Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan socdaalka shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku joogo Jamhuuriyadda Burundi. 1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023. 2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiis waa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi. 4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku kubneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya. 5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna ku adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab. 6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxiso ee Al-Shabaab. 7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. 8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalk Soomaaliya. 9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ah ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool. 10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ah ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ah ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga si sanadka danbe, iyadoo taariikhda iyo goobta kulanka lagu xaqiijin doono xiriirrada kannaalada diblomaasiyadda. 11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA) 12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid tahay, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaag gobolka. 13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda. Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi. 14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag. 15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah. 16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi. The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo Shir ay yeesheen ka soo saaray War-murtiyeed wadajir ah appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys, wadaadka mayalka adag ee u xiran dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wadahadal ka dalbaday madaxda Qaranka, kadib 11 sano oo xabsi guri uu ku yahay Muqdisho. Xasan Daahir oo iska soo duubay muuqaal 10 daqiiqo ah ayaa wadahadalkaan ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre. Wuxuu Xasan sheegay in Xamza Barre uu yahay nin ahlu diin ah, isagoo aad u soo dhaweeyey, kuna farxay mowqifkii uu kaga hadlay xiisadda ka dhex qaraxday shacabka dulman ee reer Falastiin iyo Yahuuda. ”Waa nin ku fiican Qur’aanka oo yaqaana, caalamkana wax kala socda oo jaamacado ka soo dhigtay, waxaana ka codsanayaa in Xamse ii suurtageliyo inaan ka wadahadalno arrimaheena,” ayuu yiri Xasan Daahir. Xasan Daahir ayaa Ra’iisul Wasaaraha u diray warqad codsi ah, isagoo sheegay inuu rajo badan ka qabo inuu ka heli doono jawaabta ugu haboon. ”11 sano ayaan u xiranahay dowladda, waxaan is iri farriin u dirso Ra’iisul Wasaaraha mid qoraal ahna waan u diray, waana rajeynayaa inuu iiga soo jawaabi doono,” ayuu yiri Xasan Daahir. Sidoo kale Xasan Daahir wuxuu muuqaalkaan ku dalbanayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu yimaado guriga uu cabsi guriga ku yahay. “Nn anigu aan sameeyo marti qaadka waxaan filayaa inay culeys badan ka dejineyso ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Xasan Daahir. Sheekh Xasan Daahir oo dowladda ugu xiraa mayal adeygiisa, maadaama uu ka soo goostay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa hadda u muuqda inuu soo jilcay oo diyaar uu u yahay inuu ka soo tanaasulo fikirkiisa, isla markaana uu doonayo inuu wadahadal la furo dowladda. The post Xasan Daahir Aweys oo codsi yaab leh u dirsaday R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
  3. “Deegaanka Gumar ee Duleedka Hargeysa ayaa loogu dhimanayaa Adeeg La’aan Caafimaad” Afhayeenka Garabka Dhallinyarada WADDANI 32 Sanno kedib deegaanka Gumar oo Hargeysa u jirta waxkayar 42km ayaa loogu dhimanayaa adeeg la’aan caafimaad, oo ah adeegga ugu yar ee caafimaadka bulshada [Basic community health service] Hooyo muwaadinad ah ayaa ugu dhimatay Umul Aroor [Maternal Mortality] Waxa nasiib darro ah deegaankaas dayaca loogu dhimanayo inaanay lahayn darajada ugu hooseysa goobaha caafimaadka [Health Post] oo qalabaysan dhakhaatiirtii loo baahnaana aanay joogin. Xukuumadda faashilka ah ee Kulmiye, ilaa haatan kama hadal, kama falcelin, qorshena kama laha inaan musiibadaasi soo laaban. Dhacdadan mid ka yar ayaa keenta iscasilaad marka damiirku shaqaynayo iyo xilka qaadis marka isla xisaabtan jiro. Allah waxaan uga baryaynaa naxariisti jano marxuumaddaas ehelkeedina samir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin Afhayeenka Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Qaran News
