Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Posts posted by Barwaaqo


  1. Maanta uun bay u daraayeen oo yidhaahdeen ‘ceebay tacaal’ . Waxa la arki doonaa cidda Berbera ka talisa. Huuhaadda Barlamaanka Somalia xitaa foodleydda Adhi-jirta ah baa ku googaalaysan doonta! 

    Hebeloow, Googaa;

    Heblaayooy, Cigale

    Heblaayo: Ma ii sheegi kartaa, wax iska hadla oo mooshin beenbeen oon awood lahayn u codeeya?

    Hebeloow: Taa cid waliba waa ogtahay, xitaa ’waxaraheena’ ayaa og oo waa Barlamaanka Somalia.

     

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 3

  2. Ina Faqash , oohini adigay kuu sugnaatay, aniga Halkanna ‘laba-diamond-layaal ‘ baa igu metalla uu abaanduule u yahay ninka qalinka dahabka ah ku xaragoodda ee ku gaadhsiiyey inaad cay iyo habaar miciinsato ileen af iyo adin  toonna waxba isagama Celin kartid‘e, dhulkayganna calanka tawxidka leh baan subax walba ku salaamaa.

    Halkan markay maqan  yihiin baan dhaawacay ka tageen aan dhinaca kale u laadaa kkk ileen halyeeyo ayaan ogahay inay ii suuro galiyeen  arintaase ,umaba imaado inaan kula doodo ee taana ogow.

    Heesta aad soo dhigtay adigay ku sharaxaysaa siyaasiyan; waxba gacanta kuuguma jiraan ee ooy bay ku leedahay!  Kula yaabi maayo oo Af-somaligii  af- Kuukuuyo ayaa  kaa badhxay;  ‘Waxaan ku badnay, Waxaan ku baray baa ka sii daran’

    • Like 1

  3. Oohintani caqlilaawoow ma aha mid fulaynimo ee waa mid ah qiiro na xasuusinaysa dadkayagii ay xasuuqday qawlaysatadii haligantay! Hada waanu ka guulaysanay oo xididadaanu u siibnay xaaraan-quutayaashii iyagoo jihaadkaan bilawnay ka  dhigay wax Utaanga ku dhalanaya generation kii labaad, wax suuli Afrika ku yaal ku dhintay iyo qaar aanu hurdo u diidnay wakhtigan xaadirka ah inay magaalo madax-maamul goboloodkoodda si nabad ah u seexdaan.

    Aniguba qiiro ay xusuusi ku ladhan tahay ayaan ooyey oo curadkii aabahay oo isaga oo la dagaalamaya Faqash ahaanna 25 jir u dhintay dalkiisa iyo dalkiisa gaar ahaan anigga oo walaashii ah inaan ku noolaado xoriyadda laydha macaan een maanta Burco ku dhex mushaaxayo .

    Khudbadda Madaxweynuhu waxay na kulansiisay dhamaan familiga ku nool daafaha aduunka oo aanu ku xusnay mujaahidiintii ehelka dhow ahayd iyo kuwii reer Somaliland. Mar hadaanu Faqasheey idin fashilinay oo Somalidii kalana tusnay waxaad tihiin, maxaan idiinka tagnay waydinkaa Kenyati dalkiinii dhinac goosanayee!

     

    • Thanks 3

  4. 25 minutes ago, Oodweyne said:

    But then again if sheer "political embarrassment" could kill someone, then the folks and the "political elites" of that Villa in Mogadishu will be dead on the ground long time ago.

    Priceless 😂😂😂😂😂😂 

    ‘Ileen ceeb looma dhinto’ maahmaah bay ahayd.


  5. Oodweyne 

     

    Sheegatadu wuxuu I xasuusisay sheekadii ahayd labadda haween ee isku qabsaday Wiilka yar. Nin caqli badan ayaa dumarkii u garqaaday, Waxaanu ku yidhi wiilka yar inta laba loo kala jaro mid waliba badhkeeda ha qaadato! Tii sheegatadda ahayd way ku qanacday xukunkaa, balse hooyadii dhabta ahayd waxay goobtii ka sheegtay inaan wiilka laba loo kala jarin ee la siiyo Sheegatadda si uu u noolaado, halkaasaanna lagu ogaaday hooyadii runta ahayd. Kuye Faqash ciida Ceelafweyn ha  timaado!  Ninku waa sheegato sidaa miciin mooday. Kuweenna Unionists ku sheegga ah  miyaad aragteen mid leh dalkaygu ha baaba’o ?

     

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 2