-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa(Qaran)- Waxa isa soo taraya in xudduuda Wajaale ee dhinaca Itoobiya lagu dhibaateeyo ummadda reer Somaliland ee u tallaabaya dalka Itoobiya. Sidoo kale qofka bilaa sharciga ahina ma geli karo Itoobiya oo dib ayaa loogu celiyaa Somaliland, qofka sharci sita oo bixiya lacagta feega ah oo waliba si culus loo baadhay ayaa gali kara uun ama u talaabo kara xaga Itoobiya, taasi oonah mid sharci ah oo ay Itoobiya xaq u leedahay Sidoo kale ma jirto wax baadhis ah oo lagu sameeyo dadka xadka Itoobiya ka soo gelaya Somaliland. Iyadoo Xudduuda Somaliland ay noqotay meel iska furan oo argagixiso iyo dambiileyaal kaleba ka soo geli karaan iyo dad bilaa sharci ah oo dalka u soo gala in ay ka dawarsadaan siyqyada magaalooyinka Somaliland iyo sidoo kale kuwo si sharci daro ah dalka uga shaqaysta kuwaasi oo culays dhaqaale iyo mid caafimaadba ku haya caasimadda Mana jirto wax muhiimad ah oo laanta socdaalku ay siiyaan arrintan halista ah oo u baahan in Xukuumaddu wax ka qabato, inta aanay falal ammaanka halis ku ahi ka dhicin. Waxa haboon in dadka dalalka jaarka iyo meelaha kaleba ka imanaaya ee suyqyada magaalooyinka ka dawarsanaaya la diwaan galiyo oo wixii qaxooti ah lala kaashado caalmka sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa ama dalkoodii loogu celin lahaa iyada xiligani ay dadka muwaadiniinta ah ay qaar badan soo food saartay cunto yaraani kuwaasina loo hawl galo sidii loo taageeri lahaa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo wariyay in xubnaha Golaha Wasiirrada uu Isniintii ku canaantay inay ka gaabiyeen iibinta siyaasadda xilli xukunkiisa iyo wax ku biirinta shaqooyinka waaweyn ee horyaalla. Wuxuu ahaa kulan aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirrada yeesheen, oo uu shir-guddoomiyay madaxweynaha. Ma cusba in qofka dalka ugu sarreeya uu dhaliilo xubnaha xilalka ka haya dowladiisa, haddii ay ka jiiftaan shaqooyinka hortabinta u leh dalka ama muddo xileedkiisa. Laakiin Xasan Sheekh yaa la jira yaase la jooga? Muxuuse madaxweynaha saluugsan yahay ayaa ah waydiimaha ku gadaaman farriintan. Lixda arrimood ee ugu waaweyn howlaha madaxweyne Xasan Sheekh sida joogtada ah uga shaqeeyo xilligaan hal ama laba wasiir unba wax ku biirisa, xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada xaflado aan mira-dhal aheyn, safaro aan muhiim aheyn iyo danno shaqsi ah ayay waqtigii ku dhameeyeen ayay leeyihiin dadka dhaliisha madaxweynaha taageersan. Dagaalka ka dhanka ah argagixisada, shaqada deyn cafinta, wax beddelka Dastuurka, shaqada cuna-qabateynta hubka, ku biirista bulshada Bariga Afrika iyo kobcinta dakhliga gudaha ayaa miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh. Inuu is weydiiyo ayaa lixdan kala shaqeeya oo kooxdaada ah wax dambi ah ma ahan. Inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada oo aheyd in qolo walba kaalin gaar ah ka qaadato lixdan shaqo uma muuqdan kuwo wax badan ka geysanaya dadaalka madaxweynaha. Sidoo kale madaxweynaha wuxuu rabaa meel-marinta qaar kamid ah qoddobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, taasi oo u baahan wax ka bedel Dastuur. Xukuumadda waa laba koox, qaar waa koox ka timid xisbiga madaxweynaha ee UDP, qolona waa kuwo si iskood ah ama dariiq saaxiibtinimo kusoo raacay tareenka madaxweynaha. Xubnaha Golaha Wasiirrada qaar 100% ayay ku siyaasad yihiin madaxweynaha, qaarna way la shaqeystaan ee ku siyaasad ma ahan. Hal sano iyo lix billood ayuu xilka hayaa madaxweyne Xasan Sheekh, waana marxalad uu ku kala baran karo yaa kula jooga, yaase kula jira?. Waxaa laga yaaba in aad isweydiineyso maxaa farqi ah oo u dhaxeeya labada erey ee la jirid iyo la joogid. Marka la adeegsanayo la joogid waa dad isku meel ku sugan balse kala xaalad, kala fikir iyo hadaf noqon kara. Laakiin marka aad isticmaaleyso la jirid waa qof aad kula jira oo isku dhinac wax u wadaan, isku cadow tihiin, oo guusha iyo guul-darradaba aad shirko ku tihiin. Waxaa la jooga xilligii Xasan Sheekh kala shaandheyn lahaa kooxda, oo uu u kala saari lahaa yaa kula jira iyo yaase kula jooga. Sida uu madaxweynaha u arko guusha nidaamkiisa waa saxnaan karta, waana qaldanaan karta, laakiin qofka ay ku aday tahay inuu iibiyo sida uu madaxweynaha u arko guusha xukunkiisa iyo xaalka dalka, haddana xil ka haya nidaamkiisa, lagana yaabo inuu waayay meel hoose oo uu tallo ka dhiibto, waxaana u furan inuu banaanka tago oo uu xilka iska dhiibo, oo uusan iska dhaadhicin iska joog, xilka iska hayso oo xoolana aruurso. Koox walba oo xukunka qabsata qaab ayay u aragtaa inuu dalka ku hagaagi karo, waxayna u baahan yihiin inay xilalka u dhiibtan dad ay fikirkaas wadaagaan, shaqadana yaqaana. Xasan Sheekh hadda waa soo jeestay sida muuqata, ma qarsoona inay xukuumadda ku jiraan xubno diidan siyaasadiisa oo maqaayadaha iyo goobaha lagu kulmo ayay taas la fadhiyaan wasiirada qaar, umana badna in uusan Xasan xogtooda ogeyn. Inta uusan isaga iska saarin inta iskala joogta, waxaa la gudboon xubnaha aan guusha uga muuqan jihada madaxweynaha dalka u wado inay xilalka iskaga tagaan oo aanay Xasan xilli xukunkiisa ku dhex jalaafin. Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu hirgeliyo waxa uu aaminsan yahay waa inuu qaata aragtida yaa kula jira oo uu iska tuura aragtida yaa kula joogi kara, sababtoo ah fikir waxaa iibin kara qofkii aaminsan ee sax u arka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh ‘waa la jooga iyo waa la jira’ farqi ayaa u dhaxeeya appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo Sharraxay Qaabka Dawladda dhexe u Maamushay 12 Qol oo la sheegay in la iibiyay Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in Dawladda Hoose aanay iibin wax dhul ah oo ku yaalla Suuqa Waaheen ee gubtay. Waxase uu sheegay in dawladda dhexe oo dagaal kula jirta golaha deegaanku ay dhabqiyeen dhismaha suuqaas. Xildhibaanku wuxuu sheegay in aanu jirin meel Maayarku wax ka saxeexay oo laga saaray saxeexii uu ku lahaa suuqa Waaheen isla markaana uu saxeexay ku tagrifalka 12 qol Wasiirkii xilka laga qaaday ee Albaani. Xildhibaan Yaasiin waxa uu sheegay in horumarka iyo shaqada