  4. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Fullinta ee Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, Lataliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay khaburro madax banaan oo Qaramada Midoobay kala shaqeeya arrimaha xuquuqul Insaanka Somaliland iyo Soomaaliya Isha Dyfan iyo Sandra Oyella oo ay wehelinaysay Fadxiya Cabdilaahi Axmed. Guddoomiyaha ayaa soo dhaweeyay saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay, waxaanu uga mahadceliyay socdaalka ay ku soo booqdeen Maxkamadda Sare. Ujeedada booqashada saraakiisha ka socday Qaramada Midoobay ayaa la xidhiidhay warbixin ay ka diyaarinayeen arrimaha xuquuqul insaanka iyo horumarada kale ee Garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa warbixin ka siiyay dib-u-habaynta lagu sameeyay Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u danbeeyay, geedi-socodka togan ee uu ku talaabsaday iyo doorka uu kaga jiro ilaalinta xuquuqda aadanaha. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay shaqada baaxada leh ee Garsoorka dalka iyo doorka balaadhinta Maxkamadaha Guurguura oo bulshada ugu taga deegaanada ay ku suganyihiin. Khabiir Isha Dyfan ayaa geesteeda xustay in ay ku faraxsantahay waxqabadka wanaagsan ee Garsoorka, waxaanay sheegtay in warbixintanta ka horjeedin doonto Qaramada Midoobay, kulankuna wuxuu ku soo geba-geboobay jawi degen. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Source
  5. Warsheekh (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha seddax Mataan Cabdulle ee Abgaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa eedeyn culus kala dul-dhacay Madaxweyanha HirShabeelle Cali Guudlaawe, iyagoo u goodiyey. Beeshaan ayaa ka cabaneysa dhul ku yaalla deegaanka Habaay oo u dhaxeeya Warsheekh iyo Ceelmacaan oo sida ay sheegeen Cali Guudlaawe uu qorsheynayo inuu ka dhiso garoon diyaaradeed. Odayaasha ayaa cadeeyey in halkaas aan laga dhsi doonon wax garoon ah, maadaama ay dhulkaas ayagu leeyihiin oo Cali Guudlaawe uusan kala xaajoon, hadii uu hayo qorshe maalgashi. “Dhulkaan Goof-goof ayaa loo leeyahay cid xoogi kartana ma jirto, qabiil kasta gobolkaan Goof ayuu ku leeyahay, cid na barakici karta ka jirto, reer Mataan dhulkaan Maxamed Siyaad Barre oo soo damaaciyey ayey rag caan ah uga dileen, qof kale oo hadda wax laga yeelayana ma jirto,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay. Sidoo kale odayaasha hadlay oo aad ugu fogaaday eedeynta Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kala jaray HirShabeelle oo Hiiraan uu kulmiyey mar hore, dhawaana lagu kala tegi doono Shabeellada Dhexe, hadii uusan sidaan waxaba ka bedelin. “Caliyow Hiiraan waa lumisay oo HirShabeelle waad kala jartay, Sh/Dhexe waad la degtay oo waxaad ka degan tahay gurigii uu Maxamed Dheere dhisay, madaxda dowlad goboleedyada kalena waxay dhisteen jidadka, madaxtooyo iyo goobo kale oo dan guud ah,” ayuu yiri oday kale. Odayaashaan ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, ugu horeyn waxay u cadeeyeen inay taageersan yihiin, iyagoo ugu yeeray “Dal xoreeye” sidoo kale waxay Xasan Sheekh kula taliyeen in Cali Guudlaawe uusan ku haleyn HirShabeelle, iyagoo ka codsaday inuu badbaadiyo maamulka. Odayaasha dhaqanka Mataan Cabdulle ayaa soo bandhigay hub iyo ciidamo ay ku difaacanayaan dhulka ay sheegeen in Cali Guudlaawe uu doonayo inuu ka dhisayo garoon, ciidanka ayey ku sheegeen kuwii la dagaalamaya Khawaarijta, isla markaana ay weli diyaar u yihiin in cadowga ay ka xoreeyaan dhulka uu ka joogo deegaanada beesha. Hoos ka daawo The post Daawo: Beel ka mid ah Abgaal oo diiday qorshe culus oo Cali Guudlaawe uu