Someone e-mailed me this story...so I hope you all enjoy it.  
  
	WAA QISO DHAB AH  
  
	Waa sheeko musiibo ah Gabari ay oga sheekaynayso  
  
	saaxibaddeed..........Wallaahi waa Yaabka yaabkiisa Musiibo tii u  waynayd dheh ......  
  
	Assalaamu calaykum walaalaheyga sharafta laheey waan ku salaamay. Salaan ka dib Marna ma rumaysanaysid waxa igu dhacay iyo waxaan dhib naftayda u  soo jiiday, aduunkan waxa iigu wayn oon doonayo maanta waa danbi  
  
	dhaaf ilaaah iyo INAAN DHINTO INTAANAN ANIGU NAFTAYDA DILIN. Ma garanyo waxaan naftayda ku sameeyo quusashadaan ka dib.  
  
	Maalin ima soo marto illaa waan ooyaa illaa aaan gaaro inaan wax arki waayo. Maalin walba waxaan ku fakaraa inaan is daldalo,  noloshaydu wax qiimo ah iima laha.  
  
	Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma  dhasheenaa, shalle-ytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan sameeyaa wareer baan ku sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen  waxaan mibna lahayn dhadhanna lahayn.  
  
	Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo  qoyskayga. Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan dumiyay  gurigayga. Wax walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa. Magac  walboo xun iyo tilmaam walboo xun ood igu tilmaamtaan waan  istaahilaa, *****  dabaal caqlilaaw, hawa raac iyo iyo iyo.  
  
	Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof dib ii celin kara oo soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro mana  idinku jiro qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan ka  noqosho lahayn wayna gashayna buugga taariikda.  
  
	Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabar walba oo Muslimad ah oo  isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin iyo si aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli qaataan  kuwa caqliga leh.  
  
	Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabar saxibtay Gurigeeda. Maalin  ayay gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid ahayd kuwa  internetka isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka wax  iga barto. Muddo 3 bilood gudaheeda ayay wax walb oo ku saabsan  internetka igu bartay waxay i bartay chat roomyaashoo dhan waxay  kaloo i bartay sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web site  
  
	yaasha cusub iyo kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.  
  
	3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu internet  guriga soo galiyo. Aad ayuuna oga soo horjeeday arrintaan illaa aan ku qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay ehelka  iyo asxaabtaba, waxaana xujjo oga dhigay inay saaxiibaday wada  isticmaalaan internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo  internetkuna nooga lacag jabanayahay Telefoonka. Wuu ogolaaday  dagaal badan ka dib asagoo aniga ii naxariisanaya.  
  
	Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto  Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena igama  maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar walba  oo uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan internetka ugu ordaa, waan hor fariistaa anoo saacado badan maalin walba ku jira.  
  
	Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu sii Maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu iskuma kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna aad uma fiicnayn markii la garabdhigo walaalahay iyo saaxiibaday, wanaagayga  ayuu marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka dib waxaan bilaabay in internetku uu noqdo meesha kaliya ee aan ku dareemo farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn inaan  ehelkay u safro oon u safri jirnay labadii wiigba mar.  
  
	Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan u  damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan iga  shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka samaynayo  Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu i arkay  anoo maalin ku jira ”Voice Chat” qof kula sheekaysanaya ”cod ahaan”  isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i canaanto  asoo leh internetku waa wax balaaran waxyaalo badanna laga  faaiidaysan karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo  website anfacaya dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga ah ood  waqtiga isaga dhuminaysid. Ka dib waxaan isku dayey inaan ka  faaiidaysto internetka mar danbana aanan galin ”chat roomka”  (Qolalka wada sheekaysiga) inaan la hadlayo walaalo iyo saaxiibo mooyee.  
  
	Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamaddda  guriga, waxaan garanayay waxaan xafiday waqtiyada uu ninkaygu  shaqada dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo  computerka oo uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka.  
  