daacadnimada leh ee golahooda deegaanku ay hayaan in mudo ahba laga soo hor jeeday carqalado badana lagu kiciyay iyada oo aan wax dhib ah aan loo gaysan jirin golayaashii deegaanka ee hore Golaha deegaanka ee uu hogaamiyo Maayar Mooge ayaa ah golhii ugu wax qabadka badnaa ee caasimada soo mara tan iyo mudo aad u dheer. Waxana haboon in dawlada dhexe iyo shicibkuba is garab taagaan wixii ka qaldamana si haboon loogu sheego si ay u sii laban laabaan wax qabadka muuqda ee ay inoo bilaabeen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhaqan ay ka siman yihiin inta badan madaxda Soomaalida. Waxa uu sheegay in madaxda ay jecel yihiin in la amaano, lagana indho saabo xaqiiqooyinka jira, islamarkaana ay marba marka ka dambeysa soo xirmeyso masaaxada runta loogu sheegi karo madaxda Soomaalida. “Nasiib darro waxaa marba marka ka danbaysa soo xirmaya masaaxada runta loogu sheegi karo madaxda Soomaalida, waxaa dhismaya dhaqan siyaasadeed wasiir iyo waardiyuhu isku mid yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la dhibsanayaa dhaliisha, waxaa la iska indha tirayaa waaqaca, waxaa lala dhacsan yahay ammaanta, waxaa la raadinayaa maxaa la igu hadal haynayaa? Waa tan keentay in yuutuubar ka macno bato indheergaradkii iyo Ahlu Xali Wal Caqdigii.” Wuxuu madaxda Soomaalida usoo jeediyay in laga rabo inay abuuraan jawi la-taliyayaashooda iyo wasiirrada runta ugu sheegi karaan, si loo wajaho waaqica iyo xaqiiqada taagan markaas. “Madaxda iyagaa laga rabaa in ay abuuraan jawi ay la taliyayaashooda iyo wasiirrada runta ugu sheegi karaan, haddii aysan dhicina waa in ay iyagu kula dhirradaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas kusii dareyna “Midna ogaada raga xukunka hayow, wasiir aan kula doodi karin, damiirkiisa hadli karin, runta kugula dhici karin, qaladka kaa celin karin, ha ka sugin in uu xukun kuu difaaco ama dowlad iyo dal waxtaro.” The post CC Shakuur oo farriin culus u diray madaxda Soomaalida kadib arrin soo badatay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii saddexaad waxay diyaarad wada shixnad mucaawino ah u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Baydhabo ayaa waxay kamid tahay magaalooyinka ay sameeynta weyn ka gaysteen daadadka El-Niño, iyada oo halkaas ay ka gaysatay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed. Gargaarkaan oo ay maanta Muqdisho ka dirtay hay’adda SODMA ayaa waxa uu garayaa ilaa 10-tan oo ka kooban raashinka fudud. Hay’adda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha Wabbiyada. SODMA ayaa sidoo kale waxay maalmo ka hor sidan oo kale diyaaraddo sida shixnad mucaawino ah uga dejisay magaalooyin ay kamid yihiin Doolow iyo Baardheere, oo ay saameyn adag kasoo gaartay fatahaada wabbiga Jubba, taasi oo keentay in ay go’do buundii Baardheere. Waxay hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen biyaha. Gargaarkaan ayaa waxaa loogu tala-galay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha. The post Sawirro: DF oo Baydhaba u dirtay markii saddexaad diyaarad sidda… appeared first on Caasimada Online.
