-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee Axadda maanta ah gaadhay Israa’iil, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza. Israa’iil ayaa dhankeeda sii deysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saaka aroortii hore gaadhay Daanta Galbeed. Sii deynta tobanaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalmood ah oo ay gaadheen Israa’iil iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israa’iil ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday cisbitaallada si loogu sameeyo baadhitaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda. Dhanka Ramallah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, boqollaal qof ayaa soo dhaweeyay bas weyn oo uu leeyahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israa’iil xalay. Wakaaladda wararka Reueters ayaa iyaduna sheegtay in 33 ka mid ah 39-ka lasoo daayay ay carruur yihiin. Maanta oo Axad ah iyo berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro sii deynta dadka ay kala heystaan labada dhinac. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ku eg salaasada. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Markab Israa’iil laga leeyahay oo Jimcihii lagu weeraray Badweynta India. Markabka CMA CGM Symi ayaa khasaare soo gaadhay kadib markii lagu weeraray diyaarad nooca Drone-ka ah xilli uu marayey biyaha caalamiga ah. Weerarkan ayaa loo adeegsaday Drone-ka noociisa yahay Shahed-136 oo ku qarxay Markabka. Wax dhaawac ah masoo gaadhin shaqaalaha Markabka saarnaa marka laga reebo burbur ka dhashay qarax oo Markabka soo gaadhay. Weli ma jirto cid sheegatay weerarkan, balse waxaa la tuhunsan yahay kooxda Xuutiyiinta Yemen ama dowlada Iran. Markabkan oo kasoo baxay dekada Jebel Ali ayaan hadda la ogeyn meesha uu ku sugan yahay kadib markii la damiyey aalada lagala socdo goobta Markabka uu marayo. Shirkadda Markabkan leh ayaa lagu magacaabaa Eastern Pacific Shipping oo uu leeyahay Maalqabeenka reer Israa’iil, Idan Ofer. Xuutiyiinta ayaa hore u qafaashay Markab uu leeyahay maalqabeen u dhashay Israa’iil, Waxa ayna hore weeraro diyaarado Drone & gantaalo ku qaadeen Israa’iil. Source
-
Maamulka Degmada Barcelona ee dalka Spain ayaa Jimcihii shaaciyey inay xidhiidhka u jareen Israa’iil. Golaha deegaanka Barcelona ayaa codkooda ku taageeray mooshinkaasi uu keenay xisbiga Comú party. Waxaa kamid ah mooshinkan in shirkadaha ka hawlgala magaalada ayna noqon kuwa ka qeyb qaata baro-kicinta iyo burburinta dhulka Falastiin. Guddoomiyihii hore ee Barcelone haweenayda Ada Colau oo xisbigeeda mooshinkan keenay, ayaa ah mid u ololeysa xaquuqul Insaanka. Ada Colau ayaa xiligii ay ahayd Guddoomiyaha Barcelona burburisay heshiiskii Mataaneynta magaalooyinka Barcelona iyo Tel Aviv. Ada ayaa ku tilmaamtay dagaalka Gaza, xasuuq Israa’iil ku wado shacabka Falastiin, isla markaana Israa’iil xidhiidhka loo jari doono inta ay ka ogolaaneyso Xabad-joojin rasmi ah iyo Xaquuqda Falastiin. "Barcelona suspends all relations with the Government of Israel. Human rights are defended by taking sides, not by turning a blind eye." Ada Colau's speech at Barcelona City Council. pic.twitter.com/UxOYlMHtCG — Barcelona En Comú (@bcnencomu) November 24, 2023 Source
-
Xukuumadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay walaac kaga muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). “Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diidan tahay in Soomaaliya ay ururkaas ku metesho Somaliland. “Soomaaliya xaq uma laha inay Somaliland ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland,” ayey tidhi wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. Waxay intaas ku dartay “Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah. Somaliland waligeed kama ay mid noqon Soomaaliya ilaa 1991-kii.” “Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.” Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, iyo Tanzania. Source
-
13 Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee saaka oo Axad ah gaaray Isra’iil, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza. Israa’iill ayaa dhankeeda sii daysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saakay aroortii hore gaaray Daanta Galbeed. Sii deynta tobnaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalin ah oo ay gaareen Israa’iill iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israa’iil ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday isbitaallada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda. PUNTLAND POST The post Israa’iil iyo Xamaas oo is weydaarsaday maxaabiis appeared first on Puntland Post.
