Ahmed Sacid

Nomads
  • Content Count

    19
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Ahmed Sacid

  1. @Che -Guevara said: Pland has the misfortune of being neighbor with people who are either crazy or simply irresponsible and erratic. I wonder when will puntland get back laascaanood or galgala?
  2. Talaado, Oktoobar 11, 2016 (HOL) — War-saxaafadeed Madaxtooyada Puntland laga soo saaray maanta, ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah oo iskaashanaya ay weerarro is-daba-joog ah kuqaadeen Magaalada Gaalkacyo maalmihii ugu dambeeyay. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dagaallada Gaalkacyo uu billowdeen kaddib markii Madaxweynaha Galmudug uu sheegay inuu Gaalkacyo ka taliyo hal maamul, iyadoo intaas lagu daray in Waqooyiga Gaalkacyo ay ciidamada Galmudug iyo ku Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garaaceen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay waxyeello kasoo gaartay shacab, ayna ku burbureen dhismayaal
  3. @Alpha Blondy said: he may be among his people but the substandard healthcare in Xamar does not stand him in good stead. Sad but true
  4. He is true wadani that hates clannism and that wants to see a powerful unified Somali State to raise up from the ashes. A just state that is beyond the rotten vile discriminatory much hated 4.5 system.
  5. September 30 (Jowhar)— Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay September 25, waxa uu ku sheegay in dalkiisu heshiis la galay dalalka Soomaaliya iyo Masar, kadib wadahadal ay la sameeyeen dowladda Mareykanka si looga dhiso Magaalada Berbera ee waqooyi galbeed Soomaaliya dekad ganacsi midda ugu weyn dunida. Berbera , waxa ay dhacdaa meel u dhow gacanka Cadmeed oo ah marinka “ Baab Al Mandab” oo ah goob laga go’doomin karo dekadaha iyo Maraakiibta wadamada Djibouti , Yemen, Saudi Arabia, Masar , Saldannada Cumaan iyo Bahrain.
  6. LOL niyoow beentaas ha rumaysan Puntland took advantage of the American sillyness.
  7. @Mooge said: long overdue niyoow. Sureer Abshir Muuse is a prominent Puntlander and she is fully qualified to lead this new embassy. guul iyo gobanimo. Its unheard for regional state to appoint ambassador. Maamulka Puntland should stop playing games and come out. Say it: we leave Somalia. Its not that difficult. Maamulka somaliland did that in 1991.
  8. September 24 (Jowhar)— Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Safiir ka wakiil ah Puntland u magacaabay dalka Itoobiya, taasoo dad badan layaab ku noqotay. Warqad magacaabida oo shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Xeer Madaxweyne lagu magacaabay Sureer Abshir Muuse oo noqon doonta Safiirka dowladda Puntland u joogta Itoobiya sida lagu yiri qoraalka. Arrintan ayaa ah mid ka hor imaaneysa diblomaasiyada caalamiga ah in Maamul goboleed ka mid ah dowladda Federaalka in Safiir u magacaabo dal kale sidii dowlad oo kale. The danger of federalism exposed.
  9. @Holac said: UAE must deal with the federal government directly. Having said that, something tells me Culusoow is mad because he didn't get his cut of the deal. It is all about the Benjamins. That is very likely the missing link. Hassan Sheikh defending his pocket. I never trusted any money going to SFG to be spent on the nation. We are the most corrupted people on earth. North, South all sams.
  10. @galbeedi said: Somalia has the power to reject. I did not see the document but it is a bad deal. The UAE are getting 65% stake which is very high for any public property ( hantida maguurtada). Maximum allowed with this can of public port should be 49%. 65% should be in hands of Somalia(divided between SFG and maamulka somaliland).
  11. Madaxweyne Xasan oo si adag uga hadlay Heshiis ay wada gaareen Shirkada DPWorld iyo Somaliland Sep 21, 2016 - jawaab xasan-sh2-3-150x150Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay Heshiis ay wada gaareen Maamulka Somaliland iyo Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carab oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka Dekada Berbera. Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Heshiiska ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo Shirkada DPWorld ee dalka Imaaraadka laga leeyahay uu yahay mid sharci daro ah oo aysan raali ka aheyn Dowlada Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in Heshiiska labada dhinac wada gaareyn uusan aheyn mid sharciyad heysta maadaama aan lagala tashan Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in Shirkada Imaaraadka ay heshiis la gashay Maamul Somalia katirsan iyada oon dowlada aysan soo marin. ”Dekada Berbera waxa ay kamid tahay dhulka Soomaaliyeed waana hanti uu qaranku leeyahay, Heshiiska dhax maray maamulka Somaliland iyo Shirkada Imaaraatka waa mid sharci daro ah maadaama aan lala socodsiin dowlada Federaalka” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Maamulka Somaliland iyo Shirkada DPWorld ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku heshiiyay in Dekadad lagu wareejiyo Shikadaasi ayna ku sameyso dib u dhis iyo qalabeyn ku kacaya malaayiin dollar. Heshiiska labada dhinac wada gaareyn ayaana cadeenaya in Shirkada DPWorld ay qaadaneyso 65% Dakhliga kasoo xarooda Dekadda halka Maamulka Somaliland uu isna qaadanayo 35% lacagta Dekadda kasoo xaroota. Hassan Sheikh is right. Any deal must go first through Somali Federal Government. Maamulka Somaliland falls under SFG.