watay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay galeen heshiis ka duwan noocyadii labadaan waddan ay hore u gali jireen. Magaalada Riyaad ee xarunta Boqortooyada Sacuudiga waxaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Naasir Bin Abdiaziz. Nooca heshiisku waa amni. Horey labadaan waddan uma dhex-marin heshiis la xiriira arrimaha amniga. Wuxuu kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya qaaday dagaal dhab ah oo ka dhan ah kooxaha argagixisada. Inay Sacuudiga xilligaan heshiis iskaashi oo xaga amniga ah la galaan Soomaaliya, waxaa loo baddinayaa codsi dhanka Muqdisho ka yimid, taasi oo raadineysa inay hesho dalal ka caawiya baahiyaha dagaalka sida; hubka, saadka iyo dhaqaalaha. Wejiga koowaad ee heshiiskan waxaa faa’iido weyn qabta Soomaaliya. Dadka qaar waxay la barbar dhigayaan heshiiskan kii ay hore u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Xilli dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ay muddo sanad ka badan bixineyso mushaarka ciidamada loo yaqaano Boolis Milataaro, oo kamid ah ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sidoo kale bixiyeen kharashkii lagu soo tababaray. Inta badan Sacuudiga ma galo heshiisyo noocaan ah oo la xiriira arrimaha amniga, laakiin dunidan sii holcaysa, oo ay fadhiyada caalamka hareeyeen dooddo la xiriira arrimaha amniga, Riyaad waa u baahan tahay codka dalal ay ku jirto Soomaaliya. Labadaan waddan ayaa ku wada jira dhowr urur oo Jaamacada Carabta iyo ururka Iskaashiga Islaamka kamid yihiin. Heshiiskaan dhex-maray dowladdaha Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay isku diyaarineyso inay amniga guud ee dalka kala wareegto ciidanka Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS. Sacuudiga inta badan heshiiska noocaan ah lama galo dowladaha qaar, gaar ahaan kuwa Afrika. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay muujinaysa sida ay uga go’an tahay inay gaarto isku filnaansho amni. Heshiisyada noocaan ahna waxaa loo arkaa abuurista illo kale oo kaalmeyn kara laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Cilaaqaadka Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa hoos jiray tan iyo markii uu dhacay khilaafkii waddamada Khaliijka, markaas oo ay Soomaaliya af ahaan u qaadatay mowqif dhexe, balse ay ficil ahaan ula safatay waddanka Qatar. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo nidaamkiisu waxay u muuqdaan kuwo soo bandhigaya siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan is ogol iyo wax wada qabsi, taasi oo caawinaysa Soomaaliya oo ku jirta dagaal argagixiso, bixitaan ATMIS ah iyo olole looga qaadayo cuna-qabateynta hubka. The post Sababta Sacuudiga uu Somalia ula galay heshiis uusan inta badan la galin dowladdaha Afrika appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo maanta ku gaaray dalka Burundi ayaa madaxweynaha dalkaasi mudane Évariste Ndayishimiye kala hadlay xiriirka labada dal, gulufka ka dhanka ah Shabaab, howlgalka ATMIS, EAC iyo arrimo kale. Labada Madaxweyne oo isku arkay aqalka madaxtooyada ayaa Madaxweyne Xasan waxaa uu marka hore uga mahadceliyay dhiggiisa Burundi iyo shacabka dalkaasi sida ay uga qeyb qaateen qaran dhiska Soomaaliiya, waxaa uu sidoo kale kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka Al-Shabaab maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo la oran jiray AMISOM. Madaxweynaha Burundi oo haatan ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa laga dalbaday oo kale sidii loo dedejin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga, isu-socodka iyo arrimo kale. Dowladda Burundi oo ka tirsan dalalka bariga Afrika ayaa qeyb weyn ka ah ATMIS iyo bahda bulshada Bariga Afrika (EAC). Source: goobjoog.com
