-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ugand ayaa xukun ku ridday laba sarkaal oo kamid ah ciidamadeeda ka howlgalayay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo loo haystay eedeymo la xiriira weerarkii askarta badan looga dilay ee ka dhacay magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhacay 26-kii bishii May ee sanadkan. Maxkamadda Ciidamada ee dalkaas oo muddooyinkii ku dambeeyay ku howlaneyd maxkamadeynta raggan oo ka socotay gudaha Soomaaliya ayaa xukuntay labadaan sarkaal oo lagu kala magacaabo Maj John Steven Oluka, oo 58 jir ah, iyo Maj Zadock Abor, oo 49 jir ah. Labada nin ayaa waxaa lagu helay dambi la xiriira fulaynimo iyo inay sameeyeen dayacaad, waxaana lagu ciqaabay in laga eryo ciidamada. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay si xun u maareeyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ee Buulomareer, halkaas oo askar badan lagu laayay. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labada sarkaal ay mas’uul ka ahaayeen saldhigga la weeraray, balse ay iska indha-tireen xog sirdoon oo sheegaysay inuu kusoo wajahahan yahay weerar, iyadoo markii uu dhacay weerarkana sameyn waayeen is-difaacid, taasoo sababtay in 57 askari lagu dilay goobta, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ATIMIS. Si kastaba, askarta Uganda ee la laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay. Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya. The post Saraakiil Ugandhees ah oo fuleynimo looga saaray ciidanka kadib weerarkii Buula-Mareer appeared first on Caasimada Online.
-
Riyaaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ka sugan Sacuudiga ayaa kulamo ka wada magaalada Riyaad ee caasimada dalkaasi. Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka CiraaqMudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah. Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah laba dowladood oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda, kuwaas oo dib dhibaato ku haya labadaan dowladood. Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan duceed kale la yeeshay dhiggiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika Xasan Sheekh iyo Afwerki ayaa ka wada halday xaaladda gobolka,iyaga oo adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya/ Waxaa kale oo ay isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal. Eritrea ayaa kamid ah dalalka ciidamada u tababara Soomaaliya, waxaana weli dalkaas ku maqan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xeryaha dalkaasi. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalalka Ciraaq iyo Eretariya appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa,(Qaran news)-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool. Sidoo kale, Gudoomiyaha UCID wuxuu tacsitadeeyay dadkii rayidkaa ahaa ee huwantu kuvlaysay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, waxaanu tilmaamay in Garaadada iyo kooxda la baxday G20 ay gooyeen xidhiidhkii dhaqan ee isku hayey ummadda Soomaalida. Guddoomiye Faysal wuxuu bogaadiyay ciidanka Qaranka ee u tasgan difaaca dalka iyo dadka deegaanka ee us abaabulay ee diyaarka u ah inay iska difaacaan wax uu ugu yeedhay kooxaha iskugu soo habar wacday inay dumiyaan Somaliland. Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu soo jeediyay in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana loo diyaar garoobo doorashooyinka isa saarka ah ee lagu wado inay ka qabsoomaan dalka dabayaaqada bisha November 2024kii. “Waxaan maqlayey dad leh yaan laga hadlin doorasho. Waxaan leeyahay waa laga hadlayaa waana loo diyaar garoobayaa doorashooyinka ,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Qaran News
-
Xukuumadda Somaliland oo la Shirtay Shirkadaha Dhismaha Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradaha Arrimaha Gudaha JSL, Wasaarada Ganacsiga, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa kulan la qaatay Shirkada Dhismayaasha Dalka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shir ay wada yeesheen Xukuumadda iyo Shirkadaha waaweyn ee dhismaha (Construction Companies), shirkan ayaa ku saabsanaa amniga iyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Shirkadaha Dhismayaasha Dalka Kulankan waxaa ka soo qayb galay oo Wasiirka Arrimaha Gudaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin), Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Xoor Xoor, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka, Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Socdaalka. Dhinaca kale waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta shirkadaha Dhismayaasha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho 40% caasimada way xiran tahay. Daruufaha amniga ayaa dhaliyay in jidad badan la xidho. Qaar waxay u xiran yihiin wasaaraddo, kuwana ajnabiga jooga Soomaaliya, waxa kale oo jir qaar u xiran shaqsiyaad xilal ka haya dowladda ama ka hayn jiray. Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud amniga caasimadda ayaa si weyn isku beddelay. Muddo sanad ku dhow laamaha amniga ee dowladda waxay ku guuleysteen in caasimada soo gelin gaari qarax sida. Waxa kale oo hoos u dhacday toogashadii argagixisada ka fulin jirtay caasimada, maadaama ay meel walba taagan yihiin ciidan nabadsugid ah. Waxaa kale oo isbeddelay hab baaristii gaadiidka, waxaana magaalada lagu soo daadiyay ciidan ka nidaamsan kuwii hore xagga la dhaqanka dadweynaha. Iyada oo uu jiro horumarkaas ballaaran ee dhanka xagga amniga ah, ayaa waxaa dhinaca kale magaalada Muqdisho ka taagan cariiri xagga isku socodka ah. Sababaha cariiriga keenay waa qeyb ka ah waddooyinka oo xiran. Xilliyada ay roobka da’aan ayaa sidoo si weyn loo dareema baahida waddooyinka caasimada. Magaalo ay afar milyan oo qof ku nooshahay oo haddana 40% xiran waa culeys aan indhaha laga qarsan karin. Dadweynaha waxay waayihii tegay ku celcelinayeen in maadaama ammaankii soo hagaagay in waddooyinka xiran xal loo helo. Dadka ka faalloonaya amniga caasimada qaarkood waxay qabaan in aan weli la gaarin in waddooyinka la wada furo, laakiin waxay sheegayaan in la awooddo in waddooyinka muhiimka ah qaarkood la furo. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo waayahan dambe si weyn iskula haystaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa soo hadal qaaday baaqa dadweynaha ee ah in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in dowladda wax ka qabato goobaha biyo fariisinka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho oo xilliyada roobka sababa inay magaalada kala xiranto. “Reer Muqdisho farriintiina wey na soo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo dadka reer Muqdisho soo dirayaan ayaa jirta, mid waa in biyahaas wax laga qabto iyo daadadka mar walba ku soo rogmada, oo dhex fariista oo dadka dhibaateeya taas in wax laga qabto waa qodob. Qoddobka labaad waxaa waaye in amnigii magaalada fiicnaaday in dhagaxaanta la qaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Xamza ayaa faray guddoomiyaha gobolka Banaadir in sida ugu dhaqsaha badan uu wax uga qabto cabashooyinka kasoo yeeraya shacabka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, “Waxaa la idinka rabaa in habkii saxda ahaa ee biyuhu mari jireen la raadiyo oo magaalada laga saaro biyaha.” “Reer Muqdisho waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga. Waxaa rabnaa in ay isbeddesho caasimada oo mardambe waxbaa is qarxiyay iyo argagixiso meel kaga jirta in la waayo ayaa rabnaa The post Muqdisho oo gaartay marxaladdii la furi lahaa wadooyinka xiran appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka oo Qabatay 18 Baabuur oo falal Argagixiso loo qorsheeyay Hargeysa(Qaran news)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qabatay 18 Gaadhi oo ay sheegeen in loo qorsheeyay falal argagixiso. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Hay’adda sirdoonku soo saartay oo u qornaa sidan:- “Hay’adda Sirdoonka oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18 Gaadhi oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo hay’addu fashilisay. Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiidka lagu aqoonsado. NIA ayaa ku daba jirta tiro kale oo gaadiidkan ah.” Qaran News
-