  12. @Che -Guevara said: This "European Court" is not afraid of setting precedent when it comes to Africa states. From a legal irrespective, Kenya's case is flimsy. That said what irks me is Cumar Calooley, Shariif Gaab and Abdishakur Nacas are actually contesting in the Somali "election". They have no shame at all. Is so disgusting that traitors are running for presidency It makes me sick
  13. Killing each other for qabiil and ideology put us in this situation. Dont blame Kenya, blame ourselves.
  14. Barwaaqo, i have no faith in Somali politicians. They would hurt their own mothers in exchange for cash. I can only trust Allah.
  15. https://www.youtube.com/watch?v=Ijo8ff10Gtk Maamul goboleedka Somaliland oo Cambaareysay Qodobbo ku jiray War-murtiyeedkii Shirkii IGAD (SAWIRRO) Google + thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Max'ud Siilaanyo ayaa cambaareeyey qayb ka mid ah War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD ku qabsatay Muqdisho, isla markaana xusay in Marti-qaad uu u fidinayaan Midowga Afrika inay u soo diraan Somaliland Guddi Xaqiiqo-raadis ah si ay u eegaan Rabitaanka Shacabka Somaliland iyo sharciyadda ay ku dhisan tahay ee waafaqsan Axdi-qarameedka Xuduudaha Qaaradda Afrika. Sidaas wuxuu ka sheegay shir casho sharaf ah oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyadda uu madaxweynuhu la yeeshay guddida heer qaran ee Ictiraaf raadinta Somalialnd, waxaana Ujeeddada kulan lagu sheegay in ay tahay Dardar-galinta ka midho dhalnta ictiraaf ay hesho Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay shirkii Ururka IGAD uga Furmay Muqdisho, ayaa yiri. “Sida aynu la wada soconno, waxa caasimadda dalka Somalia lagu qabtay maanta shir sannadeedkii urur-goboleedka ay ku buhoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD. Marka ugu horreysa, waanu soo dhawaynaynaa in Shirkaasi ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaanu u aragnaa Tallaabo Geesinimo leh oo hore loo Qaaday. Maamul goboleedka Somaliland, waxay soo Dhawaynaysaa Dadaallada ay ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka Midowga Africa sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Somalia, isla markaana loogu dhisi lahaa Dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran.Waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadanno, isla markaana gacan weyn ka geysanno dedaaladda nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed. Waxaanu nahay dal iyo dad bisil oo aaminsan in dhibaatada gaadha ay annagana saamayn nagu leedahay. Sidaa darteed, waxaanu jecel-nahay nabaddooda iyo horumarkooda.” Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyey qodobo ku jiray war-murtiyeedka ka soobaxay shirkii IGAD ee Muqdisho ka dhacay, waxaanu yidhi “Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Somalia. Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somalia iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho.Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay. Waxaanu u aragnaa maag iyo meel ka dhac qaawan, in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas'uul ah, madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).” Isagoo intaa ku daray. “Somaliland, waxaan Beesha Caalamka ugu baaqayaa inay garwaaq-sadaan xaqa sharci iyo ka bini'aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.” “Qarannimada iyo Madaxbanaanida Somaliland waxay dan u tahay amniga, deganaanshaha, Geeddi-socodka Dimuqraadiyada, Ganacsiga iyo horumarka Bariga Africa iyo ka caalamka intaba. Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo Waddamada Midowga Afrika intooda kaleba, Waxaana ka codsanayaa inay qadiyadda Somaliland miiska keenaan, isla markaana shirarka dambe ajandayaashooda ku daraan. Waxaan ku Marti-qaadayaa Dalalka Midowga Afrika in ay u soo diraan Somaliland guddi xaqiiqo raadis ah oo ka gun gaadha raabitaanka Shacbiga Somaliland iyo sharciyada ay ku dhisan tahay waddan ahaan, siday u waafaqsantahay Axdi Qarameedka Xuduudaha Qaaradda Afrika,” Ugu dambeyn, Shirka waxa hadallo ka soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Adna Aadan Ismaaciil, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada |SL, Siciid Jaamac Cali, Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Maamul goboleedka Somaliland - See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Sept/wararka_maanta14-107564.htm#sthash.wCrHkivS.dpuf