  8. Masuuliyiinta Wakalaadda Biyaha Hargeysa oola Kulmay wefti ka socda Hay’adaha Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta kala duwan ee Wakaaladda Biyuhu waxay weftiga warbixin dhamaystiran ka siisay guud ahaan mashaariicda biyaha iyo Mashaariicda casriyaynta Hanaanka Adeeg bixinta ee Wakaaladdu gacanta ku hayso, qorshaha mustaqbalka ee Biyaha Hargeysa. Warbixinta Wakaaladda waxaa xooga lagu saaray biyo-xidheenka Kalqoray oo hadda socda iyo Biyo-xidheenka Annayo oo daraasaddiisa hor-dhaca ahi gebo-gebo ku dhawdahay . Waxaa kulankan lagaga wada hadlay sidii layskaga kaashaan lahaa mashaariicda biyaha gaar ahaan dhismaha biyo-xidheenada , si magaalada Hargeysa u hesho biyo ku filan. Gabagabadii xubnaha Weftigu waxa ay soo kormeereen qaar ka mid ah goobaha ay ka socdaan shaqooyinka balaadhan ee Wakaaladda Biyihu sida Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha, dhismaha Dhaamka Kal-qoray iyo xarunta Biyo-Soo-Saarka Geed-deeble. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in la jabsaday Emailkiisii uu ugu shaqeyn jiray hey’adaas oo muddo 5 sano ah uu Agaasime ka ahaa. Koofi ayaa hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ku eedeeyey inay jabsatay Emailkiisa, isagoo falkaas la xiriiriyey khilaafka kala dhexeeya Agaasimaha NISA Mahad Salaad. Sidoo kale Koofi, wuxuu si adag uga digay falalka noocaan ah ee lagu geysanayo shaatiga dowladnimada, sidoo kale wuxuu ka afeeftay wixii ka yimaada hadii Emailkaas si qaldan loo isticmaalo. Dhinaca kale, Koofi wuxuu su’aal geliyey sababta dowladdu ay hawada uga saari weysay Emailkiisa, hadii aysan dooneyn inuu u sii shaqeeyo, isagoo masuuliyiinta kale uga digay dhexdhexaad la’aanta hey’adda Isgaarsiinta Qaranka. Hoos ka aqriso qoraalka Koofi oo ciwaan uu uga dhigay “Wargelin iyo Digniin!” Maanta ayaan ku baraarugey in Emailkii aan ku shaqeyn jirey xilligii aan ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda laga badashey lambarka Sirta (Password). Emailkaan waxaan ku shaqeynayey muddo shan sano ah, waxaana ku jira xogo muhiim u ah qaranka. Haddii dowladdu ka maarantay data-da ku jirta, waxay xaq u leedahey in gebihaanba ay tirto emailka, laakiin in lambarka sirta laga badasho, si qaldanna loo adeegsado waa sharci darro iyo xadgudub. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah Emailada rasmiga ah, ayna aheyd in ay dhexdhexaad ka noqoto aragtiyada kala duwan, hadda waxay ku soo aruurtey in shaqsiyaad gaar ah ay ku adeegtaan, qofka ay shaqsiyaadkaas is qabtaanna lala wareego emailkiisa, loona adeegsado sifo sharci darro ah. Hadaba, waxaan ka digayaa: 1) In xariirada Emailkaas oo magaceygu ku qoran yahey lagu sameynayo aysan aheyn kuwo sax ah 2) In haddii Sirta iyo Xogaha shaqada ee ku jira Emailkaas si qaldan loo adeegsado aanan anigu masuul ka aheyn, joojiyeyna adeegsiga Emailkaas maalintii aan xilka wareejiyey. 3) In qof kasta oo Emailada rasmiga ah ee dowladda ku shaqeeya uu ogaado in ay jirto masuuliyad darro ka imaaneysa hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, taas oo haddii aad wax yar ka aragti duwanaato Agaasimaha Nisa, lagula yeelanayo emailkaaga shaqada, lagaana shaqeysanayo. Dhaqamada noocaan waxay dhaawac aan soo kabasho laheyn ku yihiin dowadnimadeena, sidoo kale, waxay meesha ka saarayaan isku kalsoonaanta iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda, iyo weliba madaxda qaranka. Madaxda hoggaamisa dowladda dhexe, waxaan kula talinayaa in aysan fududeysan dhacdooyinka qaran bi’iska ah ee maalin kasta ka dhacaya Xaafiisyada hay’adaha dowladda, qaarkood. FG: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu wax lug ah kuma lahan falkaan sharci darrada ah. The post Koofi oo si adag uga hadlay arrin yaab leh oo hey’ad ka tirsan DF ay kula kacday appeared first on Caasimada Online.
  10. Bujumbura (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo oo Maalin ah ku tagay dalka Burundi. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi waxa uu kulammo kula qaadanaya Madaxweynaha dalkaasi Mudane Évariste Ndayishimiye. Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaasi ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed. Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi. Waxa uuna Madaxweynuhu uga mahad-celiyey dhiggiisa dalkaasi, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Waxaana geba-gabo ah wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka degay Burundi, lana kulmay dhiggiisa dalkaasi appeared first on Caasimada Online.