	Waxaan si aada u dayacay naftayda. Waagii hore aad ayaan isu qurxin  jiray sida ugu qurux badanna baan u labisan jiray intuusan ninkaygu shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan  tartiib tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u illaawo  illaa aan dhammaan wada illaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto  cudurdaaryo beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan soo  laabanaysid, ama waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa badan.  Waxaan aad ugu mashquulsanaa internetka illaa aan gaaray inaan soo  
  
	kaco ka dib markuu seexdo oon galo internetka dibna sariirta ugu  laabto intuusan soo kicin. Laga yaabee inuu dareemay internetka  waxaan ku hayyo inay tahay waqti dhumis ee aanan waxba ka faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga dhimrinayay kalinimada maadaama ay ehelku iga fogyihiin, asna shaqo ku mashquulsanyahay, balse waxaa  aad u dhibayay ihtimaam la’aanta aan u hayya caruurteenna mar  
  
	walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan isku daafaco ayaa ahaa  oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda intuu ka maqanyahay,  see baad saas ii oran kartaa.  
  
	Aan soo gaabshee Internetka intaan guriga la soo galin ka hor  
  
	ninkaygu guriga ka maqanyahay waxaan wici jiray tobannaan jeer inaan  maqlo codkiisa oo kaliya. Haddana internetka ka dib inaan is maqli  wayno oon waco maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.  
  
	Ninkayga waxaa ku dhalatay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka  laakiin masayrkaan waxaan kula dagaal lami jiray boohin iyo sirta  haweenka iyo xeeladda wayn een u leenahay qancinta nimankeenna.  
  
	Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 bilood marna kuma soo  dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo internetka.  
  
  
	Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay magacyo  la soo tobal caaraystay “Nick Names” aanan garanayn inay niman  yihiin iyo inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii soo gala  si uu iila sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo og inuu  yahay nin waxaan la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay iga  caawiyaan computerka wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan  internetka. Dadkaas mid ka mida ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay  sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u lahaa internetka, mar walba waan la  sheekaysanayay dhib walba oo iga soo waajahda computerkana asaan  kula ordayay ilaa uu kulankeennii noqday mid yawmi ah oo maalin  walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa iyo kaftankiisa xiriirkeennu  
  
	inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba maalinka ka dambaysa. Aniga  iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna naynaasan –hebal—arrin wayn wayn  ayaa na dhex martay wuxuu igu kaday hadalkiisa malab ka ah  erayadiisa jacaylka eed moodo inuu buug ka soo xafiday, laga yaabee  in erayadiisu aad aysan u qorxoonayn laakiin shaydaan ayaa malab ii  mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.  
  
	Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga maqlo  wuuna ku adkaystay dalabkiisa illaa uu igu handaday inuu iga tagayo  iskayna mootin doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago dalabkiisa kana dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan waayay.  
  
	    Meel dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishardi inay  noqoto hal wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon  namarradii ayaan is dhaafsannay. Waan wada hadalnay anooo walwal  wayn iyo cabsi igu jirto, laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa, waan gariirayay marwalboon maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu shaydaan  sadex nagu ahaa iina qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay dhawrsanaantayda iyo akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka  
  
  
	dhimmanayd. Halkaan ayayna ka bilaabatay noloshayda daba  
  
	gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan wuxuu oran ninkaygu  yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin arrintu waa caksiga  shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma aadi jirin aniga  awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.  
  
	Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku noqday  Internetka oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa 12  saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahs ninkayga joogitaankiisa in  badanna aan taas ku cataabo kuna boorriyo inuu waqtiyada shaqada  badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno daynta is  fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu qaatay  saaxiib ayuu mashruuc yar kula noqday shirko, markaa ka dib  saacadaha aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.  
  
	Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa ayaa sii xoogaysatay. Wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno  codkayga markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan  kamana hoos qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray  dalabkaan uu iga dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan anba aad u xiisaynayay araggiisa laakiin inaan anna xiisahayga cadaysto waxaa  iga hortaagnaa cabsi aan cabsanyo fadeexad ee ma ahayn cabsi aan Ilaah.  
  
  
	Dalabkiisii ayuu aad ugu adkaystay aadna iigu ilxaaxiyay inaan is aragno arag oo kaliya aan wax kale ahayn. Waan aqbalay bishardi inay ahaato tii ugu horraysay uguna danbaysay, wuxuuna yiri anba intaas  oo kaliyaan doonayaa inaan ku arko oo kaliya wax hadal ahna aanan is  dhaafsan. Waxaan filayaa inuu rumaysan waayay inaan ogolaaday ka dib  markuu ku dhawaaday quusasho, waxaana ka dareemay inuu farax la kala  batay, wuxuu igu qanciyay inuu yahay qof Ilaah ka baqaya wax dhibana  haba yaraatee aysan xaggiisa iga soo gaarayn uuna ii noqon doono  gidaar oo kale intaan wada joogno wax dhib ahna aanan arki doonin,  
  
	wuuna ogolaaday shardigii wuxuuna ku dhaartay inaysan arrintu aragti  kaliya dhaafin. Waana yeelay.  
  
	Waa ballan-nay taasoo shaydaan sadex nagu yahay suuqyada waawayn mid  ka mida dukaan kaas saacadaas daqiiqadaas. Wuu i arkay anna waan arkay “Shallaytadaydeen ma arkeenaa”!!!!!!!!!!!! wuxuu ahaa quruxloow aad u quruxbadan jirkiisa iyo dheerarkiisa dhan walba oo  jirkiisa ahna waa i cajabisay muddu daqiiqad ka yar daqiiqadaas aan  arkay waxaan dareemay inaanan arag ninka qurux badan intaan noolaa, ninkaygu ma foolxumayn mana gaabnayn mana buurnayn laakiin  daqiiqadaas waaan dareemay inaanan horay u arag nin ka qurux badan. Asna xaggiisa ma rumaysan inuu la sheekaysan jiray gabar sidayda u  eg, wuxuuna ii cadeeyay inuu aragtidayda ku farxay quruxdaydana uuna  rumaysan waayay inuu gabar saas u qurxoon mudadaas la  sheekaysanayay, wuxuuna ii jeclaaday sidii wax waalan, wuxuu  bilaabay inuu i yaraahdo waan is dilayaa haddaan ku waayo wuxuu  kaloo oran jiray shallaydee waligay kuma arkeenaa wuxaan dareemay  naagnimo waxaan bilaabay inaan qurux aanan horay isugu tuhmi jirin  inaan isku tuhmo xattaa guurkayga ka hor.  
  
  
	Ma uusan ogayn in la i qabo ninkaygana uu Ilaah caruur iga siiyay. Wada sheekay-sigeennii intaan is aragnay ka dib aad ayuu isu badalay wuxuuna ahaa mid wada sheekaysi jacayl, wuxuuna ogaaday meelaha aan ka nuglahay iyo daciifnimadayda shaydaanna waa caawinayay laga aabee inuu hogaanka u hayay. Wuxuu doonay inuu i arko aad ayaan  
  
	    taas u diidanaa mar walbana waxaan xasuusinayay ballantuu qaaday,  
  
  
	balse naftaydaa aad ayaan oga dareemayay inaan jeclahay inaan arko,laakiin suura gal iima ahayn inaan arko ninkayguna magaalada joogo, aad ayaan isugu sii dheeraanaynay waa walboo barya waxaana mar walba xasuusinayay in la i qabo caruurna leeyahay. Wuxuu igu yiri waxaad tahay Xuurl Caynta aduunka. Codkiisa iyo sheekadiisa ayaa waxay ii  
  