-
Defending Somaliland’s Sovereignty: Refuting Somalia’s Unilateral Integration into the East African Community (EAC) Tweet The Government of the Republic of Somaliland expresses its deep concern regarding the recent accession of Somalia to the East African Community (EAC) block. We firmly believe that this decision is a clear violation of Somaliland’s sovereignty and territorial integrity. Somaliland, formerly the British Somaliland Protectorate, gained independence from the United Kingdom on June 26, 1960, predating Somalia’s independence by five days. On July 1, 1960, Somaliland voluntarily merged with Somalia, forming the Somali Republic. However, this union was marred by decades of brutal oppression and marginalization of the Somaliland people under the Somali Republic’s dictatorial regime of Mohamed Siad Barre. In 1991, as the Somali central government collapsed, the people of Somaliland reclaimed their sovereignty and independence. On May 18, 1991, Somaliland declared its independence, a decision endorsed by all clan elders in a unanimous declaration. Since 1991, Somaliland has functioned as an independent and sovereign state, with its own democratically elected government, distinct currency, and effective control over its territory. We have established a stable and peaceful society, fostering economic development and social progress. Somalia’s claim to Somaliland’s territory is unfounded and contradicts the historical and legal realities. Somaliland has never been part of Somalia since 1991, and Somalia has no right to represent Somaliland in any international or regional forum. We urge the African Union (AU), the United Nations (UN), and EAC member states to recognize Somaliland’s distinct identity and sovereignty. Somalia’s accession to the EAC without Somaliland’s consent is a grave injustice and undermines the principles of international law. The Republic of Somaliland is committed to peaceful and constructive engagement with the international community. We seek a just and equitable solution that recognizes our right to self-determination and our aspiration for international recognition. We sincerely hope that the AU, UN, and EAC member states uphold the aspirations of our people and their inherent right to self-determination. Qaran News
-
Every hour, five women and girls are killed by someone in their own family. One in three women experience violence in their lifetime, and in parts of the Arab world the situation is even more devastating as nearly two-thirds of women suffer violence in their lives. Their stories are often buried by norms, stigma and shame. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, SOMALIA — The number of people killed by floods from heavy rains in Somalia has risen to nearly 100, state news agency SONNA said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
XASAN WELI: MARKISKA XIFTIGA QUR’AANKA IYO BARASHADA DIINTA. WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay ee aan arko mashruuc samo-fal ah, oo Qur’aanka iyo diinta lagu barayo arday gaadhaysa 610. Salma group, iyada oo aan cid shisheeye ugu baryo tegin, waalidka carruurtana wax lacag ah weydiin, ayay suurto-gelisay adeeggan waxbarasho ee heerkiisu sarreeyo. Waxaanay shirkaddu sannadkii ku bixisaa miisaaniyad dhan; 19,500,000 bir.Waxaanay shirkaddu qorshaha maal-gelinta machadka wadday muddo toban sanno ah, iyada oo dhammaanba kharashka mashruucan lagu wado dusha u ridatay. Haddaba arrinta ugubka ah ee bogaadinta u baahani waa; In ganacsatada Soomaaliyeed oo aan looga baran, in ay maal-geliyaan barashada Qur’aanka iyo diinta, arrintani tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan u tahay. Waxaanu gurmadka mashruucani yimid xilli baahi weyn loo qabo; xarumo Qur’aanka iyo diinta lagu barto oo