The United Nations has lauded collaboration between the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) for stabilizing the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan. 11-ka qof ee la horgeeyay Maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haystay Al-Shabaabnimo. Xukunnada ay ridday Maxkamadda Ciidamada Sida ee Soomaaliya ayaa u dhexeeya 1 sanno iyo 10 sanno oo xabsi ciidan ah, dhanka kale Maxkamadda ayaa sii deysay laba kamid ah eedeysanayaasha, kadib markii ay sheegtay in lagu waayey wax dambi ah. Halkan hoose ka akhriso xukunka:- 1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha. Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah. 2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah. 3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah. 4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah. 5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah. 4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah. 6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey. 7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere) 8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq) 9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay. Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda ciidanka oo xukuntay mas’uuliyiin lagu helay Shabaabnimo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii haweeney ku hubeysan mindi ay laba gabdhood ku dishay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in falkan uu xalay si gaar ah uga dhacay xaafadda Buur Bishaaro ee deegaanka Gubadley, waxaana haweeneyda dilka gaysatay iyo labada gabdhood ee geeriyooday ay ahaayeen daris, waxayna wada daganaayeen gur ku yaalla Gubadley. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muran ka dhashay carruur is dagaashay uu soo kala dhex-galay haweeneyda iyo labada gabadhood, kadibna ay eedeysanaha soo qaadatay toorey, sidaasna ay ku dishay labada hablood. Eedeysanaha ayaa waxaa magaceebda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali, halka labada gabar ee ay dishay lagu kala sheegay Nimco Saalax iyo Iqro Daahir oo ahaa gabar iyo dumaashideed. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee deegaanka Gubadley oo goobta tegay ayaa howlgal ay sameeyeen waxay gacanta kusoo dhigeen haweeneydii ka dambeysay falkaasi oo markii hore isku deyday inay goobta ka baxsato, waxaana la geeyay xarunta hay’adda C.I.D-da. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, ayada oo booliska Soomaaliya uu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono calaadadda. “Waxaa haweeneyda eedeysanaha ku socoto baaris waxaana la hor geyn doonaa cadaalada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir. Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, ayada oo sidoo kale, si aad ah looga hadal haayo baraha bulshada ee Internet-ka. The post Haweeney laba gabdhood ku dishay duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Dadaalo lagu doonayo in lagu dhax dhaxaadiyo dhinacyada is haya ee mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa u muuqda kuwa burburay kadib markii ay sabtidii ku celiyeen in ay diidan yihiin qof iyo cod. Qaramada Midoobay ayaa hadda isku doonaysay in ay dhax dhaxaadiso laabada dhinac ee isku haya siyaasadda maamul goboleedka Puntland oo gabal dhaclaynaysa. Qoraal ka soo baxay kooban oo ka soo baxay dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa lagu sheegay in ay Kulan la qaateen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing. “Waxaan magaalada Garowe annagoo ah Dalada Mucaaradka Puntland la qaadanay kulan iyo isxogwareysi wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ms Catriona Laing” ayaa lagu yiri Qoraalka Mucaaridka. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa sidoo kale la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay kala hadashay sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon. Hore Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku dedaaley in doorashada xisbiyada la qabto taas oo ahayd dastuuri muddo dheer la sugaayey. Laaakiin hadalkan waxa ka biyo diiday , xubnaha mucaaradka kuwaas oo u arka talaabo qar iska tuurnima oo lagu kala dhantaalayo hanaanka dowladnimo ee sanado badan lagu canamaalayay. Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horaysay hawada sare u dirtay Dayax Gacmeed, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda iyo Cilmi baarista Nabiil Maxamed Axmed. Wasiirka oo ka hadlay tijaabadan ayaa waxa uu yiri ” wax aan aad ugu faraxsanahay Tijaabadda Dayax gacameedka loo yaqaan Jabuuti-1A.” Tijaabadan ayaa waxa iska kaashaday Machad ku yaal dalka Faransiiska iyo Arday Reer Jabuuti ah. Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u ballan-qaaday in dowladda Jabuuti oo ka faa’iidaysanaysa dhaqaalaheeda iyo khuburadeeda ay tijaabin doonto dayax gacmeedkii ugu horreeyey. Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Djibouti-1A” ayaa soo uruurinaya xogaha iyo macluumaadka cimilada iyo isbeddelada dunida, waxa kale uu gacan ka gaysanaya cilmi-baarista. Horraantii sanadkaan goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong. Heshiiskaas ayaa sidoo kale ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacmeedka. Mashruucaas dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxaa xilligaas la shaaciyay inay ku bixi doonto Hal bilyan oo dollar, isagoo qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti. Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle. Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka. The post Jabuuti oo ku guulaysatay in hawada sare ay u dirto Dayax Gacmeed appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeybgalaya shirka Iskaashiga Ialaamka ee ka socda dalka Sacuudiga ayaa ugu qaabay dalalka Islaamka in ay miwqif mid ah ka qaataan arrinta Israel ka waddo Gaza. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa muujiyay mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo doonista dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota dadka reer Qasa,isaga oo yiri “Waxa ka socda Qasa waxaa ay ka soo horjeeddaan damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”. “Maanta dunida iyo dadkeena na daawanaya waxaa ay na sugayaan inaan joojino dilka caruurta Falastiin, waxaa ay nooga baahan tahay mowqif mideysan si loo gaaro xal deg deg ah, xabad joojin iyo hubinta in si deg deg ah loo gaarsiiyo gargaar dadka tabaaleysan, qodobadaas oo dhan waa in ay la socdaan go’aanno cadaallad ah oo ku wajahan qadyadda falastiniyiinta” ayaa ka mid ahaa hadallada Dr. Xasan Sheekh. Dunida caalamka ayaa siweyn uga dhursugeysay tallaabada ay qaadi doonaan wadamada ku jira ururka Iskaashiga Islaamka, taas bedelkeeda waxaa ay mas’uul waliba uu ka hadlay uu sheegay muhiimadda ay leedahay helitaanka dowlad Falastiin ay leedahay oo la daris ah ah Israel. Magaalada Qasa ayaa waxaa ka socda duqeymo kuwaas oo galay bishii labaad, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday in ka badan 10,000 oo qof, kuwaas oo bulshada qeybaheeda ah kale duwan isugu jira, xilli sidoo kale la duqeeyay goobo waxbarasho iyo isbitaallo ku yaalla Qasa. Madaxda shirka.eybgashay ayaa si isku mid ah u ayiday in la helo qadyad dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka socda iyo sida loogu baahi qabo helitaanka dowlad Falastiin ay leedahay oo caasimadeedu Qudus tahay, madaxda ka hadashay goobta ayaa mid kasta uu sheegay arrintaas. Magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sucuudi carabiya waxaa ka soconaya shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana inta badan lagu gorfeynayay xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aways oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbixin cusub kasoo saaray xaaladaha ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha iyo daadka ku dhuftay Soomaaliya. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in fataahadaha iyo daadadka is wata ay barakaciyeen nus miliyan qof, kadib markii ay biyo ku rogmadeen guryihii ay ku noolaayeen. Sidoo kale Daa’uud Away ayaa sheegay in laga cabsi in fatahaaddan ay saameyso dad kor i dhaafayo illaa hal miyan oo qof oo ku nool gudaha dalka. “Sida aad warbixinadeena hore ku maqasheen illaa ku dhawaan nus milyan qof ayaa barakacay oo guryahoodii ka tegay kadib markii ay daadadkii aad u waxyeeleeyeen, waxaa jirta cabsi ah in dad gaaraya 1 milyaa illaa iyo 200 oo kun ay noqdaan kuwa ay saameeyaan fatahaadada iyo daadadka ku dhuftay qaybo kamid ah dalka” ayuu yiri. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhimashada ay sii korortay ayna gaartay illaa 31 qof, isaga oo intaasi kusii daray inay kasii badan karto tiradaasi “Dhimashada illaaa haatan inta la’ogyahay waa 31 qof, wayna dhici kartaa in khasaaraha uu intaas ka badan yahay waxaa jira kaabayaal badan oo burburay” ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyn wuxuu farta ku fiiqay in dhibaatooyinka ugu badan ay ka jiraan gobolka Gedo iyo sidoo kale magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fahataado iyo roobab daadad wata oo ku dhuftay inta badan magaalooyinka waa weyn ee dalka. The post Daawo: Dhimashada ka dhalatay fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya oo korortay appeared first on Caasimada Online.