	noqdeen daraag oo kale i qabanaya haddaan saacado moognaado, waxaaan sawirtay anoo hor jooga labadiisa gacmood ku dhex jira see dareemi  lahaa, wuxuu i nacsiiyay ninkayga aan marna arag raaxo dalbaadkayga fulintooda iyo farax galintayda awgeed. Waxaan bilaabay inuu madax  
  
	xanuun igu dhaco maalin ama laba maalmood haddaan chatRoomka ka waayo waxaan kaloo bilaabay inaaan dareemo masayr haddaan arko asoo  dad kale la sheekaysanaya ma garanyo waxa igu dhacay, waxaan noqday tan aadka u doonaysa una xiisaynaysa.  
  
  
	Wuu dareemay inaan ku waashay wuxuuna gartay suu iiga faaiidaysan  lahaa wuxuuna falkeeda galay suu maalin kale ii arki lahaa, maalin  ma soo maro illaa wuxuu soo celiyaa dalabkiisii ahaa inaan ku arkaan doonayaa annaa aan diidayo anoo xujjo ka dhiganaya waa la i qabaa, asna uu leeyahay ee maxaan samaynaa?? Ma saas baan ku jirnaa illaa  aan murugo u dhimanno?? Ma caqli gal baa inaan is jeclaanno aana  
  
	awoodi kari wayno xattaa inaan isku soo dhawaannoo?? Qasab waa inuu  xal jiraa aan ku kulmi karno si aan ugu wada noolaano hal saqafhoostii, wax uusan isku dayin lama arko anna wax walba aan ka diidayo illaa uu soo gaaray inuu ii soo bandhigo guur oon ninkaygana  ka dalbado furriin si aan isu guursanno, haddaanan saas sameyn inaan  is dilo ama waasho ama aan ninkaaga dilo. Run aad ayaan u  cabsaday..... laakiin waxbaa xaggiisa ii jiiday ina illowsiinayay ninkayga iyo caruurtaydaba waxaabad moodaa inay fikraddu i  
  
	cajabisay, mar walbuu ila hadlo waan gariirayay ilkahana isku  
  
	garaacayay waxaad moodaa in korkayga qabow lagu furay, aad ayaan u  wareeray, waxaan dareemay inaan naftaydu ninkayga xabsi ugu jirto Jacaylkaan u hayyayna uu dhammaaday waxaan bilaabay inaan araggiisa  iyo suu u egyahay aan naco, waan illaaway naftayda iyo caruurtaydaba  
  
	waxaan ka shallaayay oo nacay guurkaygii iyo noloshayda waxaan dareemay kalinnimo sidii inaan kali ku ahay.  
  
	Markuu ogaaday oo hubsaday jacaylka aan u qabo waynankiisa iyo siduu ii hantay wuxuu ii soo bandhigay inaan mushkilo ninkayga ku furo siinan wayneeyo mar walba illaa ii i furo arrinkaan horay ugama soo dhicin laakiin markaan maqlay waxaan dareemay inay tahay albaabka kaliye ee ii furan een oga bixi karo waxaan xabsi ahanta u dareemay  
  
	“ waa la noolaashaha ninkayga”. Wuxuu ii ballan qaaday inuu i  guursan doono ninkaygu markuu i furo ka dib inuuna farxad iyo nolol  tan u wacan ku wada noolaan doono.  
  
	Arrinkaas sameyntiisu iima fududayn yacni inaan ninkayga ku furu dhibaatooyin ii sababa furriin. Laakiin jacaylka aan ninkaan u qaaday ayaa igala waynaaday run ahaanna waxaan bilaabay inaan dhibaatooyin samaysto ninkaygana buuq ku furo maalin walba.  
  
	Ninkaygii arrinkaan waa u adkaysan waayay wuxuuna bilaabay inuu  guriga ka maqnaado intuu ka maqnaan jiray in ka badan ilaa uu gaaray  inuu guriga u yimaado jiif kaliya. Xaalkaan ayaan ku jirnay dhowr  usbuuc annaa aan mar walba sii abuurayo mushkilado cusub, waqti  dheer ayay arrintaan qaadatay ninkaygiina waa u sammray dhibtaydii.  
  
