Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Posts posted by Barwaaqo


  1. Ciid Mubaarik dhammantiin. Galbeedi, haa waan aqaan canbaabur waxana aan ka bartay asxaab reer Jabuuti ah. Waxay ii sheegeen in ay habaar tahay cunidiisu wakhtiyada kale balse waxaan u malaynayaa in sababtu tahay in uu Ciida gaar u ahaado.


  2. SOL, marka hore ma kala dhacaan, waxaanan aaminsanahay inay yihiin maskaxdii Somalida waxay doonaan ha kala aaminsanaadeenee. Anigu sadex qof ayaan dooranayaa.

    1. Galbeedi, wuu ka sareeyaa waxeenii xilka lahaa ee qabyaalad. Wuxuu jecelyahay in somali wax noqoto. Galbeedi siyaasadda iyo taariikhda (oo uu runta ka sheego) kaliya kama hadlo xitaa xaga bulshada ayuu ka hadlaa si aynu u hagaagno.

    2 Saffers, maansha Allah, dood kasta si fiican oo cilmiyeysan u soo bandhigta.

    3 Dr Kennedy, macquul wax garad ah. Waa nin Da' yar balse rag waaweyn ka sareeya.


  3. Wadaad isku sheegyadda somalidu waxay doonayaan inay dadka mugdi ku sii haystaan. Madaxaa ka waynaada marka la daba raxleeyo ileen waa ibna aadan oo sharafta la huwiyey garan maayaan ee. May ka hadlaan dumarka maalin walba iska rogo dhaxa lagu dilayo, meeye ragii dambiga la sheegayo la galay masaakiinta sharci daradda lagu dhagxinayo. Waxaan daawaday sheekh isku sheeg been cad intuu la soo fadhiistay leh London ayaan ku booqday 700 gabdhood oo HIV qaba oo xero ku jira!

    FG sheekhyadda diinta sida fiican u fasira kuma jiraan kuwan aan sheegayo.


  4. Somalida waxa gabay aqoon yahankoodi, waxay ahayd in ay dadkooda wacyi galiyaan oo wadaadadda cilmi gaabka ah la doodaan. Bal waa taase aan aragno qof ka hadlaya ama dadka Ka wacyi galinaya ka hortaga wiilasha yaryar ee maalin walba dagaalka carabta ku dhimanaya iyo gabdhaha ay guurka khayaaliga ah ugu guurinayaan dagaalyahanadooda. Waxaan maqli jiray si walba maw jabay.