-
Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Howl-galka oo ay ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen tuullo lagu magacaabo Makiiney oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ayaa waxaa lagu dilay saddex kamid ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa howl-galkaan kooxda looga furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadkii la dilay, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii howl-galka hoggaamineysay. Howl-galkaan ayaa qeyb ka ah kuwa ay maalmahaan ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, kuwaasi oo khasaare kala duwan loogu gaystay kooxda. Howl-galladaan ayaa waxay bilow u yihiin dadaallada lagu doonayo in dhammaan deegaanada Koofur Galbeed looga saaro kooxda Al-Shabaab. Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhawaaqay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda. Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa. The post Faah-faahinta howlgal qorsheysan oo maanta lagu dilay xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan la ay isugu yimaadeen Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo Booliiska, isagoo kala hadlay xaaladda guudd amniga ee dalka, dardargelinta howlagallada ka dhanka ah Shabaab iyo arrimo kale. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto howlgalka ka socda dalka, xilli kooxda deegaanno laga saaray. Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga dalka. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu ay ku guda jirto howlgal Lagu xorreynayo bariga Galgaduud iyo deegaanno dhaca gobolka Mudug. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Bujumbura ee waddanka Burundi, halkaasi oo ay kusoo kulmeen dhiggiisa waddanka Burundi. Madaxweynaha Burundi sidoo kale hadda waxa uu haysta madaxtinimada wareegtada ee dallada bulshada Bariga Afrika, taasi oo ay Soomaaliya sugeyso inay dhawaan xubin buuqda ka noqoto. Burundi waa mid kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Safarka madaxweynaha, inkasta oo Villa Somalia baahisay qoraal dheer oo ku saabsana waxyaabihii laga wada-hadlay, kaasi oo u badnaa iskaashi iyo cilaaqaadka togan ee Soomaaliya iyo Burundi, haddana waxaa warbixintan kusoo koobeyna saddexda arrimood ee madaxweyne Xasan Sheekh uu inta badan kala hadli karo madaxda Afrika xilligaan, kuwaasi oo dhamaan dan u ah Soomaaliya. 1. Dib u dhigista bixitaanka ciidanka ATMIS Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dooneysa in dib loo dhigo waqtiga ay baxayaan ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ee hadda loo yaqaano ATMIS. Burundi iyo Uganda waa labada waddan ee ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya. Madaxda Soomaaliya iyo Burundi qodobka ugu weyn ee wada-hadalkooda waa kaas. Illaa inta laga xaqiijinayo natiijada dagaalka argagixisada, dowladda Soomaaliya waa u baahan tahay kabka ciidanka ka socda Midowga Afrika. Dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayuu isla qodobka Xasan Sheekh ku qasban yahay inuu kala hadlo. 2. Xaqiijinta ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika Soomaaliya waxay sugaysa go’aanka ugu dambeeya ee ku biirista ururka bulshada Bariga Afrika, kaasi oo waqti fog raadineysay Soomaalida. Madaxweynaha Burundi ayaa hadda ku fadhiya kursiga madaxtinimada wareega ee East Afrika Community. Kulanka labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Burundi ayaa la sheegay in lagu kor istaagay qodobkan. Madaxweyne Xasan Sheekh mar walba oo uu la kulmo madaxda Kenya, Tanzania, Dr Congo, South Sudan, Rwanda iyo Uganda kama tagi karo inuu ka hadlo qodobkan. Soomaaliya ayaa heli doonta socdaal fudud, sare u kaca qiimaha Baasaboorka Soomaaliga ah, ganacsi furan iyo iskaashi amni oo xoog leh haddii ay ku biirto dallada bulshada Bariga Afrika. 