gabagabada Shirkan ka qabsoomay Waddanka Vietnam ayaa waxa khudbad ka Turjumaysa Taariikhda Somaliland maraaxilkii ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay Kula wadaagtay kasoo qayb galayaasha Ugbaad Axmed Xaashi oo Ka socotay Somaliland iyada oo matalaysay Ururrada Bulshada Rayidka ah. Waxaanay Marwo Ugbaad si gaara isu dul taagtay Doorashooyinkii Somaliland ay qabsatay ee qof iyo Codka ahaa iyo madaxweyneyaashii awooda sida nabadgelyada ah iskugu wareejiyay,Dimuqraadiyadda iyo halka ay Somaliland ka gaadhay Nidaamka dawladnimo kaasi oo ku dhisan Rabitaanka Shacabka iyo nidaamka Dimuqraadiga ah ee Xisbiyada Badan. Ugu dambayna waxa Ugbaad Axmed ay u soo bandhigtay qayb galayaasha in fariinteeda Ku aadan Rajada shacabka Somaliland ee Aqoonsiga Madaxbannaanida Somaliland ay gaadhsiiyaan Wadamadii Iyo Hay’adaha Dawliga ah ee ay ka Kala yimaadeen. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Qoaraal lagu daabacay warbaahinta ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid guulaystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Sida ay warbaahintu sheegtay waxaa howlgalkan lagu soo qabtay sarkaal ay magaciisa ku sheegtay Cabaas Garoobshe, kaas oo si weyn looga yaqaanay aagga Ceeldheer. “Ciidanka dib u xuraynta deegaanka ayaa howgal guulaystay oo ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxay gacanta ku soo dhigeen horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo Cabaas Garoobshe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Ilkacase, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhibaato wey ka gaystay halkaasi “Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale nafta dhaafiyey dhagar qabe Magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Howlgalkaan ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud. Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay deegaano badan ku xoreeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda. The post Ciidanka Macawiisleyda oo soo qabtay sarkaal Shabaab ah, mid kalena dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir muhiim ka furay magaalada Muqdisho, kaas oo ah Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, isla markaana lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna. Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara. Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Waxaa kale oo uu caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka. Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha. Si kastaba, Soomaaliya oo haatan qorshaynaysa in mardhow laga cafiyo deymaha lagu leeyahay ayaa isku diyaarineyso inay hesho maalgasho caalami ah, si ay uga faa’ideysato. The post Muxuu yahay ujeedka shirka uu Muqdisho ka furay R/W Xamza? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
VID-20231111-WA0007 Goobta ayvdacwadu ka dhacaysaa waa miyi, dadka goobta ka soo xaadiray waxa ay ka kala socdaa labada dhan ee dacwadu dhex taalo, dhankastaa waxa uu wataa qareenkiisii. Waa la is dhegaysnayaa gartana si cilmiyaysan ayaa loonqaadayaa, waa sida maanta ka dhacda caalmka horumaray. Daawosho fiican isla markaana qiimee dhaqankaagiinmiyiga ee laga soo bilaabay nolosha. Qaran News
-
Dallada ay ku nidaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa maanta Garoowe ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay kooban oo ka soo baxay dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa lagu sheegay in ay Kulan la qaateen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing. “Waxaan maantay magaalada Garowe annagoo ah Dalada Mucaaradka Puntland la qaadanay kulan iyo isxogwareysi wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ms Catriona Laing” ayaa lagu yiri Qoraalka Mucaaridka. Waxay sidoo kale sheegeen in Kulanka looga hadlay sidii doorasho wadar-oggol ah oo nabdoon uga dhici lahayd Puntland “Waxaana ugu muhiimsanaa sidii loo heli lahaa doorasho wadar-ogol ah oo nabad uga dhacda Dowladda Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa sidoo kale la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay kala hadashay sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon. PUNTLAND POST The post Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulantay Mucaaridka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin. Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa. “Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabatka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin, isagoo ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan. The post Soomaaliya oo Shirka Hoggaamiyaasha Islaamka la wadaagtay Mowqifkeeda Xaaladda QASA appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Beeraha oo Booqday Beelayda Agabar Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku soo maray degmada Agabar oo ka mid ah dhul-beereedka gobolka Gabiley. Wasiirka iyo Weftiga la socday, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Agabar iyo Beeralayda deegaankaasi. Guddoomiyaha degmada Agabar iyo Beeralayda deegaankaas, ayaa Wasiirka uga warramay Xanuunada ku dhacay Wax-soo-saarka iyo Xasharaadka dhibaatada ku haya. Wasiir Cabdiqaadir Iman Warsame oo dhegaystay War-bixinta Guddoomiyaha iyo Beeralayda Agabar, ayuu sheegay in Wasaaradda Beeruhu u darban tahay la dagaalanka wax kasta oo dhibaato ku ah Beeralayda, sida Ayaxa oo ay xilligan Wasaaraddu si weyn ugu diyaar-garowday. Weftiga Wasiirka waxa ka mid ahaa Isku-duwaha Gobolka Gabiley, Maareeyaha Mashruuca Wajaale, Agaasimaha waaxda badbaadada Beeraha iyo xubno kale Qaran News
-
Golaha Guurtida oo Ansixiyay Ajandahooda Kalfadhiga 83aad oo ay ku jiro Xeerka Doorashooyinku Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Ajandaha Kalfadhiga 83 Aad Ee Ay Ku Shaqayn Doonaan inta ay ku gudo jiraan kalfadhiagan. Waxana ku jira kaabistii xeerka doorashooyinka. Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha guurtida Md- Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajandahooda kalfadhiga 83aad,taasoo codaynta ka dib Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada ku ansixiyeen ajandahoodaasi. Waxa ogolaadey 45 Xildhibaan, waxaa Diidey afar Mudane, halka ay ka aamuseen laba xildhibaan ,Guddoomiyuhuna aanu codeyn. Sidaasi ayey ku meelmariyeen mudanayashu ajandahoodaasi kalfadhiga 83aad oo ay ku howlgalayaan inta ay ku gudo jiraan kalfadhigan. Dhankiisana, Guddoomiye ku xigeenka kowaad Ee Golahaasi Guurtida Somaliland Md- Siciid Jamac Cali ayaa Mudanayaasha Golahaas ka hor akhriyey qoddobo mudanayaashu wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyeen oo ajandahooda ku jira,ka dib markii mudanayaashu dood ka yeesheen ajandahoodasai,waxaana ka mid ahaa wax ka qabashadda arrinta sicir bararka dalka ka taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa Dadka soogalootiga tirada badan wadanka ku sugan. Gabogabadii Guddoomiyaha Golahaas Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi kula dardaarmey in fadhiyada Golahaasi leeyahay xildhibanadu ku dadaalaan sidii uga qeybqaadan lahaayeen. Qaran News