  11. Nairobi (Caasimdaa Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta sagootiyay Safiirkii dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan). Kulanka Ruto iyo Danjire Tarsan ayaa ka dhacay Madaxtooyada dalka Kenya, wuxuuna madaxweynaha uga mahad-celiyay howlihii uu soo qabtay. Ruto ayaa bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda iyo horumarka deegaanka, iyo weliba faa’iidada ay wadaagaan labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo barwaaqada Bariga Afrika. “Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan wax ka badan deris, muddo tobanaan sano ah, waxaan ka wada shaqaynaynay raadinta nabadda iyo horumarka qarankeenna iyo gobolka. Waxaan wadaagnaa xiriir dhaqameed qoto dheer oo leh xiriir ganacsi oo xooggan,” ayuu yiri madaxweyne Willian Ruto. Danjire Tarsan ayaa dhawaan soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isaga oo dib ugu laaban doona dalka. Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika. Si kastaba, Danjire Tarsan ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa safiir hawlkar ah oo wax ku ool ah oo wax badan ka taray xoojinta xiriirka labada dal, islamarkaana joogitaankiisa si weyn loo tabi doono. The post RUTO oo sagootiyay safiirkii Soomaaliya ee Kenya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. JOHANNESBURG, South Africa, November 15, 2023/ — Today marks a significant milestone in the African cryptocurrency industry, as Yellow Card (https://YellowCard.io/) becomes the first fintech on the continent to launch PayPal USD (PYUSD). This new stablecoin fromPayPal, issued by Paxos, will open new horizons for digital financial transactions between Africa and the United States. Crypto adoption in Africa is booming – according to a report by Chainalysis, between 2020 and 2021 the crypto market on the continent grew by over 1200% (to $106 billion). Nigeria, Morocco and Kenya rank in the global top 20 for crypto adoption. A large part of the reason for this growth can be attributed to stablecoins, which have gained popularity with both beginners and seasoned traders due to their ease of use and greater stability. In the last few years Yellow Card has become the fastest-growing cryptocurrency company in Africa, with a presence in 20 countries, showing no signs of slowing down as Africa is the prime market for rapid crypto growth. In August, PYUSD launched in the US market and since then has been making waves in the industry. PYUSD is a fully-backed USD stablecoin with reserves held 100% in US dollar deposits, US treasuries and cash equivalents. PYUSD – and its reserves – are subject to strict regulatory oversight by the New York State Department of Financial Services meeting the highest standards of consumer protection. CEO and Co-Founder of Yellow Card, Chris Maurice, says this partnership emphasises the very essence of the company where innovation, financial inclusion and progress collide. “This moment is a testament to the relentless pursuit of innovation and financial inclusion that Yellow Card stands for. Launching PYUSD on our platform is not just a business achievement, it’s a commitment to our mission of making digital currencies accessible to everyone in Africa,” he said. PYUSD’s availability on Yellow Card means customers can smoothly transfer funds to and from the US. This is because PayPal and Venmo users in the US can accept PYUSD and exchange for the dollar. Essentially, it removes longer processes while providing security, stability, speed – while still being cost effective and less expensive. The collaboration also introduces newfound global trading opportunities and access for customers based in Africa as customers can seamlessly buy, sell, and transfer PYUSD on the Yellow Card platform without the need for a PayPal account. Promoting financial inclusion, education and bridging the gap between traditional and digital financial systems in Africa is a fundamental component of our shared vision. This partnership will no doubt empower individuals and businesses across the continent, allowing them to participate in the global economy more effectively. For more information on how to get started, visit the Yellow Card website (https://YellowCard.io/). Qaran News
  13. PRESS RELEASE Wide-ranging discussions on trade and investment dominate on day five of the Intra-African Trade Fair 2023 (IATF2023) IATF2023 attendees were also treated to a panel discussion on ‘The role of the AfCFTA in Accelerating the Implementation of African Development Agenda 2063’ CAIRO, Egypt, November 14, 2023/ — Attendees continued to hear wide-ranging discussions and comments on trade and investment issues on the fifth day of the third Intra-African Trade Fair 2023 (IATF2023) in Cairo yesterday. Egypt and Barbados celebrated Country Days by hosting investment forums. In a discussion at the Egypt investment forum, speakers highlighted opportunities for greater trade between Egypt and other parts of Africa. Dr. Sherif El Gabaly, Head of the African Affairs Committee, Egyptian Parliament, underscored lessons that Egypt could share in terms of strengthening agricultural self-sufficiency. Other Egyptian business leaders shared insights from their work in the healthcare, automotive, construction and e-commerce sectors. Sherine Helmy, CEO of Pharco Pharmaceuticals, shared insights on significantly reducing the cost of hepatitis treatment in Egypt to $60 per person. He highlighted the importance of political will and commitment in enabling collaboration to achieve that success. Abdelatif Olama, CEO of