3. Gacan ka siinta dagaalka argagixisada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli rejo badan ka qaba ka mira-dhalinta la-dagaalanka argagixisada, dagaalka ayuu soo gaarsiiyay meel aanan weligeed la gaarsiinin, laakiin sidaas oo ay tahay weli dowladda Soomaaliya waa u baahan tahay gacan caalami ah, si looga adkaado argagixisada oo halis ku ah adduunka oo dhan. Waddamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa horey ugu ballan-qaaday Soomaaliya inay ka garab-siinayaan inay argagixisada ka adkaato, welina dowladda Soomaaliya waa sugeysaa ballan-qaadkaasi. Saddexdan qoddob ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga dhex maqan dalalka qaarada Afrika, kuwaasi oo la fahamsan yahay inay mar walba bud-dhig u yihiin socdaaladiisa gudaha qaaran The post Saddex arrin weyn oo Xasan Sheekh uga xiran madaxda Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin la xiriirta hilib cusub oo soo galay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Saraakiisha ammaanka Kenya, gaar ahaan kuwa ismaamulka Muranga ayaa shaaciyay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi. Saraakiishan ayaa waxay ka digeen in hilibkaas laga cabsi qabo in la geeyo ama lagu iibiyo kawaanada qaar ee ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Arrintan ayaa imaneysa xilli laamaha ammaanka ismaamulka Muranga uu qabtay illaa saddex kun oo kiillo oo hilibka Dameerka ah. “Waxaa gacanta ku soo dhignay illaa 3,000 oo killo oo hilibkaas ah (Dameerka) oo lagu soo qabtay beer ku taalla deegaanka Makuyu,” ayuu sheegay ku-xigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga Mr. Gitonga Murungi. Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in toban qof oo kale oo laga shakisan yahay ay baxsadeen. Baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday in inka badan 70 dameer la qalay muddo 3 maalmood gudahood ah, sida uu sheegay ku-xigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga Mr. Gitonga Murungi. The post Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah. Kulankaan oo ay ka qeyb-galeen hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah, ayaa waxa uu ku saabsana xaaladda biyaha kusoo fatahay degmada Gaalkacyo iyo sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay guddigii Wasiirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo masuuliyiinta wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-galeen hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowlad-goboleedka Puntland. Shirka ayaa waxa kale oo looga hadlay qoddob ay kamid yihiin; 1. In magalaada biyaha laga saaro. 2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa. 3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay. 4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada. Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland Axmed Karaash ayaa ugu dambeyntiina muujiyey sida dhow ee dowladdu ula socoto xaaladda roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo. Si kastaba, Maamulka ayaa horey guddi wasiiro ah u diray Gaalkacyo, haddana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee ka jirta. The post Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay Garoowe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay kor u sii kacayay heerka biyaha Webiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kororka biyaha Webiga Shabeelle ayaa yimid kadib markii saacadihii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da’een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada, oo ay waadiyaasha kusoo shubeen daadadka ka dhashay roobabka webiga. Arrintan ayaa imaaneyda, iyada oo rejo badan laga qabay in biyaha Webiga nafis laga dareemo saacadaha soo aadan, hase ahaate waxaa arintaasi meesha ka saaraya roobabka xoogan ee weli ka da’aya gudaha dowlad-deegaanka Itoobiya iyo deegaanada hoosyimaada xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne. Roobabka weli da’aya ayaa sii kordhinaya walaaca iyo cabsida dadka ku dhex go’doonsan gudaha magaalada Baladweyne, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda. Fatahaada Beledweyne ku dhufatay horraanta toddobaadkan ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ilaa Siddeed ruux. Arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac. Daadadka iyo fatahaadaha is wata ayaa saameeyay in ka badan hal milyan oo qof, halka ay ku barakaceen illa 600 oo kun oo qof, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay xaqiijisay in haatan ay sii korortay dhimashada, ayna gaartay illaa 42 qof oo siyaabo kala duwan ugu kala geeriyooday Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Dowladda