-
Catriona Long and President Deni briefing the media in Garowe yesterday Garowe (PP News Desk) — Nearly one month after Muse Bihi Abdi, the President of the secessionist Somaliland administration, called for the formation of clan militias to fight alongside Somaliland militias, UNSOM has urged Puntland to play a role in bringing the conflict in Northern Somalia to an end. UNSOM Chief Catriona Laing, who was yesterday visiting Garowe, the administrative capital of Puntland State of Somalia, commended Puntland government and people for supporting people who were displaced during the Laascaanood conflict. “I encourage Puntland State to play a role in persuading the two sides to resolve the conflict by peaceful means, and restore mutual trust to exchange prisoners of war”, reads a UNSOM press release. There is deep distrust obstructing prisoner exchange. President Bihi refused to comply with UN Security Council calls to withdraw his troops before SSC forces had overrun Somaliland militias at Goja’adde base in August. The claim by Somaliland administration that it is a sovereign country for which it used to shell Laascaanood in violation of the UN Security Council Resolutions on the political and territorial unity of the Federal Republic of Somalia complicates the issue. SSC territories are a part of Puntland State of Somalia under the federal electoral law, but unlike Somaliland, Puntland State of Somalia maintained militarily neutral position and fully supported in principle the 6 February 2023 Laascaanood Declaration. © Puntland Post, 2023 The post UNSOM URGES PUNTLAND TO MEDIATE BETWEEN WARRING CLANS IN NORTHERN SOMALIA appeared first on Puntland Post.
-
Dhawr isbitaal oo ku yaal magaalada Gaza iyo waqooyiga Gaza ayaa si toos ah loo garaacay,iyadoo Hey’adda WHO ay sheegtay inay lumisay xiriirkii ay la lahayd gudaha al-Shifa, oo ah isbitaalka ugu weyn Gaza. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay jirto cabsi soo wajahday boqolaal bukaan ah oo ay ku jiraan 37 haween ah oo uur leh ,kuna jira cisbitaalka al-Shifa, iyadoo korontadu ay gabaabsi ku tahay isbitaallo badan. Israa’iil ayaa xoojisay weerarrada isbitaallada, waxaana dhowr isbitaal ay lumiyeen xiriirkii sida ay sheegeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza. Bannaanbaxyo waaweyn oo lagu baaqayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qaza ayaa lagu qabtay magaalooyinka adduunka, oo ay ku jiraan New York, London, Paris, Baghdad, Karachi, Berlin iyo Edinburgh. Ugu yaraan 11,078 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7 Oktoobar. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo go’doomisay Dhawr isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Jamhuuriyada Jabuuti , ayaa hawada sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horreeyay oo la yidhaahdo Djibouti 1A. Waxa samayntiisa iska kaashaday Jabuuti iyo Faransiiska, iyada oo dalka Faransiiska lagu tababaray 10 arday oo hadda ah farsamo-yaqaano rasmi ah. Wasiirka waxbarashada sare iyo cilmi-baadhista Nabiil Maxamed Axmed, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen samaynta Dayax-gacmeedkan. Source
-
Isagoo ku sugan Beyruut, afhayeenka Xamaas, Osama Hamdan oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa ka hadlay shir madaxeedka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee ka dhacay magaalada Riyaad. Waxa uu sheegay in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiintu ay xoogga saaraan. “Marka hore, in la joojiyo weerarrada Israa’iil iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi, isagoo ugu baaqay dalalku inay xidhiidhka u jaraan Israa’iil. “Qodobka labaad waa in la diro gargaar bani’aadamnimo iyo caafimaad iyo shidaal,” ayuu yidhi. “Midda saddexaad, oo ah mid aad muhiim u ah, waa in lagu wada hadlo hal cod oo ah in qadiyadda Falastiin lagu xalliyo iyada oo lagu salaynayo xuquuqda Falastiiniyiinta, oo aan lagu salayn dan cid kale,” ayuu Xamdaan ku daray. Ugu dambeyntii Xamdaan wuxuu yidhi, “Hannaan-socodka nabadda ee soddonkii sanno ee la soo dhaafay waxaa lagu dhisay baahida Israa’iil, taasina waa sababta fashilka.” Maanta ayaa shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka lagu soo gabagabeeyay dalka Sucuudiga, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey qadiyadda dunida islaamka iyo dalabka xabad joojin deg deg ah, si gubaadka Yahuuda looga joojiyo dadka reer Falastiin. Source