Jumia Egypt, talked about the company’s strong brand awareness across Africa, saying, “We thrive because we are African. We benefit from growing in a big and growing population, from the growing urbanisation that happens from a growing middle class.” Also speaking, Mohamed Taher, Senior Business Development Manager at Hassan Allam Construction, outlined ongoing construction projects by his company and invited potential partners to collaborate. Another speaker, Marc Soueha, talked about manufacturing commercial vehicles and gave described the unique aspects of the African commercial vehicle market. At the Barbados investment forum, the Barbados delegation said that there were opportunities for Barbados and Africa to collaborate, highlighting the stability of the country’s economy. Kaye-Anne Greenidge, Chief Executive Officer of Invest Barbados, said that there was a tremendous potential for growth in sectors which contribute to the country’s gross domestic product and pointed to investment opportunities for Africa in areas such as tourism, agro-processing and the green economy. Dr. Kevin Greenidge, Governor of the Central Bank of Barbados, said that, from an investor’s perspective, Barbados had “good buffers” with its foreign reserves and that the country had low unemployment rate. Carol Roberts-Reifer, Executive Officer of the Barbados’ National Cultural Foundation, discussed the country’s creative industries while Phil Phillips, the Commercial and Cultural Attaché, at the Barbados High Commission in Accra, announced plans to introduce Barbadian goods to some African markets in the coming weeks. IATF2023 attendees were also treated to a panel discussion on ‘The role of the AfCFTA in Accelerating the Implementation of African Development Agenda 2063’. The panellists said that political will was a crucial factor for success. Yahya Al-Wathiq-Bellah, Head of the Egyptian Commercial Representation Service, emphasised the importance of political will throughout the entire structure and Nardos Bekele Thomas, CEO of the African Union Development Agency- NEPAD, said that a conducive environment and willingness of governments to honour their commitments were crucial. Kanayo Awani, Executive Vice President, Intra-African Trade Bank, at the African Export-Import Bank (Afreximbank), said that financiers played a crucial role in protecting the African continent from the adverse effects of supply chain disruptions. Ms. Awani argued that there was need to “reverse engineer” colonial trade routes, which were established without consideration for the African population. “We support that with financing but it has to be a collective effort,” she said. Responding to the panellists, Albert Muchanga, African Union Commissioner for Economic Development, Trade, Tourism, Industry and Minerals, announced some upcoming projects aimed at ensuring harmonisation of regulations, including a ‘Made in Africa’ strategy. He also stressed the need to include the private sector in state-level negotiations, adding, “A time should come when our governments must say the private sector will be informed about the outcome of negotiations.” IATF2023, Africa’s largest trade and investment fair started on November 9 and runs until November 15. It is expected to attract over 1,600 exhibitors and 35,000 visitors, with trade and investment deals worth US$43 billion projected to be concluded during the event. SOURCE Afreximbank Qaran News
  14. Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa maanta gudaha u galay isbitaalka ugu weyn ee magaalada Gaza, waxaana ay baarayeen qolalka iyo qeybta hoose ee isbitaalka, sida ay sheegeen goob joogayaal. Tallaabadan ayaa soo gaba-gabeysay go’doomin maalmo qaatay oo sababtay qeylo-dhaan caalami ah oo ku aadan nolosha kumannaan rayid ah oo ku go’doonsan gudaha Gaza. Isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalka dhulka ee ciidamada Israel, kuwaas oo sheegay in godad ku hoos yaalla isbitaalka hoostiisa ay dagaalyahannada Xamaas ay “hal-bowle” u ahaayeen, taas oo Xamaas ay beenisay. Indhaha caalamka ayaa diiradda saaray jiritaanka boqollaal bukaan ah oo ku xayiran gudaha, iyaga oo dhaqaatiirta isbitaalka aysan heysan wax awood ah oo ay ku shaqeeyaan iyo agabka caafimaadka aasaasiga ah, iyo kumannaan rayid ah oo barakacayaal ah oo hoy u raadsaday. Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in bukaanno badan oo ay ku jiraan saddex ilmood oo dhawaan dhashay ay dhinteen maalmihii lasoo dhaafay taas oo ka dhalatay hareeraynta Israa’iil ee isbitaalka. Israa’iil waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen dagaal yahanno ka tirsan Xamaas agagaarka isbitaalka kahor intii aysan galin. Waxay sheegeen in isbitaalka u keeneen sahay caafimaad oo loogu talagalay dadkii ku jiray. The post Ciidanka Israel oo gudaha u galay isbitaalka ugu weyn Gaza kadib… appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safar shaqo oo Maalin ah ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulammo kula qaadanayo Madaxweynaha dalkaas Mudane Évariste Ndayishimiye. Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaas ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka AS, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed. Wafdiga Madaxweynaha ku weheliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi, waxa uuna Madaxweynuhu uga mahadceliyey dhiggiisa dalkaas, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Argagixisada. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar hal Maalin ah ku tegay dalka Burundi appeared first on Puntland Post.