ayaa illaa hadda 28 doomood gaarsiisay degmooyinka ugu daran, si shacabka loogu badbaadiyo, maadaama ay ku go’doonsan yihiin meelaha ay ku dhufatatay fatahaadda. Sidoo kale waxay diyaarado sida gurmad u dirtay deegaanada ay sida weyn u saameeysay arrintaan, kuwaasi oo laga soo warinayo xaaladdo daran. The post Walaaca iyo cabsida dadka ku go’doonsan gudaha Beledweyne oo sii kordhaya appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Suudaan ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay khamiistii in ay si dhakhso ah u joojiso howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas ee (UNITAMS). “Dowladda Suudaan waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in si deg-deg ah loo joojiyo howlgalka UNITAMS” sidaas waxa yiri ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Cali Sadeq. “Ujeeddadii loo aasaasay howlgalkan wuxuu ahaa in la caawiyo dowladdii ku meel gaarka ah ee Suudaan kadib kacdoonkii Diseembar 2018” ayuu sii raaciyay Cali Sadeq oo warqad u diray Qaramada Midoobay. Af-hayeenka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric oo mar wax laga weydiiyay go’aanka Suudaan ayaa sheegay in farriintaasi ay soo gaartay oo loo qeybiyay Golaha Amaanka. PUNTLAND POST The post Suudaan oo dalbatay in la xiro Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee dalkeeda appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada booliska ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si buuxda amnigii iyo kalsoonidii shicibka xaafadaha magaallada u soo celiyay kadib markii ay ciidamo boolis ah oo tiro badan habaynkii ay xaafadaha magaalasa ay kor meetaan gaar ahaan meelaha laga cabanaayo. Waxa jirta dhalinyaro habaynkii xaafadaha dhexdooda amni daro ka sameeya oo dumarka mobilada ka qaada iyada oo ay jiraan qaar baabuur wata oo duleedka uga baxa magaalada kuwaasi oo ay boolisku hubiyaan amnigoida iyo u jeedadoida. Hadaba xiliyada ay boolisku hawlahaasi ku guda jiraan waxa soo gaadha khasaare waxa jirta in 4 cisho ka hor askar boolis ah oo hawlo shaqo ku jiraa uu xabad uu riday ay ku dhacday askarigii la socday isla goobtaasina uu ku dhintay shilkaasi oo ka dhacay dhanka waqooyi bari ee caasimadda. Shil kaas la mid ah ayaa isna xalay ka dhacay xaafada Maxamed Mooge kadib markii askar amniga sugaysay oo kala kaxaynaysay ciyaal xaafada rabshaayay uu askari xabad uu riday ay ku dhacday askari kale oo hawlgalka kula jiray halkaasi oo uu askarigii uu markiiba ku geeriyooday. Todobaadkani gudihii waa askarigii labaad ee shilkaasi ku dhinta. Waxbana kama jiraan dacaayada ay cadawgu baahinayaan ee ah in hab qabiilaysan booliska dhintay loo dilay Tani waa arin si shil ah u dhacday kadib markii aanu samaynay dabo gal. Waxana haboon in shicibku ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada Booliska ee hadh iyo habayn u taagan sugida amnigooda Qaran News
-
Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan marinka QASA, iyadoo halis dhimasho ay ku jiraan kumanaan falastiiniyiin ah oo ku xayiran cisbitaalka al-Shifa oo la tilmaamay in ay la so derseen biyo la’aan, cunto la’aan iyo koronto ka’aan. Af hayeenka wasaaradda caafimaadka marinka QASA Ashraf al-Qudra ayaa yiri “kumanaan isugu jira haween, caruur iyo bukaanno dhaawac ah ayaa halis ugu jira dhimasho” iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ku hayaan al-Shifa ay socdaan habeenkii saddexaad. Cisbitaalka Indonesia ee ku yaalla waqooyiga Gaza ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu ka maqan yahay adeegga korontada,waxaana dhakhaatiirtu ay la daalaadhacayaan daweynta bukaanada aan awoodin inay daryeel ka helaan al-Shifa. Ugu yaraan 11470 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israail ee QASA tan iyo Oktoobar 7, halka Israa’iil tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka ay marayso in ka badan 1200. PUNTLAND POST The post Kumanaan rayid ah oo qarka u saaran in ay ku dhintaan weerarada Israa’iil ee QASA appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Shidaalkii ugu horreeyay ee Gaza ku socda tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa kasoo tallaabay xudduudda Masar. Shidaalkan ayaa la sheegay inuu ku socday hay’adaha Qaramada Midoobay, laakiin