Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Posts posted by Barwaaqo


  1. Oodweyne

     

    Saalax wuxuu i soo xasuusiyaa, sheekadii labada dumara ee willka yar isku qabsaday. Markii xaakimkii kala saari kari-waayey labada dumara ta wiilka yar dhashay ayuu xukumay in inanka yar laba loo kala jaro oo midba qayb la siiyo. Hooyadii dhabta ahayd waxay tidhi "yaan la kala jarine, iyadda hala siiyo" , halka tii kale ku qanacday xukunka xaakimka. Sidaas ayaa lagu ogaaday hooyadii dhabta ahayd oo la arkay in iyadda lexejeclo haysay ooy doonaysay in wiilkeedu noolaado.

     

    Hadda waynu naqaan qolyaha reer Somaliland ee aaminsan Xamar dhaqankooda iyo siday u fekaraan, ninkani haduu yahay cidda uu sheeganayo , waxyaabaha qaar muu sameeyeeen oo birmagaydo ayuu yeelan lahaa. Saalax maalin walba waxa uu raadiya war kutiri -kuteen ah oo uu rabo in uu magaca Somaliland wax ku yeelo balse wararka uu soo dhigo cidi ma tidhaah "gadhoodhkaagu waa meeqa"


  2. Galbeedi, Adeerkay dhalyoow, 'Xeradeenu waa wada Ul, oo ul Hassan dhaanta kuma jirto', kuligood waynu soo aragnay, marka laga reebo ninka ugu yar een wali la tijaabin. Intaa aynu soo aragnay Hassan ayaa loogu qaatay oo waxaabu dhisay dhowr maamul, waxa la yidhi 'mayd waxa u dambeeyey kaa la sii sido' Hassan waxaabu maxkamad geeyey Baddi la rabay in Somalia laga dhaco oo dano khaasa loo adeegsado. Waxaan leeayahy:

     

     

    QABYO NINKEEDA AYAA DHAMAYSTIRA.

     

    Hasan Sheekh soo noqo adoo nabad ah.

    Hassan Sheekh dal ba’ay oo burburay ayuu yimi , 4 sano laguma dhamayn karo dhibaatooyinka Somalia haysta inta tamartiisa ahna wuu qabtay sida maamuladda la dhisay intii uu xukunka hayay. Muqdisho waxoogay nolol baa ku soo noqotay inkasta oo Alshadaadiin dagaal xoogle kala hortimi.

    Hasan isla markii uu xafiiska qabsadayba waxa ka horyimi xoogag mucaarad ah oo xitaa waxa laga soo ceshay Airportka Kismaayo! Hassan dagaal xoogan waxa kala hor yimi qolyo la baxay SAHAL oo safarkii u horeeyey ee uu dibad ugu boxo boodhad isla hortaagay hodheelkuu ku jiray.

    Hassan Sheekh wuxuu u yimi dal aan nidaam dawladeed ka jirin oo lays wada dhacayo. Raysalwasaarayaashii uu soo doortayna mid waliba markuu Garoowe booqdo ayuu sheeko aan laysla ogayn ula iman jiray dabadeed isna waa nin go’aan qaadasho leh oo wuu badelayey.

     

    Arimihii dibadda wax buu ka bedelay oo intii uu joogay, Somalia dawlad ayaa loo aqoonsaday. Qolyaha ku mucaaridku waxay Hassan ku cambaareeyaan musuqmaasuq kaasina waa waxay Somaliyo Ilaa xornimadii ku soo dhaqmaysay oo caaddo u noqotay suurto-galna ma noqonayso in dawladda Hassan 4sano ku dhamayso, mudo intaa ka badan iyo dalkoo dawladnimaddisu xoog yeelato uun baa taa lagu gaadhi karaa. Galbeediyoow, Inaaadeer adba caqlaad leedahee bal yaa dhaama Hassan?

    Hadal iyo dhamaan waxa fiican in la soo doorto Hasan sheekh si uu u sii wado waxa uu yagleelay si dawladnimadu lugaha isugu taagto.


  3. Tallaabo

     

    Xoolo walaalkaa leeyahay ood arkayso in baad looga qaadayo ma ka aamusi lahayd? Hada adigu xoolahaa waxba kuma lihid! Tuugaa wax dhacaya haduu maanta u badheedho inuu walaalkaa dhoco ;maxaa u diidaya in uu adna bari siduu doono kaa yeelo? Hadda annigu dastuurkii inoo yiilay ma jebin. Bi'i waaye Burco xaal sii waa halkii ugu horaysay ee calanka tawxiidka leh laga taagay'e.


  4. Saalax, Horaan kuu idhi ina ayaad tahay? Sheego waxaad tahay, Silaanyana kursi waxa ugu dambaysa March 2017 hadii Alle gaadhsiiyo. Hadaad real Lander tahay mar kaliya uun baa la arki lahaa adiga oo wax fiican dalka ka sheegaya. Galbeedi waa nin Somaliland u dhashay ahna die hard Unionist hadana waligii wax dalka dhibaato u keenaya ma qoro, Yes dee markuu arko in lagu xad gudbay microphone wuu qaataa balse dalku ha dumo lagama maqlo.


  5. Galbeedi, Dee waxaan arkay nimankii Somalilanderka ahaa sida Xaaji, Talaabo & Co oo barkinta dheeraystay! Malaha markay arkkeen 5 karoon oo duulaysa ayey iska hawl yaraysteen ama dabaal degii ayaa la dheeraaday. Adigaagii sources wax og wax ka soo xigan jirayna, malaha markaad aragtay waxaad aaminsanayd oo jar ka laalaadda waad ka gaabsatay inaad isbadelka baaxadaa le'eg bal wax ka xusto.

     

    Oodweyne isagu waa gaadh-haye meelo kale oo badana shaqo ayuu ka hayaa oon ku soo arkay, halkan lafteedda waa kaa heeganka ku jira. Cidi shaqo ima qorine , waxaan ahay isqor.