  16. Bujumbura (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived on Wednesday for a one-day working visit to Burundi, where he will meet with his Burundian counterpart, Evariste Ndayishimiye. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho. Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay marti-geliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed. Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel iskugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyada oo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan. Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taasoo si xawli u kordheysa. “Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah,” ayuu yiri. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Jaamac Xasan Khaliif oo dhagax dhigay xaruntan ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan. “Xarunta Xogta Qaranka waxay calaamad u tahay tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo gaaro ujeedooyinka lagu qeexay siyaasadeena ICT-da qaranka,” ayuu yiri Wasiir Jaamac Khaliif. Waxa uu intaas kusii daray “Waxayna middaan muujineysaa sida ay nooga go’an tahay kor u qaadista horumarka teknoolajiyada iyo baahinta adeegyada dhijitaalka ah.” The post Sawirro: Dhismaha xarun muhiim ah oo maanta laga dhagax dhigay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum General Jidhif. Hargeysa(Qaran) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee dalka. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qaybgalay Aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa. Masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii ka qaybgalay Aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehellada, qoyska iyo qarankana beddel khayr qaba siiyo. Ugu horrayn, taliyeyaasha ciidamada qaranka iyo Asluubta sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxana ay ku dheeraadeen kaalintii mugga lahayd ee uu kasoo qaatay halgankii iyo dhismihii ciidanka qaranka. Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaanada xoolaha, Qoyska, shaqo-gelinta iyo arriomaha Bulshada oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa sharraxay qiimihii uu bulshada ku lahaa marxuumku, dedaalkiisii qaran-dhska iyo sidii uu waqtiga badan u geliyey inuu qarankani noqdo mid taabba gal ah oo yeesha ciidan cududdiisa laga cabsado. Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin aqoon gaar ah u lahaa marxuumka, ayaa ku sifeeyey halyey taariikhda baal dahab ah ka galay, qarankiisana si daacad ah ugu soo adeegay, iyaga oo ehelka iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan u rajeeyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsiyeeyey ehellada qaraabada iyo guud ahaanba qaranka Somaliland oo uu kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii uu qarankani dulmigii loo geystay uga xoroobi lahaa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dad la dhaqan lahaa, bulshaawinimo iyo saaxiibtinimadana aad u ilaalin jirey,“Dalkiisana wuu usoo halgamay, dadkii uu la da’ada ahaa ee aan kamidka Ahaana nin bulshaawi ah oo si wacan ula dhaqmay oo laga wada raalli yahay buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
  19. Beledweyne (HOL) - The death toll from the Shabelle River flooding in Beledweyne, the capital of the Hiiraan region, has risen to eight people, according to local officials on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo cusub oo laga cabsi qabo inay mar kale horseedo gacan ka hadal ka dhaca caasimada Puntland ee Garoowe. Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka bishaan November uu meel-mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, kaasi oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC. Xeerkan ayaa shalay loo gudbiyay Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Puntland, wuxuuna dhigaya in doorashada maamulka ay qabsoomto dhamaadka bisha Febraayo, taasi oo ka dhigan in doorashada ay ka dib dhaceyso waqtigeeda. Sidoo kale, xeerkan ayaa dhigaya in doorashada Madaxtooyadda iyo tan Baarlamaanka ay ku dhacdo hanaanka qof iyo cod, oo ay soo doortaan shacabka Puntland. Mucaaradka ayaa horey uga digay guddoonka baarlamaanka oo la sheego inuu jiro dhanka madaxweyne Saciid Deni inuu qaado tallaabo mar kale horseedi karta xasilooni darro amni oo ka dhacda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa iyaguna shalay ku dhawaaqay jadwal doorasho cusub, kaasi oo dhigaya in doorashada maamulka ku qabsoomto waqtigeeda oo ah 8-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2024-ka. “Dalladu waxay u aragtaa lagama maarmaan in la qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda 8-da Janaayo si looga baaqsado firaaq dastuuri ah. Sidaas darteed, Dalladu waxay halkaan kusoo gudbinaysaa Jadwalka xulista Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Dallada Mucaaradka Puntland, kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garoowe. Jadwalka Mucaaradka uu soo saaray ayaa waxaa ku xusan in 31-da bisha December la shaacinayo liiska xildhibaanada cusub, halka ay bilaabaneyso 5-ta December qabashada dukumintiyada xildhibaanada cusub. 1-da January ayaa sidoo kale waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland, sida ku qoran jadwalka doorasho ee mucaaradka uu maanta soo saaray. Jadwalka doorasho ee uu soo saaray mucaaradka ayaa ka hor imanaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, kaasi oo muddo kororsi dadban loogu sameeyay madaxweyne Saciid Deni. Isku soo wada duubo, Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu gacan hadal ku dhexmaro Garoowe ciidamada Mucaaradka iyo kuwa maamulka, sidii dhacday 20-kii June ee sanadkan, taasi oo galaafatay nolosha in ka badan 30 qof. The post Baarlamaanka Puntland oo mar kale qaadaya tallaabo uga sii dareysa xiisadda appeared first on Caasimada Online.