wax badan oo culeys ah kama dulqaadi doono caqabadaha shidaal la’aanta ah ee heysta dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee Gaza. Illo bini’aadantinimo ayaa sheegay in Israa’iil ay oggolaatay keenista shidaalkan, kadib markii ay oggolaatay 24,000 litir (6,340 gallon) oo shidaal ah oo loogu tala-galay baabuurta qaybinta gargaarka Qaramada Midoobay, iyada oo aan loo isticmaaleyn isbitaallada. “Shidaalkan waa 9% oo kaliya shidaalka aan u baahanahay maalin kasta si aan u sii wadno hawlaha nafta lagu badbaadinayo,” ayuu yiri Tom White, oo ah agaasimaha Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga ku yiri bartiisa X. Guddoomiyaha guud ee hay’da caawinta qaxootiga Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa yiri: “Hawl-galkeenna oo dhan hadda wuxuu qarka u saaran yahay inuu istaago.” “Waa wax laga naxo in shidaalka loo sii isticmaalo hub dagaal.” Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in shidaal la’aanta matoorrada isbitaallada, bixinta biyaha, qeybinta gargaarka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qaybinta saadka gargaarka ay gacan ka geysatay xaaladaha sii xumaanaya ee 2.3 milyan ee deggan Gaza. Gargaarka ayaa Masar uga soo gudbayay Gaza ilaa 21-kii Octobar, balse Israa’iil ayaa diiday in shidaal lasoo gudbiyo, iyada oo sheegtay in Xamaas ay u adeegsan karto in lagu huriyo dagaalka ka dhanka ah Israa’iil. The post Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA iyo Israel oo ogolaatay… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Kuxigeenka iyo Wefti Culus oo uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Boorama Boorame(Qaran news)-Wefti uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan wasiirrada waxbarashada iyo Sayniska, Ganacsiga iyo Dalxiiska,wasiir ku xigeenka warfaafinta,Guddoomiye ku xigeenka Komiishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa,Agaasimeyaal guud oo ka kala tirsan wasaaraddaha kala duwan ee xukuumadda ayaa maanta gaadhey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhagax dhigay markii uu gaadhey magaalada Boorama Dhabaha diyaaraduhu ay ka haadaan ee garoonka diyaaradaha magaalada Boorama. Waxa ugu horayn munaasibadii lagu dhagax dhigaayey dhabbada ay diyaaradduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha magaalada Boorama ka hadlay Maayirka degmada Boorama Maxamed Axmed Warsame (Baradho) iyo badhasaabka gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid),waxaanay sheegeen in shaqadii Madaarka Boorama ay bilaabantay,waqtigana la dhisaayo Dhabadii diyaaradduhu ka haadayeen. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan,waxaanu sheegay in 2 Km oo Dhabbo ah oo diyaaraduhu ka haadaan sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono. Maareeyaha ayaa sheegay in ay bannayn doonaan 800 km oo garoonka dhulkiisa ah,kaas oo laga durkinaayo dadka degan,waxaanu ballan qaaday in bisha 6aad ay duulimaadyadu ka bilaabmi doonaan. Dhankoodana waxa halkaas ka hadlay wasiirrada wasaaraddaha Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr Axmed Aadan Buuxane iyo Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin),waxaanay kula dardaarmeen bulshada beeralayda ah ee deegaan agagaarka madaarka magaalada Boorama in ay maamulka gobolka Awdal la shaqeeyaan iyo in ay ka qayb qaataan hor-u-marka gobolka,isla markaana ay iska daayaan wararka ku tiri ku teenka ah,iyaga oo xusay in xukuumadda Somaliland ay maalgelinayso dhismaha madaarka magaalada Boorama. Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),waxaanu ka sheekeeyay maraaxilkii uu soo maray dhismaha madaarka magaalada Boorama,isaga oo qurba joogta gobolka Awdalna usoo jeediyay in ay xukuumadda kala shaqeeyaan horumarka gobolka Awdal oo ay ugu horayso dhismaha madaarka magaalada Boorama. Weftigan uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa uga sii gudbay magaalada Boorama deegaanka Qol-u-jeed oo ka tirsan deegaamada gobolka Awdal,waxaana afaafka hore ee Qol-u-jeed ku soo dhaweeyay weftiga madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland bulshada deegaankaas qaybaheeda kala duwan oo caleemo qoyan iyo calanka Somaliland ruxaayey. Qaran News
-
Hormuud Telecom's CEO wins top honour at Africa Tech Awards