lacag la’aan ah. Sida aan ka wada dheragsannahay, guud ahaan deegaannada Soomaalida barashada Qur’aanka iyo diintu waxa ay innagaga xidhan yihiin LACAG. Taasina waxa ay caqabad ku noqotay; dad badan oo jecel in ay carruurtooda diinta baraan, hasa yeeshee duruufaha dhaqaale aanay u saamaxayn. Sidaas darteed, waxa aan qof ahaan u arkay fekerka Markiskan bilaashka ah lagu aasaasay, oo baahi bulsho ka jawaabaya, kuna dhashay X. Axmed Xasan Ismaaciil (aasasaha iyo mulkiilaha shirkada Salma) mid bogaadin istaahila. XASAN WELI: Markiska Xiftiga Qur’aanka iyo Barashada Diinta, waxa la aasaasay sannaddii 2017. Xaruntiisu waxa ay ku taal Jigjiga, waxaanu deegaanka ku leeyahay toddoba laamood oo xarunta hoos yimaadda. Ardayda Markiska wax ka barataa waxay iskugu jiraan laba qaybood oo kala ah: 1) Arday waxbarasho uun Markiska u yimaadda oo guryahooda seexda. 2) Arday waxbarashada iyo jiifkaba Markisku u diyaariyay Si guud na wuxuu markisku ardayda u diyaariyaa dhammaan agabka waxbarashada ee ay u baahan yihiin. Macallimiinta markiska ka hawl-galashaana waa labaatan iyo kaw. Waana macallimiinta ugu wanaagsan ee deegaanka joogta, dhinacyada, aqoonta, khibradda, akhlaaqda iyo kartida. Geesta kale, shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan DDS waa kuwa ugu baahida badan barashada Qur’aanka iyo diinta, sababtuna waa in la nool yihiin dad aanay isku diin ahayn. Sidaas ayay lamahuraan u tahay in ay noqdaan; dad diintooda si wanaagsan u yaqaannaa. Haddaba xarumaha diinta lagu barto ee deegaanka oo tayadooda la saluugsan yahay iyo jahliga dadka kaga sugan yihiin diinta ayaa X. Axmed Xasan Ismaaciil ku dhalisay fekerka aasaaska markiskan, waxaanu ku ku baraarugay; in dadka diintooda la baraa ay tahay xil iyo dareen ummadeed, oo aanay jirin cid kale oo lugu halleeyo. Waxaanu qorshaha hindisuhu ahaa bilawgii ahaa; in cidda ugu mudan ee markisku waxbarashadooda xilka dheeriga ah iska saarayaa noqoto; AGOONTA IYO DANYARTA. MAXAY TAHAY SABABTA MARKISKA XASAN WELI U NOQDAY KA LUUGU JECEL YAHAY? Haddii aad dadka weydiiso xarumaha Qur’aanka iyo diinta lagu barto ee deegaanka (DDS) Markiska Xasan Weli, waa barta ugu wanaagsan ee farta lagu fiiqayo. Haddaba markii aan isweydiiyay muxuu kaga duwan yahay goobaha kale ee diinta lagu barto, waxa ii soo baxay afartan qodob ee kala ah: MANHAJKA WAXBARASHO EE MARKISKA. Manhaja waxbarasho ee markisku waa mid ka soo dhex baxay daraasaad door ah oo hoggaanka markisku ku sameeyeen manaahij dhawra ah, Waxaanay lafo-gur iyo cilmi-baadhis badan kaddib qaateen manhaj ku sar-go’an falsafad waxbarasho oo Islaami ah “Islamic Education Philosophy” taasi oo ku taagan in ay soo saarto arday dhisan akhlaaq ahaan, aqoon ahaan iyo feker ahaan ba. Waxaana fadliga Rabbi ah in iyada oo waalidka ardayda, macallimiinta iyo maamulka markisku is-kaashanayaan ay wada jir u xaqiijiyeen in midho fiican bartaas ka soo baxaan. WAKHTIGA WAXBARASHO EE MARKISKA. Wakhtiga waxbarashadu waa guud ahaan waa sideed sanno, afar sanno waxa ardayga lagu xiftisiinayaa Qur’aanka, afarta kale na waxa lagu barayaa; Luuqadaha, Sayniska, Xisaabta, Iyo IT-ga. Geesta kale, waxa ardaygu markiska joogayaa sagaal saacadood, usbuuciina wuxuu dhiganayaa shan maalmood, taasi oo usbuucii noqonaysa 49 saacadood. HANNAANKA MAAMUL EE MARKISKA. Nidaamka maamul ee mashruucan waxbarasho waa mid aqooni hagayso oo ay hoggaamin wanaagsani gun-dhig u tahay, taasina waxa ay sababtay dhismaha iyo samaynta hab-raacyo lagu hagayo maamulka siyaasadda waxbarasho ee markiska. SUMCAD WANAAGGA ARDAYDII KA-AFLAXDAY MARKISKA. Waxa markiska ka qalin-jebiyay 54 arday oo aqoon diini iyo maaddi ba ka dhisan, kuwoodii jeclaa in ay tacliinta heersare ka gaadhaanna, wuxuu markisku u fududeeyay sidii ay waxbarashada uga sii wadan lahaayeen; jaamacada ugu wanaagsan. Sida