  21. Rishi Sunak’s key immigration policy has been dealt a blow after the UK’s highest court rejected the government’s plans to deport people seeking asylum to Rwanda. Five judges at the supreme court upheld an appeal court ruling on Wednesday, which found that there was a real risk of deported refugees having their claims in the east African country wrongly assessed or being returned to their country of origin to face persecution. The ruling undermines one of the prime minister’s key pledges – to “stop the boats”. The government claimed that the Rwandan scheme would be a key deterrent for growing numbers of asylum seekers reaching the UK via small boats travelling across the Channel – a claim that has been rejected by refugee charities. The ruling come the day after the sacked home secretary, Suella Braverman, released an incendiary letter accusing the prime minister of breaking an agreement to insert clauses into UK law that would have “blocked off” legal challenges under the European convention on human rights (ECHR) and the Human Rights Act. Braverman said Sunak had no “credible plan B” and warned: “If we lose in the supreme court, an outcome that I have consistently argued we must be prepared for, you will have wasted a year and an act of parliament, only to arrive back at square one.” A meeting of hard-right Conservative MPs will be held in parliament to consider the judgment on Wednesday at 10.30am. The meeting is expected to back calls to leave the ECHR. Sir John Hayes, a close ally of Braverman, said on Tuesday that in the event of losing, ministers should table a narrow piece of legislation to enact the Rwanda plan before Christmas, and later include withdrawing from the ECHR in the Tory election manifesto. Source The Guardian Qaran News
  22. Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ilaa 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba. Madaxweynaha maamulka mudane Cabdicasis Laftagareen ayaa sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka tiiyoo ay dheertahay 50% in Baydhabo laga barakacay. Dhanka kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyada oo uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha fadhiistay goobahaasi. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka ku dhibaataysan KG. Marka laga tago Baydho sidoo kale waxaa xaalada adag wajahaya dadka ku dhaqan magaalada Xudur iyo Bardaale, kuwaas oo daadad ay ku dhufteen, kuwaas oo go’doon galiyay bulshada ku dhaqan halkaasi. Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth. Kulanka labada mas’uul ayaa oo looga hadlay nabad dhiska, gargaarka banii’aadnimoiyo dhibaatooyinka fatahaadaha ku dhuftay dalka iyo sidii Jarmalku uga qeyb qadan la heyd Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu ugala shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh dowladda dhexe. Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska. Kulanka wasiirka uu laqaatay safiirka dalka Jarmalka ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay jiraan fatahaado xoogga, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dad badan oo ku nool gobollada dalka. Source: goobjoog.com
  24. Ten days after receiving $2,000 cash aid for shelter, Daud Ibrahim Abdi, a wheelchair user, had organised construction of a new house for his wife and five children enabling them to leave the IDP camp they were living in in Baidoa. Source: Hiiraan Online
  25. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee Somaliland. Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga Kulmiye, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qayb-galay aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa. Masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii ka qayb-galay aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehellada, qoyska iyo qarankana beddel khayr qaba siiyo. Taliyeyaasha ciidamada iyo Asluubta sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) oo ugu horreyntii halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, iyaga oo ku dheeraaday kaalintii mugga lahayd ee uu kasoo qaatay halgankii iyo dhismihii ciidanka qaranka. Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaanada xoolaha, Qoyska, shaqo-gelinta iyo arriomaha Bulshada oo goobta aaska ka hadlay, ayaa sharraxay qiimihii uu bulshada ku lahaa marxuumku, dedaalkiisii qaran-dhiska iyo sidii uu waqtiga badan u geliyey inay Somaliland noqoto mid taabba gal ah oo yeelata ciidan cududdiisa laga cabsado, sida ay hadalka u dhigeen. Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin aqoon gaar ah u lahaa marxuumka, ayaa ku sifeeyey halyey taariikhda baal dahab ah ka galay, qarankiisana si daacad ah ugu soo adeegay, iyaga oo ehelka iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan u rajeeyey. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambeyntiina halkaasi ka hadlay, ayaa ka tacsiyeeyey ehellada qaraabada iyo guud ahaanba Somaliland oo uu kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii uu qarankani dulmigii loo geystay uga xoroobi lahaa, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dad la dhaqan lahaa, bulshaawinimo iyo saaxiibtinimadana aad u ilaalin jirey. “Dalkiisana wuu usoo halgamay, dadkii uu la da’ada ahaa ee aan kamidka ahaana nin bulshaawi ah oo si wacan ula dhaqmay oo laga wada raalli yahay buu ahaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. The post Sawirro: Jen. JIDHIF oo maanta aas qaran loogu sameeyay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.