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cape Town (HOL) - In a significant recognition of leadership and innovation in African technology, Ahmed Mohamud Yusuf, widely known as Ahmed Saudi, Chairman of Somalia's Hormuud Telecommunications Company, was honoured with the CXO of the Year award at the Africa Tech Festival Awards 2023. The prestigious ceremony, held at the Bay Hotel in Camps Bay, Cape Town, celebrated the most innovative and impactful contributors to African technology. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa(Qaran):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobollada Dalka. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed waxa kulankan ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil. Waxa kulankaas laga wada hadleen Wasiirka iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalku dardargelinta shaqada muhiim ka ah ee ay Guddoomiyeyaashu Qaranka u hayaan, adkaynta nabadgelyada guud ee Dalka, wada shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyeyaasha iyo hor-u-marinta dhinaca waxqabadka Xukuumadda. Qaran News
-
Wasaaradda Caafimaadka oo Dib u Habeyn ku Samaysay Rugta Caafimaadka Fadhigaab Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa dib u habayn iyo ballaadhin ku sameysay xarunta hooyada iyo dhallaanka degaanka Fadhi-gaab ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag. Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista iyo qalabaynta iyo casriyaynta adeeg bixinta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Fadhi-gaab waxa ka soo qayb galay isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag, maamulka degaanka Fadhigaab iyo degmada Gar-adag iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Care iyo marti shafar kale, kaas oo ay balaadhintiisa iska kaashanayaan wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Care. Qaybaha kala duwan ee bulsha weynta magaalada Fadhi-gaab, ayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Care uga mahadnaqay balaadhinta iyo casriyaynta lagu sameyay adeeg bixinta caafimaad ee xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degaankaasi. Gaba-gabadii masuuliyiinta caafimaadka degmada Gar-adag iyo isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sanaag, ayaa ku dheeraday muhiimada ay balaadhinta iyo casriyaynta lagu sameyay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degaanka Fadhi-gaab ay u leedahay bulshada, waxaaney xuseen inay kaga baaqsan doonaan safaradii ay ugeli jireen helitaanka adeeg bixin caafimaad oo dhammeystiran, waxaaney intaas raaciyeen in qorshaha wasaaraddu uu yahay balaadhinta adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka JSL. Qaran News
-
Tababar 3 Bilood Socday oo loo soo Gabogabeeyay Hawlwadeenno Caafimaad Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adaha: WHO, Afenet iyo Public Health of Sweden, ayaa soo gabagabaysay tababar socday muddo saddex bilood ah oo lagu tababarayay shaqaale caafimaad oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka. Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii si deg dega looga jawaabilahaa Xaaladaha Degdegga ah iyo Xanuunnada Kediska ku Dillaaca. Sidoo kale shaqaalihii tababarkan qaadanayay mudada saddexda bilooda ayaa wasaaradda iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay uga mahadnaqay, iyaga oo ballan’qaaday, in aqoontii ay korodhsadeen ay ugu adeegi doonaan, dibna ugu celin doonaan bulshada Somaliland. Gaba-gabadii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane, Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa siwada jira u bogaadiyay, una hambalyeey shaqalaha caafimaadka ee qaatay tababarkan muhiimka ah, waxa aanay xuseen in muddadii saddexda bilood ahayd ee uu socday tababarkani ay shaqaalahani korodhsadeen aqoon wax badan ka beddeli doonta, Kaydinta iyo U-kuur’gelidda Xogaha Caafimaad iyo sidii halhaleel looga jawaaabi lahaa kolka ay dhacaan ama ina la soo-dersaan Xaalado Caafimaad oo degdegga ahi. Qaran News
-
Following Somalia's worst floods in a century, gushing waters have swept through a cemetery in the central city of Galkayo, leaving bodies floating through the streets. Source: Hiiraan Online