oo kale, waxa ardayda markiskan ka aflaxday lagu majeertaa; in ay akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan ku hubaysan yihiin, oo adkaysi iyo hawl-karnimo lagu soo tababaray. Intaasna ay u dheer tahay daacadnimo, Alle ka cabsi, ammaanoxifti iyo dhawrsoonaan. Waxaana isla markiiba la kala yaacay shirkadaha dalka ugu waaweyn oo shaqaalaysiiyay, una dhiibay ama hormuud uga dhigay shaqooyin waaweyn. BOGAADIN IYO DHIIRI-GELIN. Gunaanadkii waxa aan shirkadda Salma Group ku bogaadinayaa mashruucan aaya-reebka ah ee ay hor Alle u hir-geliyeen, kaasi oo dad badan ka faa’iidaysteen mustaqbalkana aan filayo in uu badhaadhe iyo sareedo u horseedi doono shacabka ku dhaqan guud ahaan deegaanka. In ummad wax la baro oo jahliga laga xoreeyo, laga na shaqeeyo bilawga geeddigii bulsho akhlaaqdeed lagu dhisi lahaa iyo sidii loo soo saari lahaa; jiil aqoon, akhlaaq iyo diin ku hubaysani wax sahlan maaha. Waana dareen lexo-jeclo iyo waddaniyadi sees u tahay, taasi oo farta ku fiiqaysay in aan Salma Group shacabka deegaanka ula sinnayn ganacsiyada kale ee u jira in ay ka shaqaystaan oo keliya, wax aan ku soo celin. Qalinkii: Cabdinaasir Axmed Abraham gobtaguusha@gmail.com Qaran News
-
Warbaahinta Caalamiga ah oo Wax ka Qortay Horumarka Dekedda Berbera Hargeysa(Qaran news)-Warbaahinta caalamiga ah ee Morning Express ayaa daabacday warbixint majeeratay horumarka iyo casriyaynta lagu sameeyay marsada Berbera oo ay sheegtay in cagta saartay jidkii ay ku noqon lahayd marinka ugu weyn ee bariga Afrika. Waxa warbixinta lagu sheegay mashquulka adeega dekedda iyo horumarka ay ku samaysay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta. Warbixintu ay waxay sheegtay in Somaliland oo aan soddon sannadood aan wax aqoonsi ah ka haysan beesha caalamku ay haddana awoodeen in casriyeeyaan dekedda Berbera oo u dhow inay noqoto marin ganacsiyeedka bariga Afrika. Somaliland ayaa qorshaysay inay dekedda Berbera ay noqoto mid la tartanta dekedaha Bariga Afrika, maadaama oo ay ku taallo bogcad halbowle ah oo ganacsiga caalamku maro. Qaran News
-
Dullucda Qoddobada Horyaalla Kalfadhiga 10aad ee Golaha Deeganka Burco Hargeysa(Qaran news)Kalfadhigii 10-aad ee golaha Deegaanka degmada Burco, ayaa maanta ka furmay xarunta Dawladda Hoose ee Burco. Duqa dowladda hoose ee degmada Burco, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi, ayaa furay Kalfadhigan oo ay ka soowada xadireen inta badan xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Burco. Ajandaha Kalfadhiga 10-aad ee goluhu uu ku shaqayn doono ayaa loo qaybiyay xildhibaanada. Kalfadhiga ayaa ka kooban shan qodob oo kala ah, Xoojinta doorka Dowladda hoose ee xaaladaha amni ee gobolka iyo qaranka, isla xisaabtanka golaha iyo fulinta iyo isbarbadhigga qorshaha iyo miisaaniyadda 2023, wareejinta maaraynta qashinka, samaynta habraaca wareejinta maaraynta qashinka iyo isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha deegaanka. Gaba-gabadii golaha degaanka ee degmada Burco ayaa cod gacan taaga ku ansixiyay ajandaha Kalfadhiga 10-aad. Qaran News
-
Hordhac: Mu’sasada Hormuud Salaam, waxaa ay u soo ifbaxday ifafaale rajo iyo is-beddel ku yimid Soomaaliya, taas oo tusaale u ah saamaynta qoto-dheer ee hay’adaha ay ku leedahay samaha bulshada. Iyadoo la raacayo qaab-aragtiyeed oo ku aaddan mas’uuliyadda bulshada, HSF waxay samaysay horumarro la taaban karo oo xagga daryeelka caafimaadka, waxbarashada, tignoolajiyada, iyo guud ahaan horumarinta bulshada. Maqaalkani waxa uu si qotodheer uga hadlayaa socdaalkii mu’asasadda, gaar ahaan dedaalkii gundhigga u ahaa ee uu ku soo kordhiyey daryeelka caafimaadka, iyo wada-shaqeyntii ay la lahayd Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan sidii daryeel caafimaad oo gaar ah loogu keeni lahaa carruurta Muqdisho. Aragtida Taariikheed: Asalka dadaallada samafalka ee HSF waxaa laga dheehan karaa sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada arrimaha caafimaadka halista ah, gaar ahaan kuwa saameeya carruurta. Waagii hore, HSF ayaa door laxaad leh ka qaatay u dirida carruurta dhibaatooyinka wadnaha qaba dibadda si loogu daweeyo, fahamka degdega ah iyo darnaanta kiisaska noocaas ah. Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka HSF, oo mar walba la jaanqaadaya baahiyaha bulshada ee isa soo taraya, ayaa garwaaqsaday caqabadaha hab-socodkan, waxayna bilaabeen socdaal ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xal waara oo gudaha ah. Iyada oo kaashanaysa Marwo Edna Macallin Cabdiraxmaan oo ah shakhsiyad caan ku ah u doodista arrimaha bulshada, HSF waxa ay qaaday tallaabo dhaxal-gal ah oo ay ku keentay dhakhaatiir heer koodu sareeyo Muqdisho. Tallaabadan istiraatijiyadeed kaliya ma baabi’in baahida safarka dibedda laakiin waxay sidoo kale isbeddelka qaab-dhismeedka ku yimid sida daryeelka caafimaadka loo gaarsiiyo bulshada. Sarreynta Daryeelka Caafimaadka: Saaka, Muqdisho waxaa ay goobjoog u noqotay waqti taariikhi ah iyadoo HSF ay ku soo dhaweysay dhakhtar Talyaani ah oo caan ah oo khibrad u leh xaaladaha wadnaha ee carruurta. Dhaqtarkan caanka ah ayaa loo dejiyay inuu u sameeyo 70 caruur ah baaritaanno dhameystiran, isagoo dejinaya marxaladda daweyn heersare ah oo hadda lagu maamuli doono gudaha. Muhiimadda horumarkani maaha mid la soo koobi karo, waayo kaliya ma xaqiijinayso daryeel degdeg ah oo tayo leh oo carruurta ay dhibaatadu saameysey laakiin waxay sidoo kale ka dhigtay Muqdisho xudunta adeegyada caafimaad ee gaarka ah. Dadaalka mu’asasada ee ah in ay iska kaashadaan Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan waxa uu tusaale u yahay habka guud ee wax looga qabanayo caqabadaha daryeelka caafimaadka. Barnaamijka ay hirgeliyeen ayaa u sahlaya carruurta qaba cudurrada wadnaha in ay baaritaan dhab ah ku maraan magaalada Muqdisho lafteeda, iyagoo heleya daryeel joogto ah oo mudnaan siiya bad-qabka bukaannada da’da yar. Barnaamijka Iskaashiga ee Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan: Iskaashiga u dhexeeya HSF iyo Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan waxa uu ku salaysan yahay ka go’aan qaadashada arrimaha bulshada. Dadaalkan iskaashiga ah, ayaa laga sameeyay barnaamij dhamaystiran si loo fududeeyo baaritaanka iyo daaweynta carruurta qaba cudurrada wadnaha. Ka faa’iidaysiga khibradda dhakhaatiirta talyaaniga iyo ka faa’iidaysiga xirfadaha gudaha, hindisahan kaliya ma keenayo daryeel caafimaad oo heer caalami ah laakiin sidoo kale wuxuu kobciyaa dareenka iskaashiga bulshada. Barnaamijka waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo qoysaska iyo bulshada, iyadoo xoogga la saarayo muhiimada ay leedahay ogaanshaha hore iyo ka-hortagga xaaladaha wadnaha ee carruurta. Iyagoo samaynaya baaritaano dhamaystiran oo gudaha ah, HSF iyo Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan maaha oo kaliya inay bixiyaan taageero caafimaad oo degdeg ah laakiin sidoo kale waxay aasaas u yihiin xeelado(Strategies) daryeel caafimaad oo mustaqbalka fog ah oo ku habboon baahiyaha bulshada. Wax Qabadka Kala Duwan ee Qaybaha Bulshada: Marka laga soo tago hindiseheeda daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah, HSF waxa ay u taagan tahay abuurida barnaamijyo dhinacyo badan leh oo wax ku biirinaya waxbarashada, tignoolajiyada, iyo guud ahaan adeegga bulshada. Hay’adu waxaa ay aqoonsan tahay in horumarka dhabta ah ee bulshada u baahan tahay habayn dhammaystiran oo isku xidhan. Dhanka waxbarashada, HSF waxay si firfircoon u maalgelisaa hindisayaasha kor u qaadaya helitaanka waxbarasho tayo leh iyo horumarinta xirfadda. Abuuritaanka fursado waxbarasho iyo korriinka