	Ninkii aan khiyaamada isla wadnayna waa i daahsaday wuxuuna iga dalbaday inaan is aragno sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuusan ku furin si dagdag ah waa inaan is aragnaa haddii kale ?????. waan ka aqbalay ka noqnoqosho la’aan. Waxaabad moodaa inuu ibliis dabada iga wado go’aamadana ii goynayo waxaana ka dalbaday inuu muddo ii sugo intaan jaanis ka helayo. Maalinkii arbacad kuna aadanaa 21/01/1421 H. Ayaa ninkaygii i yiri safar shaqo oo shan bari qaadanaya ayaan u baxayaa, farxad ayaa i qaaday waxaana dareemay tanu inay tahay waqtigii aan sugayay.  
  
	Ninkaygu wuxuu doonay inuu ii diro reerahayga si intuu maqanyahay aan xagga u sii joogo una soo sitareexo. Laakiin waan ka diiday boqolaal cudur daarna waan keensaday inaanan bixi karin. Wuu ogolaaday asoo aad u dhibsanaya safarkii ayuuna u baxay maalitii jimcaha ahayd. Maalitii axadda ayaan wada hadalnay waxaana u sheegay  inaan diyaar u ahay is araggii waan ogaa waxaan samanayo inay qatar  ahaayeen khalad waynna ahaayeen, laakiin waxaan iraadadayda iyo awoodayda waa ka sarreeyeen ilaa aan gaaray inaanan wax cabsiyaba dareemin. Waan isla baxnay haa run ahaan waan isla baxnay NAFTAYDA AYAAN IIBSHAY. Waan raacay anoo isugu sheekaynaya aad ninka si wacan u soo baratid. Waxaan ku ballanay suuqyada midkood, ballantii ayuuna ku yimid. Waxaana fuulay gaarigiisa waan soconnay annagoo magaalda jididkeeda war wareegayna. Waxba ma dareemin inkastoo xoogaaa cabsiya igu jirtay balse waxay ahayd markii ugu horraysay oon la baxo nin aan waxba ii ahayn waxa kaliyoo naga dhexeeya ay tahay  sheeko 7 bilood oo kaliya socotay oo ahayd chat roomka iyo halkulan  oo ahaa daqiiqad in ka yar. Waxaa ka muuqday walwal kan iga muuqda  kan ka badan oon ka dareemi karay hadalkiisa.  
  
	Waxaan ku bilaabay hadalkii.  
  
	Ma doonayo inaan in badan ka maqnaado guriga waxaan ka baqayaa inuu  ninkayga soo waco ama wax kale dhacaan.  
  
	Wuxuuiigu jawaabay Waayo oga fakaraysaa ha soo wacee iska daa inuu ku furood ka istreexdid ayaa laga yaabaaye.  
  
	Uma bogin sheekadiisa iyo erayaduu isticmaalayo, walwalkii i hayyay  ayaa igu sii siyaaday.  
  
	Waxaan ku iri waa inaadan aad u fogaan ma doonayo inaan guriga in badan ka maqnaado.  
  
	Wuxuu iigu jawaabay Xoogaa waan soo daahaynaa maxaa yeelay marna si fudud kugu sii dayn mayo waxaa kaliya oon doonayaa inaan xoogaa waqtiya adiga kula qaato ishana kaa buuxsado waxa laga yaabaa inaadan mardanbe ii ogolaan inaan dib kuu arko.  
  
	Saaas ayay sheekadaydii ku bilaabatay inkastoo walwalkaygu uu sii badanayay saasoo tahay naftaydu waxay sii jeclaysanaysay marwalba inaan la sii joogo. Sheekadeennii waxay bilowday inay u waajahsato xagga romansiga Jacayl, ma garanayo inta saac oon isla joognay xattaa ma dareemin jidka aan hayno iyo meeshaan u soconno toona.  
  
