SomaliaRising

Nomads
  • Content Count

    491
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by SomaliaRising

  1. Faahfaahin ku saabsan Mas'uul lagu qarxiyay Muqdisho (SAWIRRO) Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Muqdisho lagula eegtay maanta mas'uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo aanay jirin illaa hadda sheegatay mas'uuliyaddiisa. Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenkiisii dhinaca ammaanka laga jaray lug, sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaybta sare ee jirdkiisa. "Qaraxa wuxuu ahaa mid loogu xiray gaarigiisa, waxaana kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenkayga dhaawac culus, inkastoo lagu daweynayo hadda isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho," ayuu yiri Siidii oo wareysi siinayay VOA-da isagoo ku sugan Muqdisho. HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN: thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail Guddoomiyaha oo la weydiiyay su'aal ahayd inay jirto cid ay tuhmayaan iyo goob lagula xiray qaraxan gaariga uu guddoomiye ku xigeenku watay ayaa sheegay inay ku tuhmayaan Al-shabaab, balse aysan jirin goob ay tuhmayaan in gaariga lagula xiray miinada. Ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay qaraxan, iyadoo weerarkan uu ka mid yahay weerarro dhowr ah oo noociisa ah, kuwaasoo lagu qarxiyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xildhibaanno ay ka mid yihiin. Hay'adda dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qaraxa uu maanta ku dhaawacmay mid ka mid ah guddoomiye ku xigeennada gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo qaraxan uu kusoo beegmay xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanka Gandershe oo isku xira Muqdisho iyo Marko.
  2. Ok, They dont want aid so TFG must cutt down the aid they receive from UN and which small percent of that aid goes to maamulka waqooyi galbeed. Let see what they will say next.
  3. We have to support the struggle of Reer Awdal against the Separatist enemy. Reer Awdal hurtada haka kacaan, nimankaan cadowga la safan iska dhiciya walaalayaal.
  4. Alpha Team is not playing sxb. They are the real deal.
  5. This is sad news for the Separatist movement. A united Somalia is something that terrifies them.
  6. Did the RunSheeg session include that there is no government in Somalia?
  7. CidanSultan, they dont control Laascaanood. There is no separatist militia in Laascaanood. The brethren from Laascaanood and Buuhoodle are in disagreement,soon they will unite. The first sign of unity is made visible today when Laascaanood officials went to Puntland state. When all of Laas Aanoodis wakes up and recognize their real enemy then on that day the separatist ethiopian loyalists will loose L.A.
  8. Xukuumadda Somaliland oo Xayiraad kusoo rogtay TV-ga UNIVERSAL Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Wasiiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay inay xayiraad ku soo rogeen Telefishanka UNIVERSAL, isla markaana aanu ka hawlgali Karin guud ahaan dhulka Somaliland. Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, ayaa sheegay in telefishankaasi caadaystay dacaayado ka dhan ah Somaliland, isla markaana ku kacay falal qaranimada iyo anshaxa saxaafaddaba lidi ku ah. Sidoo kale, waxa uu sheegay inay maxkamad la gali doonaan telefishanka iyo mulkiilihiisa, maadaama oo uu sheegay inay ku xadgudbiyeen anshaxa saxaafadda iyo qaranimadda Somaliland. “Laga bilaabo maanta oo Isniin ah 3 bisha Febaury waxa laga joojiyey TV-ga Universal inuu ka hawlgalo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana TV-gaas iyo mulkiilihiisaba dacwad lagaga furayo Maxkamadaha Dalku leeyahay iyadoo loo marayo xeerarka caalamiga ah ee saxaafadda”ayuu yidhi Cukuse. Waxa uu intaas ku daray in TV-ga Universal uu soo dhaafay dhamaan xuduudihii u yaallay saxaafadda kana baxay heshiisyadii uu kaga hawlgalayey ciidda Somaliland, isagoo ay Gabbaad ka dhiganayso dawladda Soomaaliya oo faro-faraynta ay Somaliland ku hayso soo marsiisa Telefishinkaasi, ka dib markii ay laaluush ahaan u siisay dhisme balaadhan oo dadweynaha dalkaa ka dhexeeyey oo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayuu ku yidhi shirkiisa jaraa’id. Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii Telefishankaasi soo daayey barnaamijka la yidhaa faaliyaha Qaranka oo uu filim kartoon ka sameeyey madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, oo aanu xayiraata telefishanka wax ka waydiinay ayaa sheegay in filim kartoonadda iyo madadaaladda siyaasigu aanay dambi ahayn, isla markaana warbaahintu horaba filim kartoono u samayn jirtay. Xoghayaha ayaa sheegay in aanu daawan barnaamijkaasi, balse ay rusqadda kala noqon karto xarun warbaahineed maxkamadda oo qudha, isl markaana lagu xayiri karo marka mabaadiida guud iyo arrimaha qaranimada wax laga sheego, balse madaxda laga faaloon karo, isla markaana aanay dambi ahayn in filim kartoon laga sameeyo. Si kastaba ha ahaatee, barnaamijkan faaliyaha Qaranka ee ay ka soo qaadeen madaxweynaha Somaliland oo ay ka waraysanayaan waxyaalaha lagu xanto ayaa dadweynaha Somaliland siyaabo kala duwan uga hadleen, isla markaana dadweynuhu ka faaloonayeen, iyadoo ay iskugu jireen dad taageersan iyo kuwo naqdiyeyba. Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland Communism or democracy?
  9. Madaxweyne Xasan oo sheegay in dowladdiisu ay hub soo iibsanayso Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay markii ugu horreysay tan iyo markii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay cunnoqabateynta hubka ka qaadday Soomaaliya sannadkii hore inay hub kasoo iibsanayaan dalal aanu carrabaabin. Wareysi uu siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayuu madaxweynuhu ku sheegay in qorshaha dowladdiisu ay tahay mid ay ku doonayso inay ku cirib-tirto kooxda Al-shabaab. “Tani waxay naga caawinaysaa sidii aan ciidankeenna ugu heli lahayn qalab ciidan oo dhameystiran, si aan uga hortagno dagaallada aan kula jirno Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Bishii Maarso sannadkii 2013 ayay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka qaaddeen cunnoqabateyntii hubka ee Somalia tasoo saarnayd tan iyo sannadkii 1992-kii. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay xariga Sh. Xasan Daahir Aweys oo kasoo goostay bartamihii sannadkii hore Xarakada Al-shabaab, kaasoo gacnta ugu jira ciidamada dowladda Soomaaliya. “Sheekh Xasan Daahir waxaa lagu hayaa goob ammaan ah, ma jiro wax xukun ah oo weli lagu riday, xukuumadduna waxay go’aan ka gaari doontaa arrintiisa markii ay ha’yadaha ammaanku soo dhameystiraan su’aalaha ay weydiinayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam, Shiikh Xasan Daahir ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii hore ee Soomaaliya, isagoo gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya tan bishii Juun 2013, inkastoo aan go’aan cad weli laga qaadan.
  10. Heshiiskii Doner Kebabka lol No concessions to secessionists. The unity of Somalia is sacred.