heerka waxbarasho ee bulshada, Hay’adu waxay awood u siinayaa shakhsiyaadka inay hal-abuur wax tar hel soo kordhiyaan oo ay si macno leh ugu adeegaan bulshadooda. Intaa waxaa dheer, HSF waxay lajanqaadaay awoodda isbeddelka ee tignoolajiyada. Dunida sida degdeg ah u horumaraysa, waxey si istiraatijiyadeed ula jaan qaaday casriga dhijitaalka ah, iyagoo aqoonsanaya doorka tignoolajiyada ay ka ciyaarto qaabaynta mustaqbalka. HSF waxa ay dhiirigelisaa in bulshadu hesho agabka tignoolajiyada iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah si ay uga mid noqdaan kobaca tignoolajiyada ee dunida. Laga soo bilaabo bixinta adeegyada muhiimka ah ilaa taageeridda hindisayaasha hormarinta bulshada, HSF waxay si firfircoon uga hawlgashaa baahiyaha kala duwan ee dadweynaha ay u adeegto. Gabagabo: Hormuud Salaam Foundation waxay marag u tahay saamaynta togan ee ururadu ku yeelan karaan bulshada marka uu hagayo dareen qoto dheer oo ku saleeysan masuuliyadda bulshada. Hindisaha cusub ee lagu keenayo khabiiro caafimaad oo khaas Muqdisho kaliya ma muujinayo sida ay HSF uga go’an tahay caafimaadka carruurta balse sidoo kale waxa ay muujineysaa sidii lagu heli lahaa daryeel caafimaad oo waara oo gudaha ah. Iyadoo HSF ay sii wado wax ku biirinta qaybaha kala duwan ee bulshadu ka koobantahay, waxay weli tahay tusaale ifaya sida shirkaduhu u samayn karaan saamayn waarta bulshooyinka ay u adeegaan. Laga soo bilaabo hal-abuurnimada daryeelka caafimaadka ilaa xoojinta waxbarashada iyo is-dhexgalka tignoolajiyada, HSF waxa ay Soomaaliya hormuud ugu tahay mustaqbal ifaya oo ku astaansan adeeg bulsho, taas oo ka tarjumaysa aragitada fog ee samafal iyo abuurida isbeddel muuqda. Source: goobjoog.com
-
Golaha Guurtidda oo ka Dooday Siyaasadda Arrimaha Dibadda Hargeysa(Qaran news)-Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasada arrimaha dibedda dalka. Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir-gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in hawlaha shaqo ee golaha, laba loo kala qaadayo, isla markaana maalmaha Sabtida iyo Axada goluhu siwada jira ugudanayo hawlihiisa shaqo, balse maalmaha Isniinta iyo Salaada ay shaqaynayaan kaliya guddida goluhu u saaray naaqishada xeerarka doorashooyinka ee golaha horyaal. Guddoomiye Siciid ayaa mudanayaasha ka codsaday inay isu diwaangeliyaan dooda siyaasada arrimaha dibedda iyo shaqada ay qabtaan wakiillada caalamka u jooga dalka, doodaasi ayaa waxay u dhacday sida tan. Xildhibaanadii kala duwana ee ka qayb qaadanayay dooda siyaasada arrimaha dibedda ee dalka, ayaa ku boggaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ka samaysay Siyaasada arimaha dibada, waxaaney intaas ku dareen in baarlamaanka Ingiriisku ku hawlan yahay dooda sidii Somaliland Citiraaf u helilahayd. Qaran News
-
Ajandaha fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka oo Axadda ah ayaa gebi ahaanba laga saaray xeerka doorqshooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay. ” Ajandaha Fadhiga waa laga tuuray qodobka muranka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, laguma soo qaadi doono gebi ahaanba” sidaas waxa noo caddeeyay ilo wareedyo dhawrsan. Wararka ayaa sheegaya in qodobkaas ajandaha looga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha. Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddi ka kooban 10 xubnood oo ay iska soo saareen haween muddaharaad ka dhigayay afaafka hore ee xarunta golaha, kuwaas oo xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda u hiilliyaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah. Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan. PUNTLAND POST The post Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo laga saaray ajandaha Baarlamanka Puntland ee saaka oo Axad ah appeared first on Puntland Post.