-
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidammada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar cisbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saacadood gudahood. Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in ilma yar lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba. Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen cisbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay cisbitaalka Raysal Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza. Cisbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan cisbitaalada. “Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yidhi Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO. Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa. Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israa’iil ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin. Source
-
Banaanbaxyo ballaadhan oo lagu taageerayo Falastiin ayaa ka dhacay dalal badan oo kamid ah Midowga Yurub. Banaanbaxa ugu balaadhan ayaa ka dhacay markale Magaalada London ee caasimada UK. Sidoo kale xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayey ka dhaceen banaanbaxyo lagu cambaareenayo xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza. Magaalada Barcelona ee dalka Spain ayey sidoo kale ka socda banaanbax lagu taageerayo Falastiin. Dowladaha Yurub ayaa si weyn iskugu khilaafsan xiisada ka taagan Falastiin. Codeyntii dhawaan Qaramada Midoobay ka dhacday ee lagu cambaareeyey Israa’iil ayey sidoo kale ku kala qeybsameen Midowga Yurub. Dalalka Spain, Ireland iyo Belgium ayaa taageeray qaraarkii Golaha loo dhamaa ee Qaramada Midoobay, halka dalalka Holland, Germany, Italy iyo qaar kale ka aamuseen. Dhinaca kale dalalka Austria, Hungary iyo Czechia ayaa noqday kuwa Midowga Yurub ee diiday cambaareynta Israa’iil. Source
-
Waxaa weerar xoogan ku socdaa cisbitaalka Al Shifa oo ay hareereyeen ciidammada Israa’iil. Al Shifa oo ah cisbitaalka ugu weyn ee Gaza ayaa waxaa yaalla kumanaan dhaawac ah, waxaana ku sugan barakayaal gaadhaya 15.000. Korontadii iyo Internetka cisbitaalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku shaqeenayey Matoorada ayaa go’ay. Dhakhaatiirta cisbitaalka oo telefonka kula hadlay warbaahinta ayaa codsaday in laga soo gaadho. Dhamaan xarunta qaliinka, gargaarka deg deg ah ayaa gebi ahaan heysan wax koronto ah. Meydadka ayaa la sheegay in ay buux dhaafiyeen cisbitaalka iyadoo ayna jirin meel lagu hayo. Askarta Israa’iil oo jaray dhammaan waddooyinka taga Al Shifa ayaa tooganaya qof walba oo kasoo baxa cisbitaalka. Diyaaradaha Drone-ka ee Israa’iil oo jawi hoose ku socda ayaa sidoo kale toogtay dad ku jira gudaha cisbitaalka oo ay kamid yihiin shaqaalaha. Source
-
Waxaa safarkiisii ugu horreeyey dalka Boqortooyada Sacuudiga ku tagay Madaxweynaha IRAN, Ibrahim Raisi. Raisi oo shalay gaadhay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka dalalka Islaamka. Shirka uu soo diyaariyey Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka (OIC) ayaa lagaga hadlayaa xaalada Falastiin. Sacuudiga iyo Iran oo ay muddo 7 sanno ah ka dhex taagneyd loolan iyo xiisado siyaasadeed ayaa heshiis gaadhay sannadkan. Bishii march, ayey dalalka Iran iyo Sacuudiga heshiis gaareen kadib dhex dhexaadin ay u sameysay dowlada Shiinaha. Source