	Waxaan ku baraarugay anoo jooga meel aanan garanayn, mugdi ah una eg beer lagu nasto, waxaan bilaabay inaan ku qayliyo waa maxay meeshaan aan joogno?! Xaggeena ii wadaa??.. sakanno duduhood gaarigii waa gaarigii oo istaagay iyo nin kale oo albaabka gaariga furaya iigana soo bixinaya gaariga si xoog ah.......waxaad moodaa wax walba inay  sidii biriq u dhacayaa yacni dhaqsaha ........... waan qayliyay ........ waana ooyay.......bal inaan wax i caawiya arko .........  waxaan gaaray inaanan maqlin waxay sheegayaan aanan fahminna waxaan dareemay dharbaaxo wajiga la iiga dhuftay iyo qaylo la igu qaylinayo iyo ruxruxid la i ruxruxay illaa miyirkii iga tagay cabsida i haysay waynankeeda awgeed. Ma garanayo waxay igu sameeyeen iyo waxay ahaayeen iyo intay ahaayeen toona, laba ka mid ah ayaa uun arkay,  wax walba sidii biriq ayay igu dhaafayeen. Waxaan ku baraarugay ooku miyirsaday anoo dhabardhabar u jiiffa dharka intii badnaydna la iga siibay, jiifana qol faaruq ah dharkaygiina la jeexjeexay waxaan bilaabay inaan qayliyo oon ooyo korkaygoo dhanna wuu wada wasakhaysnaa waxaana filayaa inaan isku  
  
	kaadshay. Sakanno ka dib waaba asagii oo soo galay qoslayana.  
  
	Waxaan ku iri:”Ilaahaybaan idinku dhaarshaye iska kay sii daaya inaan gurigaygii ku noqdaan doonayaaye”.  
  
	Wuxuu i yiri:”Gurigaaga waad ku noqon doontaa, laakiin waxaad iga ballan qaadaa inaadan qofna u sheegin. Haddii kale fadeexad ayay ku noqon ehelkaaga, haddaad i sheegto ama dacwo igu soo oogtana waxaan ka aargoosan caruurtaada”.  
  
	Waxaan ku iri:”Waxaan doonayaa inaan gurigaygii aado oo kaliya qofna  u sheegi maayo”.  
  
	Waxaa iga tanbata cabsidii waxaan dareemayay jirkayga oo gariiraya mana joojin oohin intaas uun baan ka xasuustaa wixii dhacay wax kalana ma xasuusto waxaa kaliya oon xasuustaa meeshii markuu iga soo qaaday ilaa uu guriga i keenay waxaa u dhaxaysay 4 saacadood.  
  
	Indhuhuu iga xiray oo gaariga ayuuna i soo saaray. Wuxuuna igu  tuuray meel u dhow gurigayga. Qofna ima arag anoo saas ah “qaawan”.  
  
	Gurigaan si dagdag ah u galay, waxaana ku laabtay oohintaydii ilaa ay ilmadii iga dhammaatay. Markaas ka dib ayaa waxaan ogaaday inay i kufsadeen dhiigna iga da’ayay. Waan rumaysan kari waayay waxa igu dhacay iyo waxaan naftayda gacmahayga ugu soo jiiday. Waxaan maxbuus ku noqday qolkayga. Ma arag caruurtaydii, cuntana afkayga kama dagin. Alla hoogayeey Jaxiimaan lugahayga ku raadsaday, saan ka dib muxuu xaalkaygu noqon doonaa. Naftaydaan nacay waxaana isku dayay inaan is dilo naftana iska qaado. Waxan ka baqayaa fadeexada iyo ninkaygu wuxuu i oran doono. Ha i waydiin caruurtay, waxaan Xattaa  markuu ninkaygii safarka ka soo noqday wuxuu dareemay is badalka  
  
