Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Posts posted by Barwaaqo


  1. War lagu sii intaad soo tirisayba halkoodii bay Jamhuuriyadda ka duulinayaan    badidoodna Facebook iyo Twitter bay xaadir  ku yhiin , mareegihii wa laga ilbaxay.

    Saalax isagu waa sheegato harag shabeel buu huwan yahay.

    Talaabo dalkiisa lexejeclo ayaa ka haysa ee hala barbardhigin ninka metelaha ah.

    Oodweyne shaqo Culus buu qabtay oo ah tii  aqoonsiga keenaysay. Warla’aan baa col hoday!

     


  2. Hadii kale Waxaan lahaa

    Jabuuti iyo Somaliland

    Xuduud xeebtiyo dhulkaba

    Xidhiidh soo jiireeniyo  

     Xeer iyo Xidid wadaagiyo 

    Abti iyo Seediyo

    Huunooyin wadajiriyo

     

    Hadii kale Waxaan lahaa

    Jamhuuriyadii sii barakoowdayoo

    Waxaan dooranay Halyeey

    Samatarba sidii uu yidhi

     Dhabta meel ugu tagoo

    Kudhac iyo han-lahoo 

    Tunkiisa aan la loodin karin 

     

    Hadii kale Waxaan lahaa