	wayn ee igu dhacay. Xaalkaygii aad ayuu u sii xumaaday illaa uu gaaray inuu isbitaal xoog igu geeyo. Laakiin nasiib wanaag  dhakhtarradiii ma ogaan wax igu dhacay. Waxay uun igu arkeen cunto xumo iyo dhiig la’aan. Waxaan ninkayga ka dalbaday inuu ehelkayga ii qaado sida ugu dagdagga badan aan ayaan u ooyay ehelkayguse aysan waxba ka ogayn waxa iga oohinaya. Waxayse iska dhaadhiciyeen in aniga iyo ninkayga mushkilo na dhex taal. Waxaa i soo gaartay inuu  aabahay la hadlay ninkayga, balse wax natiijo ah aysan oga soo bixin, sababtooo ah ninkaygu xattaa waxba ma ogayn. Qof garanyo lama  arko waxa igu dhacay oo ehelkayga ka mid ah. Ehelkayga waxay ii geeyeen nin quraan igu aqriya, ayagoo u haysta in il ama jinn igu  dhacay.  
  
	Xaq uma lihi inaan ninkayga la sii noolaado, waxaana ka dalbaday furitaan, markii hore anaa isla rabay furitaanka, laakiin hadda asaan doonayaa inuu iga istareexo si uu gabar dhawrsan u guursado iyo anoo ixtiraamayaa caruurtayda aabahood. Xaq uma lihi inaan ku dhex noolaado dadka sharafta leh. Waxa igu dhacayoo dhan waa waxan labadayda gacmood ku sameeyo. Anigaa gacmahayga ku qotay qabrigayga.  
  
	Saaxiibka chatroomkuna waxaa uun ahaa wiil ugaaranaya anna dabinkaan ugu dhacay. Qof walba oo sheekadayda ogaada wuxuu igu sifayn doonaa  *****  ama caqli laawad waxaas iyo wax ka wayn ayaan xaqsadaa, bal rajmi in dhagax la igu dilaan xaqsadaa........ taasooy tahay waxaan  tamanninayaa inaysan ku dhicin gabar muslimad ah waxa igu dhacay.  
  
	Waxaan rajaynayaa inuu ninkaygu iska kay cafiyo ceebtaan aan u soo jiiday xaq uma laha caruurtaydana waxaan ka rajaynayaa sidoo kale inay iska kay cafiyaan anaa sabab u ahaa sabab u ahaa sabab u ahaa  sabab u ahaa ..........  Ilaahna waxaan waydiisan danbi dhaaf.  
  
	Miyaanan la gaarin waqtigay waantoomi lahaayeen gabdhaha ku waalan chatroom ka ilaahyna ka baqi lahaayeen. Khaladku ma aha internetka laakiin annaga weeye waxa sida xun u isticmaalaya khayrka ka tagaya xumaantana raadsanaya faaiidadiisu way wayntahay annaguna xumaantaan ka doonaynaa.  
  
	Waxaa haray inaan iraahdo............wey dhimatay saaxiibtey  usbuucyo ka dib ayey dhimatay sirteediina waa la dhimatay ninkeedii oon ogaan ayayna dhimatay. Aniga oo kaliya ayey ii sheegtay anna inaad ku cibra qaadataan awgeed ayaan idiinku soo wariyay.  
  
	Ninkeediina ma furin waxaana ogaaday inuu aad oga murgay iyo inuu ka tagay shaqadiisii, uuna fariistay guriga si uu u koriyo caruurtiisa.  
  
	Intaa ka dib waxaan dareemay inaysan noloshani ahmiyad saas u sii wayn lahan dhadhanna waligeed yeelanayn illaa daacada Ilaahay iyo Rasuulkiisa mooyee.  
  
	Ilaahay ha u naxariisto danbi dhaafna Ilaah u waydiiya.